-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
The new 2012 world map made by National Geographic shows Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^ Why should he taleexi is a Somalilander -
Dagaal Faraha lagaga Gubtay oo Ka dhacay Caawaysinkii Tuulada Galka Gondo labaax Dhimasho badaniyo daawac uu dagaalkaasi sababay. Published: 17/03/2012 @22:46 Ciidama LYU police ka ayaa markay Galabta cedceedu liiqa sii dhagaysay Weerar gaadmo ah ku soo qaaday Tuulada GalkagondoLibaax halkaas oo ay gacanta ku dhigeen lix nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka halka ay ku dileen ugu yaraan kow iyo toban ruux. kadib markii uu dhacay weerarkaasi ayaa ciidamo gurmad ah oo u yimid ciidamada deegaankaasi ay ka daba tageen ciidamdii Soo weeraray ee LYU police ka halkaas oo dagaal aad u xoogan oo saff balaadhan ahi ka dhacay meel aan ka fogay Tuuladaasi. Daryanka rasaasta ayaa la maqlaayey ilaa cawaysinkii taas oo ay labada dhinacba isku mari la yihiin dagaalka ka socda goobtaasi . Ilaa iyo hada ayaan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dambe ee saffka balaadhan ah . Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Togaherer.com
-
The new 2012 world map made by National Geographic shows Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jacaylbaro don't piss off wardheernews -
It's in the interest of the TPLF to create animosity between the various communities in Somali galbeed region and its true the Liyo Police commits crimes in all parts of Somali galbeed for instance yesterday they Killed a young man from Gaashaamo. Reer Gaashaamo retaliated and killed 9 of the Liyo Police today the Liyo police burned down some villages near gaashaamo and also arrested some nomads and killed others. But the addis ababa regime gave abdi Ileey and his administration in jigjiga free pass to do what ever he likes fight clan wars as long as he hunts down ONLF the anti Ethiopian rebel movement in the region,its a sad situation we live in may allah be with us.
-
I support islam in Somalia i reject suicide bombings killings of innocent civilians and also killings of Somali students and i don't support Alshabaab. Just Because Godane is from Hargeysa that does not mean the wars in gaaashaamo is related to shabaab. There are no shabaaab in gaashaamo so what is you're source?
-
Nonsense the Ethiopian liyo boolis is fighting local nomads from gaashaamo what is the source?
-
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalkii Liyuu Booliska Iyo Dadka Shacabka Ah Ku Dhex Maray Duleedka Gaashaamo, Tuulooyin La Gubay Iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Ka Hadlay Hargeysa (Ramaas) Mar 17,2012 – Deegaanada ay ku yaalaan Tuulooyinka Galka-boodo-libaax, Dhoobo-Guduud, Raqda iyo Cadaada oo ka mid ah deegaanada kililka shanaad ee dalka Itoobiya isla-markaana ay dagan yihiin dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo dagaal ba’an ku dhex maray ciidamada Liyuu booliska Itoobiya iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool ayaa la sheegay inay saaka weerar rogaal celin ah ku soo qaadeen ciidamada Liyuu booliska oo la sheegay in shalay dadka shacabka ahi ka dileen 8 askari. Dagaalkan oo ka bilaabmay nin lagu magacaabi jiray Farxaan Cali Goohe oo ciidamada Liyuu boolisku ku toogteen badhtamaha tuulada Raqda, ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu booliska weerar ay ku qaadeen shacabka deegaankaasi oo is-abaabulay ka dileen 8 askari ayaa la sheegay inay saaka weerar ku qaadeen tuulooyinkaasi, isla-markaana gubeen mid ka mid ah afartan tuulo isla-markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku dhaawaceen 15 qof oo shacab ah. Colaadan oo aan ilaa hadda si rasmi ah u joogsan ayaa waxa ka hadlay isla-markaana khasaaraha ka dhashay faafhfaahiyey Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu Liyuu booliska ku eedeeyay inay yihiin askar ka kooban cid gaar ah oo aan u sinayn dadka kililka shanaad ee Itoobiya u sinayn. Suldaanka oo ugu horeyn faahfaahinaya sida waxa u dhaceen waxa uu yidhi “Sida warku nagu soo gaadhay shalay ayaa tuulada la yidhaahdo Raqda ay ciidamada Liyuu Boolisku ku dileen nin la odhan jiray Farxaan Cali Goohe, dadka shacabka ahina dhibaato ayay ka tirsanayeen askarta Liyuu booliska, dilkaasina shalay mid fool xun ayuu ahaa oo nin ayay Magaaladda dhexdeeda isaga toogteen” Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay “Markaas ka dib ayay dadkii shacabka ahaa is-abaabuleen, nimankii Liyuu booliska oo xagga bari u lugeeyay ayay ka daba tageen dadkii, waxayna ku gaadheen meel kayn ah oo la yidhaahdo Xabaale Case, halkaa waxa ku geeriyooday 8 nin oo liyuu booliska ah iyo nin shacabka ah, saddex shacabka ahina way ku dhaawacmeen, dhaawiciina halkan (Hargeysa) ayaa loo soo qaaday.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Saaka waxa la noo sheegay in Liyuu boolisku ay afar tuulo oo la kala yidhaahdo Galka-boodo-libaax, Dhoobo guduud, Raqda iyo Cadaada weerar ku soo qaadeen, wararkuna waxay sheegayaan in tuulada Cadaada la gubay oo Liyuu boolisku gubay, waxaana la sheegay in 15 nin oo dhaawac ah halkaasi laga soo qaaday shacabkuna ay aad isku abaabuleen.” Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxa uu eedaymo u jeediyay Liyuu booliska “Ciidamada liyuu boolisku maaha ciidan dadka kililka shanaad ka dhaxeeya ee waa dad gaar ah waana reer gaar ah, inay dad gaar ah yihiina waxa cadaynaysa sida ay u aar-goosanayaan ee ay u gubayaan tuulooyinka”ayuu yidhi isaga oo maanta la hadlay Warbaahinta.
-
Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilahi Aw good on the latest wars between the Local Nomads and Ethiopian liyo boolis in the Gaashaamo district. http://oodweynenews.com/news/153649-suldaan-craxmaan-claahi-awgood-oo-ka-waraysanay-wararkii-ugu-danbeeyey-ee-khasaaraha-dagaalkii-maanta-dhexmaray-ciidanka-liyoo-booliska-iyo-dadka-deegaanka-cadaada-iyo.html The sultan is currently in gaashaamo
-
War Deg Deg Ah: Dagaal Saaka Dib uga Qarxay Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo ay Soo Weeraareen Ciidanka Liyuu Boolisku dadka Deeganka … Written by: Oday Mo Published: 17/03/2012 @08:57 War Deg Deg Ah: Dagaal Saaka Dib uga Qarxay Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo ay Soo Weeraareen Ciidanka Liyuu Boolisku dadka Deeganka … Wararka Hordhaca ah ee naga Soo Gadhaya Deegaanka Cadaada iyo Raqda oo Ka Tirsan Deegana Soomalida Ethiopia Gaar ahaan Degmada Gaashamo ayaa sheegaya in ay saaka waabarigii Soo weerareen Ciidanka loo Yaqaan liyuu Boolisku dadka Deeganka ee degan Degamadaas. Dagaalkana ayaa la sheegaya inuu ka culus yahay Daagaal maalintii Shalay Dhex Maray Dadka Deeganka iyo Ciidankan Liyuu Booliska oo si Badhdeedh ah u dilay Markii Hore Ruux Deeganka ah ka dibna Dadka Deeganku iska Difaaceen dagaalkaas oo ay ku dhinteen 9 Nin oo Ciidanka Soo Duulay ah iyo Laba Ruux oo deegnka ahi. Dagaalka Saaka ayaa ah mid Culus oo ay Ciidanka Liyuugu ku Soo qaadeen Dadka Deeganka iyaga oo isu habar Wacaday Ka dib Wadhidii iyo Jabkii ka raacay Dagaalkii Shalay Dadku Deegankuna ay Sutida u qabteen. Dhaawacyada Dadka Deeganka ayaa Hadda lanoo Xaqiijiyey in Qaarkood Loo soo Qaaday Dhinaca waqooyi ee Deeganku Dagaalku ka socodo iyada oo lagu dabiibayo. Ilaa iyo Hadda warar Intaa ka faahfaahsan oo ku saabsan Khasaaraha dagaalkan ma hayno se Sida ugu dhakhso badan ayaanu idiinku soo Tabin doona iyo sida kolba warka aanu u helno anaga oo isku dayi doona in aanu sida ugu dhakhsiyo badan idiinku soo gudbino…. Warqabadka ToggaHerer
-
Baardheere wa caasimadoodi labaad wala socda:D
-
jb la qabso waxa la yidha south western state
-
Eritrea is a county that shares no border with Somalia they never invaded Somalia they are not Somalia's enemy Ethiopia did they sent their best fighters to Somalia in 2007 remember and attacked a peaceful Islamic administration in xamar the ICU. So Eritrea is the lesser evil don't understand why u blame them.
-
Dagaal Culus Oo Duleedka Gaashaamo Ku Dhex Maray Liyuu Booliska Itoobiya Iyo Dad Xoolo Dhaqato Ah, Dhaawacyo Hargeysa La Keenay Iyo San-saan Colaadeed Oo Taagan Hargeysa (Ramaas) Mar 17,2012 – Dagaal dhimasho iyo dhaawac tiro badan sababay ayaa ka dhacay deegaanka Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee Itoobiya, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu booliska iyo dad xoolo dhaqato ah. Dagaalkan oo shalay ka dhacay deegaano ku dhow Gaashaamo ayaa la sheegay inay ku dhinteen tiro dad ah, kuwaasi oo isugu jira xoolo dhaqata iyo ciidamada booliska ee dawlada ismaamulka Soomalida Itoobiya isla-markaana waxa jira dhaawacyo badan. Dagaalkan oo aan ilaa hadda la garanayn waxa uu ka dhashay ayaa dadkii ku xoolo dhaqatada ahaa ee ku dhaawacmay qaarkood la soo gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa, si looga daaweeyo dhaawacyada dagaalkaasi ka soo gaadhay. Dadkan dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaalkan ee la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo tiradoodu tahay laba nin, ayaa hadda lagu daaweynaynaa cisbitaalka guud ee Hargeysa. Wariye ka tirsan Ramaas oo dhaawacyadaasi booqday ayaa sheegay in xaaladoodu tahay mid culus. Dhanka kale, deegaanka Gaashaamo ayaa laga soo sheegayaa in xaaladiisu kacsan tahay isla-markaana uu ka jiro hub urursi baahsan, waxaana laga cabsi qabbaa in mar labaad dagaal halkaasi ka qarxo.
-
Carafaat;805437 wrote: Who is Dafle? Does anyone have more info. Former Kacaan official his name Axmed Salabaan Cabdalla Dafle Sareye Guuto, he belongs to the Garaad clan closely related to Garaad selebaan.He was taliyaha ciidamada nabad sugida Somalia in the 70s he was born in burco on his maternal side closely related Suldaan Xiirey of hargeysa.
-
Che -Guevara;805267 wrote: N we wonder why our country is phucked up. :D:D Walahi wa ayaan daro in maanta laga sheekenayo cariishkayga ayaa kaga ka weyn
-
Mohamed Farole Rumours Rampant In The Cafe Wars
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
Somalina;805456 wrote: XX, what about me, can I run? Ofcourse you can -
Meel sakiin tagay kheyr kuma socdo
-
Mohamed Farole Rumours Rampant In The Cafe Wars
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
No he cant carafaat and you know that 2 -
Gaacuur marki xoroyada somaliland iyo somalia qaadatay ay ka xoroobeen gumeysiigi talyaaniga iyo ingriiska. Waxay la baxeen the somali republic.. Maxamad siyaad bare dalka wuxu u bixiyey the somali democratic republic. As for dastuurka dadka somaliland way ka so horjeedsadeen lixdanki marki loo coodanayey. Dastuurka la soo dhoo dhoobay wuxu aha dastuur somalia not dastuur somaliland. Marka ereyada nocaas ah waad ka heleysa.
-
Gaacuur adan cabdulle cismaan was the president of the somali republic aun not of somalia. And hermet is talking about somaliland after the union was dissovled in 1991 since than the somaliland republic had 4 presidents. Atirisho wishul thinking but siilaanyo will surpise us all he will do great thing so far he is doing an amazing job.
-
Mohamed Farole Rumours Rampant In The Cafe Wars
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
Mukulaalow;805235 wrote: Then don't tell me Somaliland is not a tribal fiefdom. You got it all wrong a Somalilander for instance a person from wardheer but belonging to the garaad clan is also a Somalilander and can run for the top seat of SL. A good example president daahir rayaale kahin was born in teferi ber Ethiopia he ran for the top seat in Somaliland. -
Mukulaalow;805234 wrote: Haa, oo boqortooyada sow kama dhisnayn dhulka ay ku fadhido Somaliland, if yes, dee marka Generalka dhulkaa buu difaacayay. Mida kale hadii aad aqoonsantahay in isticmaar dantiisa wata uu dhigay xuduudka, Maxaa wax u gumaysigu dhigay uga dhigaysaa muqadas iyo lama taabtaan? waa laba mid un. 1) In gaalka iyo wuxuu nooga tagay ay ahaayeen wax wanagsan, oo markaa Corfield iyo wixii la halmaala waxay mudan yihiin in taalooyin loo dhiso. ama 2) in Gaalku uu ina kala qeybshay isagoo fiirinaya dantiisa, anaguna aan ku seegnay teena, taa micnaheedu waa, xuduuda uu sameeyay waa baadil iyo wax xun. Labadaa wax ka dhexeeyaa meesha ma yaaliin. Adiguse waxaaga waa hilibka doofaarka ma cuno, fuudkiisana waan cabaa. waxaan filayaa inaad i fahantay xaajoow. Gaalku mar bu dalka ka talin jiray wana ka tagay ma garanayo cidi kugu tidhi koofil ba halyey aha askari yaro ingriis ah bu aha , marka madama u gaal ka talin jiray dalka mar ma waxay ka dhigantahay gaalku inu wanaagsana maan fahmin sheekada. Adigaba ka dhigaya halyeey koofilkan wuxu yahay baa uusan jirin, Koofil Boqortooyadisa bu difaacayey aniga ima difaacayn ama Somaliantayda. Marka waxan aad ka sheekeneysid adeer isma qabanayan. Ingriis iyo talyaani iyo belgium iyo fransiis africa oo dhan bay mar qabsadeen wa ka tageen ciid hada oo ooyeysa nama jirto isticmaar ilahay ba inaga kexeye frenjigi saancadalaha aha. Marka adeerow Somaliland dee africa bay kala mid taahi taarikhda gumeysiga maha wax iyaga u gaar ah adeer. Sida wa inad ula socotiid Somaliland taarikh isticmaar wa so martay tu ingriis tu turkey hadana wa dal xor ah oo xalaal ah oo calanka tawxeedku u taganyahay.
-
Mohamed Farole Rumours Rampant In The Cafe Wars
Xaaji Xunjuf replied to Dr_Osman's topic in Politics
^^ :D