Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    30,096
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    79

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Somalia but HAG has good friends in the region though they have 17.000 african union forces on their side Diplomatically uncle sam supports their cause and now Hassan is forging new relations with the Europeans. But lets see if they can manage it politically and economically that's the biggest challenge. They have a good leverage on Saacid who operates as a deputy mayor of Mogadishu no more a contest between a President and his prime minister. And it seems the formation of Jubbaland was put on hold by the Gedo Clan because the region was not fully liberated. The biggest challenge for Damjadiid and HAG will be implementing clan federalism and the fight against Amiir Godane. And ofcourse the talks of the century between Somaliland and Somalia.
  2. Madaxwaynaha Somaliya Oo Ka Jawaabay Hadalkii Madaxwaynaha Somaliland Ee Aqoonsiga Maraykanka, Kuna Adkaystay Midnimada Somaliya Hargeysa (Ramaas) Jan 31,2013 – Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan xarunta Midowga Yurub ayaa ka hadlay dhawaaqii Madaxwaynaha Somaliya ku sheegay in Somaliya aanay dawlad u ahayn reer Somaliland. Madaxwaynaha Somaliya, waxa uu sheegay in aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya aanu dhibaato u lahayn Somaliland iyo guud ahaan Somalida kale, waxaanu tilmaamay in dhaqdhaqaaqyada beesha caalanku wado uu yahay mid Somalilandna ka faa’idi karto. Madaxwaynaha Somaliya, waxa uu ku adkaystay inuu ka shaqeynayo midnimada Somaliya iyo Somaliland, waxaanu tilmaamay in aanay marnaba diyaar u ahayn in xoog iyo cadaadis dublamaasiyadeed midnimada lagu keeno.
  3. We shall see how it goes and how strong HAG is politically and diplomatically it will be tested be ready:D
  4. NGONGE;914389 wrote: “Maalmahan waxaa leysla dhexmarayay Mareykan baa dalkii Aqoonsadayoo waxbaa is bedelaya war waxaan leeyahay sidii la doono yaan loo hadlin taana yaan la rumeysan cidna cidkale Hormarkeeda kama hor istaagi karto Dowlada federaalka ee la sheegayo waxaa lagu dhisay Dastuurkii lagu sameeyey Puntland hadaan leys indha tireyna reer Puntland dhulkooda ayaa lagu dhisay Dowlada Soomaaliya iminka ka jirta hadiise leys ogoleysiin karin Soomali weyn Puntland wey tashaneysaa waxbaana inoo Dagsan waana la yaqaanaa, Sidaasina waxaa yiri Madaxweynaha Puntland. http://www.raxanreeb.com/2013/01/puntland-oo-u-digtay-madaxda-sare-ee-dowlada-dhageyso/ Is he threatening HAG
  5. Ofcourse wa inu ku daydo Somaliland:D
  6. Interesting Somali wa qawmiyad eeh maha qaran.
  7. ^^ Mooge madaxweynaha wax walba u sameya wu ku mucaraada, wa nooc kale wa cadho doorashadi ka kacday. Xassan ila hada talaabo qalad ah ma qaadin , laakin san faqida laga fiican:D
  8. Its strange though any one can be a Somali as long as he speaks Somali and is Muslim, there is no such thing that limits people of not becoming a Somali. So we have to understand term Somali is a broad identity , to some it means a nationality to some it means a lose ethnicity to some it means a language. So before we talk about Somalinimo do we even understand what Somali means.
  9. Interesting debate on the Somalia and Somaliland talks
  10. The Somali republic was recognized at that time its statehood, but its governmental recognition was given just recently well atleast the US
  11. ^Nothing has changed for SL well ofcourse the brits are paranoid and scared of Amiir godane but what else is new everything else goes as smoothly as 2012:D and the years before that, If you believe you will be free one day from Ethiopia. Than Certainly Somaliland has a future to or even if Somalia will stand on its own to feet with out Amisom one day. Every one has his problems and shortcomings some more than others but hey thats life, we have to live with it.
  12. Some new talent this kid is the new thing " frameborder="0" allowfullscreen>
  13. Safiirka Ingriiska U Fadhiya Dalka Itoobiya Oo Ka Hadlay Arrimaha Somaliland, Somalia iyo Djibouti. Waxaan ku rajo weynahay In aanu xidhiidhkii Wacnaa ee Somaliland iyo Ingiriiska soo celino… Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Itoobiya, Greg Dorey,oo waraysi siiyaay Saxafiyada Dr.Moha Farah Jire ayaa sheegay inuu ku han-weyn yahay in si dhakhso ah loo soo celiyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee Somaliland iyo Ingirriska. Safiirka oo Dr. Moha Farah Jire oo ah Saxafiyad Arimaha Africa iyo Caalamka u qaablisan Nabadgalyada, Diplomasiyada, Siyaasada ugu waramayey Adis Ababa waxa uu ka hadlay xanibaadii xaga socdaalak ee uu dalka Ingiriisku ku soo rogay socdaalista Somaliland ay ku tagayaan Muwaadiniinta Reer Ingiriis. Amb. Greg Dorey oo ka hadlayey arrintaa waxa uu yidhi “Runtii Ingiriisku waxa uu aad ugu dhuun daloolaa wixii wel-wel ah oo ka dhacaya Qaaradda Afrika gaar ahaan Somaliland oo ay xidhiidh la leeyihiin ku saabsan Nabad gelyadda, Horumarinta iyo Saaxiibtinimadda guud.” Safiirku waxa uu sheegey inay u shaaciyeen xanibaada socdaalka sabab la xidhiidha xuquuqda muwaadiniintooda oo ay tahay inay ku wer galiyaan khataraha Amni daro ee ay waajihi karaan, Amb. Dorey waxa uu yidhi “ waxaan aad ugu hanweyn nahay in aanu xidhiidhkayagii wacnaa ee Somaliland xukuumadeeda aanu la lahayn aanu soo celino,Somaliland waxan la leenahay xidhiidh wacan oo waaray , waxaanan ugu hanwey nahay in dhakhso loo soo celiyo walaaltinimadeenii wacnayd , waxaan sidoo kale ku hanwey nahay in Somaliland Mas.uuliyeenteedu ay yimadan shirka Somalia ee Uk Xukuumadeedu qaban qaabinayso, oo Somaliland iyo Somalia ba ay ka qayb gali doonaan, anaga oo jecel in ay Somalia siin doonto Xuquuqda Somaliland leedahay ee ay 20 ka sano inta ka badan ku soo caano maashey nabada waartey, iyo dimoqraadiyad doorashooyinka madaxweynayaasha laysku bedelay, waxaan isku dayi doona in wax kasta oo surto galinaya in shirka ay wada yimaadan”. Safiirku waxa kale uu hambalyeeyey Dowlada Itobiya oo hogaaminta Jagada AU ga loo doortay oo uu tilmaamey inay hab sami u hanan karaan xilkan si taariikhi ahna uga nidho dhalin doono Gudoomiye Mr. Haile Mariam Desalyn. Waxuu safiirka Ingiriiska Itoobiya u fadhiyaa xusay in Djibouti ay sanadkan bisha sadexaad ka yagleeli doonan xidhiidh quwad leh oo ujeedadiisu tahay in Guud ahaan geeska Africa wixii nabad galyada ku saabsan lagala xidhiidho Ethiopia iyo Djibouti oo ah udub dhexaadka Geeska Africa.
  14. “Somaliland Ma Aqoonsanin, Inkasta Oo Aan Ka War-hayno Dhibaatooyinka Ay Sheeganayaan” Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Matt Bough (Dhageyso) Hargeysa (Ramaas) Jan 30,2013 – Safiirka Dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliya Matt Bough, ayaa ka hadlay dhawaaqii dawladdiisu kaga digtay xasiloonida Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixin kari waayay halista amaan daro ee dawladdiisu Somaliland ka sheegtay. Safiirka Ingiriiska ee Somaliya Matt Bough, waxa kale oo uu ka hadlay Madax-banaani Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in dawladda boqortooyada Ingiriisku aanay aqoonsanayn Somaliland, balse ay ka warhayso dhibaatada ay ka tirsanayaan dalkii Somaliya. Matt Bough oo wareysi siiyay laanta Afka Somaliga ee Idaacada VOA ayaa isaga oo ka jawaabaya inuu faahfaahin ka bixiyo dhawaaqa dawladdiisu amaanka Somaliland kaga dayrisay yidhi “Faahfaahinta dheeraadka ah ee aan ka bixin karo arintan waa mid kooban, waxaan u sheegayaa (dadwaynaha), tallo-bixintayda dhinaca safarka ee ku daabacan website Wasaarada arimaha dibada, waxaanu halkaa ku cadaynay in xiligan loo safro Somaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka la eego halista gaarka ah ee la tilmaamay inay ku waajahan tahay dadka reer galbeedka ah ee Somaliland halkaasi jooga, waxaanu kula talinay dadka Ingiriiska u dhashay ee halkaasi jooga inay ka baxaan, laakiin faahfaahin intaa dheer kama bixin karayo, laakiin si dhib yar kumaano gaadhin (Go’aankaasi)” Mr Matt Bough, waxa uu sheegay in dawladdiisu arintan ay wada-hadal kala yeelanayso Somaliland “Wada-hadal ku saabsan arintan ayaanu Somaliland kala leenahay, iyagga ayaanuna toos ugala xidhiidhaynaa, waxaana masuuliyad naga saaran tahay muwaadiniinta Britain u dhashay ee guud ahaan caalamka ku sugan, go’aanka lagu bedalay dhanka socdaalkuna muu ahayn go’aan si fudud iyo taxadar la’aan lagu qaatay, intaasi wixii ka baxsan Somaliland ayaanu kala xidhiidhaynaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in gooni isku taag iyo Madax-banaani Somaliland heshaa ku xidhan yahay Somalida “Siyaasadayada Somaliland ku aadani waa mid cad, haddana waa arin u taala Somalidu inay go’aan ka gaadhaan midnimada labada dhinac u dhaxaysa, dhinaca kalena waa hawl u taala midowga Afrika, mana jiro qorshe gaar ah ama go’aan Ingiriisku doonayo in lagu xaliyo, Somaliduna waxay awood u leeyihiin inay wada hadlaan, taasina waa mid sii kordhaysa, midowga Afrikana waxay leedahay ansixinta go’aanka Somalidu isku raacaan, iyada oo aan la wada hadlina xal ma imanayo, sanadkii hore ayaanu dhiirigalinay in la wada hadlo, aakhirkiina waa la wada hadlay, ilaa imikana taasi ayaanu taageraynaa” Safiirka oo la waydiiyay sida dawladdiisu u aragto in Somaliya midowdo ama kala go’do, ayaa ku jawaabay “Somaliland ma aqoonsanin, inkasta oo aan ka war-hayno dhibaatooyinka ay sheeganayaan, laakiin Somalida ayay u taalaa inay go’aan ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalka”ayuu yidhi.
  15. Dr sacad after the collapse of the late Udub joined Ucid he was indeed a good diplomat i give him that. When he was the Ambassador the US was even considering shifting towards Somaliland. This was before the Koonfurians got the AU contract of Amisom
  16. Madax dhaqameedka Sanaag Barri Oo Puntland Ku Eedeeyay Inay Faro-gelin Ku Hayso Deegaankaasi January 30th, 2013 Badhan (Somaliland.Org): Salaadiinta, Cuqaasha,Ugaasyada, Madax dhaqameedka iyo Odayaasha ka soo jeeda Deegaanka Sanaag barri ee Somaliland ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay ka joojiso faragelin ay sheegeen inay ku hayso deegaankaasi, iyagoo xukuumada Somaliland-na u soo jeediyay in ay talaabo dawladnimo ka qaadato arrintaasi. Salaadiintan iyo Cuqaasha ka soo jeeda Sanaag Barri oo shalay khadka telefoonka ugu waramay Idaacada Radio Hargeysa, waxa ay sheegeen in shir ay ku yeesheen magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ka dib ay ka soo saareen go’aamo iyo baaq ku waajahan faragelin uu maamulka Puntland ku hayo shacabka ku dhaqan deegaanada Sanaag Barri. Sidoo kale madax dhaqameedka Sanaag Barri waxay ku sheegeen go’aamada ay ka soo saareen shirka ay yeesheen in beesha Sanaag Barri dad ahaan iyo deegaan ahaanba ay yihiin, isla markaana taageersan yihiin xukuumada Somaliland, wax shaqo ahna aanay ku lahayn maamulka Puntland. Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa salaadiinta u waramay Idaacada Radio Hargaysa, ayaa faaf-faahin ka bixiyay shirka ay yeesheen Salaadiinta, Cuqaasha,Ugaasyada, Madax dhaqameedka iyo Odayaasha ka soo jeeda Deegaanka Sanaag barri iyo sidoo kale u jeedada ay shirkaasi u qabteen, waxaanu yidhi “anaga oo ah odayaasha dhaqanka ee Sanaag Barri oo isugu jirna guurtida iyo wax garadka waxaanu ku shirnay magaalada Badhan, shirkayagiina waxaanu ka soo saarnay go’aan iyo in aanu baaq dirno, waxaanu ka shiraynay hawlo nagaga yimid xagga Puntland, faraglinta ay nagu ahayso Puntland ee ay ku hayso gobolada Sanaag Barri ee Somaliland” “Faragelintaasi waxay tahay iyaga oo xadka Somaliland soo dhafay, oo leh xisbiyo ayaanu ka furanaynaa aanay beeshu diyaar u ahayn oo sheegasho beena ah sheeganaya”. Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka hadlaya waxa ay shirkooda ka soo saareen iyo faragelinta ay Puntland ku hayso deegaankaasi waxa uu yidhi “Waxaanu shirkayaga ka soo saarnay in beesha Sanaag Barri ay yihiin Somaliland oo aanay shaqo ku lahayn Puntland.Puntland faragelin gardaro ah in ay nagu hayso ayaanu caalamka ogaysiinaynaa, waxaanan u soo jeedinaynaa inay naga dayso faragelinta iyo khalkhalka nagaga imanaya”. Sidoo kale Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa xukuumada Somaliland u soo jeediyay in ay arrintaasi talaabo ka qaadato, isagoo maamulka Puntland uga digay in ay faraha kala baxdo deegaanka Sanaag barri “waxaanu rabnaa dawlada Somaliland inay arrintaa talaabo ka qaado oo ay waajibaadkeeda gudato, hadii kale wixii ka yimaada mas’uuliyadeedda inay Puntland qaadayso.” Ayuu yidhi suldaanku. Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ugu baaqay dhamaanba shacabka Somaliland in ay isku duubnaadaan isla markaana dhan uga soo wada jeedsadaan ilaalinta nabad geliyadooda, waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa dhamaanba shacabka Somaliland inay isku duubnaadaan, inay horumarka ka shaqeeyaan, nabadgelyada ka shaqeeyaan, wax wada qabsadaan, walaalo isku mid ah noqdaan, dawladoodana ay taageeraan, kuna adkaystaan mabaadi’ida Somaliland u taala”. Nabadoon Xasan Faarax oo isna u waramay idaacada Radio Hargaysa ayaa sheegay in ay shirkaasi ka soo saareen saddex qodob, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkayaga go’aamadii ka soo baxay saddex qodb ayay ahaayeen, qodobka koowaad waxa weeye in Sanaag Barri ay ka tirsan tahay dawlada Somaliland, dad ahaan, deegaan ahaan iyo dhul ahaanba, qodobka labaad Puntland inay naga joojiso faragelinta iyo xasilooni darada macna darada ah ee ay ku ahayso Sanaag Barri, ka saddexaad dawlada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay talaabadii dawladnimo ee dadkan iyo dalkan ay masuuliyada ugu hayso inay gudato, oo ay ka hortagto wixii dalkeeda iyo dadkeeda soo gardaraysta”. Nabadoon Xasan Faarax ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka Somaliland “Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay dalkooda, dawladooda iyo dadkooda aaminaan, Muqdisho aanay u dhegtaagin wax alla wax ka jiraana ma jiraan, Somaliland nabadgeliyada ay haysato caalamka cid haysataa ma jirto.” Ayuu yidhi nabd doon Xasan. Ugaas Ibraahim Cali Shibiinoo isna ka mid ahaa ugaasyada shirkaasi ka qayb galay ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in ay faragelin kula jirto dadka deegaanka Sanaag barri, isaga oo xusay in shacabka Sanaag barri ay yihiin dad reer Somaliland ah isla markaana aanay shaqo ku lahayn Puntland,waxaanu ugaasku u soo jeediyay xukuumada Somaliland in ay ka dayso faragelinta ay ku hayso Sanaag barri. waxaanu yidhi “Puntland waxay nagula jirtaa faragelin aad u kulul, waxay wadaan xisbiyo, Shalay (doraad) shirbay qabteen niman reer Puntland ah oow asiiro ahi dadka aanay isugu yeedheen waana lagu oriyay wax ka soo baxayna ma jiro,Anagu waxaanu ku heshiinay in beesha iyo shacabkuba yihiin Somaliland, Puntlandna aanu shaqo ku lahayn.Puntland waxaanu u sheegaynaa inay naga dayso faragelinta ay nagu hayso xuduudeedana ay ku ekaato, Dawlada Somaliland waxa uu u soo jeedinaynaa inay waajibkeeda gudato, wadankeedana difaacato”
  17. We have come a long way since we declared our independence and established a republic many envy today, and I am certain our best days are ahead of us and the future of our children to live in prosperity is brighter and we will achieve our aspiration to be a recognized sovereignand respected member nation of the world. The will of the people demanded the creation of Somaliland and they passed a Constitution which declared the independence of Somaliland, therefore our independence is not negotiable. We urge all peace loving people and nations to respect the wishes of our people and support Somaliland’s steady march toward democracy and prosperity. I urge Somaliland leaders to refrain from actions that will hinder or damage the ongoing talks with Somalia and the principal agreements reached at the London meeting. Fostering friendship and collaboration on issues of mutual interest with our neighbor as two distinct and different nations’ is in our best interest, and does not diminish or damage our self-determination or sovereignty. Finally, I ask the remarkable people of Somaliland to continue holding hands and stand together to safeguard our precious peace, stability, and all that we have accomplished over the years.I once again promise you that I will re-double my efforts to advance our nation and reach our collective goals.
  18. Somaliland will tax 5% on sales of Cigarette and Khat, the president said that the talks with Somalia and Somaliland will continue, He also said the armed forces of the country are in full control also he took part of a peaceful demonstration in Hargeysa. He concluded that Somaliland statehood is sacred.
  19. Apophis amiir godane was not born today the brits were aware of his involvement in attacks in kenya uganda somalia. Now why are they comming specefic threat there are no shabaab opperatives in somaliland. The brits are talking crap
  20. Nuunow maba xume eh mushaharka safiir wa imisa aboowe Anigu dhowrt af baan ku hadla english somali fransiis af garmaL af carabigana la iguma xanto International relations na buug baan beri ka akhriyey Ma u qalma safiir