Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,944
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. DoctorKenney;878363 wrote: We should start with disarming the civilian population in Mogadishu, and then gradually disarm cities like Kismayo and Beledweyne. Maybe political pressure is what we need to disarm ASWJ and RasKamboni and incorporate them into the Somali Army. I support that
  2. DoctorKenney;878356 wrote: First step should be integrating the Puntland Military into the Somali Army. They have the training and equipment and they know what they're doing. But I'm not saying they should be deployed to the South-Central regions, as Puntland is barely stable itself. They should focus on securing their corner of Somalia first. For now lets focus from Galkacyo to raskaambooni where the Amisom is based Puntland has its own issues they have their own security problems if you take away their army it might create vacuum which than will result into instability. In the long term Puntland security forces will be incorporated into the federal army. But for now you need to disarm all these factions there should only be the Somali national army and the Amisom support.
  3. Yeah aswj was allied to the government the same as raskambooni but you cannot have free lance militias freely roaming around the country, ASWJ is in galguduuud in gedo they are armed sufis. And i know it will be hard to disarm them but it must be done.
  4. ASJW and raskaambooni and other various factions need to be dismantled and incorporated into the Somali army. Somalia needs strong federal troops with capable training and with the right equipment.Not clan armies all the federal states can have a strong police force.
  5. Not all Massai carry E1B1B haplogroup that tells you that Masai is mixed ancestry they also carry the Haplogroup A group along with some of the dinka tribes and shiluk and agaws of Ethiopia. Tutsi do not speak an afro assiatic cushetic language they speak a bantu language.
  6. Carafaat war dadka nabad gali they have every right to talk about their tribal homeland in the lower juba.
  7. Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Nin Kasta Waa In Uu Aadaa Gobadalad Uu Ka Soo Jeedo. Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dhawaan Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya loo kala dirayo Qaar kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya. Prof Jawaari ayaana sheegay ujneedka ka dambeeya in Wafdi Baarlamaani ah u kala diraan Gobolada Dalka Soomaaliya in ay tahay in Xildhibaanadaas ay tagaan soona qiimeeyaan Xaalada Deegaanada iyo Gobolada ay kasoo jeedaan. Jawaari ayaa xusay in ay sugeyso oo u taalo Baarlamaanka Soomaaliya howlo aad u Culus mudada yare ee heestaan ee afarta Sano ah loona baahan yahay in ay shacabka soomaaliyeed u faa ii deeyaan waa sida uu hadalka u dhigay. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaa raaciyay in qorshahooda yahay in Xafiis ka furtaan Gobolada Dalka Soomaaliya Baarlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya si halkaasi hoosha looga wado ,Baarlamanaka hada jiraana uu ka duwanyahay kuwii hore aynna yihiin kuwa Aqoonyahano ah.
  8. Farax Macalin”Waan Soo Dhaweynaynaa Ra’iisal Wasaraha Cusub Iyo Isbadala Soomaliya Guddoonka sare ee barlamanka Kenya ayaa soo dhaweeyay magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Guddoomiye ku xiggeenka barlamanka Kenya Faarax Macalin ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay u hambalyeyneyso R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo xusay in R/wasaaraha cusub uu wax badan ka qaban karo Xaaladda dalka Soomaaliya islamarkaana wixii caqabad ku ah ee soo faadsaara Kenya ay diyaar u tahay inay kala shaqeyso Dowladda Soomaaliya. Faarax Macalin ayaa waxa uu intaasi ku daray in labada Dowladood ee dariska ah ay ka wada shaqeyn doonaan iskaashi ku aaddan dhinaca ammaanka oo looga hortagayo dhibaatooyin gaara labada shacaba ee Kenya iyo Soomaaliya iyo la dagaalanka Kooxda Al Shabaab oo xiriir la leh Al-qaacidda. Hadalkaani ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu soo magacaabay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya kaasi oo ay si diiran usoo dhaweeyeen qaar ka mid ah wadamada Beesha Caalamka.
  9. DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Anbabaxay Magaalada Kampala Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dalka Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u anbabaxay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha. Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qaybgali doono 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada. Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in safarkiisa uu ku tagayo Magaalada Kampala ee dalka Ugandha ay tahay inuu ka qeybgalo 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada. Sidoo kale wuxuu sheegay in halkaasi uu kulan gaar ah kula yeelan doono madaxweynaha wadanka Uganda isla markaana ay ka soo wada hadli doonaan arimo badan. Safarka Madaxweynaha uu maanta uga ambabaxay magaalada Muqdisho ee uu ku aadan dalka Ugandha ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibadiisa tan iyo markii lasoo doortay. RBC Radio
  10. Wafti ka socda Raskanboni oo Addis ababa kula kulmey Cabdi iley Wafdiga ururka Raaskaanbooni ayaa waxaa hogaaminayey Macalin Maxamed Ibraahim iyo madaxda arrimaha dibada ururka Mukhtaar Sahal ,kulankaas oo ka dhacay Hotel Gion ee magaalada Addis Ababa. Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay si fiican u soo dhoweynayaan maamulka loo samaynayo gobolada jubbooyinka, isla markaasna ay Ethiopia ay gacan weyn ka geysanayso ayna taageerayso maamul u samaynta deegaanka Jubbooyinka. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in nabadgelyadu ay tahay shayga ugu muhiimsan Geeska Afrika , loona baahan yahay in la taageero, waxaana intaas ku daray in dowlada Ethiopia cid walba oo wanaag wax ku doonaysa lala shaqayn doono, wixii Qas iyo dhib wadana meel looga soo wada jeesan doono. Waa markii ugu horaysay ay Masuuliyiin ka tirsan ururka Raaskaanbooni ay safar Shaqo ku tagaan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo howshoodu tahay siddii xiriir wada shaqayn ah ay ulla yeelan lahaayeen masuuliyiinta deegaanka Soomaalida , iyadoo si fiican loogu soo dhoweeyey dalka Ethiopia.
  11. Dagaal culus oo Duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Dowaldda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab. Dagaalkan oo markii hore u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa kusoo biiray ciidamada dowladda Itoobiya, waxaana dagaalku uu socday in ka badan laba saacadood oo xiriir ah. "Waxaan ku dilnay dagaalka laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan hubkoodiina waan ka qaadannay. Dagaalku wuxuu ahaa howgal ay ciidamadu sameynayeen," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya, Cabdifataax Geesey oo intaas ku daray inay kala eryeen xoogaggii Al-shabaab. Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Itoobiya, balse dhinac walba ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay dagaalka. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Goof-guduud oo 20-km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay arkeen maydadka lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan. Iyadoo deegaanka lagu dagaalamay ay ku sugan yihiiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya. Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa ku toogtay bartamaha degmada Baydhabo nin la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo ciidamada dowladduna ay dilkaas u qabteen shan qof. Magaalada Baydhabo oo 240-km kaga beegan Muqdisho dhinaca waqooyi-galbeed ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan waxaa qabsaday ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxayna noqotay degmadii ugu horreysay ee uu booqday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
  12. ^^ No that will not happen there are about 6000 Kenyan troops in Kismayo and about 2000 Somali troops and other tribal militias allied to the Amisom forces.This is not the era of USC/SPM jees and caydiid or the SPM moorgen and gabyo or the JVA barre hiiraale and ismaciil faratag. There are about 6000 Kenyan peace keeping forces in the lower juba tonight they are all under the Amisom command and well equipped.
  13. Somaliland:President Silanyo Opens three days Council of Minister Summit Hargeisa- Somaliland President H.E. Ahmed Mohamed Mahmoud (Silanyo) has today opened a three day cabinet summit at the Presidential Palace. The purpose of the holding the Cabinet summit was to access the achievements of the current government since coming to office two years ago and to find better ways to formulate government policies which are lagging behind hence overcoming constraints that are faced by the various ministries The Cabinet summit is expected to give opportunity to Ministers from the various Ministries to present their accomplishments for the past two years and also to find future solutions for the constraints and challenges they are faced with. It is expected that the supposed summit to formulate the plans for the coming 2013 and that will provide an insight to the working of the current government
  14. Good on the Puntland leadership this is a step in the right direction lets just hope they accept and cooperate with their prime minster. No need for unnecessary opposition let the new prime minister form his government. And you can judge him than i am sure he will do a great job for Somalia and its people.
  15. 14 cabinet members will be perfect Somalia is a big country lots of things needs to be done 14 technocrats 1Minister of Foreign Affairs 2Minister of Planning & International Co-operation 3Minister of Justice & Religious Issues 4Minister of Health 5Minister of Education & Culture 6Minister of Transport & Ports Fisheries 7Minister of Finance & Treasury 8Minister of Water,Minerals & Energy 9Minister of trade tourism and industry 10Minister of information post and telecommunications 11Minister of sports youth and Employment 12Minister of interior affairs and national security 13Minister of Agriculture & Livestock 14Minister of Women & Family Affairs now 14 wasaradood 4ta beelood iyo nuska u qeybi
  16. Wafdi IGAD oo Maanta Muqdisho Yimid, iyo Kulan Ay La Qaateen Madaxweynaha & Odayaal Ka Cawday Muqdisho (RBC) Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD kuwaasoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya. Waxayna wafdigan markii ay ka soo degeen kulan la yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ugu tageen Villa Soomaaliya. Ilo wareedyada ku sugan Villa Soomaaliya ayaa Raxanreeb u sheegay in wafdi IGAD ay madaxweynaha la yeesheen kulan albaabada u xirnaayeen oo qaatay qadar saacad ku dhow iyadoo arinta magaalada Kismaayo si weyn looga dooday. Maamul u sameynta Kismaayo Wafdiga IGAD waxaa ku jiray illaa labo xubnood oo ka socda dawlada Kenya waxaana intii kulanka ay la qaateen madaxweyne Xasan Sheekh la soo qaaday qaabka maamul u sameynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sida il wareedka sheegayo wafdiga IGAD waxay madaxweynaha kala hadleen inay rabaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda Raskambooni gaar ahaan Sheekh Axmed Madoobe lagu soo daro maamulka heerka gobol ee laga sameynayo Kismaayo iyo in beelaha gobolka Jubbada Hoose laga soo wada qeybgaliyo maamulka. Saraakiisha Kenya ayaa qaba aragti ah in Sheekh Axmed Madoobe uu soo galay halgan dheer sidaasi darteedna laga dhigo gudoomiyaha gobolka. [AKHRI HADAL KA SOO BAXAY SARKAAL KENYAN AH] Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka cudurdaartay in waqtigan uu ku mashquulo arimaha Jubbooyinka, maadaama uu hadda magacaabay raysul wasaare uu doonayo in arimaha maamulada gobolada iyo heer deegaan looga dambeeyo raysul wasaaraha iyo xukuumadda cusub ee dalka loo sameynayo. Sheekh Axmed Madoobe Xubnaha ka socday Kenya waxay aad uga xumaayeen jawaabta uu bixiyey madaxweynaha ee ahayd in dawlada aysan hadda ku mashquuli karin qorshaha maamul u sameynta gobolka Jubbada Hoose oo u muuqda in loolan qabiil uu hadda ka soo ifbaxay. Waxayna wafdiga IGAD isla galabta dib ugu laabteen magaalada Nairobi. Dhanka kale, Raxanreeb waxay saraakiisha madaxtooyada ka ogaatay in madaxweynuhu uu qorsheynayo in guddi gaar ah oo ka socda xukuumadda uu u saari doono arimaha Kismaayo marka la dhiso golaha wasiirada cusub kadib, inta ka horeysana uusan madaxweynuhu rabin in dhegihiisu ay maqlaan buuqa iyo isqabqabsiga ka aloosan maamul u sameynta Jubbooyinka oo dawlada Kenya ay si weyn faraha ugula jirto taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad u gariifsan yahay. Madaxweynuhu wuxuu bishii hore warqad uu u diray dawlada Kenya kaga dalbaday inay joojiso qorshe maamul loogu dhisi lahaa Jubbooyinka oo laga waday magaalada Nairobi. [HALKAN KA AKHRI WARQADA MADAXWEYNAHA] Shan beelood oo la kulmay UN iyo Midowga Afrika Intii wafdiga ka socday IGAD ay madaxweynaha la joogeen madaxtooyada waxaa dhanka kale garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka socday kulan u dhexeeyay odayaal ka socday shan beelood oo ka mid ah kuwa dega Jubbooyinka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Midowga Afrika iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNPOS. Sidoo kale saraakiisha AMISOM ayaa iyaguna joogay kulankan. Read more here http://www.raxanreeb.com/2012/10/wafdi-igad-oo-maanta-muqdisho-yimid-xog-hoose-oo-ka-soo-baxaysa-kulan-ay-la-qaateen-madaxweynaha-odayaal-ka-cawday-arimaha-jubbooyinka-warbixin/