-
Content Count
29,944 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Possibly could be our new guurti head, i think if thats done the entire Xaqsoor conflict will be behind us. Hasan ciise jamac or the Mujahid as they like to call him.Was Somalilands first vice President, what needs to be done that he acts like a true elder of the nation like selebaan gaal did Sheikh Yusuf Sheikh Ibrahim did.
-
Egypt courts South Sudan over Nile waters deals
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
i am aware of the land grab especially southern nationalities and oromo territories have been sold to indian and Pakistani merchants beautiful fertile land. But i dont think the TPLF really cares about the rivers shabelle and jubba nor do they have any plans to construct a damn there. They are more concerned to have the big dam on the blue nile. which will benefit entire Ethiopia. -
Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo La Sheegay Inay Wadaan Mooshin Ay Ugu Ololaynayaan Sidii Muj. Xasan Ciise Xubin Rasmiya Uga Noqon Lahaa Golaha Iyo Shirgudoonka Oo Isha Ku Haya Hargeysa March 17, 2013 (Haatuf) – Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay wadaan mooshin ay ugu ololaynayaan sidii gudoomiyaha ururka Xaqsoor ee ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka Mujaahid Xasan Ciise Jaamac xubin rasmiya uga noqon lahaa 82-ka kursi ee aqalka golaga guurtidu ka kooban yahay. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun-daloola golahaasi ayaa sheegay in koox xildhibaano ah oo ka tirsan golaha guurtidu ay wadaan mooshin ay ugu ololaynayaan in golaha, oo wakhtigan ku jira fasaxii kalfadhiga 49aad ay ku doonayaan in goluhu iskugu yimaado kalfadhi aan caadi ahayn, taas oo ilo wareedyadu ay tibaaxayaan in kooxdaasi mudanayaasha ah oo la sheegay in labadii maalmood ee u dambeeyay shirar doceedyo wada fadhi ah ku yeeshay Hargeysa ay iskula soo qaadeen kulanadooda sidii Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka mid ah xubin sharafeedyada golaha guurtida mid ka mid ah xubnaha golaha ee ay isku beesha yihiin kursigiisa uga tanaasuli lahaa si markaasi ay ugu suuro gasho Mujaahid Xasan Ciise Jaamac inuu si rasmiya uga mid noqdo 82-ka xubnood ee golaha guurtida. Kooxda xildhibaanada golaha guurtida ee mooshinkaasi wada, ayaa wararku intaasi ku dareen inay aqalabiyadoodu ka soo jeedo xubnaha mucaaridka ku ah gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale la tibaaxayaa in ololahooda qayb ay ka tahay sidii isbadal goluhu ugu samayn lahaa xubnaha shirgudoonka. Waxa kale oo la sheegay inay ku eedaynayaan in hogaankoodu ka gaabiyay doorkii hogaamineed ee golahoodu ku lahaa hawlaha nabadaynta iyo geedi socodka siyaasada dalka, waxaanay wararku intaa raaciyeen in kooxda xildhibaanada guurtida ee ololahaasi ka dhex wada golahaasi ay sidoo kale qorshahooda ku jirto in Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo taageerayaasha ururka Xaqsoor oo xukuumada khilaaf cakirani ka dhex taagan yahay sidii golahoodu ay culays ugu saari lahaayeen xalin khilaafkaasi. Dhinaca kale waxa la sheegay in shirgudoonka golaha guurtidu ay ka war qabaan dhaqdhaqaaqyada ku saabsan mooshinkaasi, isla markaana ay isha ku hayaan xildhibaanada isbadal doonkaasi wada.
-
Somalia:Alshabaab Militia recapture Xudur Bakool
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
DOC they wont hold it it will take a few days till the ethiopians come back. -
Somalia:Alshabaab Militia recapture Xudur Bakool
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Al-Shabaab uu gudaha u galay magaalada Xudur ee gobolka Bakool ON MARCH 17, 2013 Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa halkaas isaga baxay, waxaana isla maanta subaxnimadii hore gudaha u soo galay magaalada ciidamo taabacsan Xarakada al-Shabaab kuwaas oo fadhiyey meel aan ka fogeyn magaalada. Maalmihii u danbeeyey waxaa dagaalo culus ay ka dhaceen gobolka Bakool kuwaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya, waxaana ay Xarakada al-Shabaab geystey goobahaas ciidamadii ugu badnaa ee ay heli kareen, taas oo la sheegay in ay culeys ku noqotey ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladdu isla markaana ay isaga baxaan magaalada Xudur oo ahayd goob istaraatiiji u ah isku xirka gobolada maadaama ay isku xirto Baay, Hiiraan iyo Gedo. Magaalada Xudur ayaa ahayd mid ka go’doonsan inta kale magaalooyinka kale, waxaana lagu tegi jirey diyaaradaha qumaatiga u ka aoo keliya kadib markii jidadka gala oo dhan ay xireen Xarakada al-Shabaab, isla markaana waddooyinka ay Miinooyin geliyeen. Ciidamada Dowladda ee ka baxay Xudur ayaa la sheegaya in ay u dhaqaaqeen dhanka Ceel-barde ee isla gobolka Bakool. Horseed Media Muqdisho, Somaliya -
WAR DEG-DEG: Kooxda AlShabaab oo dib u qabsatay Degmada Xuddur Wararka ka imaanaya degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan inay dib ula wareegtay gacan ku haynta degmadaasi xarakada AlShabaab iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah oo ay galeen AlShabab. Qabsashada degmada Xuddur ee Alshabab ayaa timid ka dib markii ciidanka maamulka dowladda ee gobolka Bakool iyo kuwa miletariga Itoobiya ee halkaas joogay ay isaga baxeen magaalada, iyagoo sida la tilmaamayo degay magaaladaasi duleedkeeda. Iyadoona aan la ogayn sababta ka danbeysa bixitaankooda . Maamulka gobolka Bakool ee dawlada federaalka soomaaliya iyo kan degmada Xuddur ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca Ceelbarde. Goobjooge ku sugan halkaasi ayaa waxaa uu sheegay in haatan ay halkaasi shacabka ku dhaqan deegaanka ay bilaabeen inay iskaga qaxaan,waxaana wadooyinka magaaladaasi Xuddur lagu arkayey hadda qaar ka tirsan ciidamada Alshabab oo wajiga soo duubtay. Sidoo kale waxaan la sheegay in Sh.Mukhtaar Roobow Abu Mansoor oo ka tirsan hor joogayaasha Shabaaab uu bartamaha magaaladaasi kula hadlay qaar kamida dadka deegaanka ee halkaasi ku sugan. La wareegista degamada Xuddur ayaa imaaneysa xili 26 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka soomaaliya ee ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool ay shalay gaareen magaalada Baydhabo, mudanayaashaas ayaa socdaalkooda lagu tilmaamey inuu yahay mid ay u kuurgalayaan xaaladaha dhaqaale ,siyaasadeed iyo tan amaan ee gobolka.
-
Somalia's Prime ministers spokesmen arrested in Somaliland berbera
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Iska hadlow ina igarre:D -
Former UGUB Puntland party leader along with elders defect to Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
DOC SSC qarankoodi bay dhinac ka raceen sanadki 2013 si fiican bay u bilabeen way nasteen suit bay hada xidhaan iyo kabo wa ladan yihin. -
Former UGUB Puntland party leader along with elders defect to Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
:D i knew he was coming last week the major 2 clans from haadaaftimo and badhan both declared their support for Somaliland , Mr Dabayl Dabayshi ba hargeysa keentey -
Somali and Ethiopian troops withdraw from Xudur Bakool.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Al-Shabaab uu gudaha u galay magaalada Xudur ee gobolka Bakool MARCH 17, 2013 Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa halkaas isaga baxay, waxaana isla maanta subaxnimadii hore gudaha u soo galay magaalada ciidamo taabacsan Xarakada al-Shabaab kuwaas oo fadhiyey meel aan ka fogeyn magaalada. Maalmihii u danbeeyey waxaa dagaalo culus ay ka dhaceen gobolka Bakool kuwaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya, waxaana ay Xarakada al-Shabaab geystey goobahaas ciidamadii ugu badnaa ee ay heli kareen, taas oo la sheegay in ay culeys ku noqotey ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladdu isla markaana ay isaga baxaan magaalada Xudur oo ahayd goob istaraatiiji u ah isku xirka gobolada maadaama ay isku xirto Baay, Hiiraan iyo Gedo. Magaalada Xudur ayaa ahayd mid ka go’doonsan inta kale magaalooyinka kale, waxaana lagu tegi jirey diyaaradaha qumaatiga u ka aoo keliya kadib markii jidadka gala oo dhan ay xireen Xarakada al-Shabaab, isla markaana waddooyinka ay Miinooyin geliyeen. Ciidamada Dowladda ee ka baxay Xudur ayaa la sheegaya in ay u dhaqaaqeen dhanka Ceel-barde ee isla gobolka Bakool. -
Former UGUB Puntland party leader along with elders defect to Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Welcome home Salax his entire sub clan declared that they support Somaliland last month so he just joined them:D -
Somalia's Prime ministers spokesmen arrested in Somaliland berbera
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Macalinka sheekadu been maha ninkana shalay bala sii dayey and he is in xamar end of story ask gabal or any one else. -
Egypt courts South Sudan over Nile waters deals
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ I have never heard that they dont need the rivers from Somalia that goes through Ethiopia. Ethiopia is more concern about Arab pressure on the damn on the blue Nile Somalia sheekada shaqo kuma laha saaxib -
Somali and Ethiopian troops withdraw from Xudur Bakool.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Uganda burundi Djibouti wa amisom. Ciidamada Ethiopia iyagu cidna ma hoos galan wa freelancers. -
Egypt courts South Sudan over Nile waters deals
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Egypt wants to continue to live in the past and its trying to legitimize the 1929 Nile water agreement it needs to understand the Nile Basin countries put that treaty as null and void. Because the Nile basin countries agreed to renegotiate the Nile waters agreements signed during the colonial era. The Ethiopian dam is under construction and Egypt needs to keep up with the new political realities on the ground. -
Egypt courts South Sudan over Nile waters deals By MACHEL AMOS in Juba | Thursday, March 14 2013 at 14:29 12 118 131 Font size: A+ | Reset | A- A section of the Nile River. FILE | NATION MEDIA GROUP An Egyptian delegation headed by Prime Minister Hisham Qandil arrived in Juba Thursday to meet South Sudan officials about the Nile waters agreements. Egypt and Sudan are opposed to a Cooperative Framework agreement which Ethiopia, Kenya, Uganda, Rwanda and Tanzania signed in 2010, and later Burundi in 2011, to replace a colonial era pact of 1929. South Sudan’s Foreign Affairs spokesman Mawien Makol said that the one-day visit will also discuss other issues, but that the Nile waters deal was top on the agenda. “The Prime Minister is willing to know the position of South Sudan on water agreements before he goes for the Nile regional countries' talks that are coming up," Mr Mawien said, referring to a Nile Water conference that he said was slated for next month in the Ethiopian capital, Addis Ababa. “The Egyptian delegation will also be willing to know the details of the agreements that have been reached last week between the government of Sudan and South Sudan on security arrangements and the flow of oil,” he added. Egypt, which is favoured by the 1929 Nile Water Agreement, is opposed to a new deal that would reduce its share of the waters and considers it a national security issue.
-
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isaga Baxay Degmada Xudur iyo Cabsi ka jirto halkaasi Axad, 17 Maarso, 2013(HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaanba isaga baxeen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoona daafaha magaaladaasi ay soo buuxdhaafiyeen cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab. Goobjoogeyaal ku sugan degmada Xudur oo qadka teleefonka ugu waramay HOL ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ee ku sugnaa degmadaasi ay isaga baxeen magaalada, iyadoona lagu soo waramayo in ay u jiheysteen dhanka deegaanka Ceelbarde ee isla gobolkaasi Bakool. Xaaladda degmada Xudur ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona qaar kamid ah dadka deegaanka ay bilaabeen in ay u barakacaan deegaanada ku dhow dhow degmadaasi, iyagoo ka cabsi qaba in ay halkaasi ka dhacaan dagaallo dhexmara ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab. Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ka hadlay ka bixitaankooda degmadaasi, waxaana sidoo kale la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysa in ay halkaasi isaga baxaan. Ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku suganyihiin daafaha degmadaasi, waxaana xaaladda guud ee magalaada Xudur ay maanta tahay mid aad u qasan. Xoogagga Al-shabaab weli gudaha uma gelin degmadaasi. haseyeeshee wixii warar ah ee kusoo kordha arintaasi dib ayaan idinka soo gudbin doonna haduu Alle yiraahdo.
-
Deg deg: Bakhaaradii kaydka Hubka ahaa ee Ville Somalia oo Xalay larartay iyo Tuhun ku saabsan in Shabab laga Gatay. joore Mar 16|18:24 War Deg deg ah oo Goor dhowayd aanu kahelay Magaalada Muqdisho ayaa Xaqiijinaya in Gabi ahaan Bakhaaradii Hubka ee Xarunta Madaxtooyada kuyaalay Saqbadhkii Xalay laga rartay wixii Hub ahaa ee ku Kaydsanaa. Bakhaarada Kaydka Hubka ayaa Gabi ahaanba kuyaalay Xarunta Madaxtooyada mana Jirin meelo kale oo Ciidamada Dawlada Hub u Yaalay, Hubkan Habeenkii Xalay ahaa larartay ayaan la Ogayn meel loorartay, waxaana Jira warar sheegaya in Hubkaasi Gabi ahaanba Kooxda Shabab lagu wareejiyay oo laga Gatay. Sargaal katirsan Ciidankii ilaalada ka ahaa Kaydkii Hubka ee ugu badnaa kunayaalay Ville Somalia, oo ay waraysi layeesheen Ciidamada Nabad Sugida ee Muqdisho ayaa lasheegay inuu Iftiimiyay in Hubkan lagu raray loogana saaray Bakhaaradii uu ku Kaydsanaa Amar ugayimid Xarunta Madaxtooyada, ayna ku Lug lahaayeen Saraakiil Caana oo katirsan Madaxtooyada. Dhinaca kale waxaa Jira buuq aad u wayn iyo Sas Xoogle oo kataagan Xarunta Madaxtooyada kana dhashay Hubka Xalay larartay kaasi oo Su'aalo badan kadhasheen Madaxwayne Gurguurte iyo Saraakiil ka socota Ciidamada AMISOM ayaa lasheegay inay Duhurnimadii Maanta booqdeen Bakhaarada Hubka Xalay laga Gurtay, waxayna Shaki wayn ku abuurtay arintani Ciidamada AMISOM. Lama Oga Halka rasmi ahaan Hubkan loola kacay waxaa se Jira Tuhun dhab ah oo ku aadan in Hubkan laga Gaday Kooxda Xagjirka ah ee Shabab, oo Xidhiidh wanaagsan uu kala dhexeeyo Maamulka Xasan Gurguurte oo isagu hada ku Xisaabtamaya in Hub aad u badan uu uga yimaado Suuqyada Caalamka Maadaamo Cunaqabatayntii laga Qaaday. Warkan oo aanu kahelay ilo wargaleen ah kala soco
-
Exit Eritrea: How Could it all End for Isaias Afewerki?
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
More like the Brasil Portuguese and Portugal Portuguese , Eritrean historians claim that they were the founders of the Axumite Empire and also founded the Geez script. The 2 scripts the 2 main languages in Eritrea and Ethiopia is written in.And later introduced and exposed those scripts and Empire to the northern Ethiopians the same with Christianity I think there is a chance they share some ancestry but not all . But the hate thing can be similar though compared to sahal and HAG:D -
Somalia's Prime ministers spokesmen arrested in Somaliland berbera
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ They should just take different routes or stay in the plane. -
Hub si qarsoodi leh loogala baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia Posted by Galkacal on March 16 2013 20:10:41 Waxaa si xatooyo leh hub loogala baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo loo dhacay keydka hubka ee Dowladda Somaliya, oo yaala Villa Somalia. Extended News Waxaa si xatooyo leh hub loogala baxay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo loo dhacay keydka hubka ee Dowladda Somaliya, oo yaala Villa Somalia. Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa waxay fududeeyeen in habeenimadii xalay hub lagala baxo Madaxtooyada Somaliya, oo la wada ogsoon yahay in ammaankeedu uu adag yahay. Saraakiishaan ayaa waxaa la soo warinayaa inay hubkaan si xatooyo leh u amreyn in loogala baxo Villa Somalia, waxaana la tuhunsan yahay in Saraakiishaan ay dhamaantood yihiin Ilaalada Madaxtooyada. Madaxda Dowladda Soomaaliya oo dhacdadani ka muujiyay caro xoog leh, ayaa waxay amreyn in baaritaano deg deg ah arintani lagu sameeyo, lana soo xiro shakhsi walbaa oo lagu tuhmo. Ilaa iyo hada waxaa la soo qabtay oo xiran Sarkaal magaciisa lagu soo koobay C/Fataax, kaasoo si dhaw loola xiriirnaayo in uu qeyb ka ahaa, in hubkaan xalay lagala baxo Madaxtooyada Somaliya. Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, oo si kulul caro uga muujiyay markii dhacdadani lagu soo wargeliyay, ayaa wuxuu maanta uu kormeeray goobaha ay yeelaan keydka hubka ee Madaxtooyada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la filayaa in uu Saraakiil cusub uu u soo magacaabi doono Madaxtooyada, isagoo markaasi jawaab uga dhigaaya hubkii xalay lagala baxay. Ma cadda halka hubkaan lala aaday, sidoo kalana waxba lagama oga in loo gacan gelinaayo Ururka Al Shabaab iyo in kale, balse Al Shabaab ayaa waxay horey u shaacisay inay ka faa’iideysan doonto, hub kastaa oo la siiyo Dowladda. Si kastaba ha ahaatee dhacdadaan ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli dhawaan Golaha Ammaanka uu xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaaday muddo sanad ah.
-
Xaalad jahwareer oo ka taagan Villa Somalia iyo Sarkaal sare oo la xiray Published on March 17, 2013 Waxaa ay xaalad cakiran ka taagan tahay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Nawaaxigeeda, ka dib markii Habeenkii Jimcaha Keydka Hubka ee Madaxtooyada lagala Baxay hub aan cadadiisa la sheegin. Saraakiil ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen in Keydka Hubka lagala baxo Hub fara badan oo isugu jira rasaasta ka dhacda Hoobiyaha, kuwa AK47 iyo Qoryo fudud, iyadoona aan la ogeyn cida loo gacan geliyay. Madaxda sare ee Dowlada Soomaaliya ayaa caro xoogan ka muujiyay Arrintaan iyadoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saqdii dhexe ee Habeenka Jimcaha Booqday Xarunta Keydka Hubka uu Amar ku bixiyay in la xero cid kasta oo ku lug yeelata Arrinta la bixitaanka Hubka. illaa iyo hada sida la og yahay waxaa la xeray 1 sarkaal oo ka mid ah Madaxda Ilaalada Madaxtooyada, kaasi oo la sheegay in uu ku lug yeeshay fududeynta in Hub lagala baxo Keydka Hubka Madaxtooyada. Waxaa weli socota Baaritaan ku aadan Saraakiisha ku lugta leh Arrintaan, iyo Cida loo gacan geliyay Hubka, wallow wararka qaar ay sheegayaan in Hubkaan uu ahaa mid laga iibiyay ganacsato ka macaashta Hubka. ilo Madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in aysan aheyn Markii ugu horeesay oo Hub lagala baxo Keydka Hubka ee Dowlada Soomaaliya, balse xilligaan ay tahay Markii ugu horeesay oo ay dowlada ka war hesho in Hub lagala baxay Keydka. Talaabadaan hubka lagala baxay Keydka Hubka ee Madaxtooyada ayaa waxa ay kusoo beegmeysa xilli dhawaan Cuna qabateynta Hubka muddo 1 sano ah laga qaaday dalka Soomaaliya, iyadoona xilligii la qaadayay Cuna qabateynta Hubka digniino laga bixinayay in hubka gala Soomaaliya uusan u gacan gelin gacmo ka madax banaan Dowlada. Ma jirto War kasoo baxay Dhinaca Dowlada iyadoona Madaxda sare ee Dowlada iyo Saraakiisha Ciidan ay taxadir ka muujinayaan in Warkaan uu shaaca, bacdamaa Dowlada ay xilligaan ku fooraarto Indhaha Caalamka.