Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,838
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Go’aamo Nabadeed oo beelaha Buuhoodle iyo Qori-lugud ka soo saareen Colaadii Kalshaalle September 30th, 2012 Kalshaalle (Somaliland.Org)- Ergooyin ka kala socday beelaha bariga Burco iyo Buuhoodle, ayaa shalay kulan ay ku yeesheen deegaanka Kalshaale waxay ka soo saareen go’aamo nabadeed oo lagu sii ambo-qaadayo nabad-gelyo buuxda oo lagu soo dabaalayo ammaanka iyo nabadaynta beelaha deegaankaasi. Wadahadaladan oo ay isugu yimaadeen labada dhinac waxa ka qeyb galay ergooyin gaadhaya ilaa 70 waxaana go’aamadaasi u dhignaayeen sidan:- 1. In nabad buuxda laga dhaliyo deegaanka iyo weliba kulankani inuu noqdo mid ay labada dhinac ku dhawaaqaan nabad raadin dhaba. 2. In mudada nabad lagu dhalinayaa noqoto muddo 2 bilooda oo ka bilaabanta maanta ( 30/09/2012). 3. In madasha shirku noqoto Qoro-lugud gudaheeda 4. In cidaa falal amaan daro ah ku talaabsata ee labada dhinac inta la gaadhaayo mudadaadi ay arintaasi ku koobnaato cida samaysay, labada dhinacna iska kaashadaan doonaa inay si dadhaba uga hawlagalaan .” Kulan nabadeedkani waxa uu daba socday qorshihii xukuumadda Somaliland ee ku wajahnaa nabadeynta deegaamada Buuhoodle iyo qorilugud.
  2. Lawlessness in Somali port after Islamist retreat Sunday, September 30, 2012 After Kenyan and Somali troops' advances towards the strategic port forced the Islamists to abandon it Saturday, the Kenyan army said helicopter gunships were attacking Shebab bases outside the city to clear the way for a final ground assault to occupy the city. However, the power vacuum created by what the Islamists called their "tactical retreat" left Kismayo exposed to chaos Sunday as residents waited for the Kenyan and Somali forces to arrive. Since the retreat of the Islamists, who ruled Kismayo with an iron fist, unidentified gunmen have killed at least three civilians, including a traditional leader, according to residents interviewed by phone from Mogadishu. "Three civilians were killed, including a traditional elder, by unidentified gunmen, and the town has been very tense since yesterday," said one resident, Abdulahi Adan, adding that Kismayo had been rocked by heavy explosions overnight. Another resident, Mohamed Issaq, said on Saturday that at least four civilians had been killed, including two clan leaders. "There is power vacuum and armed clan militia have started regrouping," said Dahir Moalim, another resident. "There were gunshots last night and most of the people did not sleep because of the tensions." Residents said there was still no sign of African Union troops in the southern city, where the Shebab reportedly busted open the gates of the main prison and the police station before retreating. "People are in the streets eagerly waiting to witness the changes but so far the Kenyan troops and the Somali soldiers are in the suburbs of the town," said Shueyb Mohamed. The Kenyan army said it was doing everything possible to ensure its forces took control of the city "safely" and "in good time". "We have received reports of the lawlessness within parts of the city.... We want to assure the civilians of Kismayo that their calls for order have been heard," Kenya Defence Forces spokesman Cyrus Oguna told AFP. Oguna said that late Saturday other Shebab bases outside Kismayo were destroyed by helicopter gunships and that the Shebab suffered "heavy casualties". "In Bardhere, there was a congregation of new Shebab recruits.... We struck them as they were receiving final instruction from their commanders," he said. Oguna says there were other air strikes in Berhane, a town near Kismayo, "to clear the path for a ground assault." The Somali military's second in command, General Abdikarin Youssouf Dhegobadan, said troops were working on removing security threats before moving into the city. "Our forces will peacefully walk into the city very soon, but before that there are new plans underlined to tackle the booby traps that are likely planted by the Al-Qaeda militants," he said. "The city is already secure but to safeguard the protection of the civilians there should be a sober way of entering the town." The fall of Kismayo is the latest in a string of major losses of territory over the past year for the Shebab, who have since switched to guerrilla tactics after they lost their strongholds. Kismayo had been a key source of revenue for the insurgents in the form of charcoal exports, as well as their main entry point for weapons. The Islamists have been battling Somalia's fragile Western-backed government since 2007.
  3. Maarodi;875195 wrote: This is a woman all Somalis could've been proud of, but qabilist tendencies got the best of her. I was expecting better however I guess qabil gets the best of all of us subhanAllah. How can you call some one qabiliste when she didn't even mention a single qabiil even when she was talking how bad Somalia is. How do you link that with being a qabiliste or didn't you even listen to her message. Unless Alshabaab and the Pirates and those that hate to be civilized are all from the sama qabil?
  4. Jacaylbaro;875416 wrote: So this time, XX forgot to log on from the other nickname ,,,,,, Sorry what are you talking about
  5. Abwaan;875384 wrote: XX, warkaan xaggee kala timid? Meel walba way ku jirta http://allsomalia.com/?p=2928 http://www.warfaafiye.com/2012/09/29/mahiga-magacaabista-raiisul-wasaaraha-cusub-looma-fiirin-doono-qaab-qabiil/ http://www.lasanod.com/details.php?num=8116
  6. But the end of the day its not the world that Somalia has to deal with but it has to deal with Somaliland
  7. Somaliland :Army Repel Attack in Kashaale by Militia Qorulugud-Somaliland Army has today repelled an offensive launched by a Buhodle milita on a site of peace conference which was expected to take place on saturday The skirmishes broke out after militiamen aligned to Buhodle launched an assault at Kalshaale the venue of the proposed peace conference which was about to open today between traditional chiefs from Buroa and burco. The conference was organized under the auspices of Somaliland Minister for presidency and the ex-leader of SSC Saleban halgatosiye. According to sources on the ground told Somalilandpress.com that militia men from Buhodle were opposed to reconciliation conference hence their intention to disrupt but their offence was deterred by Somaliland National Army who was keeping the security at the venue of the conference. The peace conference was aimed at bringing end long running animosities two ethnic communities which have beleaguered the lives of many people in that region. Somaliland National Army overcame the attacks by the militiamen forcing them to retreat, it’s yet not clear who led the militiamen since the original buhodle militia led by Saleban Haglatosiye had ceased all hostilities towards Somaliland. Eye witness in the area confirmed that there were no casualties were reported between the two sides. The conference went on as planned and both sides agreed to resume reconciliation talks after the end of the Hajj Pilgrims.
  8. Faarax-Brawn;875338 wrote: even tho,i dislike the shebab, i hate to see a foreign army in the streets of a major somali town.....what a sad day for somalia and somalis.just a week ago the somali people were celebrating,today all self respecting somalis should hang their heads low in shame. How do you want to fight Alshabaab with what Army ?
  9. The Egyptians and their motives are very clear you're assessment was correct Mintid the Egyptians have one objective is to stop Ethiopia building dams along the Nile river. But Egypt since the Mubarak government lost its power as a regional power everything Gamaal built through out those years was thrown in the bin by the Mubarak regime. All former agreements are now about to be re negotiated and the question is can Egypt deliver in 2012 regarding the Nile with south sudan now being a member of Nile Basin Initiative. Somalia is not going to fight an Egyptian war Somalia is tired of wars they want peace and stability in their country.
  10. Xaglatoosye has a Militia on his side of 500 men that are allied to Somaliland today he came from buhoodle with a group of elders from his clan and other reer buhoodle to organize a wider peace conference in kalshaale. All peace efforts should be welcome the more people talk about peace the more chance that peace can prevail.
  11. Mahiga “Magacaabista R/Wasaaraha cusub looma fiirinayo qaab qabiil” Erygaga Xoghayaha guud u qaabilsan Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ka hadlay soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in aan loo fiirin doonin qaab qabiil. Wuxuu amaanay qaabka qabiil ee Soomaalida wax u qeybsato, isagoo xusay in ay isku qadariyaan sida ay u kala weyn yihiin waa sida uu hadalka u dhigay Mahiga, wuxuuna intaa raaciyay in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka yimaadeen beelo waaweyn. Agoustine Mahiga ayaa sheegay in soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub aan loo fiirin doonin qaab qabiil balse la eegi doono kartidiisa iyo waxqabadkiisa ku wajahan arrimaha dalka Soomaaliya. Dhanka kale wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay guulo muuqda ka gaareen howlgalada ka socda Soomaaliya, isagoo xusay in Shabaab guuldaro kala kulmeen dagaalada markii laga qabsaday degmooyin istaraatiiji ah sida Kismaayo oo ah meesha kaliya ee awoodooda isugu aruurtay
  12. Well the President has till 10 October to appoint a Prime Minister.
  13. WAR DEG DEG: Gudoomiyihii Beesha Azania ee Gobolada Jubbooyinka oo lagu toogtay Magaalada Kismaayo Allaha u naxariistee waxaa fiidnimada caawa Magaalada Kismaayo lagu toogtay Gudoomiyihii Beesha Azania ee Gobolada Jubbooyinka Nabadood Jeelle Khaaluud. Ilaa seddex nin oo bistoolado ku hubeysneyd ayaa waxay Nabadoon Jeelle Khaaluud ay ku toogteen Xaafadda Farjano, gaar ahaan dhinaca Aargada, isla-markaana lama yaqaano ujeedadii ka dambeysay inay toogtaan. Nabadoon Jeelle Khaaluud oo ka mid ah shakhsiyaadka sida weyn leh looga yaqaano Magaalada Kismaayo, ayaan la-ogeyn sababtii ka dambeysay inay toogtaan rag ka tirsan Al Shabaab. Ragga dilka geystay ayaa waxay isaga taggeen Xaafadda Farjano iyadoo aysan jirin cid eegeysa, taasoo sabab looga dhigay inaysan weli gudaha Magaalada Kismaayo u soo gelin Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom. Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in iyadoo uu weli uu Nabadoonka uu meydkiisa uu yaallo goobtii lagu dilay, cidii ka qaadana ay madaxa ka tooganayaan Xoogaga Shabaab ee weli ku harsan Magaalada Kismaayo. Nin shaqaale ahaa oo ka hawl-geli jiray Suuqa Cooska ee Xaafadda Shaqaalaha oo galabta la-toogtay, ayaa wuxuu dilkiisa uu ka dambeeyay markii goor sii horeysay uu ka mid ahaa rag goobtaasi ka qaaday, meydka nin nabadoon ahaa oo ay dileen dagaal-yahano ka tirsan Al Shabaab. Al Shabaab ayaa iyadu tooganeysa ragga qaada meydadka ragga ay horey u dishay, taasoo keentay in shakhsi walba uu baqdin ka muujiyo in la-dilo, haddii markaasi uu qeyb ka noqdo dadka meydadka qaadaaya. Tan iyo markii ay Xoogaga Shabaab isaga baxeyn Magaalada Kismaayo ayaa waxa lagu dilay ilaa afar ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Nabadoono, halka labada kalana ay yihiin niman dhalinyaro ah.
  14. JENERAAL DHEGO-BADAN: "Waxaan amar ku bixinay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood" Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya siiyeen amar ah inaysan gelin gudaha magaalada Kismaayo, sababo jira awgood. Jen. Dhego-badan wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin daafaha magaalada Kismaayo, ayna sugayaan ciidammo kale, isagoo xusay in sababaha ay u diideen in xilligan la galo ay tahay iyadoo ay dhici karto in miinooyin ay uga tageen Al-shabaan. "Waxaan amar ku bixinnay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya aysna gelin Kismaayo sababo jira awgood," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo sheegay in sababta ay u diideen in xilligan magaalada la galo ay ka mid tahay si loo badbaadiyo shacabka ku nool magaaladaas iyo hantidooda. Abaanduulaha ayaa carrabka ku dhuftay inay ka go'an tahay inay Al-shabaab oo dhan ka saaraan meelaha ay dalka uga sugan yihiin, isagoo howgalladan Jubbada hoose ka socda ku sheegay kuwo qayb ka ah howgallada dalka oo dhan laga wado. Wasiirka gaashaandhigga ee waqtigiisu dhammaadka yahay, Xuseen Carab Ciise oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la dajiyay qaab ama hannaan ay ku galayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya magaalada Kismaayo. Sidoo kale, Sheekh Axmed Gaboobe oo ah wasiirka wasaaradda carsoorka, arrimaha diinta iyo cadaaladda ee xukuumaddu uu waqtigeedu dhammaadka yahay ayaa ugu baaqay in shacabka ku nool Kismaayo inay is-dajiyaan ayna ogaadaan inaan wax dhib ah loo geysan doonin. Mas'uuliyiinta dowladda u hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM lagu wado inay galaan gudaha Kismaayo 24-ka saac ee soo socda, inkastoo aysan xilli cayiman sheegin. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay magaalada Kismaayo ka saaray maamulkeedii kaddib shan sano oo ay gacanta ku haysay, balse ay ciidamadeedu la dagaalami doonaan ciidamada ku wajahan Kismaayo.
  15. Dagaal si gaadmo ah uga dhacay duleedka Kismaayo SEPTEMBER 29, 2012 Kismaayo: (Sh.M.Network) Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. kuwa Kenya oo is kaashaanaya iyo Xarakada Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ciidamada huwanta ah ay kasoo baxeen gudaha Magaalada Dhoobley, kuna sii jeeday duleedka Kismaayo ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, dagaal xoogganna uu ku qabsaday halkaasi sida ay sheegayaan Saraakiisha Ciidanka Dowladda. “ Dagaalka waxa uu ahaa mid gaadmo ah, Al Shabaab ayaa nagu soo qaaday, waxaan kasoo baxnay Dhooblay, waxaan kusii soconay duleedka Kismaayo halka uu qorshaha ahaa laakiin Ciidamo aan badneyn oo Shabaab ah ayaa naga soo horbaxay, waana la dagaalannay, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkaasi, inkastoo xaaladda Jubbooyinka ay tahay mid kasan, shacabka ay u dhego taagayaan cidda dhabarka marsan doonta Magaalada Kismaayo oo hadda haawanaysa.
  16. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dawlada Kenya Ka Dalbaday In La Hakiyo Qorshaha Maamul u Sameynta Jubbooyinka Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawlada Kenya u gudbiyey warqad rasmi ah oo uu kaga dalbaday in la hakiyo qorshe la sheegay inay Kenya gadaal ka riixeyso, sida uu Raxanreeb u dheegay sarkaal ka hawlgala madaxtooyada. Warqadan uu diray madaxweyne Xasan ayaa sida sarkaalkan uu noo xaqiijiyey, wuxuu madaxweynuhu si cad u dalbaday in Kenya aysan faraha la gelin arimo ku saabsan maamul dhisid isla markaana kaliya lagu ekaado ka saarista ururka Al-Shabaab. “Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in wixii hawl maamul dhisid ah ay u taalo dawlada Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya oo la hadlay Raxanreeb. Warqadan uu diray madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo baxday kadib markii dawladu ogaatay in magaalada Nairobi laga qabanqaabinayo shir maamul loogu sameynayo deegaanada Jubbooyinka oo sida hadda la filayo guud ahaan gacanta dawlada iyo AMISOM soo galaya. Sida sarkaalkan uu sheegay, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu cabiray in dawlada ay rabto inay la tashato dadka deegaanka iyo dhamaan qabiilooyinka sidaasi darteedna dawlada ay ka walaacsan tahay in qalaanqal uu ka dhasho arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka. Doorka Kenya In madaxweynuhu diro warqadan waxaa gacan weyn ku lahaa ninka aadka ugu dhow madaxweynaha ee la rumeysan yahay inuu yahay shakhsiga go’aanada madaxtooyada ay ka soo fulaan ee Faarax Sheekh C/qaadir oo laftiisa ah nin heysta baasaboorka wadanka Kenya. Faarax C/qaadir ayaa dhanka kale aad uga gaabsaday in madaxweynuhu soo hadalqaado qorshaha Kenya ee shidaal baarista gobolada Jubbooyinka iyo askarta Kenya ee dadka rayidka ku laayeen deegaanka Janaay Cabdalla toddobaadkii hore arintaasoo si weyn loo cambaareeyay. Farriinta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata ka horeysay duulaanka ciidamada Kenya iyo dawlada ee wada jira ay ku gaareen hareeraha magaalada Kismaayo ee shalay oo Jimce ahayd bilawday. Waxaana warqada ay ku soo beegantay xilli uu si weyn u soo ifbaxayo walaaca laga qabo in xifaaltan dhanka beelaha ah uu ka abuurmo qabsashada magaalada Kismaayo [AKHRI WARBIXIN] oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ah magaalo deked leh kana mid ah magaalooyinka muhimka ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo haatan ay isaga bexeen ururka Al-Shabaab. Dhanka kale xildhibaano iyo odayaal ka mid ah kuwa ka soo jeeda beelaha dega Jubbooyinka qaarkood oo warbaahinta ka hadlay maalmihii u dambeeyaya ayaa ka digay in Kenya ay ku lug yeelato khilaafaad ku saleysan hab beeleed oo kaaloosma gobolada Jubbooyinka arintaasoo dawlada Kenya ay horey uga hadashay.
  17. Shirkii Nabada Buuhodle iyo qorulugud oo lo balamey iyo Reer guraga u hayamey qeydar iyo gocon dhale oo is hortaagey dad nabad diida iyo Xagla tosiyo goobtaas gadhey Buuhoodle (KLN) Nabadii laga wadey Deeganka Buuhoodle iyo Somaliland oo loo balamay in Shir la isugu yimaado Xajka dabadiisa, Cuqaasha iyo Siyasiyiinti Buuhoodle ee nabada ka shaqeeynayey aya la mudeeystey dhigooda Reer qorulugud in la isugu yimaado shirweeyn oo lagu nabadeeyo Beelaha Buhoodle iyo Qorulugud, Yadoo loo balamey shirkaas marka u dhamaado Xajku, Magaalada Buuhoodle aya waxa ka socdey mudooyinkii ugu danbeeyey shirar is daba jooga oo ay yeelanayeen wax garadka iyo Siyasiyiinta ku sugan deegankaas oo ay kaga arin sanayeen amuraha nabada iyo qaabka ay u wajihi lahaayeen, Dhinaca kale maanta aya waxa safar indho idheeyna u baxay Gudomiyaha SSC Dr saleeban Cise Ahmed iyo raxan cidamo oo uwatey oo soo indho indheey nayey deeganka Gamaha oo la sheegay in ay gadheen cidamo nabadiid ah oo an la garaneeyn cida ay ka mar qaatan, Reer Guraaga daga deeganka Gamaha aya Telefon kula soo xidhiidhey magaalada Buuhoodle yago sheegay in ay soo gaadheen Deeganka Qeydar iyo Gocon dhaale Gadhi Tikniko ah oo ay saran yihiin maleeysho halkaas oo isku dhac ku dhex marey reer guraagas iyo gadhigaas oo la sheegay in u ka yimid Buhoodle yado ay ku guleeyten in ay ka soo caydhiyaan dadkii deganka dagana gadhigaas iyo wixi saarna , dhacdadaas dabadeed ayaa hogaamiyaha SSC Dr Saleeban Cise Ahmed iyo ciidan u hogaaminaya gaadheen deeganka Gamaha yagoo soo dajinayey xalada reer guraagaas ee ka gadoodey Dadka loo so adeegsadey in ay wax yeelaan dadka xolo dhaqatada ah ee ku sugan deeganka Gamaha, maha markii ugu horeeysey oo ay is hortagaan dadka deganka Gamuhu waa buuhoodle wixii cayn ka xiga ee in ay dad ka shar wada yaasha an coolada wax ka tarin xiliga nabada sifiican u muuqda, Deeganka Gamaha aya la sheegay in u aad u roobsadey yadoo hore ay uga jirtan barwaaqo mudo sanado ah an la daaqin coladii ka jirtey deegankaas awgeed, yado sii weeyn loogu hayamey halkaas, dadka reer guuraga ka soo jeeda Buhoodlena si aada ay u dageen dhamaan deegankas aya hadeer xasiloon yadoo la sheegay in ay gadheen halkaas raxan ciidana oo u hogaaminayey Dr saleeban Cise Ahmed Xaglo toosi ayna fiidkii caawa dib ugu soo noqdeen Buuhoodle, kolkii ay soo dajiyeen Reer Guraagas ka gadoodey coloshoda u shaqeysta yaasha nabada iyo colaad tona ku filneeyn
  18. To sum it up real fast the Somaliland government and Xaglatoosiye and the Buhoodle elders are organizing a conference a peace conference a reconciliation effort some where in the Buhoodle district qorilugud kalshaale meygaagle or another village. Organizers were in Kalshaale this afternoon but they were attacked.The Somaliland forces from North meygaagle came to defend some of the delegates who were caught in between luckily no casualties.
  19. Ciidamada Qaranka Oo Ka Jawaabay Weerar Ay Koox Maleeshiyo Ahi Ku Soo Qaaday Shir Nabadeed Ka Furmay Deegaanka Kalshaale Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii Maleeshiyaad reer Buuhoodle ahi weerar ku soo qaadeen deegaanka Kalshaale oo....... Kalshaale (GSN) – Deegaanka Kalshaale ayaa maanta waxa ka dhacay dagaal muddo kooban socday, kaas oo dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad reer Buuhoodle. Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii Maleeshiyaad reer Buuhoodle ahi weerar ku soo qaadeen deegaanka Kalshaale oo uu ka furmayey shir nabadeed dhex marayay Odayaal reer Buuhoodle ah iyo kuwo reer Burco ah, kuwaasi oo ay soo kala direen Xukuumadda Somaliland iyo Saleebaan Xaglo-toosiye oo Buuhoodle ku sugan. Waxa la sheegay in Maleeshiyaadka reer Buuhoodle oo aan raali ka ahayn shirkaasi oo odayaal aan laga tallo-galin ka cadhoodeen ay weerar ku qaadeen Kalshaale markii uu shir nabadeedka xalka loogu raadinayo deegaanka Kalshaale oo hore labada beelood ee odayaashoodu kulmayeen ka dhacayey, taasi oo keentay in ciidamada qaranka ee shirkaasi amaankiisa sugayeyna ay weerarkaasi jawaab ka bixiyeen isla-markaana ay ku garaaceen Maleeshiyaadka hubka noocyadiisa kala duwan. Lama sheegin in shirku markaa ka dib sii socday, balse waxa la sheegay in dagaalkaasi aanu gaysan wax khasaare ah isla-markaana odayaasha eer Burco ay si nabadgalyo ah ku soo gaadheen degmada Qori-lugud. Shirkan dagaalku ka dhacay ayaa waxa maalmihii u dambeeyay qaban-qaanadiisa waday wasiirka Madaxtooyadda iyo Saleebaan Xaglo-toosiye, iyagga oo doonaya in xal laga gaadho khilaafka ka dhaxeeye beesha Buuhoodle iyo beesha bariga Burco. Waxa la filayaa in shirkani dib u bilaabmi doono, inkasta oo aan la garanayn wakhtiga uu bilaabmi doono iyo halka lagu qabanayo midna.
  20. Iska-hormaad deegaanka Kalshaale ku dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Maleeshiyo soo weerartay shir-nabadeed ka furmay Qoru-lugud(Waaheen)Iska hor imaad hubaysan ayaa saaka degaanka kalshaale ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyo ka soo jeeda deegaamada Buuhoodle. Iska hor-imaadkan oo dhashay Rasaas ay Maleeshiyada Buuhoodle ku soo garaaceen Shir-dhaqameed lagaga wada hadalayay xal u helida colaadii mudada dheer ka aloosnayd deegaanka Kalshaale, ayaa lagu soo waramayaa inaanu jirin wax khasaare ah oo soo kala gaadhay labadii dhinac ee uu dhex maray. Qof goob jooge ah ayaa Waaheen u sheegay “saaka aroornimadii ayaa waxa Magaalada Buuhoodle ka soo baxay Odayaal uu soo diray Xaglo-toosiye oo reer Buuhoodle ah iyo kuwo ka soo baxay dhinaca Burco oo Wasiirka madaxtooyada Somaliland soo diray, kuwaasoo ku kulmay meesha la yidhaahdo Kalshaale oo ah meeshii dagaalku labada beelood ku dhexmaray, ka dib waxa dhacay gadood shacbi oo ka yimi dhinaca Buuhoodle oo dadka ay kaga soo horjeedaan Nabada aan laga talo gelin ee dadka gaarka ahi wataan, ka dib Rasaas ayaa lagu furay meeshii, ka dibna waxa u jawaabay oo iyaguna rasaas ku furay Ciidan shirka ilaalinayay. Waxa laysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan laakiin wax khaasare ahi ma dhicin idamka illahay”sidaasi waxa yidhi goob-jooge magaciisa qariyay. Sidoo kale wararka aanu ka helanay dhinaca degmada Qoru-lugud waxay sheegayaan in Magaalada qoru-lugud ay nabad qab ku soo gaadheen Odayaashii ku shirarayay Kalshaale, kuwaasoo la filayo Inuu shirkoodii halkaasi uga sii socdo “odayaal badan ayaa soo gaadhay qorulugud oo magaalada ku shiraya wax badana ma dhicin wax khasaare ahna lama sheegin, sidaasina waxa yidhi goob jooge ku sugan Qorulugud oo Waaheen la hadlay. Magaalada Qoru-lugud ayaa maanta la filayay inuu ka furmo shir laba geesood ah oo lagaga wada hadlayo sidii loo xalin lahaa dhibaatadii ka dhacday deegaanka Kalshaale ee u dhexeeya Buuhoodle iyo Qoru-lugud. Shirkaasi waxa daaha dabadiisa ka hagaya Hogaamiyihii Ururka SSC Saleban Ciise Xaglo-toosiye Buuhoodle ku sugan iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay ka soo laabtay dhinaca Magaalada Burco, kuwaasoo wararkii shalay la helayay ay sheegayeen inay iyaga laftoodu ku kulmayaan Qorulugud.