Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Komishanka oo Caawa Liiska 25 Xubnood G/Deegaanka Hargeysa u gudbiyay Maxkamadda Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Degmada Hargaysa Siciid Jaamac ayaa caawa mar kale waxa uu shaaca ka qaaday dib u sixidii ay ku sameeyeen natiijadii doorashada ee Caasimada Hargaysa isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamada Gobolka Maroodi jeex,oo ansixin karta natiijadan marka ay ku qanacdo. Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Degmada Hargaysa waxa uu sheegay in natiijadan ay dib u sixida ku sameeyeen aanay waxba ka badalin saamiga ay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadu kala heleen. Guddoomiyuhu waxa uu cadeeyay in waxa keliya ee is bedelay ay tahay laba Murashax oo ay markii hore shaaciyeen inay ku soo baxeen doorashada oo ay dib u tirintii danbe ku saxeen isla markaana ay soo saareen cidii ku soo baxday. Kuwaasi oo ka soo kala jeeda ururadda RAYS iyo Dalsan. “Waxaanu 6-dii Bishan ku dhawaaqnay natiijadda doorashada deegaanka Hargeysa, haddana 8-dii bishan ayaanu ogaanay in tiradii macluumaadkii Faro-weyne laba qorantay. markaa waxaanu komishan ahaan ka saarnay tiradii laba jeer qorantay. waxaanan maanta u gudbinay Natiijadii maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaanay marka ay ku qanacdo qaraar lagu camal falo ka soo saari doonta,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka degmadda Hargeysa. Waxa kale oo uu beeniyay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah murashaxiintii hadhay oo warbaahinta ka sheegay in xisbiyadda iyo ururadu ay soo xuleen saamiga xildhibaanadda ay ka heleen degmadda Hargeysa. “Ma Jirto Xildhibaano ay soo xusheen axsaabtu iyo xildhibaano la is weydaariyay midna,”ayuu yidhi Siciid Jaamac. Magacyada Xildhibaanada Cusub ee Golaha Deegaanka ee Komiishanku ku dhawaaqeen,waxay magacyadoodu kala yihiin. 1.Axmed Cali Haybe. 2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan. 3. Mustafe Cismaan Daahir. 4 Maxamed Warsame Caalin Timacade. 5.Cabdiqani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin. 6. Cabdillaahi Aadan Cali Cabaas. 7. Cabdirisaaq Faarax Xasan Qawdhan. 8. Hanad Xaashi Axmed Caydiid . 9. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco. 10. Cismaan Xasan Faarax Waxar. 11. Eng. Yuusuf Warsame Siciid. 12. Axmed Siyaad Muxumed. 13. Cabdi Cali Yuusuf. 14. Axmed Daahir Axmed Magan. 15. Saleban Daahir Cabdillaahi Dogox. 16. Cabdillaahi Aw Aadan Maxamed. 17. Cabdillaahi Siciid Faarax. 18. Deeq Ducaale Cismaan. 19. Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi. 20. Cabdicasiis Aadan Habane. 21. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac. 22. Maxamed Aw Aadan Weyrax. 23. Khadar Ibrahim Axmed Maax. 24. Cabdicasiis Maxamed Xaashi. 25. Maxamed Cabdi Aadan. Dhawaqan Komishanka degmada Hargaysa ayaa ka danbeeyay kadib markii ay Maxkamada Gobolka Maroodijeex, dib ugu celisay Komiishanka Doorashooyinka Natiijadii ay soo saareen 6dii bishan aynu ku guda jirno ee 2012.
  2. This is so wrong even using the clan federalism logic it doesn't make sense if he is a Puntlander he should focus on Puntland and let Jubblanders solve Jubbaland.
  3. Isaguna wu ka hadli kara gudoomiyaha gobolka nugaal the irony Horta somalidu ha is duubto oo ha is dhegeysato ninkani mala is ma maqlayo eh
  4. ^^ What makes you think they are missing out in the 90s they had their fair share of the civil war the Adan gabyos the Cumar jees in the SPM faction they were the first to fight against General siyad bare in the lower jubbas in the late 80s. Not one clan ever ruled Kismayo on his own SPM and USC captured together Kismayo and later the civil war broke out and the SPM fractionated into sub clan level.Later the JVA 2 communities captured it and afterwords the islamists came along and now we have Amisom. Reer Azania are not missing out anything dadku uun bay wax la qaban.
  5. Kenya iyo Itoobiya oo taageeraya maamul u samaynta Jubooyinka 15. december 2012 Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa isku raacay inay iska kaashadaan sidii ay nabad kaga dhali lahaayeen wadanka Geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya,gaar ahaan Deegaanada iyo Degmooyinka ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Mas'uuliyiinta labada dowladood oo si qoraal ah hadal isku dhaafsaday ayaa waxa ay ku qeexeen hadalkooda si mideysan ay u wajahaan xaalada Soomaaliya oo haatan meel fiican mareysa oo iyagana qeyb ka yihiin ayaa hadana waxa ay sheegeen inay sii laba jibaarayaan dadaalada Nabada loogu raadinayo ee laga wado Soomaaliya,gaar ahaan Maamul goboleedyada la doonayo in laga dhiso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. “Waa in si wadajir ah ugu gaashanaa sidii aan u taageeri laheyn dowlada Soomaaliya iyo hanaanka la doonayo in maamul loogu sameeyo Jubooyinka iyo Gedo oo garwadeyn ay ka yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka IGAD,marka saaxiibka dhigayga ah ee Kenya waxaan ka doonayaa in si wadajir ah aan isaga kaashano sidii aan u gacan qaban lahayn maamulada la doonayo in laga dhawaaqo Soomaaliya” Ayuu Yiri Raysal Wasaaraha Itoobiya Mr Hiala Mariam. Sidoo kale Raysal Wasaaraha Itoobiya oo warqad qoraal ah u gudbiyay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in uu sii laba jibaari doono dhankiisa caawinaada dowlada iminka ka hana qaaday ee Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha Kenya oo markii uu qoraalka gaaray ka soo jawaab celiyay waxa uu sheegay in dhankiisa uusan ka dhaceyn u hanqal taaga in Soomaaliya dowlada rasmi ah ka dhalata islamakaana si taasi loo helo uu muujinayo kaalintiisa ku aadan sidii Soomaaliya ay haykalkii ay lahayd dib ugu soo ceshan lahayd. Waxa uuna balan qaaday in uu taageerayo Maamul u sameynta laga wado deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo maalmahan danbe howshooda lagu guda jiray,waxaana Kenya ay ka mid tahay dowladaha garwadeynka ka ah dadaalada Mas'uuliyiin ka tirsan urur goboleedka IGAD ay wadaan.
  6. Kenya iyo Itoobiya Oo Isku Raacay Inay Taageeraan Maamul U Samaynta Jubooyinka Muqdisho (RBC Radio) Dowladaha Itoobiya iyo waliba Kenya ayaa sheegat in ay taageerayaan maamul u samaynta Jubooyinka iyo waliba gobalka Gedo, waxayna sheegeen in mar walba loo baahanyahay maamul ay rabaan dadweynuhu. Arintaan ayaa masuuliyiinta labada wadan waxay ku sheegeen war qoraal ah oo ay isdhaafsadeen, waxayna ku muujiyeen mowqifkooda ku aadan Soomaaliya. Raysal Wasaaraha Itoobiya Mr Hiala Mariam ayaa sheegay in dowladiisa iyo waliba dowlada Kenya ay shaaciyeen in ay taageersanyihiin sida haatan loo wado maamul u samaynta jubooyonka iyo gedo. Wuxuu sheegay in labadaan dowladood ay taageersanyihiin qorshaha socda haatan ee maamulka oo ay wax ka wadaan masuuliyiinta maamul gobaleedka IGAD. Sidoo kale Raysal Wasaaraha Itoobiya oo warqad qoraal ah u gudbiyay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in uu sii laba jibaari doono dhankiisa caawinaada dowlada iminka ka hana qaaday ee Soomaaliya. Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay maamul u samaynta jubooyinka inaysan waxba ka qusayn dowladaha dariska la ah Soomaaliya isla markaana iyada oo kaliya ay u taalo maamul usamaynta gobalada Soomaaliya. RBC Radio
  7. Where did any one wish war can you just tell me that the news was posted on reliable new websites and not from those u claim they are from.
  8. I never knew raxanreeb and boocamenews and gedoweb were owned by reer muqdishio Duke i dont see any one celebrating
  9. urur siyaasadeed ummadda jsl ayaa shaaciyey in ay urur ahaan u tanaasuleen danta Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka UMMADDA ayaa shaaciyey in aanay ku qanacsanayn natiijada doorashada ka soo baxday, balse ay u tanaasuleen danta guud ee dalka iyo shacabka JSL. Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa shaaciyey in aanay ku qancin natiijada doorashada ka soo baxday, balse ay u tanaasuleen danta dalka iyo shacabka Somaliland. Dr. Gabboose iyo masuuliyiin ururkiisa ka tirsan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa waxay soo bandhigeen galdaloolooyin ay sheegeen inay ka soo baxeen codayntii doorashada golayaasha degaanka, iyagoo xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka ku eedeeyey inay ceebi ka raacday doorashadaas, isagoo Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay is casilaan. “Annagu marnaba damiir ahaan kuma qanacsanin, kumana qanci karno natiijadan dulmiga ku timi ee uu komishanku ku dhawaaqay, haseyeeshee markaannu xeerinay wax badan, xogogaal dhab ahna u nahay duruufaha adag ee ku gadaaman dadkayaga ee leh shaqo la’aanta ba’an, tahriibta, sixir bararka, musuqmaasuqa, kadib markaannu la tashanay wax-garadka iyo taageerayaasha ururka UMMADDA, waxaannu go’aansanay inaannu dhawrno shacbigayaga jilicsan, annagoo u tudhayna, waxaannu dartood u dugsanayna, dulqaadka iyo nabadooda, annagoo ogsoon in maalmo badan dambeeyaan, taariikhduna is qori doonto, waxaanu u tanaasulaynaa danta shacbiga iyo qaranimada Somaliland,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose. Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMADDA waxa uu isagu sheegay in madaxtooyadu isu diyaarisay dabaaldega xisbiga KULMIYE, balse ururro ahaan ay iyagu u diyaargaroobeen inay aasaan dimuqraadiyada oo uu sheegay in xukuumaddu burburisay. “Waxa aan Golaha Guurtida, madax-dhaqameedka reer Somaliland u sheegaynaa in la leexiyey ujeeddadii laga lahaa doorashadan, taasoo aannu u aanaynayno Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xukuumadda maanta jirta oo ku xad-gudbay labaduba milgaha iyo xeerarka doorasho oo xor iyo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka, waxaanannu ka codsanaynaa inay arrintan soo dhex galaan, lana yimadaan xal badbaado qaran ah sidii caadada inoo ahaan jirtay ee aynu ku soo caanno maalnay. Haddii Madaxweynuhu guul u haysto guul-darrada qaranka, haddii farriidnimadu noqotay fool-xumadii dhacday maalintii doorashada, haddii madaxtooyadu isu diyaarinayso damashaadka iyo dabaaldega KULMIYE, annaguna waxaannu xabaalaha Malko Durduro naxash ugu sidnaa maydkii dimuqraadiyada Somaliland, halkaas ragga ku aasan xorriyad ayaa loo laayey, maantana maydka meesha tegaya waa dimuqraadiyadii ay u dagaalameen,” ayuu yidhi Dr. Gabboose. Dr. Gabboose waxa kale oo uu xukuumadda iyo Guddida Doorashada ku eedeeyey inay isu kaashadeen sidii loo soo saari lahaa saddex xisbi qaran oo ku jira gacanta xukuumadda hadda talada haysa , mucaaridada meesha looga saari lahaa, waxaannu yidhi; “Doorashadan waxa ka muuqata inay ahayd mid Koomishanka Doorashooyinka iyo xukuumaddu hore u sii qorsheeyeen inay u dhacdo sidan boobka ah si loogu xalaalaysto in la soo saaro saddex xisbi qaran oo magac ahaan kala duwan, balse nuxur ahaan xukuumadda ka soo jeeda si meesha looga saaro codka mucaaridka dhabta ah iyo in xildhibaanno badan loo boobo si xukuumaddu gacanta ugu dhigto maamulka degmooyinka dalka maayirada. Waxa kale oo daah furnaan la’aanta ka mid ah markii la soo dhejiyey waraaqada dalka yimi ee lagu codaynaayo iyo sanaaduuqda ururrada iyo daneeyayaasha doorashadu inaan cid ogi jirin waraaqaha dalka la keenay intay baaxadoodu leeg yihiin, sidoo kale waxa ceebaha ka mid ah shirkadaha la siiyey qandaraasyada ee raraayey waraaqaha iyo sanaadiiqda ee hawshii koomishanka qabanaayey in la tuhunsan yahay inay meelo gaar ah lugta la galeen oo wax leexiyeen.” Guddoomiyaha UMMADDU waxa uu intaa ku daray in doorashadan halis gelisay xasiliinida iyo nabadgelyada dalka, waxaannu ku tiraabay; “Inkastoo bulshada caalamku gacan wax ku ool leh ay ka gaysteen, isla markaana malaayiin doollar ku bixiyeen hanaqaadka dimuqraadiyada Somaliland iyo siday u qabsoomi lahayd doorashadani, waxa dedaalkoodii iyo dedaalkii shacabkaba ka dhigay hal bacaad lagu lisay boobkii, dhacii iyo awood sheegashadii baahsanayd ee marag ma doonta ahayd ee ay ku kaceen xukuumadda iyo Koomishanka oo is baahaystay, iyagoo ku maamulay doorashada sharciga kaynta iyo guryaha hoostooda, laguna soo buuxiyey sanaaduuqda gaarka loo danaynaayo, dalka iyo dadkana wax masuuliyad tudhaale ah aan loo muujin. Doorashadani waxay halis gelisay wada jirka, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka, iyadoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawacyo ay sababtay doorashada sida foosha xun loo maamulay, doorashadani waxay hoos u dhigtay hankii iyo sumcadii Somaliland ay ku lahayd mandaqadan iyo caalamkana, waxaanay wiiqday rajadii qadiyada ictiraaf raadinta dalkan. Doorashadan waxay mugdi gelisay kalsoonidii, geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo aaminaadii shacabku ku qabay in doorasho xor iyo xalaal ahi qabsoomi karto mustaqbalka dambe inta xukuumadda iyo koomishanka noocan ahi joogaan.”
  10. Abwaan Edo Hillary waxy micne ma odhan dee shirki na waxa la yidhi walala socda in sh dalxiis lo kordhhin karin in budhcad badeedka lala dagaalamo in qariirada road mapka la raaco in shabaab la cidhib tiro in ciidamada amisom la soo kordhiyo iyo in ay Somaliland iyo dawlada kumeelgaadka Somalia ama ta badasho ay wada hadlaan ,hala wada hadlo si mustaqbalkooda siysadeed loo qeexo beesha calaamkuna wada hadalkooda way tegeereysa London intasa ka so baxday. Marka ma garanayo abwaanow dunidad ku nooshihid, anigu maxaan ku camayn abwaanow anigu ma nin dadka dhacaad i mooday xaaji dhan baan ahay oo ilaahay ka cabsanaya:D
  11. Abwaan waxasi wa huuhaa Somaliland iyo Somalia halkeedi bay wali kala taganyihin wax is badalay anigu ma arko, uma layn mayo inay taasina wax iska badalayso. Laakin inta ka sakow waxa fiican in Somalia laa haykalki dawladnimo loo dhiso oo dawlad wanaagsan loo dhiso , Somaliland iska iloow, dawlada Somalia ba cid reer Somaliland ah kuma so darin xukumada Somalia taasa ku fariin ah. Marka wakhtigeeda sug markay SL iyo Somalia wada hadlaan taasa ka dhexeysa labada dal.
  12. Abwaan lets hope so , i honestly don't know inay ku jiran dad reer woqoyi ah not that it matters.
  13. This is not good why so many deputy and state ministers whats the point Saacid tan wu ku dhacay.
  14. Oba i dont really care about them let Siilaanyo take care of them Soon Oba u will see the light and understand the way of the HAG
  15. Oba Hiloowlow oday dhaqmeed are not really that effective you need an institute like HAG to lay down some of the fine foundations the people need. HAG exists it was based in the diaspora but recently they moved back to Somalia which is not a bad thing.Everything has a start and it develops from there and so on.
  16. Oba ma waxa lugu yidhi HAG qarankay ka so horjeeda qaranka halkisa laga dhisaya ma cid ba diidan taas. HAG waxay u doodaysa xuquuqda umada HAG HAG waxay ka shaqeyneysa walaalaynta umada HAG HAG waxay ka shaqeynaysa jiritaanka iyo wada jirka Jamhuuriyada Somaliyeed HAG waxay ka shaqeyneysa so celinta umada HAG eeh qurbaha ku dhiban HAG waxay ka shaqeynaysa nabada iyo xasiloonida Somalia HAG laga maarmi waa
  17. HAG is needed you don't have an alternative.
  18. HAG is not biased if there are some problems and reer Unuka feel underrepresented they should make it clear so that we can fix it.
  19. Oba step by step hadaad is tidhahdid lugee adigu oo an istaagin ka waran.
  20. Mooge boowe ninka codkisa ha dhegeysan ama naagta heeseysa , waxad dhegeysta heesta midhaha iyo laxanka saraan just fantastic. ha dhagaysan the voice waxad dhegeysata musicada rasmiga iyo sidu isu dabo socda.