Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,974
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. ^^ The people in the west left the country in the late 80s and the early 90s so the civil war is still fresh in their minds the people in the west are highly traumatized.
  2. loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool
  3. This is one of my favorite " frameborder="0" allowfullscreen> ma cad ceed so baxda yarkan caashaqisa la caantoobiyoo cidlaan ka raadiyaa Cida hara digeed baan dhex cararayaa inta ciida an wada galin caana wada dhana Caadilow alow calaf wa mar qodha inta ciiida an wada galin cunta wada cuna inta ciida an wada galin caana wada dhana codad baan maqla ma libaax ba cartami ma codkaagi ba ma anigaad igu cabsiin Inta ciida an wada galin cunta wada cuna
  4. Haday dadkaasi rabaan in ay dacweyaan madaxda Somaliland they are free to that cid hortaagan anigu ma arko. Wa inay maxkamada caalamiga tagaan oo cadeymo so dhigaan. Calaamka horumaray ba garta ino naqaysa i trust the juridical system of the free world.
  5. Bal wayahay halka inoogu so xidh sheekada xaaska faroole iyo guryaha gondihisa in faroole guryihisa lugu mashquula waba qalad.And this topic is not about Xaaji Xunjuf waxa aniga dooda ii keeney ba ma garanayo other than the topic opener oo dooda ino furay. Siyaasda faroole iyo mudaharaadka Qardho weye topicu.
  6. No one said xididnimo is ceeb but maxaba meesha keeney xidid iyo qoisaska is qaba marka siyaasada laga hadlayo, wax dhib ah kama jirto. Bal golle qac riijaal ba la jooga adna gabdh la qabo baad la so shir tegeysa:D Bal maxa keeney inad doodi dhamayd u rogtid faroole xaaskisa cajiib.
  7. Odey;892379 wrote: Adigu marka hore is eeg inta aadan cid kale eegin oo dib uu eeg waxaad ku hadashey. anigu waxa kaliya aan sheegey waxaa weeye in aad xidid tihiin odeyga. Taasina ceeb ma aha. Maxaad la kululaatey saaxib ?. Dee meesha maxa xidid ba keeney anigu war baan so galiye maanta dhacday oo akhbaar ah doodada ka dhiibo laakin hebel ba reer hebel ka qaba xaajo rageed maha, its pointless.
  8. Gooni hadad ogitihid qof cadalaad daro sameyey oo dad masaakin ah laayey dee so dacwee oo cadayn keen oo maxkamad uga yeedh , laakin ha odhan dadki wax laga dilay ha iska amuusan. its for you to bring them to justice haday wax ka laayeen.
  9. Maxa keeney ninka xaaskisa iyo wuxu qabo niyo dadka qaar maba xishoodan leave the mans household alone oo siyaasadisa ka hadal.
  10. Abwaan where did i say faroole should remain president at the end of the day its up for the Puntland people to decide or at least their leaders.so far the protests were peaceful and i don't see any problems there. Duke ur wlc.
  11. oba hiloowlow;892297 wrote: Faroole needs to go after the election, Abdullahi yusuf AUN, Adde Muuse and Dr. Gaas is opposing faroole what does that tell you? Abdulahi yusuf is dead how did he oppose faroole , ma akhiru fariin ka so diray. Cabdi cawar is a subclanist and a failed politician he doesn't like faroole.Because faroole didn't gave him the fundings he needed to bribe the MPS to become president. Cadde muse never liked faroole because faroole opposed him when cadde was the leader,so that is understandable.
  12. WAR HADDA SOO DHACAY : Ra’iisal Wasaaraha Kenya Oo Booqasho Ku Tagay Gaarisa Gaarisa (RBC Radio) Ra’iisal wasaaraha waddanka Kenya Raila Odinga ayaa maanta oo Jimco ah booqday magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya. Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdaan xubno ka tirsan golaha wasiiradiisa iyo xubno baarlamaanka Kenya oo uu ka mid yahay Faarax Macalin guddoomiye ku-xigeenka ayaa kulamo la qaatay dadkii ku hanti beelay dab la qabadsiiyay suuqa ugu weyn magaalada oo la yiraaho Suuq-Mugdi. Qaar ka mid ah ganacsatada ku dhaqan magaalada Gaarisa iyo Culimaa’udiinka ayaa ugudbiyay ra’iisal wasaare Raila Odinga inta ay la egtahay khasaaraha ka dhashay dabkii lagu shiday suuq-mugdi oo gabi ahaan dhulka lala simay. Ra’iisal wasaaraha ayaa iyo wafdiga la socday ayaa indhahooda ku soo arkay khasaaraha ka dhashay dabkii laqabadsiiyay suuqa iyo meelo kale oo ay ku jiraan warshado. Ra’iisal wasaaraha ayaa booqday isbitaalka ku yaalla magaalada Gaarisa halkaasoo ay ku jiraan bukaano badan oo ku dhawacmay rabshado ka dhacay Gaarisa. Ra’iisal wasaaraha ayaa u ballan qaaday dadkii ku hanti beelay suuqa ugu weyn magaalada Gaarisa in la siin doono hanti ay ku soo ceshdaan ganasigooda. Ra’iisal wasaare Odinga ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciidamadii gubay suuqa magaalada Gaarisa iyo kooxihii boobka u geestay hantid badan oo suuqa taallay. Si kastaba, booqashada uu maanta ku tagay magaalada Gaarisa ra’iisal wasaare Raila Odinga , ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu isla shaley booqday xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo Axadii toddobaadkan ay ka dhaceen rabshado kaddib markii bam gacmeed lagu tuuray bas nooca dad weynaha oo halkaas mararyay.
  13. Mudaaharaad Ka Socda Qardho Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Halkaas Ku Wajahan (UPDATED)NOVEMBER 23, 2012 20 COMMENTS Mudaharaad 21 September ka dhacay magaalada Qardho oo loogu soo horjeedo qorshaha dowlada ee xil kororsiga Wararka aan ka heleyno caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay ina saaka hiirtii magaalada Garoowe ka baxay Madaxweynaha Puntland, Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Qardho halkaas oo saddexdii todobaad ee u danbeeyey laga hadalhayey imaan shihiisa isaga oo marar badan arrimo farsamo uga baaqsadey. Madaxweynaha waxaa ka soo horeeyey ciidamo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Bosaso, sidoo kale waxaa ka baxay magaalada Qardho Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan iyo ciidamo uu wato si madaxweynaha ay uga hortagaan. Mudaaharaadka magaalada ka bilowdey. 11: 48:00 Updated: War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu soo gaarey magaalada isla markaana uu dhexmarey laamiga oo wada qiiqaya oo taayiro ka gubanayaan, waxaana la geyey guriga Xildhibaan Siciid Cabdullaahi Deni, maadaama gurigii Martidu uu yahay mid qabyo ah weli. Dhanka kale laba qof ayaa ku dhaawacantey rasaastii ay ridayeen ciidanka Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, Horseed media oo la xiriirtey isbitaalka guud ee magaalada ayaa loo sheegay in la gaarsiiyey halkaas labo qof oo dhaawac ah kuwaas oo kala ahaa wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Faarax Axmed Ciise Gurey iyo gabadh magaceeda nalooku sheegay Sahra Ayax, waxaana ay ka m id ahaayeen dadkii ka qaybqaadanayey mudaaharadkii lagu diidanaa xili kororsiga madaxweynaha Puntland Waxyar kadib markii ay magaalada soo gaartey in Madaxweyne Faroole uu soo dhawyahay waxaa is qabsadey dadweyne aad u caraysan, kuwaas oo taayiro ku gubey jidadka magaalada, isla markaana soo qaatey boorar ay kuqoranyihiin Dooni meyno xili kororsi, doonomeyno keli talisnimo, doorasho hala qabto iyo erayo kale. Ciidanka amaanka oo markii hore jidadka xirey ayaa dadweynuhu jiireen, waxaana la maqlaayey rasaas ay ciidanku ridayeen. Mid kamid ah dadka mudaaharaadayey oo Horseed Media khadka Telefonka ku weydiisey sababta ay madaxweynaha ugu mudaaharaadayaan, ayaa yiri: Ma diidanin in Madaxweynuhu booqan karo magaalada Qardho taas oo aanu waxba u qaban 4 tii sano ee xukunka hayey, waa magaaladiisi, waa meeshii loogu soo dhaweeyey si aan Garoowe loogu soo dhaweyn markii uu Musharaxa ahaa, waxaan diidanahay waa ballan darada iyo ku tumashada dhaartii uu dadka u dhaartey in uu u adeego muddo 4 sano ah isaga oo hadda tumaaya durbaan la yiraahdo Dimoqraadiyad, taas oo aan u aragno arrin xaq ah laakiin baadil loola jeedo iyo xilli kororsasho, waana la yaqaan wadada dimoqraadiyaddu iyo waxay u baahan tahay, laakiin magaaladu waa magaaladiisi imaashihiisa looma diidana, waana xaq aan leenahay in aan muujino in aan diidanahay muddo kororsi, Dastuurkuna awoodda shacabka ayuu siiyey ayuu yiri Axmed Xaaji Cali oo kamid ahaa dadkii mudaaharaadayey. Subaxnimadii hore ee saakey ayaa maamulka degmadu ku wargeliyeen suxufiyiinta in aysan ka qaybqaadan karin soo dhaweynta Madaxweynaha, waxaana ay sheegeen in go’aankaasi ka yimid madaxweynaha Puntland, arrintaasna dad gaar ah lo xilsaarey, Sidoo kale maamulka ayaa ka codsadey ninka magaalada Jaadka ama Qaadka keena oo la yiraahdo OBOBAAY ama Daahir Axmed Ruke in uu soo dhaweynta isagu masuul ka yahay, waxaana uu kireeyey labo gaari oo nooca waaraadka loo yaqaan. waxaana uu tegey xerada ay ku jiraan dadka soo barakacay ee Shabeele, waxaana uu caruurtii iskoolka ku khasbey in ay gawaarida soo fuulaan, markii uu laba jeer magaalada la dhexmarey laba gaari oo ay ka buuxaan caruur iyo Qaadwalayaal mudaaharaadkuna bilowdey ayuu ka baxay magaalada isaga oo aadey dhanka Garoowe si uu caruurta Barakacayaasha uga horgeeyo madaxweynaha. Updated: Rasaas ka bilaamatey magaalada War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in magaalada rasaas xoogleh ka dhacayso taas oo ay ridayaan ciidamada Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, waxaana loo diidey dadkii mudaaharaadka watey in ay sii wataan mudaaharaadkoodi taas oo kaliftey in dariiqyada la isku oryoodo iyada oo aan weli magaalada aanu soo gaarin madaxweynuhu. gadaal ayaan warkaan oo faahfaahsan kasoo daabacynaa
  14. Well i refused to be called after a mountain balayo ku golisaysey:D
  15. Alpha how about the Afro hashimite republic of Soolisiya Soo lis go and Milk