Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,998
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Bal si kale an u dhigo Madaxweynuhu hadanu ahaan lahayn beeshu ka so jeedo oo u noqon laha Beelaha ka so jeeda budhlayn, Ma kula tahaay madaxweynaha oo wefdi u diray kismayo in la odhan laha meeshan ma so gali kartan.?
  2. Both sides have buufis i agree but accusing the president to have links with a clan group called HAG is just absurd. It wasn't smart to send sheikh indhocade al markaawi to Kismayo, But the admin in Kismayo should work with their government in Mogadishu.
  3. Anigu waxan raba inu madaxweynuhu dawladisu adkayso xukunkeeda wixi lacag ah wixi mamuul ah wixi darajo ah oo ay gaadhi lahayd na ay isticmaasho. Xiinfaniin na wuxu leeyahay Madaxweynuhu Jawhar haka sheekeyo iyo woqoyiga Muqdisho. Oo anaga iyo walaalahayo reer azaniya talada ha u dayo Jubooyinka waleh meeshaad ka shaxaysaan ogahay:D
  4. The Second phase of Kulmiye rally Wednesday, November 7th, 2012 | Posted by admin Dabaaldagii Maalinta Ololaha Ee Xisbal-xaakimka KULMIYE Oo Noqday Tusaale Wanaagsan+SAWIRO. Nov 7,2012 Borama(Cadceed) – Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal waa ay ka duwanayd maalmihii la soo dhaafay, iyada oo ay musharixiinta iyo taageerayaashoodu isugusoobaxeen guud ahaanba degmooyinka kaladuwan ee gobalka Awdal, maanta Boorama waxaa laga dareemaayay olole cusub oo nadaafadeed oo ay isugu soo baxeen dadweynaha kaladuwan ee taageersan musharixiinta iyo xisbalxaakimka Kulmiye. Hadaba halkan ka daawo muuqaaladii maanta ee xisbal xaakimka kulmiye iyo sidii uu Boorama ugu itaalsheegtay axsaabta isu dhererisa.
  5. Dadki buufis ba ku dhacay HAG this sick mentality of 1991 bay dad badan raban inay Somalia ku celiyaan.
  6. Dhanka kale qaar kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Dowlada Kenya ay ku xadkudubtay howlihii loo idmaday ayna horkeeni doonaan Baarlamaanka muushin ka dhan ah Dowlada Kenya.Kanacod saday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud inuu warbixin ka keeno Dowlada Kenya sida ay u isticmaalayso Xuduudaha oo Soomaaliya.
  7. Muqdisho :- Baarlamaanka Soomaaliya oo codsaday in la soo cadeeyo sababtii wafdiga dowlada looga soo celiyay kismaayo 8. november 2012 Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari ayaa waxa uu sheegay in laga maarmaan ay tahay maamul u sameenta Magaalada Kismaayo ayna soo dhaweynayaan nabadeenta Gobalada Dalka. Prof: Jawaari ayaa waxa uu wax laga xumaaday ku tilmaamay wafdigii isuku jiray Dowlada iyo AMISOM ee shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose kuwaasi oo loo diiday in ay kudaha ugalaan Magaalada Kismaayo. Asigoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud ugu baaqay in uu Baarlamaanka Soomaaliya horkeeno sababtii keentay in wafdigaasi loo diido in ay kudaha u galaan Magaalada Kismaayo. Dhanka kale qaar kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in Dowlada Kenya ay ku xadkudubtay howlihii loo idmaday ayna horkeeni doonaan Baarlamaanka muushin ka dhan ah Dowlada Kenya. Kanacod saday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud inuu warbixin ka keeno Dowlada Kenya sida ay u isticmaalayso Xuduudaha oo Soomaaliya. Hadalkaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka jeediyay kulan ay maanta mudanayaasha Baarlamaanka ay ku la haayeen Xarunta Golaha shacabka taasi oo looga doodayay maalintiisa Sedexaad Xeer hoosaadka uu ku shaqeenayo Baarlamaanka Soomaaliya
  8. But truth must be told the Somaliland government was the least involved with this road project it was entirely constructed with the wealth of the diaspora particularly from south hargeysa and the salahlay district. But the honor was giving to president Siilaanyo to open the road offically.
  9. Madaxweynaha Oo Xadhig Jaray Jidka Isku xidha Hargeysa iyo Salaxlay oo 13KM laami laga dhigay November 8th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jaray wadada isku xidha Magaalada Salaxley iyo caasimadda Hargaysa taasoo 13 KM oo ka mid ah Laami laga dhigay inta kalena loo ballamay dhamaystirkeeda. Wakaaladda wararka Somaliland ayaa ku Waramaysa in Madaxweynaha JSl Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay wehelinayeen Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi xubno ka tirsan golaha wasiirada, Xildhibaano labada gole ka tirsan, salaadiin iyo dadweyne kala duwan. Waxaa ugu horayn halkaas ka hadlay gudoomiyaha gudida dhismaha Wadada Cad Mr Cali Ibrahim Maxamed waxaanu ka waramay marxaladihii ay soo martay wadadani oo la dhisay wakhtigii gumaysiga isla markaana ay burburtay dayac tir la’aan soo wajahday awgeed ,Waxaa kale oo Gudoomiyahani sheegay in dhismaha Wadadan ay ku baxday Adduun dhan Todoba Boqol oo Kun oo dollar, oo ay 99% bixiyeen dadka kasoo jeeda deegaanka salaxlay. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal ka jeediyay Madashii Xadhig ka jarista Wadada Cad ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay taageero ka gaysanayso dhismaha iyo dhamaystirka wadadaasi,isagoo Intaas ku daray in arrintani Muujinayso Iskaashiga ay bulshadu samayso inuu lagu gaadhi karo horumarka aynu qaran ahaan higsanayno. Shirkadda isgaadhsiinta Telesom ayaa munaasabadaasi kaga dhawaaqday adduun lacageed oo gaadhaya Soddon kun oo Doolar oo ay ugu deeqday dhismaha wadadaasi, halka sidoo kalena Shirkadda Ganacsiga ee Al-Nuur ay wadadaasi dhamaystirkeeda ugu deeqday Konton Fuusto oo Daammur ah. Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xuseen Muxumud Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Xaaji cabdikariin Xuseen (X. Cabdi waraabe) iyo salaadiin kala duwan waxana ay dhamaantood ka hadleen faa’iidada ay leedahay wadadan isku xidhaysa Degmada Sallaxley iyo Caasimadda dalka ee Hargaysa.
  10. Somaliland deputy parliament speaker Baashe on the situation sool and xudun " frameborder="0" allowfullscreen>
  11. Masuuliyiin Somaliland Ah Oo Gaadhay Xuddun Iyo Maleeshiyaadka Khaatumo Oo Hadal Iyo Hugunba Is-raaciyey Thursday, November 8th, 2012 | Posted by Maxamud Masuuliyiin Somaliland Ah Oo Gaadhay Xuddun Iyo Maleeshiyaadka Khaatumo Oo Hadal Iyo Hugunba Is-raaciyey “Qabsashada Xuddun Waxay Hordhac U Tahay Qorshe Somaliland Xuduudkeeda Ku Xidhanayso Xiliga Kala Guurka Somaliya”Indho-sheel Taleex (Waaheen) – Kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo, ayaa ka hadashay qabsashada ciidamada qaranka Somaliland ee degmada Xuddun ee Gobolka Sool. Kooxda Khaatumo la baxday, waxay qabsashada ciidamada qaranka ee deegaankaaasi oo ka dhashay badbaadinta dadka reer guuraaga ah oo ay si joogto ah Maleehsiyaadkoodu ugu laayaan u badaleen qorshe siyaasadeed oo Somaliland doonayso inay ku fidiso Maamulkeeda, si bay yidhaahdeen ay uga faa’ideystaan khayraadka ku jira. Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho-sheel) oo ku magacaaban Madaxwaynaha nabad-diidka Khaatumo la baxay oo shalay ka hadlay qabsashada ciidamada qaranka ee Xuddun, ayaa arintaasi uga hadlay hanaan siyaasadeed oo uu muran ku galinayo shidaalka la doonayo in dhawaan laga baadho deegaano ka mid ah deegaanka Nugaasha oo ay ku jiraan Taleex iyo Xuddun “Waxay doonayaan (Somaliland) inay cududooda ku fidiyaan deegaanka Nugaaleed oo uu isagu soo ururay khayraadka deegaanku (Sool), haddii ay tahay Macaadin, dhul beereed iyo xoolaba”ayuu yidhi dagaal ooge Indho-sheel, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo ay doonayaan in xiliga kala guurka ah ee Somaliya ku jirto ay xuduudkooda soo xidhaan” Dhanka kale, wefti uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Sool Maxamed Maxamuud Xaaji Cali (Jeeni-yare) ayaa shalay gaadhay deegaanka Xuddun, halkaasi oo ay todobaadkan gacanta ku dhigeen ciidamada Qaranku, waxaanu kulamo halkaasi kula yeeshay Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka deegaankaasi, kuwaasi oo sida la sheegay ay ka wadda hadleen sidii nabadgalyada looga shaqeyn lahaa, iyadda oo la tilmaamay in qorshaha uu badhasaabku halkaasi ku tagay ay qayb ka tahay dedaalo lagu doonayo in doorashada deegaanku ka dhacdo Xuddun, badhasaabkuna gogol xaadh u yahay Masuuliyiin dawlada ka socda oo la filayo inay halkaasi gaadhaan. Dhanka kale, warar Madax-banaan oo aagaasi laga helayo aya sheegaya in maleeshiyaadka kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo ay isku diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan fadhiisimada ciidamadda qaranku ka samaysteen hareeraha degmada Xuddun, iyadda oo wareysi uu bixiyay ninka ku Magacaaban Madaxwaynaha kooxda la baxday Khaatumo uu ku sheegay hadal muujinaya inay dagaal maagan yihiin..
  12. Its funny two months ago every one wanted to get rid of sh sharif and wanted hassan sheikh and now theyre upset. SendIng shekkh indhodacade al markaawi was not smart but the govt should have its influance in kIsmayo Hadi kale dowladnimada somalia maxay sheegeysa And che made a good point all you were oppossed to as but you cant agree on anything why are people Ignoring this point.
  13. How come Beledweyne baydhabo marka afgooye garbahaaray dhuusamareeb all these cities never caused any problem for the new government why is kismayo always a troubled zone?
  14. Xiinfaniin i like how you spin things it makes it hard to shadow you particularly for the likes of Abwaan who have a hard time to go through ur arguments. And who wale consistently about Somalinimo as if that's going solve the matter. But let me continue for a second and and remind you of a few facts President hassan sheikh Mahamuud the President of Somalia has the mandate and the obligation to secure and uphold and protect the nation of Somalia and its citizens which includes Kismayo. What Xiinfaniin and others forget to mention is they wish and want Kismayo to remain a unincorporated area free from the Somali government but the question is why ? The nature that is driving Xiinfaniin is not entirely just clan or the clan state but its deeper it has its roots in state building but unintentionally the process is going not to undermine the legitimacy of the President but his political ambitions of nation building and establishing state institutions and the development of capable defense forces in the country.What some politicians want is a more traditional techniques of diplomatic and political mediation which will buy time for the clan federalists and Shabaabists and Hassan doesn't have that time.The basic level of what what a post conflict country should try to achieve in a short period of time is the continuation of reconciliation process but at the same time avoid being like a dysfunctional country being dictated by mere junior politicians in IGAD.Somalia should not place is self in that situation it should pursuit its own national interest but not alone it needs its people its cities and its resources. The Presidents main task is state-building, and the development of national institutions. The ground level is what dysfunctional states or quasi-states want to achieve in the long term, is expanding the state scope and being able to create institutions that provides basic functionality and to expand its territorial control and its influence. And to use its resources and human resources to strengthen its position.In Somalia this not the case at the moment when we have people shouting the president cant talk about our village or creating bantustans in south central Somalia will halt the political process and stability of Somalia to return from the ashes. The security of the country from both external and internal actors right now internal actor with the support of an external factor Amisom Kenya, the objective of the president is to secure that law and order in the. civil society is maintained across Kismayo the juba regions and south an central Somalia which is crucial for the Presidents power base something xiinfaniin wishes to take away from him. The main ultimate goal in this phase is not merely to provide.basic services for the citizens of the country that's priority number 2 , but to ensure that the state is self-sustained in its capacity to govern Somalia a war torn nation. Somalidu waxay tidha xaq lama rabe eeh xal ba la raba. .
  15. Abwaanow adigu you need to learn to read between the lines Aw farasle Xiinfaniin wuxu ina leeyahay Madaxweynahu maha inu ka hadlo Kismayo hadu ka hadlo sumcadisa madaxweyne bu wax u dhimaya miyanaad fahmayn, wa hadal beeleysan oo loogu duurxulayo.
  16. He is the President of the entire Somalia but he needs a power base and that is central and southern Somalia. We are talking about Somalia a country torn a part by tribal warfare by Islamic militant insurgency. He needs to start some where and move to other parts of Somalia in time as his government strengthens.
  17. Taleexi;886742 wrote: What is the right thing the president should do to diffuse the tension, yaa Xaaji?. The President should show his political muscle diplomatically and to a lesser extend militarily in order to have his influence all over central and southern Somalia.He should pass a law using the parliament of Somalia which will make tribal militias warlords outlaws in Somalia. The rule of law needs to return in Somalia and right now Somalia has a weak federal government with little power and its being discard by certain elements in Somalia. Who are against President hassan sheikhs form of nation building in the country. So he needs to step up his game and show what he is made of.
  18. Tuur qisadisi miyanaan mar hore ka hadlin maxaad noogu celin Siyaad bare dawladisi iyo ti Adan cade ba dad badan ba u so shaqeyey laakin dad badan siday u noqdeen jabhadi SNM eeh wagaas woqoyi ka jirtay adeer waligood mawqifkooda kama la labaan oo siyaad bare isu may dhibin oo hadana kamay so bixin, si dad aan ogahay.
  19. This shows that axmed madoobe has lots of leverage at the moment and they already are not allowing govt delegations in kismayo. Axmed madoobe is in charge and it seems as if the kenyans are a bit in the background. If hassan sheikh doenst do the right thing now the situation might change.