Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Carafaat this man was going there for Politics not For Family and i doubt he has family in Xamar the man is from Hargeysa and not one of the Somalilanders who lived in Xamar back in the days.
  2. ^^ He was planning to go to Somalia again via Djibouti do you think you can fool me
  3. They were forgiven there is no law that was removed TFG officials if they set foot in Somaliland they will be arrested if they did not ask for forgiveness like qaalib and others.The only law that was removed was that the Somaliland govt can partake in Somalia conferences i don't see that as a green light to allow TFG mps in Somaliland with out being arrested.
  4. Parts of galkacyo dee soo qeyb ah kamid maha galkacyo ama mudug qeybo hoostaga galkacyo sida jeceshihid
  5. Horta cayda bal iska daa xaajigu haka nabad galo. Marka labaad maraykan cidna ma sheegin wasiirka arimaha dibada uun baa ku maqan. Wada hadaladuna wa muhim wa in la buuxiya wixi shirki london ka soo baxay wana loo bahanyahay in la wada sheekeysto. Laakin muhimadu waxa weye wada. Hadaladu inay ku dhacaan dal shisheeye ama ingriis halugu qabto ama maraykan labaduba wa kheyr.
  6. President siilanyo and president sharif decide to meet in london UK one on one talks. Sharif and somalia will come to the table with 4 ministers. President silanyo will also bring 4 of his cabinet members let the talks begin.
  7. Madaxweyne Siilanyo iyo Sh Shariif oo Ingiriiska ku kulmaya Toddobaadkan iyo C/raxmaan Saylici oo laga baajiyay safarkiisii Sweden ee 18-ka May Guddidii shanta Wasiir ahayd oo laga baxay iyo kulanka oo lagu soo koobay labada Madaxweyne iyo Afar Wasiir *Madaxweyne Siilaanyo waxa u raaci doona Safarkaasi Wasiirka Qorshaynta iyo Arrimaha Dibeda Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa baajiyay safar uu Madaxweyne ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici ku tagi lahaa Dalka Sweden, halkaas oo uu kaga qayb gali lahaa Xuska 18-ka May ee sanadkan oo lagu soo casuumay isaga iyo xubno kale.Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin baajinta Safarkan, hase yeeshee sida ay Ilo xogogaaal ahi Waaheen u sheegeen Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkaasi baajiyay, waxaanu warku intaa ku darayaa sababta loo hakiyay inay la xidhiidho safar Deg deg ah oo la filayo Madaxweyne Siilaanyo laftiisu holaday inuu dalka kaga baxo.Safarka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qorshaysnaa maalmihii ugu danbeeyay, hase yeeshee sida ay Ilaha xogogaalka ahi sheegayaan waxa loo baajiyay isku soo aadka Jadwalka labada safar oo isku soo hagaagay kuwaasoo aanu markii hore midkood qorshaysnayn, balse uu ka soo dul-dhaacay ka Madaxweynuhu.Ilaa hada lama oga safarka Madaxweynuhu halka uu ku jihaysan yahay iyo goorta uu noqon doono, hase yeeshee waxa la filayaa inuu noqon doono dalka Ingiriiska halkaas oo uu kaga qayb gali doono shirkii wadahadalada Somaliya ee loogu talo galay Wasiiro ka socda Somaliya iyo Somaliland, balse qorshihiisii loo bedelay Madaxweyanayaasha labada Dal iyo Afar Wasiir oo ay lababa dhinac ka soo jeedaan.Kulanka Labada Madaxweyne yeelanayaan dhanka Somaliland waxa ku wehelin doona Madaxweyne Siilaanyo sida la saadaalinayo Wasiirkiisa Qorshaynta Sacad Cali Shire iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibeda oo hada ku sugan Dalka maraykanka. Waxaana la filayaa 20 ka bishan ama Xuska 18-ka May inuu noqdo.Baajinta Safarka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dhaawacaysa Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Somaliland ee Sweden diyaarisay, taasoo ay ka hadhsan tahay wax ka yar afar cisho. Iyadoo ahayd C/raxmaan Saylici inuu wakhti horeba.Sidoo kale waxa baaqday Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Madax dhaqameed lagu marti-qaaday Xaflad kale oo ka dhacaysa dalka Maraykanka, kadib markii sida ay wararku tibaaxayaan la waayay Fiisayaashii ay ku tagi lahaayeen.
  8. I am so proud of somaliland 21 years ago I could have never imagined this sitting in the dust in burco with absolutely nothing a Broken country destroyed because of war. But they trusted allah and worked to achieve what they have today God bless.
  9. It was all up to sharif talks between the sl govt and the somalia TFG govt in a foreign country with mediation no jokes.
  10. Carafaat they are weakened but they still control shabelede dhexe shabeelada hose jubada hoose jubada dhexe some sections of banadir and parts of gedo. And they are still fighting in hiiraan bay and bakool. And now they are in galkacyo.
  11. The Professor is a Somali he is actually looking for a solution he doesn't consider Somalia a project where one can become a member of an organization of Member states. You can't really compare a highly educated Professor who was the former Somali prime Minister with a former cab driver from Melbourne.
  12. off to Mandheere or they should just deport him back to Somalia.
  13. Gorayo-Cawl (Ramaas) May 13,2012 – Alle ha u naxariistee Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo ahaa dhakhtar dhinaca maskaxda ah ayaa goor dhawayd ku geeriyooday shil baabuur ka dhacay duleedka galbeed ee Magaaladda Boorama. Alle ha u naxariistee Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, ayaa gaadhi uu watay oo marayey deegaanka Gorayo-Cawl, gaar ahaan meesha loo yaqaano Tulli oo ah jidkii shalay Madaxwayne Siilaanyo xdhiga ka jaray uu kula qalibmay, halkaasi oo uu ku geeriyooday. Gaadhiga Marxuumka la dhacay ayaa waxa ku wehelinayey Xaaskiisa iyo haweenay Eddo u ahayd dhakhtarka geeriyooday, kuwaasi oo iyagana uu soo gaadhay dhaawacyo kala duwan. Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, ayaa ka hor intii aanu gaadhigu la qalibmin waxa uu ka ambo-baxay Magaaladda Hargeysa ee caasimada Hargeysa oo uu xarun caafimaad ku leeyahay. Dhaawacyada labada haweenka ah ee la socday dhakhtarka geeriyooday ayaan ilaa hadda aanay kala cadayn in la geeyay dhinaca cisbitaalka Boorama iyo in la keenay cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa. La soco wixii ka soo kordha shilkan khasaaraha keenay
  14. Ciidamadda Booliiska oo xidhay Xildhibaan ka tirsan Somaliya oo Madaxweyne Siilaanyo dhawaan cafis u fidiyay iyo saraakiil Xukuumadda ah oo Damiinatay Hargeysa(Waaheen) Ciidamadda Booliiska Madaarka Hargeysa ayaa shalay Xidhay Xildhibaan Muxyadiin Aw Cali oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Somaliya hase yeeshee Somaliland ku yimi Cafis Madaxweyne Siilaanyo siiyay bishii April dabayaaqadeedii. Xildhibaankan oo Asal ahaan reer Hargeysa ah laakiin In muddo ah aaminsanaa Mabda’a Federalka waxa ay Ciidanka Booliisku ku qabteen madaarka isagoo doonaya inuu u Duulo dalka Jabuuti, hase yeeshee waxa xalay la sheegay inay Damiinteen saraakiil ka tirsan Xukuumadda. Ma cada inuu Xamar dib ugu noqonayay iyo inkale hase yeeshee Ciidamaddu waxay ka shakiyeen socdaalkiisa deg dega ah ee uu dalka kaga baxayo isagoon Muddo badan joogin. Imaanshaha Xildhibaan Muxyadiin iyo Xildhibaano kale oo Reer Muqdisho ah iyo kuwa Reer Somaliland ah ayaa ku soo hagaagay wakhti Dawladda TFG-du Gobolada Somaliya iyo Somaliland ka Urursanayso Salaadiin u xusha Xildhibaano cusub isla markaana u Ansixisa Dastuurka cusub ee qabyada ah, waxaana tan iyo wakhtigaas loo shakisnaa kooxdan xildhibaanada ah eek a timi somliya inay u socdeen Tahriibinta Madax dhaqameedkaasi. Xukuumadda Somaliland wax war ah kamay soo saarin xadhiga Muxyadiin Aw Cali hase yeeshee Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Xukuumadda ayaa Waaheen u sheegay xadhigiisa iyo Damiinka lagu sii daayayba
  15. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland oo Maraykan u Duulay wakhti Sh Shariif ku sugan yahay iyo dareenada ku xeeran Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa la sheegayaa inuu u duulay dalka Maraykanka, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliya Sh Shariif Sh Axmed. Tagitaanka Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, xukuumaddu wax awr ah kamay soo saarin hase yeeshee warar Waaheen helay ayaa sheegaya in Wasiirku ka qayb galayo kulan ay Maraykanku la wada yeelanayaan Sh Shariif Sh Axmed Madaxweynaha Somaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda oo ka Wakiil ah Madaxweynaha Somaliland. Kulanka uu Maraykanku labada dhinac ugu yeedhay ayaa la sheegay inuu la xidhiidho sidii loo turxaan saari lahaa Khilaafkii soo kala dhex galay wadahadaladii ay beesha Caalamku ugu baaqday labada dhinac, kaasoo la doonayo shir Ingiriiska dhawaan ka dhici doona in loogu sii gogol xaadho. Kulan kan ka horeeyay oo ka dhici lahaa dhawaan dalka Imaaraadka Carabta oo ay ku kulmi lahaayeen Madaxweyne Sh Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa sababo farsamo oo aan la shaacin u baaqday, inkasta oo uu markii danbe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe, oo intan danbe u janjeedha dhinaca Xukuumadda Axmed Siilaanyo kulankaasi buuxiyay. Ma cada wadahadalka Maraykanku ugu yeedhay labada dhinac inuu noqon doono mid toos la isku soo hor fadhiisan dooni iyo mid gooni gooni ah, hase yeeshee waxa la filayaa labada Nidaamka ka ay doonto ha noqotee in nuxurka labada wefti halkaas u joogaan yahay sii ambaqaadka iyo Gogol xaadhka Wadahadalada Ingiriiska iyo Turkiga. Socdaalkan Wasiirka Arrimaha Dibeda ayaa ku soo beegmaya maalmo yar uun kadib markii uu Saxaafadda ka sheegay Somaliland inay ka baxday wadahadaladii Somaliya isagoo ku sababeeyay in ay ka xagal daacday dhinaca Somaliya iyo dhinaca Dawladda Turkiga. Taasoo uu dhinaca Somaliya ku Eedeeyay labada Wasiir ee ay ka daba keentay shanti Wasiir ee wadahadalada uu Sh shariif u magacaabay, halka uu Turkigana kaga Eedeeyay inuu qorshaha Shirka Dalkiisa lagu qabanayo uu Somaliland ka dhigay Gobol ka mid ah Somaliya.
  16. Galmudug oo shaacisay in Al Shabaab ay qabsadeen deegaanno hoostaga Gaalkacyo SHABELLE MEDIA NETWORK MAY 13, 2012 Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka Galmudug ayaa sheegay in deegaanno hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo ay sheegeen inay si aad ah u hubeysan yihiin. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug Abshir Diini Cawaale oo maanta Waraysi siinayay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Tuulada Bud-bud oo ka tirsan gobolka Mudug ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo si aad ah u hubaysan kuwaasi oo uu tilmaamay inay ka yimadeen qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay hogaaminayaan Saraakiil ka tirsan Kooxda Al Shabaab islamarkaan ay wataan gawaarida dagaalka, wuxuuna xusay in Maamulka Galmudug uu wado qorshayaal lagu doonayo in lagu weeraro deegaanno hoostaga Bud-bud, maadaama Kooxda Al Shabaab ay doonayaan inay galaan halkaasi. Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi uu hogaaminayo Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab kuwaasi oo la tilmaamay in u jeedkoodu uu yahay inay u gudbaan deegaannada maamulka Puntland si ay falal ammaan darri ugu gaystaan. Hadalka kasoo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxa uu imanaayaa xilli inta badan shacabka Mudug ay hadal hayeen in deegaanno ka tirsn gobolkasi ay galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo Saraakiil hoggaaminaysa oo doonaya inay abuuraan falal ammaan darri.
  17. Fiiro Gaar ah Meelkasta oo ay ku qoran tahay “Dowlada Goboleedyadda” waa in loo badala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia. since when did Somalia turn into a regional organization of member states
  18. New song xanxaanteye for Somaliland 18 may