-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Looks pretty good nice pics
-
Rain Resources arranges $65-million financing
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
TFG who? -
Dibax Bax Ka Dhacay Magaalada Qardho Cabdullahi Nuur Maxamed (Kolombo) | Washington Dad dibadbaxyo ashtaka ah dhigayay ayaa isu soo baxay maanta jidadka Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, xilli madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxman Maxamed Faroole uu booqasho ku joogo magaalada. Qaar ka mid ah Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa VOAda u sheegay inay kaga soo horjeedaan in muddo kororsi ay sameystaan madaxda Puntland. Wareysi VOA ay la yeelatay mid ka mid ah dadka dibad baxa dhigayay oo lagu magacaabo Axmed Cabdinaasir Cali, halkan hoose ka dhageyso. http://www.voanews.com/somali/news/Dibax-Bax-Ka-Dhacay-Qardho-142342795.html
-
Puntland Sport Minister Visits Garowe Multiplex Sporting Ground. PICS
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
^ma indhahah mad madow ay isku hayaan baad la yaabtay mala basket bay so ciyaarayeen oo murayadihi or as they say in Somalia Ukuyaalihi meel bay iska dhigeen. -
TFG minister Maxamed Maxamuud Xaaji Ibrahim accepting bribe - audio
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
^^ U malayn mayo inu maadaay telefoonkisa hada furanyahay -
Khatumo State President Indhosheel, we have nothing to do with Faroole
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
Abdul;802852 wrote: They have nothing to do with you also. Never said that but he spoke well and that's what matters -
Just go on a cruise and buy her a nice red dress i love red dresses on woman
-
Somalina;802843 wrote: Quick question Dr Osman, what's the title of Farole's doctoral thesis? The same as osmans:D
-
TFG minister Maxamed Maxamuud Xaaji Ibrahim accepting bribe - audio
Xaaji Xunjuf replied to A_Khadar's topic in Politics
:D:D -
Secessionists and the fear of Federal Somalia
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Clan federalism is not a solution for Somalia you know it i know it Allah the almighty knows it. That said the Somaliland republic doesn't want to share power with Somalia nor is Somaliland part of Somalia so i don't know what you are trying to say. I hope you are not taking carafaats trolling serious or professor Axmed ismaciil samatars nonsense. Somaliland only wants to restore relations with Somalia if they get a functioning government in the near future and that Somaliland can assist Somalia to get back on its own to feet that's Somaliland policy live with it dukey. -
Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda KMG ah, kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Gedo Isniin, Maarso 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal maanta ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab deegaan lagu magacaabo Taraaka oo 55-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya billaabashada dagaalkan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu billowday dagaalka markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya halka wararka kalena ay sheegayaan in dagaalku uu billowday markii ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay weerareen deegaanka uu dagaalku ka dhacay. Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba wuxuu guul ka sheegtay dagaalka iyadoo saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay weerarka iyagu qaadeen ayna qabsadeen deegaanka Taraaka, sidoo kalena ay dileen shan ka mid ah xoogagga Al-shabaab hubkoodiina ay ka qaateen. Sidoo kale, saraakiil u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inuu ku billowday dagaalka markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya oo howlgallo kawaday inta u dhexeysa Faafax-dhuun iyo Baardheere. Xubnaha u hadlay Al-shabab ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen 10-askari oo ka tirsan kuwa Kenya ayna ku gubeen laba gaari oo ciidamada Kenya ay leeyihiin, balse ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dalka Kenya. Deegaankii uu dagaalku ka dhacay ayaa weli waxaa ka taagan xiisado dagaal, iyadoo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamadii Kenya ay ku sugan yihiin goobihii ay ku dagaalameen lamana oga cidda rasmi ahaan gacanta ku haysa deegaankaas.
-
Ethiopia in deal to export electricity to Somaliland A boy fetches water at Lake Turkana in north-eastern Kenya, some 567 km from the capital Nairobi. Lobby groups often criticise hydropower dams built by Ethiopia as it seeks to become a net power exporter for negatively affecting livelihoods of communities. Monday, March 12 2012 at 12:28 Kenya, Ethiopia sign power purchase deal Ethiopia has announced a plan to export electricity to the self-declared autonomous nation of Somaliland. A document released by the Ethiopian Foreign Affairs ministry said that an agreement had been reached with Somaliland officials to connect Addis Ababa's power grid to Hargessa. State-owned utility Ethiopia Electric Power Corporation (EEPCO) also confirmed a broad deal has been reached but that some details were yet to be fleshed out. EEPCO spokesperson Misiker Negash told the Africa Review by telephone that the company was already working to install a power transmission line to Togo-Wuchale, a border town between the two neighbouring countries. "We have already begun the installation on the Ethiopian side and soon we will sign a detailed agreement with Somaliland," Mr Misiker said, adding that both sides were looking for possible financiers of the project. Somaliland is not an internationally recognised nation but the self-declared state has a number of development projects running and initiated with its own people's money. It is seen as comparatively peaceful to the rest of Somalia. Ethiopia has been exporting 80 Megawatts of power to neighbour Djibouti since 2011 and earns $18 million a year. Sudan, Ethiopia's western neighbour, is also being connected with a 300 kilometre high-capacity power grid line to import electricity at the end of this year http://www.africareview.com/Business+++Finance/Ethiopia+to+export+electricity+to+Somaliland/-/979184/1364598/-/15h7f7q/-/index.html
-
Madaxwayne Siilaanyo Oo Baarlamaanka U Gudbiyey Tallo Soo Jeedin Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay Siinaysa Kuraas kooto Ah Oo Ay Ku Yeeshaan Golayaasha Dalka Hargeysa (Ramaas) Mar 12,2012 - Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa golaha wakiilada u gudbiyey tallo-bixinta guddida Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, kaasi oo guddidu Madaxwaynaha u gudbiyeen. Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo u xulay inay daraasad ku soo sameeyaan sida ugu haboon ee haweenka iyo dadka laga tiradda badan uag qayb-qaadan karaan siyaasada iyo hogaanka dalka ayaa soo jeediyay tallooyin la xidhiidha in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay kuraas laga siiyo golayaasha Guurtida iyo wakiilada iyo waliba golayaasha deegaanka dalka, inkasta oo beesha Tumaaluhu ay guddida u sheegeen inay cod wax ku doonayaan. Sidoo kale guddida oo tallo-bixinta ay Madaxwaynaha u gudbiyeen ayaa tallooyinka ay soo jeediyeen waxa ka mid ah in golaha Wakiilada haweenka laga siiyo 8 kursi, halka rayiga guddidu ka qaaday haweenka ay ku sheegeen in aanay wakhtigan diyaar u ahayn inay galaan Golaha Guurtida, balse guddidu waxay ku taliyeen in haweenka 8 xubnood laga siiyo, haddii uu isku rogo gole siyaasadeed. Tallo-bixinta guddida oo Madaxwaynuhu u gudbiyey golaha wakiilada ayaa Madaxwaynuhu waxa uu mudanayaasha wakiilada ka dalbaday inay meel-mariyaan “Mudanayaal waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa tallo-bixinta ay gaadheen Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, sidaa daraadeed waxaan idinka rajanayaa inaad waafajisaan shuruucda dalka idinka oo ka gudanaya waajibaadkiina wakhtiga ugu haboon” Ka sakow codsiga Madaxwaynaha, guddida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada, waxay tafaasiil ka bixiyeen hanaankii ay u hawl-galeen “Tan iyo markii la unkay Somaliland, waxa jiray dedaalo isdaba jooga oo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ugu ololaynayeen sidii ay u heli lahaayeen xuquuqahooda kala duwan, gaar ahaan ka qayb-galkoda siyaasadeed ee talada dalka, hanaankii nidaam beeleedka waxa uu u suurtogaliyey in dadka laga tiradda badan yahay ay ka mid noqdaan golayaasha qaranka sida Wakiladda iyo Guurtida, inkasta oo haweenku ka maqnaayeen golayaashaasha sharci-dejineed, markii Somaliland u guurtay hanaanka dimuqraadiga ah, beelaha laga tiradda badan yahay kumay guulaysan inay kaalin ka helaan golihii loo tartamay, waxa kale oo muuqatay in haweenay kali ahi ku soo baxday tartankii doorashada, sidaas daraadeedna ay adag tahay in haweenku tartan doorasho wax ku helaan” ayaa lagu yidhi war-bixinta la socotay tallo-bixinta guddidaasi, oo intaasi ku daray “Waxa jirtay in 2008-dii, ay kooxaha u ololeeya haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay isku dayeen in kooto looga gooyo golayaasha sharci dejinta, golaha wakiiladu waxa uu diyaariyey sharci arintaasi ku saabsan, hase-yeeshee waxa diiday golaha Guurtida, waxa iyana jirtay, In xsbiga Kulmiye intii aanu tallada qaban uu barnaamijkiisa siyaasadeed ku qoray in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay uu golayaasha qaranka uga qoondeynayo tiro kuraas ah, golaha Guurtida oo hore u diiday in dadkaasi kooto, ayaa markii xukuuumada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku guulaysatay talada dalka, soo jeediyay in ka qayb galka haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay laga yeesho tallo-qaran” Guddidu waxa kale oo ay qoraalkooda tallo-bixinaneed ku yidhaahdeen “Madaxwaynuhu isaga oo ka ambo-qaadaya, arimaha kor ku xusan, ayuu magacaabay guddi qaran oo ka soo talisa sida ugu haboon ee arimahaas wax looga qabanayo, sidaa daraadeed Guddidu waxay asi rasmi fikradahooda oo qoraal ah ka ururisay in ka badan 125 haween ah, in ka badan 100 xubnood oo dadka laga tiradda badan yahay ah iyo in ka badan 150 ka socda madax-dhaqameedka, culimada, aqoonyahanka iyo waxgaradka kale ee bulshada ee shanta gobol ee Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag iyo waliba 15 xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi Qaran, natiijada daraasadaasi ka soo baxday ee ay ka helaan dadkii ay la kulmeen intooda badan way taageereen in haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ay ka qayb-galaan tallada dalka, gaar ahaana ay ka muuqdaan golaha wakiilada iyo kuwo deegaanada, marka arinta Golaha Guurtida dad badan oo haweenku ka mid yihiin ayaa walaac ka muujiyey ka mid noqoshada haweenka ee Golahaas, haweenku waxay tibaaxeen in wax hunguri ahi ka hayn golaha Guurtida, haddii golahaasi sii ahaanayo golle dhaqan, haddiise golaha Guurtida u xuubsiibanayo gole siyaaasdeed sida golaha wakiilada, kolkaas haweenku waxay sheegeen inay doonayaan inay sadkooda ku yeeshaan, sidaas oo tahay dadku iyagga oo tixgainaya inay golaha Guurtida wakhtigan ku jirto haweenay, waxay ku taliyeen in haweenka lagu darro golahaas” Gudida Daraasaynta Xoojinta Kaalinta haweenka iyo dadka laga tiradda badan yahay ee ka qayb-galka siyaasada oo muddo ku hawlanaa sidii ay tallo uga keeni lahaayeen hanaanka ugu macquulsan ee dadka laga tiradda badan yahay iyo haweenku siyaasada uga qayb-qaadan karaan ayaa ku taliyey “Inkasta oo aynu kor ku cadaynay codsiyadii haweenka, beelaha laga tiradda badan yahay iyo aragtiyihii bulshada inteeda kale, isla-markaana aanu soo bandhigtay celceliska aragtiyahaa, haddana waxay guddidu ku tallo- bixinaysaa in marxaladan la joogo laga siiyo haweenka iyo beelaha laga tiradda badan yahay golayaasha sharci dejinta tirooyinkan hoos ku qoran. Cida Golaha Deegaanka Golaha Wakiilada Golaha Guurtida Dadka Laga tirada badan yahay Hal Kursi (Lixda Magaalo madax ee goboladii hore iyo Gabiley Hal Kursi Hal Kursi Haweenka 15% 10% oo u dhigma 8 Kursi Haddii uu sii ahaado golle dhaqan uu ku ekaado odayaasha, haddii’se dabeecadihiisa wax iska bedelaan in markaa haweenka laga siiyo 10% oo u dhigma 8 kursi. Dhinaca kale, beesha Tumaalaha oo ka mid ah beelaha laga tiradda badan yahay isla-markaana ka mid ah dadka la doonayo in kooto loo xidho ayaa diiday isla-markaana cadaysay inay cod wax ku doonayso “Waxa xusid mudan in beesha Tumaalaha oo guddidu ay u arkeysay inay ka mid tahay beelaha ay ahayd in looga faa’ideeyo daraasadan ay ergooyinkii ka socotay beeshaas ee ay guddidu kula soo kulantay 5 ta gobol ee aynu kor ku soo sheegnay ay si aan khilaaf lahayn guddida ugu cadeeyeen “In aanay beeshaasi diyaar u ahayn in kooto wax lagu siiiyo balse ay sida beelaha kale ee Somaliland ay ka qayb-galayso tartanada loo gelayo doorashooyinka oo ay cod wax ku doonayso wixii ay cod ku waydana aanay si kale ku qaadaneynin”sidaa waxa lagu yidhi tallo-bixinta guddidaasi
-
Hadaba Hadalkan ka soo yeedhay Hogaamiyaha maamulka Puntland waxa ka jawaaabay Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/lahi Cumar oo Xalay Wargeyska Waaheen Khadka Taleefoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa, waxaanu Dr. Cumar sheegay inaanay waxba ka khusayn Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Somaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland, markaa puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TFG-da ”ayuu yidhi Dr Maxamed C/lahi Cumar. Wasiirka oo ka jawaabayay hadalkaasi faroole ka soo yeedhayna waxa uu yidhi “horta waxaanu aad u soo dhaweynaynaa go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee ahaa inay Somaliland iyo Somaliya wada hadal yeeshaan mustaqbalka dhaw,waxaana dhamaaday wakhtigii midowga Somaliya iyo Somaliland ee lixdankii, Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Somaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland, markaa puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TFG-da ”ayuu yidhi Dr Maxamed C/lahi Cumar. Mar la waydiiyay hadii ay Puntland ka soo horjeesato wada hadalka Somaliland iyo Somaliya inay taasi saamayn ku yeelan karto wada hadalkaasi, isla markaana la odhan karo Somaliya uma wada dhama wada hadalkaasi wixii ka soo baxa waxa uu ku jawaabay “maya wax saamayn ah kuma yeelan karo anagu waxaanu la hadlaynaa waa Somaliya Gobolka Puntland-na waxaa uu ka mid yahay Somaliya, anaguna dawlada dhexe ee somaliye weeye cid aanu la hadlaynaa ee maaha Puntland” Wasiir Cumar mar aanu waydiinay aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku aadan Guddi uu madaxweyne sh. Shariif sheegay in loo saarayo wada hadalada dhex mari doona Somaliya iyo Somaliland waxa uu ku jawaabay “anagu waxa kaliya ee aanu ku taaganahay waa wadahal inaanu la yeelano dawlada Somaliya anagoo Somaliland ah oo dawlad ah, kana wada hadalno xidhiidhka aanu wada yeelan doono mustaqbalka , laakiin taa guddidu iyaga ayay u taalaa, anaguna waxaanu ka yeelanaynaa talo qaran qaabka aanu wada hadaladaasi uga qayb gelayno”. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/lahi Cumar waxa kale oo Wargeyska Waaheen su’aalay hadii ay Somaliya degi waydo, isla markaana uu fashilmo rajada laga sugayo wakhtiga kala guur-ka ah ee bisha August, qorshaha Somaliland ee ku aadan Ictiraaf raadinta. waxaanu ku jawaabay “ dee horta Somaliland waa dal madaxbanaan oo dimuquraadi ah oo xidhiidh fiican la leh beesha caalamka, waxa kaliya ee aanu somaliya kala hadlaynaana waxa weeyaan xidhiidhka aanu la yeelan doono ee maaha madaxbanaanida Somaliland, marka qorshahayagu meelbuu noo yaalaa”. Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland waxa uu sheegay inuu rajo fiican ka qabo in beesha caalamku aqoonsato Somaliland dhawaan, isagoo xusay inay dedaal ugu jiraan sidii caalamku u aqoonsan lahaa Somaliland xataa hadii ay Somaliya ka gaws adeygto Ictiraafka Jamhuuriyada Somaliland. Waxaanu wasiirku sidoo kale sheegay inay dawlada Somaliland ku niyad santahay inay nabadi ka aslaaxto dalka Somaliya, isla markaana ay diyaar u tahay Somaliland inay gacan ka geysato xalinta dhibaatada daba dheeraatay ee Somaliya ka taagan 21-kii sanadood ee la soo dhaafay, isagoo dhinaca kale ku adkaystay in qadiyada madaxbanaanida Somaliland muqadas tahay, isla markaana 21 sanadood ka hor ay shacbigeedu go’aansadeen inay gooni-isu taagooda la soo noqdaan.
-
I don't think Carafaat is alsahabab or a terrorist he is very liberal you know.
-
Khatumo State President Indhosheel, we have nothing to do with Faroole
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
Good well said Mr Indhosheel -
Carafaat it all comes down to clan politics Faroole shelled the Garowe parliament when he was a minister during general tuute muuse's reign. He will have another year mark my words.
-
Stop insulting the Somaliland elders Haaji Abdi waraabe keeps him self busy to keep the peace between the people of SL and also he is the oldest serving MP in the house of elders.God bless him.
-
Its a divided city part of it is part of the garowe clan enclave and the other part is part of west pl state and galmudug state. So i think the garowe clan enclave only claims parts of it.