-
Content Count
29,969 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Dawladaha Somaliland Iyo Ingiriiska Oo Kala Saxeexday Heshiis Ka Kooban Laba Qodob Iyo Qado-Sharafeed Lagu Maamusay Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha. DAAWO SAWIRADAN: (Hadhwanaagnews) Thursday, May 30, 2013 (HWN):Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa galabta si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa, naagAdis-baba (HWN):Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa galabta si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa heshiis ka kooban laba qodob,isla markaana wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland. Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya. 0in 10pt; TEXT-ALIGN: justify">Waxa kale Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay yihiin waxa uu yidhi "Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur shaqaalahana la tababari doono, una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho" Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo dhisi doono ciidanka baadhaya danbiyada calculus ciidaan gaarana loo tababari doono, "Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona ciidaan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono, waxaana ciidaanka SPU-da loo keenay oo la soon doona lix Baabuur". Ayuu yidhi. Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey. Mar aan weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu ku jawaabay, "Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa,waxaanay labada heshiisba wax weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis oo qaranka qiimo-weyn u leh". Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu qirey inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somalilan, waxa uu yidhi"Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, oo FCO oo dib loo eegayey inay Somaliland nabadgelyo tahay, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland" Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn.
-
Wasiirro ka socday Dawladda Somaliland Oo Jabuuti Kulamo Kula yeeshay Dhigooda Dalkaasi May 30th, 2013 Comments Off Jabuuti (Somaliland.Org)-Wasiirrada wasaaradaha Diinta aw qaafta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa Maanta la Kulmay dhigooda dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo ay Socdaal Shaqo ku Joogaan. Wasiiradan waxay Kulan la Yeesheen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Aadan Xasan Aadan iyo Wasiirka Shaqada iyo dib u habaynta Shaqaalaha ee Jamhuuriyada Jabuuti Mudan Cabdi Xuseen Axmed ,Waxaa kale oo Kulankaas Goob joog ka ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Jamhuuriyada Jabuuti. Wasiirka Wasaarada Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa markii uu Kulamadani dhamaadeen waxa uu faah faahinay waxyaabaha ay ka wada hadleen Wasiirrada dhigooda ah ee Jamhuuriyada Jabuuti isagoo tilmaamay inay iska Xog waraysteen qaabka ay u shaqeeyaan isla markaana ay isu soo bandhigeen wixii waayo aragnimo ah ee labada dhinac Somaliland iyo Jabuuti ay Mudan tahay inay kala kasbadaan. Wasiirku waxa uu Sheegay in Kulanka ay la qaateen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ay ka wada hadleen qaabka ay u shaqeeyaan iyo Xeerarka uga yaal dhinaca dhawrista haweenka,Sakada,iyo Wanaag farista iyo Xumaan reebista,Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay filayaan Kulamo danbe oo arrimahan ay kaga sii wada Xaajoonayaan ay isugu iman doonaan. Sh.Khaliil C.laahi waxa uu u mahadceliyay Safiirkas Somaliland u fadhiya Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan. Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Somaliland Md Maxamud Axmed Bare Garaad ayaa dhiniciisa Tilmaamay inuu Shacabka dalka Jamhuuriyada Jabuuti uga Mahadcelinayo sida ay Wadankooda u dhisteen ugana shaqeeyeen Horumarkiisa. Wasiirku waxa uu Xusay inay isla soo qaadeen dhigiisa Shaqada iyo Shaqaalaha ee Jamhuuriyada Jabuuti siyaabaha ay u abuuraan hawlaha Shaqo abuurista iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen arrimaha tahriibta,waxaanu sheegay inay labadooda dhinac isu soo bandhigeen waxyaabaha ay rabaan inay iska kaashadaan. Mudane Garaad waxaa kale oo uu tilmaamay in labada Wasiir ee ay la kulmeen ay ahaayeen kuwo dhalinyaro ah oo uu dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele u magacaabay Xilalkaas Wasiirnimo isla markaana ay ka Muuqato ayay Sida uu yidhi inay ka dhabeeyaan Himilada Waxqabad ee Wadankooda. Geesta kale Wasiirada Diinta iyo Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Somaliland waxaa qado sharaf u sameeyay Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan Wadanka Jabuuti.
-
I wasn't really addressing you i was talking to reeyo:D
-
Jubbaland hasn't arrived its guarded by uhurro kenytattas forces, the world supports president hassans case, And they will continue to do so Thats why jubbaland supporters like faroole are in Kenya.Trying to counterattack hassans policies. Passerby the Showans have ruled Ethiopia for a long period of time and they might return to Meneliks palace in the form of their Ginbots.They have never really accepted the TPLF agenda.
-
Reeyo;957137 wrote: Xaaji seriously, your making little sense. Your dragging out old feuds to prove a point and you have yet to make it. I fail to see how a strong Ethiopia is good for Somalia and Somaliland, even the points Chimera mentioned i didn't mention them.Its not old feuds. A strong Powerful Ethiopia is never in our interests.
-
Passerby Somalia and Somaliland have little political disagreements about their future relations. You should not read to much into it , there is no nationalism on my part for Somalia i wish them all the best luck next to Somaliland. i am just talking about the long term interest of the region for my people Somaliland Including my people under Ethiopia. Who wish to be free Passerby now dont come and say u care about Somalia We know the TPLF dont like Somalia at all and they helped tear it apart by funding all of the warlords.
-
Passerby are you scared the showans come back in Ethiopia and force you out of Addis ababa Jubbaland is not going any where President hassan has everything under his control. There is little the Kenyans can do now :
-
Ethiopia caused us lots of problems since the beginning of times and if we wish to succeed and if you want Somalis to prosper than that Ethiopian Empire must disintegrate by any means necessary. Kenya is a different story Ethiopia is to Huge its one of the largest countries in Africa much of their resources coffee is in southern and oromo regions including the fertile land in Benishangul-Gumuz. If Ethiopia separates into several countries where oromia and sidamo people can become independent countries. You can still establish trade relations with them on separate terms and they can still use your ports and we still can get allot of revenues maybe even more depends how many countries use our ports.These new countries can separately grow faster right now Ethiopia is not prospering only Tigray TPLF elite are prospering, the rest is in the deepest poverty. By the way Ethiopia is 90 million people demographically they will dominate the region, but if they are separate countries.We have nothing to worry. I am not against a prosperous east Africa i am for it.
-
A strong Ethiopia is never in the interests of Somalis. A weak Ethiopia is in the interests of Somalis the best we can expect is if Ethiopia disintegrates in the future. You can still trade with them as separate countries and still make the best of it from an economic point of view. A united strong Ethiopia will have hegemony over the region which is not in our long term interests. Ethiopia is overrated my friends its weak nation do not fall for fancy constructions in the capital. Its the aid money they received Ethiopians are still poor and there is huge unemployment and health care is in a critical situation. Ethiopia looks good compared to Somalia because Somalia is on the lowest of the food chain. Reeyo Ethiopians have invaded Somalia they helped oromo militia who are allied to the TPLF gain more Somali galbeed territories. They have subjugated the Somalis in the Somali galbeed region. Ethiopia funded the warlords against each other they prolonged the Somali civil war. Trust me Ethiopias demise is in our interest
-
Faroole is thinking kan sidee baan lugaha ugu jarra.,, wakan federaalki isbaaro u dhigtay eh
-
These are fake smiles , deep inside each side is planning their move.
-
Aaliyah are you against brotherly people playing football.
-
Canada expels Eritrea envoy over expat fees claims
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
They are very patriotic well atleast the government is the 2% tax is a Must otherwise they cant enter asmara. -
The image i had of Abtigiis is the guy on his avatar for some reason, haba ka yara madoobade eh.
-
Wasiirka Caafimaadka oo dalka ku soo laabtay isagoo wada dhakhaatiir Kenyan ah May 30th, 2013 Berbera (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) oo ay Weheliyaan Dhakhaatiir ka tirsan Wadanka Kenya ayaa maanta dalka yimid kana soo degay Gegida diyaaradaha ee Madaarka Magaalada Berbera isagoo wada koox dhakhaatiir ah oo qaliino lacag la’aan ah ka fulin doona cisbitaalka guud ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Tog-dheer. Wasiirka Waxaa Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Gobolka Saaxil iyo kuwa Degmada Berbera iyo Weliba Maamulka Caafimaadka ee Gobolka Saaxil. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Xoog oo Warbaahinta Xog waran ka siinayay Qaliinada ay dhakhaatiirtani mudada ay dalka joogaan fulin doonaan,Wasiirku Waxa uu Xusay in Dhakhaatiirtani ay Mudo Toban Cisho ah Wadanka ku sugnaan doonaan isla markaana ay hawl galo qaliino isugu Jira dadka Gubtay iyo kuwa dibnaha ka faruuran ay ka fulin doonaan Xarunta Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco. “Dhakhaatiirtan oo ka socda Ururka Health Face Tomorrow waxay hore hawlgal caafimaad uga Fuliyeen Magaalada Hargaysa iminkana waxay mar labaad Qaliino kala duwan ka soo fulinayaan Mudo Toban Cisho ah Magaalada Burco,” ayuu yidhi Wasiirka oo hadalkiisa sii Wata ayaa yidhi “Dhamaan Qaliinadaas oo ay la socoto daawayn ayaa ah kuwo Bilaash ah oo bilaa lacag ah waxaa taas barbar soconaysa Qalliinada Guud ee Kaadi Mareenka,Cunaha,Sanka iyo Dhegaha.” Wasiirka Wasaarada Caafimaadku Wuxuu ugu baaqay Shacabka ku dhaqan Magaalada Burco inay si haboon uga faa’iidaystaan Fursadan,Waxaanu intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay si weyn u soo dhawaynayaan Hawl wadeenadan oo hawl gal caafimaad oo Bulshadu baahi weyn u qabtay wadanka ka fulin doona. Sarkaal u hadlayay Kooxdan dhakhaatiirta ah ee Ka socota Wadanka Kenya ayaa dhiniciisa ka sheegay in Qaliinadan kala duwan ee ay samaynayaan ay ugu adeegayaan dadka danyarta ah ee Jilicsan. Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Saaxil ayaa isaguna erayo soo dhawayn ah halkaasi ka soo jeediyay.
-
Canada expels Eritrea envoy over expat fees claims BBC News Thursday, May 30, 2013 Canada has ordered an Eritrean envoy to leave the country following claims he demanded contributions from expatriates to fund Eritrea's military. Semere Ghebremariam Micael, head of the Eritrean Consulate General in Toronto, has been under investigation for the practice.It is in breach of both UN sanctions against Eritrea and Canadian law, the Canadian government said. Mr Micael has been given until on 5 June to leave. Warned previously " Canada has taken steps to expel (declare persona non grata) Mr Semere Ghebremariam O Micael, consul and head of the Eritrean Consulate General in Toronto, effective immediately," Canadian Foreign Affairs Minister John Baird said in a statement on Wednesday. "Today's actions speak for themselves," he added. The dispute centres on the African nation's efforts to impose a 2 per cent "diaspora tax" and "national defence" fee on Eritreans living abroad. The UN Security Council toughened sanctions against Eritrea in December 2011 over its alleged support for Islamist militant groups such as Somalia's al-Shabab. The sanctions include a block on remittance tax imposed on nationals overseas. Mr Michael has previously been warned against collecting funds from Eritrean expatriates living in Canada. The consul said it would comply with the Canadian government's ruling in September. But recent reports said Mr Michael had again started demanding the payments. "You have to go to the consulate and they arrange how you have to pay the money," one Eritrean in Toronto, who asked not to be named, told Canadian broadcaster CBC. "They want 2 per cent… they don't give you a reason. You have to pay the money," he said. "My family [in Eritrea] would get in trouble if I don't pay." Mr Michael has denied breaking the law, saying he was merely providing "information" to those who want to donate, according to Canada's National Post.
-
Hiiraan Region Withdraws From Somali Federal Government
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Hiiraan wants to be divided into 2 regions, thats the issue here , they want to be part of the federal state using their own region. -
Whats with koonfurians and their obsession with Flags, they use their flag when ever it suits them and wrap themselves with it by the way they all have tribal flags to on the side. They don't really care much what happens to Somalia in the political sense nor do they care about where its heading. Yet they act they care about nationalistic flags:D
-
^^ Somali form of federalism weyee dee. meesha ma sharci ba jira nin walba dastuur gaar bu haysta:D Thats the beauty of Somalia
-
Somalia is a football stadium, the clans are the teams, and the people are hooligans By Tallaabo.
-
burahadeer;956273 wrote: Time has changed & so is the shifting alliances & clan interests of the jigsaw puzzle that's Somalia.A year ago puntlanders/ jubalanders and fake nationalists would have chased such videos,ululating how Mogadishu have risen above the ashes....and now you see deserted,no comments and no desire:D Burahadeer the defeated lot are angry because of Hassan culusows policies he doesn't buy their fake clanish opportunistic motivated tears.I think hassan is the best thing that happened to Somalia in a long time he exposed allot of people:D The next coming months will be very interesting.
-
Somali Americans in Minnesota celebrate new state Jubbaland
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
Classified;956691 wrote: Just because you speak in English, doesn't mean you're Englishman, although I know you rather classify yourself as an Englishman than Somali. Ceeb i would never classify my self as an Englishmen qofkan mu walaanyahay. -
Somali Americans in Minnesota celebrate new state Jubbaland
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
^^ Where did learn Swahili in Somalia:D You sure defend Kenya unconditionally, you are a bit loyal to them.