-
Content Count
29,840 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Puntland:Qardho Community reject farooles Dictatorship
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
General Samatar is organizing his people against the one clan dictatorship sitting in garowe he was right when he said we will never accept another year from faroole. -
Qardho: Waxgaradka Beelaha Qardho Oo Kasoo Horjeestey Xil Kororsiga Xukuumadda Faroole [sawiro Kulan balaaran oo ay waxgaradka beelaha Qardho beryihii u danbeeyey ku lahaayeen magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta soo gaba gaboobey. Kulankan oo ay ka qayb galeen in badan oo kamid ah waxgaradka, Nabadoonada, Siyaasiyiinta iyo Culimaa’uddiinka beelahaas ayaa gaba gabadiisii laga soo saaray bayaan dhinacyado badan taabanaya. Bayaankaas oo ay ku saxiixan yihiin dhamaan waxgaradkii shirkaas ka qayb galay ayaa lagu sheegay in beelaha Qardho ay si mideysan uga soo horjeedaan in xukuumadda hadda jirtaa ay xilka muddo sanad ah ku kororsato. Talaabadaas ayaa sidoo kale bayaanka lagu xusay in hadii madaxweyne Faroole uu qaado ay noqonayso mid aan bulshada Puntland u cuntami karin islamarkaana ay tahay khalad aan sinaba loo qaadan karin. Dastuurka cusub ee Puntland ee dhowaan aftida loo qaadayo ayaa Bayaankaas lagu sheegay in dhamaan waxgaradka iyo nabadoonada shirkaas ka qayb galay ay si aad ah ugu qanacsan yihiin islamarkaana ay usoo dhoweynayaan. Waxaana ugu danbeyntii Bayaankaas oo ku socdey dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Baarlamaanka Puntland, Golaha Xukuumadda, UNPOS iyo Ismada Puntland lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in laga feejignaado talaabo walba oo dhib horseedi karta. Bayaanka shirkaas laga soo saaray Horseed Media isaga oo original ah saacadaha soo socda ayey idiin soo gudbin doontaa.
-
Mukalaalow when i heard Somaliland declared independence in 1991 in burco i was like what this cannot be true my first reaction was wa lugu deg degey and caydiid when he was fighting against Ali Mahdi he just all that time he wanted to honor the pact he had with the SNM wa nin qawl leh. President Siilaanyo wrote in 1991 April a power-sharing formula between Somaliland and Somalia to share power on the bases of SNM and the USC a Confederacy system consisting of two states one country. A shirweyne conference was planned in Mogadishu between the SNM and the USC but all of this was interrupted by the Manifesto crew who ran to Djibouti and selected a President. SNM central committee held a meeting shortly before that to organize a big Conference in Burco for the Somaliland tribes.
-
General Caydiid on Somaliland
-
Qandalaawi they don't have statues of People in Somaliland but caydiid is liked in some sections of Somaliland i can tell you that. Anyway naxariisti allah halo baryo inti dhimatay iyo inti dagaalada sokeeye ku dhintay
-
Who said i love Godane where did i say that? The fact is he is now in Galgala Somalia,Somaliland on the other hand will protect its borders they have with Somalia whether the garowe clan enclave rules it or the Shabaab or atam it doesn't matter.Somaliland has nothing to do with this Qandalaawi other than sharing a border with Somalia but that's about it.
-
Qandalawi ofcourse when there is a civil war in a country unfortunate incidents happen but that happened on both sides General Caydiid and his Boys the USC and the SNM were great allies at one time in history he even visited us in Baligubadle. He had a vision others hijacked his plan to rule the Somali republic Caydiid wanted to rule Somalis with his own strength (nin rageed dhe).Others today need Foreign mercenaries to rule some villages and towns in Somalia, we can say caydiid made mistakes as he was just human but he was a giant among men Allah ha u naxariisto.
-
Hada Mukulaal madoow baad tahay eeh naga tag:D
-
Carafaat Mukulaal is from Dayniile Qanyares People
-
Mukulaalow;817151 wrote: Horta haku matalin Afawarki & Zanawi Caydiid. nimankaas Generalo ma aysa ahayn waxaa xukunka loogu wareejiyay waxay ahaayeen garabka civilka ama aan hubeysneyn ee jabhadaha EPRDF iyo EPLF. dee USC intaa uun bay sameysay oo garabkii aan hubeysnayn baa xukunkii qabtay, ma u maleynaysaa Somalia oo General uu talada qabsaday inuu ka dagi lahaa, bal eeg taariikhda Africa, wali lama hayo dal african ah oo inta askari qabsatay oo ay xukunka civilian ku wareejiyeen. Midda kale Caydiid ma uusan ahayn nin Soomaali mideyn kara oo qabaa'il badan baa u arkay inuu ayaga duulaan ku ahaa, marka lama oran karo wuxuu ahaa visionary. The difference is if the Political wing takes over they still incorporate the military wing as part of the newly established government this didn't happen in Somalia because Ali mahdi had to run to Djibouti and select him self as President, Wayahay eeh Caydiid Somali Musan miideyneyn eeh Cali Mahdi Somali ma u eeka nin miideyn kara Woqoyiga Mogadisho buu xita Miideyn kari wayey.
-
Mukalaaloow markan ku leeyahay wu aragti fog bu laha wu oga waxa so socday wuxu oga dhibaatada ay keeni karaan ciidadamada shiisheeye dadku wa inay madax iyo midjo kala yeeshaan dadku haday wada madax yihin adeer wax hagagaaya iska yar Caydiid hadu 4 sannoh xukunka lugu dawan laha waleh meesha wa hagaajin laha laakin manifesto iyo inkaar kale ba lala orday iyo mid naafto dunida ka baryaya iyo qaar ka hadheenki aha Siad bare xal maha waxaasi, Meesha dalka ninki jabhadka ah ba qabsada oo dawlad ka dhisa Sida Melez Ethiopia Sida Isias Eritrea laakin dad is wada garab ordaya midba madaxweyne sheeganayo war nagada waxaas, Caydiid 1991 wax dhaama waleh ma jirin.
-
Ciidan Al-Shabaab ah oo uu hogaaminayo Fuáad Shongole oo la sheegay inay deegaanka Galgala ee Puntland soo gaareen. Warar badan oo kasoo baxayey Madaxda Puntland iyo meelaha ay wararka ku faafiyaan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya inuu jiro tuhun ah inay deegaanka Galgala gaareen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasi oo uu arkacayo Shiikh Fuáad Shongole oo ka mid ah madaxda ugu sareysa kooxdasi. Madaxweynaha Puntland Dr, Abdirahman Faroole oo dhawaan ka hadlay arrinta sheegeysa inay Al-Shabaab soo wareegeen Puntland ayaa waxaa uu ku eedeeyey arrintaasi qaarka mid ah maamulada la deriska ah Puntland, waxaana uu dhinaca kale uu walaac xoogan ka muujiyey ciidan ka Al-Shabaab ee soo baneeyey furimihii dagaalka Koonfurta Soomaaliya ee iminka soo aaday Puntland. Barta internetka oo wararka loogu soo gudbiyo dadka ku xiran kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay soo gudbin doonaan Codka masúulka tirsan Al-Shabaab oo ka hadli doona wararka la xiriira deegaanka Puntland, codkaasi oo noqon doona mid ay ku farxaan taageerayaasha Al-Shabaab, Waa sida ay qoraalkaasi u qoreene. Shiikh Fuáad Shongole waxa uu kasoo jeedaa deegaanka Puntland waxaana uu inta badan Al-Shabaab u qaabilsan yahay bixinta casharada diiniga ah ee loo jeediyo dhalinyarada iyo dadka la rabo inay ka qeybgalaan howlgalada Al-Shabaab, waxaana uu inta badan kasoo muuqdaa furimaha dagaalka iyo masaajida isaga oo hadba jeediya hadalo uu dil ugu xukumayo Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo dhamaan wixii la shaqeeya oo dhan. Haddii uu hadalkan dhab noqdo ayaa waxaa uu noqonayaa bog cusub oo u furmay Al-Shabaab iyo Puntland, iyaddoo aan la saadaalin karin waxa uu noqon doono boggaasi cusub. Puntland waxaa horey ay ula dagaalantay kooxda Shiikh Atam ee ka dagaalanta buuraha Galgala, kuwaasi oo xirir toos ah la leh Al-Shabaab. Galgala waa buuro isku xiran oo ku fiican dhuumashada xilliyada dagaalka , waxaana waqti badan halkaasi ku jiray ciidanka Shiiikh Maxamed Saciid Atam oo haddii ay helaan garabka Al-Shabaab ay dhici karto inay waqti badan ku qaadato Puntland inay halkaasi ka saaraan. Wararkeena danbe ayaa idin kusoo gudbin doonaa wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaasi. Horseed Media
-
Somalia: Sh. Sharif to Nominate Committee for Talks with Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
read here http://www.kulmiyenews.com/?nid=1209 -
Baarlamaanka Somaliya oo Madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu Sal-fudayd ku galo wadahadalada Somaliya ee uu la yeelanayo Xukuumadda sii dhacaysa ee Sh Shariif “anaga xagayaga (Soomaliya) Golaha wasiirrada ee dhisan waa qurbo-joog Waqooyina waxa laga yaabaa inay qurba-joog yihiin, markaa maaha in qurba-joogaasi sheekada isla soo qaadaan ee waxa loo baahan yahay inay yimaadaan Siyaasiiyiin fahmi kara Miisaanka Waqooyi leeyahay” Xildhibaan Saleebaan Calanle Muqdisho (Waaheen) – Baarlamaanka dalka Soomaliya oo shalay fadhi ku yeeshay Magaaladda Muqdisho, ayaa Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba uga digay inuu si fudud wada hadalo ula gallo xukuumadda Sheekh Shariif oo ay sheegeen in aanay ahayn mid kalsooni ka haysata shacabka Soomaliyeed isla-markaana bisayl siyaasadeed oo ay ku gasho dhibaatada siyaasadeed ee ilaa lixdankii soo taxnayd. Sidoo kale, waxay sheegeen beesha caalamku inay ka rajo dhigtay siyaasada Sheekh Shariif iyo xukuumadiisa oo noqotay mid ay bariinsatay musuqmaasuq iyo maamul xumo la daadegtay dedaalada beesha caalamku ku doonayo inay dawlad sal balaadhan u dhisaan Soomaliya. Mudanayaasha fadhigaas ka hadlay waxay dhaleeceeyeen siyaasiyiinta gadh-wadeen ka ah wada hadalada Soomaliya oo ay sheegeen inay yihiin qurba-joog aan waxba ka ogeyn dhibaatada Soomaliya taala isla-markaana dalka u gacan galinaya dawlado iyo shirkado ay dilaalayaan oo ay u qaybinayaan khayraadkii Soomaliya. Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim (Calanle) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaankaasi isla-markaana ah muwaadin reer Somaliland ah, balse aaminsan mabda’a Soomali-weyn oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Waaheen ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somaliya Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) uu Somaliland uga digay inay wax wada hadal ah la gasho Xukuumadda Shariif, isaga oo sheegay in bishan 30-keeda baarlamaanku samaynayo doorasho uu ku ridayo xukuumadda Sheekh Shariif, waxaanu yidhi “Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaliya ayaa waxa uu ka dhawaajiyey maanta (shalay) hadal ah wada hadalka beeshu caalamku leedahay Somaliland iyo Soomaliya ha wada hadleen, waxa uu ka dhawaajiyey in Madaxwaynaha iyo dadka hadda jooga (Xukuumadda Sheekh Shariif) ahayn kuwii ka bixi lahaa wada Hadalka, waayo iyadda oo Soomali ku heshiisay in dadka iyo dalka dhibaatada lagaga saaro (Dawlada ku meel-gaadhka ah) ay hareer mareen oo kursigooda sidii ay ugu fadhiyi lahaayeen ay rabaan, baarlamaankiina bishan dhow doorashadii qabanayo in Somaliland aanay ku soo deg-degin rag midna yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka laga eryey, midna yahay ka kursigiisii doorashada loo qabanayo ee la doonayo in dadka Soomaliyeed isku soo sharaxaan (Sheekh Sharif), markaa waa inay sugaan hogaanka dambe ee dalka loo dooran doono ee ka bixi kara wada hadalada, ilaalin karana sharciyada Soomali ku heshiisay umaddana isku soo jiidi kara oo fahmi kara waxa dawladnimadu tahay, ilaa lixdankii wixii Soomaliya ka soo dhacay garan karta, laakiin dad sharciyadii hareer marsan oo dawladnimadu waxay tahay aan garanayn oo waxa la isku yahay ama wixii dhacay aan garanayn in la yidhaahdo wada hadal ayaanu la galaynaa, waxaan leeyahay haku soo deg-degina oo wada hadalada la suga dawlada dhalan doonta.” Xildhibaan Saleebaan Calanle waxa uu sheegay inay doonayaan in wada hadalada Soomaliya iyo Somaliland noqdaan kuwo midho dhala “Wada hadalada waxaanu doonaynaa inay noqdaan kuwo wax ka soo baxaan oo midho dhala, laakiin madaxdaa iyo dawladaa cusub la jaanqaada, wada hadalka iyo in wax la iswaydiiyaa way fiican tahay, laakiin waa inaad la hadashaa qof matali kara umadda Soomaliyeed oo rabitaanka shacabka ku shaqeynaya lana ogol yahay oo wax goyn kara, laakiin dad aan shacabku ogolayn oo lagu eedaynayo kiisas badan rabbana inay dalka ku wareejiyaan shirkado ajaanib ah oo ay kursigooda ku ilaashadaan, markaa waxaan kula talinayaa xukuumadda Siilaanyo inay arintaa deg-dega ka ilaaliso oo aanay dhicisoobin, noqotana arin laga fiirsaday, laakiin niman sharci daro niman ku qancay oo aan doonayn in dhibaatada laga saaro dadka iyo dalkan haddii aad tidhaahdo wada hadalbaan la galayaa halkuu ku geyn.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay ogol yihiin in Sheekh Shariif isku sharaxo doorashada baarlamaanku qaban-qaabinayo “Ninkaasi haddii uu sharciyada u soo noqdo oo uu isa-soo sharaxo doorashada bishan 30-keeda waanu soo dhawaynaynaa haddii la doortana waa lala shaqeynayaa, haddii mid kale la doortana la shaqee.” Xildhibaankani waxa uu sheegay in beesha caalamku ku mashquulsan tahay sidii ay Soomaliya ugu heli lahayd hogaan sax ah “Beesha caalamku waxay ku mashquulsan tahay inay hogaan sax ah hesho, waxayna ku mashquulsan tahay hogaankan sharciyadii ka tagay, waanad maqlayseen shirkii London in Hilery Clinton ay tidhi ma soo noqon kartaan oo bisha Augost ma dhaafi kartaan, maxaa sidaa loo leeyahay waa niman aan sharciyadii u hogaansamayn oo awoodii dadka haysan oo iska ordaya oo aan ka fikireyn masiirka umaddan, markaa Sheekh Shariif kama bixi karo wada hadalka beesha caalamku ku baaqday, waxaanan ku adkaynayaa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo deg-dega arinta halaga daayo wax bisil ayaa wanaagsan, madaxda cusub ee baarlamaanku dooranayo 30-ka bishan April la shaqeysaan oo madax wax ka goyn kara Koonfur ay timaado.”ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray in sababta ay doorashada u samaynayaan tahay Madaxwayne Shariif oo sharciyadii qaadacay “Golaha baarlamaanku waxa uu soo dedajiyey arintii ahayd bisha Augost waxaanu ka dhigay 30-ka bishan ka dib markii Sheekh Shariif dhagaha ka furaystay sharciyadii.” Xildhibaanka oo la waydiiyey dhibaatada ku jirta wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya, maadaama oo ay labadooduba aqbaleen ayaa ku jawaabay “Sheekh shariif wakhtiga ayaa ka sii dhammaanaya waxana (Inuu aqbalay wada hadalka Somaliland) waa dhalanteed, dhalanteedna meel kuma gaadhsiiyo oo waa in xaqiiqda la abaaro, ragga Madaxwayne Siilaanyo magacaabay way fiican tahay inay dawlada dhalan doonta la jaanqaadaan, laakiin waxa Sheekh Shariif wadaa waa dhalanteed, waxaana la rabbaa inay Koonfur yimaadaan dad wax ka go’aan oo lala gorgortami karo, laakiin Sheekh Shariif waxa uu ku dedaalayaa inuu sameeyo wax kasta oo uu kursigaa ku sii fadhiyo, waxaanu doonayaa inuu beesha caalamka ku yidhaahdo wada hadal ayaan Somaliland la wadaaye wakhtiga hala ii kordhiyo.”ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey in loo baahan in laga wada hadlo wixii lixdankii khaldamay “Waxa la doonayaa in laga hadlo oo la yidhaahdo wixii lixdankii inaga khaldamay maxay inagaga khaldameen, waxaanan filayaa inaan sidii lixdankii aan loo khaldami doonin, haddii la wada hadlayana loo wada hadlo Waqooyi iyo Koonfur, markaa wax la bisleeyo oo dhibaatadii ku dhacday dadkii midnimada Soomaliya kowga ka ahaa aanay soo noqon meeshana (Soomaliya) ay timaado cid wax laga goyn karo.” Xildhibaan Calanle oo la waydiiyey waxa uu ka ogyahay xidhiidhka Madaxwayne Siilaanyo iyo Shariif ayaa yidhi “Xidhiidhka Siilaanyo iyo Sheekh Shariif shirkii Ingiriiska ayay ku timid, beesha caalamkuna iyaddaa dabada ka riixaysa in Somali wada hadasho, laakiin waa inuu yimaadaa qof (Madaxwayne) fahmi kara miisaanka Waqooyi leeyahay, anaga xagayaga (Soomaliya) Golaha wasiirrada ee dhisan waa qurbo-joog Waqooyina waxa laga yaabaa inay qurba-joog yihiin, markaa in qurba-joogaasi sheekada isla soo qaadaan maaha ee wax walba miisaan ayay u baahan yihiin”
-
Somalia: Sh. Sharif to Nominate Committee for Talks with Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
its just talks carafaat don't expect to much from this when they meet in UK they will probably make another appointment to meet in 2013. Its just Gogal Xaadh the meeting in London and Gogol xaar according to the Koonfurians, -
Mukalaal wa qalad waxad ku hadlaysid general caydiid ma cid ba jaanis siisay sideed u odhan karta msb bu kadarnaan laha caydiid nin degen bu aha oo runti aragti fog laha isku. Mid ma ahayn ali mahdi iyo general caydid. Manifesto sawti iska ordeen oo ay djbouti isku caleemo saareen somali oo. Aan u dhamayn bal maxay soo kordhiyeen.