-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Xisbiga Ucid oo Soo Dhaweeyay Wadohadalo Kasta oo Dhex mara Somaliland iyo Somaliya. posted by Maxamuud Jama | July 9, 2013 | In Waaheen News Hargeysa(Waaheen):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa soo dhaweeyey wada-hadalo kasta oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, balse waxay soo jeediyeen inay wada-hadaladu noqdaan kuwo midho dhala oo aanay noqonin sii soco oo soo soco ah. Sidaa waxay si wada-jira ugu sheegeen murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo kuxigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo Warsaxafadeed ka kooban lix qodob Xalay soo saareen, waxaanu Warsafadeedkaasi u dhignaa sidan: “1. Marka hore waxaanu soo dhowaynaynaa wada hadallo kasta oo dhex mara Somaliland & Somalia sida ay bulshada caalamkuba u dhiirrigelinayaan; haseyeeshe waxaanu soo jeedinaynaa wadahadalku inuu noqdo mid midho dhala, ee aanu noqon mid sii soco oo soo soco ah. 2. Waxaanu aaminsanahay in taasi ku suurto gali karto, in marka hore la caddeeyo Agendaha shirka iyo qodobada laga wada hadlayo. Marka la isku raaco qodobada laga wada hadlayo ayaa la gaadhi karaa meel looga sii socon karo, wada hadalka iyadoo laga wadda dheregsan yahay arrimaha shirka lala tegaayo. 3. Xukuumadda maanta talada haysaa doorasho ayay ku timi, talo way u baahan tahay iyo in ay axsaabta qaranka ka qayb geliso talooyinka qaran sida tan wadahadalka oo kale ah, haseyeeshee waxay xaq u leedahay xulashada ergada wadahadalka, iyadoo marwalba laga duulayo in masiirka shacabka Somaliland ee gooni isu taaggu yahay mid aan gor-gortan geli Karin. Xisbiga UCIDna waxa ay ummaddu u igmatay inay ku ilaaliyaan xisbiga talladda haya markasta oo ay u arkaan in laga leexanayo wadaddii ka midho dhalinta hanka shacabka Somaliland. Markasta oo aanu aragno in dariiqii laga leexanayana waa mid naga go’an in aanu shacabka la wadaagno. 4. Xisbiga UCID wuxuu aaminsanahay in ergooyinka wada hadalka ka qayb galayaa ay ahaadaan kuwo la mida ama leh miisaankii iyo saamigii ergadii calanka ka soo qaadaysey Ingiriis wakhtigii xoriyadda ee 1960kii, saami ku suntan ergo isleeg tiro ahaan beesha dhexe iyo beelaha darifyada; waxaanan xukuumadda Kulmiye u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan is indhotirka dhowraana wadajirka, calool fayoobida iyo wax wada lahaanshaha shacabka S/land. 5. Siyaasadda Xisbiga UCID waa mid ku qotonta in aan walaalaheena Somalia ee aynu kala baxnay 1991 kii ahaano walaalo derisa, isla markaana kula noolaano is jacayl la mid ah ka aynu u hayno walaalaheena Dawlada Deegaanka Somaalida Ethiopia ama walaalaheena Soomaaliyeed ee Dawlada Djibouti ama walaalaheena ku jira Dawladda Kenya. 6. Ugu Dambayn, waxaan soo jeedinaynaa in ay madaxda qaranka iyo kuwa xisbiyaduba dhowraan anshaxa masuuliyadda kana waantoobaan hadalada aan habboonayn ee saxaafada la isu marinayo.” ILaahaybaa mahadleh, Somaliland Guul.”
-
An Open letter from Garissa community to Gedo community
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Hate is normal in Somali society lol By the way funny article the Gaarisa man is trying to win over the gedo community but it will be very hard since the gedo community was attacked before. The gedo community will feel closer to the HAG community than to the Sahal society. -
GAROODI;967551 wrote: War xaji horan ku shagay you are a liberal and an idealist. There is nothing legally binding SOMALILAND to Somalia. No act of union no reeferndum approved by landers. Not even history for that matter. For these people as a Ugandan trusteeship to be asking for union a forced one at that is unjust. SOMALILAND needs to up the anti we need further negotiating leverage. I say we create buffer zones inside Somalia starting with the pirates den and create a state in marka that can be used as a launch pad into mugdisho I am not against Somaliland fighting for its right place on the international stage, i am also not saying that Somaliland is legally attached to Somaliland although the IC believes this is the case. But also believe the larger Somali horn objective should be achieved this can be done if the 2 cooperate for the betterment of their people and to prosper. The first union in 1960 was an emotional one no one really thought about it deeply and the mistake we made which led to the full destruction of Somaliland and it let Somalia further disintegrate and total state collapse, people should learn from the past , i dont see why you are so aggressive towards Somalia, Somalia is no threat to Somaliland for a long time they are a threat to themselves. Call me naive an idealist i always believed in this but its very difficult to discuss such mattes now, when we dont know even what SL and Somalia relationship will be in the near future. Somalia and Somaliland share common values culture and tradition and language that atleast should be a base to cooperate and create a healthy union based equality. No the union the Koonfurians have in mind that Somalia leads everything and Somaliland is a region of Somalia. No one based on equality something the Scandinavian countries share, the last thing we want is that Somalia and Somaliland become like Eritrea and Ethiopia.
-
Khatumo administration rejects the proposed outcome of the Somalia –Somaliland talks maalik_eng July 9, 2013 Mogadishu-(Sh.M.Network)-the president of Khatumo state of Somalia has opposed the current meeting held in Istanbul between the federal republic of Somalia and the Somaliland administration. Mohamed Yusuf Jama who is the president of Khatumo state has termed the talks as illegal and and added that the talks holds no values to Somalis in general. The president has called on the federal government to terminate the talks and urged the government to continue representing the Somali public in the whole of Somalia. Mr. Jama said that it was unfortunate of a recognized government to hold talks to a single state and sidelining other states in the country. Khatumo community hails from the regions between Somaliland and Puntland of Somalia and is seeking recognition from the federal republic of Somalia.
-
Somaliland iyo Somaliya oo meel adag ka bilaabay wadahadaladii u soo socday iyo Ajandaha oo u eg mid lagu kala kacayo July 8, 2013 | In Waaheen News Somaliland waxa ay qadintay Somaliya inay jabisay qoddobka toddobaadkii ee Heshiiskii Ankara Wadahadalka ugu muhiimsan waa qadiyadda Somaliland oo miiska saaran oo aan laga noqonayn 1010259_10151700185583535_535888808_nItanbul(Waaheen) Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si rasmiya shalay uga furmay Magaaladda Istanbul, wadahadaladaas oo ay marti galinayso dawladda Turkigu, waxaana furay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu . Madasha shirka ayaa ahayd mid degan, waxaana labada waddanka midkasta goobtii shirka ka jeediyay wixii ka qabsoomay wadahadaladii hore iyo wixii ka fulay qodobadii hore labada waddan isula meel dhigeen, Iyadoo la xusi karo in furitaanka Shirka ay cadcadaayeen Ergada Waddanka Somaliland oo iyagu qodobo muhiim ah sii diyaarsaday, kuwaas oo ay hore markhaati uga hayd dawladda Turkigu markii ay kala saxeexanayeen labadada waddan, balse Somaliland u aragto inay ka jabeen xagga Soomaaliya oo aanay fulinin. Wasiirka arrimaha dibaddaTurkiga Ahmet Davutoglu, iyo xubno Xukuumadda dawladiisa ka tirsan oo shirka hoggaaminaayay ayaa si degan u dhagaysanaayay labada waddanba ibafurka doodooda. Inkasta oo ujeedadu ku koobnayd furitaanka si rasmiya loo furaayay shirka afraad ee wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyo qiimaynta qodobadii hore, hadana wuxuu ahaa mid doodo badan lays waydaarsaday. Wasiirka arrimaha dibadda Ahmet Davutoglu ayaa ku wergaliyayay ergooyinka labada waddan in shirku sii socon doono isla markaana loo gudbi doono qodobada ajandaha u ahaa Shirka afraad ee labada waddan yeeshaan. Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cumar oo hogaaminaya ergada Somaliland uga qaybgalaysa wada-hadaladii afraad ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka uu u qabtay Wasiirka Khaarajiga Turkigu, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii. “Shirkan aanu la yeelanay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dawladda Turkiga wuxuu ahaa shir lagu furayay wada hadalada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya oo manta(shalay) si rasmi ah u bilaabmay, markaa shirkii maanta (shalay) oo ahaa shir aanu wada-jir uga qaybgalnay labadii wefti ee Somaliland iyo Soomaaliya, marti qaadkaa uu noo fidiyay Wasiirka Arrimaha ee Turkiga, waxaanu kaga wada hadalnay warbixin kooban oo aanu ka bixinaynay waxyaabaha aanu ka filayno shirka soo socda ee labada dalka ee saddex maalmood halkan (Ankara) ka soconaya iyo shirarkii aanu hore u galnay arrimihii lagaga wada hadlay ayaa ugu horeysay wixii aanu ka wada hadalnay.” Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray. “Waxa kale oo aanu u mahad celinayaa dawladda Turkiga oo soo dhaweyn iyo taageero wanaagsan u fidisay labada dalba inay ku wada hadlaan dalkooda wax ala farsamo iyo taageero ah ama ra’yi ay hayaan u soo gudbiyaan, arrintaas walaalaha Turkiga aad baan uga mahad celinaya.” Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sidoo kale ka hadlay rejadiisa ku wajahan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi. “Dhinaca kalena waxaanu u arkaynay guddidii xaga Soomaaliya inay diyaar u yihiin in wada-hadalada aanu halkaa kasii ambo-qaadno, waxaanan rajaynayaa in arrimo faaqidan oo labada dal u astaysan ama u qorshaysan aanu ka wada hadalno.” Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah guddida ka socota Somaliland ee gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo somaliya u jooga wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ay Somaliland miiska wada hadalka la imanaysaa uu yahay madax banaanida Somaliland. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo u waramayey VOA ayaa dhinaca kalana ku eedeeyey dawlada somaliya inay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen oo dhigayey in labada dhinac ay ka fogaadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara inay wada hadalku sii socdaan. gudoomiyaha oo ka hadlayay wada hadalka Somaliland iyo somaliya ayaa waxa uu yidhi “anagu waxaanu doonaynaa in madax banaanida Somaliland ay tahay mid aan mugdi la galin karin taas oo miiska wada hadalka hor taala, marka laysku yimaadana ajandaha laga wada heshiiyo oo qolo waliba wixii ay wadato guddida loo keeno dabadedna laga wada hadlo, ajandaha shirka”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Gudoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobka todobaad ee heshiiskii hore oo uu sheegay inay jabiyeen wadanka somaliya, isaga oo farta ku fiiqay in madaxweynaha somaliya Xasah Sheekh Maxamuud uu isagu jabiyey qodobkaas waxaanu yidhi “dawlada somaliya waxay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen magaalada Ankara, gaar ahaan madaxweynaha somaliya ayaa si cad qodobkaas u jabiyey,waxaanu qodobkaasi dhigayey inaan labada wadanba aanay ku kicin arimo joojin kara wada hadalka u bilaabay labada dal.” Ayuu ydhi Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu difaacay go’aanka ay xukuumada Somaliland hawadeeda kaga mamnuucday diyaaraha qaramada midoobay, isaga oo sheegay inay Somaliland maamulka hawadeeda u madax banaan tahay. Si kastaba ha ahaate waxaa ku xeeran wadahadalka labada dhinac dareeno badan, iyadoo labada waddan mid kastaa doodiisa sii diyaarsaday.
-
Somaliland:Talks on Right Track-Minister of Presidency HIRSI By Goth Mohamed Goth Somaliland minister of Presidency Hon Hirsi Haji Ali Hassan in a press briefing today shortly after emerging from a closed door meeting in Ankara ,Turkey in which he unveiled details of the demands presented by the government of Somaliland on the second round of the talks which are as follows:- 1. The federal government of Somalia should reckon and accept the aspirations of self-determinations and full independence of Somaliland. 2. The prosecution of all who took part in the unspeakable crimes against humanity were committed extreme and serious genocides of the former regime in Somaliland starting from the year 1984 -1988 those crimes were committed under Barre’s 21-year regime, by which government forces tortured, summarily executed, raped, and even launched aerial bombing raids on civilian populations all across Somaliland. 3. The federal government should accept special status for Somaliland in the UN as an observer and international stage until full independence is reinstated. 4. The federal government of Somalia should accept Somaliland as the Sole legitimate and decision-maker within Somaliland Airspace and that Somaliland aviation Authorities will be solely responsible for collecting all charges fee from airlines using its airspace and all airlines using their airports. 5. The Federal government of Somalia should acknowledge Somaliland sovereign rights to administer and manage its own natural resources and its legitimate decision maker in dealing with potential investors be it local or international investors within the borders of the Republic of Somaliland. Lastly the minister of Interior in the federal government of Somalia Hon Abdikarim Hussien Guled briefly speaking to reporters after the meeting ended stated ,”I am encouraged by the talks are proceeding ,they seem to be taking the right direction every time”. SomalilandPress.Com
-
Dont be so hostile towards the people of Somalia , the people of Somalia and Somaliland are brothers sisters. A strong Somalia means a strong Somaliland , a strong Somaliland means a strong Somalia. In the future if we solve this issue there can be a natural union one of mutual interests and equality similar how the European cooperates on all fronts and are now closely to become a giant region to be reckoned with competing with china/ russia and America. But in order to reach that goal, Somaliland needs to be fully separated from Somalia with international recognition , in order for the bond to grow stronger between Somalia and Somaliland Djibouti can than join to. Somalia and Somaliland Djibouti can have the same defense policy have the same currency if needed in the future even introduce the same passport the National borders will eventually become artificial we will have real economic and political integeration.We can hold joint Parliament sessions, and even create a Somali Assembly consisting of Somalia Somaliland and Djibouti. This all can be achieved if Somalia and Somaliland agree to restore relations as people as countries as nations. But there can never be a union as the way the Koonfurians view it that Somaliland is a region of Somalia and that Koonfurians have the right to rule it and do as they like and that Somalilanders should abide their constitution no union based on jealousy hatred and Qabilism can ever exist not in this world. It has to be one of mutual interest and respect, i dont know ever if we Somalia and Somaliland can reach that point where we become a strong nation in the horn with similar cultural values language religion and can dominate the Horn economically politically. I dont know if this can be reached in my life time.
-
https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=FGL2-1smDko" frameborder="0" allowfullscreen>
-
HAG on the talks
-
In Post-Morsi Diplomacy, Turkey Hosting Somaliland & Somalia Talks By Matthew Russell Lee UNITED NATIONS, July 8 -- With events in Egypt putting Turkish diplomatic forays ever more in question, the country has gone forward with its attempts to mediated between Somalia and Somaliland. Could this reverse things for Turkey, casting it in the role of Qatar on Darfur or Burkina Faso on Mali? As Somaliland's Minister of Trade and International Investment, Dr. Mohamed A. Omar and Somalia's Minister of Interior and National Security, Abdikarim H. Guled met, it was Free UN Coalition for Access member Mohamoud Walaaleye who asked, obtained and sent us a document said to be the 1960 (ill-fated) union on Somalia and Somaliland. We put it online here. But why was the UN seat not called Somali Republic? Here are the Somaliland side's points: 1. SFG should recognize that Somaliland reclaimed their independence 2. As long as discussion continues for two sides Somaliland should be allocated separate seat during international conferences concerned what was used Somalia 3. Somalia should arrest and hand to Somaliland all individuals committed crime against humanity, and given compensation 4. Somaliland should have authority of managing its airspace. 5. Getting investment for Somaliland resources. Somalia’s five point agenda was: 1. Unity of Somalia should be abiding 2. Permit free movement of people and politicians on each side. 3. Other remaining dialogues be hold inside country 4. To hold future dialogues inside Somaliland or Somalia 5. Design standard procedure abiding for future dialogue The UN unilaterally transferred Somaliland's airspace to Mogadishu, leading to a cancellation of UN system flights. UN envoy Nicholas Kay has been told that the new UNSOM mission should not open in Somaliland. Meanwhile, Kay declined to confirm or deny that in Mogadishu UN Mine Action Service boss David Bax shares information with US intelligence. Kay told Inner City Press this is a question for the UN in New York, where UN Peacekeeping under Herve Ladsous refuses to answer Press questions. That is now being fought by the Free UN Coalition for Access. Watch this site.
-
Wasiirka Madaxtooyadda Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Qodobo Xasaasi ah oo ay La Hor-fadhiisteen Soomaaliya July 8th, 2013 “Waxaanu Horgeynay Qodobo ay ka mid ahaayeen inay aqbalaan oo aqoonsadaan la soo noqoshadii madax-banaanidda iyo gooni isku taaga jamhuuriyadda Somaliland” “Qodobka Labaad Waxa uu ahaa In ay Ogolaadaan Dhibtii Taliskii Siyaad Barre u Geystay Dadka & Dalka Somaliland, dambiileyaashiina Sharciga la horkeeno” “Dadka Reer Somaliland Waxaan ugu Bushaaraynayaa wixii ay noo Igmadeen Inaanu miiska Saarnay wax u Cuntama” HARGEYSA (Somaliland.Org)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay ajandaha shirka Istanbul ee wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya ay geeyeen qodobo ka turjumaya masaalixda iyo danaha Somaliland isla markaana ay qaranka ay matalayaan u soo bandhigi doonaan inay difaacaan qadiyadda Somaliland. Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayay saxaafadda isagoo ku sugan magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga oo ay maanta si rasmi ah uga furmeen is araggii afraad ee wada hadalladda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in ajandaha shirkan horyaalaa uu ka kooban yahay 10 qodob oo ay soo diyaariyeen guddi afar xubnood ka kooban oo isku dhaf ah. Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu taxay qodobadda ay ergaddii Somaliland ku guulaysteen in lagu darro ajandaha laga wada hadlayo, waxaanu yidhi “Shirkii saaka ayuu si fiican u furmay, waxa ajandaha samayntiisa loo saaray afar xubnood oo ka kala socday labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ajandihii aanu wadanay Somaliland ahaan iyo kuwii ay wateen Soomaaliya ayaa la isku keenay. Ka dibna dood badan ka dib toban qodob ayaa lagu heshiiyay oo ajande ah oo miiska yaala, ajandaha macnihiisu ma aha in lagu heshiiyay ee waa waxa miiska la soo dhigo.” Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tafaasiil ka bixiyay ajandaha ay shirka soo hordhigeen ee ay wateen ergaddii reer Somaliland, isagoo arrintaasi iftiiminayayna waxa uu yidhi “Ajandihii annagu weftigii Reer Somaliland ka socday ay wateen waxa uu ahaa qodobka koowaad ee u horeeyay inay aqbalaan oo aqoonsadaan la soo noqoshadii madax-banaanidda iyo gooni isku taaga jamhuuriyadda Somaliland, qaranka Somaliland waxay gooni isu taagooda iyo madax-banaanidooda la soo noqdeen 1991-kii hase yeeshee waxaanu miiska keenay inay aqoonsadaan arrintaasi.” “Qoddobka labaad waxa uu ahaa inay ogolaadaan oo nidaamkeedii la mariyo wixii dhibaato loo geystay dal iyo dad reer Somaliland ee ka soo gaadhay taliskii kali taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, maadaama oo dalku ku burburay, dadkuna ku burbureen oo dhibaatadaas loo geystay oo dadkii dambiileyaasha ahaa ee dhibtaas geystayna sharciga la horkeeno ayaanu miiska shirkan soo dhignay,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu intaas ku ladhay “Qodobka sadexaad ee aanu shirka soo dhignay waxa uu ahaa inta uu socdo wada hadalku inay ogolaadaan waxa la yidhaahdo (Defucto Stus) oo ah Somaliland aqoonsiga inta aanay gaadhin in la sameeyo nidaam ama hab lagu macaamilo oo macaamilo innagu dhex mari karto, sida imikaba dunida kale mucaamilo noocan oo kale ahi noo dhex marto haddii aanu Somaliland nahay.” “Waxa kale oo aanu miiska shirkan soo dhignay in muranka laga saaro arrinta khilaafka taagan ee maamulka hawadda Somaliland iyo in khayraadka dabiiciga ah oo isna lagu murmo in dhinacba wixiisa ILAAHAY u calfay qaadato. Annagu qodobadaas ayaanu miiska soo dhignay iyaguna arrimo kuwaas oo kale ah ayay soo dhigeen.”ayuu yidhi Wasiir Xirsi. Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay inuu rajaynayo in wada hadaladan guul iyo is faham laga gaadho, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan rajaynayaa in wada hadalladan guul laga gaadho oo is faham ka yimaado oo daraf waliba guul ka gaadho.” “Dadka reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa wixii ay noo igmadeen ee ay noo dirteen inaanu inshaalaahu tacaalaa ku metali doono oo aanu geynay miiska, una soo gudbin doono wax u cuntama,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiir Xirsi.
-
GaadhHaye;967430 wrote: what a waste of time...... in the country, hargeisa or mogadishu;;; :cool: go change the agenda,,,,,,, This will be discussed it doesn't say it will be agreed on to hold a conference in hargeisa and Mogadishu it doesn't work like that, because its not neutral ground on both sides. Neutral ground and international mediation thats the best way forward for these talks. Or else we will continue to talk about talks lol.
-
BREKING NEWS:— Wareegii Labaad ee wadahadalka Maamulka Somaliland iyo DF oo ka furmay magaalada Istambuul ee Turkiga Ergooyin ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga iyaga wareeg labaad ee wadahadalka uu maanta furmay. Ergooyinka ku sugan halkaasi ayaa dhinacba kan kale uu wataa qorsho u gaara waxaana dibadda ka jooga diblomaasiyiinta Turkiga. War hordhac ah ee la soo gaarsiiyey warbaahinta ayaa sidaan hoos ku qoran ah:- Qodobada Ajandaha Shirka: Maamulka Somaliland wuxuu miiska soo dhigtay in Dowladda Soomaaliya Aqoonsado inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda, halka Dowladda Soomaaliyana ay soo dhigtay in midnimada Dalka Soomaaliya la tixgaliyo, waxaa kale oo ajandaha Shirka ka mid ah in Somaliland oo dalbatay in inta wada hadaladu socdaan meeqam laga siiyo shirarka caalamiga ah, halka ay Dowladda Soomaaliyana dalbatay in maamulka Somaliland ogolaato isu socodka labada shacab. Somaliland ayaa dalbatay in Dowladda Soomaaliya soo qabato Wixii Danbi ka galay Shacabka Somaliland wakhtigii dowladdii hore ee kacaanka, magdhawna laga bixiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dalbatay in shirarka kale ee DF iyo maamulka Somaliland lagu qabto Dalka gudihiisa. Sidoo kale waxaa ku jira qodob ay Somaliland ku dalbanayso in loo madax banaaneeyo hawadeeda. Maxamuud Cabdi Yuusuf
-
Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qodobadda Soomaaliya Burisay Ee Heshiiskii hore ku jiray July 8th, 2013 Ankara, (Somaliland.Org)- Dawladda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qodobbadii ku jiray heshiiskii Ankara ee bishii April ee sanadkan ay Soomaaliya kala saxeexdeen ee ay jabisay dawladdaasi. Wada-hadaladii u dhexeeya dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay dib uga furmay dalka Turkiga ayaa ergooyinka ka kala socda labada dawladdood ay soo bandhigeen ajandaha ay wataan, isla markaana Somaliland ayaa shaacisay qodobaddii lagu heshiiyay shirkii in qaar ka mid ah ay madaxda Soomaaliya jabiyeen. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah ergada Somaliland uga qayb galaysa shirka wada-hadalada Somaliland iyo Somaaliya oo shalay u warramay Idaacada VOA ayaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya ku eedeeyay inuu jabiyay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore u wada gaadheen labada Dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya bishii April 13-keedii. Guddoomiye ku-xigeenku waxa kale oo ka hadlay xayiraada diyaaradaha Qaramada Midoobay ay hore Somaliland u saartay, isagoo xusay inaanay isku xidhnayn arrinta hawada iyo qodobadii lagu heshiiyay. Baashe Maxamed Faarax oo ugu horeyn ka hadlayay, ajandaha ay Somaliland shirka la tagtey waxa uu yidhi. “Anagu (Somaliland) waxaanu doonaynaa waa wax iska cad wax qarsoodi ah maaha ajandaha sidii dhaqanku ahaan jiray marka la isku yimaado in laga heshiiyo oo qolo waliba waxay wadato ay keento oo guddi loo saaro oo guddidaasi ajande midaysan ay soo diyaariso oo guddida la dhex keeno, ka dibna laga wada hadlo, markaa ajandahayagu wax qarsoodi ah maahee waa madax-banaanida Somaliland ayaa qodobka koowaad ah.” Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay qodobka ay dawladda Soomaaliya jabisay eek u jiray heshiiskii hore, waxaanu yidhi. “Qolo waliba waxay doonaysay way sheegatay. Anagu waxaanu sheeganay qodobadii Ankara lagu kala saxeexday qodobadaas oo qaar ka mid ah ay dawladda Soomaaliya jabisay, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shirka ka hor akhriyay, iyaguna way sheegeen waxay u socdeen, waxaanay dawladda Soomaaliya jabisay heshiiskii hore ee Ankara qodobaddii lagu heshiiyay qodobkiisa todobaad, shirkana waanu ka cadeynay, wixii aanu ku heshiinayna waxbaa ka jabay, iyadoo aanay saddex bilood ka soo wareegin.” Guddoomiye ku-xigeenka oo wax laga waydiiya inay qodob ka mid ah jabiyeen, maadaama Somaliland Qaramada Midoobay duulimaadyadeedii ay mamnuucday, waxa uu ku jawaabay. “Arrinta duulimaadyada wax iskugu kaaya jira Soomaaliya ma jiraan, hawadayada anagaa xukunna, Soomaaliyana kala tashan mayno, iyagaa hawadayada soo galay oo jabiyay cid aanu u daba fadhiisanayno hawadayadana ma jirto, mucaawinadaa aanu joojinayna waa mid anaga noo socotay ee may ahayn mid Soomaaliya u socotay, ergaduna qodobkaanu ku haysano may jabin ee waxa jabiyay Madaxweynaha Soomaaliya.”
-
Gaadhhaye Somaliland independence is non negotiable what is being discussed is all the other issues no one is expecting Somalia to accept Somaliland this is something we are all aware off. The issue of Somalia and Somaliland and the final settlement will be eventually reached when there are international mediators come inbetween the 2 countries.The issue will be discussed but it will not be agreed on this meeting most likely in the next talks in London.
-
Stanbul: Wada Hadalada Labada Wadan Ee Somaliland iyo Somalia Oo Si Toos Ah U Furmay iyo Dooda Dhinacyadda (Hadhwanaagnews) Monday, July 08, 2013 Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka". Magaalada Istaanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ku kulmaya mas´uuliyiin ka socota Soomaaliya iyo Soomaaliland. Shirkani waxaa uu daba socdaa shir saddex bilood ka hor isla dalka Turkiga ka dhacay oo labada dhinac ay yeesheen. Waxay ku heshiiyeen iskaashi dhanka ammaanka iyo ganacsiga. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaalia "Waaleheen wax kasta oo tanaasul ah diyaar baan ula nahay, waxaan ka ahayn in la kala tego" Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, oo hoggaaminaya wafdiga dowladdiisa, ayaa sheegay in miiska ay gaynayaan arrinta gooni isu taagga Somaliland. Hasa ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, ayaa BBC-du u sheegay in ay diyaar u yihiin tanaasul kasta oo aan ahayn in wax loo dhimo "midnimmada dalka". Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni isu taagga sanadkii 1991, xilligaasi oo Soomaaliya ay ka socdeen dagaallo sokeeye oo ku dhisnaa qaab qabiil. Hadhwanaagnews Stanbul, Turkiya.
-
There is no habaar or iskudir i was just giving my input where the SFG went wrong in regards dealing with the Jubbaland conflict. Somalia conflict is one of clan and it needs a clan solution, because if clan federalism needs to be confronted u need to use the clan card its very simple. And that is for Mr Hassan if he wants to gain control in those regions.
-
Khatuumo pledges alliance to Ahmed Madoobe of Jubbaland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Good stuff -
The Next Round of Talks in Ankara July 7, 2013 Khatumo State Press Release ______________ The federal government of Somalia is due to hold talks at Ankara with representatives from the one- clan based secessionist enclave calling itself Somaliland. This is a follow-up to the first round of talks held in Ankara on 14 April which will be remembered as a blatant betrayal of Somalia on two grounds: first, its unity was compromised when the secessionist enclave was accepted as a de facto separate country equal to Somalia in status; and secondly the unionist regions in the north were sold out when they were lumped against their will with the secessionists as part of Somaliland. Following the outcome of the Ankara talks, and faced with the inevitable country and worldwide backlash and outcry, the president has been flip-flopping, responding to the situation he faces of the moment. Thus, at times, he would reaffirm Somalia’s unity as non-negotiable and at other times he would sound ready to reach out to the secessionists at any price. If the past is any guide, it is anybody’s guess which stand the president will take at the forthcoming talks in Ankara. The stakes are very high for all unionists in Somalia, but more so for the peoples of the Khatumo State, Awadal and Makhir States. For them, as for all Somalis, the litmus test of the president’s commitment to Somalia is the following: - That the government will defend Somalia’s unity as non-negotiable; - That the Somali government represents all the people of Somalia as recognized by the international community and in this regard has the right to choose the members of its delegation to the conference, including some from the northern unionist regions; - That the people of Khatumo, as those from Awdal and Makhir States, are represented by their administrations and those they delegate to the talks, and not traitors who serve the one-clan secessionist enclave calling itself Somaliland; - That the federal government opposes any one clan in Somalia occupying another’s territory and in this regard should call on Somaliland to withdraw unconditionally its militia occupying Lascanod and other parts of Khatumo State of Somalia. - The ball is in the president’s court. He will have to choose between being a defender of Somalia and its unity or go down in history as the one who ended that unity. President Mohamed Yusuf Khatume State of Somalia
-
Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Miiska Wada Hadalka Ay Somaliland U Saaran Tahay Qodob La Xidhiidha Madaxbanaanideeda Si Adag-na U Difaacay Go,aankii Hawada Somaliland. (Hadhwanaagnews) Sunday, July 07, 2013 Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah guddida ka socota Somaliland ee gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo somaliya u jooga wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ay Somaliland miiska wada hadalka la imanaysaa uu yahay madax banaanida Somaliland Hargeysa(HWN):-gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland kana mid ah guddida ka socota Somaliland ee gogol xaadhka wada hadalada Somaliland iyo somaliya u jooga wadanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee ay Somaliland miiska wada hadalka la imanaysaa uu yahay madax banaanida Somaliland. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland oo u waramayey VOA ayaa dhinaca kalana ku eedeeyey dawlada somaliya inay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen wadanka Turkiga, kaas oo dhigayey in labada dhinac ay ka fogaadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara inay wada hadalku sii socdaan. Ugu horayn gudoomiyaha oo ka hadlaya wada hadalka Somaliland iyo somaliya ayaa waxa uu yidhi ? anagu waxaanu doonaynaa in madax banaanida Somaliland ay tahay mid aan mugdi la galin karin taas oo miiska wada hadalka hor taala, marka laysku yimaadana ajandaha laga wada heshiiyo oo qolo waliba wixii ay wadato guddida loo keeno dabadedna laga wada hadlo, ajandaha shirka?ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax. Gudoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobka todobaad ee heshiiskii hore oo uu sheegay inay jabiyeen wadanka somaliya, isaga oo farta ku fiiqay in madaxweynaha somaliya Xasah Sheekh Maxamuud uu isagu jabiyey qodobkaas waxaanu yidhi ?dawlada somaliya waxay jabisay qodobka todobaad ee heshiiskii ay hore labada wadan ugu gaadheen magaalada Ankara, gaar ahaan madaxweynaha somaliya ayaa si cad qodobkaas u jabiyey,waxaanu qodobkaasi dhigayey inaan labada wadanba aanay ku kicin arimo joojin kara wada hadalka u bilaabay labada dal.? Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland waxa uu difaacay go,aanka ay xukuumada Somaliland hawadeeda kaga mamnuucday diyaaraha qaramada midoobay, isaga oo sheegay inay Somaliland maamulka hawadeeda u madax banaan tahay.
-
Malistar the SFG waited to long they let the conference in Kismayo happen, if they were smart they would have organized a similar conference of the rival clan and rally the opposing clans under one entity with full support of the SFG. While they lobbied in Europe for the withdrawal of the Kenyan troops, That should have been their approach also they should have replaced the interior Minister and defense Minister with communities from those regions. By just saying we like Kenya with one mouth at the same time writing secret letters will not cut it. The Kenyans will do everything to remain in Somalia until they install their puppet State in Jubbaland. They have heavily invested in Raskambooni. You need to change the face of the government no more sugar coating, if you want the Kenyans gone u need to prepare for a real diplomatic battle in Brussels and London, With the Kenyans there should be concrete evidence Kenya is destabilizing Somalia and that Kenya isn't neutral as Amisom peace keeping forces. You need present your case very well with full reports with all the activities of the Kenyans since they arrived in Somalia. The Sahal forces will use Kenya's Foreign ministry to get things done and Uhurro Will behind the political curtains give his blessing. Also what is latest development with training forces building militaristic institutions in the regions. The HAG elites Mogadishu are preoccupied with Daahir aweys forget about daahir aweys you have bigger fish to fry.
-
Somaliland prepares for mass cattle trade Despite famine in the region, animal traders in the horn of Africa are preparing for busy month ahead. Last Modified: 06 Jul 2013 20:54 Animals vastly outnumber people in Somaliland. Around three and a half million people live in the region as compared to an estimated 8 million goats and more than one million camels. Animal traders in Somaliland are preparing for a busy month as the Muslim holiday, Eid, approaches. Despite famine elsewhere in the region, millions of goats, sheep and camels are sold to Saudi Arabia every year. Al Jazeera's Nazanine Moshiri reports from Hargeisa. http://www.aljazeera.com/video/africa/2013/07/201376193149967595.html
-
Deero Mall officially opened in Hargeysa, capital of Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Wonderful deero mall looks very good they were working on this for a long time. Good to see it finally open up -
Somalia on The Move; Thanks to Turkey.........
Xaaji Xunjuf replied to GaadhHaye's topic in Politics
Nothing is for free its just part of Turkey's neo ottomanism in Somalia and the larger Horn. Do you think this for free these investments largely benefits the Turkish interests in Africa.