Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. To be honest they all look sh!t This is what you call a Presidential palace Sudan Egypt Uganda Somalida siday xashiiska u cunayeen bay dunida oo dhan u haystaan marka laba cariish la dhisto wa palace loool
  2. “Soomaaliya ayay talladu hor taalaa inaynu noqono laba dawladood oo walaalo ah iyo inaynu colowno” April 17th, 2013 Hargeysa, (Somaliland.Org)- Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaah wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa weftigii Somaliland uga qayb galay shirkii Turkiga ee Somaliland io Soomaaliya ayaa ka waramay faa’iidooyinka Somaliland ugu jira waada hadalada Soomaaliya. Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo waraysi siiyay wargeyska Dawan, isaga oo ku sugan xarunta golaha wakiilada ee magaalada Hargeysa ayaa mahad-naq u jeediyay dawladda Turkiga iyo masuuliyiinta ay la shireen ka socday dalka Soomaaliya, waxaanu yidhi. “Waxaan marka hore halkan ugu mahadcelinayaa dawlada Turkiga oo iyadu kulankaa inuu qabsoomo inagu taageertay. Waxa kale oo aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhamaan weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo ahaa rag si wayn ula socday sida ay arrintani xaga shacabka Somaliland xasaasi uga tahay oo afkooda intii shirku socday uga ilaalinayay hadalo xaalad abuuri kara.” Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlaya faa’iidooyinkaa shirkaas ugu jiray Somaliland waxa uu yidhi. “Faa’iidooyinka Somaliland ugu jira wada-hadallada Turkiga iyo kuwii ka horeeyeyba waxa weeye in dawlado badan oo markii hore aan waxba kala socon inay jiraan laba dawladood oo midna uu Talyaani guumaystay, midna uu Ingiriis guumaystay oo ka wada koobnaa dawladii burburtay ee Soomaaliya oo la dhan jiray ayaa imika ogaaday inay jiraan laba dawladood oo la kale yidhaa Somaliland iyo Soomaaliya, faa’iidada ugu wayni waa taas, waxa markii hore dhici jiray inay dawlado badani odhan jireen is-raaca mar haddii aad isku af tihiin oo isku diin tihiin, taasi maanta waa laga soo gudbay oo waxaynu dunida u cadaynay in Somaliland waxay beesha caalamka ka sugaysaa ay tahay in aqoonsi la siiyo. Dawladaa aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya ayay taladu hor taalaa inaynu noqono laba dawladood oo walaalo ah oo is-caawiya iyo in aynu noqono laba dawladood oo colaadi ka dhaxayso.” Guddoomiye ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. “Somaliland waa dal xoriyadiisa la soo noqday wada-hadalo kasta oo danta Somaliland ku jirtana diyaar ayay u tahay, wada-hadaladu waa bilow wax dagdag ku dhamaadaana ma jiraan shirkana sida aad arkayseen waxa loo wada hadlayay laba dal oo siman Somaliland faa’iido balaadhan baa ugu jirtay.” Waxa kale oo uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa weftigii Somaliland ee shirka Turkiga ka qayb galay uu sheegay in Somaliland faa’iido ugu jirto qodobadii lagu heshiiyay dhamaantood, haddii ay tahay kuwa ka hadlaaya inay qaybsadaan caawimada iyo tabobarka dibada ama dawladaha shisheeye bixiyaan.
  3. Masaai are not as enlightened and dont have a rich civilization and history as the afro hashimite people of the horn Somalilanders. They are bunch of half naked Kenyans jumping up and down. Hellow you dont have what it takes.
  4. Cali Khaliif Galeydh oo Sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somaliland u Aqoonsaday Dowlad Ka Go’day Soomaaliya Kadib Shirkii Ka Dhacay Turkiga Barlamanka Soomaaliya-na Ugu Baaqay Inay Arintaa Si Deg-dega Kulan Uga Yeeshaan. Isagoo ka hor hadlayay barlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh waxaaa uu sheegay in shirkii Turkiga ka dhacay ee ..... Muqdisho (GNS)- xildhibaan ka tirsan barlamanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Somaliland Oo Lagu Magacaabo Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Somaliland u aqoonsaday dal ka madax banaan Soomaaliya kadib shirkii ka dhacay caasimada dalka Turkiga ee Ankara. Isagoo ka hor hadlayay barlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh waxaaa uu sheegay in shirkii Turkiga ka dhacay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia uu u dhacay sida labo dal oo kale arintaasina uu aad uga soo horjeedo Isgoo barlamanka ugu baaqay in uu kulan deg deg ah ka yeesho. Waxaa uu sheegay Cali Kahliif Galaydh in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku cambaareynayo kagana soo horjeedo in shirkii ka dhacay Ankara uu la galay Somaliland uu ahaa mid sida dal la siman Soomaaliya oo kale waa sida uu sheegaye isla markaana heshiiska ay kala saxeexdeen laba wasiir oo labo dal kala matalaya. Isagoo hadalkiisa sii wato kana hor hadlayay barlamanka Soomaaliya ayuu sheegay hadii si wanaagsan loo qeexo heshiiskii ka dhacay Turkiga uu u egyahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somaliland ugu aqoonsano dal ka go’ay Soomaaliya ama madaxbanaani uu siiyay. Si kastaba ha ahaa qab qable Cali Khaliif Galeyr ayaa barlamanka Soomaaliya ugu baaqay in arinkaani ay ka yeeshaan kulan deg deg ah si looga hortago in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somaliland u aqoonsado dal ka go’ay Soomaali weyn sida waa uu sheegaye.
  5. ^^ The thing is Khatumites reject the Garowe clan enclave so it will be hard for the pirates to intervene.
  6. What comes out of their mouth and what is in their heart is fundamentally different Just read http://www.shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=1680:warqadii-lagu-aqoonasaday-somaliland-oo-shaacbkamedia-ku-guuleystay-inuu-helo-akhriso-kadibna-ogoow-in-madaxweyne-xasan-culusoow-uu-yahay-nin-qiyaamay-qarankii-soomaaliya&catid=1:warka-gudaha&Itemid=3
  7. They are not singing they are rapping wax ay dadka mad madow samayaan.
  8. Caruurti daqanceliska hargeysa wa waleen " frameborder="0" allowfullscreen>
  9. At least professor samatar has his hiil qaran organization it has much more supporters than the khatumo project. Also Professor samatar is not really an opportunist. He was just in love with the Koonfurians and very naive. But you are right professor galaydh is not useful for hassan culusow and co and was completely sidelined.
  10. Tallaabo;938960 wrote: I think now the Koonfurians will have a political crisis when they realise that a lot of their law makers are foreign agents:cool: Tallaabo not all koonfurians are the political enemies of SL , the Somalilanders do have friends in Somalia, Mr culusow so far so good , as for the Parliament based on 4.5. i do not worry to much about that ethnic Somalilanders including the Djiboutians have close to 38 seats. Not to forget the koonfurian allies or the neutral voters.
  11. "Dawladda ayaa aqoonsatay Somaliland waana arrin culus"Prof Galaydh 16. april 2013 APL Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof, Cali Khaliif Galaydh oo ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya ayaa dhaliilay hishiiskii 13,April,2013 ay magaaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga ku dhexmaray Dowaladda Federaalka Somaaliya iyo maamulka Somaliland. Prof,Cali khaliif oo ka hadlayey kalfadhiga Baarlamaanka Somaaliya Muqdisho uga socda ayaa shaagay in hishiiska la gaaray loo dhigay sidii labada dawladood oo isku meeqaama ama siman oo hishiis kala saxeexday. "Waxaan u soo jeedinayaa mudanayasha Baarlamaanka iyo Guddoonka Baarlamaanka inay arintan si miyir qabta u egaan waa arin culus,waxaana muuqata in aqoonsigii 20 sano ka badan ay Somaliland caalamka ka dawarsanaysay inay u soo wareegtay Xamar o dawladeenu ay ictiraaftay"ayuu yiri Cali Khaliif Galayr. Hadalka Galaydh ka dib ayaa buuq yimid oo xildhibaanada qaar sameeyeen ayaa Guddomiyaha Baarlamaanku soo jeediyay in Baarlamaanku uusan qodobkaas int laga soo waafajinayo qoobka 26-aad ee xeer hoosaadka kaas oo dhigaya in qodobka kasta oo Baarlamaanka looga doodayo ay soo saxiixaan ugu yaraan 10 xildhibaan.
  12. ^^ Adigu imisa meelod baad ka timid Mudug xamar ,sawdigi shalay laha xamar unuka leh
  13. Its not in burco it looks like Xiiinfanin is excited The topic of galkacyo was not even made by Carafaat but by the HAG community aka Oba hiloowle.
  14. Dumarka frenjiga wanu kudi jirnay adeer, dumarka frenjiga rag geed lab ah bay dhalaan oo assalkoodu fasiix yahay.
  15. xiinfaniin;938905 wrote: ^^Kan marada huwan oo hoos u jeeda maaha kaan sheegayo (kaasi Durriyada waa u egyahay), ee waa ninka cad . Mise Ethnic Somalilander ku waa nin cad qudhiisu, ? Ethnic Somalilanders qaar ba cad manad ogayn.
  16. Somaliland future guardians of the nation may you prosper weynoow oo waraabe weyn dabada qabso
  17. Yes and the other one will be called general caydiid airport , why does it bother you let them have as much clan airports as they want.
  18. Xukuumadda Oo shaaciysay In Meeqaamkii u weynaa lagu xusi doono Munaasibadda 22-guurada JSL April 16th, 2013 Hargeya (Somaliland.Org):-Gudida heer qaran ee qaban qaabada munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka may, ayaa shaaca ka qaaday inay sanadkan u xusi doonaan meeqaamkii ugu sareeyay. Gudidu waxay sidaasi ,ka sheegeen shir ay maanta ku yeesheen Wasaarada daakhiliga oo uu guddoominayay Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ah Guddoomiyaha Gudidaasi. Wasiirka ayaa cadeeyay in Xuska sanadka ay noqondoonto mid ka meeqaam saraysa tii sanadihii hore,oo ay shacabka reer Somaliland ku muujiyaan dareenkooda, isagoo xusay inay Gudigani Xidhiidhin doonaan dhamaan Goobaha lagu qaban doono Xuska Sanad Guurada 22aad gudo iyo dibadba. Waxaanu yidhi “Waxaanu wargalinaynaa Gobolada iyo Degmooyinka masuuliyiintooda waxaanu wargalinaynaa Ururada Bulshada,saxaafada, aqoonyahanka iyo ardayda dhamaan In aynu sanadkan muujino inaynu waynayno Xuska maalintaa 18-ka may oo ay noqoto maalin uu shacabku isu soo bax balaadhan oo farxad, isku duubni iyo walaaltinimo leh muujiyaan.” Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur isago hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Astaan teenu waxa weeyi hormar, midnimo iyo helida aqoonsi Qaran insha ALLAH waayo waxaa socda wadahadallo Guulo badan laga gadhay oo uujiyey inay Somaliland Qaran tahay, waxaa muuqata Himilo Umada Ididiilo galinaysa in danteena iyo yoolka aynu leenahay aynu guul balaadhan ka gaadhi karno”. Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Ahna Gudoomiyaha Gudigaasi waxaa kale oo wax laga xumado ku tilmaamay weeradii ka dhacay dalka aynu jaarka nahanay ee Somaliya isagoo sheegay inay amniga aasloo sugidoono shacabkana u soo jeediyey inay xilweyn iska saaraan ilaalinta amniga. “Waan cabaaraynaynaa falalkaa waananu ka xunahay wixii ku dhacay.” “ Shacabka iyagana waxaanu faraynaa isku tiirsanaan, midnimo iyo amni ilaashi baanu faraynaa waxaanu leenahay dabaal daga iyo farxada Ha idiin la socoto taxadir oo qofwaliba ha ogaado inuu askari yahay,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu. “ Nabadgalyada ilaalinteedu way ka horaysaa, wax walba” ayuu intaasi raaciyay. Magacyadda xubnihii Gudida ee shirka Fadhiyay 1- Wasiirka Daakhiliga 2- Wasiirka Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka 3- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda 4- Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka 5- Maayar ku-xigeenka Caasimadda 6- Xilhiban Axamed Maxamed Diiriye (Nac-Nac), 7- Agaasimaha Guud Wasaaradda Madaxtooyada 8- Lataliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxwaynaha.