-
Content Count
29,837 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Dagaalka Gaashaamo oo meel adag maraya, Hub Urursi Baahsan oo socda iyo Colaada oo ku Baahaysa Deegaano kale Coladan hadii aanay Itoobiya Damin waxay ku fidi doontaa Deegaano kale Gaashaamo(Waaheen) Wararkii u danbeeyay ee naga soo gaadhay jiida Gaashaamo ayaa sheegaya dagaal Shalay galinkii danbe ka dhcay Deegaankaas oo u dhaxeeyay dadka Deegaanka iyo Ciidamada Liyuu Booliisku inuu gaadhay in ka badan kontameeyay qof. Dhinaca dadka Deegaanka ee ka gadooday dhaqan xumada iyo Adoonsiga ay doonayan inay Liyuu booliisku kula kacaan ee Shahiiday ayaa gaadhaya 17 qof oo u badan dad rayid ah oo ay meelo kala duwan ku laayeen kadib markii dagaalkii la iskaga hor yimid labadii maalmood lagaga dilay ku dhawaad 40 ka tirsan Ciidamadda huwan shaadhka Dawladda Itoobiya ee Qabiilnimada ku xasuuqaya dadka deegaanka. Wararku waxay intaa ku darayaan in ay kaxaysteen 3 qof oo reer Miyi ah, Kaalin Shiidla-na ay gubeen, meherado badana ka bililiqaysteen Lacago kala duwan oo aan ilaa hada tiradeeda la ogayn. Iyagoo Ciidamo xoogan ku soo weeraray Tuulooyinka qaar. Sida ay wararku sheegayaan beesha ay ka soo jeedaan Ciidamadda Liyuu Booliisku ee la yidhaahdo ******** ayaa ka guuray jiidii ay deganaayeen waxaanay u guureen Wardheer kadib markii ay xaalada deegaankaasi isku bedeshay goob dagaal oo ay ka baqeen in la laayo. Dawladda Itoobiya ayaan ilaa hada wax talaabo ah ka qaadin Ciidamadda Shaadhkeeda u huwan dadka Shicibka aha. Dhacdadan waxashnimada ah ee ay kula kaceen dadka maatada ahina waa mid soo noqnoqotay isla markaana xilligan abuurtay inay dadku is abaabulaan oo ay xoog kaga hortagaan maadaama waxba laga qaban waayay. Hore waxa ay kooxdan magaca Itoobiya ku burburinaysa Shicibka Kililka dega u wanjaleen dad ka tirsan shacabka dalkaasi kuwaasi oo ay ku Eedaysay inay yihiin Argagixiso ka soo talowday dhinaca SOMALILAND, waxaanay Maxkamad ku taala magaaladda Jigjigi ku riday Xukuno culus. Kuwaasoo wali ku xidhan Jeelasha magaaladaasiWasiir ku xigeenka arimaha gudaha Somaliland, ahna ku simaha wasiirka daakhiliga Cismaan Garaad Soofe oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in dawlada Somaliland dawlada dhexe ee Itoobiya kala xaajoonayso dagaalka deegaanada hoos yimaada degmada Gaashaamo. Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka oo ugu horeyn la waydiiyey inay la socdaan dagaalkaasi iyo in kale ayaa ku jawaabay “Dagaalkaasi wuu jiraa oo Sabtidii iyo Axadiiba wuu dhacay, tiro dad ahina way ku dhinteen, aad iyo aadna waanu uga xun nahay waxyeeladda halkaasi ka dhacday, waxaanu ku baaqaynaa in dagaalada halkaasi ka socda la joojiyo” Md Cismaan Garaad Soofe waxa uu cadeeyay inay dawlada Itoobiya kala hadlayaan dagaalkaasi “Waxaanu dawladda Itoobiya ka doonaynaa inay umadda reer Somaliland ee ee reer guuraaga ah ee halkaasi deggan inay badbaadiso” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland. Dhanka kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xafiiskiisa ugu yeedhay wakiilka dawlada dhexe ee Itoobiya u fadhiya Hargeysa isla-markaana kala hadlay arimo la xidhiidha dagaalkii Gaashaamo, kana dalbaday inuu dawladiisa gaadhsiiyo dhawaaqa Somaliland ee ah in dadka shacabka ah ee deegaanada Gaashaamo hoos yimaada iyo Liyuu booliska la kala badbaadiyo.
-
Many believe this is a cheap attempt to make the Liyu police popular in the O-lands and I agree some are falling for it. But this bare-faced clan aggression must be fought and the Gaashamo people are doing that. This is what it's all abouts
-
Che -Guevara;806282 wrote: I have been Xaaji joined AS and went to Gaashamo:D :D Wa waajiib inu xaajigi jihaadka galo
-
Sometimes i think carafaat wants to divide galkacyo even more waba yaab war dadka isku wad haka la kaxayn eh
-
lol
-
^^ He just likes our Mall man Dr osman is a man who loves progress
-
Carafaat agrees with the Jawhari guy when it comes to the SYL.
-
Somaliland:Wadani suppports huge turn out in boramaa Awdal+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Here is the video of today http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=W6bXLyfy_40" frameborder="0" allowfullscreen> -
Somaliland:Wadani suppports huge turn out in boramaa Awdal+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The youth are the future of Somaliland they are the next leaders of the country seems wadani is very popular in Borama Awdal. -
^^^Are you saying allssc are showing a fake map here is the problem with clan states its all based on clan qabilkuna wa sida basasha meel ma gaadho.
-
Source http://allssc.com/2012/03/18/ogaysiis-jaaliyada-khaatume-ee-mn-waxaa-la-ogaysiinayaa-inuu-jiro-shir-xogwaran-ah-oo-uu-qaban-doono-wasiir-ku-xigeenka-amniga-khaatumo-axad-031812/
-
Carafaat;805900 wrote: egal aun. but Siilanyo has a chance if he re unites the people. The people are united but siilaanyo will be greater than Cigaal when he finishes his term u will see
-
^^ Lol
-
C/laahi Axmed Cadow oo sanado kadib soo gaaray Muqdisho Muqdisho: (Sh. M. Network) Siyaasiga C/laahi Axmed Cadow oo maanta soo gaaray Magaalada Mudisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ururada Haweenka, Dhalinyarada, Fanaaniinta iyo qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Siyaasiga oo gudaha Garoonka ugu horeyn kula hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu u mahaceliyay dadkii ka qeyb gaatay soo dhaweyntiisa iyo shaqsiyaadkii soo abaabulay, isagoo sheegay in tani ay ku beerayso dareen gooni ah, waxaana uu sheegay in shacabka looga baahanyahay inay muujiyaan midnimo si looga baxo dhibaatada. Intaasi kadib ayaa siyaasiga waxa loo galbiyay Hoy uu ku leeyahay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana shir jaraa’id oo uu ku qabtay halkaasi uu ku sheegay u jeedkiisa ku aadan safarka uu ku yimid Magaalada Muqdisho, isagoo ku sababeeyay in uu arko xaaladda ka jirta dalka iyo doorka uu ka qaadan karo samata bixinta shacabka Soomaaliyeed. Prof: C/laahi Axmed Cadow ayaa mar la waydiiyay suurta galnimada in mar kale uu u tartamo xilka madaxtinimo ee dalka ayaa waxa uu sheegay inay dhici karto madaama sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaadkii uu horey ula tartamay aan soo kordhin wax is badal ah, baahidii loo doortana ay wali taagantahay. Siyaasiga C/laahi Axmed Cadow oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dalka ayaa dad badani waxa ay ku xusuustaan xilliyadii uu isku soo taagay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka kala dhacday Magaalooyinka Carta iyo Ildoreed ee dalalka Jabuuti iyo Kenya xilligaasi oo uu la tartamay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya C/qaasin Salaad Xasan iyo C/laahi Yuusuf Axmed.
-
Interesting debate the banadiri guy has a point even though an admin in Banadir and xamar as its regional capital is not feasible since its the country's capital.
-
Turkish delegation arrives in the Somaliland republic+VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Ciidamada Liyuu Booliska Dawlada Kilalka Shanaad Ee ETHIOPIA Oo Dib Ugu Baxay Deegaanka Raqda Oo Ay Ku Laayeen Dad Rayid Ah Shalay Iyo Maleeshiyo Taabacsan Qabiilka Uu Isu Diyaarinaya Dagaal Xoog Leh. Raqda (Ramaas) 18, 2012- Ciidamada daacada u ah maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka ETHIOPIA, ayaa dib uga baxay deegaamo hoos yimaada Gaashaamo oo ay dad rayid ku layanayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay,iyaga oo ka cabsi qabo weeraro kaga yimaado ciidan beeleedyo isku abaabulaya dagaalka dhulkooda ku xoraynayaan . Ciidamada Liyuu booliska ayaa xalay u jihaystay dhanka jiida Danood,kuwaasoo qorshaynaya in u guuraan Qaraxay oo aad uga fog goobihii ay dagaaladu ka dhaceen,laakiin waxa aanu la ogayn in ay isoo rogaal celin doonaan iyo in kale,iyada oo dadka ku nool Tulooyinkii shalay la gubay ay ka go’an tahay dagaal qadhaadh oo ay galeen. Ciidamo beeleed gurmad xoog leh ka helay jiidaha kale ee ku dhaw Gaashaamo ayaa soo gaadhay Raqda oo ahayd xuduntii uu dagaalku ka bilaabmay , waxaana ay ciidamadaas ka hawlgeli doonaan aag ballaadhaan,iyaga oo difaaci doona dadka rayidka, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya dhulkaas. Shlay ahayd markii Suldaanka guud ee beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ku eedeeyay ciidamada Liyuu booliska in ay wadaan gumaad aargoosi ah oo ka dhan ah dad gaar, waxaana uu sheegay dadka deegaanka la soo weeraray ay isdifaaci doonaan , haddii ay khatar dareemaan. .
-
Eritrea can stand their ground like they did in badme a decade ago but right now they are isolated UN sanctions bad relations with neighboring countries like Djibouti Kenya not to mention their arch enemy Ethiopia. Somalia is broken it doesn't make it better for them they are not ready to be on the offensive but they will defend their territory that's for sure.