-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Agreed to continue the talks between Somalia and Somaliland Agreed to have security cooperation between the 2 sides Agreed to honer the previous agreements signed by the former goverment of Somalia and SL govt. Agreed to have another meeting in 90 days in Turkey istanbul Agreed that the international community should continue to facilitate the talks between the 2 sides Agreed to share the external aid between Somalia and Somaliland Agreed to avoid inflammatory language between the sides
-
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo Heshiis Iskaashi ku kala saxiixday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saacado qaatay oo ay maanta ku yeesheen halkaas. Heshiiskan oo ka kooban toddoba qodob ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya iyo Somaliland ay wadaagaan deeqaha dibadda laga helo iyo inay kawada shaqeeyaan ammaanka labada deegaan ee ay ka kala taliyaan. Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxay kala ahaayeen: In lasii wado wadahadallada u dhexeeya labada dhinac In qodobbadii kasoo baxya shirarkii London iyo Dubai ee horay logu heshiiyay la dhowro In beesha calaamku ay ka taageerto dhinaca farsamada wadhadallada sii soconaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland In si wadajir ay dhinacyadu ay uga shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo tababarrada In labada dhinac ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Soomaaliya hesho In saddex bilood gudahood lagu qabto dalka Turkiga shir kale oo lagu dhameystirayo qodobbadii intii uu shirkan socday la isku af-garan waayay In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara qodobbadan lagu heshiiyay iyo sii socoshada wadahadallada Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada dalka Turkiga ayaa waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiisay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo dhinac Somaliland uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Cabdullaahi Cumar. Intii uu shirku socday ayaa waxaa labada dhinac ay isku mari waayeen dhowr qodob, kuwaasoo aan la shaacin, waxaase warar hoos ay sheegayaan in qodobbadaas ay ka mid ahaayeen midnimada Soomaaliya oo ay Somaliland kasoo horjeesatay.
-
Goldogob Clan of the jubbas reject jubbaland
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
So far we had the camel lovers the sheikhs and now goldogob and a faction of the gedo community all opposed to the conference. -
" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Dadweynaha Hargeysa siday u Arkeen wada hadalada Somaliland & Soomaaliya uga furmay Ankara? April 13th, 2013 Hargeysa (Somaliland.Org)- Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay si weyn ugu dheg taagayay natiijada ka soo bixi doonta wada hadalada maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga furmay madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya. Shacbigu waxay goobaha bar-kulanka ku lafo-gurayeen waxyaabaha ka soo bixi kara shirkan Turkigu gogoshiisa dhigay ee ay isku soo horfadhiisteen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo dhigiisa Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud. Dadweynuhu waxay shalay iyo maantaba si joogto ah dhegaha u hayeen idaacadaha iyo telefishanada, iyadoo qof kastaaba danaynayay inuu noqda dadka ugu hor maqla midhaha kulankan. “Waanu ku kalsoon nahay Madaxweynahayaga aanu dooranay iyo gudida heerka qaran ah ee loo xulay shirkan, waxaan qabaa in Madaxweynaha iyo shacbigaba uu wada hadalkani u yahay guul maadaama oo qadiyada Somaliland la gole geeyay fagaare kale oo caalamku indhaha ku hayo,”ayay tidhi Aniisa Yuusuf oo ka mid ah dadweynaha caasimadda oo goob dukaan ku haysata suuqa faras magaalaha Hargeysa oo dooda shirkan la wadaagaysay dadweyne ku odorasayay meheradeeda meel aan sidaasi uga sii fogayn. Ibraahim Axmed Yuusuf oo ii sheegay inuu madaxa la galay da’da lixdameeyada ayaa ku dooday in weftiga Madaxweynuhu haystaan garnaq caalamku u soo joogsan karo oo ay la fadhiistaan miiska wada hadalka, taasi oo ay ka mid tahay in caalamku aanu ku talinaynin la soo nooleeyo dal dhintay 22 sanadood ka hor. Waxa oday Ibraahim Axmed uu doodiisa sabab uga dhigayay in xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland iyo sharci la’aanta ku baahday Soomaaliya ay bohol dheer ku sii riday rajadii laga qabay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya. “Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waa hayin ruug-cadaa ah oo ka dubaalad dheer xaga dublamaasiyada Xasan Sh. Maxamuud-ka Soomaaliya oo ah nin wejigiisu ku cusub yahay masraxa siyaasadda. “Waxaan qabaa dood iyo gar-ba in weftiga Somaliland aan si laga guulaysan Karin isla markaana ay yihiin wefti u qalma inay difaacaan oo iib geeyaan qaranimadda Somaliland,”ayuu yidhi Sidiiq Cigge oo ah nin dhalinyaro ah oo ka mid ah da’yartii ku kacaantay 22-kii sanadood ee Somaliland qaranimadeeda ay kala soo noqotay Soomaaliya. Sidiiq yare waxa uu intaasi ku ladhay “Soomaaliya laabta ha ka jarto Somaliland way ka tashatay booraantii abeesadu ku qaniintay.” Waxa dadweynuhu ay qabeen in marka la isku miisaamo labada wefti ka Somaliland ka muuqato heer qaranimo, maadaama oo ay xubno ka yihiin Xukuumaddii, Axsaabtii siyaasada, Goleyaashii sharci dejinta ee wakiilada ka ahaa bulshada. Halka Soomaaliyana aanay lahayn-ba axsaab siyaasadeed iyo Baarlamaan iyo madaxweyne dadweynuhu soo doorteen midnaba. Waxa dadka intooda badani ay aaminsanaayeen in wada hadaladu ay burburi karaan haddii weftiga Somaliland gogosha wada hadalka soo dhigaan riyada laabta ugu jirta ee dib u soo celinta midowgii Soomaaliya.
-
DHAGEYSO COD: Madaxweyne Xasan Culusoow oo Taageeray Maamul-Goboleed 6 Gobol ah ee laga wada Baydhabo Odayaasha dhaqanka bay iyo bakool ayaa sheegay inay ku jiraan qabanqaabada shir la rabo in lagu dhiso Maamul goboleed loogu magac daray Koonfur-Galbeed Soomaaliya. AFhayeenka odayaasha Dhaqanka ee bay iyo bakool Malaaq Yacquub Deerow ayaa caddeeyey inay arrinkan kuwada socdaan Madaxweyne Culusoow iyo Guddoomiye Jawaari warqadna ay ka wataan labadoodaba ogolaansho ka haystaan maamulka 6 Gobol ee Koonfur Galbeed. Wuxuu Malaaqa sheegay in Garbaharrey aan suurubi karin in laga xukumo magaalada Kismaayo, isagoo uu Malaaqu ku sababeeyay in Garbaharrey ay u dhow dahay Baydhabo oo ay haboon tahay in Baydhabo laga xukumo. Malaaq Deeroow ayaa sheegay iminka inay soconayso qaban qaabada Shirka wuxuna xusay wajiga koowaad ee shirkaasi inuu bilaaban dono 20 Bishan April ee aynu ku jirno. Arrintaan ayaa imaanayso iyadoo la wado in dhowaan la yagleelo maamulka Jubbaland State ee sida aadka uu uga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Gurguurte iyo Xukuumaddisa . http://puntlandi.com/dhageyso-cod-madaxweyne-xasan-culusoow-oo-taageeray-maamul-goboleed-6-gobol-ah-ee-laga-wada-baydhabo/
-
Ethiopian Liyuu Boolis kill famous doctor in Cabuudwaaq, Galgadud
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
AUN -
-
Turkish foreign minister meets presidents of Somali and Somaliland. ANKARA Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoglu met with Somali President Hassan Sheikh Mohamud and President of the autonomous region of Somaliland Ahmed Mahamoud Silanyo in the second round of talks mediated by Turkey in capital Ankara. Davutoglu gathered with Somali President Mohamud before the two joined Somaliland President Silanyo in a trilateral meeting, which was held behind closed doors. Turkish diplomatic sources close to the meeting have said talks -- the first at the presidential level -- were aimed at devising dialogue channels and keeping them open to work out problems between Somalia and the autonomous region of Somaliland. The two presidents were also scheduled to meet with their Turkish counterpart Abdullah Gul as well as with Prime Minister Recep Tayyip Erdogan. Somaliland, a former British colony, declared in 1991 independence from the Federal Republic of Somalia proclaiming the Somaliland Republic, which has been internationally unrecognised since then. The autonomous region seeks recognition as a separate country, a demand rejected by Somalia which wants the northern region to be a part of a single Somali state. Writing by Mert Bezgin
-
-
Somaliland FM calls for more cooperation with Somalia ahead of tripartite Ankara talks Featured Somalia’s autonomous Somaliland region Foreign Minister Dr. Mohamed Omar has voiced optimism ahead of proximity talks between Somaliland and Somalia that is set to be hosted by Turkey on Saturday, calling for increased cooperation on the issues of security and the fight against terrorism between the two governments. “First of all, I hope the two sides will express their commitment to the continuation of the talks,” Omar voiced his expectation from the talks during an exclusive interview with Today’s Zaman on Friday, as he underlined the significance of meeting with the newly elected government of Somalia formally for the first time since September’s elections. Somaliland unilaterally declared its independence as a de facto sovereign state in 1991 after a coalition of clan-based armed opposition groups ousted the nation's long-standing military government. The area is internationally recognized as an autonomous region of Somalia. Omar also said the two governments were expected to take some further steps towards resolving some of the conflicts and issues that have been the main difference between the two sides. “I hope that the two sides [somaliland and Somalia governments] will not stand on the way of each one’s development plans and security and the two governments will cooperate more actively on the issues of mutual interest. I also expect the two sides to decide on tangible and practical cooperation on the ground which will allow both sides to fight much more effectively against terrorism and people who are going to harm regional security,” added Omar as he said solving security problem could be one way to come out of the disagreements between the two sides. A statement the Turkish Foreign Ministry released on Friday said Somali President Hassan Sheikh Mahmoud and Somaliland President Ahmed Silanyo were due to visit Turkey on Saturday. The statement added that Turkey will continue to lend its support to finding a peaceful solution to the problems between Somalia and Somaliland through dialogue. Turkey might be best place to bring leaders of Somaliland and Somalia closer' The Somaliland foreign minister said he was hopeful about Turkey’s part in the talks, adding that the Turkish government could play a crucial in improving relations between Somaliland and Somalia due to Turkey’s historical link with the people of Somaliland. “I think that it will also be very helpful due to the fact that Turkey is a very neutral country supporting both the people Somaliland and Somalia in their own development. Therefore, Turkey might be the best place in terms of bringing the two sides closer and helping the two sides to solve their differences,” added Omar. Silanyo visited Turkey in mid-March to have talks with Turkish officials, including Davutoğlu, who pledged to increase aid efforts to Somaliland. During his visit, Silanyo was also scheduled to meet with Erdoğan; however, the meeting had to be canceled due to Erdoğan's poor health. During the talks, Davutoğlu also pledged to continue his support for the reconciliation, stability, prosperity and development of Somalia, according to a diplomat who spoke to Today’s Zaman on the condition of anonymity. The Turkish foreign minister also emphasized Turkey's commitment to the integrity of Somalia, said the diplomat. Commenting on the development between Turkish and Somaliland ties following Silanyo’s visit last month, he said the president’s visit brought along high ranking visits from Turkey to Somaliland since then. “One of top leaders of Turkish International Cooperation and Development Agency (TİKA) has recently paid a visit to Somaliland with huge assistance. There are also plans on the ground for a number of other development opportunities in Somaliland in cooperation with the Turkish government,” he added. Turkish Foreign Ministry office to be opened in Somaliland Omar also announced that the Turkish foreign ministry officials and officials from Somaliland were working on opening an office of Turkish Foreign Ministry in the autonomous region’s capital city Hargeisa. He added that he expected the office to be opened in the upcoming months. “A key element [to improve bilateral relations] is to have a clear point of contact between Turkey and Somaliland,” said Omar underlining the importance of the Turkish office and added,” Once there is a Turkish office in Somaliland and a Somaliland’s office in Turkey, those two offices will help the coordination of the bilateral relations in the areas of economy, development and investment. The Somaliland foreign minister also stated that a Turkish Airline from İstanbul to Hargeisa was expected to be launched once the Hargeisa airport is completed in June. He said Istanbul-Hargeisa flight has the potential to take relations to a different stage. 'Security of Somaliland allows Turkish investors to come and invest in' “Somaliland has rich natural resources, including natural gas, petroleum and minerals as well. It is a key area where we are looking for Turkish investors. We also have huge potential in fishing industry and that is another area we are looking for Turkish investors,” noted Omar. He added that currently Turkish companies were exploring petroleum in the areas, yet investors to fishing industry were also expected from Turkey. Omar added that Somaliland has huge fishing deposits in its seas which are underutilized. “I think that a key area where Turkish investors and Turkish technology can help us explore those resources and export them to international markets,” he added. When asked about the situation of security in the area, Omar said Somaliland has been secure and stable for quite a long time. Noting that there are a high numbers of international companies in Somaliland now, Omar said the security of Somaliland allows for Turkish investors to come in and invest in. Todayszaman
-
Presidents of Somalia, breakaway Somaliland hold talks in Turkey ANKARA, Turkey - Turkey has hosted direct talks between the presidents of Somalia and the breakaway Somaliland region to encourage dialogue between the two. No statement was released after Saturday's meeting between Somalia's Hassan Sheik Mohamud and Ahmed Silanyo of Somaliland. Somalia wants Somaliland to be part a united country. But the territory, which declared independence from Somalia in 1991 and has been a haven of relative peace amid the chaos and bloodshed in the country's south, is seeking international recognition. The international community is urging the sides to find a negotiated solution. Silanyo's office has said the talks would focus on co-operation, including the fight against terrorism and piracy. Turkey, which hosted the meeting, has been providing emergency relief and development aid to Somalia and enjoys close ties to both sides.
-
-
Somalia, Somaliland Presidents in Turkey for Proximity Talks Saturday, 13 April 2013 13:49 President Silanyo © is received by Turkish officials upon arrival in Ankara for the talksBy: Yusuf M Hasan Somalilandsun - The presidents of Somalia and Somaliland are in Turkey at the invitation of Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoglu for talks to mitigate problems the two sides are facing. The two presidents are currently in the resumed talks between the two countries being moderated by Turkish officials led by the foreign minister Davutoglu while it is anticipated that President Abdullah Gül and Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan. A statement the Turkish Foreign Ministry released on Friday said Somali President Hassan Sheikh Mahmoud and Somaliland President Ahmed Silanyo will meet in Ankara on Saturday. The statement noted that Turkey will continue to lend its support to finding a peaceful solution to the problems between Somalia and Somaliland through dialogue. During a meeting by the two countries talk's preparatory committee the Somaliland delegation headed by foreign minister presented its position paper that will be basis for the agenda.
-
-
Wadahadalka u dhexeeya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo ka socda Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Kulan ay dhexdhexaadiye ka tahay dowladda Turkiga oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’uud iyo madaxweynaha Somailland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka furmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga. Shirkan oo ka socda xafiiska wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Ahmed Davutogle, waxanaa madaxweyne ay oo ay hareerahooda fadhiyeen xubno ka tirsan xukuumadahooda ay muujiyeen niyad wanaag iyo inay guul ka gaari karaan wadahadallada. Wadahadlaladan ayaa waxaa lagu wadaa inay labada dhinac kusii amba-qaadaan kulammadii horay u billowday, inkastoo ay labada dhinac mowqifyo kala fog kala taagan yihiin, gaar ahaan gooshashada Somaliland ay horay ugu dhawaaqday. Madaxweynayaasha ayaa waxaa lagu wadaa inay marka ay kulankooda soo gabgabeeyaan ay siyaabo kala duwan ula kulmaan madaxda dalka Turkiga sida madaxweynaha iyo ra’iisul waasaraha dalkaas. Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay meesha ka saarto kala fikir duwanaashaha u dhexeysa madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo tani ay qayb ka tahay dadaallo ay caalamka oo dhan ku doonayaan in la soo celiyo midnimadii Soomaaliya. Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ka ah guddoomiyeyaasha murcaaradka xisbiyada Somaliland, iyadoo la sheegayo in labada dhinac ay aad isugu soo dhawaadeeen, laguna wado in galabta lagas oo saaro qodobbo muhiim ah oo ay labada dhianc isku af-garteen. Kulankan ayaa wuxuu gabo-gabo u yahay kulammo ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay lahaayeen wasiirro iyo xubno ka socday dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo laga soo saaray qodobbo ay labada madaxweyne kawada hadlayaan maanta. Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.
-
Somaliland: midnimo diyaar uma nihin 13 Abriil, 2013, 11:26 GMT 14:26 SGA Shirka Soomaaliya iyo Somaliland ay ku leeyihiin Ankara. Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa BBC u sheegay in Somaliland aysan diyaar u hayn inay ka hadasho midnimo, shir ay Soomaaliya iyo Somaliland ku leeyihiin Ankara. Somaliland iyo Somaaliya ayaa kawada hadlaaya sidii labada dhinac ay u gaari lahaayeen xal siyaasadeed. Dowladda Turkiga ayaa ku martiqaaday labada wafi kulankan. Dowlada Soomaaliya waxa ay sheegtay in la gaaray waqtigii laga hadlayay midnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo laga halayaa burcad baddeeda, iyo ammaanka.
-
Turkish FM meets holds talks with Somalia, Somaliland presidents Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoğlu shakes hands with Somali President Hassan Sheikh Mahmoud before holding a meeting on April 13, 2013. (Photo: Cihan, Yasin Kılıç) RELATED NEWS Somaliland FM calls for more cooperation with Somalia ahead of tripartite Ankara talks 13 April 2013 /TODAYSZAMAN.COM, İSTANBUL Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoğlu met with leaders of Somalia and Somalia's autonomous Somaliland region on Saturday in the Turkish capital for talks to mitigate problems the two sides are facing. Davutoğlu came together with Somali President Hassan Sheikh Mahmoud and Somaliland President Ahmed Silanyo at the Ankara Palas. Mahmoud and Silanyo were also expected to have talks with Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan and Turkish President Abdullah Gül after meeting with Davutoğlu. Somaliland unilaterally declared its independence as a de facto sovereign state in 1991 after a coalition of clan-based armed opposition groups ousted the nation's long-standing military government. The area is internationally recognized as an autonomous region of Somalia. During his first diplomatic visit to Turkey in late December after taking office, Mohamud expressed his gratitude to the Turkish government and the nation for their support and aid and for instilling hope in Somalis. Mohamud, Somalia's president since last September, was invited to Turkey by his counterpart, President Abdullah Gül. Silanyo also visited Turkey in mid-March to have talks with Turkish officials, including Davutoğlu, who pledged to increase aid efforts to Somaliland. During his visit, Silanyo was also scheduled to meet with Erdoğan; however, the meeting had to be canceled due to Erdoğan's poor health.
-
Wararkii U Dambeeyay Ee Wada Hadalka Turkiga Ka Socda, Qodobada Ay Somaliland Soo Bandhigtay Iyo Kuwa Ay Somaliya Madasha Keentay. Hargeysa(Ramaas) Apr.13, 2013 - Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo khamiistii ka furmay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, ayaa la filayaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada Ankara ee isla wadankaas. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay fiidkii gaadhay magaalada Ankara, waxaanay kulan yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Labada Madaxweyne, waxa la filayaa inay wada saxeexaan war-murtiyeed ka soo bixi doona kulamadii khamiistii iyo Jimcihii dhex maray ergooyin ka kala socday labada dawladood oo ka sii horeeyay labada Madaxweyne. Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, ayaa warsaxaafadeed kooban oo ay xalay soo saartay, waxay ku sheegtay inay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ay yeelan doonaan kulan lagu xalinayo khilaafaadka ka dhex jira Somaliland iyo Somaliya. Waxa kale oo ay wasaaradu sheegtay inay labada madaxweyne kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Turkiga Cabdalle Guul, Raysalwasaaraha Turkiga Tayyip Erdogon iyo masuuliyiin kale, waxaanay wasaaradu intaas raacisay in Turkigu sii wadi doono taageeradiisa sidii ay Somaliland iyo Somaliya khilaafkooda ugu xalin lahaayeen wada hadal. Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya ayaa la filayaa inay saaka wada jir ula quraacdaan Madaxweynaha Turkiga. Waxa jira qodobo ay ergada labada dhinac ka kala socotay isku mari weyday oo u muuqda inay caqabad ku noqon karaan wada hadalada Turkiga. Tusaale ahaan, dawladda Somaliya ayaa soo bandhigtay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin, in siyaasiyiinta Somaliland loo ogolaado inay u safraan Muqdisho, in shirarka lagu qabanayo gudaha Somaliya sida Garoowe ama Kismaayo lagu qabto Hargeysa oo ay Somaliland-na ogolaato iyo in Somaliland ka qayb gasho shirka London, halka ay Somaliland la gole tagtay in Somaliland loo madaxbanaaneeyo mashaariicdeeda iyo khayraadkeeda, in mucaawinooyinka loo qaybsado si’ siman iyo in loo wada hadlo laba dhinac, qodobkan oo la sheegay inay Somaliland ku doonayso inay ka ansixiso dawladan, maadaama oo dawladii Sheekh Shariif ee hore u ogolaatay ay ahayd mid ku meelgaadh ah. Sida ay wararku sheegayaan dhinac waliba wuxuu diiday qodobada uu dhinaca kale soo jeediyay. Waxaana ilaa xalay saqdii dhexe lagu jiray isu soo dhawaynta labada wefti ee ka kala socda Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshe maadaama ay labada madaxweyne saaka wada jir ula quraacanayaan Madaxweynaha Turkiga, waxa muhiim ah in la soo saaro maanta war-murtiyeed la wada saxeexo qodobada uu doonaa ha ku jiraane.
-
" frameborder="0" allowfullscreen>
-
Did you not just post the list mise waa indhahayga
-
Never trust these guys the reason why africa is poor is because of these guys
-
Naxar its mixed there are ethiopians and Djiboutian troops but the bulk of the ethiopian troops are outside the city.