Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Mukalaaloow markan ku leeyahay wu aragti fog bu laha wu oga waxa so socday wuxu oga dhibaatada ay keeni karaan ciidadamada shiisheeye dadku wa inay madax iyo midjo kala yeeshaan dadku haday wada madax yihin adeer wax hagagaaya iska yar Caydiid hadu 4 sannoh xukunka lugu dawan laha waleh meesha wa hagaajin laha laakin manifesto iyo inkaar kale ba lala orday iyo mid naafto dunida ka baryaya iyo qaar ka hadheenki aha Siad bare xal maha waxaasi, Meesha dalka ninki jabhadka ah ba qabsada oo dawlad ka dhisa Sida Melez Ethiopia Sida Isias Eritrea laakin dad is wada garab ordaya midba madaxweyne sheeganayo war nagada waxaas, Caydiid 1991 wax dhaama waleh ma jirin.
  2. Ciidan Al-Shabaab ah oo uu hogaaminayo Fuáad Shongole oo la sheegay inay deegaanka Galgala ee Puntland soo gaareen. Warar badan oo kasoo baxayey Madaxda Puntland iyo meelaha ay wararka ku faafiyaan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya inuu jiro tuhun ah inay deegaanka Galgala gaareen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo uu arkacayo Shiikh Fuáad Shongole oo ka mid ah madaxda ugu sareysa kooxdasi. Madaxweynaha Puntland Dr, Abdirahman Faroole oo dhawaan ka hadlay arrinta sheegeysa inay Al-Shabaab soo wareegeen Puntland ayaa waxaa uu ku eedeeyey arrintaasi qaarka mid ah maamulada la deriska ah Puntland, waxaana uu dhinaca kale uu walaac xoogan ka muujiyey ciidan ka Al-Shabaab ee soo baneeyey furimihii dagaalka Koonfurta Soomaaliya ee iminka soo aaday Puntland. Barta internetka oo wararka loogu soo gudbiyo dadka ku xiran kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay soo gudbin doonaan Codka masúulka tirsan Al-Shabaab oo ka hadli doona wararka la xiriira deegaanka Puntland, codkaasi oo noqon doona mid ay ku farxaan taageerayaasha Al-Shabaab, Waa sida ay qoraalkaasi u qoreene. Shiikh Fuáad Shongole waxa uu kasoo jeedaa deegaanka Puntland waxaana uu inta badan Al-Shabaab u qaabilsan yahay bixinta casharada diiniga ah ee loo jeediyo dhalinyarada iyo dadka la rabo inay ka qeybgalaan howlgalada Al-Shabaab, waxaana uu inta badan kasoo muuqdaa furimaha dagaalka iyo masaajida isaga oo hadba jeediya hadalo uu dil ugu xukumayo Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo dhamaan wixii la shaqeeya oo dhan. Haddii uu hadalkan dhab noqdo ayaa waxaa uu noqonayaa bog cusub oo u furmay Al-Shabaab iyo Puntland, iyaddoo aan la saadaalin karin waxa uu noqon doono boggaasi cusub. Puntland waxaa horey ay ula dagaalantay kooxda Shiikh Atam ee ka dagaalanta buuraha Galgala, kuwaasi oo xirir toos ah la leh Al-Shabaab. Galgala waa buuro isku xiran oo ku fiican dhuumashada xilliyada dagaalka , waxaana waqti badan halkaasi ku jiray ciidanka Shiiikh Maxamed Saciid Atam oo haddii ay helaan garabka Al-Shabaab ay dhici karto inay waqti badan ku qaadato Puntland inay halkaasi ka saaraan. Wararkeena danbe ayaa idin kusoo gudbin doonaa wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaasi. Horseed Media
  3. ^re read the topic i never said Siilaanyo is the TFG president Baarlamaanka Somaliya oo Madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu Sal-fudayd ku galo wadahadalada Somaliya Well they elect the TFG president they are saying they are holding elections end this month
  4. Baarlamaanka Somaliya oo Madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu Sal-fudayd ku galo wadahadalada Somaliya ee uu la yeelanayo Xukuumadda sii dhacaysa ee Sh Shariif “anaga xagayaga (Soomaliya) Golaha wasiirrada ee dhisan waa qurbo-joog Waqooyina waxa laga yaabaa inay qurba-joog yihiin, markaa maaha in qurba-joogaasi sheekada isla soo qaadaan ee waxa loo baahan yahay inay yimaadaan Siyaasiiyiin fahmi kara Miisaanka Waqooyi leeyahay” Xildhibaan Saleebaan Calanle Muqdisho (Waaheen) – Baarlamaanka dalka Soomaliya oo shalay fadhi ku yeeshay Magaaladda Muqdisho, ayaa Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba uga digay inuu si fudud wada hadalo ula gallo xukuumadda Sheekh Shariif oo ay sheegeen in aanay ahayn mid kalsooni ka haysata shacabka Soomaliyeed isla-markaana bisayl siyaasadeed oo ay ku gasho dhibaatada siyaasadeed ee ilaa lixdankii soo taxnayd. Sidoo kale, waxay sheegeen beesha caalamku inay ka rajo dhigtay siyaasada Sheekh Shariif iyo xukuumadiisa oo noqotay mid ay bariinsatay musuqmaasuq iyo maamul xumo la daadegtay dedaalada beesha caalamku ku doonayo inay dawlad sal balaadhan u dhisaan Soomaliya. Mudanayaasha fadhigaas ka hadlay waxay dhaleeceeyeen siyaasiyiinta gadh-wadeen ka ah wada hadalada Soomaliya oo ay sheegeen inay yihiin qurba-joog aan waxba ka ogeyn dhibaatada Soomaliya taala isla-markaana dalka u gacan galinaya dawlado iyo shirkado ay dilaalayaan oo ay u qaybinayaan khayraadkii Soomaliya. Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim (Calanle) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaankaasi isla-markaana ah muwaadin reer Somaliland ah, balse aaminsan mabda’a Soomali-weyn oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Waaheen ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somaliya Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) uu Somaliland uga digay inay wax wada hadal ah la gasho Xukuumadda Shariif, isaga oo sheegay in bishan 30-keeda baarlamaanku samaynayo doorasho uu ku ridayo xukuumadda Sheekh Shariif, waxaanu yidhi “Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaliya ayaa waxa uu ka dhawaajiyey maanta (shalay) hadal ah wada hadalka beeshu caalamku leedahay Somaliland iyo Soomaliya ha wada hadleen, waxa uu ka dhawaajiyey in Madaxwaynaha iyo dadka hadda jooga (Xukuumadda Sheekh Shariif) ahayn kuwii ka bixi lahaa wada Hadalka, waayo iyadda oo Soomali ku heshiisay in dadka iyo dalka dhibaatada lagaga saaro (Dawlada ku meel-gaadhka ah) ay hareer mareen oo kursigooda sidii ay ugu fadhiyi lahaayeen ay rabaan, baarlamaankiina bishan dhow doorashadii qabanayo in Somaliland aanay ku soo deg-degin rag midna yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka laga eryey, midna yahay ka kursigiisii doorashada loo qabanayo ee la doonayo in dadka Soomaliyeed isku soo sharaxaan (Sheekh Sharif), markaa waa inay sugaan hogaanka dambe ee dalka loo dooran doono ee ka bixi kara wada hadalada, ilaalin karana sharciyada Soomali ku heshiisay umaddana isku soo jiidi kara oo fahmi kara waxa dawladnimadu tahay, ilaa lixdankii wixii Soomaliya ka soo dhacay garan karta, laakiin dad sharciyadii hareer marsan oo dawladnimadu waxay tahay aan garanayn oo waxa la isku yahay ama wixii dhacay aan garanayn in la yidhaahdo wada hadal ayaanu la galaynaa, waxaan leeyahay haku soo deg-degina oo wada hadalada la suga dawlada dhalan doonta.” Xildhibaan Saleebaan Calanle waxa uu sheegay inay doonayaan in wada hadalada Soomaliya iyo Somaliland noqdaan kuwo midho dhala “Wada hadalada waxaanu doonaynaa inay noqdaan kuwo wax ka soo baxaan oo midho dhala, laakiin madaxdaa iyo dawladaa cusub la jaanqaada, wada hadalka iyo in wax la iswaydiiyaa way fiican tahay, laakiin waa inaad la hadashaa qof matali kara umadda Soomaliyeed oo rabitaanka shacabka ku shaqeynaya lana ogol yahay oo wax goyn kara, laakiin dad aan shacabku ogolayn oo lagu eedaynayo kiisas badan rabbana inay dalka ku wareejiyaan shirkado ajaanib ah oo ay kursigooda ku ilaashadaan, markaa waxaan kula talinayaa xukuumadda Siilaanyo inay arintaa deg-dega ka ilaaliso oo aanay dhicisoobin, noqotana arin laga fiirsaday, laakiin niman sharci daro niman ku qancay oo aan doonayn in dhibaatada laga saaro dadka iyo dalkan haddii aad tidhaahdo wada hadalbaan la galayaa halkuu ku geyn.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay ogol yihiin in Sheekh Shariif isku sharaxo doorashada baarlamaanku qaban-qaabinayo “Ninkaasi haddii uu sharciyada u soo noqdo oo uu isa-soo sharaxo doorashada bishan 30-keeda waanu soo dhawaynaynaa haddii la doortana waa lala shaqeynayaa, haddii mid kale la doortana la shaqee.” Xildhibaankani waxa uu sheegay in beesha caalamku ku mashquulsan tahay sidii ay Soomaliya ugu heli lahayd hogaan sax ah “Beesha caalamku waxay ku mashquulsan tahay inay hogaan sax ah hesho, waxayna ku mashquulsan tahay hogaankan sharciyadii ka tagay, waanad maqlayseen shirkii London in Hilery Clinton ay tidhi ma soo noqon kartaan oo bisha Augost ma dhaafi kartaan, maxaa sidaa loo leeyahay waa niman aan sharciyadii u hogaansamayn oo awoodii dadka haysan oo iska ordaya oo aan ka fikireyn masiirka umaddan, markaa Sheekh Shariif kama bixi karo wada hadalka beesha caalamku ku baaqday, waxaanan ku adkaynayaa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo deg-dega arinta halaga daayo wax bisil ayaa wanaagsan, madaxda cusub ee baarlamaanku dooranayo 30-ka bishan April la shaqeysaan oo madax wax ka goyn kara Koonfur ay timaado.”ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray in sababta ay doorashada u samaynayaan tahay Madaxwayne Shariif oo sharciyadii qaadacay “Golaha baarlamaanku waxa uu soo dedajiyey arintii ahayd bisha Augost waxaanu ka dhigay 30-ka bishan ka dib markii Sheekh Shariif dhagaha ka furaystay sharciyadii.” Xildhibaanka oo la waydiiyey dhibaatada ku jirta wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya, maadaama oo ay labadooduba aqbaleen ayaa ku jawaabay “Sheekh shariif wakhtiga ayaa ka sii dhammaanaya waxana (Inuu aqbalay wada hadalka Somaliland) waa dhalanteed, dhalanteedna meel kuma gaadhsiiyo oo waa in xaqiiqda la abaaro, ragga Madaxwayne Siilaanyo magacaabay way fiican tahay inay dawlada dhalan doonta la jaanqaadaan, laakiin waxa Sheekh Shariif wadaa waa dhalanteed, waxaana la rabbaa inay Koonfur yimaadaan dad wax ka go’aan oo lala gorgortami karo, laakiin Sheekh Shariif waxa uu ku dedaalayaa inuu sameeyo wax kasta oo uu kursigaa ku sii fadhiyo, waxaanu doonayaa inuu beesha caalamka ku yidhaahdo wada hadal ayaan Somaliland la wadaaye wakhtiga hala ii kordhiyo.”ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey in loo baahan in laga wada hadlo wixii lixdankii khaldamay “Waxa la doonayaa in laga hadlo oo la yidhaahdo wixii lixdankii inaga khaldamay maxay inagaga khaldameen, waxaanan filayaa inaan sidii lixdankii aan loo khaldami doonin, haddii la wada hadlayana loo wada hadlo Waqooyi iyo Koonfur, markaa wax la bisleeyo oo dhibaatadii ku dhacday dadkii midnimada Soomaliya kowga ka ahaa aanay soo noqon meeshana (Soomaliya) ay timaado cid wax laga goyn karo.” Xildhibaan Calanle oo la waydiiyey waxa uu ka ogyahay xidhiidhka Madaxwayne Siilaanyo iyo Shariif ayaa yidhi “Xidhiidhka Siilaanyo iyo Sheekh Shariif shirkii Ingiriiska ayay ku timid, beesha caalamkuna iyaddaa dabada ka riixaysa in Somali wada hadasho, laakiin waa inuu yimaadaa qof (Madaxwayne) fahmi kara miisaanka Waqooyi leeyahay, anaga xagayaga (Soomaliya) Golaha wasiirrada ee dhisan waa qurbo-joog Waqooyina waxa laga yaabaa inay qurba-joog yihiin, markaa in qurba-joogaasi sheekada isla soo qaadaan maaha ee wax walba miisaan ayay u baahan yihiin”
  5. its just talks carafaat don't expect to much from this when they meet in UK they will probably make another appointment to meet in 2013. Its just Gogal Xaadh the meeting in London and Gogol xaar according to the Koonfurians,
  6. Mukalaal wa qalad waxad ku hadlaysid general caydiid ma cid ba jaanis siisay sideed u odhan karta msb bu kadarnaan laha caydiid nin degen bu aha oo runti aragti fog laha isku. Mid ma ahayn ali mahdi iyo general caydid. Manifesto sawti iska ordeen oo ay djbouti isku caleemo saareen somali oo. Aan u dhamayn bal maxay soo kordhiyeen.
  7. Indeed its great news and history will be written in mogadisho once again.
  8. 4.5 is not a bad way of sharing power the 4 major clans share power no one can cry and say its not fair the minority clans should make it a full like 5.0 that's fair perhaps.
  9. Guys it doesnt matter whether they are from the garowe clan or galmudug. What matters is four somali muslims were killed and it was because of qabil in that divided region of mudug.
  10. Naadara loves tribilism fadhi ku dirir wu ka hela wu ku istreexa.ma arkeysey sidu hadalka ugu qey qeybinayey. I like the young guy ridwaan he is good.
  11. Last time i checked the mad mullahs statue was in sanca Yemen Dunnow where Ahmed guray is
  12. It said gobolka mudug eeh Puntland ma nimanka spr ba been sheegeya tallow any way aun inti dhimatay.
  13. Abwaan watch this These youth were all born in the mid or late 80s during the SNM struggle
  14. Abwaan aqoonsi iyo Aqoonsi la aan i dont think inay qadiyada wax waligeed ka badalayso Siilaanyo manad dhegeysan xita 100 sannoh haday qadato Gooni isutaaga wax gorgorta galaya maha , Abwaan lixdanki markay kula midoobayeen soo iyagu may iman hadana iyaga uun ba iska tagey is that simple wax la isku mashquuliyo maha Abwaan dal uma baahna inay yeelato kheyraad to have a great economy Dalka japan wax kheyraad ah ma laha wanad aragta dalka Swizterland saso kale. Somaliland hadaba iyada kheyraad dadkeeda iyo dalkeeda ku filan wa haysata. Abwaan reer Somaliland Somalia wa ka marmaan eeh its reer Somalia oo aan ka marmayn reer Somaliland haka dhigin sheekada sida kale:D By the way Somaliland dad xukun jecel kuma noola runti adna waad ogtahay ana waan ogahay. Abwaan bal horta idinku Midnimadina ka shaqeya oo dalkina mideyaa markaas ayaaad waxyaalaha kale u gudbi karta salaad kasta xiligeeda la tukada bay Somali tidha. shacabka ama dhaliyada Somaliland cidna waxba kuma shubin waxa lugu yidhi uun Somaliland dalkina ayaa la midoobay Somalia si loo helo Somaliweyn tina wa shaqeyn weysey oo way burburisay Somaliland iyo Somalia dawladnimadina ilaashta wana ogyihin sabab Somaliland way ku koreen waxbay ku barteen nabadooda iyo naftooda bay ilaalisa and they know that.
  15. Dad reer miyi ah o lagu laayey baadiyaha Gobolka Mudug ee Puntland. Written by C/raxmaan Maxamed Xaaji Galkacayo(SPR) Gobolka Mudug ee ku yaala bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay weerar ay qaadeen kooxo dablay kaasi oo lagu laayey dad rayid ah oo aan la aqoon sababta ka dambaysa. Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Qeydara ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaankaasi xalayto lagu dilay ilaa 4-ruux oo rayid ah. Waxaa la sheegay in ay Afartaasi ruux dhinteen sidoo kale waxaa jira dhaawacyo baaxad leh oo aan ilaa hadda la shaacin, waxaana dadka dhintay ay dhamaantood ahaayeen dad reer guuraa ah. Rag hubaysan ayaa la soo sheegayaa in ay dilka dadkaan fuliyeen balse lama yaqaan ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa, in kastoo ay dadka deegaanka sheegayaan in ay arintaasi tahay aano qabiil.
  16. Abwaan adba nin xun ma tihid waan ogahay laakin waxa ka dhadhacsan uun midnmadi hore eeh beri jiri jirtay hada ma jirto jiil danbe ba koray 20sannoh eeh ugu danbeysey aniga ha iga dhadhicin anigu oday weyn baaban ahay oo Somaliyadi hore waxbaabaan ka xasuusta. laakin dhaliyarada so koraysa Somaliyada aad sheegeysid maba yaqanin lol Marka si aad iyaga u qancisid i think they would like EU model of union having trade links and corporate on many fronts taasa dadka oo dhan ku qancayaan. Somaliland and Somalia will always be neighbors la kala tagi mayo ha u baqan:D
  17. Somaliland: Immigration offices equipped properly Monday, 09 April 2012 19:44 Dayib the Outgoing PIO who is credited with modernising the immigration deptBy: Yusuf M Hasan HARGEISA (Somalilandsun) – All immigration offices in the country are equipped with modern operation tools and trained staff. A new Principal immigration officer has assumed office after a hand-over ceremony at the immigration department's headquarters in Hargeisa. Mohamed Ali Yusuf who was appointed PIO last week took over from his predecessor Mohamed Osman Alin "Dayib" during a ceremony officiated by the deputy interior minister in-charge of security Hon Osman Abokor. The out-going PIO told his replacement that all regional offices in the country are now equipped with modern communication tools and staffed with highly trained personnel, thus up to standards immigration services provision capabilities country wide. The new PIO not only promised to sustain levels of prevalent competence but said he will strive to make them even better thus an immigration department worthy the country's pride. Hon Osman Abokor thanked Dayib for his contributions to the immigration during a service spanning several years. He said that the country is indebted to him for the perfect status of the immigration department. Mr. Mohamed Ali Yusuf was appointed last week by the minister of interior who did not divulge reasons behind the replacement of Dayib
  18. i don't think peacedoon is from Somaliland if i am correct why do people always inject Somaliland into a topic that has nothing to do with Somaliland cajiib.
  19. The kurds deserve to have their own country they are not Arabs even the Turkish part should join the oil rich Kurdistan nation Long live the people of Mujahid Salahudiin al Ayubi.