Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,843
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Prof Axmed Ismaaciil Samater Oo Taageeray Shuruuda Somaliland Ku xidhay Wadahadalada TFG Iyo Faysal Cali Waraabe Oo U Quus Gooyay Maamulka Puntland. Hargeysa (Ramaas) Apr 21, 2012 – Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a Somali-weyn ayaa soo dhaweeyay in Somaliland qaadacdo wada hadalo ay la gasho guddi ka socota Somaliya oo ay ku jiraan xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland. Prof Axmed Ismaaciil Samater ayuu dhinaca kale ka soo horjeedsaday in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loo xulo siyaasiyiin labada dhinac ka soo jeeda, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaliyaba laga xulo dad aqoon iyo khibrad leh oo laga yaqaan Somaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya ee ka garnaqi kara dhibaatada ka jirta “Anigu Somaliland waan u dhashay, laakiin aniga iyo xisbiga Hiil-qaran mabda’oodu waxa weeye in Somali la isku hayo oo ay meel qudha isugu timaado oo sidii ay ahaan jirtay noqoto, hase yeeshee wakhtiga imika jooga wasiirkaa hadlay waxaan u arkaa inuu gar ku joogo, waana in taariikhda la eegaa sanadkii 1960-kii waxa isku soo biiray laba dawladood oo ahaa British Somaliland Iyo Somaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray, markaa haddii la isku soo noqonayo in labadoodu si wanaagsan u wada hadlaan waa lagama maarmaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Laakiin anagu waxaanu leenahay arintan waa in laga saaraa wasiiro iyo siyaasiyiinta ama jiilka (Dadka wakhtigan), waa in dadka doonaya midowga laga soo saaraa guddi ah dad kartidooda iyo maamuuskooda wadanka laga yaqaano oo maskaxdoodu tahay mid Madax-banaan oo aan dawlad ka soo jeedin, waxaanan odhan lahayn in Somaliland laga soo xulo dad degmada laga yaqaano oo karti leh oo dawlada ka madax-banaan, laakiin arinka haddii mid siyaasadeed laga dhigo oo labada xukuumadood ee hadda joogaa doonayaan inay turubka wada ciyaaraan u malayn mayno in halkaa guul laga keenayo, waxaanuna odhan lahayn Somaliland oo walaalahayo ah inay soo saaraan dad aqoontooda, maskaxdooda iyo kartidoodaba la yaqaano oo fahamsan qadiyada Somaliland, waxa la tabanayo, arintana meel sare ka eega, sida adduunka ka dhacdana laba komiishan oo labada dhinac ka socdaa ay wada hadlaan, marka dambana soo saaraan war-murtiyeed oo ay adduunka la hadlaan, xaquna labada dhinacba wuu yaalaa laakiin arintu waxa weeye sidii labada xaq la isugu keeni lahaa.” Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna ka qayb-qaatay dood laanta afka Soomaliga ee BBC-du ka qabatay wada jadalada Somaliland iyo Soomaliya ayaa isagu qaadacay fikrada Prof Samater ee ah in guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya laga madax-banaaneeyo siyaasad “Prof-sayrka waan la yaabay, magac weyna wuu sitaa fikradiisuna maaha wax uu ku hadli karo qof caadi ahi, dawlad dhisan oo la soo doortay oo sida Obama oo kale loo soo doortay in la yidhaahdo ka joog adigu ma xaajoonaysid oo waxa xaajonaya dad kale’e, imika xisbigiisa Hiil-qaran isaga ayaa isku magacaabay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya labada wasiir ee Sheekh Shariif Puntland kaga daray guddida wada hadalada Somaliland iyo Somaliya “lixdankii markii aanu isku darsanay saddex Soomaliyeed may jirin ee British Somaliland iyo Itaaliyaan Somailland-baa jiray, hadhowna ha isku daraan ama hakala taagaane qolo walba kitaab muqadas ah ayay sidataaye, waa in si siman loo wada hadlaa, markaa imika waxa noo cadaatay in maamulka Somaliya ka dhisan aanu Madax-banaanayn ee lagu shaqeysto oo dad doonaya in Somali aanay heshiin wadaan, anaguna waxaanu nidhi waxaanu la fadhiisanaynaa TFG iyadda oo aan madax-banaanayn, markaa ixtiraamkayagii haddii uu noqday in Somaliland la rifo, waxaan leeyahay Somaliland kala daadashadeedu Somali waxba u tari maayo, Somaaliya-na iyadda ayaa noo baahan” Prof Axmed Ismaaciil Samater oo mar labaad ku soo noqday doodaasi ayaa isaga oo hadalka Faysal dibaaqaya yidhi “Faysal Cali Waraabe, anagu isma naqaano laakiin wixii lagu sheegayey ayaa ka soo baxay oo wax aanu ogeyn ayuu faalo ka bixinayaa, xisbigana waa xisbi weyn oo dadka ku jira la yaqaano, markaa in Faysal soo baadhaa waa muhiim” Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna mar labaad isaga oo ka soo horjeeda talada Prof Samater ee ah in arinka siyaasiyiinta laga daayo yidhi “Aniga waa ii kow in dawlada shaqeynaya oo dadkooda u hadlaya la yidhaahdo iska fadhiista, laakiin Samater waxaan leeyahay arinta ha inaga fogeyn ee arintu imika ayay soo dhawaatee, mida kale haddii aad soo magacowdo Inanka jooga Laascaanood maxaan kala hadlaa ma Laasqoreyba kala hadlaa, anagu lixdankii markii aanu isku biirney Soomaliya xitaa Puntland may jirin, anaga Puntland Iyo Galmudug waa noo Soomaliya, laakiin inanka Somaliland ka soo jeeda haddii aad qabiil ahaan ku soo magacowdo taasi gar maaha ee ha ina waalina” Eng Faysal Cali Waraabe oo abwaan barnaamijka ka qayb-qaadanayey la hor-dhigay sida uu u arko in Somaliya xeedho ku soo qaado dawladnimada oo ay Somaliland ula timaado si dhibaatadii dhacday loo xaliyo ayaa ku jawaabay “Anagu waxaanu u aragnaa in danta Somaliyeed ku jirto Somaliland iyo Somaliya oo noqda laba dal oo jaar ah oo xuduuduhu isku furan yihiin, laakiin meel lagu jabay laguma noqdo, markaa waxaan leeyahay inaad Inanta keentaan iyo in kale horta aynu isku nimaadno”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in faro-galinta arimaha TFG-da ee Puntland muujinayso laciifnimada TFG-da “In Puntland sheekada wada hadalada soo gasho waxay cadaynaysaa TFG-da oo daciif ah, markaa waxaanu sugaynaa sida dawladayadu sheegtay inta ay imanayso dawlad aanay Garoowe garab carareyn, anaga ayaa khalad samaynay markii aanu nidhi waanu la hadlaynaa dawlad la siman tuulada Garoowe” Prof Axmed Ismaaciil Samater, oo la waydiiyey sida uu u arko hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa ku jawaabay “Lama baa’biin karo xaqiiqada ah in 1960-kii ay isku biireen labadii Somaliyeed ee labada gumaysi kala haysteen ee British Somaliland iyo Itaaliyaan Somaliland, markaa Faysal waan ku raacsanahay inuu Faysal sidaa oga hadlo”
  2. Qaranki;821358 wrote: ^It's nice to see you have Ethiopia's best interest at heart. Kulaha Aynu isla joogno Because Ethiopia said so
  3. And we care about Ethiopia because? maybe you care but Somalilanders don't i remember Ethiopia in the 80s saying they will never ever give up the red sea look what happened Ethiopia has nothing to say about this issue Xabashida afka laga laada sidaasay wax ku bartaan. The AU has so far taken the application by Somalilander President Rayale seriously. Despite fears that recognition would lead to the fragmentation of Somalia or other AU member states, an AU fact-finding mission in 2005 concluded the situation was sufficiently "unique and self-justified in African political history" that "the case should not be linked to the notion of 'opening a Pandora's box'." The AU fact-finding mission recommended that the AU "should find a special method of dealing with this outstanding case" at the earliest possible date. On 16 May this year, President Rayale met with the AU Commission Chairperson, Alpha Oumar Konaré, to discuss Somaliland's application for membership.
  4. Sabti, Abriil 21, 2012 (HOL) — Xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa waxay isku raaceen in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol, iyagoo sheegay in gobolka Hiiraan uu muddo dheer cadaalad-darro kusoo jiray. Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xubno uu ka mid yahay mudane Ibraahim Ibraahim Xabeeb Nuur, iyadoo xildhibaannadii kulanka kasoo qaybgalay oo tiradoodu kor u dhaafaysay 40-tameeyo ay isku waafaqeen in gobolka Hiiraan laga dhigo laba gobol. Doodo badan kaddib ayay xildhibaannadu isku raaceen in gobolka kale loo bixiyo Shabeellada sare ayna xarun u noqoto degmada Buule-burte, waxayna xuseen in tani ay meesha ka saarayso cadaalad-darradii uu gobolku kusoo jiray muddada dheer. Xildhibaannada iyo wasiirrada reer Hiiraan ayaa waxay kulankooda ka sheegeen in gobollada kale ee dalka loo qaybiyay min laba illaa saddex, balse gobolka Hiiraan uu yahay mid aan la kala qaybin tan iyo markii gobollada dalka ay ahaayeen sideedda. Wasiirrada kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay kala ahaayeen: wasiir u dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka, C/qaadir Dhicisoow, wasiir u dowladaha madaxtooyada, C/raxiin Abiikar iyo wasiir u dowlaha wasaaradda caafimaadka, Maxmed Cumar. Mas'uuliyintan ayaa waxay sheegeen in degmooyinka gobolka ay u deynayaan inay go'aan ka gaarto wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, markaas kaddibna la shaacin doono. Ugu dambeyn, xildhibaanada shiray iyo wasiirrada ayaa waxay sheegeen inay u gudbin doonaan go'aankooda madaxda sare ee dalka markaas kaddibna ay sameyn doonaan xaflad weyn oo ay kaga dhawaaqayaan gobolka cusub iyo degmooyinkiisa.
  5. Mukaloow that's up to them whether they accept it or not not up 2 us Somalilanders will never ever give up their statehood if it didn't happen the past 21 years that should ring a bell.The international community told Somaliland and Somalia to talk about their future relations and take it from there they never said we will not recognize Somaliland but always said its up to the African union and the African union made it clear that Somaliland has a unique case in Africa even if talks fail with Somalia it doesn't change that fact. Somalia its self is in turmoil right now we have a western back government with limited control over its territory fighting with Islamic Militants. Mukaloow if a language unites countries Tanzania and Kenya would've been united the Tigray region of Ethiopia would've been part of Eritrea and Yemen and Oman would've been one country again that's not a valid point son ,the people of Somaliland made their choice very clear. No one brain washed them most of our kids were born in the late 80s and mid 80s and they were schooled in an independent Somaliland.
  6. Mukulaalow;821338 wrote: So do you honestly believe if these talks take place, the Koonfurians will give you the green light for independency? Tell me what does SL wan't to achieve on these talks? you know and I know its almost almost impossible for any Koonfur admin of tfg to let SL go, its almost what unites the southers (The unity of Somalia), So again what is your objective on these talks other than power sharing? if you believe the SL politicians are in for anything other than power sharing and the best part of cake, then you don't know anything about politics. Its all about showing good will to the international Community ,Somaliland will present its case Somalia will do the same and the international community will mediate but mark my words Somaliland will never ever give up its statehood nothing is more valuable than freedom its self. The end goal is always a full fledged recognized republic if the talks don't pave road for that even in a few years time lets say in 2016 2017. Somaliland is not going waste its time there are other ways to do so but it will make the best out if it when it comes down to talks. If south sudan and sudan agreed if Eritrea and Ethiopia agreed i don't see how the people who speak the same language can't agree.Mukaloow you are 21 years to late my Friend there is a whole new generation who don't have any connection with the former Dissolved Somali republic. By the way i don't think the Koonfurians will accept it easily but in the long term they will be forced to learn live with it because there is no other way.
  7. If you clearly listen to faisal he said anagu na muqadis baanu la imanayna iyaguna muqadis faisal is a politician when talking you don't chant and come with an Ultimatum other wise there is no need for talks. When faisal was asked if the Koonfurians give all the Political leadership of Somalia to Somaliland like Somaliland did in 1960 will you accept it he answered and said adeer meel lugu jabay lugu ma noqdo:D
  8. No its the other way around laasqoray and laascaanood are Somaliland. Somaliland is having a dialogue with Somalia not with its self.
  9. Even professor Samatar is politically correct this time Somaliland and Somalia to countries united and they are the only two that can make or break the union and they should talk No Bugland balaayo land Budhuqland beenbeenland iyo wixi la mid ah. (Somaliland and Somalia).
  10. Burahadeer some people love lying to themselves its gives them hope i tell you Somaliland is not interested in Political positions in Somalia nothing less than a full fledged independent republic well atleast that's the noise coming from Hargeysa.
  11. Taasa la leeyahay ha i raacdo waxas oo budhuq ah iyo hanjabaad iyo fatadhuug but when it comes to it kabahooda bay ka cararaan
  12. Maxa meesha faan iyo dhuuso ka dhacaysa waxano dhan hadal baa ka danbayn hadhow detoore osman yaan la wayin uun.
  13. Guys doodu aad bay u wanaagsanayd a guy from somalia aNd a guy from somaliland iyo dad both from somaliland and somalia Waxa Laga hadlay xiligi labada dal isku biireen siday kala ahayeen waxa Kala taga keeney iyo wada hadaladi somalia iyo somaliland wax walba walaga hadlay.
  14. Captain jack how can i forget him:D
  15. Teleefoon bay ragi ku waleen and now and days people have Phone every where shaqada gaadhiga mobile way wareeriyeen miskiinka laakin markay gaboobaan way ka raystaan i think its jealousy they are scared inu naag kale ka raaco.
  16. *Blessed;821136 wrote: Interesting. Shame, I liked Jamaal. Ummaduu ka farxin lahaa. Haye, bal Xaqsoor iyo Wadani maxay isla hayaan? Blessed Xaqay ino soorayaan Xaqsoor Wadani is going as a speed train in Somaliland Jamaal wu wanaagsan laha laakin siyaasadan udub ba walaan people advised him ka fagow adeerka Ahmed Yasin wa nin wax walaqay eeh but he didn't listen its better for him to join one of the other parties.
  17. Rayaale Iyo Ku Xigeenkiisa Oo La Sheegay Inay Isku Qanciyeen In Mar Kale Ay U Ordaan Madaxtinimada Dalka, Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh UDUB Oo La Filayo Inay Ka Dhaqaaqaan Dhawaan Hargeysa, April 19, 2012 (Haatuf) – Madaxwaynihii hore ee Somaliland iyo ku xigeenkiisii, isla markaana ah Guddoomiyaha iyo ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen in mar 3-aad ay u ordaan Musharaxnimada Madaxwayne-nimo hadii xisbigoodu ka soo gudbo doorashadda golayaasha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto. Sida uu Wargeyska Haatuf uga xogwarantay Masuul ka tirsan xubnaha sarsare ee xisbiga UDUB, kaas oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo, ayaa tilmaamay khilaaf mudo dhexmiranayey Rayaale ku xigeenkiisa ay ka heshiiyeen, isla markaana ay isku afgarteen inay muquuriyaan siyaasiyiinta Udub ee damacu kaga jiray inay xisbigaas iska soo dhex sharaxaan. Sidoo kale Masuulkaas ayaa waxa uu intaas ku daray in tan iyo maalintii uu Daahir Rayaale laalay Musharaxnimadii golaha dhexe ee UDUB u doorteen Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, isla markaana dad badani sheegeen inuu garabka saaray Wasiirkii hore ee duulista Cali Maxamed Warancade ee lagaga adkaaday tartankii Musharaxnimada ee xisbigaas dhexdiisa in mawqifkaasi isdalay ka dib markii lagula taliyey inay labadoodu mar 3-aad isa-soo sharaxaan Musharaxiinta Udub u tartami doonta Doorashada Madaxtooyada. Dhinaca kale Masuulkan ayaa sheegay in Rajada kaliya ee Xisbiga UDUB uu u lahaa in bulshada reer Somaliland mar kale dib u soo doorataa ay ku jirtay oo kaliya Jamaal Cali Xuseen oo loo ogolaado inuu hogaamiyo xisbigaas, hadii kalese aanu ka soo bixi doonin doorashada golayaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomi doonta. Ugu horayna Masuulkaasi isaga oo ka hadlaya heshiiska Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu yidhi “Waxay ku heshiiyeen Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin inay mar sadexaad u tartamaan Musharaxnimada xisbiga UDUB, waxaanay damacsan yihiin in doorashada deegaanka wixii ka danbeeya ay ku dhawaaqaan, sababta oo ah hadii ay imika ku dhawaaqaan damacoodaas Musharaxnimo cid ka aqbalaysaa ma jirto iyaguna kalidood waxba ma qabsanayaan”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Jamaal imika wuu ka niyad jabay xisbiga UDUB, sababta oo ah isagu waxa uu doonayey inuu difaaco karaamada xisbigaasi ummadda reer Somaliland ku dhex leeyihiin, oo uu muujiyo inuu yahay xisbiga ugu wayn ee Somaliland ka jira. lacagtiisii waxyar oo la isticmaalay mooyaane intii badnayd wuu la baxay oo wax aan ka badnayn ilaa $70,000 ayaa laga isticmaalay oo uu inta ugu badana isaga ku baxday, intii kale wuu qaatay oo xisbiyada kale kii uu u arko inuu ummadda dani ugu jirto ayuu ka dhex ifi-doonaa”. Masuulkan UDUB ka tirsani mar uu ka hadlayey rajada laga qabo in xisbigaasi uu mar danbe ka mid noqdo saddex xisbi qaran, waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB rajada kaliya ee u banaan ee ummadu mar danbe ku aqbali karaysay waxa ay ahayd iyaga oo ogolaada Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen, sababta oo ah xisbigayagii kor ayuu u soo kacay markii uu Jamaal ku dhawaaqay inuu u tartamo jagada ugu saraysa xisbiga, taasise waxay u cuntami wayday Wasiiradii Rayaale ay iskugu dhawaayeen oo dhan, hadii ay xataa Wasiiradii Rayaale hogaanka UDUB loo dhiibo xisbigaasi ka mid noqon maayo saddex Xisbi ee tartanka doorashada deegaanka ku guulaysta”.
  18. Blessed miyanaad Maqlin rayaale and Yasin want to run again Jamaal waxa lugu yidhi adeer iskaga noqo bangigaagi meeshan udub ba la yidha