-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Wasiirka Madaxtooyadda Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Qodobo Xasaasi ah oo ay La Hor-fadhiisteen Soomaaliya July 8th, 2013 “Waxaanu Horgeynay Qodobo ay ka mid ahaayeen inay aqbalaan oo aqoonsadaan la soo noqoshadii madax-banaanidda iyo gooni isku taaga jamhuuriyadda Somaliland” “Qodobka Labaad Waxa uu ahaa In ay Ogolaadaan Dhibtii Taliskii Siyaad Barre u Geystay Dadka & Dalka Somaliland, dambiileyaashiina Sharciga la horkeeno” “Dadka Reer Somaliland Waxaan ugu Bushaaraynayaa wixii ay noo Igmadeen Inaanu miiska Saarnay wax u Cuntama” HARGEYSA (Somaliland.Org)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay ajandaha shirka Istanbul ee wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya ay geeyeen qodobo ka turjumaya masaalixda iyo danaha Somaliland isla markaana ay qaranka ay matalayaan u soo bandhigi doonaan inay difaacaan qadiyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayay saxaafadda isagoo ku sugan magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga oo ay maanta si rasmi ah uga furmeen is araggii afraad ee wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in ajandaha shirkan horyaalaa uu ka kooban yahay 10 qodob oo ay soo diyaariyeen guddi afar xubnood ka kooban oo isku dhaf ah. Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu taxay qodobadda ay ergaddii Somaliland ku guulaysteen in lagu darro ajandaha laga wada hadlayo, waxaanu yidhi “Shirkii saaka ayuu si fiican u furmay, waxa ajandaha samayntiisa loo saaray afar xubnood oo ka kala socday labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ajandihii aanu wadanay Somaliland ahaan iyo kuwii ay wateen Soomaaliya ayaa la isku keenay. Ka dibna dood badan ka dib toban qodob ayaa lagu heshiiyay oo ajande ah oo miiska yaala, ajandaha macnihiisu ma aha in lagu heshiiyay ee waa waxa miiska la soo dhigo.” Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tafaasiil ka bixiyay ajandaha ay shirka soo hordhigeen ee ay wateen ergaddii reer Somaliland, isagoo arrintaasi iftiiminayayna waxa uu yidhi “Ajandihii annagu weftigii Reer Somaliland ka socday ay wateen waxa uu ahaa qodobka koowaad ee u horeeyay inay aqbalaan oo aqoonsadaan la soo noqoshadii madax-banaanidda iyo gooni isku taaga jamhuuriyadda Somaliland, qaranka Somaliland waxay gooni isu taagooda iyo madax-banaanidooda la soo noqdeen 1991-kii hase yeeshee waxaanu miiska keenay inay aqoonsadaan arrintaasi.” “Qoddobka labaad waxa uu ahaa inay ogolaadaan oo nidaamkeedii la mariyo wixii dhibaato loo geystay dal iyo dad reer Somaliland ee ka soo gaadhay taliskii kali taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, maadaama oo dalku ku burburay, dadkuna ku burbureen oo dhibaatadaas loo geystay oo dadkii dambiileyaasha ahaa ee dhibtaas geystayna sharciga la horkeeno ayaanu miiska shirkan soo dhignay,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu intaas ku ladhay “Qodobka sadexaad ee aanu shirka soo dhignay waxa uu ahaa inta uu socdo wada hadalku inay ogolaadaan waxa la yidhaahdo (Defucto Stus) oo ah Somaliland aqoonsiga inta aanay gaadhin in la sameeyo nidaam ama hab lagu macaamilo oo macaamilo innagu dhex mari karto, sida imikaba dunida kale mucaamilo noocan oo kale ahi noo dhex marto haddii aanu Somaliland nahay.” “Waxa kale oo aanu miiska shirkan soo dhignay in muranka laga saaro arrinta khilaafka taagan ee maamulka hawadda Somaliland iyo in khayraadka dabiiciga ah oo isna lagu murmo in dhinacba wixiisa ILAAHAY u calfay qaadato. Annagu qodobadaas ayaanu miiska soo dhignay iyaguna arrimo kuwaas oo kale ah ayay soo dhigeen.”ayuu yidhi Wasiir Xirsi. Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo in wada hadaladan guul iyo is faham laga gaadho, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan rajaynayaa in wada hadalladan guul laga gaadho oo is faham ka yimaado oo daraf waliba guul ka gaadho.” “Dadka reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa wixii ay noo igmadeen ee ay noo dirteen inaanu inshaalaahu tacaalaa ku metali doono oo aanu geynay miiska, una soo gudbin doono wax u cuntama,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiir Xirsi.
-
GaadhHaye;967430 wrote: what a waste of time...... in the country, hargeisa or mogadishu;;; :cool: go change the agenda,,,,,,, This will be discussed it doesn't say it will be agreed on to hold a conference in hargeisa and Mogadishu it doesn't work like that, because its not neutral ground on both sides. Neutral ground and international mediation thats the best way forward for these talks. Or else we will continue to talk about talks lol.
-
BREKING NEWS:— Wareegii Labaad ee wadahadalka Maamulka Somaliland iyo DF oo ka furmay magaalada Istambuul ee Turkiga Ergooyin ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga iyaga wareeg labaad ee wadahadalka uu maanta furmay. Ergooyinka ku sugan halkaasi ayaa dhinacba kan kale uu wataa qorsho u gaara waxaana dibadda ka jooga diblomaasiyiinta Turkiga. War hordhac ah ee la soo gaarsiiyey warbaahinta ayaa sidaan hoos ku qoran ah:- Qodobada Ajandaha Shirka: Maamulka Somaliland wuxuu miiska soo dhigtay in Dowladda Soomaaliya Aqoonsado inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda, halka Dowladda Soomaaliyana ay soo dhigtay in midnimada Dalka Soomaaliya la tixgaliyo, waxaa kale oo ajandaha Shirka ka mid ah in Somaliland oo dalbatay in inta wada hadaladu socdaan meeqam laga siiyo shirarka caalamiga ah, halka ay Dowladda Soomaaliyana dalbatay in maamulka Somaliland ogolaato isu socodka labada shacab. Somaliland ayaa dalbatay in Dowladda Soomaaliya soo qabato Wixii Danbi ka galay Shacabka Somaliland wakhtigii dowladdii hore ee kacaanka, magdhawna laga bixiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dalbatay in shirarka kale ee DF iyo maamulka Somaliland lagu qabto Dalka gudihiisa. Sidoo kale waxaa ku jira qodob ay Somaliland ku dalbanayso in loo madax banaaneeyo hawadeeda. Maxamuud Cabdi Yuusuf
-
Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qodobadda Soomaaliya Burisay Ee Heshiiskii hore ku jiray July 8th, 2013 Ankara, (Somaliland.Org)- Dawladda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qodobbadii ku jiray heshiiskii Ankara ee bishii April ee sanadkan ay Soomaaliya kala saxeexdeen ee ay jabisay dawladdaasi. Wada-hadaladii u dhexeeya dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay dib uga furmay dalka Turkiga ayaa ergooyinka ka kala socda labada dawladdood ay soo bandhigeen ajandaha ay wataan, isla markaana Somaliland ayaa shaacisay qodobaddii lagu heshiiyay shirkii in qaar ka mid ah ay madaxda Soomaaliya jabiyeen. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah ergada Somaliland uga qayb galaysa shirka wada-hadalada Somaliland iyo Somaaliya oo shalay u warramay Idaacada VOA ayaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya ku eedeeyay inuu jabiyay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore u wada gaadheen labada Dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya bishii April 13-keedii. Guddoomiye ku-xigeenku waxa kale oo ka hadlay xayiraada diyaaradaha Qaramada Midoobay ay hore Somaliland u saartay, isagoo xusay inaanay isku xidhnayn arrinta hawada iyo qodobadii lagu heshiiyay. Baashe Maxamed Faarax oo ugu horeyn ka hadlayay, ajandaha ay Somaliland shirka la tagtey waxa uu yidhi. “Anagu (Somaliland) waxaanu doonaynaa waa wax iska cad wax qarsoodi ah maaha ajandaha sidii dhaqanku ahaan jiray marka la isku yimaado in laga heshiiyo oo qolo waliba waxay wadato ay keento oo guddi loo saaro oo guddidaasi ajande midaysan ay soo diyaariso oo guddida la dhex keeno, ka dibna laga wada hadlo, markaa ajandahayagu wax qarsoodi ah maahee waa madax-banaanida Somaliland ayaa qodobka koowaad ah.” Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay qodobka ay dawladda Soomaaliya jabisay eek u jiray heshiiskii hore, waxaanu yidhi. “Qolo waliba waxay doonaysay way sheegatay. Anagu waxaanu sheeganay qodobadii Ankara lagu kala saxeexday qodobadaas oo qaar ka mid ah ay dawladda Soomaaliya jabisay, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shirka ka hor akhriyay, iyaguna way sheegeen waxay u socdeen, waxaanay dawladda Soomaaliya jabisay heshiiskii hore ee Ankara qodobaddii lagu heshiiyay qodobkiisa todobaad, shirkana waanu ka cadeynay, wixii aanu ku heshiinayna waxbaa ka jabay, iyadoo aanay saddex bilood ka soo wareegin.” Guddoomiye ku-xigeenka oo wax laga waydiiya inay qodob ka mid ah jabiyeen, maadaama Somaliland Qaramada Midoobay duulimaadyadeedii ay mamnuucday, waxa uu ku jawaabay. “Arrinta duulimaadyada wax iskugu kaaya jira Soomaaliya ma jiraan, hawadayada anagaa xukunna, Soomaaliyana kala tashan mayno, iyagaa hawadayada soo galay oo jabiyay cid aanu u daba fadhiisanayno hawadayadana ma jirto, mucaawinadaa aanu joojinayna waa mid anaga noo socotay ee may ahayn mid Soomaaliya u socotay, ergaduna qodobkaanu ku haysano may jabin ee waxa jabiyay Madaxweynaha Soomaaliya.”
-
Gaadhhaye Somaliland independence is non negotiable what is being discussed is all the other issues no one is expecting Somalia to accept Somaliland this is something we are all aware off. The issue of Somalia and Somaliland and the final settlement will be eventually reached when there are international mediators come inbetween the 2 countries.The issue will be discussed but it will not be agreed on this meeting most likely in the next talks in London.
-
Stanbul: Wada Hadalada Labada Wadan Ee Somaliland iyo Somalia Oo Si Toos Ah U Furmay iyo Dooda Dhinacyadda (Hadhwanaagnews) Monday, July 08, 2013 Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka". Magaalada Istaanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ku kulmaya mas´uuliyiin ka socota Soomaaliya iyo Soomaaliland. Shirkani waxaa uu daba socdaa shir saddex bilood ka hor isla dalka Turkiga ka dhacay oo labada dhinac ay yeesheen. Waxay ku heshiiyeen iskaashi dhanka ammaanka iyo ganacsiga. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaalia "Waaleheen wax kasta oo tanaasul ah diyaar baan ula nahay, waxaan ka ahayn in la kala tego" Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminaya wafdiga dowladdiisa, ayaa sheegay in miiska ay gaynayaan arrinta gooni isu taagga Somaliland. Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka". Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni isu taagga sanadkii 1991, xilligaasi oo Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo ku dhisnaa qaab qabiil. Hadhwanaagnews Stanbul, Turkiya.
-
There is no habaar or iskudir i was just giving my input where the SFG went wrong in regards dealing with the Jubbaland conflict. Somalia conflict is one of clan and it needs a clan solution, because if clan federalism needs to be confronted u need to use the clan card its very simple. And that is for Mr Hassan if he wants to gain control in those regions.
-
Khatuumo pledges alliance to Ahmed Madoobe of Jubbaland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Good stuff -
The Next Round of Talks in Ankara July 7, 2013 Khatumo State Press Release ______________ The federal government of Somalia is due to hold talks at Ankara with representatives from the one- clan based secessionist enclave calling itself Somaliland. This is a follow-up to the first round of talks held in Ankara on 14 April which will be remembered as a blatant betrayal of Somalia on two grounds: first, its unity was compromised when the secessionist enclave was accepted as a de facto separate country equal to Somalia in status; and secondly the unionist regions in the north were sold out when they were lumped against their will with the secessionists as part of Somaliland. Following the outcome of the Ankara talks, and faced with the inevitable country and worldwide backlash and outcry, the president has been flip-flopping, responding to the situation he faces of the moment. Thus, at times, he would reaffirm Somalia’s unity as non-negotiable and at other times he would sound ready to reach out to the secessionists at any price. If the past is any guide, it is anybody’s guess which stand the president will take at the forthcoming talks in Ankara. The stakes are very high for all unionists in Somalia, but more so for the peoples of the Khatumo State, Awadal and Makhir States. For them, as for all Somalis, the litmus test of the president’s commitment to Somalia is the following: - That the government will defend Somalia’s unity as non-negotiable; - That the Somali government represents all the people of Somalia as recognized by the international community and in this regard has the right to choose the members of its delegation to the conference, including some from the northern unionist regions; - That the people of Khatumo, as those from Awdal and Makhir States, are represented by their administrations and those they delegate to the talks, and not traitors who serve the one-clan secessionist enclave calling itself Somaliland; - That the federal government opposes any one clan in Somalia occupying another’s territory and in this regard should call on Somaliland to withdraw unconditionally its militia occupying Lascanod and other parts of Khatumo State of Somalia. - The ball is in the president’s court. He will have to choose between being a defender of Somalia and its unity or go down in history as the one who ended that unity. President Mohamed Yusuf Khatume State of Somalia
-
Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Miiska Wada Hadalka Ay Somaliland U Saaran Tahay Qodob La Xidhiidha Madaxbanaanideeda Si Adag-na U Difaacay Go,aankii Hawada Somaliland. (Hadhwanaagnews) Sunday, July 07, 2013 Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah guddida ka socota Somaliland ee gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo somaliya u jooga wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ay Somaliland miiska wada hadalka la imanaysaa uu yahay madax banaanida Somaliland Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah guddida ka socota Somaliland ee gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo somaliya u jooga wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ay Somaliland miiska wada hadalka la imanaysaa uu yahay madax banaanida Somaliland. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo u waramayey VOA ayaa dhinaca kalana ku eedeeyey dawlada somaliya inay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen wadanka Turkiga, kaas oo dhigayey in labada dhinac ay ka fogaadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara inay wada hadalku sii socdaan. Ugu horayn gudoomiyaha oo ka hadlaya wada hadalka Somaliland iyo somaliya ayaa waxa uu yidhi ? anagu waxaanu doonaynaa in madax banaanida Somaliland ay tahay mid aan mugdi la galin karin taas oo miiska wada hadalka hor taala, marka laysku yimaadana ajandaha laga wada heshiiyo oo qolo waliba wixii ay wadato guddida loo keeno dabadedna laga wada hadlo, ajandaha shirka?ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Gudoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobka todobaad ee heshiiskii hore oo uu sheegay inay jabiyeen wadanka somaliya, isaga oo farta ku fiiqay in madaxweynaha somaliya Xasah Sheekh Maxamuud uu isagu jabiyey qodobkaas waxaanu yidhi ?dawlada somaliya waxay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen magaalada Ankara, gaar ahaan madaxweynaha somaliya ayaa si cad qodobkaas u jabiyey,waxaanu qodobkaasi dhigayey inaan labada wadanba aanay ku kicin arimo joojin kara wada hadalka u bilaabay labada dal.? Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu difaacay go,aanka ay xukuumada Somaliland hawadeeda kaga mamnuucday diyaaraha qaramada midoobay, isaga oo sheegay inay Somaliland maamulka hawadeeda u madax banaan tahay.
-
Malistar the SFG waited to long they let the conference in Kismayo happen, if they were smart they would have organized a similar conference of the rival clan and rally the opposing clans under one entity with full support of the SFG. While they lobbied in Europe for the withdrawal of the Kenyan troops, That should have been their approach also they should have replaced the interior Minister and defense Minister with communities from those regions. By just saying we like Kenya with one mouth at the same time writing secret letters will not cut it. The Kenyans will do everything to remain in Somalia until they install their puppet State in Jubbaland. They have heavily invested in Raskambooni. You need to change the face of the government no more sugar coating, if you want the Kenyans gone u need to prepare for a real diplomatic battle in Brussels and London, With the Kenyans there should be concrete evidence Kenya is destabilizing Somalia and that Kenya isn't neutral as Amisom peace keeping forces. You need present your case very well with full reports with all the activities of the Kenyans since they arrived in Somalia. The Sahal forces will use Kenya's Foreign ministry to get things done and Uhurro Will behind the political curtains give his blessing. Also what is latest development with training forces building militaristic institutions in the regions. The HAG elites Mogadishu are preoccupied with Daahir aweys forget about daahir aweys you have bigger fish to fry.
-
Somaliland prepares for mass cattle trade Despite famine in the region, animal traders in the horn of Africa are preparing for busy month ahead. Last Modified: 06 Jul 2013 20:54 Animals vastly outnumber people in Somaliland. Around three and a half million people live in the region as compared to an estimated 8 million goats and more than one million camels. Animal traders in Somaliland are preparing for a busy month as the Muslim holiday, Eid, approaches. Despite famine elsewhere in the region, millions of goats, sheep and camels are sold to Saudi Arabia every year. Al Jazeera's Nazanine Moshiri reports from Hargeisa. http://www.aljazeera.com/video/africa/2013/07/201376193149967595.html
-
Deero Mall officially opened in Hargeysa, capital of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Wonderful deero mall looks very good they were working on this for a long time. Good to see it finally open up -
Somalia on The Move; Thanks to Turkey.........
Xaaji Xunjuf replied to GaadhHaye's topic in Politics
Nothing is for free its just part of Turkey's neo ottomanism in Somalia and the larger Horn. Do you think this for free these investments largely benefits the Turkish interests in Africa. -
I have to say a good delegation from Somalia to .
-
Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga Oo Kulan Hor Dhac Ah La Yeeshay Wufuudii Labada Dhinac Ee Somaliland Iyo Somaliya Iyo Shirkii Oo Goordhaw Furmaya+Sawiro Hargeysa (Ramaas) July07, 2013 -Guddiyadda labadda wadan ee Somaliland iyo Somaliya ee ka qayb galaya wadahadalada Magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga uga furmaya ayaa kulan hor dhac ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaasi Mr. Ahmed Davutoglu.Mar uu ka hadlayay xidhiidhka uu Turkigu la leeyahay dalalka Somaliland iyo Somaliya ayaa waxa uu ku sifeeyay in uu yahay mid aad u qoto dheer oo taariikhiya, isla markaana bar bar dhigay wadamadda xuduudka laleh Turkiga, waxaanu yidhi "Xidhiidhka ka dhaxeeya wadamadda Somaliland, Somaliya Iyo Turkigu waa mid u dhigma wadamadda jaarka nala ah Ayuu yidh, waxaanu intaasi ku daray In Kasta oo dhul ahaan aanu nahay dalal aad u kala fog, hadana waxa aanu nahay dad iska war haya sida qoyska oo kale" ayuu yidhi. Mar uu ka hadlayay wada hadaladda labada dal maanta uga bilaabmaya Magaaladda Ankara waxa uu yidhi "Waxa aanu ku dedaalaynaa sidii ay wada hadaladda walaalahayo (Somaliland iyo Somalia) u sii socon lahaayeen, waxaana naga go,an xitaa in aanu ku dedaalno sidii aanu ugu samayn lahayn biriij weyn oo ay si bani,aadamnimo isaga kaashan karaan" . Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in ay ka go'an tahay in uu dalka Turkigu caawiyo guud ahaanba dadyoowga Soomaaliyeed. Dal kasta oo ay ku nool yihiiina waxa aanu ku dedaalanaynaa oo naga go,an siddii aanu u caawin lahayn walaalahayo wiilal iyo gabdho ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somalida si kasta oo ay suurtogal ku tahay., - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wasiirka-Arrimaha-Dibada-Turkiga-Oo-Kulan-Hor-Dhac-Ah-La-Yeeshay-Wufuudii-Labada-Dhinac-Ee-Somaliland-Iyo-Somaliya-Iyo-Shirkii-Oo-Goordhaw-Furmaya.html#sthash.zJmiqs7S.dpuf
-
Somalia and Somaliland delegations meet with Turkish FM
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
The Turks are understanding the game now they are making a clear distinction between Somalia and Somaliland. Although they are just the facilitators and not mediators. But even as facilitators they need to behave as honest neutral grounds for these talks. Now let the dialogue continue these talks will be much more intense than the talks before. Now lets watch it the next coming days. -
-
What will be discussed is the Airspace some other cooperation agreements and they might just call for further strict international mediation. Or another scenario the talks will complexly fail altogether this is also a possibility.
-
-
Somalia, Somaliland delegations meet with Turkish FM Sunday, July 07, 2013 Turkey always keeps Somali and Somaliland dialogue on its agenda, Davutoglu said. Helping Somalis "in every possible way" is a "historic responsibility" for Turkey, said Foreign Minister Ahmet Davutoglu on Saturday. Davutoglu held a joint meeting with delegations of government officials from Somalia and Somaliland in central Istanbul in a continuation of peace talks that began on April 13 in Ankara. "The relations between Somali, Somaliland and Turkey are beyond any kind of borders," Davutoglu said. "Despite geographical distance, historically we are like a family." The minister described the first meeting on April 13 as a "historic start", where parties agreed on a joint statement to plan future talks. The statement had said country representatives would meet again in three months. On Sunday's meeting in Istanbul, the Turkish foreign minister met ministers and MPs from Somali and Somaliland, including Somali Interior Minister Hussein Gulled and Somaliland Trade Minister Muhammed Omar. "We have always kept discussions on the joint future of our brothers [in Somali and Somaliland] on our agenda, and striven to build strong bridges between them through humanitarian aid," Davutoglu said. "Irrespective of which country they live in, we will help all our Somali brothers and sisters in every possible way." "This is our historic responsibility, as well as a humanitarian responsibility and an indispensable part of our active diplomatic policy in Africa." Somaliland is an internationally recognized autonomous region in northwestern Somalia. It sought independence from the country in 1991 when Somalia suffered a government collapse, triggering a civil war that is still ongoing.
-
Weftiga Somaliland Oo Ka hadlay Qodobadda Lagu Lafo-guri Doono Shirka Somaliland Iyo Soomaaliya “Shirkan Waxaanu Rajaynaynaa inuu Noqdo mid Lagaga Hadli doono Arrimaha Xasaasiga ah ee Taagan, lagana wada hadli doono Aqoonsiga Somaliland” Istanbuul (Somaliland.Org)- Weftigii Somaliland uga qeyb galayay wada hadaladii afraad ee Somaliland iyo Soomaaliya isku soo hor fadhiistaan ayaa gaadhay magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga, waxaana madaarka si diiran ugu qaabilay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo masuuliyiin u qaabilsan dhinaca baratakoolka Raysal wasaaraha Turkiga. Weftigan oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Madaxtooyadda, Shaqada iyo Arrimaha bulshadda, Guddoomiye Ku xigeenadda koowaad ee Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda, Wasiirkii hore ee wasaarada Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Geel-jire) iyo Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Wakiiladda. Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in wada hadladii afraad ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya uu si rasmi ah uga furamayo Istanbuul maalinta Axadda ee berry, waxaanu tilmaamay inay shirkan ka rajaynayaan inuu noqdo mid midho dhal ah oo labada dalba ku faaqidaan danahooda. Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in shirkani socon doono muddo sadex maalmood ah, isla markaana ay rajaynayaan in lagu soo qaado arrimaha xasaasiga ah ee xiligan taagan, lana gudo geli doono in laga wada hadlo aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland. “Shirkan waxaanu rajaynaynaa inuu noqdo mid lagaga hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee imika taagan, lagana wada hadli doono aqoonsiga iyo madax-banaanida Somaliland-na lagu lafo-guri doono,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashigu. Sidoo kale, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in Gudidani ay tahay Guddi farsamo isla markaana aanay daruuri ahayn inay xisbiyadda siyaasaddu qeyb ka noqdaan, waxaanu ku dooday in Guddidani ay tahay Guddi miisaan leh oo ka kooban sadexdii Gole Qaran. Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladdu waxa uu sheegay in xukuumadda loo igmaday inay qaranka u matasho wada hadalada iyo siyaasadda dibada isla markaana ay Goleyaasha baarlamaankuna ka saacidayaan arrintaasi.
-
Asha hagi wonderful woman mashallah