-
Content Count
29,852 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Waxaynu Ku Dedaalaysaa Sidii Soomaaliya Uu Uga Soo Bixi Lahaa Madaxweyne Gooni Isu Taageena Ogol’ July 4th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE mudane Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay in shirkii Dubay ku dhex maray madaxweynayaasha dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya uu ahaa guul markii ugu horaysay ay Somaliland ka gaadhay doonista iyo ka dhabaynta qaddiyadeeda aqoonsi raadinta ah. Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay inay fursad wanaagsan tahay kulanka madaxweynaha iyo gudoomiyaha jabhada SSC, waxaa kale oo uu ka hadlay shirka la filayo inuu dhawaan Xamar ka qabsoomo iyo waxa Somaliland dawlad ahaan kala gudboon ama uga meel yaal. Waxaanu sidaa ku sheegay gudoomiye Jaamac Shabeel, waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan, waraysigaas oo dhamaystiranina wuxuu u dhacay sidan: S. Guddoomiye maxaad umada Somaliland bushaaro u haysaa ee uga soo baxay shirkii Dubay ee madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya? J. Ugu horeyn waxaan umada ugu bushaaraynayaa in shirkaa ay ka soo baxeen talaabo horumarineed oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah talaabadaas oo ah in ay markii ugu horaysay isa soo hor fadhiisteen labada madaxweyne ee labada dal, isla markaana wax kala saxeexdeen taasina waxay kuu cadaynaysaa mar haddii wax la kala saxeexdo oo si siman loo wada hadlay in labada dawladood layahay markaa shirkaasi waa bilawga aqoonsiga Somaliland. Umada reer Somaliland-na waxaan leeyahay shirkaa guul ayaa inooga soo hoyatay degdegna midhaheeda waynu u arkaynaa. Waxaanad garan kartaa marka ay labada madaxweyne iyagoo siman wada fadhiisteen waxna kala saxeexdeen inay taasi muujinayso aqoonsigii Somaliland oo ay Soomaaliya aqbashay inkasta oo aanay wali toos ugu dhawaaqin. S. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Dubay kula kulmay gudoomiyaha jabhada SSC, kulankaasi muxuu ku soo kordhinayaa xaalada bariga Somaliland? J. Horta arrintaasi waa gudaheena dadkaasina waxbay tabanayeen tabasha uun baana jirtee dhib kale meesha ma taalo taasina waxay ku haboon tahay in la iska arko ilaa la is-arko oo la wada hadlana waxbaa dhiman, markaa kulanka madaxweynaha iyo gudoomiyaha SSC waa mid nabada deegaanadaa wax ka tarayo aan wada hadalana waa aan heshiino wada hadal balaabo ka horaysa ma jirto markaa arrintaasi waa mid dhexdeena ah, waxaan rajaynayaa inay degdeg guul ugu dhamaato. S. Waxaa gudoomiye maalmahanba la isla dhex marayay in xisbigiina KULMIYE musharaixiinta golayaasha deegaanka gaar ahaan kuwa caasimada in xisbigu dhinac kararan yahay, arrintaa maxaa ka jira? J. Xisbigu waa xisbi qaran dhinac wax kararanina ma jiraan dadkan isa soo sharaxayna waa dad xisbiga taageerayaashiisa ahaa balse marna qaar nagu cusub markaa dhinaca kama rarin ta kale golaha deegaanka ee caasimadu waa 25 intii badnaydna way hadhay, awoodana waxaanu saaraynaa in aanu soo sharaxno musharax cod haysta, muhiimaduna waxay tahay in aanu doorano musharixiin cod haysta. S. Guddoomiye Jaamac waxaad ka warantaa Somaliland maxay u soo kordhisay wada socodka gudoomiyeyaasha asxaabta iyo madaxweyna dalka ee ay ku tageen dalka isu taga Imaaraadka Carabta? J. Talaabadaadi waxay ahayd mid guul wayn xambaarsan waxaanay bixinaysay sawir aan laga arag wali dunida saddexaad iyo caalamka kaleba marka laga reebo Somaliland iyo Mareykanka waana waxaan wali caalamka ka dhicin inay danta qaranka u midoobaan madaxweyne doorasho lagaga guulaystay guulaystay oo xilka ka degay iyo madaxweynihii kala wareegay iyo musharixii sadexaad ee jagadaa u tartamayay taasina waa mid aynu dunida dheerahay, isla markaana aynu danta qarankeena u wada guntanahay. S. Guddoomiye dhawaan waxaa la filayaa in Somaliya dastuurkeeda la ansixiyo, isla markaana la soo doorto madaxweyne iyo dawlad cusub ioo bedesha dawlada ku meel gaadhka ah. Arrimahaasi saamayn ka ku yeelanaysaa Somaliland? J. Horta dastuurkan ay aftida imika u qaadayan waa ku meel gaadh waxaanu dhaqan gal u noqonayaa marka uu wakhtigu u saaxamo ee ay afti dadweyne u qaadaan taa adaan intaa ku dhaafo shirka doorashada madaxweynaha Soomaaliya si ayuu inoo saamaynayaa, waxaana loo baahan yahay inay Somaliland musharixiinta faraha badan ee ku loolamaya hogaanka Soomaaliya inay ku yeelato gacan isla markaana ka samaysato musharax ogol gooni isu taageena isla markaana qadiyadeena ka run sheegaya kuna dhiiranaya inuu Somaliland aqoonsado markay sidaa tahay Somaliland, kama seexanayso inay musharixiinta Soomaaliya gacan siiso nin ogol qadiyadeeda iyo waliba in aanu ka hortagno inuu halkaa ku soo baxo madaxweyne gooni isu taageena ka soo horjeedaa. Shariifkaana kolay waxaa guul u ah oo uu ololaha ku gelayaa inuu yahay madaxweynaha furay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Xigasho: Wargeyska madaxa banaan ee DAWAN
-
Che -Guevara;405960 wrote: There's nothing Somali or Cushitic about Tustis. The Tustis are linguistically, culturally, and genetically similar to Hutus. The idea of Tustis being immigrants with European features superior in intellect to the local Hutus hence entitled to rule Rwanda and Burundi is European construct. They do have pointy noses though
-
dp
-
^^ So no more Somaliweyn:D
-
Saado Cali Warsame | New Song 2012 - Buuhoodle Maxaa Kayaala?..
Xaaji Xunjuf replied to Aaliyyah's topic in Politics
A_Khadar;847917 wrote: Xaqdaro looma doodee, maxay meesha ka qabanayaa maleeyshida qabiilkiinu? Uma doodin anigu eeh siday wax u dhaceen uun baan sheegey. -
When Was Your Last Time You Logged On Your Msn Or Yahoo Account?
Xaaji Xunjuf replied to wyre's topic in General
War waan dalacay beryahan skype baan bartay man i love technology -
Saado Cali Warsame | New Song 2012 - Buuhoodle Maxaa Kayaala?..
Xaaji Xunjuf replied to Aaliyyah's topic in Politics
Ciidamada Qaranka JSL ee Sool-Joogto ayaa la sheegayaa in ay dhirbaaxo dhufteen isku day ay koox Maleeshiyo ahi ku doonaysay in ay weerar gaadmo ah ku soo qaado. Koox aan weli si fiican loo aqoonsan ayaa xalay weerar gaadmo ah ku soo qaaday ciddmada qaranka JSL ee jiidda hore - Sool Joogto ee gobolka Togdheer Dhacdadan oo weli laga soo saarin ayaa waxa jira warar soo gaadhaya sxaafadda oo sheegaya in uu xalay shilkaasu dhacay. Weerarkan oo gaadmo ahaa ayaa la sheehay in ay ku jabtay kooxdaasu ka dib markii ay ciidamada qaranku ku dhufteen dhirbaaxo kulul oo midba meel ka tuurtay. Weerarkan oo dhacay goor danbe oo xalay ah ayay ciidamadu deris lama illaawaan ah u dhigeen kooxdan weerarka soo qaaday. Kooxdan ayaa loo malaynayaa in ay yihiin qaar ka hinaasay wada xaajoodka dhex maray Hogaamiye kooxeedka waxa loogu yeedho Ssc ee Saleebaan Xagle-Toosiye iyo Hogaanka sare ee JSL. Si kastaba ha ahaatee kooxdan ayaa ku fashilantay weerarkan markii la il helay ee dib loo baacsaday. Illaa iminka lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaas ka dhacay labada dhinac midna. SL Media. -
Saado Cali Warsame | New Song 2012 - Buuhoodle Maxaa Kayaala?..
Xaaji Xunjuf replied to Aaliyyah's topic in Politics
Clashes like this happen all the time but some say the Militia from Buhoodle attacked the army because they wanted to proof that Xaglatoosiye didn't represent them. When he made peace with president Siilaanyo of Somaliland, it was just a desperate attack. -
Haatu;847887 wrote: Somalia, I didn't say that it doesn't define the borders, but it paves the way for foreign countries to make claims. As for the Capital, does that even need to be put before any parliament? The capital is Muqdisho . Ama ku farax ama ka nax, this is a reality. Freeman, who says our armies have to fight? But what we can do is force the Ethiopians to call a referendum. That way, the people can decide. But I just want you to know how important economically that land is. Haatu the problem with the NFD district is that there is no resistance in that region at all unlike in the O'gaden region the onlf still there still fighting for self determination. Separation must be pushed by a forceful resistance as we have seen in Africa. Referendum la isma siiyo uun dee wa la kasbada.
-
Did they accept the Italian and Anglo border with Kenya and the Italian Abyssinian border with Ethiopia in the new constitution?
-
If there are no dacas in the morning in the Bathroom.
-
Taleexi;847805 wrote: This is so hard to be understood to those of our midst with fixed minds. Neither Xaglatoosiye nor Dr. Galaydh can be taken seriously if they deviate from the mission of Khaatumo. To all the haters, Khatumo ideology is thriving in its birthplace and that is what farsighted people should see. Taleexi abti there was a time that the garaad clan used to say not that long ago maybe a decade or so that who ever is against Puntland is a Somaliland agent now it is who ever does this doesn't represent us i think there is a lack of leadership when it comes to khatuumites. I will not say they are confused but their politicians all have different agenda's for instance ssc the movement that was called ssc Cali Sabaray joined Khatumo Xaglatoosiye was left behind Keyse and the Khusuusi guy joined Somaliland. All of the leaders went their separate ways now you should ask you're self who is to blame who is responsible for this the leaders of ssc/khatumo the supporters or the politicians or the tribal chiefs.
-
Shirweynahii Liibaxyada Ka Furmay Buurta Daalo - Sanaag
Xaaji Xunjuf replied to AsadSL's topic in Politics
Midnimada Beesha Liibaaxyada is Midnimada Somaliland -
Shirweynahii Liibaxyada Ka Furmay Buurta Daalo - Sanaag
Xaaji Xunjuf replied to AsadSL's topic in Politics
A khadar adigu hadaad ka mid tahay iyo reer Maakhir iyo reer seylac iyo reer Awdal iyo Libaaxiyada Daalo ku shiraya so qaran ma nihin:D -
War De Deg Ah—- Taliye ku xigeenka 2aad ee Booliska Puntaland oo goor dhawayd Garowe lagu dilay. Posted by Puntlandi on July 2nd, 2012 Garowe(puntlandi.com)Waxaa goor dhawayd magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland lagu dilay Taliye kuxigeenkii 2aad ee Booliska Puntland oo lagu magaacbo Col. Cabdullaahi Saalax Maxamed Cali Bulay laguna naanaysi jiray NADAARA. Dilkan oo ka dhacay wajahada hore ee Hotel BULSHAALE oo ku yaala inta u dhaxaysa Daarta ay degantahay Idaacadda SBC iyo Xarunta Shirkada Isgaarsiinta ee Golis ayaa waxaa gaystay dablay hubaysan oo aan ilaa iyo hada la shaacin. Marxuumka ayaa la sheegayaa in ka hor markii dilkan loo gaystay uu ka soo baxay Hotelkan oo uu deganyahay dilka kadibna uu mudo daqiiqado badan ah goobta yaalay. Ma jiraan wax ciidan ah oo goobta yimid markii u dilku dhacay, wuxuuna marxuumku ku geeriyooday isla goobtan rasaastu ay ku haleeshay, nafna lagu qadin markii maydkiisa isbitaalka loo dhigay. Madexweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Gen, Cabdi samad Cali Shire ayaa 1-dii bishan July xilka Taliye ku xigeenka ka qaaday Marxuumkan iyadoo sidoo kalana laga wareejiyay Gaarigii uu watay oo ay dawladu lahayd. Ma jirto Cid dawlada ka tirsan oo dilkan ka hadashay wali, si dhab ahna wali looma garanayo cida dilkan gaysatay iyo ujeedada Marxuumkani loo dilay.
-
Regional federal states conference opens in Italy Rome
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxda Soomaalida ee ka qeyb galeesa Shirka Contact Group oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga iyo Shirka oo Furmaya Barito Roma Isniin 2 July 2012 SMC Naga soo wac halkan (Skype) 01-07-2012- Roma, Iyadoo Maalinta Barrito ah uu si toos ah ugu furmayo Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee (Contact Group) ayaa waxaa saakay illaa iyo gabal dhicii Maanta Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga soo gaarayay Wufuud kala gedisan oo ka kala socday Madaxda Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya, Ururka Ahlu Sunna, Maamulka Galmudug iyo Maamulka Puntland. Wafdigii ugu horeeyay ee soo gaaray dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ahaa Kuxigeenka Ra'iisul Wasaaraha, Ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, iyadoona Garoonka Diyaaradaha Magaalada Roma uu si diiran ugu soo dhaweeyay Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalalka Talyaaniga iyo Biljum, ahna Wakiilka dalka Soomaaliya ee Midowga Yurub Amp. Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Waxaana Galabnimadii soo gaarey Xubno ka socday Ururka Ahlu Sunna iyo Maamulada Galmudug, Puntland. Sidoo kale Waxaa Gabaldhicii Maanta soo gaaray Magaalada Roma ee dalka Itaaliya Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoona Garoonka uu si weyn ugu soo dhaweeyay Amp. Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo Maanta si weyn ugu Mashquulsanaa soo dhaweynta Wufuuda kala gedisan ee ka qeyb galeesa Shirka Contact Group. Amp. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Habeen-nimadii Caawa Casho Sharaf aad u qiimo Badan u sameeyay Wafdigii kala gedisnaa ee Maanta soo gaaray Magaalada Roma ee dalka Italia, kuwaasi oo maalinta Bariito ah ka qeyb galaya Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Contact Group. Maalinta Barrito Ayaa la filaya in uu Magaalada Roma Soo gaaro Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya, Prof. C/weli Maxamed Cali "Gaas", iyadoona Duhurnimada Barri lagu wado in uu si toos ah u furmo Shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga kiisa ugu danbeeyay ee qabsoomaya ka hor inta aan laga bixin xilliga KMG-nimo. -
-
Somalia Role in African Decolonization: Djibouti 35th Anniversary
Xaaji Xunjuf replied to Abu-Salman's topic in General
Haatu;847530 wrote: Xaaji, You forget, back then, you were Somalia. Punto, confederacy between the 5 regions isn't bad. No back than i was the Somali Democratic Republic:D -
Somalia Role in African Decolonization: Djibouti 35th Anniversary
Xaaji Xunjuf replied to Abu-Salman's topic in General
They gained independence and as soon as they gained independence the saw the Somali republic at war with Ethiopia but the elites of Djibouti didn't want to join the Somali republic nor did the population want to join the Somali republic or they were indifferent. But if the Somali republic played it well they could've asked the french and Europeans before they gained independence to federate Djibouti with the Somali republic the same way Emperor Haile sellesie lobbied at the league of nations to federate Eritrea with Ethiopia. This could have been an option i mean if Djibouti was part of the Somali republic than we at-least united Somaliland Somalia and Djibouti 3 parts of Somaliweyn. -
Somalia Role in African Decolonization: Djibouti 35th Anniversary
Xaaji Xunjuf replied to Abu-Salman's topic in General
They were smart why would they join Somalia?
-
Popular Contributors