-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
United Somalia;904674 wrote: Galmudug son Fantastic people.
-
United Somalia are you from the habar gangster clan from ximan iyo xeeb and galmudug.
-
oba hiloowlow;904632 wrote: waryaa xaaji I never ever supported Geedi even though we are related through his wife he is a crook Cali Maxammad geedi and Sharif could have avoided the Ethiopian invasion in 2006 in september there was only one battalion of Ethiopian troops in Baydhabo securing the safety of Cabdilahi yusuf and geedi and sharif sakiin in Baydhabo. When Omar hassan al bashir of sudan was hosting a conference in khartuum to let the TFG and icu come closer to each other diplomatically. Cali geedi was to stubborn and Sharif was to busy declaring fatwas against the TFG these men could have speared the lives of thousands who perished during the Ethiopian invasion of Mogadishu. Than sharif declared a jihaad fled the country for Kenya later arrived in Asmara to be afeworkis proxy than at the conference of Djibouti end 2008 switched alligences he ditched afeworki for meles zanawi because the state department offered him an offer he could not resist and he became the head of the TFG. Siyaaasinta Somalidu amin ma leh boqol jeer bay dhaartaan kitaab ay ku dhaartan na allah inaga og.
-
Cal geedi gar leh sharif muuday gar leh weye sheekadu:D
-
Wasiirka Britain u Qaabilsan Afrika Oo Maanta Kulan la yeeshay Wasiirka Arr. Dibadda Somaliland January 3rd, 2013 Dawladda Britain oo xaqiijiye Inay ku faraxsan tahay inay wada hadalada u fududayso Somaliland & Soomaaliya Xukuumadda Somaliland Oo Dalkeeda Ku Marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska London (Somaliland.Org)-Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana ay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Ingiriiska. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu fursad u helay oo uu Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, warbixin dheer ka siiyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee 28-kii bishii November ee la soo dhaafay ka qabsoomay dalka, taasi oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ku muujiyay sii xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu uga mahad celiyay dawladda Britain kaalintii dhaqaale ee ay ka geysteen doorashooyinka Somaliland. Waxa kale oo uu Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku ammaanay dawladda Britain dhaqaalaha ay ku bixiso sidii loo sii xoojin lahaa dhinacyadda ammaanka iyo doorashooyinka. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay dawladda Britain-na uga mahad celiyay siday u fududaynayso jawiga ay ku wada hadlayaan labada dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inay Somaliland diyaar u tahay inay la sii wado wada hadaladii labadaas dal dawladda Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya oo imika uun dhisay dawladiisii. Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu dawladda Britain u cadeeyay inay Somaliland Sii wadayso la dagaalanka Budhcad badeedda iyo argagixisadda Geeska Afrika. Wasiirka Afrika ee dawladda Ingiriiska Mr. Simmonds, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso taageeradda kala duwan ee ay Somaliland kaga saacido dhinaca horumarinta. Mr. Simmonds, waxa uu sheegay inay dawladda Britain ku faraxsan tahay inay fududayso wada hadalka u dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kooban ee Wasiirka Arrimaha dibaddu caawa soo saaray waxa lagu sheegay in labada Wasiir ay kaga wada hadleen kulankaasi sidii kor loogu qaadi lahaa in Ingiriisku maal-gashu ku sameeyo wadanka Somaliland. Ugu dambayn waxa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain inuu socdaal rasmi ah ku yimaado Somaliland si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda guud ee Somaliland.
-
Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Balaadhan Ugu Dabaal-degay Wanqashooda January 3rd, 2013 Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta xaflad si weyn loo soo agaasimay ugu dabaal dagay guushiisa uu ugu gudbay xisbinimada. Munaasibad oo ahayd mid ay ka dhex muuqdeen masuuliyiin badan oo ka tirsan xisbiga Waddani iyo masuuliyiin kale oo tiro badan ayaa lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Masuuliyiinta tiro badan oo madashaasi ka hadashay ayaa xisbiga Waddani ugu hambalyeeyey guusha xisbinimo ee uu gaadhay iyo dedaalkii uu sameeyey intii uu u soo tartamayey heerka uu maanta taagan yahay. Ugu horeyn Sheekh Maxamed Cali Geedi oo Munaasibadani ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga bedelo nidaamka doorashooyinka loo qabto oo doorashooyinka faraha badan ee dalka laga qabto la mataaneeyo. Sh. Maxamed Cali Geedi ayaa khudbadiisan ku soo qaaday qodobo kala duwan oo ku sabsan xaalda wadanku marayo waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaynu is waydiinaynaa maku socoon karnaa sidii imika loo galay doorashadii waad arkayseen oo waxaynu nahay dad Muslim ah oo nabad-galyadu waa qaali waana waxaynu ku faanayno haddii aynu nahay Ummadda Somaliland, Waxaynu doonaynaa in Ictiraaf ka helno beesha Caalamka, wali wax badan ayaa dhiman, waxaanan ku talin lahaa in la mideeyo doorashooyinkan badan ee waanka laga qabto.”Ayuu yidhi Cali Geedi. Xasan Xuseen Maxamed Codyare Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Xaflada oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey marti sharafta kala soo qayb gashay xaflaadan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan salaamayaa marti sharafta ka soo qayb gashay xafladan qiimaha badan ee aynu ugu dabaal dahayno Xisbiga, waxa la mid ah iyadana Gobalada dalka oo looga dabaal dagaayo guusha uu gaadhay Xisbiga Waddani, Xisbigan Waddani waa Xisbi mucaarad ah waana ka ugu xooga badan, marka labaad waxaan salaam u dirayaa Guddigii qaban qaabada ee gobalada iyo Caasimada.” Xoghaya Guud Ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade “Xisbiga Waddani waxa uu u dabaal dagayaa guushii waynayd ee uu ka soo hooyay doorashada, waxaanu noqonayaa Xisbiga mucaaradka ah ee labaad ee Dalka, Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaanadii uga qayb-galay Golaha deegaanka intii soo baxday iyo intii hadhay, Waxaan leeyahay tageerayaasha Xisbiga Waddani ee gude iyo dibadba waxaanu ugu mahadnaqaynaa sida way nee ay u tagereen Xisbiga Waddani, dadkii ku dhintay mudaharaadka waanu uga tacsiyadaynaynaa intii ku dhaawacan tayna waxaan ILLAHAY uga baryaynaa inuu shaafiyo”. C/laahi Uurcade xoghayaha xisbiga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxa shirwaynihii Ururka lagu qabtay Magalaada Hargeysa Waxaana ka soo qayb-galay dhamaan tageerayaasha Xisbiga Waddani ee Gobalada iyo dalka oo dhan. Waxaanu ahaa Ururkii ugu horeeyay ee is diwaan galiyey. Waxaanu doorashada ka galay kaalimaha koobaad Gobalada Dalka. Waxa uu 120% ka helay Gobalada dalka oo dhan. Degmooyimka dhamaan doorashooyinku ay ka qabsoomeen oo ahaa 19 Degmo, waxa uu ka gaadhay Xisbiga Waddani guulo, waxaan leeyahay Xisbiyada ka qaylinaaya labada mansab ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Dhamaantayo Xisbiga Waddani waxa uu hiigsanayaa inuu talada dalka qabto.” Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi. “Waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan dhalinyaradii ka soo qayb-qaadatay halgankii Xisbiga Waddani ee wakhtigii doorashada uu kujiray, waxaan dardaaran u soo jeedinayaa dhalinyaradii guusha soo gaadhsiisay Xisbiga Waddani inuu xisbi Qaran u gudbo Waddani, dhamaan dadka Somaliland waxaan xasuusinayaa inuu Xisbiga Waddani yahay kii cadaalada iyo sinaanta ku hogaamin lahaa dalka Somaliland. “ Xidlhibaan Faadumo Cali Madar oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Waxaan leeyahay shacabka Somaliland waad noo hiiliseen, waxaana rajeenayaa inaad marka labaadna aad si wacan noogu codayn doontaan. Nabad-galyada aynu ilaashano cidwalba masuul ayaa ka saran nabad-galyada. Dadka ugu badan ee deeqda bixiyay waxay ahaayeen dumar, isla markaana iyaga ayaa inta badan codka bixiyay haddana waxay heleen 10 xildhibaan, iyada oo lix ay ka soo baxeen Ururadii hadhay. Waxaan dhamaan asxaabta kula dardaarmayaa inaad wada-shaqaysaan. Waxaana dhamaan Salaan idiinka sidnaa Dadka qurba-jooga.” Guddoomiye ku xigeenkii Ururkii Umadda C/rashiid Maxamed Cali “Marka u horeysa waxaan hambalyeynayaa aniga oo ku hadla afka Umadda, xisbiga Waddani ee xisbinimada u soo baxay, Maanta ka hadli mayno wixii lagu soo gudbaye Somalidu waxa ay tidhaahdaa gar dabadeed gur gurac, waxaanan xisbiga ugu hamblayeynaa. Mar labaadka waxaan la ilaabayn oo aanu ugu mahadnaqaynaa inuu yahay xisbiga Waddani yahay xisbigii u horeeyey ee noo yimid ee noo tacsiyeeyey noona sheegay inay xad gudubkii meel wanaagsan iska taagan, haddi wadani noo bilaabay garawshiyahaasi dhacay. Woxoogaa dhawr qof oo halkan soo kacay oo mucaaradadii aanu ka sugaynay ku dhawaajiyey nin ayaa yidhi waar khiyaamada ma ku baraa markaasu yidhi horta hashaada ii lis markaasu u lisay oo uu yidhi waataan hashaada. Guddoomiye ku xigenka Rays Aadan Cilmi Dhoolayare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyey guusha xisbiga Waddani waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan halkan ka hambalyeynaa ururadii soo baxay, kolay marka tartan dhaco cid uunbaa ku guulaysata, waxaanu Uga Tanaasualay Danta Qaranka, anaga oo ah Ururka Ryas oo aan ku hadlaayo afka ururka, waxaan xisbiga Waddani leeyahay hambalyo”. Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa isna madashaasi ka hadlay, waxaanu yidhi isaga oo hambalyo u diraya xisbiga Waddani “Anigoo Ku Hadleya Afka Slaadiinta Somaliland Waxaan leeyahay ilaahay Guusha Ha inoogu Sii Wado. Haddii mar aynu qaadanay dimquraadiyadii oo aynu ka tagnay Kitaabkii, waxaynu gaadhi la nahay dimquraadiyadiina. Waxaana dalkeena haysta mushkilad, mushkiladaasina waa qaadka. Waxaan leeyahay In Madaxweynuhu uu ku mahadsan yahay waxaanu uu balan qaaday inuu furaayo Ururda wuuna furay. Ninkii Suldaanka ahaa waa lagu soo dhex dhacay waxaana ku soo dhex dhacay dadkisii oo kala raacay ururada. Doorashooyinka ha lamideeyo oo dhaqaalaha ayaa inaga burburaaya oo dhaqankii ayaa xumaaday. Qabyaalada ha la aaso, waxaanu leenahay doorashooyinkii immika cashar aynu ku qaadan doorashadan Golaha Degaanka ee Immika. Aniga qaar ayaa igu yidhaahda Suldaankaasi waxa uu ka soo jeeda Urur hebel. ”
-
LONDON: Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawlada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo Galabta La Kulantay Dhigeeda Wadanka Ingiriiska London (RBC) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo hadda socdaal ku joogta magaalada Lodon ayaa galabta kulan la qaadatay dhigeeda wadanka Ingiriiska William Hague. Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada Ingiriiska ee magaalada London, waxaana uu ahaa kulankii ugu horeeyay oo si fool-ka-fool ah u dhexmara labada wasiir iyadoo sidoo kalana ay tahay markii ugu horeysay oo kulan uu dhexmaro wasiir ka tirsan dawlada federaalka Soomaaliya iyo wasiir reer galbeed ah. Hadal kooban oo ay labada wasiir saxaafadda siiyeen kadib kulankooda galabta ayaa waxay ku sheegeen inay ka wada hadleen saaxiibtinimada UK iyo Soomaaliya iyo kaalinta ay dawlada Ingiriiska kaga jirto taageerada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiya ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay maanta oo Khamiis ah is arkaan wasiir Hague ayna ka wada hadlaan xiriirka labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan waqtigan oo ay tiri, dawlad cusub oo aan ku meelgaar ahayn ay ka dhalatay Soomaaliya. Wasiir Fowsiya waxay kaloo sheegtay inay kala hadashay wasiirka sidii dib loogu bilaabi lahaa cilaaqaadkii siyaasadeed iyo midkii diblomaasi ee ka dhexeeyay labada wadan, waxayna sheegtay in dawlada Soomaaliya ay dib u furaneyso safaaradeedii Ingiriiska iyadoo dawlada Ingiriiskuna ay wado sidii danjiraheeda cusub oo hadda ku sugan Nairobi uu ugu guuri lahaa magaalada Muqdisho. Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay in dawlada Ingiriiska ay sii xoojineyso xiriirka saaxiibtinomo ee labada wadan iyadoo dawladiisuna ay sheegtay in sii wadeyso kaalmada dhaqaale ee dhanka bani’aadanimada ee dawlada Ingiriiska ay siiso Soomaaliya sanadkan 2013. Labada wasiir waxay si isku mid ah carabka ugu dhufteen in bisha May ee sanadkan 2013 magaalada London lagu qaban doono shir diirada lagu saari doono Soomaaliya oo ku saabsan dib u dhiska Soomaaliya kaasoo uu ka qeybgali doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale wasiir Fowsiyo ayaa xalay magaalada London kulan kula qaadatay jaaliyada Soomaalida ee wadanka Ingiriiska ku nool iyadoo uga warbixisay xaalada dalka iyo dadaalada ay ku jirto dawlada cusub ee ay iyada wasiirka ka tahay.
-
Stoic the presidents of somalia and somaliland will be leading these talks They already had a committe during sharifs admin The 2 ministers are just prepairing the talks.
-
There are hardly any problems in somaliland president silanyo has the country under control ofcourse there are shortcommings but that should not hinder the talks. Why are people so worried about these talks its just talks. How can there be a future relationship between sl and somalia if we dont talk about its beeen 21 years dhimanay ba goorma la heshin
-
War hee dhe anigi haka sheekenynina eeh arinta a hadla Abwaan boramanews is a great source warkooodu wa xaqiiq Salahudiin i am not sure why is blaming somali govt but something caused this Wararku waa sida yihin warkan wa war sida wararka kale oo kale somaliland hadu dagaal ka dhaco i am t'he first to report taleexi imisa jeer baan khatumo iyo sl oo is dilaya soo dhigay al cadaala. Ama marki borama rabshaduhu ka dhaceen xaaajigu is fair
-
Somalilands foreign Minister Dr Muhammad abdulahi Omar and Somalia's foreign minister Fawziya Yusuf haji Adan will meet Saturday officially to pave way for the talks of Somaliland and Somalia.
-
Raysal Wasare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Somaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland oo wada hadal uga bilaab Mayo London January 1, 2013 | London January 1, 2013 (SDN) Warar xogagala oo ay heshay shabakada qurbejoog.com ayaa waxa la filayaa maalinta sabtida ay kulmaan Raysal wasare ku xigeenka Dawlada Fedralka Somaliya Marwo Foosiya Xaji Adan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Omaar waxa la filaya inuu kulankani ka dhaco xarunta wasaarada arimaha dibada ee wadankan Britain shirkan ayaa waxa la filayaa in looga arinsado sidii ugu surto gal ah ee uu ku furmi karo wada hadalka somaliland iyo somaliya iyo shir wayne caalamiya oo la filaayo in la qabto bisha May ee sanadkan taas oo madaxda soomaliya ay uga soo qayb gali lahayeen waxii wara ee ku soo kordha wada hadalkan kala soco qurbejoog.com
-
I like this tigrinya Song Eritrean song the sounds and music have some arab elements
-
Oo maxay uga so yaceen waxasi wa fulaynimo war kikuyada hudheelada iyo guryaha quruxda badan eeh aad ka dhisateen ha uga so yaacina waxaasi caqli maha tallo xuma nimanku. Meesha lacag ba nagaga baxday caqli maha . dhowr sangadhuudhu ba maalin na eryadey oo xamar baanu u so qaxayna ana waxan rajeneyaa a Somali Mayor of Nairobi. War meesha iska jooga waryaa Nuuni waan ku salamay ya ibn cami.
-
Rasuulka allow ada raxmad ka rabnaaye is a no go zone raxmada ilaahay ba la weydista
-
Guys lets not just attack Sheik Muhamamd Ibn Abdulwahaab he delivered some excellent work the book of tawxeedi if you read it you will be impressed by it. And it was one of his finest work the man lived in a time when people worshiped dead sheikhs. So his teachings were not that bad. You can disagree with the Saudi government and how they twist things in their favor but the dead Sheikh Muhammad ibn Abdulwahaab jazakallahu kheyr banu leenahay. The Wahabi term was coined by the brits in order to divide the Muslims they divided the Muslims in 2 categories Muhammadans and Wahaabis. Al wahaab is one of the names of Allah so using Wahaab to point out people who follow the teachings of Sheikh Muhammad ibn Abdulwahaab is wrong.
-
Alpha Blondy;904388 wrote: wow wow wow this thread is educating me by the second ma is ti dh/r i.........hopefully by May, i'll be ready to start writing fluently in af somaaliga. up until now, i didn't have the confidence to write but i would like to learn my mother tongue better and i want to start writing poetry. Tiri= Count Tidhi said Badhi = booty Bari = east Fadhi= Sit Fari= Finger
-
Wadani;904353 wrote: N.O.R.F, i've seen many argue that standard Somali is the one spoken in Mudug (which uses the 'r' btw), as it can be understood easily in almost all regions of the country, and can be used in writing/media.I had a hard time digesting this since I always believed that northern somali had a linguistic richness unmatched by other regional variations of the language. But considering how a lot of Somalis find the reer waqooyi accent so strange (hence the term Q.A.ldaan), i think there is some credence to the claim that the Mudug dialect is the standard. Nonsense the Mudug accent wa afsomali khariban they add everything waxan samenahayaa waxan tegehayaa instead of tegaya wax wada hayada ah bay ku hadlaan, war waan imanahayaa balaayo ku hayeysey. its not the standard af Somali the standard AfSomali is spoken in between Salaxlay and dhagaxbuur.
-
Horta waxyaalo badan baa isku dhex jira topican horta waxan anigu u fahmay wa dikrika ama qasaaiidka nabi amaanka la qaado ,ta bal aynu ku eekano yaan waxyalo badan la isku dhex wadin. Qasaaidku waxay mar walba ku saleysantahay haday wax sax ah oo aan khilaafayn tawxiidka alleh wax dhib oo ku jirta malaha. Hada nabiga la amaano qasaaid lo qaado wa wax wanaagsan ama hada ambiyadi la amaano ama ilahay subxana wa talaca. Qaladku wuxu dhacayaa marka qasaaidku ku jiran arimo deel qaaf ah oo imaanka iyo tawxiidka wax u dhimaya. Marka lugu lamaano sheikh awoodo usan lahayn qasaaidka lugu so daro. Sida weye Dikrika alleh iyo nabi amaanka wa wax wanaagsan wana la so dhaweynaya wa wax asxaabuhu sameyn jiireen. Tusaale baan ku siinaya qasaaiidkan oo kale wa wax wanaagsan. Hadaan inyar ka taabto arinta Qabriyada wa qalad weyn in qabri la cabuudo wana Xaraan maqdac ah in Wadaaad dhintay la yidha ii caawi wa danbiyada waweyn qof islaam ah gali karo. Taas wa wax cad.. Laakin diintu maxay ka tidhi booqashada qabriyada diintu wa ogoshahay qabryada la booqdo waxay diintu diidaysa in qabriga laga dul baroorto wa waxa dumarka la yidha aaska aad ha uga danbeyaan. Waxa kale la ogalayn in qabriga lugu tunto oo xaflad lugu dul dhigo. Laakin Qabriga sidisa wala booqaan kara siyaarati nabi Medina wata la booqdo iyo ambiyada, wax dhibi kuma jirto. Marka labada aad halo kalo qeexo.