Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Taageereyaasha KULMIYE ee Burco oo banaan baxyo waaweyn ka dhigay Magaaladda Burco October 31st, 2012 Burco (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo wafti uu hugaaminaayay oo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo golaha baarlamaanka Somaliland ayaa maanta taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer kala qaybgalay ,banaanbaxa ololaha doorashadda golaha deegaanka oo gashay maalintii Sedexaad . Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Burco banaanbaxa doorashadda ka dhigay oo tiradoodu aad u badnayd ayaa markii danbe isugu tigay fagaaraha Khayriyadda Burco ,halkaasi oo ay kala hadleen musharixiinta golaha deegaanka Xisbiga Kulmiye uga sharaxan degmadda Burco ,waftigan Xukuumadda sare ka socday masuuliyiinta Kulmiye iyo maamulka gobolka Togdheer. Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo fagaarahaasi kala hadlay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa sharaxaad ka bixiyay mashaariicda wax qabad ee Xukuumadda Kulmiye ka fulisay gobolka Togdheer ,waxaanu kula dardaarmay Taageerayaasha in ay xil adag iska saaraan xoojinta nabadgelydada gobolka waxaanu yidhi isagoo arimaahaasi ka hadlaaya . ” Waxaan idin xusuusinayaa waxaad tihiin taageerayaashii xisbiga talada haya ee Kulmiye ,waxa laydiinka baahanyahay tudhaale gaar ah in aad la timaadaan oo aad idinku noqotaan qaar dulqaata oo nabada ilaaliya oo wanaaga dhawra iyo wada noolaashaha waayo masuuliyad gaar ah ayaa idin saaran dhamaana xisbiyada walaalo ayaynu nahay codkana waynu ku tartamaynaa ,waal-nimada shacabka iyo isku xidhnaantuna dhimanmayso codkeenana waynu la soo baxaynaa qaranimadeenana waynu ilaashanaynaa ” Sidaasi ayuu Md. Duur yidhi. Wasiirka ayaa sheegay mudadii ay xilka haysay Xukuumadda Kulmiye ee Axmed Siilaanyo hugaamiyo in ay dalka waxbadani iska badeleen isla markaana ay mashaariico ka fulisay gobolka Togdheer ,taasi oo uu xusay in ay lacagtii Giinbaaru u horeysay ,waxaanu ku adkeeyay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in ay awooda saaraan sidii ay musharixiinta xisbiga ee Degmadda Burco usoo saari-lahaayeen iyagoo aqoontooda ku dooranaaya . Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku wargaliyay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer in ay awooda saaraan sidii ay codkooda usiin lahaayeen 21-ka musharax ee golaha deegaanka Burco uga sharaxan kuwaasi oo uu xusay in ay khibrad aqooneed u leeyihiin hawsha ay u taaganyihiin ,waxaanu dadweynaha gobolka usoo jeediyay in ay dhinaca aminga kala shaqeeyaan ciidamada booliska . Sidoo kale waxa iyana ka mid ahaa masuuliyiintii Kulmiye ee halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed ,Xil. Cali ********* ,Guddoomiyaha Kulmiye ee gobolka Togdheer iyo musharixiinta golaha deegaanka Burco u taagan ee xisbiga Kulmiye waxaaney dhamaantood ka xogwarameen awooda xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer ,waxyaabihii uu qabtay dhawrkii Sano ee uu xilka hayay iyo himilooyinkiisa danbe ,waxaaney u mahad-naqeen sida ay taageerayaasha Kulmiye sida ay cududooda u muujeyeen. Banaanbaxan taageerayaasha Kulmiye maanta ka dhigeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay ururadda siyaasadu Burco ka dhigaan Sedexdii cisho ee uu socday Kaambaynka doorashadda golaha deegaanka.
  2. Danjire Cali Ameeriko oo Ka Horyimid Dadka Deegaanka inay Maamul ugu Sameyaan Gobolada Gedo, Jubada Hoose, Jubada Dhexe “Jubaland” Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin Nairobi (RBC) Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay kulan looga arinsanayey doorka hawlgalka ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD ee ku wajahan dhanka rayidka kadib hawlgalada militari ee hadda ay ka wadaan Soomaaliya. Kulanka waxaa dhanka dawlada Soomaaliya uga soo qeybgalay danjiraha dawlada Soomaaliya u jooga wadanka Kiinya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo hadal ka jeediyey kulanka, kana hadlay arimo fara badan xaalada dalka ah. Danjiraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada AMISOM iyo Urur Goboleedka IGAD sidii ay ucaawiyeen dawlada gaar ahaan dhanka amaanka oo uu sheegay inay gacan fiican ka geysteen. Hase yeeshee wuxuu si adag u difaacay mowqifka Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ku wajahan arinta Kismaayo iyo maamul u sameynta gobolkaasi inay tahay arin u taalla dawlada Soomaaliya. “Arimaha gobolada Jubbooyinka iyo Kismaayo waxay dawladu wadaa qaab maamul loogu sameynayo, waxaana u aragnaa shaqo u taalla dawladeena, IGAD kaliya waxay ku ekaan doontaa caawimaad oo kaliya” ayuu yiri Danjire Ameeriko. Danjiruhu wuxuu cara baababay in ay jireen kulamo dada deegaanada Jubbooyinka ay wadeen, isla markaana looga arinsanayey arimaha Jubbooyinka isagoo sheegay in arimuhu ay mar walba yihiin kuwo Soomaalida ku eg. Hadalka ee maanta jeediyey danjire Maxamed Cali Nuur ayaa soo baxay xilli shalay dawlada Soomaaliya ay cadeysay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ay wado oo meel dhexe ay marayaan.
  3. Ameeriko: Dowladda ayaa leh maamul sameynta 31 Oktoobar, 2012, 17:26 GMT 20:26 SGA Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur Ameeriko Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa sheegay in maamul u dhisidda magaalada Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse aanay ahayn hawl u taal IGAD ama AMISOM. Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo u warramayay BBC ayaa sheegay in AMISOM ay gacan siiyeen dowladda Soomaaliyeed taasina ay ka mahadcelinayaan, laakiinse waxa uu meesha ka saaray in aanay weligood joogeyn Soomaaliya, oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka. Dhinaca kale Danjiraha waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Soomaaliya ay leedahay dowladda Soomaaliya. Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir looga hadlayay wax qabadka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan. Dhawaan ayaa Midowga Afrika uu sheegay inuu doonayo in door rayid ah uu ku yeesho Soomaaliya oo uu keenayo saraakiil ka qayb qaata maamul u samaynta Soomaaliya.
  4. Apophis;884671 wrote: A "real secessionist"? Like Mr Xaglatossiye? Nothing is real in Somali politics. Xaglatoosiye started as a federalist Puntlandist than found him self fighting as a rebel than eventually became a secessionist We dont know about this lady yet but i think if she becomes a minister she will be much like ina omaar travel around foreign capitals meet leaders, like buuba did under cabdilahi yusuf. I don't think she will much talk about union or independence.
  5. I dont get it what is so important about this woman she founded the raad tv worked as an NGO is a hard working lady she was never part of any Somaliland government since 1991. She helped with the establishment of the Hargeysa university with other Somalilanders other than that she is only the daughter of a legendary Somalilander Yusuf xaaji adan. What is so wrong if she goes to Mogadishu or even becomes a minister of Somalia i don't see a problem. Imisaa rag xamar tagee like Buubaa who was one of the prominent SNM figures or General jamac maxamad qaalib fawziya waba ruux dumar eh. By the way hows ileey doing is he fired yet or is he still partying in the united arab emirates. All in all she is not appointed yet hold you´re horses but if she was we will just congratulate her.
  6. Only in Somalia will people get angry if their president says something about their region but if kibaki or haile mariam deselegn says something no one ever complains.
  7. Osman is a funny dude doesn't he know Laascaanood loogu ma talo galin inay madaxweynayaal dalal kale ka hadlaan tallow goormu fahmi doona
  8. Dee Abwaan gabadha daa ha shaqeysato the world doesn't end with Somaliland if she wants to try Somalia why not even if she wants to try Kenya maxa u diidayaa soo kursi siyasadeed uun maha just like ina omaar did Buuba did hussein Arab ciise did dadka daa niyo hawshooda haka qabsaan. Fawziyay edo noolow.
  9. ^^ Capital is very important its the seat of the government and parliament the symbolic union of the nation. I say Kismayo should be the capital of Somalia since every clan of Somalia claims Kismayo and its on the coast perfect capital city.
  10. Elders in Somalia are getting more influential very interesting indeed this was not the case years ago. Somalilands cultural imperialism in the horn is working after all Suldaan duub cadka walaga danbeya haatan.
  11. She is not a bad woman she is very persistent and very bossy to i wish her all the best luck if she becomes the deputy prime minister and foreign minister. She is also good friends with the current President of Somalia they worked together in hargeysa and Nairobi all in all she is a very ambitious woman.
  12. Reer SOl iyo dhamaan umada islaamka meel alaale meel ay joogaan gaar ahaan umada Somaliyeed Ciid wanaagsan inshallah sanadkan sanadkisa alleh caafimaad hanugu gaadhsiyo ehelkeena iyo dhasheena allah ha ino barakeyo ciid wanaagsan meel alaale meel aad joogtaan ba awrta na inu qala idinki ilaahay allahu akbar walilahil xamd. Xaaji Xunjuf.
  13. oba hiloowlow;883107 wrote: Madax Banaanida Jamhuuriyadda Somaliland waa Muqadas Dadkii Diida Biyaha Badda ha Cabeen :D:D
  14. STOIC;883094 wrote: Xaaji, I think the Somaliland reporter is woefully ignorant to the rules of journalism.He is a bit aggressive with his questions on that issue.The dude gave a valid answer and that should be enough for his audience.Tell him to keep nursing the dream who knows maybe the UN will one day draw the lines for the two borders... I dont think he would've lose his license if he would've said Somaliland the break away republic and thats just what the reporter asked nothing aggressive about that.
  15. Kenney i wont mind that if the somaliland troops come under the amisom command
  16. Atirisho Puntland is fine for now but if you want to create a better Puntland and a better Somalia u need to solve the problems in Somalia now i am not asking Puntland to do all the work ofcourse not but they should contribute their part. Do you think Amisom forces can do everything no they cant Amisom can chase Alshabaab from major urban cities but who is going to fill the vacuum you need Somali troops. And Puntland has the most capable armed forces in Somalia so why not contribute. Puntland security must be upheld and we must continue to support the peace and stability in Puntland at the same time we cannot neglect what is happening south of Puntland. You are thinking about you're short term objectives Puntland needs to think about where somalia will be in the next 20 years.
  17. ^^ A question is a question the HCTV reporter is i think a very nationalistic Somalilander.
  18. NGONGE are you comparing a journalist held in custody for a few hours with a murdered reporter of the universal tv.
  19. But why would khatumo side with Alshabaab khatumo didn't carry out a single attack the past six months.