Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Its the old generation politicians like Buuba dheeg and general Maxammad qaalib who have that feeling and that strong attachment to Somalia, but the new generation is not like that and want their fair share with in the SL political atmospherics. its funny the opinion Koonfurians have of sanddwellers is that its the most laandhere clan in Somaliland, well ofcource once upon a time they all kissed the ring. Wadani the sandwellers are by nature expansionist its rooted in their history. Ceelka Bulaale is the dhagaxbuur district, as for taking part of conferences the Likes of Suldaan Maxammad have no credibility, he is not like his predecessors,problem with Suldaan Maxamamd sometimes tries to act like Suldaan Somaliyeed. And ofcourse the most well known outspoken Politician in Somaliland is Faisal ali waraabe, i think if jamaals becomes President he will be the Ayatollah behind Jamaal the glory will come back the sandwellers just need to connect dots. Its also because Somaliland domestic politics stinks the sandwellers dont like that, they are used to be the leaders and the other clans want to take bigger shares and thats one of the problems.
  2. Che -Guevara;929088 wrote: Any future Somali State should encourage immigration and promote multiculturalism. A nation as small as the Somalis will be washed away if they promote Multiculturalism shaw che shabaabta wuxu ku tageera pakistanta iyo afganistanta iyo qolyahaas oo dhan bay ku so dabaalayaan Somalia:D
  3. Wadani its because the sand dwellers were the kings of Somaliland for centuries other Somaliland clans despised their hegemony over Somalilanders. But the sandwellers are not shisheeye kalkaal ma nimanka ceelka bulaale geelooda ka dul waraabiyey. Sultan diiriye was the best Somaliland king who lived in the 19 century a giant among men the sanddwellers just need a man like Sultan diiriye in the 21 century to become President of Somaliland and lead the nation into glory in the line of Sultan Diiriye Sultan Nur dhagocun and the legendary xuseen xassan. The clan just needs to find its self back the Sultans of Somaliland were the one who expanded the territory in deep inside Ethiopia. Muxu yidhi Xuseen xassan taladu wa dhaxal awoow.
  4. Wadani we cant know for sure how Koonfurians deal with this issue but in Somaliland you are a Somalilander if you are descendant of a person from Somaliland paternally. Hadi kale ilma Tyrese ba ina sheegaan doona.
  5. I think there is some truth in it they talked , whether they will attend eventually is another issue. But the the elders have been invited.
  6. Shirka Khaatumo -3 Oo Dunbuluq Looga Gogol Xaadhayo! Warar aan la shaacin ayaa sheegaya in Isimo, aan tiradooda la sheegin, oo ka oo kasoo jeeda beesha sool ay wada hadal telefoon ah la yeesheen Isimo ka tirsan maamulka Somaalidiidka. Wada hadalkaas oo ku saabsanaa in dib loo qoro distoorka dawladda federbaaraalka ah, laguna bedelo laba gobol oo isu tegey oo ah waqooyi iyo koonfur ( BritishSomaliland and Somali Italian).Kulankaa waxaa isimadda ka codsaday mulkiilayaasha mashruuca Khaatumo. Wararku waxay intaas ku darayaan in Isimada Khaatumo kula taliyeen Isimada Soomaali-diidka, ee la soo xidhiidhay, in wada hadalada laga dhigo heer Maamul, taas oo ah sababta xadhkaha loo xidhayo, oo ah in mulkiilayaasha mashruuca Khaatumo u muuqdaan inay yihiin codka keliya ee matala, una hadli kara beesha SSC. Wararku waxay intaa raacinayaan in Khatumo iyo Xagla-toosiye ka dhex aloosan yahay tartan loogu jiro jagadda Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaali-diidka. Ila-wareedyada ayaa ka gaabsaday in ay magacaabaan Isimida Khaatumo ee wada hadalaas ka qayb galay ee taageerada siyaasadeed u huraya mulkiilayaasha mashruuca Khaatumo. Waxaa haddaba isweydiin leh, goorta mulkiilayaasha Khaatumo loo wakiishay in ay burburiyaan madax-banaanida shacabka degaanka ku nool, iyo sida ay u indhaha uga lalinayaan dhulka ilaa maanta gacanta ugu jira Somalidiidka ay heshiiska iyo madaxnimada ka rabaan. Dhiigii geesiyada u geeriyooday degaankooda, oo aan weli qalalin miyaa durba la bilaabay in la duudsiyo, lagana dhigo geeri-iyo-mag-la’aan. Mar kasta waxaa bulshada SSC loola dhaqmaya sidii dareen laawe yaal, laga dhigto sallaan loo fuulo, damac siyaasi ah oo gaar ah. Midayn iyo Xorrayntii waxay u egtahay in la isu keenayo Waqooyiga lana midaynayo waxa loogu yeedho Soomaaliland. Editor, Taleex media
  7. if your father is Somali your Somali even if your mother bengali it doesn't matter
  8. How can you give half breed a citizenship, that isn't right, he is not Somali , Somali society is a paternal society just because your mother is a Somali doesn't make you one.
  9. Kuwan aqoonyahan uma eeka wa qolyo mafrshiyada xamar laga so ururiye waxanise dood mahr eh wa dad isku nacamleynaya
  10. He was the spiritual leader of usc hows that bad he was sheikh al balad of marka and governor of marka he was working with the jva admin which was not a bad thing to do he later supported the courts.But than later joined xisbal islam because he thought they could be a bridge between the shabaab and the government. He later joined the government how is that bad. The sheikh is not a m00ryaan
  11. Doc but this xabash doesn't care he hates reer somali galbeed for being somali, oke at least do not include the ethnic somalilanders and ethnic djboutians in the bajuuuni category
  12. The sheikh is not a flipflopper he goes with the time just because he has a significant cv doesn't mean he is a flipflopper yes he was a memeber of xisbal xasuuq but he just made an alliance with the former courts leader sh sharif thats not a bad deal. Leave sheikh indhocade al markaawi alone.
  13. DOC i dont think he is a Somali from Somali galbeed edit that saaxib, this guy is a Xabash a true Tigrean. He even used to make topics about being pro Somaliland how Somaliland is better than eritrea. This guy is a xabash
  14. Oba Muse cali faruur ba beri yidhi Madaxweyne ay cayaan dad gaari ah wa Madaxweyne wax kale lugu diiday
  15. Oba if certain corners are unhappy with a leader from Mogadishu in this case the President of Somalia Mr Hassan culusow than he must be doing a good job:D
  16. Oba read this http://www.allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/1975-13-safiir-oo-usc-iyo-snm-ah-oo-la-magcaabay
  17. Somali government http://allidamaale.com/Federal.Government.pdf?_cache=1363711319
  18. Hassan culusow walahi nin laga qeyliyey weye:D
  19. Dabrow;928808 wrote: The delegate allocation is a problem and its not in the interest of gedo folks. Until a more balanced and fair allocation takes form then gedo folks should back governer Kalil. I told Xiinfaniin that i said the biggest players like the Governor kaliil and other gedo heavyweight politicians are not on board including the Prime Minister. He simply ignored it this conference is still not all inclusive and will remain unconstitutional and that's what the Mogadishu goverment will say in the next coming days.
  20. i wonder though Sahal organization do they have an office in Puntland?
  21. Dadku markay jawaab wayaan bay xaajiga ku mashquulaan:D
  22. He went to Somalia and said he is an elder of SL and that of his sub clan and clan and that he represents his clan, thats why he was locked up not because of his opinion. General jamac maxamamad qaalib and Kaluun frequently visit Somaliland never do they say they represent Somaliland or their clan but they are allowed to tell their opinion thats the difference. This is nothing new he was locked up in 2001 to after the carta conference.
  23. Bayan muhiim ah oo kasoo baxay ururka Sahal‏. Ururka Sahal ka dib markuu si qoto dheer qiimayn ugu sameeyay xaaladda maanta uu maraayo wadanka Soomaaliya iyo toosh ku iftiiminta arimaha syaasadeed ee ay ku socdaan qaar ka mid ah madaxda dawlada Fadaraaliga ah. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah inaan halkaan umadda Soomaaliyeed ugu iftiimino qodobada soo socda: 1. Qaadiska cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya Ururka Sahal waxuu aad uga walwelsan yahay qaadista cunaqabataynta hubka ee dhowaan laga qaaday waayo hubkii dhowaan lagala baxay bakhaarada hubka Villa Soomaaliya waxay sawir cad ka bixinaysaa in ciidamada Muqdisho jooga aan lagu aamini karin hub ka dhaxeeya qaran Soomaaliyeed. Sababaha aan xiligan dawlada hub lagu aamini karin waxaa ka mid ah: a) In aysan gaarin xiligii laga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka; b) In aysan lahayn ciidan Dowladeed, balse ay haystaan oo kaliya ciidan beleedyo si toos ah iyo si dadbanba u hostaga qabaa’ilo gaar ah oo ku nool Mogadishu; c) In magaalada Muqdisho laga dhigo magaalo u dhaxaysa dhammaan beelaha Soomaaliyeed isla markaasna la soo celiyo hantidii iyo guryihii xoogga lagu qabsaday 1991. Hase yeeshee, waxaan soo dhaweyneynaa in la dhiso ciidan qaran oo isu dheeli tiran, balse waxaan ka digeynaa in lagu khaldamo riwaayada dhalanteedka ee maalmahaan lagu soo qoray warbaahinta taasoo sheegeysa in la jabsaday bakhaaradii madaxtooyada oo la xaday qaar ka mid ah hubkii halkaas yaalay. Waxaan xog ku helnay in qaar ka mid ah hubkaas in si gaar ah beesha madaxweynaha loogu qeybiyay taas oo loogu diyaar garoobayo hurin colaad sokeeye. Sidoo kale, in kastoo madaxweynaha ay u hirgashay inuu ku qanciyo dawladaha caalamka in si loo dhiso ciidan qaran in loo baahan yahay in la qaado cunaqabataynta hubka. Waxaan uga digeynaa beesha caalamka iyo AMISOM in hubka soo socda aanu galin gacan si khaldan ugu takrifasha isla markaasna si cadaalad ah loogu wareejiyo ka dib marka la sameeyo ciidamo qaran oo Soomaali u wada dhan tahay. 2. Ku xadgudubka shaqada Ras'iisal wasaaraha DFS Barlamaanka iyo dowlada Soomaliyeed waxaa lagu qeybsaday (4.5) taasi oo ah awood qeybsi ku meel gaar ah. Haddaba waxaa jirta cadaadis iyo barobaganada siyaasadeed oo si is-dabajoog ah uga soo baxeaysa xafiiska madaxwaynaha taasoo la sheegay in ka hor shirka London inuu madaxwaynuhu damacsan yahay inuu badalo Raiisul Wasaaraha Cabdi farah Shirdoon (Saacid) isla markaasna uu madaxwaynuhu rabo inuu shaqadaas u magacaabo qof kasoo jeeda gobolada Somaliland. Hadaan nahay ururka Sahal, arintaas si adag ayaan uga soo horjeednaa waxana ka digaynaa inay arintani noqoto bilowga khalkhal siyaasadeed oo soo wajaha wadanka Soomaaliya. Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo madaxyanaha aan la socodsiinaynaa in jagada Raiisul wasaare Saacid kursiga ku fadhiyo kalsooni iyo cod buuxa uu kaga heysto beeshiisa iyo guud umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale booqashooyinkii dhowaan Ras'iisal Wasaare Saacid ku kala bixiyey qaar ka mid ah gobolada dalka, waxay muujinaysaa inuu Ras'iisal Wasaare Saacid uu bulsha da Soomaaliyeed ku dhex leeyahay taageero bulsho, dhaqan iyo mid siyaasadeed intaba. 3. Ka hortagis in siyaada Soomaaliya loo qaybiyo waqooyi iyo koonfur Ururka Sahal waxuu ka digayaa qorshaha cusub ee ay wadaan madaxwayne Xasan Shiikh iyo xulufadiisa kuwaasoo raba in Soomaaliya loo qaybiyo qaab labo dawlad maamuleed (Confederation) taasoo wax loogu qaybsanaayo koonfur iyo waqooyi. Waxaan madaxda dawlada la socodsiinaynaa in qorshahan uusan macquul iyo cadaalad ahayn waayo ummada Soomaaliyeed qabiil ayey isku dagaashay, waana in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed loo qabtaa dib u heshiisiin iyo hanti isu celin rismi ah. Suuragal ma ahan in dawlad la sheegto isla markaasna 85% hantidii ummadda Soomaaliyeed ay beel ku haysato magaalada Muqdisho. 4. Boobka iyo ku takrifalka hantida qaranka Waxaa maalmahan magaalada Muqdishu ka socday lagu hayey hantida maguurtada ah ee qaranka Soomaaliyeed. Sidaan ku hayno ilo lagu kalsoon yahay madaxweynaha iyo kaaliyaashiisa haamihii lagu kaydin jiray shidaalka waxay ku wareejiyeen ganacsato iyagoo qandaraas 50 sano ah ku qaatay isticmaalista haamaha shidaalka. Sidoo kale waxaa dakadii magaalada Muqdisho lagu wareejiyey shirkad laga leeyahay wadanka Iraan. Waxaa sidoo kale xusid mudan in garoonka diyaaradaha Muqdisho mar hore lagu wareejiyey shirkad la dhaho SKA, mana muuqato meel lagu bixiyo dhaqaalaha laga helo hantida kor ku xusan. Waxaa muhiim ah inaan ummadda Soomaaliyeed lala socodsiiyo in heshiisyada lala galay shirkadaha kor ku xusan aan la soo marin golaha wasiirada iyo Baarlaamka Dawlada Fadaraaliga ah, waxaana tilaabooyinkan u aragnaa boob hanti qaran iyo ku xad gudub shuruucda wadanka u taala. 5. Soo dhowaynta booqashooyiinka Ras'iisal Wasaare Saacid ee gobolada dhexe Waxaan soo dhaweyneynaa socdaalkii uu dhowaan Ras'aiisul Wasaare kusoo maray gobolka Galguduud, iyo maamulka Xubin iyo Xeeb. Waxaan aamin sanahay in dhibaatada Soomaaliya kasoo bilaabantay gobolada dhexe. Sidaas daraadeed maamul usameynta Galguduud waa talaabo loo qaaday xaga soo celinta nidaamka dowladeed iyo kala dambeynta. Sidoo kale waan soo dhowaynaynaa wada hadalka dawladu la gashay maamulka Galmudug waa tilaabo muhiim ah hore loogu qaaday taageerista iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Ugu danbayntii, waxaan soo dhowayneynaa socdaalkii uu Ra'iisul wasaarahe Cabdi Faarax Shirdoon ku tagay Garowe iyo Galkacyo iyo heshiiska dawlada fadaraaliga ahi la soo gashay dawlad Goboleedka Puntland. Waxaanu bogaadineynaa in la fuliyo heshiiskaasi isla markaasna uusan noqon sidii heshiisyadii ee Puntland hore ula gashay dawladii ku meel gaarka ahayd ee madaxwayne Shiikh Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid. 6. Soo celinta hantida ummadda Soomaaliyeed looga haysto magaalada Muqdishu Ururka Sahal waxuu dawlada fadaraaliga ah ugu baaqayaa inay si deg deg ah tilaabo uga qaado hantida shacabka iyo mida dawladeed ee beesha madaxwaynuhu xaq darro ugu haysato ilaa 1991. Waxaan soo dhowaynaa hadalkii dhowaan Ra'iisal Wasaare Saacid ku sheegay in la samayn doono gudi qaabilsan hanti isu celinta umadda Soomaaliya waxaana soo jeedinaynaa in arintan si deg deg ah loo dhaqangeliyo. 7. Talobixin ku socota madaxwaynaha iyo madaxda dawlada Fadaraaliga ah ee Soomaaliya Mudane madaxweyne isku day in aad soo dhaweyso gobolada iyagu doonayaa in maamulkooda sameystaan, sidoo kale kuwa u baahan in la garab galona isku day in aad hiil iyo hooba la garab istaagto. Sidoo kale, madaxwaynaha, Ras'iisal Wasaaradaha dawlada DFS iyo Baarlamaanka dawlada fadaraalka ah waxaa looga fadhiyaa inay ilaaliyaan kuna dhaqmaan dastuurka Federaalka, in si cadaalad ah dalka ugu qaybiso taageerada barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta wadanka horumarinta dhaqaale oo wadamada caalamku Soomaaliya ku siiyaan magaca dalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxda dawlada intii ay isku mashquulin lahaayeen arimaha gobolada Jubbooyinka, waxaa looga fadhiyaa inay culayska saaraan fulinta barnaamijyada tixgelinta 1aad u baahan ee ka ku xusan dastuurka kuwaasoo kala ah:- 1. taageerista dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaaya Fedeeralka Soomaaliya, 2. taageertista dib u heshiisiin heer Qaran ah, 3. In la dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah maamul goboleedyada xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo, 4. in la dhiso ciidamo qaran kuwaasoo laga soo aruuriyo dhammaan beelaha Soomaaliya ka kooban tahay. Wa billaahi towfiiq Warsaxaafadeedkan waxaa soo saaray ururka Sahal Organisation, London
  24. The legitimate goverment of Somalia guarded by 19.000 African union troops. But i do agree there is no cold war between SL govt and Hasan culusow well atleast not now.
  25. NGONGE;928606 wrote: This story is probably a fake. However, the cold war between SL & Somalia has already started and I expect to see lots of similar stories in the news in the days to come (some true and many fake). So much for Hassan Sheikh's "no diplomatic pressure" pledge. Never trust the Koonfurians who smile all the time and those who sweet talk