Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,944
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. ^It seems the Ethiopians were this time not involved but they will be back it was the aswj militia and Somali troops.
  2. Beled-Xaawo (RBC Radio) Wararka naga soo gaarayo magaalada Beled-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay maanta weerrartay saldhigyo ay joogeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalkaas. Dagaalka oo socday dhowr saacdood ayaa la soo sheegayaa in uu geestay khasaaro xooggan, laakin ma cadda inta uu la egyahay. Sarkaal u hadlay maamulka dowladda ee Beled-xaawo ayaa u sheegay saxaafadda in dib loo riixay ciidamadii soo weerraray magaalada. Wuxuu ka gaabsaday inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee halkaas ku dagaalamay. Xaalladda magaalada ayaa caawa deggan, laakin waxa ka socda howlgalo ay halkaas ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Al-Shabaab dhowr jeer ayey weerrar ku qaaday goobo ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna oo ku yaalla gobalka Gedo. Al-Shabaab weli waxay gacanta ku heysaa xarunta gobalka ee Baardheere, laakin dhowr magaallo ayaa laga qabsaday. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho
  3. Che -Guevara;892574 wrote: Somaliland has ultra-nationalist party? Yeah they do it not a party yet but it will next week most likely they have the biggest supporters
  4. urco: Taageerayaasha Waddani Oo Gabogabada Ololaha Soo Bandhigay Cuddud Aan La Qiyaasi Karin Iyo Nuxurka Khudbad Uu U Jeediyay Guddoomiye Cirro (Daawo Sawiro) Burco (Ramaas) Nov 24,2012 - Tageerayaasha urur siyasadeedka WADDANi ayaa maanta isu soo bixii ugu balaadhnaa tan iyo intii uu socday ololaha doorashadda deegaanku ku soo bandhigay Magaaladdada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Taageerayaasha Waddani ee Magaaladda Burco oo ilaa xalay si weyn ugu diyaar-garoobayey isku soo baxan ay ku soo khatimeen ololaha doorashadda deegaanka ee todobaadkan ka dhici doonta Somaliland, ayaa waxay intooda badan ku lebisnaayeen calanka Astaanta u ah Waddani, waxayna siteen sawiradda Musharixiinta Golaha deegaanka Burco ugu tartamaya Waddani, ayaa waxay isugu soo baxeen Fagaaraha Khayriyadda Burco oo loo diyaariyey inay ololahooda ku soo gabogabeeyaan Taageerayaasha ururada iyo Axsaabta siyaasada oo Waddani ahaa kii ugu dadka badnaa. Taageerayaasha Waddani oo cududoodu ahayd mid layaable isla-markaana ka fajacisay Masuuliyiinta Waddani oo kala qayb-galay isku soo baxa, ayaa waxay halkaasi ku muujiyeen sida ay awooda ugu leeyihiin inay soo saaraan ururkooda iyo Musharixiinta uga sharaxanba. Taageerayaasha Waxa kala qayb-galay isku soo baxan Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo wefti balaadhan oo la socday oo xalay u hoyday Burco, kuwaasi oo markii ay gaadheen Fagaaraha Khayriyadda ay iswabsatay Mashxarada iyo sacabka taageerayaashu ku soo dhawaynayeen, iyadda oo Guddoomiyaha oo dhex lugeeyay Magaaladda Burco intii gaadhayey Fagaaraha ay dhinacyadda ka socdeen Kumaanaan Taageere oo ku dhawaaqayey kalmado ay ka mid tahay “Soo Dhowow Madaxwaynaha Mustaqbalkow” iyo weedho kale oo amaan ah. Cududani taageero ee uu maanta ururkani ku soo bandhigay gudaha Magaaladda Burco ayaa iyadu ahayd mid uu ururada kale ku tusayay kalinta hogamineed ee uu kaga jiro asxaabta siyasada Somaliland, iyadda oo fagaaraha uu hadheeyay calanka Waddani ee midabka culus ahi. Soo dhawaynta Guddoomiyaha Waddani waxa madashaasi ka hadlay 21 Musharax ee Waddani uga sharaxan Burco, waxaanay musharixintaasi dhamaantod halkaasi ku soo bandhigeen waxyabaha ay qaban-donaan haddii ay ku soo baxaan doorashadda deegaanka. Waxaanay sidoo kale xuseen inay wax badan ka qaban-donaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, laydhka iyo waliba dhamaanba bahiyaha aasaasiga ah ee ay shacabka reer Burco tabayaan. Waxa iyaguna la hadlay taageerayasha ururka WADDANI mausuliyiin ay mid ahayeen Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi oo ah Xidhidhiyaha Qaaradda Yurub ee WADDANIl, Xildhibaan Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibanada golaha wakiilada Somaliland, Axmed Muuse Obsiye oo ah xildhibanada golaha guurtida Somaliland, Xuseen Ismaciil oo ka mid ah Xildhibanada golaha wakiilada, Siciid Maxamuud Cali Diiriye, Proff Cabdi-salaan Yaasiin, Axmed Cali Nuur oo ka mid ah gudida Fulinta ee ururka WADDANI, Eng Cismaan Aw Aaden faarax oo ah gudomiyaha ururka WADDANi Yurub, Eng Cabdiraxmaan Maxamed Magan.Axmed Xuseen Fagfagaash, Safiirkii hore ee Shiinaha Axmed Xasan Egal, Xildhibaan Xuseen Maxamed Egi oo ka mid ah mudanayasha golaha wakiiladda, waxaanay dhamaantood masuliyintaasi sheegeen inuu WADDANI uu wakhtigan yahay mid kaalinta hore ku hogaminaya dhamaanba asxaabta siyaasadda Somaliland. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa jeediyay khudbad kooban oo macno badan ku fadhiday, waxaanu yidhi “Sida aad ogtihiin ururka WADDANI waxa la bahoobay ilaa 5 musharax oo u taagnaa jagada Madaxwayne, taasi waxay ina tusaysaa cudduda iyo miisanka uu leeyahay, markaa waxa loo baahan yahay inaynu samayno dulqaad badan isla-markaasna ay siyaasaddu noqoto mid mudakar ah oo aynu dadka reer Somaliland ee danyarta ah aynu dareenkooda la qaybsano, waxaan maanta halkan idiinka cadaynayaa inaan ahay sanadka 2015 Musharax Madaxwayne oo u taagan jagada Madaxwayne ee ururka WADDANI” Ramaasnews Des
  5. http://www.boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4183&catid=34&Itemid=53
  6. Dagaal Culus oo ka Dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dagaalladan oo ahaa kuwo aad u xooggan ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lixaad leh kusoo qaadeen saldhig ay duleedka degmadaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna. Sarkaal magaciisa qariyay oo katirsan xoogagga Al-shabaab ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegtay in ciidamadooda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Beledxaawo. Dhinaca kale xiriir aan la sameynay saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayay wax kama jiraan ku tilmaameen la wareegidda magaalada Beledxaawo, waxaana sarkaal katirsan ciidamada dowladda ee gobolka Gedo uu HOL u sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen magaalada wuxuuna sheegay in ay iska caabiyeen. “Dagaal gaadmo ah ayay magaalada kusoo qaadeen, waana la ceyriyay, magaalada inaga ayaa gacanta ku heyno,” ayuu yiri sarkaalkani oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto. Aadan Muxumed Barre oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay isagoo ku sugan magaalada Mandera ee dalka Kenya islamarkaasina aad ugu dhow beledxaawo ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada Beledxaawo, wuxuuna xusay in imika la maqlayo rasaas culus oo ka dhaceyso dhanka magaalada. Isgaarsiinta magaalada Beledxaawo ayaa gabi ahaanba hawada ka maqan, waxaana adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weliba xaaladda rasmiga ah ee halkaasi ka jirta. Wixii wararkaasi kusoo kordha dib ayaan idinku soo gudbin doonnaa Insh’allah Hiiraan Online, News Desk.
  7. Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Beled-xaawo Beled-Xaawo(Sh.M.Network)—Wararka laga helayo Magaalada Beled-Xaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal xooggan oo Khasaaro geystay uu halkaasi Galabta ku dhexmaray Ciidamada dowlada Somalia iyo Al shabab. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Al shabab ay weerar ku qaadeen magaalada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowlada Somalia. Dadka Deegaanka ah ayaa u sheegay Shabelle in dagaalka intii uu socday ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka Culus iyo midka fudud kaasi oo si weyn looga maqalayay Dafaaha Magaalada Beled-Xaawo. Goobjoogiyaal ayaa sheegay in Al shabab ay mudoo kooban gacanta ku dhigeen Magaalada islamarakaanka ay ku dileen tiro dadka deegaanka ka tirsan,lamina oga sababta ay u dileen. Dhinaca kale Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowlada eek u sugan Magaalada ayaa u sheegay Shabelle inay dileen ilaa 13 ka tirsan Al shabab intii u socday dagaalka. Si madaxbanana looma cadayn karo warkaasi, hase yeeshee wararka aynu halyno ayaa tilmaamaya in Xaalada Iminka ay Deggan tahay oo aan jirin wax dagaal ah.
  8. Wararkii Ugu Danbeyey:Al-shabaab Oo La Wareegey Degmada balad Xaawo Nov 24, 2012 - Dagaalo culus ayaa waxay xilligaan ka soconayaan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii weeraro saf ballaaran leh ay ku soo qaadeen Ciidamada Ururka Al Shabaab. Ciidamada Xoogaga Shabaab ayaa waxay weeraro qorsheysan ay ku soo kediyeen gudaha Degmada Beled Xaawo, iyadoo gees ka gees Degmada Beled Xaawo laga maqlaayo daryanka sawaxanka hubka cul culus. Dagaalada ayaa waxay xilligaan ka soconayaan Bartamaha Degmada Beled Xaawo, iyadoo Xoogaga Shabaab ay u suura gahashay inay gudaha u soo galaan Degmada Beled Xaawo, markii dagaalo gaadmo leh ay ku soo ekeeyeen. Kahor inta aysan Ciidamada Al Shabaab gudaha u soo gelin Degmada Beled Xaawo, ayaa waxay hawada ka saareyn Isgaarsiinta Degmada Beled Xaawo, iyadoo aysan xilligaan Isgaarsiinta dalka ka shaqeyneyn Degmada Beled Xaawo. Dadka reer Beled Xaawo ayaa waxaa lagula xiriira karaa khadka teleefanka ee Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom, iyadu laga lee yaahy dalka Kenya, waxayna si caadi ah ay shaqeysaa Degmada Beled Xaawo oo xududua dhacda. Shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo ayaa waxay baqdin iyo walaac badan ay ka muujinayaan dagaalo xoogan ee galabta Beled Xaawo ku dhex maraaya Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Shabaab.
  9. Somalia: Clashes in Somalia's Port City of Kismayo,Charcoal Export Resumed 24 NOVEMBER 2012 Kismayo — Armed clashes reportedly broke out Saturday in Somalia's southern port city of Kimayo, a town formerly held by Islamists about 500 Km (310 Miles) south of Mogadishu. Witnesses said heavily armed unknown militias have stormed bases manned by Kenyan forces in the heart of the city late on Friday night, causing unconfirmed human losses. Local residents reported that the attack raged on for several hours and the Kenyan army managed to fend off the assault from their positions. Since the city fell to Somali forces together with Kenyan army serving under the African Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM), such attacks against the coalition troops have been on the rise. On the other hand, locals have resumed charcoal export from the port of Kismayo. UN Security Council and Somali government both banned charcoal export, a move that was intended to impose financial sanctions on Al shabab. Residents in the southern port city of Kismayo, which local Somali militia and Kenyan troops with the AU force wrested from the Al-Qaeda-linked Shebab in September, said boats have been shipping out charcoal.
  10. Mustafe;892523 wrote: And what exactly are they gonna do when they get to Gaza? Somalis and their never ending joke! They will do what all the other Arab countries do.
  11. http://www.channel4.com/programmes/unreported-world/4od#3448848
  12. ^^ The people in the west left the country in the late 80s and the early 90s so the civil war is still fresh in their minds the people in the west are highly traumatized.
  13. loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool