Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=U0dJjLN526g#!" frameborder="0" allowfullscreen>
  2. Madaxweyne Siilaanyo oo Rishafal ku sameeyay Golihiisa Wasiiradda iyo Hay’addo kale Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa saaka Xilalkii ka qaaday wasiiro ka tirsan xukuumadiisa isla markaana magacaabay xilal cusub Wasiiradda la eryay waxa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo uu ku bedlay C/casiisa Samaale, Wasiirkii Hawlaha Guud Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirkii Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Ilhaan Maxamed Jaamac, Wasiirkii dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa ayaa iyana xilkii laga qaaday. Wasiiradda cusub ee la magacaabay waxa ka mid ah Boobe Yuusuf Ducaale oo laga dhigay Wasiirka Warfaafinta, halka Wasiirkii hore ee Axmed Cabdi Xaabsade laga dhigay Wasiirka Hawlaha Guud. Halka Rishafalka cusub ee soo baxay uu Madaxweyne Siilaanyo ka magacaabay Wasiir ku-xigeen cusub oo dhinaca Amniga ah kaasoo aan hore u jiri jirin. Sidoo kale waxa digreetada madaxweynaha lagu magacaabay wakiil ay Somaliland ku yeelan doonto dalka koonfurta suudaan. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilkii ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii hore ee arrimaha dibeda kaasoo uu u magacaabay Mawliid Maxamud Ibraahim. Halka Wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha uu u magacaabay inay hoos imanayaan dhamaan hawlaha Maamul ee Wasaaradaasi Magacyada Masuuliyiinta Cusub C/cassia Maxamed Samaale waxa* loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Xaabsade waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Siciid Raygal waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Maxamud Axmed Barre Garaad waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada C/laahi Abokor Cismaan waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, Halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mawliid Maxamud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibeda Nuux Sheekh Muuse Ducaale waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi waxa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Hay’adda Shaqaalaha Mudane Axmed Xuseen Oomane waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka South Sudan wasiirada la badaley 1..ENG: MAXAMED XAASHI CILME** WASIIRKA/W/MAALIYADA 2..PRO: ISMAACIIL MUUMIN AARE** WASIIRKA W/ HWLAHA GUUD IYO GURYEYNTA 3..ILHAAN MAXAMED JAAMAC* WASIIRKA W/ARIMAHA BULSHADA 4..DR: AXMED XAASHI ODAY** WASIIRKA* W/ BOOSAHA IYO ISGAADHSIINTA 5..CABDI SICIID FAAHIYE* WASIIRKA W/DHALINYARA CIYAARAHA IYO DHAQANKA 6..WARSAME *SICIID CADBI WASIIR KU XIGEENKA MAALIYADA 7..MAXAMED YOONIS CAWAALE WASIIR KU XIGEENKA ARIMAHA DIBADA 8..MUXUMED AW CABDI ISMAACIIL GUDOOMIYAHA HAAYADA SHAQAALAHA 9..AXMED CALI XIRSI *KU XIGEENKA GUDOOMIYAHA HAAYADA SHAQAALAHA
  3. Thats wrong his parents made him with the will of allah Any way sharif is funny looool aniga meeshe keeney bu ku leeyahay ooo waxba mu haysan.
  4. War ma mooda inu xaajigu baaqan so qoray qandalaawi gardaro igu haysta waar xaajigu baaqan shaqo kuma laha bal ku noqo halkaas.
  5. Che -Guevara;803485 wrote: XX....They all had grand plans and every leader is confronted with unknown variables including in-complaint and even destructive opposition. One can't excuse leader's actions by simply saying his opposition made him do it. If that's case, Barre and everyone that came after him can be excused for their crimes. The reality is Aidid reduced Xamar to permanent war zone, had big hand Bay/Bakool genocide, attacked every Somali tribe he could get his hands on and was response for the death and destruction of his own subclan which eventually ended up killing him. We are not excusing a leader he was a man leading a militant organization that helped brought down the former Somali government he did his part and he aslo had a great plan to lead the nation others stood in his way he fought them yes.But Che don´t you support shabaab who daily fight in civilian populated area´s and carry out homicide attacks against Somali students how is that different from what happened in bay and bakool.General Caydiid died in 1996 Somalia is still a mess we cannot hold him responsible for what happened its just not fair. One can say that he was ¨ politically ambitious and he was very motivated to become the Somali president.The thing is that the truth lies some where in between when it comes to the general things are not just as black and white as some people make it seem.
  6. Cutubyo Boolis Ah Loona Carbiyay Xaaladdaha Deg-Dega Oo Loo Xidhay Tababar Sare Oo Ay Siisay Dawladda IngiriiskuPosted in March 13th, 2012 by lug in News Hargeysa-(Lug)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Tababar ugu soo xidhay dugsiga tababaradda ciidammadd Booliska ee Mandheera cutubkii u horeeyay oo qaatay tababar sare oo gaar ah oo ay siisay dawladda Ingiriiska.ciidankaasi oo loogu magac-daray ciidanka ka jawaabista xaaladaha deg dega ah Resistant Reaction Unit (RRU). Tababarkan oo ah kii u horeeyay ee noociisa ah waxa uu u socday muddo sadex bilood ah, waxaana ciidankan lagu tabobaray taatikadda ciidanka, gargaarka deg-dega ah ee caafimaadka, dab-damiska, iska basrinta walxaha qarxa iyo jidh-dhiska waxay tababarkaas oo ay bixinayeen khuburo ka socotay dawladda UK ay ku qaateen qoraal iyo ficil (Practical). Taliye Ku xigeenka ciidammadda Booliska Somaliland C/Raxmaan Liibaan Axmed oo ka hadlay tababarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhamaystirka tababarkan oo uu tilmaamay inuu ugu dhamaaday si guul ah. Taliye Ku xigeenku wuxuu sheegay in ciidankan tababarka dhamaystay ay yihiin ciidan xul ah oo loogu tallo galay inay wajahaan xaaladaha deg-degga ah. “Waxaan u mahad celinayaa ciidankan oo si wanaagsan u qaatay tababarkan sare, waxaanan qabaa inay *****li doonaan xaaladaha deg-degga ah, waxaan ammaanayaa ciidanka booliska oo hadh iyo habeenba heegan u ah sugidda ammaanka dalka, waxaanu tababarkani qeyb ka yahay qorshaha xukuumadda ee kor loogu qaadayo xirfadda ciidammadda,”ayuu yidhi Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska C/Raxmaan Fooxle. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka hadlay madashaasi ayaa ka hadlay tababarka ciidankan waxaanu yidhi “Dawladda UK ee tababarka ciidanka RRU siisay gacan weynna ka geysata tababaradda kor loogu qaadayo dhismaha ciidanka Booliska, aad iyo aad ayaan uga mahad-celinayaa abaal weynna waanu ugu haynaa.ciidankani waa ciidan bilow ah oo loo tababaray hawl-galadda noocan oo kale ah. Waxay ciidankani ka tirsan yihiin Hoggaanka guud ee ciidanka Birmadka (SPU)-da Booliska oo ah ciidan tusaale fiican ah Ciidammadda Booliska.” “Waxa ii muuqatay intii aan xilkan hayay in ciidanka boolisku uu u baahan yahay tababaro, waayo waxaan ka qaatay astaanta tababarka ciidanka birmadka oo ah ciidan xirfad iyo tababar dheer leh, waana ciidan fulin kara hawl-gal kasta oo ay Somaliland uga baahato fulin kara,”ayuu yidhi Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur). “Farxad weyn ayay ii tahay inaan xidhitaanka Tababarkan loo xidhay ciidanka Booliska ee markii horeba nabad-gelyada ka shaqaynayay, waxaan Hambalyaynayaa ciidan cusub oo ah ciidanka ka jawaabista Xaaladaha deg-degga ah ee (RRU). Tababarkani waa mid aad iyo aad u qiimo badan, waan kii u horeeyay ee noociisa ah ee la siiyo ciidamadda Booliska Somaliland.. Waxaan u arkaa mid ciidankan lagaga hortagaysa aafadda ka jirta caalamka ee beesha caalamka oo dhammi la dagaalamayso argagixisadda ee inaguna aynu ku naalo Geeska Afrika oo ah waddammadda ugu khatarta badan.” Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u mahad celiyay dawladda Ingiriiska ee tababarkan siisay ciidanka Booliska, waxaanu sheegay inay ugu hayaan abaal weyn. Md. C/Raxmaan Saylici waxa kale oo uu ammaanay khubaradii ka socotay dalka Ingiriiska ee u soo badheedhay inay dugsiga Tababarka ku sugnaadaan oo ay ciidanka Booliska si ay ciidanka booliska kor ugu soo qaadaan xirfadooda ciidanimo. “Siday Dawladda Ingiriisku inoola shaqayso iyo sida tababareyaashani ugu badheedheen inay dugsigan ku sugnaadaan oo ay tababaraan ciidankeena waxay muujinaysaa in dalka Ingiriisku uu inaga xigo caalamka intiisa kale.”:ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku. Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u soo jeediyay ciidanka tababarkan gaarka ah dhamaystay inay ku dabaqaan shaqada culus nabad-gelyadda ee ay u hayaan bulshadooda. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah khubaradii ka socday dalka UK ee tababarkan bixinayay waxaanu sheegay inay ciidankan tababarka dhamaystay ay ku u dhabar adaygeen tababar adag oo ay muddo sagaashan maalmood ah ay hadh iyo habeenba qaadanayeen casharo qoraal iyo ficilba. Waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qeybihii duruustii ciidanka gaarka ah ee RRU la siiyay. Madaxweyne Ku xigeenka iyo masuuliyiintii kale ee la socday waxay salaan sharaf ka qaateen ciidankan tababarka dhamaystay, waxaanay halkaasi ku daawadeen ciidankaasi oo soo bandhigayay noocyadii tababaradii ay qaateen. Dhinaca kale, Madaxweyne Ku xigeenku waxa kale oo uu xadhiga ka jaray cisbitaal cusub oo laga hirgeliyay degmadda Mandheera, waxa kale oo uu dhagax-dhigay xaruntii dawladda Hoose ee degmadda mandheera ee gobolka Saaxil.
  7. A Khadar reer Maakhir said no the garowe clan enclave said no the TFG they said no yes no yes they confused themselves and reer Khaatuumo. Siilaanyo iyo reer khaatuuma ba is huran waleh.
  8. Nassir just kaftan reer Maakhiir great people in my book i respect the people of Maakhir laakin bahasha yara xamila wa idin sidee maydan maakhiryin ahayn wala yara khuuriya mararkaaso oo kale ama si dadban ba lo so celiya kubada. ninki Paragon waxbu ka odhan laha. As for reer maakhir and their opinion i disagree with you i think they don't agree with khaatuumo claiming sanaag whether they are SL supporters maakhir supporters or pl supporters.
  9. This guy is just trashing faroole he doesn't bring any solutions he is one of those guys who wants to lean towards the garowe clan enclave if he is from the garaad clan. But i doubt he is even from the Garaad clan he is just hates Abdiraxmaan faroole thus he uses Khaatumo as an excuse to trash faroole and his administration.
  10. He was politically ambitious there is no doubt about that and it did damage Somalia but keep in mind the case in Somalia was unique it never happened before in our history a dictator general siyad bare aun was ousted.There was no clear plan in Somalia but he attempted to organize a nation wide conference, imagine at that time aideed controlled from the Kenyan border all the way to Galkacyo. He had great Military skills and had a vision for Somalia´s future but as i said his plans were interrupted by a man called Ali mahdi a faction with in his own USC and that's where it went wrong but that doesn't take away that the general had a great vision for Somalia. I honestly believe the country could´ve been saved if General Aideed succeeded in organizing his nationwide conference in Somalia. Che anigu kama dhigayo Caydiid wali so daahiray he was far from that but labo daran kala dooro.
  11. Taleexi anigu Somaliland oo dhan uma hadlo anigu xaajigaas baan ahay cumamaydasan xabashida aragooda noloshooda naftodooda hadalkooda cuntadooda xita ciyaar garboodkooda inta ba waan ka wis wisa. Taleexi if it was up to Xaajiga saafiir ku sheega hargeysa jooga waan tarxiili laha Sabab wax u so kordhiyaan jirin laakin arimo yar yar oo siyasad ba kagaga xiidhan wa fahmi kara. Kuwan Xabashida eeh Somalia dhex mushaaxayna iyagana arlada waan ka siifeyn laha. Taa aniga iga qaado Xaaji Xunjuf ba ku saxeexaan.
  12. burahadeer;802954 wrote: puntland diagonized with ADS....attention deficit syndrome. loooooool
  13. Taleexi maskaxdisa hada waxa ka guuxaysa kooxdi yarayd eeh laasqoray degeneyd eeh budhlayn ku dhibtay galgala. Bal maxay nugu haystaan anaga ba la tol ah la degaan ah maxay wax noola khaatumeyn wayeen balaya kaluun la cunta duulka.
  14. Its sad that the president is discussing the national security of his country in Addis ababa. But than again there are Ethiopians in Somalia so its understandable.
  15. Che -Guevara;803401 wrote: XX..What was his vision and what evidence is there to support this claim? If you watch the video you will clearly see that he was interested to reconcile Somalis and organize a nationwide conference see this is part of his vision didn't succeed but the attempt was there and that's what matters. General Aideed is a very controversial character in the Somali society but give credit this man was against foreign interference in Somalia.He was a strong man obviously he made terrible mistakes as he worked him self up to the top seat which eventually destroyed our beloved capital.Only if there was another solution that could only last imagine if the conference could have been a success in Somalia that's what i mean he had a vision.
  16. Sure many innocent civilians were killed unfortunately but the man had a vision to lead the nation but he was interrupted Imagine che if the Ali mahdi Adiid nonsense never happened how would've Somalia looked like today? Indeed Somalina its a big sin to insult the dead allah ha u naxariisto inti dhimatay
  17. Beesha Maakhir Oo Caddeysay In Khaatumo State Aysan Maamulin Gobolka Sanaag (BAYAAN) Posted by Pi G 2 on March 13th, 2012 BAYAAN MUQADISHO Shir ay si wada jir ah ugu yeesheen beesha Maakhir magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxay ka soo saareen. Ka dib markaan aragnay tixgelinayna baahida loo qabo midnimada iyo isku duubnida Soomaaliya, Ka dib lafa gur dheer oo aan ku samaynay hubinta deegaanka ay khaatumo ka sheegato Sanaag isla markaana aan isla af garanay in aysan beeshaasu mug iyo deegaan ay ku sheegan karto gobolka ayan ku lahayn. Ka dib markaan aragnay tixgelin la,aanta loo geysto dadka gobolkaas degan oo iyagu taageersan kana mid ah maamulka Puntland ee Soomaaliyeed. ka dib aqoonsi si khaldan uga soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo ujeeddadisu ahayd taageero iyo ictiraaf la siiyo maamulka la magac baxay khaatumo iyo wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya lagu saxayo lagagana noqonayo kala goynta iyo iska horkeenida dadyowga wallaalaha ah. haddaba Waxa ay beeshu isku raacday qodabadan. 1: In la taageero warqaddii ku taariikhaysnayd 09/03 kana soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ujeeddadeeduna ahayd in aan la ictiraafin maamulka la baxay khaatumo. 2:Iin laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa Soomaali wayn isla markaana laga hortago cid kasta oo u soo dhar dhigata kala jarjarka dalka. 3: In ay beeshu diyaar u tahay ka qayb qaadashada soo celinta Soomaaliya iyada oo ay beeshu ku caan tahay nabad ka shaqaynta iyo xeerinta deris wanaaga. 4: Waxay beeshu ku boorinaysaa Madaxwaynaha TFG in uu ka fiirsado wareegtooyinka sida indho la,aanta ah xafiiskiisa uga soo baxa. 5: waxa ay beeshu si gaar ah iyo si guudba u faraysa madaxda iyo masuuliyinta u metela dawlada dhexe in ka bixiyaan jawaabta ku aadan falalka noocan oo kale ah iyada oo hadda aan ku tuhunsanahay xil gudasha la’aan baahsan. 6: waxa aan si gaar ah wallaalahayaga deegaanka sool iyo cayn usoo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan isla markaana ka tanaasulaan sheegashada gobolka sanaag iyada oo aan tiro ka dhawr jeer si guud iyo si gaaraba ugu sheegnay hase ahaate ay wallalahaya noo muujiyeen dhego adayg ay ka muuqato dhul durugsi iyo duudsiin deegaan beeleed. 7: waxaan mar kale taageeraynaa bayaankii ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha somaliya sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in uu raali gelin buuxda ka bixiyo khaladaadkii ka dhaca xafiiska uu gar wadeenka ka yahay kana kaaftoomo u dhega nuglaanta shakhsiyaadka gaarka ah ee ka tirsan ururka aala sheikh kana soo jeeda gobolka Sool. 8:waxaan madaxwaynaha usoo jeedinaynaa in uu dhawro axdiga kumeel gaarka ah sidoo kalena ilaaliyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexaya dawlada dhexe iyo dawlada goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed. MAHADSANIDIIN
  18. Dadkaa wax dhisa indeed the people of Mogadishu have now the chance to build their city mashallah the strongest of all Somalis
  19. Bisha 15ankeeda june 2012 baan xamar tagayaa for the first time since 1989 soo ducee awoow nice web page
  20. Maya maya taleexi waxan ka wada waynu wada noolaan karna sabab ii dhe intanu frenjigu arlada iman so maynan wada noolayn? Odayadeeni hore haday wada noolaayeen inagu na wanu wada noolaan karna wa sidan qabo. Xita haday noqoto la isku qabto arimaha fundemantka waxa wajiib ah inaynu meel dhexe in la iskugu imaado manay xal noqon karayn labada dad eeh iska so horjeeda inay meel dhexe iskugu yimadaan.