Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,838
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Nin Yabaan do you want me dead adeer ma sidasad ii necebtahay waan dhiman sida dadka kale oo dhan laakin ma xanuun kulushahay mise wa caadi weye suaashu
  2. Where the statue of President Muhammad siyaad bare father of Somali Nationalism?
  3. Mintidow koley buurmadow beryahan ba hadaladisa way is dhaaf dhaafeyeen marka waxa la doonaya inay maskaxdu u so yaro nassato wa xabsi xarago leh oo waliba tolnimo ku jirto.
  4. ^ Buurmadow wa ninki yidhi maxakiimta iyo dawlada cabdilahi Yusuf aniga heshisinaya 2006 wa nin walaan
  5. Daahir Rayaale oo Markii u horeysay Booqasho-sharaf ku tagay Qasriga madaxtooyadda March 27th, 2012 a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/03/rayaale3.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta markii u horeysay booqasho sharafeed ku tagay xarunta Madaxtooyadda Somaliland tan iyo markii uu xilka madaxtinimada dalka wareejiyay 27-kii July 2010-kii, waxaanu kulan albaabaddu u xidhnaayeen kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kulankaasi oo aan wax war ah laga soo saarin, ayay ilo xog ogaal ah oo ku dhowaa u xaqiijiyeen shabakada warrka ee Somaliland.Org inay labada Masuul iska xog-waraysteen xaaladda dalka. < Sidoo kale, waxa Madaxweynihii hore ee Somaliland uu booqasho sharafeed iyo kulan albaabaddu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Talaabaddan ayaa ah mid tusmaynaysa heerka bisilka siyaasiyiinta axsaabta qaranku marayso iyo midnimadda iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland oo ah dal curdin ah oo aan aqoonsi ka haysan beel-weynta caalamka, hase yeeshee dadkiisu oo qudhi ay aqoonsan yihii
  6. Sayid*Somal;810450 wrote: I thought Buhoodle and Laascanood were not part of SL - when did they become part of SL? :D war hadanu qardho Somaliland ku sheegin baad buro sida.
  7. Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa maanta oo bishu tahay 26 March,2012 lagu qabtey magaalada Galkacayo. Shirka waxaa marti galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan Somalia. Shirka waxaa kasoo qayb galey saxiixayaashii geedi socodka barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah oo ay kamid yihiin mudane sheekh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Somalia, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG ah, mudane Cabdiweli Maxamad Cali Ra’isal wasaaraha xukumada dowlada Federaalka ah KMG ah, Mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud “Farole” Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland, Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed Madaxweyne ku-xgeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamad Maxamud Yusuf “Libaax” oo matalaya Ahlu-Sunaha Waljamaca iyo danjire Augistin Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia. Iyadoo laga ambaqaadayo xaalada siyaasadeed ee Somalia iyo baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhaqangaliyo barnamaijka dhameystirka ee xiliga kala guurka ah “Roadmap-ka” iyo mabaadiida lagu heshiiyey Garowe1,2, waxaa hogaamiye-yaashii shirka kasoo qayb galey ka doodeen qaab loo fulin lahaa heshiisyadaasi waxeyna isku raaceen qodobada hoos ku xusan; 1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe 1,2. 2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey. 3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 100 qif waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh. 4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu’maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada. 5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2. 6 Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012. 7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah. 8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka. 9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa “Roadmap-ka” iyo mabaadiida Garowe1,2. Waxaa saxiixey dhamaan xubnihii aksoo qayb galey kulankaan
  8. Deg Deg: Madaxda Dowlada KMG oo Cadaado gaartay Published on March 27, 2012 27.March.2012: Waxaa Goordhow garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado kasoo dagtay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaalia Sh Shariif Sh Axmed. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka XIman iyo Xeeb, iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada. Waxaa haatan loo galbiyay Wafdiga Madaxweynaha Dowlada dhanka Madaxtooyada Maamulka Ximan iyo Xeeb. Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Magaalada lagu daadiyay Ciidamadii Ximan iyo Xeeb iyo kuwa gaar ah oo la socday Madaxda Dowlada ee Cadadao gaartay. Waxaa lagu wadaa in goordhow ay saxaafada lahadlan Madaxda Dowlada ee gaartay Magaalada Cadaado.
  9. ^^ ceeb madaxweynaha ha nacdalin wa inad buurmadow nacdashid.
  10. When he is out he will be a big time muxafaad like Boqor raabi:D
  11. Boqor Buur-madaw Oo Laga Wareejiyay Xaruntii CID-da Ee Uu Ku Xidhnaa Loona Dhaadhiciyey Jeelka Weyn Ee Magaalada Hargeysa March 26, 2011 Hargeysa(Cadceed) – Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa saaka xabsiga dhexe u dhaadhicisay Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur-madaw Kadib markii ay ciidanka boolisku ka qabteen madaarka Hargeysa March 10 2012, isagoo kasoo laabtay dalka Imaaraadka carabta ee Dubai oo uu degnaa mudooyinkii u danbeeyay, isla markaana mudo laba todobaad ah ku xidhnaa xarunta CID, ee denbi baadhsita, iyadoo aan Maxkamad la horgeyn. Sarkaal ka tirsan Booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xabsiga u dhaadhiciyeen. Kadib amar kaga yimi dhinaca madaxtooyadda, wuxuuna ku dooday in la mariyay maxkamadda oo laga rumaan-gareeyay xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw, balse wuxuu ka gaabsaday sarkaalkaasi inuu sheego mudada rumaanka. Laakiin warar laga helay dhinaca Garsoorka ayaa sheegay inaanay arag iyadoo laga rumaan garaynayo maxkamadda Boqor Buur-madaw oo aan la horkeenin Maxkamadda, isla markaana aanay waxba kala socon rumaankaa. Hase yeeshee waraka qaar ayaa sheegay in rumaan shan todobaad ah Boqor Buurmadow looga jaray saaka Maxkamadda, iyadoo aan isaga la horgeyn maxkamadda, basle warqada rumaanka looga soo qaaday maxkamadda. Sidaana loogu gudbiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa. waxaanay Maxkamaddu u jartay shan todobaad Afartan iyo laba cisho oo Rumaan ah. Talaabada xabsiga loogu dhaadhiciyay saaka Boqor Buur-madaw, ayaa la rumaysanyahay inay ka dhalatay canbaarayn kulul oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala kulantay xadhigiisa, taas oo kaga imanaysay xukuumadda gudaha iyo debedaba, iyadoo ay xadhigiisa ka hadleen Madaxdhaqameedka Somaliland, siyaasiyiin iyo waxgarad kale, basle dhawaaqyadii ugu danbeeyay oo kaga yimi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo deegaanka uu Boqor Buur-madaw kasoo jeedo ee qoyskiisa ayaa ahaa dhaleecayn iyo hanjabaad kulul oo mudo u qabtay xukuumadda inay inay usoo celiso xoriyadiisa, haddii kalena ay masuul ka noqonay wixii ka yimaada. Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur-madow, ayaan ilaa hada la ogayn denbiga loo haysto iyo eedaha uu galay, basle waxa keliya oo ay xukuumaddu qabashadiisa dhawr todobaad ka hor kaga jawaabtay waaran hore loogu jaray, iyadoo lala xidhiidhiyay xadhigiisa mid uu ku kasbaday xorriyadiisa iyo inuu cabiro rayigiisa, isagoo dhaleecayn kulul warbaahinta mudooyin hore u marariyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mudo yar ka dib markii ay hogaanka qabatay mid ay durba kooxo majara habaabiyeen oo ay ujeedooyinkooda gaarka ah uga leexiyeen hogaanka dalka ee Madaxweynaha Siilaanyo inuu la yimaado maamulkii wanaagsanaa iyo cadaaladdii uu balanqaaday xiliggii kaanbeynka.
  12. ^ bal wataase dadki xaaji iska maageyey xaal ha i siyaan eeh yidhi xaajiga ka danbeyey waxan oo dhan.
  13. ceeb anigu cid ma carabawin xita dad ma sheegin xita dad baad igu sheegtey inan sheegey laakin dad xita ma sheegin afkaad rabta inad i galisid ilahay igu ogyahay afka ii galin meysid xita shimbirta maan carabaabin laakin wa duul duulaysa topican.
  14. Somalina Shimbir ma jabe wa kuma maanta baba igu horeysaaa:D
  15. Somalina;810034 wrote: Inta aanan kuu jawaabin, bal i fahansii dadka aad ka hadleyso fadlan? Dad anigu ma sheegin sawiro la so galiyo baan sheegey awoow ma jin ba sawirada so galiya mise insi bal ka jawaab?