Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. SomaliPhilosopher;939482 wrote: But JB said I can become a citizen?? In terms of practicality what benefits am I missing out as a non-citizen? What rights do I not have as a non-citizen? Can a British man become a citizen? Can you become citizen of Djibouti you speak the same language with them to? if that was the case canadians could become irish citizens and irish could become australian
  2. SomaliPhilosopher;939482 wrote: But JB said I can become a citizen?? In terms of practicality what benefits am I missing out as a non-citizen? What rights do I not have as a non-citizen? Can a British man become a citizen? You cannot vote you pay tax but you cannot vote nor take part of the political leadership, and your opinion will not really matter
  3. SomaliPhilosopher;939478 wrote: So if I become a citizen, as a southerner, can I run for mayor? Be appointed as minister? Marry a local without being treated as a foreigner? You can live in SL for as long as you want but you cannot be a citizen nor can you run for office
  4. SomaliPhilosopher;939476 wrote: What if I come a citizen? Or my kids are born there? Can they not partake in Somaliland politics? No you cannot you cannot become citizen of Somaliland and if your childeren are born there they will still be offspring of immigrants
  5. SomaliPhilosopher;939469 wrote: But a "northerner" can be a foreign minister in Somalia. bit of a double standard much? Because your government still claims Somaliland to be part of their country , so in order to show that SL is some how part of Somalia they pick a minister from SL. But for Somaliland the unity no longer exist and they are an independent state. So Foreigners from Somalia Djibouti Kenya have no say in Somaliland nor can they have leadership in SL.
  6. Wiil Cusub;939395 wrote: Madaxwaynahu wuu ka fikirayaaaaa ee ha dagdagin Haadabay yidhaheeen wanu ka so fakireyna it doesnt sound to good Still its being chaired by somalia How do you want the world to take you serious if you sit behind the somalia leaders
  7. I hope they wont attend because it will be a major set back
  8. Oodweyne the brits are solely approaching this issue from their own interests particularly their image of how they want to be seen by the rest of the world and how they are committed to Somalia. If you have followed their policies towards Somalia the last years the Brits are deeply involved in Somalia's affairs even hinting to send British forces to Somalia. But where does that leave Somaliland if they want Somaliland to be there and take part of the conference in order to have their all inclusive image to the world that both Somalia is there and Somaliland is there. While the conference is being chaired by Somalia and UK, that doesn't sit well with me. I doubt how this move by SL would contribute to the Somaliland cause , since Somaliland status is still that of a defacto state consequently the need for the SL political leaders to come with a real solution while keeping Britain as a close ally of Somaliland. And at the same not diminishing Somaliland status. What ever decision President siilaanyo takes it has to be one that the entire Somaliland community civil societies parties diaspora are all backing.
  9. Che -Guevara;939316 wrote: Stoic. You still claiming to be Sijui is like me saying I am still that ciyaal xaafad from Bilaajo Carab. It is time to buy a house in Hargeisa ninyahow. His Somali is still rubbish, the hargaysaawis will not understand him, Che the good old days of xamar caday ended for you.even if you wanted to run for a district in xamar, Oba and his Unuka Militia will tell you, goofkan goofkayagi waaye eebow iga siko nooh.
  10. Somaliland should skip this one , whats the point to meet culusow next month when 2 month later there will be another meeting in turkey. And its not like these English geezers are mediating between Somaliland and Somalia. As long as its chaired by Somalia and Britain , there is no room for Somaliland.
  11. Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska oo Caawa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland April 17th, 2013 Dulucda Qodobadii ay ka wada hadleen labada Hoggaamiye David Camaron Oo Somaliland u soo Jeediyay In Shirka London Ahmiyad u leeyahay London (Somaliland.Org)- Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa caawa xafiiskiisa Number 10 Downing Street ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaana labada Hoggaamiye kulankoodaasi ay diirada ku saareen sidii labada dal ay wada shaqayn dhow iyo wax-wada qabsigooda u sii adkayn lahaayeen. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Ra’iisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron. Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, horu-marka iyo dhaqaalaha. David Cameron oo isna madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba. Sidoo kale waxa uu ra’iisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Somaliland iyo Soomaaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday ra’iisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay. Kulankan waxa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale. Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague.”
  12. ^Che i should an arrange a meeting for you and Waraabe
  13. Africa own watch this , and there are many others in wadani
  14. AfricaOwn;939276 wrote: I just don't like Cirro, is not tough enough to be politician, his just a nice guy in general. Axmed xassan cigaal would do a better job the former representative of SL in china and he is well educated on international matters he called out Dr Bidaar the other day.
  15. AfricaOwn;939270 wrote: Unfortunately the opposition is too weak, Wadani leader is buddy-buddy with Silanyo. I dont think that is the case any more wadani was opposed to the turkey conference initially but the government eventually brought them on board i dont think he can bring them on board now.
  16. Che -Guevara;939269 wrote: Xaaji. Doesn't he carry Waraabe like purse to every meeting? I have more faith in wadani ciiro and gaboose , to set him straight
  17. ^^ The opposition will still reject it , and it will make silanyo look very bad , if he does what on earth will he get in return if he attends a conference chaired by hassan sheikh maxamuud?
  18. Somaliland is not going to attend the London conference.
  19. Somaliland: Ministry of Foreign Affairs Official Statement on the Ankara held Somaliland/Somalia Talks Wednesday, 17 April 2013 19:03 Public statement on the outcome of the Somaliland/Somalia talks in Turkey on 13 April by the Press Office, Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Republic of Somaliland Somalilandsun - On 13 April, Presidents Ahmed Mohamed Silanyo and Hassan Sheikh Mohamud met in Ankara to resume the Somaliland/Somalia Dialogue that was initiated at the London Conference in February 2012 and endorsed at presidential level in Dubai in June 2012. The Somaliland Government is grateful to the Government of Turkey for facilitating the talks. The meeting achieved its aim of re-launching the Dialogue after the change of government in Mogadishu. The parties committed themselves to continuing their Dialogue, and endorsed the agreements reached in Chevening and Dubai in June 2012. The Government of Somaliland welcomes the commitment of the government in Mogadishu to the continuation of the Somaliland-Somalia dialogue. The Somali Government has agreed to encourage international aid and development for Somaliland. Somaliland will of course continue to engage directly with the donor community on its own development needs, including through direct contact with diplomatic and other interlocutors in Hargeisa. Cooperation on security was an important part of the discussion. Somaliland believes that sharing intelligence and training will help the security forces of both countries to fight the scourge of terrorism, jihadism and piracy, and to address illegal fishing, toxic waste dumping, and maritime and serious crime, which have a detrimental impact on the lives of the people in the Horn of Africa. Somaliland hopes that in the future, the Dialogue can widen its focus beyond security issues to examine trade and investment as well. In addition, the dialogue is mandated to clarify the relations between the two countr ies, in line with the Final Communiqué of the London Conference on Somalia. Somaliland's view is that the dialogue's initial phase should focus on issues of practical cooperation, and to building trust between the parties before addressing the more fundamental issue of the two countries' sovereign relations. Somaliland looks forward to the next round of talks, due to be held in Istanbul within 90 days. Press Office Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation Hargeisa, Republic of Somaliland
  20. DIIRADA LUGHAYA: Guusha Heshiiska ANKARA Ma Siilanyo Ayaa leh Mise Siyaasada Xasan Sheekh Ee Intan Danbe Dardartay Somaliland Added by saylac on April 14, 2013. Saved under Faalo, News Tags: featured Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 27-kii August 2010 markii uu la wareegay tallada dalka oo uu u soo galay kifaax dheer iyo juhdi siyaasiya, ka dib waxa uu ILAAHAY ku ilhaamiyay inuu si geesinimo leh ku waajaho siyaasadda dibada Somaliland oo liigaysay isla markaana maraysay heer huursan oo aanay fagaareyaasha adduunka si rasmi ah loo horgeynin. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu abuuray siyaasad fur-furan oo qeyb ka ah yoolkiisa ku wajahan in la iib-geeyo qaranimadda Somaliland oo uu aaminsanaa inay xukuumadiisu ku filan tahay inay difaacdo Madax-banaanida Somaliland. Xiligaas xukuumadiisu cusbayd waxa xarakaadkii faraha badnaa ee laga sameeyay siyaasadda dibadu ay shaki ku abuurtay dad badan oo ka soo saaray aragti taban oo ah in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay haadaan dheer ka sii tuurayso madax-banaanida Somaliland. Hase yeeshee waxay qaatay muddo in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu ay rayul caamka Somaliland baraan in maslaxadi ugu jirto inay la hadlaan Somalia, taasi oo markii dambe loo soo noqday. Qodobadii Somaliland lagula Soo dhici waayay: Weftigii xulka qaranka ee uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, waxay beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba u xaqiijiyeen inay leeyihiin awood adag oo ay ku difaaci karaan madax-banaanida Somaliland. A) Waxay dawlada Ankara ee gogosha dhigtay ay xog iyo macluumaad dheeraad ah ka siiyeen israacii lixdankii iyo Himiladii dheerayd ee ay shacbiga Somaliland dhiigooda u hureen inay mideeyaan shantii Soomaaliyeed, abaal ka dhicii Soomaaliya, xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay dalka, sooyaalkii halgankii dib u xoraynta dalka, la soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland, dhismihii qaranka iyo heerka maanta Somaliland gaadhay. B) Waxa weftiga madaxweynuhu ay Taariikhda Somaliland dhacsiiyeen Hoggaamiyeyaasha Turkiga sida madaxweynaha dalkaasi Abdullah Gül iyo Raysal wasaarihiisa Recep Tayyip Erdogan oo aan horeba xog baaxad leh aan ka haysay Somaliland iyo maraaxilkii ay u soo martay qaranimadii ay ka hor-heshay Soomaaliya iyo 22 sanadood oo Soomaaliya dambaska ahayd oo ay noqotay laambad ka bidhaamaysa mandaqad dogob colaadeed ka oogan yahay. C) Warbixinta dheer ee Madaxweynuhu siiyay Hoggaamiyeyaasha Turkiga waxay fure u noqotay in lagu dhiiran waayo in badka la soo dhigo wixii la odhan jiray midnimadii Soomaaliya. D) Bogga Internet-ka ee Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül ayaa warbixin uu ka qoray kulankii uu Axaddii la yeeshay Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku micneeyeen in is af-garadkii u horeeyay laga sameeyay siday hadalka u dhigeen “xalinta dhibaatooyinka u dhaxeeya labadan dal ee Afrikaanka ah.” E) Dawladda Turkiga oo ah dalkii sadexaad ee is hor-fadhiisiya Somaliland iyo Soomaaliya, waxay yaqiinsadeen in qadiyada labadan dhinac aanay ahayn mid u dhaxaysa hal dal oo qudha balse ay tahay laba dal oo kala duwan wada hadaladooduna ay u dhaci doonaan hadda iyo mustaqbalkaba iyagoo laba dawladood kala ah. F) Waxa waaqica dhabta ahi uu sababay in Dawladda Muqdisho ee Soomaaliya ay candhuuftooda dib uga liqaan inay dood ka keenaan aragtida caalamka ee ah in loo wada hadlo laba geesood ama laba dawladood oo ay Tamaniyayeen inay intii suurto-gal ah ka gaws qabsadaan. Ahmiyadii Qodobbadii Heshiiska. Wada hadalada ay Ankara ay ku yeesheen Hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya waxay ahaayeen qaar, laga taxadaray caqabad kasta oo tumaatiyi karaysay in miiska lagu kala kaco.waxase labada dal ay ku heshiiyeen heshiis ka kooban todoba qodob oo dulucdoodu la xidhiidhay in la sii wado wada xaajoodka iyo in albaabada loo furo iskaashi ay labada dawladood ka sameeyaan dhibaatooyinka ka taagan mandaqadda ay ku wada dhaqan yihiin iyo inay abuuraan jawi ay ku wadaagayaan deeqaha qaadhaan-bixiyeyaasha. Qodobadan qalinka lagu duugay waxa xeel-dheereyaasha odorosa siyaasadu ay ku doodeen inaanu ku jirin heshiiskan Ankara qodobo cusub. Hase ahaatee ay tahay uun kulankii u horeeyay ee ay yeesheen Somaliland iyo Soomaaliya tan iyo markii dawlada cusubi ka dhalatay Muqdishada Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland waxa guul u ah inay garnaqsigeedii iyo xaqa ay u leedahay madax-banaanideeda ay hor-dhigtay Hoggaamiyeyaal miisaan ku leh caalamka, kana mid ah daneeyeyaasha mandaqada Geeska Arika oo Somaliland iyo Soomaaliyaba ku yaalaan. Weftiga madaxweynuhu waxay indhaha u fureen oo ay qodob-qodob ugu warameen Madaxweyne Gül iyo Raysal wasaare Erdogan, taasina waxay dhabada u xaadhaysaa in Turkigu ka fikiro sidii uu wax ula qabsan lahaa Somaliland oo nabad-gelyadda iyo horumarka ku tanaaday, halka dalka Soomaaliya oo ay si naxariis leh u gacan qabteenna ay xukuumadda Muqdisho tahli wayday inay ku guntato sugida ammaanka dublamaasiyiinta Turkiga, iyadoo la xaqiijiyay Axadii maanta laba hawl-wadeen oo ka tirsan safaaradda Turkiga ay ku dhinteen qarax ka dhacay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Sidaasi darteed, waxay Somaliland go’aansatay in qadiyadda aqoonsi raadinta lagu gaadhi Karin siyaasad ka go’doonsan caalamka, balse ay u baahan tahay dhiiranaan iyo in laga dhigo mawduuc siyaasiya oo adduunku taxliil ku sameeyo, kana doodo.
  21. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Si Mug Leh Uga Hadlay Doodii Madaxweyne Siilaanyo Kula Garnaqsaday Madaxweynaha Somaliya Muuse Biixi, oo isagoo jooga dalka Imaaraadka Carabta, shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in ..... Hargeysa (GNS)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horaysay ka hadlay doodii dhex martay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay dhawaan kulanka fool-ka-foolka ah ku yeesheen dalka Turkiga. Muuse Biix, goobjoog ayuu ka ahaa kulankaas, waxaanu la socday weftigii Somaliland. Muuse Biixi, oo isagoo jooga dalka Imaaraadka Carabta, shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in doodaas oo uu dhagaysanayay wasiirka arrimaha dibadda Turkigu, uu madaxweyne Siilaanyo ku soo bandhigay dhibaatooyinka kala duwan ee ay Somaliland kala kulantay midnimadii burburtay ee Somaliya, isagoo hadalkiisa ku soo gunaanaday in wixii aan laba dal ahayni yahay dagaal mar kale dhex mara Somaliland iyo Somaliya. Waxaanu Muuse Biixi, sheegay in Madaxweyne Siilaanyo khudbadda uu jeediyay uu ku soo jiitay dareenka wasiirka khaarajiga Turkiga. Ugu horayn, isagoo guddoomiye Muuse Biixi, ka hadlaya shirkaas wuxuu yidhi “Shirkaasu waxa uu ahaa mid aad u adag qolada Turkigana waxaad moodaysay in aanay Somaliland waxii gaadhay ee dhib hayd ee xasuuq ahayd ee dil hayd in aanay u warhayninba, markii shirkii la soo fadhiistay waxa shir gudoomiyay wasiirka arimaha dibada ee Turkiga, khudbad ayaanu akhriyay uu ku amaanayo midnimada isaga oo si diblamaasiyadaad u hadlaaya oo leh anigu idima qasbaayo waxaad doontaan ku heshiiya ama kala goosta ama midooba.” Muuse Biixi, wuxuu intaas ku daray “Markii dambe waxa la yidhi labada oday ha hadlaan ( Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ) waxaanu Xasan Sheekh yidhi Siilaanyo ayaa iga weyn ee ha hadlo, madaxweyne Siilaanyana waxa uu yidhi isagu ha hadlo.” Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isagoo si toos ah u gudo galaya weedhihii uu Madaxweyne Siilaanyo kulankaas ka jeediyay uu yidhi “Dabadeedna Siilaanyo ayaa hadlay waxaanu nasiib wanaag helay fursad uu afartan sano daydayaayay inuu sheekadiisa taariikheed ee ay ta Somaliland isku maran yahiin uu ka sheekeeyo waxaanu ka bilaabay “1955-kii ardaybaan ahaa bulshadu xoolo dhaqato ayay ahayd anagaa fikir u noqonay wax walbana u hurnay oo hawshii nagu dhacday, walaaladayo waanu u tagnay dulmiga intaas leeg ayaa nagaga dhacay oo xogagaal ayaan ahay siyaasiyiintii u horeeyay ayaan ahaa.” Waxaanu ka waramay dhibaatooyinkii dhacay ilaa 50 kun oo qof oo dhintay intaa in ka badan oo dhaawacantay waxaanu soo qaatay diyaarada hadda Hargeysa saaran ee ina rushaysay, waxaanu yidhi “ walaaladayo intaas oo dhan intay noo gaysteen haddana maalin ka may garaabin. Shantii Soomaaliyeed haddii la midaynaayo waadigaas arkaaya oo dawlado ayay yahiin oo Kiiniya, Itoobiya, Jabuuti, Somaliya iyo Somaliland waa ahlan wasahlan haddii islaamku imanaayo iyada oo dawlado la yahayna waxba ka ma qabno, laakiin waxaanu leenahay sida dadka kaleba xuquuqdooda u leeyahiin ayaanu u leenahay, waxii kale ee laysku raacaa waa aynu is dilno oo dagaalkeena iyo dhibaatadeenu ha badato, walaaltinimaduna waxay ku jirtaa maanta way inaga dhimatay midnimadii oo waxii dhacay waad ogtahiine inaad xaqiiqada waajahdaan weeye.” Muuse Biixi, wuxuu ka hadlay dareenkii wasiirka arrimaha dibadda Turkiga iyo go’aankii uu ka qaatay hadalka Madaxweyne Silaanyo, waxaanu Mr. Biixi sheegay in wasiirka khaarajiga Turkigu balan qaaday inuu ka soo qayb geli doono xusaska ay Somaliland u samayso shuhaadadii ay dawladii Somaliya xasuuqday, waxaanu Muuse yidhi “Markaas nuxurka halkaas ka soo baxay waxa weeyaan ninka wasiirka arimaha dibada Turkiga, ahaa ayaa hadalkii markuu Siilaanyo dhigay qaatay waxaanu yidhi “ Aad ayaan uga xumahay waxii dhacay runtiina xog badan ayaa iga maqnayd” waxaanu yidhi “ meelo badan ayaan soo maray oo tan kale soo martay Falastiin,Boosniya iyo meelo kale oo wada hadlaaya mar haddii arintaas oo kale dhacdo waa in cagta loo dhigaa oo waxa ugu horaysa in la aqoonsado dilka iyo xasuuqa intaas leeg ee dhacay anigu waxaan diyaar u ahay inaan diyaarad halkan ka qaato oo maalinta aad xusaysaan dadkii la laayay aan idinkala qaybgalo si adduunka loogu bandhigo oo loo ictiraafo waxii dhacay Xasana ( Madaxweynaha Somaliya ) inuu sidaas yeelo ayaan kula talinayaa ayuu yidhi oo amar ayuu siiyay.”Waana markii ugu horaysay ee shir weyn lagaga hadlo waxii Somaliland ku dhacay.” Gunaanadkii doodda labada Madaxweyne, wuxuu Muuse Biixi, ka yidhi “Ka bacdi waxa hadalkii qaatay madaxweynahaas Somaliya Xasan Sheekh waanu ka garaabay oo waxa uu yidhi “ Waa uu jiraa oo markhaati ayaan ka ahayn waxaas dhacay, waxaanu yidhi waxaan diyaar u ahay inaan qiro oo si cadaan ah looga cudur daaro xasuuqoodii oo dadka la yidhaadho waxaas ayaa idinku dhacay oo looga garaabo.” Guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu ka hadlayaa gunaanadkii kulankaas, “Horta nuxurka ugu weyn ee ka soo baxay kaas ayuu ahaa. Markaas doodii waxay ku dhamaatay in Siilaanyana yidhi “ waar tani way dhimatay oo waxii aan laba dal ahayn waynu isku dilaynaaye,” isaguna ( Madaxweynaha Somaliya ) intuu hadal wanaagsan akhriyay waxa uu ku soo gabo gabeeyay “ kala lulasho ayaa kala go’a dhaanta waanan ognahay waa laydin dulmiyay oo waanu idiinka garaabaynaa inaan imika sharciyad samayno oo aynu midawno ayaanu soo jeedinaynaa.” Taasina ma suurtoobayso ayaa lagu dhameeyay, sababta sagaashanka cisho dib loogu dhigayna mid halkaas ka soo baxday ayay ahayd.” Aragtida dawladda Turkiga ee madashaas, ayuu Muuse ka hadlayaa, waxaanu yidhi “Waxa uu Turkigu si cad u yidhi “anagu waxaanu diyaar u nahay waxii aad ku goosataan laba dawladood ama mid, idinka ayaa yaqaan midna riixi mayno, waxaanuse diyaar u nahay inaanu walaalahiin ahaano oo aanu gogasha idiin fidino oo aanu idin qaban-qaabino oo waxii aad u baahataan aanu idinku garab galno walaalahiin oo idiin heelan baanu nahay.” Waxaanu tusaale u Soo qaatay oo uu yidhi “ wiigii hore waxa yimi halkan xoghayaha arimaha dibada Maraykanka John Kerry waxaana la kulmay aniga oo kaliyaata, laakiin maanta waxa halkan idiin jooga madaxweynahii,raysal wasaarahii iyo aniga waxaanan u arkaynaa in aad tihiin umad maanta u baahan in la taageero.” markaas nuxurku sidaas ayuu ahaa Markii danbena odayaasha ayaa gaar gaar u arkay.” Muuse Biixi, isagoo ugu dambayn ka hadlaya toddobadii qodob ee war-murtiyeedka, wuxuu yidhi “Todabadan waxa wasiirada loogu riixay arintii weynayd ayaa laysku mari waayay arinta mucdeeduna waxay ahayd waar niman yahaw laba dal oo walaalo ah oo is kaashada aynu ahaano taas oo iyaguna ka war wareegayaan oo ay kala lulasho ku wareegayaan. Qodabadana waxa ka mid ah in Turkigu laba dawladood oo isku mid ha oo isku miisaan ah inoo qaabilaayo, waxii mucaawino ah ee aanu idin siinaynona mid walba si gaar ah ayaanu u siinaynaa.”