Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Anigu hagtan wali maan fahmin maxay tahay ma hagbad cusub baa?
  2. Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Sh Shariif oo ku guulaystay muddo xileedkooda inay Albaabada u furaan wadahadalo 21 sano lagu dhici la’aa Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Dawladda ku meel gaadhka ah ee Somaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa ku guulaystay 20 sano kadib inay wadahadalo u furan labada Xukuumadood ee midoobay 1960 kii ee Somaliland iyo Somaliya sida ku xusan qoddobada go’aamadii ka soo baxay Shirarkii Caalamka ee Ingiriiska iyo Istanbul iyo kan u danbeeyay ee ay isku soo horfadhiisteen Somalida laftigeedu. Qoddobada lagu heshiiyay ee hordhaca ah ayaan wali sarin halka ay sartu ka qudhunsanayd 20 ka sano iyo ka horba balse waxay u muuqdaan kuwo bilow u ah natiijo fiican oo ay mustaqbalka labada dhinac ku wada gaadhi doonaan xal kama danbays ah oo u cuntama labada dhinac. Qodobada wadahadalka koowaad ka soo baxay waxay kala yihiin:- 1. Iyadoo la raacayo dedaaladdii iyo go’aamadii ka soo baxay bayaankii shirkii London iyo bayaankii shirkii Istanbul ee ahaa in beesha caalamku taageerto wada hadal dhex mara dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya (ama cidda bedeli doonta) iyo Somaliland si ay u heshiis uga gaadhaan xidhiidhkooda ay yeelanayaan mustaqbalka, labada dhinac waxay yeesheen kulan farsamo 20-kii bishani June 2012 ilaa 21-kii bishii June 2012 kulankaasi oo ka dhacay guriga Chevening 2. Kulankani waxaa marti-geliyey Dawladda ingiriiska waxaana ku wehelinaayey dawlada Norway iyo Midawga Yurub. 3. Ujeedada kulankani wuxuu ahaa sidii loo diyaarin lahaa qodobo ajande u noqda wada-hadal mustaqbalka dhex mara labada dhinac. 4. Ka soo qayb-gallayaasha shirkani ee labada dhinac waxay soo dhaweeyeen furitaanka wada-hadalada waxaanay muujiyeen siday uga go’antay inay sii wadaan horumar laga gaadho wada-hadaladani oo ay wada hadaladu sii socdaan. 5. Ka soo qayb gallayaasha Kulankani waxay isla garteen: b) In kulankani uu dhex marayo laba dhinac oo kala ah Dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ama bedelkeeda mustaqbalka) iyo Somaliland iyadoo la tixraacayo ama la eegayo qodobka 6-aad ee baaqii ka soo baxay shirkii London iyo qodobka 10-aad ee baaqii shirkii Istanbul t) Waxay labada dhinac isla meel dhigeen in meel dhexe la iskugu yimaado si looga hortago wax kasta oo carqaladayn kara sii socodka wada-hadaladani. J) Waxaa la isku af-gartay inay labada Madaxweyne (Somaliland iyo TFG-du) Kulmaan si loo darso loona sii ambaqaado horumaka wada hadaladda kulankaasi oo dhici doona sida ugu dhakhsaha badanleh X) waxaa la soo jeediyey baaq ah in beesha caalamku sii wado fududaynta wada-hadaladani iyadoo ay fududayntaasina ay ka mid tahay in beesha caalamku u fidiso wada-hadaladani khubaro dibadeed oo dhinaca sharciga, ammaanka iyo dhaqaalaha ah. Kh) Waxaa la isku afgartay la iskuna waafaqay in la wadaago khibradda ah in lagala shaqeeyo beesha caalamku sidii ay gacan dhinaca gargaarka, horumarinta iyo dibu dhiska ah ugu fidin lahayd dadyawga labada dhinac (Somaliland iyo Soomaaliya) waxaana loogu baaqay inay bulshada caalamku kordhiso gargaarka ay siiso labada dhinac. K) Waxaa la isku raacay la iskuna waafaqay in si wada jir ah loola dagaalamo kooxaha argagixisadda, xagjirka iyo kooxaha danbiyada culus gaysta. L) Waxaa la isku raacay oo la isku waafaqay in si wada jir ah loola dagaalamo budhcad badeeda oo lagala dagaalamo bedda, beriga, in lala dagaalamo danbiyadda bedda ka dhaca, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu daadiyo bedda. M) Waxaa lagu celiyey taageeradda ah in loo baahanyahay in wakhtiga ku meel-gaadhka ahi dhamaado. Ma jirto ilaa had acid naqdiday qoddobadaasi oo dhinacyada mucaaradka labada Xukuumadood ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanay u muuqdaan labada siyaasi ee kala hogaaminayaa inay dhinac iskaga riixeen ama muquuniyeen Mucaaradadii ka hor iman lahayd, maadaama oo aan ilaa hada wax hadal ah laga haynin. Arrintan waxa loo macnaysan karaa Mucaaradada labada dhinac ee naqdiyi lahaa inay culays ku noqotay Hanjabaadii beesha Caalamka ee ahayd cidii ka hortimaada in talaabo lagu xayirayo dhaqdhaqaaqooda iyo Hantidoodaba lagu soo rogayo. Dhinaca kalaena waxa la odhan karaa kooxihii Somaliya Xukuumadda talada haysa ee Sh Shariif ee ay Ciidamadda Amisom ka bar-bara dagaalamayaan guulo aamusiiya Mucaaradkooda ayay ka gaadhay haday tahay dhinac Milatari iyo mid siyaasadeedba. Dhinaca Madaxweyne Siilaanyana Mucaaradadiisu waxay noqdeen kuwo ka dhacsan xaalada Siyaasadeed ee Dalka ka taagan. Tusaale ahaana wadahadalada noocan oo kale ahi waayo waayo haddii la soo hadal qaado waxay noqon jireen kuwo Buuq iyo Qaylo siyaasadeed Dalka ka kiciya, hase yeeshee sida muuqata waxay noqdeen Xisbiyadii iyo Ururadii Dimuquraadiyaddu keentay kuwo afka biyo uga buuxsameen oo tahli kari la’ inay wax aka yidhaahdaan mustaqbalka siyaasadeed ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku Hogaaminayso. Ma cada sababta dhabta ah ee keentay wakhtigan inay Mucaaradka Somaliland ka hadli waayaan waxyaabaha ka dhacaya Dushooda maadama ay yihiin kuwo sharciyan u jira oo uu Dastuurku damaanad qaaday balse marka aad la sheekaysato waxaad kala kulmaysaa inay baqdin fara badani ka hayso xukuumaddu inay biqilka ku jarto inta aan la gaadhin Doorashada Dawladaha Hoose, taasoo hogaamiye kastaa ka war-warsan yahay haddii uu Siyaasadda Xukuumadda naqdiyo inay dagaal boqnaha goysa la galayso.
  3. Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay dowladda KMG SHABELLE MEDIA NETWORK JUNE 22, 2012 Afgooye: (Sh. M. Network) Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu is ku soo dhiibay sarkaal sare oo katirsan Ururka Al Shabaab. Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Ammanka ee maamulka gobolka Sh/hoose Axmed Cumar Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maanta sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab uu is ku soo dhiibay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanada loo barakacay iyo degmada Afgooye ee gobolkaasi. Axmed Cumar Max’ed waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab oo isku soo dhiibay maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye Kuxigeenka dhanka Ammanka ee gobolka Sh/hoose waxa uu tilmamay in qorshahoodu uu yahay in ay qaranka Soomaaliyeed ay difaacaan, islamarkaana ay ciidamada qalabka sida ee gobolka Sh/hoose ku sugan ay diyaar u yihiin in ay sugaan Ammanka gobolka oo dhan.
  4. Oba War maaddeey haka xanaajiin yanu isku ka qarxin eh:D
  5. Waa koow Maadeey miyaadan dagaal ka daalin qoladinan Shabaab maxaad wada hadal u diideen inad la gashan dawlada kmg waxano dhan wala so afjari laha.
  6. Somalia;844218 wrote: Fiqi seems to support unity between brothers like you do with Djibouti. But not only Dijbouti.. http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/53003-New-Mamuul-goboleed-in-Somalia-udubland Why support this phantom state I wonder? Djibouti is a Somali country and its a neighbor of Somaliland there is trade between the two countries 30% of the Somaliland citizens hold the Djibouti nationality. As for udubland state every one knows i am against clan federalism but udubland state is a funny name udub a Somaliland party:D But fiqi is thinking there is a huge conspiracy against one of the Major Somali clans. So he thinks signing deals with Ileey is something positive a new clan alliance on the horizon between Garowe and Jigjiga:D
  7. ^^:D Carafaat waxkasta oo maskaxdisa ku so dhacda halkan bu ino so dhiga
  8. Abtigiis;844202 wrote: War fiqi'ga ileen qabyaalad baa madax martay!! We don't want a DAG to confront the HAG! Abtigiis Fiqi wuxu leeyahay reer Somaliyeed oo Puntland iyo Jubaland dega ba lo heshiiyey markaas Ileey oo isla reerki habeen iyo maalin Jeel O'gaden ku gura ayaan garab ka dayey:D
  9. Thats just nonsense Djibouti is a neighbor of Somaliland and its in their interests to have relations with Somaliland and good relations is needed the movement of people but that doesn't mean there is a conspiracy against Puntland. Somaliland has other political ambitions than the folks in Mogadisho hence why the talks between Somaliland and Somalia are starting now after 21 years. The Federalism you want is something the other Somalis in the south of the country are not interested in not because they don't like you but because they think its infeasible. Somalia's political power-sharing is still pretty fair 4.5 the 4 major tribes sharing the Parliament and the cabinet the President and Prime Minister. Its just some don't believe in 4.5 Clan federalism and that's the problem.
  10. AKHRISO warqad uu Madaxwaynaha Puntland u qoray Midowga Yurub iyo dawladda Ingiriiska oo kusaabsan wadahadalladii dhex maray TFG iyo Somaliland. Posted by pi English on June 22nd, 2012 Taariikhdu markay ahayd 19-kii bishan aynu ku jirno ee Juun , madaxwaynaha Puntland oo ku hadlaya magaca dawlddiisa iyo dadkiisa wuxuu warqad u qoray dawladda Britian, dawladda Norway iyo waliba midowga Yurub .Warqada oo English ah riix halkaan Ujeedada warqaddu ay ka hadlaysay ayaa waxay ahayd shirkii magaalada London ku dhex maray TFG iyo Somaliland, oo dawladda Puntland ay saluugsanayd waxyaabo si ula kac ah loo khalday. Warqaddan xubnaha ay sida gaarka ah ugu socotay waxay ahaayeen, Matt Bough oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya , Alex Rondos wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub ee Afrika, iyo Per Ludvig Magnus oo ah ambassador-ka Norway u fadhiya Kenya. Sidan ayaa madaxwaynuhu hadalkiisu u dhignaa:- Mudanayaal Xukuumadda Puntland waxay taageero u muujisay dawladda Britain isku daygii iyo qabashadii shirkii Soomaalida ee London ka dhacay 23-dii Feberaayo 2012, kaasoo Soomaalidu ku kulantay qodobbo dhaxal gal ahna laga soo saaray. Ayadoo isla shirkaasi London laga shidaal qaadanayo , madaxwaynaha dawladda kumeel gaark ah ee Soomaaliya wuxuu magacaabay 7 xubnood oo dar dargaliya wada hadallo u dhexeeya TFG iyo Somaliland. Go aankaasi uu madaxwaynuhu ku magacaabay guddigaasi 15-kii April 2012 , wuxuu ahaa go’aan uu madaxwaynuhu qaatay oo mudnaantiisa lahaa marka la eego xaaladaha adage ee dalka ka jira. Dawladda Puntland waa ay aqoonsatay guddiga uu madaxwaynaha dawladda federaalku magacaabay oo ka koobnaa 7 xubnood oo ay ku jireen 2 xubnood oo aad u sareeya oo ka tirsan dawladda Puntland. Tixgalintan gaarka ah waxay ahayd mid saxan marka la eego waxyaabaha 10-kii sano ee lasoo dhafay soo dhex marayay Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan Somaliland barakicinta ay ku haysay qoysas badan . Cabashooyin adag oo ka dhan ah Somaliland-na waxay kallifeen in dagaalo lagala horyimaado Somaliland , taasoo khal khal galisay xasiloonida gobolka. Dadka kunool gobollada Sool iyo Sanaag iyo waliba Buuhoodle oo daris la ah waxay milatariga Somaliland kala kulmeen dhibaatooyin iyo tacaddiyo badan , xilli ay beesha caalamku ay ka aamusan tahay wali. Hadda oo la joogo Somaliland way waddaa siyaasado rabshad iyo qas kusalaysan oo is ballaarin ah. Mudanayaal Waxaan ognahay inay London marti galinayso wada hadal u dhexeeya TFG iyo Somaliland, waxaana ogaannay in TFG ay si kadis ah booska uga saartay xubnihii dawladda Puntland u matali lahaa wada hadalka sabab aan la garan Karin, ayadoo ka dhigtay 5 xubnood xubnaha wada hadallada ka qayb galaya. Liistiga cusub ee laga tagay xubnihii matalayay dawladda Puntland waxay ku tusinaysaa in madaxda TFG cadadis siyaasadeed kadib inay isku dhiibeen dalabkii Somaliland ee ahaa wada hadallada fool ka foolka ah. Waxaan u aragnaa arimaha soconaya kuwo kuwo aan sharci ahayn, oo si khalad ah ay isku naas nuujinayaan labada dhinac TFG iyo Somaliland, waxaana arintani ay si cad meel uga dhacaysaa oo dhaawacaysaa yididiiladii loo qabay shirkii London ee 23-kii Feberaayo ka dhacay magaalada London. Sida saadaasha ah wada hadallada dhex maraya koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland waxay siinayaan awood aysan u qalmin iyo mudnaansho dheeri ah Somaliland oo doonaysa inay ku dooddo helidda madax bannaani , ayadoo si indho adayg ah ku sheeganaysa xudduuddii gumaystayaashu ay xilli hore sameeyeen , isla markaana si cad isaga indho tirayso runta iyo xaqiiqada meesha k ajirta. Puntland waxay horay tanaasulaad uga gashay kabixidda guddiga wada hadallada inta ka harsan xilliga kumeel gaarka ah oo ahaa 4 bilood, laakiin sidaas oo ay tahay , Puntland ma aqbali doonto is beddelada hadda socda iyo wixii kasoo baxa shirka wada hadallada ee TFG iyo Somaliland taasoo meesha ka saartay xubnihii Puntland, si ay Somaliland jaanis ugu hesho daneheeda go’itaanka. Mudanayaal Dawladda Puntland waxay ka codsanaysaa Dawladda boqortooyada Ingiriiska inay dib u milicsato marti galinta iyo soo dhawaynta shir noocaan oo kale oo aan loo dhammayn, Puntland-na ma aqoonsan doonto, raallina kama noqon doonto waxa kasoo baxa shirkaasi tan iyo inta waxa khaldan laga saxayo. Tan iyo markii la aasaaasay Puntland 1998-dii , Puntland waxay ku hawlanayd xasilinta deegaannadeeda ayadoo adeegsanaysa dadkeeda iyo ciidankeeda, iyo waliba habkooda gaarka ah . Puntland way sii wadi doontaa dadaalkii wanaagsanaa ee looga bartay si loo helo dawlad awood leh oo Federaal , waxayna ugu yeeraysaa beesha caalamka inay ka qayb qaataan dhiiri galinta nabadda ,dib u heshiisiinta iyo horumark Soomaaliya ayadoo la isticmaalayo hab wanaagsan oo nadiif ah loona samaynayo dadka Soomaaliyeed taageero la taaban karo
  11. DEGDEG:Ciidamada Dowlada iyo Amisom oo lawareegay deegaanka Ceelmacaan iyo deegaano kale oo katirsan Sh/dhexe 22. juni 2012 allpuntland Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo Kuwa Amisom ayaa goordhow waxaa ay lawareegeen Deegaano Muhiim u ahaa Al-shabaab oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada Huwanta ah ayaa si rasmi ah gacanta ugu dhigay Dekeda Ceelmacaan oo ahayd Meelihii ugu Muhiimsanaa ee Maanta Ciidamada ay lawareegeen. Sidoo kale Ciidamada ayaa maanta waxaa kale oo dagaal ay kula wareegeen deegaano kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe oo ay kujiraan Garoonka Diyaaradaha Casileey iyo Ceelcade oo ah deegaano la siman Degmada balcad. Lama Xaqiijin qasaaraha Dagaalka oo mudo kooban Socday waxaana saacado kadib faarujiyay deeganadaas Ciidamada Ururka Al-shabaab,iyadoo haatan lagu soo waramayo in Fariisimo ay kaqoteen halkaas Ciidamada Amisom iyo dowlada. Maalmihii udambeeyay Ciidamada Huwanta ah ayaa kudurqayay deegaano katirsan Shabeelaha Dhexe iyagoo doonaya in ugu yaraan Al-shabaab ay kaxirtaan Difaac adag oo uu ugu qorshaysan yahay inay kadhigtaan Degmada Balcad oo Gobolka Shabeelaha Dhexe katirsan. Ciidamada Huwanta ah ayaa Al-shabaab laba dhinac weerar ugu furay qayb waxaa ay joogeen Wadada tooska u gasha Balcad ee kabaxda Suuqa xoolaha halka kuwa kalana ay maanta ay kawareegteen dhanka Xeebta sidaasna ay ku qabsadeen deegaanadaas.
  12. Dr osman Faroole is being represented by his interior Minister Abdisamad Macalin why is he angry,Somaliland and Somalia are talking
  13. Fiqi Somaliland declared their re-independence in 1991 before Puntland was established there is no conspiracy. Somaliland is not interested in Somalia under a federal state or Confederacy state or unitary state they made their case clear that their statehood is non negotiable. As for the south you just have to convince you're brothers that federalism is the way forward according to the Folks in Puntland. But you're southern brothers want a decentralized state and cannot share a state based on Kinship as you did. Galguduud and southern Mudug and Hiiraan they have no interest in sharing one clan state that doesn't mean they are against you. The shabeelada hoose and shabeelada dhexe regions are also very diverse tribal identity is not alive in the South they rather identify themselves as i am reer hiiraan reer Jawhar reer Bay or reer Bakool Reer Xamar etc
  14. Labada dawladood Somaliland iyo somaliya iyo dawlada Britain oo hawsha isku duba ridkeeda lahayd waxay ka taxadirtay Marka hore waxaan salamaayaa shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan marka xigta waxaan salaamayaa saxaafada Somaliland kuwooda fahansan waajibka ay qaranka u hayaan,, Waxa shalay oo taariikhdu ahayd 21/6/2012 lagu soo gunaanaday shirkii ugu horeeyey ee ay yeeshaa xukuumada somliland iyo maamulka TFG somaliya waxana kalunkaa ka soo baxay sided qodob oo labadii dhan ee wada hadlaayey u arkayeen duul ay gaadheen, MUXUU HADAA WADA HADALKU Labada dawladood Somaliland iyo somaliya iyo dawlada Britain oo hawsha isku duba ridkeeda lahayd waxay ka taxadirtay in miiska la soo saaro wax dawladi diidi midina taageerto isla markaana aanu kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey lagu kala kicin ee wuxuu la isla meel dhigo, arintaasina way ku guulaysatay dalwada Britain, inkastoo qodobadu aanay ahayn kuwo nuxur badan oo sacabka loo garaaco xanbaartsan dhan walba, hadana ujeedadii laga lahaa oo ahayd waa is arkay waana is fahmay way la gaadhay. Sida ay u fakarayeen dadka ku kala dhaqan Somaliland iyo somaliya isla markaana aan siyaasada wax badan kala socon’ wuxuu ahaa in dawlada somaliya markiiba miiska saarayso midnimo iyo aan dib isugu noqono, halka shacabka Somaliland maskaxdooda ay ka guuxaysay kalmada ugu horaysa ee afka waftiga ka soo baxaysa marka ay shirka tagaan ahayd na aqoonsada, laakiin qaabkan hawshan loo waday way ka duwanayd waxaas oo dhan.. Waxa kale oo wada hadalkan dawlada Britain gadhwadeenka ka ahayd looga gol lahaa in la abuuro is fahan taxadir ka muuqdo isla markaana dhan arimaha siyaasada laga hor mariyo adeegyada aasaasiga sida amaanka, caafimadka, biyaha, arimo kale oo u muuqday in la isugu soo dhaweynaayey labada qafti si aanay doodu u noqon mid kulul.. SHACABKA SOMALILAND MAXAA LA GUDBOON Shacabka Somaliland waxay doonayaa aqoonsi waxay doonayaan dawlad madax banaan, waxay doonayaa in ay helaan waxay ku ilaawaan dhibkii soo maray, iyo waxyaabo kale oo badan Hasayeeshee waxaas oo dhan dariiqii ay u mari lahaayeen iyo halkii ay ugu hagaagi lahaayeen iyo meesha ay ka xigaan waxaas iyo waxyaabo kale oo badani ma garanayaaan in badan oo shacabka Somaliland ka mid ah,, Waxaan u soo qaadanayaa tusaale yar ( koobka shaaha ee la cabo waxa uu ka kooban yahay 6 qodon 1- Waa in aad haysataan weelka wax lagu Karin karo 2- waa in aad haysataan sonkor 3- Waa in aad haystaan caleenta madaw ama shaah madaw 4- Waa inaad haystaa dabkii aad ku karsan lahayd 5- Waa in aad haystaa Caanihiii 6- Waa in aad haystaa wiilkii aad ku cabi lahayd marka uu kuu bislaado Marka koobka shaaha oo ah wax ugu hor bislaada waxyaaba aynu karsano uu u baahan yahay lix qodob bal u fiirsada laba dal oo doonaaya in ay kala go’aan, miyeydaan fahansanyn in dadkan ay ka dhaxeeyeen hanta aad u badan iyo qaranimo buuxda.. 1- Wadankii waxa lagu lahaa dayn badan 2- Wadanku wuxuu lahaa safaarado aduunkoo dhan ka shaqeeya 3- Wadanku wuxuu lahaa diyaarado 4- Wadanku wuxuu lahaa maraakiib Iyo waxyaabo kale oo badan markaa waxaan qabaa in loo baahan yahay bilow ilaa dhamaad hawsha in loo wado sidii dalalkii Somaliland ka horeeyey ee helay aqoonsiga UGU DAN BAYNTII WAXAAN UGU BAAQAYAA SHACABKA SOMALILAND Shacabaw wadankeena waxaynu u soo marnay hawl aad u baaxad weyn oo dhib badan isla markaana maanta aynu haysano natiijadeedii mar hadii aynu nabad ku socono wadanka somaliland koone ka koone, waxaana la inoo baahan yahay in ay yarayno faalooyinka siyaasada oo u leexahano dhanka haru marka iyo wax qabsiga isla markaana degdega iyo maxay waxani sidan u noqon waayeen markiiba aynaan ku doodin ee aynu eegno hawshu culuyska ay leedahay,, (SOMALIDUNA WAXAY KU MAAHMAAHDAA WAX RAG KAA GALAY RAKO KAA GALE)
  15. Abtigiis;844068 wrote: Everyone realises this is an alliance between two stooges of Meles Zenawi. My vision is a united somali, not a united Da.ro.d! There is no such thing! I HAVE Always felt closer to Somalilanders than to puntlanders to be honest. And I believe the Hargeisawi's will feel the same. otherwise they would not have composed these lines: Agga! iyo ogoobeey haduu yidhaa, waa is afgaranaaye Afamadoow markii lagu daraan Nacay Ogaaaa.deeene :D On the pcitures, adeer, only fools do not know there is development going on in the region from late 1990s!!!! It is part of the wider infrastructural development going in the region. But the pictures do not reflect all the truth: the arrests, detention, rape, fear that people in the region experience on a daily basis outside the frame of the CAMERA! Fools can think the good face shown here about the region is the reality. If they want the truth about the region, and they are sincere, they can go and read the reports of independent international organisations -UN, Human Rights Watch etc! But Jigjiga was always better than Garowe, Galkacyo and Bossaso! or most of the towns in Somalia to be honest! The logic is simple: it has been growing and receiving a lot of money in the last two decades while the others were stagnating or dying! Abtigiis u sheeg inaynu ceelki Bulaale ka wada cabno Abtigiis waligi caluula ma arkin iyo bandar qaasim dadkano oo dhan SOL bu ku bartay Aan ahayn inanti reer Puntland eeh siyaasada ku weereerisay:D
  16. Why Somalia needs to give Somaliland what the rest world refused to give Saed Faadi Jun 22 2012 OPINION On Wednesday June 20, 2012, historic talks between the Somali Transitional Federal Government and delegates from Somaliland have started direct talks on the long-term relation of two in London. The historic commencement of the dialogue presents both Somaliland and Somalia an opportunity to turn the page of the past and start writing a new page in history. The process is a long overdue deliberation on touchy issues. It is a historic exercise of future-determination long in the making. The outcome of the talks will either reintegrate the two sides back into the union or break them up into two separates state. But unfortunately, the political rhetoric on the ground is inflammatory, irreconcilable and alarming. Both sides look to have taken hard-line positions. That is why no one could dare to mention the ‘real’ issue in the first phase of the meeting. In the pre-conference press release, each party vowed to tender three non-negotiable key words to the negotiation table. For Somaliland, Dr. Mohamed Abdullahi’s men have taken the key words, the Will,Inspiration and Self-determination of the‘people’ of Somaliland close at their hearts while the TFG negotiators hold firmly the ‘sanctity’ of the Sovereignty, Territorial integrity and Independence of Somalia. Where will we go from here? What is beyond me is how the UK government – which is determined to broker a deal – will manoeuvre to bridge the gap of these contesting and divergent views. But my little bird tells me, no one waves a magic wand to end this diplomatic spat. I don’t have monopoly on intellect and wisdom but a viable proposal came to my head. And that is why I have decided to pen down this article to share with . Fast-forward to the history of Somaliland quest for independence. Somaliland aggressively – and sometimes desperately – pleaded the world to acknowledge its quest for independence in the past 21 years. But for reasons known to them, the world turned its back on its pursuit. The quest for independence seems to have hit a dead end. This put our brethren and compatriots in the north in an awkward and frustrating situation. The world slammed the door in their face shut! That is why Somaliland came back to Somalia looking for a shoulder to cry on. It has realised the fact that Somalis are the only genuine-blood-brothers they have. The world proved to Somaliland – beyond a reasonable doubt – that ‘blood is thicker than water’. Somaliland’s megalomaniac attitude against their fellow compatriots failed to gain any diplomatic score. And although Somaliland acts as if there will be no love lost in the break-up, Somalia is always reluctant and pessimistic about the consequence of the split-up. But as they say, you never miss the water till the well runs dry. What is my proposal? Methinks the TFG delegates in London should negotiate Somaliland with a spirit fully of emotions and mawkishness. They should reciprocate their acknowledgement and hand Somaliland what the rest of the world refused to. They should guarantee recognition and independence for Somaliland – pronto. Yes, the TFG delegates should put on a brave face and negotiate as if they are authorised with the strongest possible terms. Back at home, President Sharif should dispatch diplomatic shuttles to all over the world to propagate Somaliland quest for international recognition. He should instruct the PM and his cabinet to lobby in the diplomatic circles for Somaliland. Come on guys, let’s reflect the spirit of the ‘comeback’ and allow Hargaysa to burst with jubilant songs, music and Somali traditional folklore dance. If Somalia don’t recognise Somaliland, who will? And if not now, when? I know fanatical unionists cannot wait to hurl insulting comments on me. But hold your horses and allow me to explain my point with facts and figures. First, fanatics aside, and let’s put on our thinking hats to interrogate the logic of the two arguments on the table – the Sanctity of a Sovereignty of a country Versus the Will of the people. In contemporary politics of the world, the later carries the day. In this school of thought, sovereignty failed to stand the test of time -in the face of globalisation. Elements of global governance- UN, IGOs, NGO and Global Civil Society – has already called the state sovereignty into question. That is why Ambassador Augustine Philip Mahiga of UNPOS is the most powerful“political leader” in Somalia. On the contrary, the Will of the people is the only legitimate power of any civilized society. And it should be respected and defended at all cost. In plain English, the ‘will’ of the people is final. An old English adage says “one can take a horse to water but 20 cannot make it drink”. And as they claim – and I am judging their proclamations -the people of Somaliland have spoken ‘clear and laud’. And the foreign Minister’s men brought the table nothing but the “will” of the people. But this assertion will be, sooner than later, thoroughly interrogated. The argument Britain colonised the North and Italy the South does not hold water. It is impossible to divide the members of the same family along the straddles of colonial borders. That is why Somaliland needs to leave the world of phantom and fiction to come to terms with reality to precipitate the process of its recognition. What do I mean? Three of the regions, Somaliland stake a claim stand out of the secession plan. People of Sool, Sanag and Awdal regions are not part of the break-up. The is why Somaliland should magnanimously drop this bid. Finally, allow to explain my proposal with tested theories. For Somalia, I choose Charles Darwin’s theory of Natural Selection. The theory states, in part, that “ ………… the traits and characteristic of living creature begins to become more common and attractive during evolution”. If the traits and characteristics of the living creature become unattractive, extinction of that species is sure to follow. That is what the law of Natural Selection is teaching Somalia. In its current state, Somalia is unattractive and unpromising. A plethora of ugly and distasteful events tainted its image beyond its means. It has become a popular example of the most quintessential failed state in the world. And it is unfair – as it is unacceptable – to invite others to join it in the league of failed states. My unsolicited advice to the ‘unionists’ would be – put your house in order first before you come to the negotiation table. For Somaliland, it should consider the popular game theory in its divorce proposal. The zero-sum- games of this theory states that “one person’s gains is exactly equal to the net loss of the other rival”. This is a very cynical approach and it does not always work in real life situation. My point? Somaliland needs to compromise and consider a win-win solution. In football game, there are three possible scenarios – A win, lose or draw. Everyone strives to win and none wants to lose. But at times, inconclusive results are not bad results. One point is sacrificed to the birds and the remaining two are equally shared, 50 -50. As noted above, Somaliland brought the “Will of the people” on table. But the same chickens have come home to roost. As long as the‘will’ of the people is concerned, Somaliland has only two regions to pull out with. It does not command majority in the other three. People of Sool, Sanag and Awdal are for the union and against the secession. And their ‘will’ should be equally respected. Although, there are MPs and Ministers from these regions in the government of Somaliland, but their status is similar to that of the former TFG foreign Ministers – Ismail Hurre Buba and Mohamed Abdullahi Omaar and the likes. They are citizens who are entitled to their own opinion but they should not fool anyone. In patriotic American colloquial, they don’t represent Mom’s apple pie. Again my unsolicited advice for the secessionist would be -it is difficult to put toothpaste back to the tube when it is out. So you better chew this blind secession project over and come to the negotiation table with a final word. I hope, Somaliland won’t behave as this spoilt brat boy who refuses to drink milk when the mother is begging him to do so and carries when she decides to returns the milk back to its container.
  17. ^^ The Guurti elders of Somaliland in 1991 the legitimate Assembly of Somaliland in 1991.
  18. Carafaat;844173 wrote: London Oo Wadahadaladaasi Ka Furmay Waxa Kaga Haboonayd In Lagu Qabto Hargeysa, Sheekh Shariif Iyo Cidii Wada-Hadal Doonaysaana Ay Halkan Inoogu Yimaadaan- Suldaan Maxamed Kampala- (HWN)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sheegay in Magaalada London ee uu http://hadhwanaagmedia.info/detail.aspx?id=69595 Its two early for that lets hold the first meeting between the two Presidents in a Foreign Country if they reach an agreement Sh sharif should be the first head of state to visit the Somaliland republic.
  19. Amazing Historical hada wada hadaladi labaad phase two ba lo diyaargaroobaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Madaxweynaha Dawlada kumeel gaadhka Somalia Sh sharif Axmed qatar or dubai you pick. Xaalku meel wanaagsan bu ku socda i was talking to an MP the other day in Hargeysa the guurti will pass a few laws on the new agreement between Somalia and Somaliland. We broke the ice for the first time in 21 years finally a partner to talk two on the other side.
  20. I just one mans opinion Majority of Somalilanders trust President siilaanyos policy in dealing with Somalia in dialogue and at the same time seeking international recognition from the international community. These are mostly former udubist the talks just started its a long process it will not be solved in one or two days if you listened to Somalia's TFG minister he said arimaha xasaasiga oo dhani wano hadhasnyihin wana bilow wada hadaladu .
  21. ^^ The vote already happened 2 decades ago:D