-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Alshabaab attacks Jawhar but failed to seize it
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Oba unuka needs to train some anti terror security forces in jawhar like in Mogadishu. -
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliya Foosiya Yuusuf X Aadan oo ka qayb gashay shirka Midawga Afrika Waaheena uga warantay safarkeeda Addis ababa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliya Foosiya Yuusuf X Aadan ayaa ka qayb gashay Shirka Wasiiradda Afrika uga bilaabmay manta Xarunta Ururka Midawga Afrika ee Addis ababa oo fadhigii ugu horeeyay manta ka qabsoomay. Foosiya Yuusuf X Aadan waxa ay sheegtay manta inay farxad u tahay ka soo qayb galka Shirka Midawga Afrika iyadoo sheegtay inuu shirkani ku soo beegmay wakhti ay Somaliya Dawladd buuxa heshay isal markaana ay Maraykanku Ictiraafeen. Marawo Foosiya waxa ay sheegtay Kulankii saaka in uu ahaa mid qoraalo la isku dhaafsanayay dhinacoodana ay ka gudbiyeen Ajandihii ay siteen, sidoo kale waxa ay sheegtay shirka ka hor inay la kulantay madaxa badan oo ka socota Caalamka oo Addis ababa ku sugan kuwaasoo ay kala hadashaya Marxaladda cusub ee ay Somaliya gashay. Foosiya Yuusuf X Aadan oo Waaheen weydiisay shirka Ingiriiska ka dhacaya Bisha May in wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland lagu sii ambaqaadi doono iyo inkale oo ay isa soo hor fadhiisan doonaan waxa ay tidhi “ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa uu sheegay in Somaliya sii wadi doonto wadahadalada ay la bilowday Somaliland, hase yeeshee Ajandaha Shirka kama hordhici karno oo lama samayn, markaas waxaya ku xidhan tahay arrintaasi Ajandaha oo sadex geesood ah” ayay tidhi Foosiya Yuusuf X Aadan mar aanu weydiinay dedaalada ay dibeda ka wado inay la jaan-qaadi karaan kuwa gudaha Somaliya looga baahan yahay waxa ay tidhi “ Anigu shakhsi baan ka ahay Golaha Wasiiradda haa waanu gaadhnay baan odhan karaa wax lagu faani karo, hase yeeshee sagaal ka wasiir ee kale ee gudaha joogaa iyana waxay wadaan kuwo ka badan waanan qabaa in ay wada socdaan dedaaladaasi oo dhami” ayay tidhi Wasiir Foosiya oo jawaabta su’aashaas sii wadatay ayaa tidhi “ ilaa inta aan arko Somaliya Horumar la taaban karo ayay gaadhay mudadii aanu joognay, sanadkana waxa aan rajaynaynaa inay cagaheeda isku taagto oo waxyaabo la taaban karo aanu bulshada iyo Caalamkaba tusno” ayay kaga baxday.
-
Iskahorimaad xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab Degmada Jowhar Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray demada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe. Taliyaha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Maxamed Maxamuud Saneey oo ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay inay xalay lasoo weeraray fariisimo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen afaafka hore ee degmadaas, ayna iska difaaceen. “Xalay weerar ayaa waxaa soo qaaday Al-shabaab, waxay kasoo qaadeen tuulada Bay-xaaw oo ku dhow degmada Jowhar, balse waa la iska difaacay, waxaana kaga dilnay dagaalkaas hal ruux laba kalena waan kaga dhaawacnay,” ayuu yiri Jen. Saney. Balse, goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay in dagaalku uu qadar saacad ku dhow socday, ayna arkeen saakay maydadka lix qof oo ku dhintay dagaalkaas. Al-shabaab ayaan dhankooda ka hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmada Jowhar iyadoo dagaalkaas uu ka mid noqonayo kuwii ugu xoogganaa ee ka dhacay degmadaas tan iyo markii ciidamada dowladdu ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas dhammaadkii sannadkii hore. Xaaladda degmada Jowhar ayaa saakay deggen, iyadoo goobihii uu dagaalku ka dhacay ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
-
oba hiloowlow;911612 wrote: i dont know im not even supporting this BS man its way too complicated. One thing is for sure Hiiraan wont join galgaduud or mudug, and our kinsmen in ceeldheer will not join abwaan's kin state. just to complicated heck even reer cadaado will not agree to join the ahlsunna galmudug states That means HAG doesn't really want federal states to be established so Puntland Bay and Bakool and Jubbaland will have federal states and HAG territories not how does that work.
-
They will be part of a state in those regions perhaps they will get their representation in time. But they cant be part of a state controlled from Jawhar its not feasible practically.Or else the Habar ganster clan cannot have a state of their own. They already have half of mudug they need galguduud and perhaps Hiiraan can join 2 than they re complete. Or they have to ditch Hiiraan Kick Puntland out of north Mudug and form a galguduud mudug state.
-
Mogadishu cant be capital city of a regional state its a federal capital of the country the seat of the goverment and parliament they can use banadir though as one of the regions. Unuka fulfills the criteria because they have the middle shebelle and banadir 2 regions is enough. They have one problem which is the status of Mogadishu the parliament needs to define that Mogadishu is the capital of the country or not because the constitution doesn't state that Mogadishu is the capital of the country. But when they decide that Mogadishu is the capital city of the country they cant declare Mogadishu to be the capital of their regional state. But i am sure that the lower shabelle will go to bay and bakool. And gedo will go with the lower jubba. while the middle jubba will form a state with bay and bakool.
-
Oba true the lower shabelle is multi tribal the Unuka, Water Maliyans, ilma may may and some other Bravanese people. But if Ilma May may convince the watermaliyans to join their state. And give them the vp in their new state they will form the majority in the lower shabelle. Also the offspring's of Sheikh indhocade al markaawi and his HAG wing can also be found in the lower shabelle these days lol. By the way Oba you cant say let them sort themselves out they need to join a state the lower shabelle cant be a state on his own. you need 2 provinces or more.
-
Wadani;911589 wrote: eray-iftiimiye War naga tag erey ifftimiye ku noqo maxaad iftiminaysa ma hal erey mise kumunaan erey:D
-
Haye Qamuus na afsomali ku sheega
-
Speaker Jawaari: FGS/SL Talks Will Result in Unity Government
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Mintid Farayar;911570 wrote: Silly debate over the airwaves by politicians from both sides. Basically, slogans to shore up their own internal power-jockeying within their respective governments. The question is: Why are the talks slow in progressing? Who's eager to move forward with the talks and who's dragging their feet? Why? The answers to these questions give a far better idea of the situation than the usual obligatory statements emanating from both sides... Good question in a few weeks these talks will begin but SL seems to be ready , and Somalia also they are busy now to find the exact location where to hold the talks. Will it be Djibouti Nairobi addis ababa or Dubai. -
Quruxuda wanu u dhalanay
-
Lol true i think its not feasible to have one president for Africa but if there was closer cooperation on all fields like Europe EU they would be a power to be reckoned with.
-
Wadani;911560 wrote: I'm not hypocritical nor am I a warmonger. Like I said if the majority of your people want to seperate from the Hargaysa admin then I support them. But you shouldn't deny that there are divisions within the clan over this. Some support SL, some Puntland and the others Khaatumo. Exactly Khatumo captured cali sandule vp for xaqsoor party they released him 7 hours later. If they were serious about the war against Somaliland they would have executed him. Cali sandule said i went to my clan and we had a fruitful discussion and we came to an agreement and here i am now lol
-
Speaker Jawaari: FGS/SL Talks Will Result in Unity Government
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo shaaca Ka Qaaday Waxyaalaha Fashilin Kara Wadahadalada S/Land Iyo Somalia, Sheegayna In Aftidii Shacbiga Ee Gooni Isku Taaga Aanay Jirin Cid Badali Kartaa Hargeysa, January 17, 2013 (Haatuf) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa sheegay in qaranimada Somaliland Madaxbanaanideeda aan wax gorgortan iyo wada hadal ah laga gali karin, waxaanu tilmaamay in wada hadalada Somaliland iyo Somalia haddii ay la gole yimaadaan midnimo masuuliyiinta Somalia ay taasi soo dedajinayso in wada hadaladu fashilmaan, waxaanu intaa ku daray in siyaasada qaranimada Somaliland ay tiir dhexaad u tahay aftidii shacbiga Somaliland ay ku ogolaadeen gooni isku taaga 97%. Gudoomiyaha Baarlamaanku waxa kale oo uu sheegay in wixii taabanaya masiirka qaranimada go’aan wada tashi ay ka qaadanayaan golayaasha qaranka iyo xisbiyada siyaasadu. Waxa kale oo uu gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro sheegay inay soo dhawaynayaan madaxda iyo taageerayaashii ururadii ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanadu inay ku soo biiraan xisbiga wadani, taas oo uu tibaaxay in qaar ka mid ah ururadii hadhay uu wada hadal dhexmaray. Gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, ugu horayna gudoomiyaha oo aanu waydiinay hadalada ka soo yeedhay Raysal wasaaraha Somalia ee uu ku sheegay in wada hadalada Somaliland ay ku doonayaan midnimo dhexmarta labada dal, isagoo ka hadlayana arrinkaasina waxa uu yidhi “Somaliland waa qaran Somalia ka da’ weyn oo dawladnimada ka hor qaatay, waa qaran markii hore ikhtiyaarkiisa ugu biiray Somalia, waa qaran markii danbe-na shacbigiisu go’aansaday inay kala soo noqdaan qaranimadoodii iyo madaxbanaanidoodii 18-kii May 1991-kii, waa qaran doonaya in daris wanaag lala wadaago dhamaanba dawladaha jaarka ah, Somaliland waxay ogolaatay sanadkii hore in Somalia lala hadlo, laakiin siyaasada somaliland waxaa tiir dhexaad u ah aftidii laga qaaday shacbiga Somaliland ee 97% ay ku ogolaadeen madaxbanaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, taasaana lagu heshiiyay oo aan qarsoodina ahayn in loo wada hadlo Somaliland iyo Somalia, ujeedo kaliya ayay ka lahayd beesha Caalamku ay joogaan in qadiyadeeda ay ka hadasho, Somaliland wada hadalada waxay ka rabtaa Somaliland oo madaxbanaan iyo daris wanaag, Somalia haday midnimo ka rabto somaliland dee waa arrin u gaar ah Somalia ama madaxweyne ha yidhaahdo ama raysal-wasaare ha yidhaahdo waxaa lama taabtaan ah inm shacbiga Somaliland ay ku go’aansadeen madaxbanaanidooda aftidii lagu go’aamiyay in Somaliland ay gooni isku taagto, aftidaasina cid badali kartaa ma jirto”. S: Golayaashiina Baarlamaanku miyaydaan door ku lahayn inaydin kala qayb qaadataan xukuumada wada hadalada Somalia maadaama ay tahay arrin qaran? J: Qaran ahaan xukuumadaynu wakiilanay, laakiin talada qaranka waa la wada leeyahay golayaasha qaranka ha noqoto, wixii masiira ee weyn waxay noqonaysaa in laga wada tashado ama golayaasha qaranka ha noqoto ama axsaabta qaranka ha noqotee. S: Gudoomiye ma noo sheegi kartaa mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga wadani maadaama uu noqday xisbigii saddexaad ee u soo biira xisbiyada qaranka? J: Wadani waxa uu noday xisbigii saddexaad ee ku soo biira axsaabta Somaliland tobankii sano ee u dambeeyay waxa uu noqday guri dambayskii Somaliland, waa xisbi aanu ugu baaqayno ururadii aan ku guulaysan xisbinimada madaxdoodii iyo taageerayaashoodii inuu u furan yahay, oo uu qofkastaa xubin iyo madaxba ka noqon karo, waa xisbi doonaya inuu ummada mideeyo oo dalka horumarkiisa ka shaqeeyo, mustaqbal fiican baanu rajaynaynaa, mahada horena Ilaahay baa iska leh ta dambena shacbiga Somaliland ee iyagu doortay inay codkooda siiyaan xisbiga wadani, sababna waxa u ahaa guusha uu xisbiga wadani keenay shacbiga reer Somaliland. S: Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah ururadii ku hadhay doorashada ay idiin socdaan wada hadalo ku saabsan sidii xisbiga wadani ay ugu soo biiri lahaayeen, maxaa ka jira? J: Ururadii aan guulaysan waanu soo dhawaynaynaa, qaar aanu wada hadalnayna way jireen, laakiin natiijada waxa laga arki karaa marka ay soo baxdo. S: Haddii dawlada Somalia ay wada hadalada Somaliland la gole yimaadaan midnimo Soomaaliyeed oo mawqifkaasi ay istaagaan maxaad ka odhan lahayd? J: Taasi waxay ila tahay waxay soo dhawaynaysaa in wada hadalku fashilmo, balse Somaliland madaxbanaanideeda cid gorgortan iyo wada hadal lagala galayaa ma jirto, cid badali kartaana ma jirto masiirka shacbiga, qaranimada Somaliland-na waa lama taabtaan”. -
Naxar africa ka weyn Somali:D Zimbabwe baan horta la midoobayaa
-
Popular Contributors