-
Content Count
29,944 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Cali Sandulle iyo saraakiil kale oo Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ah oo la Af-duubtay Cali Sandulle iyo saraakiil kale oo Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ah oo la Af-duubtay Laascaanood(Waaheen) Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Cali Maxamud Axmed Cali Sandulle iyo Saraakiil kale oo uu ka mid yahay Af-hayeenka Ururkaasi Rashiid Jaamac Dheri ayay Maleeshiyo aan ilaa hada la aqoonsani ka af-duubteen meel waqooyi barri ka xigta laascaanood oo la yidhaahdo Damal. Saraakiisha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor ee la af-duubtay oo watay laba gaadhi ayaa la sheegay inay ka kicitimeen dhinaca magaaladda Ceerigaabo isla markaana ay u sii jeedeen dhinaca Laascaanood, balse iyaga oo jidka haya waxa jid-gooyo u gashay maleeshiyo loo aanaynayo inay ka tirsan yihiin Khaatumo. Wararkii u danbeeyay ee naga soo gaadhay Af-duubka loo geystay saraakiisha Urur Siyaasadeedka Xaq-soor waxa ay sheegayaan inaan la haynin meel ay jaan iyo Cidhib dhigeen, wallow ay warar hordhac ah oo na soo gaadhayaa ay sheegayaan in Gurmad badan oo Somaliland ka tagay baadi goob ugu jiraan soo dayntooda. Waa dhacdadii ugu horeysay ee dad ka soo horjeeda Doorashada Somaliland ay ku kacaan isla markaana ay khasaare ugu geystaan Madax ku hawlan arrinta Doorashada, wallow laga soo jeediyo Maamulka Puntland hanjabaado ka dhan ah Doorashooyinka.
-
You Think You Know Somalia? Meet Somaliland Written by PolicyMic Nov 26, 2012 at 11:16 AM You Think You Know Somalia Meet Somaliland When people think of Somalia, they think of Mark Bowden’s Black Hawk Down. They think of South Park’s “Somalian Pirates We” episode. They even think of (sigh) Pirates of the Caribbean. What they don’t usually know is that Somalia has three extremely different regions, and that one of those regions is a fully functional unrecognized state. The first region, Somalia, is the southern half of the former Italian Somaliland colony. This is the area most people think of, with Mogadishu and Islamic warlords and perpetually failing transitional governments (we’ll see about the new government formed in August 2012 in a few years). The tip of the country, to the north of the old Italian colony, is Puntland. Puntland is autonomous, governing itself with a central government, but it is not seeking independence. The third section is Somaliland, the former British colony part of Somalia. It is a fully functioning state in all but name. They have an innovative legislature, a successful democratic system, an army and navy, and a presidency that has gone through several peacefully transfers of power. Sure, it is poor, but it conducts itself better than most states at its level of development. Its current development is actually being held up by the lack of recognition, as it cannot gain access to international loans or support for its currency. Somaliland fits the definition of a state: it is a politically unified group of people that share a territory. Plus, it handles its own national defense – dealing with pirates and disarming militant tribal groups – effectively. It provides for public goods, and enables the private sector to do so when it cannot afford to. It has a strong shared history and common identity; they were a separate colony from the rest of Somalia, they were once before their own independent recognized country for a week in 1960, and they fought together against the dictator Siad Barre through the 1970s and 80s. Finally, it acts like a state on the world stage, with a foreign minister and multiple foreign delegations that have traveled to the U.S., Ethiopia, the UK, and elsewhere seeking recognition. So why isn’t this nation recognized by any government or intergovernmental organization in the world? Mostly, they are all holding off for the regional IGO, the African Union (AU) to recognize them first. There are two reasons that the AU cites for not recognizing Somaliland: that it goes against the tradition of respecting original borders, and that it will encourage other unrecognized nations to try to attain statehood. First, not recognizing Somaliland goes against the tradition of respecting original borders. OK, I should explain a bit. No African state wants anyone to reexamine their old colonial borders, even though those borders are often arbitrary and cut through traditional ethnic lines. Why not? Because their colonial borders are overreaching, and if the borders are reexamined, the current states will lose more territory to new countries than they would gain. However, Somaliland and the rest of Somalia were separate colonies. They were even separate countries for a brief time before voluntarily uniting. When the united country concentrated all power in the south, then was taken over by a dictator, Somaliland decided they wanted out of that union. They then had to fight a war to get out, which they won. Now the international community won’t recognize that independence. As to the other point – that it will encourage other unrecognized nations to try to attain statehood – Somaliland’s situation is a unique one. As explained above, their history and the completeness of their national institutions make their case a hard one to duplicate. Even then, what about when Eritrea and South Sudan gained independence? Besides, this is a classic slippery slope argument; they’re the ones with the power to decide exactly which states are recognized, so even if it is a slippery slope, they’ve got pretty solid climbing spikes to stop the slide. This is not to say there is no reason we should be cautious in supporting recognition. Vast cash flows will flow through the country as aid and loans pour in after recognition. Many theorize that this will strain the democracy and create incentive for factions to seize power in the government. I believe they can take it, however. They have surprised the West before with their tenacity. The Somaliland people have gone through extremely close elections, reluctant lame ducks, tribal divisions, armed militants, and piracy over the last 20 years without losing touch of their democracy. Let’s not doom them to failure before we give them a chance. If I can suggest something to you, the American people, it is to pay attention to what is happening in Somalia. It is a complicated and fascinating area, and it deserves attention. Oh, and part of it happens to be a huge Al-Qaeda stronghold (ah, so now you pay attention).
-
Afsomaligu wa Muhim its part of our heritage and identity inu marnaba lumo maha Djbouti ismaciil cumar geele ayaa sanadihi ugu danbeye aad u dadaalay oo aad u taageerey in dhaliyarada so koraya in afsomaliga aad lo baro. Oo afka fransiiska isticmaalkisa la yareyo, hadaad tagtid magaalada jabuuti yaryarka so koraya hada afsomaliga is wanaagsan wa ugu hadlaan, ereyo fransiiska mar mar bay ku so tuuraan laakin way so hagaagaysa.
-
Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweeynaha Soomaaliya oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti Isniin, November 26, 2012 (HOL) —Wafdigii uu hogaaminayay madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, iyadoona halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda dalkaasi. Madaxweeynaha ayaa safarkiisa waxa ku wehlinayay wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiim Max’uud Xaaji Fiqi, Xildhibaan ahna la taliyaha madaxweeyanaha Faarax Sheekh C/qaadir iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan. Wafdigii uu hogaaminayay madaxweeynaha ayaa markii ay gaareen garoonka magaalada Jabuuti waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirro iyo madax sare oo katirsan dowladda Jabuuti. Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa salaam sharaf ka gudoomiay ciidamada baambeeyda dalka Jabuuti. Intaas kadib ayaa madaxweeynaha iyo wafdigiisa waxa loo galbiyay xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti, halkaasoo uu kulan kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti. Labadani masuul ayaa kulan kooda uga wada hadlay xiriirka labada dal iyo arimo la xiriira ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya. Shir jaraa’id ay oo ay kulanka kadib si wadajir ah u qabteen labada masuul ayay sheegeen in kulankooda ay uga wadahadleen arimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa. Safarka uu madaxweeynaha Soomaaliya ku tagay dalka Jabuuti ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibadiisa tan iyo intii uu madaxweeyne ka noqday dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in madaxweeynaha iyo wafdigiisa ay usii gudbaan dhanka Itoobiya.
-
Galgalanews: Somaliland army just 35 km away from Faroole
Xaaji Xunjuf replied to Carafaat's topic in Politics
Qardho is not included,the border. Is 5 km away from qardho and 8 km from boosaaso Baargaal no one is after qardho -
Somaliland: xasqoor election rallies accross Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Sanaag ceerigaabo " frameborder="0" allowfullscreen> -
Somaliland: xasqoor election rallies accross Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Burco togdheer " frameborder="0" allowfullscreen> Laascaanood sool " frameborder="0" allowfullscreen> -
Somaliland: xasqoor election rallies accross Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Berbera saaxil region " frameborder="0" allowfullscreen> Borama awdal region " frameborder="0" allowfullscreen> -
AQSOOR Oo Isu-soo Bax Balaadhan ku soo khatimay Ololihii Doorashadda ee Bisha socday November 25th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Urur siyaasadeedka ururka Xaqsoor ayaa maanta subax isu soo baxyo balaadhan ku muujiyay taageerada cududooda ee tartanka ololaha doorashada goleyaasha deegaanadda ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 28-ka bishan. kumanaan ka tirsan dadweynaha caasimada iyo taageerayaasha urur siyaasadeedka XAQSOOR ayaa isugu yimid fagaaraha Beerta Xorriyadda iyadoo halkaasi hadalo ka soo jeediyeen 25-ka musharax ee ururkasi XAQSOOR iyagoo mid mid musharixiintu dadweynaha ugu soo bandhigay waxqabadka iyo qoreyaashooda horumarineed ee caasimadda iyagoo halkaasi dadweynihii iyo taageerayaashaba ka codsaday inay maalinta codbixinta inay said ay maanta isugu soo baxeen u muujiyaan cududooda isla markaana codkooda siiyaan musharixiinta urursiyaasadeedka XAQSOOR. Hogaanka sare iyo gudoomiyaha urur siyaasadeedka XAQSOR Xasan Ciise Jaamac oo taageerayaasha ururkiisa kala hadlay fagaaraha beerta xorriyadda ayaa waxa uu yidhi “Waxaan maanta qiraya inaad taageeradiini iyo cududiiniba aad muujiseen waxaan musharaxiintan 25-ka ah ee ururku idiin soo xullay aan ku dardaaraya in haddii Illaahay yidhaahdo oo ay ku guuleystaan doorashada la filayo inaynu u dareerno maalinta Arbacada ee 28-ka bishani inay cadaaladda ku tuntuunsadaan oo ay ka dhabeeyaan sifaha ururkani u taagan yahay una adeegaan bulshadooda, waxaan rajeynayaa in urur siyaasadeedkan XAQSOOR Insha ALLAH uu gaadhi doono himiladiisa siyaasadeed iyo hogaamintiisaba” Waxaa uu gudoomiyuhu taageerayaasha uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay u muujiyeen taageeradda balaadhan ee urur siyaasadeedka XAQSOOR ku leeyahay guud ahaan dalka . isagoo ka codsaday taageerayaasha inay codkooda si nabadgelyo ah ku sugaan ee 25-ka musharax ee ay u soo xuleen inay u tartamaan doorashada goleyaasha deegaanadda. Gudoomiye Xasan Ciise Jaamac waxaa uu tilmaamay in taageerayaasha ururka XAQSOR iyo shacbi weynaha ku dhaqan gobolladdu iyaguna shucuurtooda iyo taageeradooba soo bandhigeen kana socoto dhambaal hanbalyana u dirayo sidoo kale waxaa isu soo baxani balaadhan ee ururka XAQSOOR ee fagaaraha beerta xorriyadda iyaguna ka qaybgalay hogaanka sare ee ururka XAQSOOR, waxaana hadalo ka soo jeediyay xoghayaha Guud ee ururka XAQSOOR Mudane Keyse Yuusuf Cali, Raqiya Cali Qaafil xubno ka tirsan aqalka wakiilada, waxaana halkaasi ay taageerayaashu urur siyaasadeedka XAQSOOR ku dhawaaqayeen heeso ay ku taageerayaan urur siyaasadeedkani iyagoo ku xardhan astaamaha musharixiinta urursiyaasadeedka XAQSOOR. Markii uu soo geba gebobay bandhigii fagaaraha beerta Xorriyadda ee urursiyaasadeedkaXAQSOOR waxay taageerayaashu socod ku mareen jidadka waawayn ee caasimada Hargaysa iyagoo wata baabuur ay ka baxaaan heeso lagu taageerayo urursiyaasadeedka XAQSOOR .
-
Fursadaha Somaliland. Maamulka Somaliland wakhtigan wuxuu ka faa’iidaysanayaa fursado dhowr ah waxaana ka mid ah Beel ka mid ah Beelaha dega Degmooyinka Badhan & Laasqoray oo sheegtay inay si rasmi ah ugu biirtay maamulkaas, taageerada loo hayo Somaliland oo kordheysay sanadihii ugu danbeeyey & Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo Dalka ka maqan. Beesha Aadan Siciid. Isimada Beesha Aadan Siciid. Beesha Aadan Siciid (Cumar,eeh reer maakhir waa mid ka mid ah Beelaha dega Degmooyinka Laasqoray & Badhan waxayna hada haysataa Gudoomiyayaasha Degmooyinkaas labada Maamul ee Puntland & Somaliland . Bishii Sep, 2012 Shir ay beeshu ku yeelatay Degaanka Caroweyn waxay si cad u sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay Maamulka Puntland ayna si rasmi ah ugu biireen Maamulka Somaliland iyagoo wefti u dirsaday xaga Somaliland. Weftigii ay u dirsadeen Somaliland wuxuu la kulmay Madaxweyne Siilaanyo wada xaajood kadibna waxaa beesha la siyey Wasiir ku xigeenka Macdanta , 3 Gaari oo nooca Dagaalka ah & 100 Askari oo loo qarameeyey taas oo saray u sii qaaday saamaynta Somaliland ku leedahay Gobolka. Maashaariicda Horumarinta. Somaliland sanadkii tegay ee 2011 waxay Gobolka Sanaag ka fulisay mashaariic horumarineed oo lagu bixiyey lacag dhan $ 350,000 kuwaas oo isugu jiray Suuqyo, Maxkamado, Iskuulo, Goobo Caafimaad & Saldhigyo Booliska taas oo saray u qaaday taageeradii uu maamulkaasi ku lahaa Gobolka halka Xukuumada Puntland aysan sanadkii 2011 ka fulin Gobolka 1 Mashruuc oo dhinaca Horumarinta ah talaabadaas oo sii wiiqday kalsoonidii lagu qabay. Maqnaashaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha. mudo ku dhow 1 bil Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag kuna leh taageero weyn wuxuu ku maqan yahay wadanka dibadiisa taasina waxay curyaaminaysaa talaabo kasta oo maamulka kaga hortegi lahaa in doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland looga codeeyo Goboolka Sanaag. Dadaalo socda. Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Jaamac Ciyoon oo caawa ay la xiriirtay Horseed Media ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrimahaas wuxuuse qiray in Somaliland ay Gobolka ku soo daabushay Ciidamo faro badan . Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inay maalinimada beri (Isniin 26 Nov) ay isugu iman doonaan shir deg deg ah Waxgaradka Gobolka & Laamaha Amaanku si looga wada xaajooga wixii laga yeeli lahaa sandaaiiqda codbixinta Somaliland ee ku soo wajahan Gobolka. Wixii war ah ee ku soo kordha arrimahan kala soco Horseed Media.
-
Masuuliyiin & Ciidamo Somaliland ah oo sida Sanaadiiq codbixin oo ku wajahan Sanaag xili Madaxweyne Faroole ku mashquulsanyahay Qardho (Warbixin).NOVEMBER 25 2012 Astaanta Gudiga Doorashooyinka Somaliland . Dubai (HM) 28 Nov, 2012 ayaa la filayaa inay ka dhacaan doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Somaliland guud ahaan Gobolada & Degmooyinka Maamulkaasi ka kooban yahay. Doorashooyinka waxaa ku loolami doona 7 Urur oo kala ah Kulmiye, Ucid, Wadani, Umada, Xaqsoor, Dalsan & Rayas sadexda Urur ee ugu codadka bata kuraasta Golaha Deegaanka ayaa noqon doona Xisbiyada rasmiga ah ee Soomaaliland tobanka sano ee soo socoda . Waa Doorashadii ugu xamaasada badnayd ee soo marta Soomaaliland waxaana lagu bixiyey malaayiin doolar lacagaas oo ka kala imanaya Wadamada Deeqda bixiya ee Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka, Xukuumada, Ururada, Musharaxiinta & Taageerayaashooda. Gobolada Sanaag & Hayland. Waa Khariidada dhulka Puntland Meelaha aanu saarnay baraha madowga ah waa meelaha laga codayn doono doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Somaliland waana 85% Dhulka Gobolada Sanaag, Sool, Cayn & Hayland qiyaastii. Gobolada Sanaag & Hayland oo ka tirsan Deegaanada Puntland hase yeeshee ay sheegato Xukuumada Soomaliland ayaa ka mid ah Gobolada loo qorsheeyey inay ka dhacaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanku. Degmooyinka Badhan, Laasqoray & Dhahar ayaa loo qorsheeyey inay doorashooyinku ka dhacaan waxaana si aad ah ugu xisaabtamaya codadka Degmooyinkaas Xisbiyada Kulmiye, Wadani & Ucid. Dhamaan 7 Urur ee ku tartamaya Doorashadan ayaa Xafiisyo ka furtay Degmooyinka Badhan & Dhahar waloow ay ku guul daraysteen inay ka sameeyaa Degmooyinkaas isu soo baxyo lagu taageerayo ururada mudadii uu socday Ololaha doorashooyinku hadana waxay ka wadeen Olole mid kastaa dhankiisa ku kasbanayey Dadweynaha. Qorshaha Xukuumadda Somaliland. Xukuumadda Somaliland oo u aqoonsan 1 Gobol Degmooyinka Badhan, Laasqoray & Dhahar ayaa u kala qaaday Gobolka Sanaag laba qaybood kuwaas oo kala ah :- 1- Degmadda Dhahar. 2- Degmooyinka Badhan & Laasqoray . Degmadda Dhahar. Degmadda Dhahar waxay u jirtaa qiyaastii 35 Km Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar oo uu hada ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (faroole) , degmadan waxay Somaliland ku leedahay awood weyn. Wefti uu hogaamin doono Wasiirka Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Somaliland uuna ka mid yahay Taliyaha Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sanaag Coll: Muuse Jaamac ayna ku jiraan Wasiiro, Xildhibaan, Saraakiil Ciidan & Saraakiil ka tirsan Ururada ayaa booqan doona Degmadaas 27 Nov, iyagoo wada sanaadiiqdii lagu codayn lahaa. Wasiirka Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Maxamed Siciid Maxamuud (Gacamay) oo caawa ay la xiriirtay Horseed Media isagoo ku sugan Degmadda Ceerigaabo ayaa xaqiijiyey socdaalkiisa uu ku tegi doono Dhahar wuxuuna sheegay inay geyn doonaan sanaadiiqda cod bixinta. Wuxuu ku eedeeyey Xukuumada Puntland inay isku deyeyso inay ku dhex dagaalanto Magaaladda Dhahar oo ay degan yihiin Dad shacab ah isagoo sheegay in ay maanta magaaladda soo galeen Ciidamo ka tirsan Puntland hase yeeshee aysan ka hor istaagi doonin in Degmadaas looga codeeyo Somaliland waa sida uu yiri e. Dhaq dhaqaaqa Ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland Goob jooge ku sugan tuulada Booda cad oo wax yar u jirta Degmadda Dhahar ayaa u xaqiijiyey Horseed Media inay maanta magaaladaas oo degeen Ciidamo hubaysan oo ka socda Somaliland wuxuu sheegay inay wataan Ciidamadaasi Gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya 40. Goob jooguhu wuxuu sheegay inay Ciidamadaasi ka Degeen tuulada ilaa 3 aag ayna maanta gelinkii danbe si caadi ah tuulada wax uga gadanayeen. Ciidamada gaaray tuulada Booda cad ayaa xoogoodu ka yimaadeen dhinaca Degmadda Xudun halka qaar kale oo xoojin ah ay ka yimaadeen Tuulada Biyo guduud. Sidoo kale goob jooge ku sugan Dhahar ayaa u sheegay Horseed Media in 7 maalmood ee ugu danbaysay ay saraakiisha Ciidamada Somaliland ee ku sugan Degmadda Dhahar ay wadeen dhaq dhaqaaqyo iyagoo ku wargeliyey Ciidamada ku qoran Degmadaas oo tiro ahaan gaaraya 700 oo Askari inay iska soo xaadiriyaan Xero Ciidamada Somaliland ku leeyihiin koonaha Magaalada. Wuxuu xaqiijiyey ku dhowaad 300 oo Askari inay caawa ku hoydeen xerada & Magaaladda dhexdeeda kuwaas oo loo qorsheeyey inay soo dhoweyaan weftiga. Dhaqdhaqaaqa Ciidamada Puntland. Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland caawa wuxuu ku hoyday Dhahar. Maanta gelinkii danbe waxaa magaaladda Dhahar galay 4 gaari oo nooca dagaalka ah oo u wato Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan kuwaas oo hada ilaalo ka haya Guriga uu ka degay Magaaladda waxaa kale oo la xaqiijiyey inay joogaan dibada Magaaladda 5 Gaari kuwaas oo fariisin ka samaystay meel aan sida uga fogeyn magaalada oo dhinaca bariga ka xigta. Ciidamadan ayaa isugu yira kuwa ilaalada Xeebaha, Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha & Ilaadada Wasiir ku xigeenka Amniga & Wasiirka Arrimaha Gudaha, Horay ugama joogin Degmadda Dhahar Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland marka laga reebo 30 Askari oo kuwa booliska ah . Ciidamada Daraawiishta ee ku qoran Gobolka Hayland ayaa ahaa ku dhowaad 200 Askari hase yeeshee Askartaas ma ahayn kuwo ka hawl gelayey Gobolka ilaa bartamihii 2010 waxaana loo qaaday dhinaca tuulada Galgala si ay ugula dagaalamaan Kooxaha Sh. Attam ee halkaas ku jiray qaarkoodna waxay ilaalo ahaan ula socdeen Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdijamaal tan & markii la magcaabay. Cadaadiska saaran Wasiir Cabdijamaal. Wasiir Cabdijamaal waxaa saaran cadaadis weyn Waa markii ugu horaysay oo booqdo Dhahar tan iyo May, 2011 markaas oo isagoo dhexmarayey magaalada ay Rasaas ooda kaga qaadeen dhalinyaro ka caraysnaa hawlgalka uu Wasiiku ka wadey Magaaladda Galgala. Waxaa kale oo muran weyni ka taagan yahay 4 Gaari oo nooca Dagaalka ah oo qurba joogta Beesha degta Dhahar u soo gadeen Ciidamo loo xilsaaray dhuxul joojinta gawaaridaas oo uu Wasiirku u kaxaystay Dagaalkii buuraha Galgala kuwaas oo labo ka mid ah lagu gubay Dagaalkaas . Sidoo kale dadka Deegaanka ayaa ku eedaynaya inuu ka mid ahaa hogaamiyayaashii horay sanduuqyada codbixinta u keeni jiray Dhahar wakhtigii uu xiriirka la lahaa Maamulka Somaliland intaan loo magcaabin Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland aysana maanta ka yeeli doonin inuu hor istaago . Waxaa kale lagu dhaleeceeyey hawl gal ay ka sameeyeen 5 Nov, 2012 Degmada Dhahar Ciidamo isugu jira kuwa PIS & Ciidamo isaga ilaalo u ahaa hawlgalkaas oo uu ku dhintay wiil Arday ahaa (Halkan ka AKhri hawlgalkaas). Suurtagalnimada Dagaal dhaca & Waan waan socota Odayaasha. Degmada Dhahar oo ay mar sii horaysay ku dagaalameen labada maamul ee Puntland & Somaliland waxaa suurtagal ah in mar labaad dagaal ka dhaco maadama labada dhinac ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan. Odayaasha Degmadda Dhahar ayaa hada ku hawlan sidii aanu Degmada uga dhaceen wax dagaal ah iyagoo isku deyeya labada dhinac inay ku qanciyaan inaysan wad dagaal ah ridin. Oday ka mid ah odayaasha ayaa caawa u sheegay Horseed Media isagoo ku sugan Dhahar inay galabta la kulmeen Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland ayna ka codsadeen inuu isaga baxo Magaalada Isaga & Ciidamada uu wataa si looga hortago iska hor’imaad halkaas ka dhaca. Degmooyinka Badhan & Laasqoray. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Cadami asal ahaan wuxuu ka soo jeeda Gobolka Sanaag. Aaga labaad ee Xukuumada Somaliland geyn doonto sanaadiiqda codbixinta ayaa ah Degmooyinka Badhan & Laasqoray kuwaas oo ay gaari doonaan 27 bisha wefti uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji. Cadami. Sida ay u sheegeen goob joogayaal ku sugan Gobolka Sanaag HM waxaa weftiga cadami wehelin doona Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland kuwaas xoojin doona ciidamdii horay uga sii joogay Gobolka waxayna ka kala iman doonaan Ciidamdada xoojinta ahi Saldhigyada Shinbiraale & Biyo Guduud. Waxaa la xaqiijiyey in hada Ciidamada dheeraadka ah la isugu keenay Tuulada Shinbiraale kuwaas oo maalinimada beri ah la fili doono inay u soo dhaqaaqaan dhanka Degmadda Badhan . Xukuumadda Puntland uma dirin Degmooyinkan Ciidamo xoojin ah & Masuuliyiin toona waxaana aad u yar tirada & tayada Ciidamadii horay uga sii joogay Degmooyinkan mana ahan kuwo awood u leh inay hor istaagaan sanaadiiqda codbixinta Somaliland.
-
^^ You cant unite the habar gangster clan just for the sake of clan, by nature they dont like subclan unity.Thats why the promote HAGISM but if you place the habar gangster clan in Jubbaland they will make sure Jubbaland works:D
-
Ceeb ceeb Madaxweynaha yaan la cayin Waryaa carafaat what is ur beef with Kulmiye i thought u liked their foreign policy udub is gone never coming back they are history:D jamaal will not win even if he comes out , faisal will try for a 3rd time:D xaqsoor wadani and Kulmiye it is
-
somaliland.org is a nice website if you love SL u will read somaliland.org But its an open election its the peoples choice.
-
Carafaat i am good with predictions
-
Somaliland armed forces arrive in Laasoqray Eastern Sanaag
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
For those who dont believe http://www.galgalanews.com/?p=18465 -
This year, for the first time, representatives from civil society organisations in Mogadishu in Somalia and Garowe in Puntland are accompanying the observer team to review the technical process of managing an election. The Koonfurians are taking notes
-
Komishanka doorashooyinka Oo Shaaciyay In la soo gabo-gabeeyay Ololihii Doorashadda deegaanka November 25th, 2012 Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku dhawaaqday inuu si rasmi ah u soo gebageboobay xiligii ololiha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka maanta oo taariikhdu tahay 25/Nov/2012. Afhayeenka Gudida Doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta doorashooyinka Somaliland ee Magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in 28/11/2012 ay 7:00 Subaxnimo Codbixintu ka bilaaban doonto goob kasta oo doorasho lana soo xidhi doono 6:00 Maqribnimo ee isla maalintaasi oo ah maalinta Arbacada. Afhayeenku waxuu sheegay in haddii la gaadho xiliga lixda maqribnimo dadka inta safka taagan la dhamayn doono, isla markaana guud ahaan maalintaasi aan la ogolayn dhaqdhaqaaqa gaadiidka marka laga reebo inta haysata warqadda ogolaanshaha dhaqdhaqaaqa ee gudida Doorashooyinka Qaranka