Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,978
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Somaliland :Army Repel Attack in Kashaale by Militia Qorulugud-Somaliland Army has today repelled an offensive launched by a Buhodle milita on a site of peace conference which was expected to take place on saturday The skirmishes broke out after militiamen aligned to Buhodle launched an assault at Kalshaale the venue of the proposed peace conference which was about to open today between traditional chiefs from Buroa and burco. The conference was organized under the auspices of Somaliland Minister for presidency and the ex-leader of SSC Saleban halgatosiye. According to sources on the ground told Somalilandpress.com that militia men from Buhodle were opposed to reconciliation conference hence their intention to disrupt but their offence was deterred by Somaliland National Army who was keeping the security at the venue of the conference. The peace conference was aimed at bringing end long running animosities two ethnic communities which have beleaguered the lives of many people in that region. Somaliland National Army overcame the attacks by the militiamen forcing them to retreat, it’s yet not clear who led the militiamen since the original buhodle militia led by Saleban Haglatosiye had ceased all hostilities towards Somaliland. Eye witness in the area confirmed that there were no casualties were reported between the two sides. The conference went on as planned and both sides agreed to resume reconciliation talks after the end of the Hajj Pilgrims.
  2. Faarax-Brawn;875338 wrote: even tho,i dislike the shebab, i hate to see a foreign army in the streets of a major somali town.....what a sad day for somalia and somalis.just a week ago the somali people were celebrating,today all self respecting somalis should hang their heads low in shame. How do you want to fight Alshabaab with what Army ?
  3. The Egyptians and their motives are very clear you're assessment was correct Mintid the Egyptians have one objective is to stop Ethiopia building dams along the Nile river. But Egypt since the Mubarak government lost its power as a regional power everything Gamaal built through out those years was thrown in the bin by the Mubarak regime. All former agreements are now about to be re negotiated and the question is can Egypt deliver in 2012 regarding the Nile with south sudan now being a member of Nile Basin Initiative. Somalia is not going to fight an Egyptian war Somalia is tired of wars they want peace and stability in their country.
  4. Xaglatoosye has a Militia on his side of 500 men that are allied to Somaliland today he came from buhoodle with a group of elders from his clan and other reer buhoodle to organize a wider peace conference in kalshaale. All peace efforts should be welcome the more people talk about peace the more chance that peace can prevail.
  5. Mahiga “Magacaabista R/Wasaaraha cusub looma fiirinayo qaab qabiil” Erygaga Xoghayaha guud u qaabilsan Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ka hadlay soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in aan loo fiirin doonin qaab qabiil. Wuxuu amaanay qaabka qabiil ee Soomaalida wax u qeybsato, isagoo xusay in ay isku qadariyaan sida ay u kala weyn yihiin waa sida uu hadalka u dhigay Mahiga, wuxuuna intaa raaciyay in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka yimaadeen beelo waaweyn. Agoustine Mahiga ayaa sheegay in soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub aan loo fiirin doonin qaab qabiil balse la eegi doono kartidiisa iyo waxqabadkiisa ku wajahan arrimaha dalka Soomaaliya. Dhanka kale wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay guulo muuqda ka gaareen howlgalada ka socda Soomaaliya, isagoo xusay in Shabaab guuldaro kala kulmeen dagaalada markii laga qabsaday degmooyin istaraatiiji ah sida Kismaayo oo ah meesha kaliya ee awoodooda isugu aruurtay
  6. Well the President has till 10 October to appoint a Prime Minister.
  7. WAR DEG DEG: Gudoomiyihii Beesha Azania ee Gobolada Jubbooyinka oo lagu toogtay Magaalada Kismaayo Allaha u naxariistee waxaa fiidnimada caawa Magaalada Kismaayo lagu toogtay Gudoomiyihii Beesha Azania ee Gobolada Jubbooyinka Nabadood Jeelle Khaaluud. Ilaa seddex nin oo bistoolado ku hubeysneyd ayaa waxay Nabadoon Jeelle Khaaluud ay ku toogteen Xaafadda Farjano, gaar ahaan dhinaca Aargada, isla-markaana lama yaqaano ujeedadii ka dambeysay inay toogtaan. Nabadoon Jeelle Khaaluud oo ka mid ah shakhsiyaadka sida weyn leh looga yaqaano Magaalada Kismaayo, ayaan la-ogeyn sababtii ka dambeysay inay toogtaan rag ka tirsan Al Shabaab. Ragga dilka geystay ayaa waxay isaga taggeen Xaafadda Farjano iyadoo aysan jirin cid eegeysa, taasoo sabab looga dhigay inaysan weli gudaha Magaalada Kismaayo u soo gelin Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom. Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in iyadoo uu weli uu Nabadoonka uu meydkiisa uu yaallo goobtii lagu dilay, cidii ka qaadana ay madaxa ka tooganayaan Xoogaga Shabaab ee weli ku harsan Magaalada Kismaayo. Nin shaqaale ahaa oo ka hawl-geli jiray Suuqa Cooska ee Xaafadda Shaqaalaha oo galabta la-toogtay, ayaa wuxuu dilkiisa uu ka dambeeyay markii goor sii horeysay uu ka mid ahaa rag goobtaasi ka qaaday, meydka nin nabadoon ahaa oo ay dileen dagaal-yahano ka tirsan Al Shabaab. Al Shabaab ayaa iyadu tooganeysa ragga qaada meydadka ragga ay horey u dishay, taasoo keentay in shakhsi walba uu baqdin ka muujiyo in la-dilo, haddii markaasi uu qeyb ka noqdo dadka meydadka qaadaaya. Tan iyo markii ay Xoogaga Shabaab isaga baxeyn Magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu dilay ilaa afar ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Nabadoono, halka labada kalana ay yihiin niman dhalinyaro ah.
  8. JENERAAL DHEGO-BADAN: "Waxaan amar ku bixinay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood" Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya siiyeen amar ah inaysan gelin gudaha magaalada Kismaayo, sababo jira awgood. Jen. Dhego-badan wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin daafaha magaalada Kismaayo, ayna sugayaan ciidammo kale, isagoo xusay in sababaha ay u diideen in xilligan la galo ay tahay iyadoo ay dhici karto in miinooyin ay uga tageen Al-shabaan. "Waxaan amar ku bixinnay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo sheegay in sababta ay u diideen in xilligan magaalada la galo ay ka mid tahay si loo badbaadiyo shacabka ku nool magaaladaas iyo hantidooda. Abaanduulaha ayaa carrabka ku dhuftay inay ka go'an tahay inay Al-shabaab oo dhan ka saaraan meelaha ay dalka uga sugan yihiin, isagoo howgalladan Jubbada hoose ka socda ku sheegay kuwo qayb ka ah howgallada dalka oo dhan laga wado. Wasiirka gaashaandhigga ee waqtigiisu dhammaadka yahay, Xuseen Carab Ciise oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la dajiyay qaab ama hannaan ay ku galayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya magaalada Kismaayo. Sidoo kale, Sheekh Axmed Gaboobe oo ah wasiirka wasaaradda carsoorka, arrimaha diinta iyo cadaaladda ee xukuumaddu uu waqtigeedu dhammaadka yahay ayaa ugu baaqay in shacabka ku nool Kismaayo inay is-dajiyaan ayna ogaadaan inaan wax dhib ah loo geysan doonin. Mas'uuliyiinta dowladda u hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM lagu wado inay galaan gudaha Kismaayo 24-ka saac ee soo socda, inkastoo aysan xilli cayiman sheegin. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay magaalada Kismaayo ka saaray maamulkeedii kaddib shan sano oo ay gacanta ku haysay, balse ay ciidamadeedu la dagaalami doonaan ciidamada ku wajahan Kismaayo.
  9. Dagaal si gaadmo ah uga dhacay duleedka Kismaayo SEPTEMBER 29, 2012 Kismaayo: (Sh.M.Network) Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. kuwa Kenya oo is kaashaanaya iyo Xarakada Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ciidamada huwanta ah ay kasoo baxeen gudaha Magaalada Dhoobley, kuna sii jeeday duleedka Kismaayo ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, dagaal xoogganna uu ku qabsaday halkaasi sida ay sheegayaan Saraakiisha Ciidanka Dowladda. “ Dagaalka waxa uu ahaa mid gaadmo ah, Al Shabaab ayaa nagu soo qaaday, waxaan kasoo baxnay Dhooblay, waxaan kusii soconay duleedka Kismaayo halka uu qorshaha ahaa laakiin Ciidamo aan badneyn oo Shabaab ah ayaa naga soo horbaxay, waana la dagaalannay, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkaasi, inkastoo xaaladda Jubbooyinka ay tahay mid kasan, shacabka ay u dhego taagayaan cidda dhabarka marsan doonta Magaalada Kismaayo oo hadda haawanaysa.
  10. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dawlada Kenya Ka Dalbaday In La Hakiyo Qorshaha Maamul u Sameynta Jubbooyinka Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawlada Kenya u gudbiyey warqad rasmi ah oo uu kaga dalbaday in la hakiyo qorshe la sheegay inay Kenya gadaal ka riixeyso, sida uu Raxanreeb u dheegay sarkaal ka hawlgala madaxtooyada. Warqadan uu diray madaxweyne Xasan ayaa sida sarkaalkan uu noo xaqiijiyey, wuxuu madaxweynuhu si cad u dalbaday in Kenya aysan faraha la gelin arimo ku saabsan maamul dhisid isla markaana kaliya lagu ekaado ka saarista ururka Al-Shabaab. “Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in wixii hawl maamul dhisid ah ay u taalo dawlada Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya oo la hadlay Raxanreeb. Warqadan uu diray madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo baxday kadib markii dawladu ogaatay in magaalada Nairobi laga qabanqaabinayo shir maamul loogu sameynayo deegaanada Jubbooyinka oo sida hadda la filayo guud ahaan gacanta dawlada iyo AMISOM soo galaya. Sida sarkaalkan uu sheegay, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu cabiray in dawlada ay rabto inay la tashato dadka deegaanka iyo dhamaan qabiilooyinka sidaasi darteedna dawlada ay ka walaacsan tahay in qalaanqal uu ka dhasho arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka. Doorka Kenya In madaxweynuhu diro warqadan waxaa gacan weyn ku lahaa ninka aadka ugu dhow madaxweynaha ee la rumeysan yahay inuu yahay shakhsiga go’aanada madaxtooyada ay ka soo fulaan ee Faarax Sheekh C/qaadir oo laftiisa ah nin heysta baasaboorka wadanka Kenya. Faarax C/qaadir ayaa dhanka kale aad uga gaabsaday in madaxweynuhu soo hadalqaado qorshaha Kenya ee shidaal baarista gobolada Jubbooyinka iyo askarta Kenya ee dadka rayidka ku laayeen deegaanka Janaay Cabdalla toddobaadkii hore arintaasoo si weyn loo cambaareeyay. Farriinta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata ka horeysay duulaanka ciidamada Kenya iyo dawlada ee wada jira ay ku gaareen hareeraha magaalada Kismaayo ee shalay oo Jimce ahayd bilawday. Waxaana warqada ay ku soo beegantay xilli uu si weyn u soo ifbaxayo walaaca laga qabo in xifaaltan dhanka beelaha ah uu ka abuurmo qabsashada magaalada Kismaayo [AKHRI WARBIXIN] oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ah magaalo deked leh kana mid ah magaalooyinka muhimka ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo haatan ay isaga bexeen ururka Al-Shabaab. Dhanka kale xildhibaano iyo odayaal ka mid ah kuwa ka soo jeeda beelaha dega Jubbooyinka qaarkood oo warbaahinta ka hadlay maalmihii u dambeeyaya ayaa ka digay in Kenya ay ku lug yeelato khilaafaad ku saleysan hab beeleed oo kaaloosma gobolada Jubbooyinka arintaasoo dawlada Kenya ay horey uga hadashay.
  11. Shirkii Nabada Buuhodle iyo qorulugud oo lo balamey iyo Reer guraga u hayamey qeydar iyo gocon dhale oo is hortaagey dad nabad diida iyo Xagla tosiyo goobtaas gadhey Buuhoodle (KLN) Nabadii laga wadey Deeganka Buuhoodle iyo Somaliland oo loo balamay in Shir la isugu yimaado Xajka dabadiisa, Cuqaasha iyo Siyasiyiinti Buuhoodle ee nabada ka shaqeeynayey aya la mudeeystey dhigooda Reer qorulugud in la isugu yimaado shirweeyn oo lagu nabadeeyo Beelaha Buhoodle iyo Qorulugud, Yadoo loo balamey shirkaas marka u dhamaado Xajku, Magaalada Buuhoodle aya waxa ka socdey mudooyinkii ugu danbeeyey shirar is daba jooga oo ay yeelanayeen wax garadka iyo Siyasiyiinta ku sugan deegankaas oo ay kaga arin sanayeen amuraha nabada iyo qaabka ay u wajihi lahaayeen, Dhinaca kale maanta aya waxa safar indho idheeyna u baxay Gudomiyaha SSC Dr saleeban Cise Ahmed iyo raxan cidamo oo uwatey oo soo indho indheey nayey deeganka Gamaha oo la sheegay in ay gadheen cidamo nabadiid ah oo an la garaneeyn cida ay ka mar qaatan, Reer Guraaga daga deeganka Gamaha aya Telefon kula soo xidhiidhey magaalada Buuhoodle yago sheegay in ay soo gaadheen Deeganka Qeydar iyo Gocon dhaale Gadhi Tikniko ah oo ay saran yihiin maleeysho halkaas oo isku dhac ku dhex marey reer guraagas iyo gadhigaas oo la sheegay in u ka yimid Buhoodle yado ay ku guleeyten in ay ka soo caydhiyaan dadkii deganka dagana gadhigaas iyo wixi saarna , dhacdadaas dabadeed ayaa hogaamiyaha SSC Dr Saleeban Cise Ahmed iyo ciidan u hogaaminaya gaadheen deeganka Gamaha yagoo soo dajinayey xalada reer guraagaas ee ka gadoodey Dadka loo so adeegsadey in ay wax yeelaan dadka xolo dhaqatada ah ee ku sugan deeganka Gamaha, maha markii ugu horeeysey oo ay is hortagaan dadka deganka Gamuhu waa buuhoodle wixii cayn ka xiga ee in ay dad ka shar wada yaasha an coolada wax ka tarin xiliga nabada sifiican u muuqda, Deeganka Gamaha aya la sheegay in u aad u roobsadey yadoo hore ay uga jirtan barwaaqo mudo sanado ah an la daaqin coladii ka jirtey deegankaas awgeed, yado sii weeyn loogu hayamey halkaas, dadka reer guuraga ka soo jeeda Buhoodlena si aada ay u dageen dhamaan deegankas aya hadeer xasiloon yadoo la sheegay in ay gadheen halkaas raxan ciidana oo u hogaaminayey Dr saleeban Cise Ahmed Xaglo toosi ayna fiidkii caawa dib ugu soo noqdeen Buuhoodle, kolkii ay soo dajiyeen Reer Guraagas ka gadoodey coloshoda u shaqeysta yaasha nabada iyo colaad tona ku filneeyn
  12. To sum it up real fast the Somaliland government and Xaglatoosiye and the Buhoodle elders are organizing a conference a peace conference a reconciliation effort some where in the Buhoodle district qorilugud kalshaale meygaagle or another village. Organizers were in Kalshaale this afternoon but they were attacked.The Somaliland forces from North meygaagle came to defend some of the delegates who were caught in between luckily no casualties.
  13. Ciidamada Qaranka Oo Ka Jawaabay Weerar Ay Koox Maleeshiyo Ahi Ku Soo Qaaday Shir Nabadeed Ka Furmay Deegaanka Kalshaale Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii Maleeshiyaad reer Buuhoodle ahi weerar ku soo qaadeen deegaanka Kalshaale oo....... Kalshaale (GSN) – Deegaanka Kalshaale ayaa maanta waxa ka dhacay dagaal muddo kooban socday, kaas oo dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad reer Buuhoodle. Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii Maleeshiyaad reer Buuhoodle ahi weerar ku soo qaadeen deegaanka Kalshaale oo uu ka furmayey shir nabadeed dhex marayay Odayaal reer Buuhoodle ah iyo kuwo reer Burco ah, kuwaasi oo ay soo kala direen Xukuumadda Somaliland iyo Saleebaan Xaglo-toosiye oo Buuhoodle ku sugan. Waxa la sheegay in Maleeshiyaadka reer Buuhoodle oo aan raali ka ahayn shirkaasi oo odayaal aan laga tallo-galin ka cadhoodeen ay weerar ku qaadeen Kalshaale markii uu shir nabadeedka xalka loogu raadinayo deegaanka Kalshaale oo hore labada beelood ee odayaashoodu kulmayeen ka dhacayey, taasi oo keentay in ciidamada qaranka ee shirkaasi amaankiisa sugayeyna ay weerarkaasi jawaab ka bixiyeen isla-markaana ay ku garaaceen Maleeshiyaadka hubka noocyadiisa kala duwan. Lama sheegin in shirku markaa ka dib sii socday, balse waxa la sheegay in dagaalkaasi aanu gaysan wax khasaare ah isla-markaana odayaasha eer Burco ay si nabadgalyo ah ku soo gaadheen degmada Qori-lugud. Shirkan dagaalku ka dhacay ayaa waxa maalmihii u dambeeyay qaban-qaanadiisa waday wasiirka Madaxtooyadda iyo Saleebaan Xaglo-toosiye, iyagga oo doonaya in xal laga gaadho khilaafka ka dhaxeeye beesha Buuhoodle iyo beesha bariga Burco. Waxa la filayaa in shirkani dib u bilaabmi doono, inkasta oo aan la garanayn wakhtiga uu bilaabmi doono iyo halka lagu qabanayo midna.
  14. Iska-hormaad deegaanka Kalshaale ku dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Maleeshiyo soo weerartay shir-nabadeed ka furmay Qoru-lugud(Waaheen)Iska hor imaad hubaysan ayaa saaka degaanka kalshaale ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo ka soo jeeda deegaamada Buuhoodle. Iska hor-imaadkan oo dhashay Rasaas ay Maleeshiyada Buuhoodle ku soo garaaceen Shir-dhaqameed lagaga wada hadalayay xal u helida colaadii mudada dheer ka aloosnayd deegaanka Kalshaale, ayaa lagu soo waramayaa inaanu jirin wax khasaare ah oo soo kala gaadhay labadii dhinac ee uu dhex maray. Qof goob jooge ah ayaa Waaheen u sheegay “saaka aroornimadii ayaa waxa Magaalada Buuhoodle ka soo baxay Odayaal uu soo diray Xaglo-toosiye oo reer Buuhoodle ah iyo kuwo ka soo baxay dhinaca Burco oo Wasiirka madaxtooyada Somaliland soo diray, kuwaasoo ku kulmay meesha la yidhaahdo Kalshaale oo ah meeshii dagaalku labada beelood ku dhexmaray, ka dib waxa dhacay gadood shacbi oo ka yimi dhinaca Buuhoodle oo dadka ay kaga soo horjeedaan Nabada aan laga talo gelin ee dadka gaarka ahi wataan, ka dib Rasaas ayaa lagu furay meeshii, ka dibna waxa u jawaabay oo iyaguna rasaas ku furay Ciidan shirka ilaalinayay. Waxa laysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan laakiin wax khaasare ahi ma dhicin idamka illahay”sidaasi waxa yidhi goob-jooge magaciisa qariyay. Sidoo kale wararka aanu ka helanay dhinaca degmada Qoru-lugud waxay sheegayaan in Magaalada qoru-lugud ay nabad qab ku soo gaadheen Odayaashii ku shirarayay Kalshaale, kuwaasoo la filayo Inuu shirkoodii halkaasi uga sii socdo “odayaal badan ayaa soo gaadhay qorulugud oo magaalada ku shiraya wax badana ma dhicin wax khasaare ahna lama sheegin, sidaasina waxa yidhi goob jooge ku sugan Qorulugud oo Waaheen la hadlay. Magaalada Qoru-lugud ayaa maanta la filayay inuu ka furmo shir laba geesood ah oo lagaga wada hadlayo sidii loo xalin lahaa dhibaatadii ka dhacday deegaanka Kalshaale ee u dhexeeya Buuhoodle iyo Qoru-lugud. Shirkaasi waxa daaha dabadiisa ka hagaya Hogaamiyihii Ururka SSC Saleban Ciise Xaglo-toosiye Buuhoodle ku sugan iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay ka soo laabtay dhinaca Magaalada Burco, kuwaasoo wararkii shalay la helayay ay sheegayeen inay iyaga laftoodu ku kulmayaan Qorulugud.
  15. I am not against remembering the death you guys misunderstood me we should do that i am against these forensic Anthropology teams digging up remains of people what good does that do. I will just re open old wounds and people will just be saddened by it, we need to give it a place. Actually i lost some of my relatives very close relatives when ever i see my edo's and she shows me the picture of her 2 sons who were killed in the war in 1988, i get sick and they were only 16 and 19 when they got killed. The thought that they could have families and hang out with me just sadeness me everyday.But that said the people of Somaliland are strong people they can overcome everything with the guidance of Allah history will always be remembered atrocities committed by the former regime will always be in our thoughts. But life moves on time doesn't stand still and Somaliland moved on to. And the falling soldiers that liberated Somaliland will always remembered the innocent civilians that were killed are always on our minds. But the wounds must heal and i know Somalilanders are people who can give it a place
  16. Doctor you need to understand one thing Somalilanders are very open about clan they do not shy away these are some of the little traditional differences between Somalilanders and Koonfurians. When a Somalilander ask you you're clan he doesn't mean any harm he is just curious , Edna was just correcting the English dude that mo is from Somaliland and not Somalia that's all nothing biggie she just went deeper into details. That wont change the fact that all Somalis were happy for Mo whether they're from Mogadisho djibouti hargeysa jigjiga garisa.
  17. ^^ A cult don't be silly i am a Muslim man cults are forbidden in our religion nin xaaji oo gadhku cadaaday bu leeyahay cult same
  18. In the city she was born hargeysa when she was born it was a village and look at it today
  19. Laander awoow Oba got a bit emotional over the words Edna used which is also understandable i will forgive him for that. Prophet Muhammad taught us to love our neighbors no one can deny Ednas Somalilandish origin or her Somaliland nationality or that she is a patriot that loves her people and country.There are some traditional differences between Somalilanders and the Koonfurians they way we treat our elders is one of them, But these are minor differences as for jacpher Somalilanders are not people who hide their feelings what makes you think they hide things ofcourse there are hardliners ultra rightwing nationalist who do not want anything to do with Somalia who if it was up to them they would construct a big wall between Somaliland and Somalia. But keep in mind the vast majority of the Somalilanders are loving and welcoming people they will tell you how they feel about you and will never hide their feelings.They will express themselves in the way they want the vast majority of the Somalilanders want to have closer relations with Somalia closer than they have with Djibouti or Ethiopia or any neighboring country of Somaliland. So there are no feelings hidden behind close doors everything is out there loud and clear.
  20. Gaadhhaye are you against federalism to since Kaluun is.
  21. She is not a President but rather a Somaliland activist now i am not condoning the words she used in any shape or form there are Armenians activists who call Turks terrorists and criminals so its not something unfamiliar. As i said these are just words and the point she was making was merely a way for the IC to see that the west rewards the bad against the good so these words were more indirectly directed to the so called EU officials.
  22. Mario B;875096 wrote: Only a Somali mind can come up with this equation. "Somaliland" and S Sudan= Friends "Somaliland" and Somalia= Enemies. No one said that Somaliland and Somalia are not enemies they just have some difficulties about understanding each other.
  23. Siyaasi Cali Daacuun: Madaxwynaha ayaa ka masuul noqon doona haduu dalku kala go’o (Akhriso) Cali Max’ed Axmed oo dadka badankii ay u yaqaanaan (Cali Daacuun) ahna siyaasi in muddo ah mucaarad ku ahaa TFG-dii Mbaghati, laguna xusuusto in muddadii uu socday shirkii Kenya uu dabaq iska soo tuuray isagoo sida uu sheegay qoonsaday xadgudub loo geystay xaqii ay beesha Hinjiya ku laheyd dowladda oo la duudsiiyey, waxaana Cali iminka uu u soo jeediyey madaxweynaha cusub Prof. Xassan Sheekh Max’uud inuu si taxadar & mug leh kaga fiirsado cidda uu u magacaabayo R/wasaaraha. Wuxuuna kula taliyay Madaxweynahu inuu magacaabo Ra’iisal wasaare ka soo jeeda gobolada Waqooyi. “Ururka Damjadiid ee uu madaxweynuhu ka tirsan yahay waxey u xusul duubayaan inay ku sanduleeyaan madaxweynaha in R/wasaaraha laga soo xulo xisbigooda ama nin iyaga ay rabaan, haddii uu madaxweynuhu taa yeelana waxey noqon doontaa tillaabo fashil keenta” ayuu yiri Cali Max’ed Axmed (Cali Daacuun), wuxuuna intaa ku daray in xisiga Damjadiid ee ku guuleystay doorashada in ay heleen guul kedis ah oo aysan fileyn. “Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay shaqsi sagaaro dabin u dhigtay dabadeedna uu baciid ugu dhacay, haddana garan waayey si uu yeelo, taasina waxey keentay in wixii loo doortay ay ku cuslaadaan”, ayuu yiri Cali Daacuun. Cali wuxuu sheegay in gobolada Waqooyi ay xaq u leeyihiin jagada R/wasaarenimada, waa haddii la xushmeynayo saamiga awood qeybsiga ah ee Koofur & Waqooyi. “Dowladani waa dowlad rasmi ah, ma ahan KMG waana in saami qeybsiga madaxweynuhu aad u ilaaliyo, waana in R/wasaaraha la siiyaa gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, xaq bey u leeyihiin maadaama dowladdu ay tahay dowlad rasmi ah, haddii kale waxaa imaan doono kala go’, haddii uu kala go’ yimaadana waxaa mas’uul ka noqon doono madaxweynaha & baarlamaanka, Mar 1-ad, 2-aad, iyo mar 3-aad waxaan ku celinayaa in madaxweynuhu ka fiirsado magacaabista R/wasaaraha, oo habka awood qeybsiguna uu noqdaa Koofur & Waqooyi” ayuu yiri Cali Daacuun. Cali wuxuu difaacay xubno uu sheegay in madaxweynaha ay ku gacan siiyeen inuu doorashada ku guuleysto, wuxuuna u soo jeediyey inuu fuliyo heshiisyadii uu xubnahaasi la galay, ilaa inta suurtagal ahna uu ku dedaalo inuu dowladda cusub ku soo daro. “Madaxweynaha Xasan Sheekh waa inuu gartaa ciddii la soo kifaaxday ee u codeysay, oo ay ku heshiiyeen in ay dambarka wada qeybsadaan, waa inuu gartaa oo uu siiyaa xaqooda” ayuu yiri Cali daacuun, wuxuuna aad uga soo horjeestay in madaxweynuhu ka shaqeeyo inuu dalku kala go’o.
  24. Horgalada La Shaqeya Maamulka Somaliland Ee Ku Sugan Magaalada Buuhoodle, Oo Bilaabey Dhaq Dhaqaaq Horleh, Iyo Gadoodka Bulshada Oo Xaaladoodu Kacsan Tahay.(Wareysi Dhageyso) Buuhoodle(Allssc)Dhaq dhaqaaq horleh oo ay bilaabeen horgalada u shaqeeya maamulka SNM ee ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle oo maanta bilaabmey. Waxay ahayd saaka subaxnimadii kadib markii umada Islaamka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle ay ka war heleen Ciidamo loo sii rarayo deegaanada Sooljoogto Iyo Meygaagle, Ciidamadan oo uu watey Dr.Saleeban Ciise Axmed Kaar. Waxaa la sheegay sida wararka lagu kalsoon yihiin sheegayaan in Dr.Saleeban Ciise Axmed Kaar maamulka Somaliland u qarameysay 500 oo ciidan ah, Yadoo isla saakana qaar ka mid ah ciidamadaas loo qarameyay loo rarey deegaanada Sooljoogto iyo Meygaagle. Hadaba waxaa saaka ka jirey gudaha magaalada Buuhoodle kacdoon balaadhan oo ay bulshadu markaasi ku hadal hayeen arinkani,Yadoo subaxnimadiina la sheegay in lagu waabaristey ciidamo uu Saleeban Ciise Axmed Kaar u rarayey deegano ka tirsan gobolka Cayn. Dhanka kale waxaa isla maantana ka jirtey magaalada Buuhoodle fadhiyo gaar gaar oo ay yeelanayeen beelaha dega magaalada Buuhoodle oo ay isla markaas bulshadu la yeelaneysay Cuqaashooda,Yadoo la sheegay inay jiraan qaar ka mid ah Cuqaasha gobolka Cayn oo markaasi xidhiidh la leh Dr.Saleeban Ciise Axmed Kaar iyo Hadafkiisa. Hadaba Hoos Ka Dhageyso Wareysi Xiiso Leh Oo Aanu La Yeelanay Goob Joogayaal Saaka Joogey Markay Xaaladani Ciidamadu Ka Socdeen Deegaanka.