Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,944
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Oba what did i do I never tried to proof anything
  2. Indeed writing down the Somali language with the adoption of the Latin script was a great achievement of the kacaan regime one to remember for centuries to come.
  3. President siilaanyos speech on the Somali language " frameborder="0" allowfullscreen>
  4. Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Markii ugu Horreysay la Filayo inay Jabuuti isku Arkaan Mon 17th Dec,2012 Madaxweyne Geelle oo Madaarka Jabuuti si diirran ugu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa Jabuuti (Jam)- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horreysay madaarka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu horkacayo oo gelinkii dambe ee shalay gaadhay dalkaas oo uu kaga qaybgalayo munaasibad xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti u samaynayso xuska 40-guurada ka soo wareegtay markii la qoray Afsoomaaliga. Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirradiisa Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Waxbarashada iyo marwada 1aad waxa la dejiyey hudheelka Kambiski oo ku yaal caasimadda Jabuuti, halkaas oo casho-sharaf loogu sameeyey xalay. Madaxweyne Siilaanyo oo shalay saxaafadda ugu warramay qolka nasashada Madaarka Egal ee Hargeysa, waxa uu sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jabuuti, isla markaana ka qaybgeli doonaan xuska 40-guurada qoristii afka Soomaaliga. “Aniga iyo weftiga ila socdaa waxaannu tegaynaa dalka Jabuuti, annagoo martiqaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaannu kaga qaybgalaynaa xuska 40-guurada ka soo wareegtay qoristii far Soomaaliga, markaa shirkaas ayaannu ka qaybgalaynaa, waanuna madaxda Jabuuti ka wadahadli doonnaa wixii daño ah ee labada dal ee jaarka ah ka dhexeeya,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qaybgalaya xuska munaasibadda qorista Afsoomaaliga, ayaa isaguna gaadhay isla shalay dalka Jabuuti, iyadoo la filayo inay markii ugu horreysay halkaas isku arkaan Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu horkacayo oo iyaguna ku sugan Jabuuti.
  5. Not sure about him, Farax macalin should have been there though. The 5 Somali original countries that was the idea Somaliland Somalia Djibouti the O'gaden region the NFD region farax macalin is the highest Somali official In Kenya.
  6. The aristocratic family has my respect the young garaad jamac needs to learn allot but he is on the right track , and his father Cali Garaad was a visionary Somaliland Elder , Khatumo needs to sort out lots of stuff but they shall overcome.
  7. They said they wanted peace with Somaliland they also blatantly attacked the aristocratic family of the garaad clan family saaxdheer, Khadarow why are these men opposed to the khatumo leadership.
  8. They just said they don't want Khatumo near some of their villages why is that ?
  9. Professorku muxu yidhi Lixdanki baan fooda la galay maantaan ogaday inan ajanabi ahay all i can say its never to late , waad joogta mana joogtaan just awesome how koonfurians told him. But Professor never forget you always have a home where you are the King, toga herer buuraha wajaale xeebaha berbera dooxa burco , daruuraha seylac ,kaymaha gabiley jazeerada saacadiin ceerigaha ceelgod banka ceel afweyne iyo biyaha buuraha midhisho.
  10. Waloo madhay President daahir rayaale kahin all forgiven and forgotten he did more great to Somaliland than harm , wanaaga shaqeyaa, even though people over exaggerate his past as a colonel.
  11. But history shall remember him 3rd head of state of Somaliland
  12. Madaxwayne Geelle Oo Fursado Siyaasadeed Ka Dhex Raadinaya Madaxwaynayaasha Somaliland Iyo Somaliya Kulan Madaxwayne Siilaanyo la yeesho dhigiisa Somaliya wuxuu halis ku yahay xidhiidhka Kenya la samaysanayso Somaliland Jabuuti (Waaheen) – Magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxa 22-ka bishan December lagu qabanayaa xuska 40 guuradda qoriska Afka Somaliga iyo shir arintaasi la xidhiidha, kaasi oo ay qaban-qaabinayaan dawladda Jabuuti ururka qalinlayda Somaliyeed ee PEN. Xuskan oo ah kii ugu horeeyay ee loo sameeyo qoraalka Afka Somaliga oo todobaatanaadkii la hirgaliyey, ayaa waxa ka qayb-galaya Madaxda dadka Af-Somaliga ku hadla ee Mandaqada Geeska Afrika, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Madaxwaynayaasha Somaliland, Somaliya, Kililka Somalida Itoobiya, Suugaanyahano, qorayaal iyo aqoonyahan aad u tiro badan, kuwaasi oo dawladda Jabuuti ku marti-qaaday xuskan, oo sidoo kale ay barbar socoto hirgalinta Madxaf weyn oo lagu kaydiyo dhaqanka Somaliyeed iyo afkaba. Xuskan oo mudada uu soconayo aan la ogeyn, ayaa isku arki doona Madaxda Somalida ee Mandaqada Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Madaxwaynayaasha Somaliland iyo Somaliya, kuwaasi oo inta la ogyahay aan aqoon hore isku lahayn, balse dhanka warbaahinta ka leh xidhiidh diblumaasiyadeed oo aan heerkiisa la qiyaasi Karin. shirkan ay ku kulmayaan Madaxda Somalidu ayaa ku jira fursado Siyaasadeed oo mid walba dhankiisa uga faa’ideysan karo, kuwaasi oo la xidhiidha danaha siyaasadeed ee ka dhaxeeya dalalkooda iyo bulshooyinka ay hogaamiyaan. Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Xamar iyo Hargeysa ka kala dhoofay ayaa la filayaa inay is-arkaan inta xuskani socdo isla-markaana ay isla faaqidaan danaha siyaasadeed ee labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya iskaga xidhan, kuwaasi oo loo baahan yahay in xal laga gaadho, inkasta oo ay jirto xurfuf dhinaca warbaahinta ah oo ka dhalatay haddalo Xasan Sheekh Maxamuud intii tallada Somaliya qabatay ku celcelinayay, kuwaasi oo uu ku sheegayey in midnimada Somaliya tahay lama taabtaan, halka Madaxda Somaliland-na ay taa lidkeeda kaga hal-celinayeen. Labada Madaxwayne ee Somaliland iyo Somaliya, ayaa kulankooda la saadaalinayaa noqon karaa mid fure u noqda in si deg-deg ah loo guda-gallo wada-hadaladii Somaliland hore ula furtay xukuumadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadda oo dhanka kalena dadka siyaasadeeda indho-indheeyaa sheegayaan inay suurto-gal tahay in kulan ay yeeshaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud sabab u noqon karo in dawladda Kenya ka noqoto xidhiidh diblumaasiyasadeed oo ay doonayso inay Somaliland la yeelato, si ay ugaga maaranto Somaliya oo khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay markii ciidamadeedu Al-shabaab ka saareen Magaaladda dekeda leh ee Kismaayo, halkaasi oo dawladda Kenya doonayso in maamul gaar ah laga sameeyo, balse xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ka diiday. Sidoo kale, xogaha xaqiiqda ku dhow ee la xidhiidha ujeedada Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Madaxwayne Siilaanyo ugu marti-qaaday xuskan ayaa sheegaya inuu wax ka og-yahay xidhiidhka Kenya doonayso inay Somaliland la yeelato si ay ugu xumayso Somaliya oo uu Mr Geelle taageero, doonayana inuu Madaxwayne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud isku sawiro si Kenya ay candhuufteeda dib u liqdo isla-markaana ay uga noqoto xidhiidhka ay doonayso inay Somaliland la samaysato.
  13. Well the Koonfurians told him loud and clear u guys are not there and he said well that is true, Somalilands achievements through out the last 2 decades needs to be acknowledged and respected.
  14. A_Khadar;899912 wrote: Ma ictiraafkii buu soo wadaa? The big belly *** must go! Dont really care much about that
  15. Somalia President in Djibouti to attend the 40th anniversary of Somali writing Published On: Sunday, December, 16 2012 - 17:33:57 T Somalia President Hassan Sheikh Mohamud is in Djibouti to attend the 40th anniversary since the Somali language was written down. The President is leading a delegation of Somali linguists and other academics to the function which will be held from 17th- 22ndDecember according to a press statement from the Presidency. Hassan was quoted by the statement saying he will do a lot to re-establish the use of the written Somali. He added that it’s for the betterment of the Somali culture and the people’s unity. Somali-speaking PEN Club, which organized the ceremony, has invited leaders from Somalia, Somaliland, Puntland, Somali region of Ethiopia and North Eastern province of Kenya. Hosting President Ismail Omar Gelle is also to attend. The function will be used to launch the largest Somali dictionary, whose idea originated from President Gelle and was commissioned by Djibouti Institute of Languages in collaboration with Somali-speaking PEN Club.