-
Content Count
29,979 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
-
^^ Lool Good point Maaadaay
-
^^ Will faroole sue him Mooge
-
http://gobolada.com/?p=24101
-
War Deg Deg ah: CWXO oo xalay Magaalaad Qabridahare ciidanka gumaysiga ku weeraray baabuurna kaga gubay. Halkan ka dhagayso Radio Qorahay April 4, 2012 (QOL) War hada na soo gaadhaay ayaa sheeegaya weerar balaadhan oo ay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta O'gadenya ku qaadeen Xero ay Ciidanka Tigreegu ka daganaayeen Xaafada loo yaqaano Ceel-Xaar oo xaafadaha Magaalada Qabridahare ka mid ah, dagaalkaas oo ahaa mid si hufan loo qorsheeyay ayay CWXO ku mireen xerada Tigreega waxayna ku garaaceen hubka noocyadiisa kala duwan. Wariyaha Qorahay Media ee O'gadenya ka soo warama Mr Shukri Buli oo aanu goor dhawayd khadka is gaadhsiinta kula xidhiidhnay sida uu noo xaqoiijiyay weerarka ay Xalay CWXO Tigreega Magaalada Qabridahere dagan ku qaadeen waxaa ka dhashay khasaare aad u culus waxaana gumaysiga laga gubay inta la hubo hal Baabuur oo nooca Qabaalka loo yaqaano ah. Baaburka la gubay waxaa saarnaa Ciidan Tigree ah oo xero kale ka soo gurmaday kuwaas oo doonayay in ay CWXO ee weerarka soo qaaday dhabarjabin ku sameeyaan. CWXO ayaa saacado kadib iskood Magaalada uga baxay iyagoo wax khasaare ah aan la kulmin, warku wuxuu intaas ku darayaa in saaka waabarigii ay Tigreegu dadweynaha Magaalada Qabridahare Makarafoono la dhex marayeen iyagoo leh hala soo baxo kana argagaxsan dagaalkii xalay xerada ciidanka Tigreega lagu burburiyay. Sikastaba ha ahaatee CWXO ayaa baryahan si aad ah u kordhiyaya hawlgalada ay ciidanka gumaysiga dhulka *O'gadenya kaga sifaynayaan waxayna Tigreegu horay uga caageen in ay CWXO doontaan taasina waxay kaliftay in ay CWXO maxaysatada Tigreega ku weeraraan xeryaha ay Magaalooyinka waaweyn ka daganyihiin. Shacabka Soomaalidda O'gadenya ayaa bilihii u dambeeyay aad ugu diirsaday hawlgalada CWXO waxaana dhulka O'gadenya ka jira kacdoon culus oo ay Tigreeegu aad uga walwalsanyihiin waxaana bilihii ugu dambeeyaya gumaysiga lagu qaaday weeraradii ugu cuslaa uguna khasaaraha badnaa. Dagaalada is dabo jooga ah ee ay CWXO maxaysatada Tigreega ku asqaynayaan & guud ahaan xaaladaha kala duwan ee Ogadeenya wixii ka soo cusboonaada wararka dambe kaga bogo.
-
Imagine masku hadu qoorta kaga dhegi laha meel xun bu ka degi laha ninka australianka ah
-
War Deg Deg: Ciidamada Itoobiya oo Kaabiga ku Haya Buurhakaba iyo Al-shabaab oo Kasii Baxaya Published on April 5, 2012 by Galgaduud News · War Deg Deg ah Ciidamado Itoobiya ah ayaa saaka Dhaq dhaqaaq Dagaal kawada Gudaha magaalada Baydhabo. Ciidamada Itoobiya ay saaka kasoo dhaqaaqeen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baydhabo kuwaasi oo haatan soo gaaray deegaanka Deynuunaay. Siada ay uxaqiijiyeen Dad goobjoogo yaal ah cGalgaduudnews ”Ciidamo lagu qiyaasay 600 oo wata gawaari sii cagacagaynaysa 50 gaadiidka dagaalka inay duulaan kuyihiin Dagmada Buurhakaba oo ay kusuganyihiin Xarakada alshabaab Sidoo kale Ciidamada Al-shabaab ee kusugan Buurhakaba ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq culus oo ay kawadaan gudaha Magaaladaasi. Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Wararkeena Danbe Insha Allah.
-
Breakingnews Alshabaab vacate Buurhakabke Ethiopian and TFG troops on their way Ururka Al-Shabaab Oo Isaga Baxay Degmada Buur-Hakaba Iyo Ciidamada Dalka ETHIOPIA Ku Soo Jeeda. Buur-Hakaba (Ramaas) April, 5, 2012- Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxeen kadib markii ciidamada ETHIOPIA oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ay kusoo dhawaadeen. goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada ETHIOPIA iyo kuwa dawlada Soomaaliya oo wata gaadiid dagaal oo fara badan oo ay ku jiraan taangiyo ay saaka aroortii hore u dhaqaaqeen dhinaca degmada Buur-hakaba. "Ciidamada ETHIOPIA iyo kuwa dowladdu waxa ay soo dhaafeen Daynuunaay," ayuu yidhi goobjooge sugan Buurhakaba. Bishii Febuary ee sannadkan ayay ciidamada ETHIOPIA waxa ay dagaal la'aan kula wareegeen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay muddo saddex sano ka badan ay ka talin jireen xoogag taabacsan ururka Al-shabaab. Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin ka bixitaankooda degmada Buurhakaba, iyadoo haddii ay ciidamada Itoobiya qabsadaan degmada ay noqonayso degmadii labaad oo ay ka tirsan gobolka Bay oo Al-shabaab ay ka qabsadaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah
-
TV-ga Qaranka Oo Studio Uk Loogu Tallo Galay Ka Furanaaya Magaaladda Birmingham April 5th, 2012 Telefeeshinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Telefeeshinka matala codka shacabka Somaliland meel kasta oo uu adduunka ka joogo ayaa lagu sameeyay ballaadhin iyo horumar la taaban karo tan iyo wakhtigii ay Xukunka qabatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Telefeeshinka Qaranka oo markii hore baahintiisu ku koobnayd gudaha ayaa hadda laga daawada dhammaan dacalada dunida. intaas uun laguma joojin ee waxaa hadda socda tayayn iyo ballaadhin aad u baxad weyn oo lagu wado Telefeeshinka, haday tahay qaybihiisa dibadda iyo gudahaba. Haddaba xarunta labaad ee Telefeeshinka Qaranka oo ku taala waddanka Ingiriiska ayaa yana ku guda jirta balladhin iyo dib u habyn baaxad leh, yadoo dhawaan barnaamijyo si Live ah loo daawado laga soo gudbin doono xarunta uu Telefeeshinku ku leeyahay waddanka Ingiriiska. Sida haddaba lagu sheegay warsaxafadeed ogaysiin ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxa goblada Uk ee Telefeeshinka Qaranka Muniir Axmed Cigaal ayaa lagu sheegay in xadhiga laga jari doono Studio loogu tallo galay Gobolada waddanka Ingiriiska wakhtigaas oo ku beegan 14/4/2012. Iyadoo xaruntan loogu tallo galay inay *****sho baahida bulshada rer Somaliland ee ku dhaqan gobolada waddanka Uk wixii ka baxsan Magaaladda London, maadaama oo shacabka rer Somaliland aanay wadda degenayn magaaladda London oo kaliya. Warsaxafadeedkii oo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan. “Telefeeshinka Qaranka Somaliland oo ah midka huwan haybada iyo codka ummadda Somaliland oo dhan meel kasta oo ay adduunka ka jogaan, waxaa wajib ah in goob kasta loogu geeyo adeega iyo ka haqabtirka bulshada uu metelo Telefeeshinku, haddaba annaga oo taas ka duulayna waxaa dhammaan la ogaysiinaya bulshada rer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Uk in lafuraayo xarun cusub (Studio) oo qaabilsan adeega Gobolada uu ka kooban yahay waddanka Boqortooyadda Ingiriisku, ka dib markii aanu daraasad dheer ku eegnay goobta ugu haboon ee dhex u noqon karta dhammaan Gobolada isla markaana xidhiidhsiin karta waxay noqotay badhtamaha waddanka halkaas oo ah caasimadda labaad ee waddanka Britain magaaladda Birmingham. Dabcan xarunta waddanka Ingiriiska ee Telefeeshinku waa magaaladda London, balse xafiiskan cusub waxaanu ugu tallo galnay si loo fududeeyo hawlaha Gobolada yadoo uu noqonaayo Telefeeshinaka Qaranku Tv´gii ugu horeeyay ee ka furta meel ka baxsan London Sutdio dhammaystiran. Waxaanu sidoo kale xarun ka samyn doona magaaladda Sheffield yadoo uu xafiiskasi hoos iman doono xarunta Birmingham ee Goblada. Haddaba waxaanu ogaysiinayna dhammaan bulshada rer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada Uk in xaflad ballaadhan oo xadhiga lagaga jaraayo Xaruntan cusub lagu qaban doono magaaladda Birmingham, taariikhdu markay tahay 14/4/2012 oo ku beegan maalin Sabti ah, Goobta xafladu ka dhacayso iyo saacadaha waanu idinku soo wargalin doonaa.”
-
Ciidamadda Qaranka Somaliland oo Muslimiin Ajanabi ah oo ka soo baxsaday Dalka Jabuuti ku qabtay deegaanka Saylac Afarta qof-ba waxay haystaan dhalasho Faransiis ah waxaanay ka soo talaabeen xuduuda iyadoo ay Ciidamadda Jabuuti Eryanayaan Saylac(Waaheen) Ciidamada Qaranka Somaliland ee Guutada 60aad, Saldhigeeda 1aad, ayaa shalay Afar qof oo haysta dhalashada Faransiiska oo sadex rag yihiin midina Haweenay tahay ku qabtay Dooxa Bariisle kadib markay shalay galabnimadii ka soo talaabeen Xuduuda Lawyacado iyadoo ay Eryanayaan Ciidamadda Dalka Jabuuti. Afartan qof ee ay Ciidamadda Qaranku qabteen oo sheegtay inay Muslim yihiin ayay laba ka mid ahi u kala dhasheen Dalka Poland iyo Maroko , halka labada kale ka yihii Sinigaaliyiin, ilaa hadana lama oga sababta rasmiga ah ee ay uga soo baxsadeen Dalka Jabuuti. Saraakiisha Ciidamadda Qaranka, Booliiska iyo Maamulada Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolada Awdal iyo Salal oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan ayaa ka gaabsaday inay warbixin naga siiyaan hase yeeshee waxa ay sheegeen oo kaliya inay ka war sugayaan baadhitaan ay wadaan iyo Dawladda Jabuuti ee ay ka soo baxsadeen. “ wax war ah idinma siin karno imika, waxaan idiin sheegayaa uun in ay xadka ka soo talaabeen afartan qof oo ay Ciidamaddu Jabuuti Eryanayaan Rasaas-na la dhacayaan. Waxaanu ka soo qabanay iyagoo firdhanaya Dooxa Bariisle oo gaadhigii ay wateen kaga xanibmay, wax tafaasiil ah oo intaa ka badan wali ma hayno. Intaanu arkaynay waxay u muuqdaan dad Muslim ah waanay Tukanayaan lab aka mid ahina waa Xaas is qaba oo labana Madow yihiin, labada kalena waa cadaan”ayuu yidhi mid ka mid ah saraakiisha oo aanu khadka Telefoonka kula hadalnay. Dhinaca kalena wariyahayaga Saylac oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay afarta qof in xalay goor danbe la geeyay magaaladda Saylac isla markaana la dajiyay meel hudheel ah oo Amaankeeda aad loo adkeeyay, waxaanu sheegay in loo diiday inay booqdaan dadkaasi. Wariyahu waxa uu intaa ku daray “ sida aanu wararka ku helayno abaara 2:00 Duhurnimo ayay iyaga oo wata gaadhi nooca Land-cruiserada ah oo qaali ah wata ka soo talaabeen Lawyacado, waxa Eryanayay Ciidamadda Jabuuti oo rasaas badan ku furayay hase yeeshee way jiidheen oo kantaroolka ayay dhinaca ka mareen. Markay Bariisle marayaan ayuu gaadhigii u socon waayay, waxaanay galeen dhinaca Buuraha” ayuu yidhi “ Ciidamadda Qaranka oo ka war helay rasaasta ay Ciidamadda Jabuuti ku ridayeen markay soo talaabayeen ayaa heegan la galiyay, waxaana la baadi doonay gaadhigii soo talaabay abaara 5:00 galabnimo ayaa la soo qabtay afarta qof oo lugaynaya oo in badan ka socday gaadhigii ay wateen, waxaana caawa(Xalay) la noogu keenay Saylac” ayuu yidhi wariyuhu
-
Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaaka oo sheegay inay shir dib u heshiisiin ah u qabanayaan Xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG Kulan ay si wada jir ah ugu yeesheen magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga wafdi ka socday Jaamacadda carabta, Ururka dalalka Islaaka iyo Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhameynta khilafaadyada siyaasadeed ee u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida, waxaana shirkaasi ay Jaamacadda carabtu u gudbisay ururka Islaamka qorshe ay ku sheegayso inay xal ugu raadineyso dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya isku haya. Shirkan oo uu shir guddoominayey Xoghayaha guud ee dalalka Islaamka Ikmaalu-diin Ixsaan Oogle ayaa looga hadlay doorka beesha caalamku ay ka qaadan karto xal u hellidda arrimaha Soomaaliya, waxaana si weyn loogu dhaliilay shirarka dhaqaalaha loogu aruuriyo Soomaaliya ee ay qabtaan dowladaha deeqaha siiya Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyay in 10% wax ka yar ay bixiyaan deeqaha ay ugu yaboohaan Soomaaliya. “Soomaaliya waxay u baahantahay 10-milyan bil kasta si ay wax uga qabato dhismaha hay’adaha dowladda, arrimaha amaanka, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale oo dowladda KM G horyaala, haddana beesha caalamku ma bixiso dhaqaalaha ay ku yaboohaan taasina waxay dhabarka ka jebineysaa qorshaya ay dowladdu wax uga qaban laheyd arrimo badan” ayaa lagu yiri warmurtiyeed ka soo baxay shirka gebagebadiisii. “Waa lagama maarmaan in xal loo helo khilaafaadyada u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida oo ay ku jiraan khilaafka u dhaxeeya dowladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda siyaasiyan iyo askariyan intaba, maanta ka dib waa inaanan maqal khilaaf ka dhexjira dhinacyada Soomaalida, waayo xasilooni-darida ka jirta Soomaaliya waxay qatar weyn ku tahay caalamka intiisa kale” ayuu yiri Xoghayaha guud ee dalalka Islaamka Ikmaalu-diin Ixsaan Oogle. “Xoogga ka soo horjeeda dowladda KMG ee Al-shabaab waa inay ogolaadaan dhexdhexaadin ay Jaamacadda carabta ka dhexsameyso, isla markaasna loo soo afjaro khilaafka iyo gacan ka hadalka mudada dheer ka jiray dalka Soomaaliya, beesha caalamku waa inay iyana bixisaa dhaqaalaha ay ku yaboohdo si xal waara looga gaaro arrimaha siyaasadda Soomaaliya” ayaa markale lagu yiri war-murtiyeedka ka soo baxay shirka dhinacyadan sedexda ah ay wadayeesheen.
-
New Song dedicated to the Somaliland national Army by Nuur Daalacay
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Just enjoy the song saaxib:D -
Ajnabi lagu xirey Somaliland 5 Abriil, 2012, 10:53 GMT 13:53 SGA Booliska Somaliland ayaa xirey afar ruux oo ajnabi ah Dowladda Somaliland ayaa sheegtey in Afar ruux oo ajnabi ah ay ku xirtey xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti. Guddomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Maxamad Muuse Bucul ayaa BBC u sheegey in dadkan lagu xirey xadka iyagoo baabuur nooca Landcruiser-ka watey. Waxaa uu sheegey in dadkani oo dhamaantood haysta jinsiyadda dalka Fransiiska, ay si sharci darro ah, ku soo galeen Somaliland. Maxamad Muse Bucul waxaa kale oo uu sheegey in dadkani ay soo mareen waddo aanay inta badan baabuurta adeegsan. Dadkani ayaa haatan lagu hayaa xabsi ku yaala magaalada Seylac. Booliska Somaliland waxay sheegayaan in ay wadaan baaritaano la xiriira arrintani.
-
If the vast majority of the people of Somalia reject this Constitution than it will be thrown in the bin the majority of the people of Somalia cannot be called spoilers. There should be some sort of national Constitution commission wich should have the full legtimaciy of all the people of Somalia. Not just a section of clanist leaders such as the northern clan enclave of garowe.