-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland President Axmed Siilaanyo visits Turkey
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dawladaha Somaliland & Turkiga Oo Kulan ku Falan-qeeyay wax wada qabsiga labada qaran March 11th, 2013 Dulucda Qodobadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Raysal Wasaare Ku xigeenka Turkigu ku faaqideen kulankoodii Shirkadda Turkish Airlines oo Bilaabaysa Duulimaadyo ay ku iman doonto Somaliland Qodobadii ka soo baxay kulankii Weftiga Madaxweyna & Wasiirka Tamarta Turkiga Milgihii lagu Maamuusay Madaxweynaha Istanbul Illaa Ankara Ankara (Somaliland.Org)-Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku jooga dalkaasi, waxaana kulankaasi lagu faaqiday qodobo la xidhiidha wax wada qabsiga labada qaran. Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga ayaa madaxweyne Siilaanyo ku soo dhaweeyay niyadsamaan, waxaanu kaga hor yimid xafiiskiisa hortiisa. Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay dulucda qodobadii lagu falan-qeeyay kulankii dhex maray Raysal Wasaare Ku xigeenka Turkiga iyo Weftigii Madaxweyne Siilaanyo. “Arrimaha Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa, in kor loo qaado iskaashiga iyo xidhiidhka labada wadan, isla markaana kor loo qaado kaalmadda ay dawladda Turkigu siiso Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Waxa kale oo aad looga hadlay arrimaha labada dal iska kaashan doonaan waxa ugu horeeya dhinaca tacliinta, khaasatan dhinaca waxbarashadda farsamada gacanta iyo dhinaca caafimaadka oo aanu weydiisanay inay dawlada Turkigu ay cisbitaalo casri ah ka hirgeliso Somaliland.” “Waxa kale oo kulankan la isla qaatay in diyaarada Turkish Airlines oo imika meelo ka mid ah Geeska Afrika timaada inay duulimaadyadeeda ku soo darto Hargeysa, iyadoo ay bilaabi doonto duulimaadkaasi marka Bisha lixaad ee sanadkan la dhamaystiro dayactirka iyo casriyaynta madaarka Hargeysa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu, waxaanu isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxa kale oo horeba miiska u taalay booqasho aanu doonaynay in madaxda sare ee dalkaTurkigu ay ku timaado Somaliland, waxaanan rajaynaynaa inay booqashadani noqon doonto sanadkan 2013-ka gudihiisa.” Dhinaca kalena, madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa quraac sharaf ku soor-yeeyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa Wasiirka Tamarta ee Turkiga uga xog waramay khayraadka ku dihin ee dalka iyo sida ay xukuumadiisu u soo dhaweynayso maal-gashadeyaasha caalamiga ah. Wasiirka Macdanta, biyaha iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Guray) ayaa saxaafada tafaasiil ka siiyay qodobadii Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay Wasiirka Tamarta ee Turkiga. “Waxa noo suurto-galay inaanu u bandhignay mashaariicda tamarta ah ee dalkeena ka socda,khaasatan shirkadda Genel Energy ee Turkish-ka ahi ka wado. Aad iyo aadna way ugu riyaaqeen hawshaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland. Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu u soo bandhignay fursadaha maal-gashiga ee u banaan sharaa’iga Turkiga eek u hawlan mashaariicda koronto dhaliska oo dalkeenu daciif ku yahay. Markaa arrintaasna way soo dhaweeyeen oo waxay balan qaadeen inay sharaa’ig khaas ah oo qabta shaqada tamar dhalista ay dhakhso ugu soo diri doonaan Somaliland si ay u soo indho indheeyaan wadanka.” Geesta kalena, Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxay isla maanta kulan la yeesheen Masuuliyiinta Ha’yadda horumarinta u qaabilsan Turkiga, waxaanay ka wada hadleen dhinacyada horumarinta waxbarashadda, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxa kale u qorshaysan inay la kulmaan Raysal wasaaraha Turkiga Rajab Tayyib Ordugan oo isagu marti-qaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka soo gaadhay Magaaladda Ankara, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Istanbul, waxaana madaxweynaha loo dhigay darmada cas (ama rooga cas) oo lagu muuneeyay weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Waxa kale oo madaxweynaha iyo weftigiisa ka soo galbiyay Gaadiidka khaaska u ah wufuuda caalamiga ah ee dalkaasi booqashada ku yimaadda. Weftiga Madaxweynaha ee socdaalka ku jooga dalka Turkiga waxa ku weheliya Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, macdanta iyo Biyaha, waxbarashadda, -
Easy lad i have never wished any one death and destruction , but President hassan was elected by the Somali parliament it was done in a free and fair way.You cannot compare President hassan who is a clean man with Kenyatta who has the ICC chasing him. I think you should give you're president a chance. As for Kambooni well we yet have to see them deliver their project,, there are 100s of troops from gedo are reported to be in Kismayo now. And raskambooni leadership is in Kenya as we speak.And the Kismayo conference was cancelled all together. When you add that all up what do you see and where do you see raskambooni in the next coming months and weeks.
-
Apophis;926097 wrote: Careful ya Xaaji, I fear in your rush to ingest and spread this propaganda you'll induce heart attack upon yourself. Who will protest against Raskamboni when 90% of Kismaayo population is tolka? And the fact that the Jubbaland committee went to Nairobi is hardly surprising since Kenya has a new president? The committee went to congratulate the new head of state of its main ally (the same way they went to congratulate the petulant HAG when he was "elected"). Hardly surprising. Now calm down. Apophis are you saying the Somali President and the Kenyan President are the same to you , as for raskambooni we shall see what they bring and if they can stand their ground the next coming weeks.
-
oba hiloowlow;926082 wrote: xaaji one guy in the local maqaayad from Badhaadhe was saying today Jubbaland is taking orders from Garoowe waliba he added its nothing wrong with that Waxaasi wa sheeko the Azanians planned and orchestrated to use the Kenyans inside Somalia, it was their plan. Do not believe everything you hear on the street.
-
Jaamac Shabeel Oo Cayimay Xiliga la Qabanayo Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE March 11th, 2013 Hargeysa(Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga talladda haya ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ayaa maanta iclaamiyay xiliga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi. Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu u cayimay shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inuu qabsoomo 11-da April ee sanadkan, kaasi oo ka furmi doona Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa. Jaamac Shabeel waxa uu qoraalkiisa ku socod siiyay Xoghayaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo uu u soo jeediyay inuu faafiyo xiliga la qabanayo shirka Golaha dhexe waxa kale oo uu ogaysiin siiyay Hoggaanka xisbiga KULMIYE. Qoraalka Guddoomiyaha Golaha dhexena waxay u dhignayd sian:- “Markaan arkay: Xeerka Nidaamka Ururrrada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer N0: 14/2011 qodonkiisa 25aad faqradiaisa 1aad oo u dhigan sidan: “ Xisbiyada qaran ee doorasahada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maamul-wanaag iyo Dimuquraadiyadda dhexdooda ah, waana in awoodda loo simanyahay talada xisbigana waa in markasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaada” Iyo isla qodobkiisa 25 aad faqradiisa 3aad oo u dhigan sidan: “ shirka Xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba hal mar waxaana la baahinayaa 30 casho ka hor” Markaan arkay: Qodobka 30aad faqradiisa 1aad ee xeerka xisbiga kulmiye oo u qoran sidan: “shirka golaha dhexe ee xisbiga waxa la qabtaa sanadkiiba hal mar” Markaan arkay: Qodobka 9aad faqradiisa 1aad xeer hoosaadka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo u qornaa sidan: “ugu yaraan bil ka hor taariikhda uu qorshaysan yahay shirka caadiga ah ee golaha dhexe, ayuu gudoomiyaha golaha dhexe amrayaa xoghayaha golaha dhexe inuu war-baahinta ku faafiyo maalinta iyo goobta lagu qabanayo shirka caadiga ah ee golaha dhexe” Markaan yaqiinsaday: Qodobka 28aad ee Dastuurka Xisbiga Xarafkiisa (K) oo sheegaya in haddii shirweynaha xisbiga dib u dhac ku yimaado ay hay’adaha kala duwan ee Xisbigu xilka haynayaan inta shirweyne ka qabsoomayo, isagoo u qoran sidan: “mudada shirweynaha xisbiga dib loo dhigay waxa xilka xisbiga sii haynaya Guddoomiyaha xisbiga, golaha dhexe iyo guddida fulinta ee xilka haya” Markaan yaqiinsaday: in shirkii golaha dhexe ee caadiga ahaa uu ka soo wareegay sanad kaas oo qasoomay 14-14 April 2012. Hadaba Mudane Xoghaye aniga oo ka duulaya qodoabadaa aan kor ku soo sheegay khasabna inagu tahay inaynu fulino Xeerarka qaranka iyo xisbigaba u yaala taasoo la inagula xisaabtmayo haddii aynu sidooda u gudan weyno, waxaan ku farayaa inaad golaha dhexe ee Xisbiga gaadhsiiso in shirkii caadiga ahaa ee golaha dhexe la qaban doono 11/April/2013 laguana qaban doono magaaladda Hargeysa gaar ahaan Ambasaddor Hotel. Sidoo kale waxan la socodsiinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe inay u diyaar garoobaan shirkaa oo dhici doona taariikhda kor ku susan, Allaa Mahad Leh.”
-
Nimankii Col. Warfaa oo Gedo jooga soo lugooyay oo Amisom hubka ka dhigtay & Xil. Xidig oo arrintan ka hadlay Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalmahan jiray rag Xamar laga soo abaabulay oo loogu tala galay in J/Hoose gaar ahaan magaalo madaxdeeda Kismaayo qas ka bilaabaan. Ragan oo Ceelwaaq hab qabiil looga soo diray ayeey wararku sheegayaan in hubkii markii horaba ciidamada dowlada ee Jubbooyinka iyo Gedo ka hoowlgala lahaayeey laga dhigay iyagana gacanta lahu hayo. Col Warfaa oo ka mid ah ciidamada ka hoowlgala Gedo ayaa ka mid ah raga la xarag xirtay Xasan Culusoow oo dagaal ku haya shacabka Soomaaliyeed ee Deegaanadan dagan. Warfaa ayaa ku dhici waayay in uu Kismaayo u soo dhaqaaqo taa badalkeedna dhalinyaro heeb abaah ku soo aruuriyay u diray Kismaayo iyagoo Faarujiyay aagii loogu tala galay in ay ka hoowl galaan. Tan ayaa qeeyb ka ah dagaal lala doonayo in Kismaayo laga rido si loo arbusho in uu hirgalo maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Xildhibaan C/Rishiid Xidig ayaa iftiimiyay xiriirka ka dhaxeeya masuuliyiin dowlada ka mid ah, ciidamada la soo diray iyo Shabaab. Isagoo taa sabab uga dhigay in ragani soo dhexmareen deegaanada Shabaab ku sugan yihiin ee J/Hoose iyo Gedo u dhaxeeya iyadoo aanay jirin wax dagaal ah oo dhex maray taas oo muujineeysa in Shabaab, ragan iyo masuuliyiinta dowlada ka mideeysan yihiin la dagaalanka shacabka Jubbooyinka. Gobalka Gedo ayaa ka mid ah deegaanada lala dagaalamayo waxaase nasiib daro ah in isla gobalka laga helo rag fulinaya hagardaamada madaxda dowlada Xamar fadhida la damacsan tahay Jubbooyinka iyo Gedo ee ku dhisan qabyaalada iyo dhul balaarsiga
-
Kismaayo oo Qarka u saaran Goob Dagaal iyo Itoobiya oo sheegtay inay ciidamadeedu ka baxayaan Somaliya Raysal-wasaraha Itoobiya oo sheegay inay Ciidamadoodu Tartiib Tartiiba uga baxayana Somaliya, kuna Wareejinayaan AMISOM Kismaayo(Waaheen) Xaaladda Magaalo Xeebeeda Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay isku bedesho goob dagaal oo ay ku hirdami doonaan Ciidamo kala duwan oo isku kulaalaya gudaha iyo daafaha magaaladaasi oo ay soo buux dhaafsheen Maleeshiyooyin iska soo horjeedaa. Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Haile-mariam Desalegn ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay si tartartiib ah uga soo baxaan Soomaaliya isagoo xusay inay ciidamada AMISOM ku wareejinayaan goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamadoodu. Haile-mariam Desalegn ayaa u sheegay wakaalada wararka ee dalka Turkiga in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay tahay mid ay gacan ku siinayaan dowladda Soomaaliya si ay u soo celiso amnigii iyo kala dambeyntii iyo si looga saaro Xarakada Al-Shabaab goobaha ay gacanta ku hayso ee dalka ka mid ah. Waxaa uu intaas ku daray in xaaladda nabadgalyo ee Muqdisho ay tahay mid ka soo reyneysa oo hagaagsan, sidoo kalena nolosha dadka Soomaaliyeed ay soo hagaageyso si tartiib tartiib ah, isla markaasna doorashadii madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ka dhacday ay muujineyso in xaaladda ammaanka ee soomaaliya ay muujineyso sida ay nabaddii Soomaaliya u soo noqoneyso. Mar la weydiiyey sida uu arko awooddii Xarakada inay wiiqantahay iyo in kale ayaa waxa uu yiri lama dhihi karo waa ay baaba’day awoodii Xarakada Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay ka baxeen Muqdisho ayna aadeen buuraha iyo dhulka baadiyaha ee galbeedka Soomaaliya. Hailemariam Desalegn waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay taageeraan dadka Soomaaliyeed isagoo sheegay in dalkiisu ka qeyb galayo shirka London ee looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya kaasoo u jeedadiisu tahay sidii dhaqaale loogu aruurin lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha itoobiya waxa kale oo uu ka hadlay dalalka dariska la ah Itoobiya oo uu sheegay inuu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo marka laga reebo sida uu yidhi dalka Eritrea, wuxuuna ku dooday in Eritrea qudheeda ay ka doonayaan daris wanaag balse ay iyadu diidan tahay sida uu yidhi, wuxuuna intaasi ku daray “khilaafku waxa uu inoo dhexeeyaa madaxweynaha Eritrea ee nooma dhexeeyo shacabka dalkaasi.” Itoobiya ayaa waxaa ka jooga Somalia kumanaan askari oo Al-shabaab kala wareegay magaalooyin iyo degaano ku kala yaala gobolada Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo oo ku kala yaala koonfurta iyo bartamaha Somalia.
-
Masuuliyiinta maamulka Kismaayo oo Nairobi gaaray & askartii Ceelwaaq ka timid oo lagu heesto aagagii cadawga ay soo baneeyeen Dhamaan masuuliyiinta maamulka ku meel gaarka Kismaayo ayaa shir wada tashi loogu yaarey magaalada Nairobi oo ay horey ugu sugnaaneen masuuliyiin kale. Tagitaanka masuuliyiintan oo uu sh Axmed Madoobe hogaaminayo ayaa lagu sifeeyay in ay salka ku heeyso hoowlihii dhismaha dowlad goboleedka oo si rasmi dardar leh dhawaan uga bilaaban doona caasimada J/Hoose ee Kismaayo. Waxaa jira durbaba road map la isla wada aqbalay oo ku saabsan sida wax u dhici doonaan waqtiga dhaw iyo kan fogba oo ay ugu horeeysa doorashada masuuliyiinta dowlad goboleedka iyo sidii loo dardar galin lahaa in gacanta ciidamada dowlada ee Jubbooyinka iyo Gedo la soo galiyo deegaanada wali maqan. Dhinaca kale askartii la soo lugeeyay oo ay soo direen rag iyaguba ku haray Gedo ayaa Amisom ku heeysaa xero duleedka Kismaayo. Waxaa jira waxyaabo badan oo muujinaya in askartan qaarkood la qiyaameeyay loona sheegay in ay Kismaayo aadaan sidii iyadoo Kismaayo tahay meel la iska iman karo ujeeda la’aan. Waxaa sii xoogeeysanaya cadeeymaha jiritaanka mu’aamurad Xasan Culuso, Saacid iyo qaar Gedo jooga dhacdadan isla meel dhigeen iyagoo doonayay in qas laga rido Kismaayo. Askarta Gedo ka timid ayaa lagu hub iyo maal galiyay hantida shacabka Jubbooyinka hase ahaatee rabeen in ay adeegsadaan kuwa danaha shacabka Jubbooyinka ka soo horjeeda. Wararka uga danbeeyay oo aan deegaanka ka helnay ayaa sheegaya in ragan intoodii qorshaha aaga dagaalka lagu ogaa soo faarujiyay lagu qaadi doono sharciga ciidamada halka kuwa kalana u badan tahay in la cafiyo dibna looga celiyo halkii ay ka hoowl gali jireen waxaase xaqiiqa ah in aanay Kismaayo galin hubkana lagaga wareegayo. Tan ayaa ah dhacdadii sadexaad oo ay kuwa Xamar hantidii shacabka Soomaaliyeed xaaraanta ku heeysta soo qorsheeyeen iyagoo isticmaalaya kuwa lagu hoowl galiyay hantida shacabka ay u soo duulaan tagayaan. Si walbaba dadka arrimaha Soomaaliya ku xeel dheer ayaa saadaalinaya in colaado waaweeyn oo madaxda Soomaalida ku lug leeyihiin ku soo fool leeyihiin Jubooyinka iyo Gedo waxeeyse wax walba ku xirn yihiin gardaro in aan guul laga gaarin iyo sida shacabka, siyaasiyiinta iyo dhamaan qeeybaha Jubbooyinka isku kaashadaan uguna diyaar garoobaan in aay dhiciseeyaan colaadaha Culusoow soo hurinayo.
-
Maaddeey;926049 wrote: ^ sheekada Kismaayo haddey xiise yeelatay!. Kn:Sida aan saakadii hore tabinnay, maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo oo looga yeeray Nairobi ayaa soo gaaray halkaasi kadib markii diyaarad loo diray ay Kismaayo ka soo qaaday. Dhamaan xubnaha uu ka koobanyahay maamulka ku meel gaarka ah, intooda muhiimka ah ayaa iska soo xaadiriyay Nairobi, waxaana xubnahaasi kamid ah, Sh. Axmed Madoobe oo ah Gudoomiyaha maamulka, Yaasiin Raadaar, kuxigeenka Gudoomiyaha, Gen. Saxardiid, taliyaha ciidamada qalabka sida ee Jubbooyinka iyo Gedo, Muungaab, Seeraar iyo xubno kale. Lama oga sababta dhabta ah ee ka danbaysa masuuliyiinta la soo wada dheelmay, walow ay tan iyo bari wax kala caddaan doonaan, laakiin hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in loogu yeeray sidii xal looga gaari lahaa arimaha maamul u samaynta Jubbooyinka oo u muuqda kuwo ajuuro cunsan. KismaayoNews.com Aad bay hada xiiso u yeelatay , hada waxa la sugaya uun ciidamada cusub eeh Shabaab oo dhan so dhex maray Sida Kismayo ula dhaqmaan , iyo warku Axmed madoobe kala so noqdo Kenya. Beesha Azania ,hankoodi mamuul waxa ka qasay Hassan culusow oo tageero fara badan ku leh beesha gedo,oo nidaamki mamuul samaynta jubooyinka isbaaro u dhigtay. Waleh tani wa isu qayileysa..
-
Burco Hargeisa
-
malistar2012;925987 wrote: great job by the Puntland admin and the people . This type of relationship we need to see between States and FG. I am hoping for agreement something like Puntland Forces To Be Integrated into FG Forces also mybe Dowladdu waxay la wareegeysaa maamulada degmooyinka gobolada d Puntland gacanta ku heyso, kuwaas oo si toos ah u hoos imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xaquuqdoodii u helaan. Its to fast for that but i am sure there is a process under way to bring Puntland under Federal control of the Somali government. Some where down the line the troops of Puntland need to be under the command of the federal armed forces. But i think its to early for that but it will happen during hassan sheikh maxamuuds reign.
-
This unprecedented gathering within the African continent will seek to highlight Africa´s self-attained achievements with regards to its standing in the international community as well as it´s increasing emancipation from the often assumed dependency on the Western world. The focus will be on the role and successes of the African Union as an intergovernmental regional organization seeking to combat political, social and economic inequalities. Past achievements will be considered while simultaneously accenting the future challenges the AU faces. Multidimensional in focus, the conference will revolve around three main themes. Beginning with ´the rise of corporate Africa´, the positive impact of enterprise on development throughout the continent will be accented. The following theme, ´African solutions for African challenges (human development)´ will be dedicated to the overlapping issues of education, the eradication of poverty and the empowerment of women. The final topic ´community development through arts, culture and sports´ will exemplify the power exerted by cultural diplomacy on the furthering of community development. It will be demonstrated that the application of cultural diplomacy is pervasive within the African Union´s activities, as it has charged itself with the task of uniting highly differentiated cultures within Africa with the aim of achieving ´greater unity and solidarity between the African countries and the peoples of Africa´. Cultural Diplomacy will be shown to support and solidify such efforts. Conference Speakers Speakers during the conference will include leading figures and experts from civil society, international politics, academia, diplomacy, civil society and the private sector. These speakers will include a number of individuals from the ICD Advisory Board (for further information about the Advisory Board, please click here). Speakers for the Conference include: President Olusegun Obasanjo Former President of Nigeria (more) Minister Maite Emily Nkoana-Mashabane Minister of International Relations & Cooperation, South African Government (more) Minister Mildred Oliphant Minister of Labor, Government of South Africa (more) Reeta Roy President, MasterCard Foundation (more) Conference Participants » The conference is open to applications from governmental and diplomatic officials, civil society practitioners, young professionals, students and scholars, private sector representatives, journalists, and other interested stakeholders from across the world. If you would like to reserve a position, please click on the "Apply Now" link below http://www.culturaldiplomacy.org/experienceafrica/index.php?en_aucdc2013
-
Xiinfaniinow cadhada inaga dayoo shirki ka war doon, shirki halku ku danbeyey:D
-
Reer Budhlayn way washeen hada madaxweynihi bay eedeynayaan shabaab ku sheegeyaan, hada wa ninka dalka shabaab ka xoreyey. War ileen inaga wax aragnay
-
U kaadi Xiinfaninow ,, Zack iyo Ileey heshiis maha, Ileey wa nin xabashida u shaqeya, zack na wa xoriyaad raadis isma galaan,, Faroole na waka raisal wasaarihi u yimi hada faroole wala so gaba gabeynaya oo wa inu si toos ah u hoos gala hassan sheikh maxamuud. Kismayo warkeedi waati la du duubay war ninku mala wu danbeyaa shirki wa ti lugu kala kacay. Ciidamadi reer gedo na wa kuwa hada ku laalaya Kismayo.
-
Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo ka hadlay Boqollaal Ciidamo ah oo dhawaan gaaray Magaalo Xeebeedda Kismaayo Isniin, Maarso 11, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa ka hadlay boqollaal ciidammo oo dhawaan gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo cabsi badan ka dhaliyay degmadaas. Maxamed Kaliil ayaa sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ya u bedeshay degmadaas, balse aysan ahyan kuwo inay dhibaato sameeyaan halkaas u tagay. “Ciidamadan waxay ahaayeen kuwo dowladda Soomaaliya ay u bedeshay gobolka Jubbada Hoose, umana tegin halkaas inay dhibaatooyin abuuraan,” ayuu yiri Kaliil oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan gobolka Gedo. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan cabsi weyn oo ka dhalatay in ciidamadan iyo kuwa maamulka KMG ah ee degmada uu dhexmaro isku-dhac hubeysan. Su’aal ahayd halka ay ciidamadaas u mareen Kismaayo oo la weydiiyay ayuu kaga jawaabay inay mareen soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayna hadda ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo. “Intii ciidamadan ay kusii socdeen jidka wax dagaal ah lama kulmin, mana aysan sii marin dhulka ay Al-shabaab ka taliso,” ayuu Kaliil hadalkiisa ku daray. Isagoo xusay in ciidamadan ay ogaayeen maamullada dowladda balse maamulkii aan dowladda ka tirsanayna maba oga. Sidoo kale, mar la weydiiyay su’aal ahayd fikirka ay ka qabaan maamul u sameynta Jubbooyinka ayuu sheegay in maamulkaas aan loo dhameyn, mana jirto jabhad maamul u sameyn karta Jubbooyinka, waayo dalka lagama aqoonsano buu yiri jabhado. “Dalka dowlad ayuu leeyahay waana inay dowladdu hoggaamiso maamul u sameynta gobollada dalka, ciidamada Kismaayo tagayna waxay ku tageen qorshe dowladeed,” ayuu guddoomiyaha gobolka Gedo ku daray hadalkiisa. Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay maxkamad soo taagto xildhibaan baarlamaanka ka tirsan oo uu sheegay inuu ciidamada dowladda ee Kismaayo tagay ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaan weli ka hadlin ciidamadan soo gaaray degmada, inkastoo wararka ka imaanaya xarunta Jubbada Hoose ay sheegayaan in cabsi weyn ay ka jirto degmadaas.
-
Popular Contributors