Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,974
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Changing the constitution where did they change the constitution lol do you even know about the Somaliland constitution wait let me ask you a question do you even know what the dispute in the SL parliament is about
  2. Peace and action tell that to Mooge i told him before that Abdi cawar will give into the demands of damuljadiid and we are just seeing it now.
  3. Distracted from what the Parliament differences in SL what dictatorship are you saying ciiro or Kulmiye is becoming a dictatorship lol. In Somaliland there is one man one vote poeple vote for their leaders. There are no major problems in SL
  4. Than thats good intaasun ba la rabay inad ilkaha cadaysid. Now let seee if the xabashis can bring solutions to somalia which i very much doubt.
  5. Gumeysi ina ma kala qeybin oo isticmaarka ka hor ba dawlad maynan wada lahayn marka sharciyaan wax macquul ah maha 1884 wixi ka horeysey ma dawlad iyo calan baynu wada lahayn wa mayaa isticmaarki marku yimi dawlad manan wada lahayn marki xoriyada la qaatay na shot term period midow ba dhacay 30 sanno bu midowgaasi jiray ka dib na wa burburay is weydi wuxu u bur buray wuxu u burburay kumaynan heshiis ahayn waligeen saban dal lugu ma dhiso isku luqad baanu ku wada hadalna masaliyan wan ku sheegey dalal fara badan oo isku af ku ku hadla oo aan qaran wadaagin. Somaliland afrikaan aqoonsi kama rabto sababtu ah xuduudehedu wa shaci afrikana wa ogtahay gaal iyo islam na wa ogyahay. Xuduudku wuxu ku yalaa yoocade wajeer Somaliland kama mid ah wa dalka Kenya , hadaad rabtid inad Somalia ku so dartid be my guest orodo Kikiyada u tag wajeer oo dhe aniga iska leh
  6. http://www.allsanaag.com/index.php/43-war-soomaali-ah/3456-vote-khasaaray Here is the link
  7. Ra’iiusl Wasaaraha Somalia oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Itoobiya Sabti, Febraayo,15, 2014 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ku maraya safar dalka Itoobiya ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay taliyaha ciidamada milateriga Itoobiya, Jen. Samora Muhammad Yunis, kaddibna wuxuu ra'iisul wasaaruhu booqasho ku tagay warshadda weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC). Kulanka ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidamada xoogga Itoobiya ayay kaga hadleen xoojinta ammaanka iyo dib u xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan tahay Al-shabaab, waxaana kulankan uu qayb ka yahay booqasho saddex maalmood ah oo uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ku joogo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN: thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail Dhanka kale, ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo wafdigiisu ay booqasho ku tageen mid ka mid ah xarumaha ay leedahay warshadda weyn ee dalka Ethiopia, taasoo qabata hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin samaynta qalabka baabuurta, baabuurta ciidamada iyo rasaasta. Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo dhawaan ka mid noqday kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana kulanka C/weli iyo Yunis diiradda lagu saaray sidii ciidamada Itoobiya ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen xal u helidda nabadgalyo xumada Soomaaliya. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horay ula kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya Hailemariam Desaleng iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Itoobiya ay qayb uga qaadan lahayd howlgallada lagu soo celinayo nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya, kaddib 23-sano oo colaado iyo dagaallo sokeeye ah.
  8. Its seems cabdi cawar doesn't control his education Minister and he is working with damul jadiid behind the scenes and paying visits to them. This tells you cabdi cawar has no real control over his large cabinet.
  9. Wasiirka qura ee Puntland yeelatay, oo la soo shaqeeyey argagixisada ayaa ilaa maalintii la magcaabay wuxuu ku maqan yahay koonfurta Soomaaliya. Cali xaaji Warsame oo sida Madaxweyne Cabdiweli Gaas aaminsanaa doorashadii Puntland in la gaaray xilligii jufadiisu qaban lahayd hogaanka Puntland mar hadii meertadii la soo gaaray , ayaa waxa uu ka mid ahaa madaxdii ururkii dhiiga badan ku daadiyey deganaada Puntland ee Alitixaad. Maanatana markii loo magcaabay wasiirka waxbarashada Puntland, wuxuu shaqadiisii ka bilaabay magaalada Muqdisho oo uu ku mqan yahay intii xilkaas loo dhaariyey. Wasiirkii Waxbarashadda ee Puntland Cali Xaaji ayaa ku sugan magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dawladda Federaalka waxa uu ku joogaa dhuumasho lamana yaqaan sababta isagoo ka warhaya in cilaaqaadka Puntland iyo Dawladda Federaalka aan weli heshiis laga gaarin xiriirkii xumaaday inuu Muqdisho iyo Dawladda Federaalka shirar hoose la qaato. Shacabka Puntland oo badankood shaki ka qabay Xukuumadda Madaxweynaha ka yahay Gaas Wasiirka Waxbarashadana ka yahay Cali-Xaaji in iyagoo dantooda gaar-ahaaneed fulinaya inay heshiis qudbo-siro ah la geli-doonaan Dawladda Federaalka oo Bulshadda Puntland marka ay maqlaan magaca Dawladda Federaalka xasaasiyad ka qaada,maadaama Madaxda iyo Xisbiga Damjadiid ee Dawladda horboodaya dagaal-Diplomaasiyadeed ay ku hayaan Maamulka Puntland. Wasiirka Waxbarashadda Puntland Cali Xaaji oo ka mid ahaa Culimadii ku soo caan-baxday Buurta-Saliid ayaa Teleefoonkii gacanta ee Muqdisho laga wici-lahaa dansadayisaga oo shirar qarsoodiya la leh ururka Damuljadiid iyo Faarax Cabdulqaadir Lama yaqaan Madaxweyanaha Puntland C/weli Gaas inuu ka warhayo booqashadda qarsoon ee Wasiirka Waxbarashadda Puntland Cali Xaaji uu ku joogo Mudisho.
  10. Al Shabab vows more attacks on UN agencies Although Al Shabaab were pushed out of Mogadishu in 2011 by African Union peacekeeping troops, they have carried out several bombings in Mogadishu targeting government officials and foreign nationals. Hiiraan Online By Shafi’i Mohyaddin Saturday, February 15, 2014 Al Shabab militants in Somalia vowed to intensify targeted attacks against international aid organisations in the country, namely UN agencies operating in Somalia. The Islamist group’s spokesman Sheik Ali Mahmoud Raghe said that his fighters were on the final process of more attacks against UN agencies and the African Union forces in the country, accusing the UN of supporting Ethiopia’s inclusion in AMISOM. “The UN and other so-called global agencies operating in Somalia must leave the country immediately, if they don’t do so, our Mujahideens will continue targeting them,” the spokesman told the group’s media on Friday. “We are fighting against invading forces from six African countries who have failed in their attempts to colonise Somalia, the fight against the enemy of Allah will intensify,” Sheik Ali Dhere noted. He said that Thursday’s suicide attack on the UN convoy near Mogadishu airport was very successful, adding that such attacks will continue. Meanwhile, the death toll of Thursday’s car bomb attack rose to 8 according to sources from hospitals in the capital Mogadishu.
  11. Cunno-qabateynta Hubka Soomaaliya oo la Dalbaday in la Adkeeyo Sabti, Febaraayo 15, 2014 (HOL) — Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratria ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in si buuxda loogu soo rogay Soomaaliya cunnoi-qabateynta hubka ee sannadkii hore laga qafiifiyay, kaddib markii dhawaan ay soo shaac baxday in dowladda Somalia ay hub kala duwan ka iibisay Al-shabaab. Guddiga ayaa soo bandhigay dhowr hab oo lagu xakamayn karo hubka galaya Soomaaliya kuna dhacaya gacmaha qaldan, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in lagu soo rogo cunno-qabateynta hubka Soomaaliya si buuxda ama loo helo nidaamyo iyo tallaabooyin adag oo lagu xakamaynayo laguna soconayo cida uu gacanta u galayo hubkaaas. Dhawaan ayay ahayd markii guddiga dabagalka cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eratria ay ku eedeeyeen dowladda Xasan Sheekh Maxmuud in hubka ay kasoo gadato dalalka Caalamka ay gacanta u galiso xarakada Al-shabaab, qaarna ku iibiso suuqyada Muqdisho. Golaha Ammaanka ayaa cunno-qabateynta hubka kusoo rogtay Soomaaliya sannadii 1992-kii si loo joojiyo hubka faraha badan ee galayay Soomaaliya, kuwaasoo gacanta u galayay beelo dagaalamaya. Lama oga sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga jawaabi doono dalabkan kooxdan uga yimid, iyadoo sidoo kale ay dowladda Soomaaliya beeninayso warbixinta kooxdan ay soo saartay, iyadoo ku tilmaantay in la been abuuray oo aan laga fiirsan.
  12. haa dhawr jeer baan galay oo xadiis oo dinta ku gudbiye wa qeyb aad u wanaagsan
  13. Dee adiga suaasha ugu danbeyse lugu weydiye maxaad uga jawaabi la'adahay miyaanad noolaan karayn bila reer Somaliland Somaliland xuduud qabileed maha wa xuuduudaha Africa u yalaa xuduudihi Africa sida ka dhigay eeh african chaterkeeda ku yaala eeh madaxda africa 1963 gacanta ku dugeen. Xuduuda Somalia iyo Somaliland waxba kama duwana xuduuda kenya iyo Somalia Adigu maxaad ciidan qaran ku falaysa miyanaad amisom u yeedhan miyanay afrikaanku wardiyeyn goormaad ciidan qaran rabta inad dhisatid Madaxdadu waxba kuma talo jiraan. inay project uun sexeedann bay raban oo dhakhso u ceeshan , Qaran waxa dhisa dad isku hadaf ah isku mawqif ah isku ujeedo isku aragti isku wax meel u wada , luqad qaran ma dhisto dal na lugu ma abuuro luqad haday taasi sida tahay wadanka kanada iyo wadanka maraykanka ba qaran wada noqon laha oo isku darsan laha ama ireland iyo ingreeska ama carabta oo isku luqad ama gobolka tigray iyo dalka eritrea ama albania ama kosovo. Waxa idinka qaldan idinky qaran iyo dal baad qalad ka fahantaan qarankinu wuxu ku xidhanyahay wax la yidha ethno nationalism waxasina wa wixi somali ba burburiye somaliland burburisay somalia burburisay jabuuti ba ka bad baday ethno nationalis, dal ahaan waxa weye inad dhisatid dalkaga raskambooni ila raas caseer dadkina is ogol eeh leh anagu somalia baanu nahay maalintad ta samaysid baad so dhawanaysa laakin intad leedahay lahjad iyo accent ba dawlad ku dhisaya wa habeenkii oo xalay tegey..
  14. Anigu rajo ma arko nabadi faraha ka baxday shabaabki xoogeysteen qarax meel ay ka fuliyan maalin walba iyo ciidan shisheeye oo la so tubo meel kasta oo la soo kordhiyo umalayn mayo inay nabada Somalia so dhow dahay. SNM horumar bay gaadhay dhan dhaqaale dhan nabadeed dhan ganacsi dhan dhisme wa wax ilaahy loogu xamdi naqo oo hada maanta wax ka xumaada maba jirto.. Ciidan qaran lugu ma nisbeyoo lahjaday ay ku hadlaan eeh waxa lugu nisbeeya oo kaliyaa qaabka iyo siday u socdaan loo tababaray siday u shaqeystaan Somaliladn wa dal homogenous ah oo dadkisu ay yihin dad isku wada mid ah oo isku dhaqan iyo haybad iyo xeer ba ay yihin markas ciidanka qaranka jamhuuriyada somaliland iyaga heerka is gaadshiiyey eeh maha cid kale cidna wax kama sugaan iskooda bay wax u qabsasdaan. Wanay tuseen calaamka in ay Somaliland somalia u baahnayn eeh , somalia u bahantahay somaliland , ooo waba waxay u daba ordayaan.....
  15. Saax dheer people are the aristocratic families of the Garaad clan Cali khalif galaydh Garaad jamac garaad cali,, Xaasbsade, baashe maxammad cade. Reer Saax dheer were the shakers and makers of ssc movement and khatumo state. Buhoodle elders have no power in this and the current vp has no support in the sool region lolz. Cabdi cawar has lost this game before he even played lolz.
  16. Gooni Aqoonsiga Somaliland ba mar walba ka dhow Somalia oo nabad noqota oo xasiloon oo dal noqoto ta waliga ku seexo. Laascanood hadanay ciidan qaran difaacin yaa baas eeh difaaca loolz reer sool iyaga diiday mamuulka budhcad badeedka.. Oo somaliland ku biiray ama khatumo sheegtey maamnta maaalin Somaliland iyo khatumo iskaga dhaw yihin ma jirto
  17. Mooge abdi cawar has lost all his cards with the Khatumo clan when he made karaash minister and biindhe he alienated the entire khatumo movement. He undermined khatumo which made the khatumites more furious with the garowe clan enclave , listen to galaydh this gave Somaliland the chance to move into the Southern part of sool garaad jamac has nothing against Somaliland stopping the vp of pl entering buhoodle. Cabdi cawar is a blessing for SL , If he tries to violate eastern sool he violates khatumo , khatumo moves closer to SL every day. cabdi cawar is going to unite khatumo with SL further and SL will soon move into taleex and boocame.
  18. Sh. Cali Dheere "Waan wadaynaa Weerarada ka dhanka ah hay'adaha" Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoo ku goodiyay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray hay'adaha beesha caalamka. Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii shalay uu fuliyay mid ka mid ah guutooyinkooda qaraxyada, isagoo sheegay inay khasaare kala duwan gaarsiiyeen gaadiid ay Qaramada Midoobay leedahay. "Hay'adaha caalamka ee ku sugan meel walba waan ku beegsanaynaa, haddii aysan ka bixin Soomaaliya," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo xusay in howlgalladooda ay sii xoojin doonaan. Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayuu ku eedeeyay inay ciidamada Itoobiya u sharciyeeyeen inay ka mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in lix dowladood oo Afrikaan ah ay dagaal kula jiraan, isla markaana howlgalkooda fashilmay, wuxuu ku goodiyay inay sii laba jibaari doonaan dagaalka ka dhanka ah ee ay kula jiraan wuxuu ugu yeeray cadawga. Xarakada Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka dambeeysay weerar lagu qaaday xarumo kala duwan oo ay ka mid ahayd xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen shaqaale ka tirsan UNDP.
  19. Ciidamada Itoobiya ah ee AMISOM oo Gaaray Beledweyne (SAWIRRO) Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Cutubkii ugu horeeyay ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka noqonaya howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay horay ugu sugnaayeen kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya. Ciidamadan oo rasmi ahaan aan la shaacin tiradooda ayaa ku socday gadiid ay lagu asteeyay calaamada AU-da, taasoo muujineysa in ay qayb ka yihiin howlgalka midowgga Africa ee AMISOM. Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka, laakiin waxaa muuqata in ay socto qaban-qaabada muanaasabad ballaaran oo la doonayo in lagu shaaciyo ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howlgalka midowgga Africa. Horay waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa ilaa 1000 askari oo tirsan AMISOM kana socda dalka Jabuuti, marka laga soo tago ciidamada Itoobiya ee horay u joogay magaalada kuwaa oo ka gacan siinayay ciidamada dowladda iyo kuwa kuwa Jabuuti dagaallka ka dhanka ah Al-shabaab. Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa su'aalo iska weydiinaya waxay ku soo kordhin karaan ciidamada Itoobiya howlgalka AMISOM iyo dagaallka lagula jiro Al-shabaab oo hadda gacanta ku haya maamulka dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Horaantii sanadkan ayeey aheyd markii ciidamada Itoobiya ee ka howlgala magaalada Baydhabo si rasmi ah ugu biireeen howlgalka midowgga Africa, iyaga oo xirtay caalamada AU-da, waxaana ay oo durbaba dhaq-dhaqaaqyo militari ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Bay. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaliya
  20. Somaliland army this is karin dabaylweyn SL army is 15 miles away from the Somalia Somaliland border
  21. Somaliland army has taken over the southern part of the entire sool region which was in the past in the hands of local militia affiliated with Khatumo which includes dharkeyn geeyoe karin dabaylweyn and kala baydh. Some sources are saying that the Khtatumo militia there have joined with Somaliand defense forces against the garowe administration.
  22. Ciidamada Somaliland oo qabsaday Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xilligan gacanta ay u galeen ciidammo ka tirsan Somaliland, waxaana ciidamadan maalmahan ay dhaq-dhaaqyo ka wadeey gobollada Sool iyo Cayn. Dhowr guuto oo ciidamada Somaliland ka tirsan ayaa xilligan ku sugan deegaanka Kalabayr oo 28-km koonfur galbeed kaga beegan degmada Laascaanod, guddoomiyaha gobolka Sool ugu magacaaban Puntland arrintan xaqiijiyey. Axmed Ibraahim Faarax (Faracade), wuxuu sheegay in ciidammo ka socda Somaliland ay si buuxda ula wareegen deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kalabaydh, Karin Dabayl Wayn, Dharkeyn Geenyo iyo tuulooyin kale oo dhammaantod kawada tirsan gobolka Sool. Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland wuxuu uu intaas ku daray in ciidamada xilligan isku ballaariyay deegaannada ay yihiin ciidammo si weyn u xooggan oo ka yimid magaalada Hargeysa. "Ma ahaa wax cusub in ciidammo Somaliland ka tirsan ay qabsadaan deegaanno gobolka Sool ka tirsan horay Laascaanood ayaa gacantooda ugu jirtay, xilligan waxaan idiin xaqiijinaynaa in ciidammo si weyn u hubaysan ay la wareegen deegaanno gobolka Sool ka tirsan," ayuu yiri Axmed Faracade. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay mas'uulkan in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaannada xilligan ciidamada Somaliland ay soo gaareen, isagoo sheegay inay si nabad ah ula wareegen oo aysan la kulmin wax iska caabin ah. Qabsashada deegaanada cusub ayuu ku sheegay guddoomiyuhu Axmed Fara-cadde mid gar-darro ah oo ay Somaliland ku dan-daansanayso Puntland. Dhinaca kale, Axmed Ibraahim wuxuu beeniyey warar soo baxayay oo sheegay in ciidammo ka tirsan Somaliland ay madaxweyne xigeenka Puntland, C/xakiim Cabdulaahi (Camey) ka hor-istaageen safar uu ku tagi laha degmada Buuhoodle oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo. Puntland iyo Somaliland waxay ku muransan yihiin maamulka gobolka Sool iyo deegaanno ka tirsan, waxaana labada dhinac ay sheegtaan in maamulidda deegaannadaas ay iyagu leeyihiin. Dhaq-dhaaqyada cusub ee ciidamada Somaliland ayaa ka dhigaysa mid soo cusbooneyn karta xiisada labada maamul u dhexeysa ee ku aaddan maamulidda gobollada ay isku haystaan. Ma jiro wali wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland iyo Somaliland, lamana garan karo jawaabta ay bixin doonto Puntland maadaama deegaanno cusub ay qabsadeen ciidanka Somaliland.
  23. <cite> @Johnny B said:</cite> On the contrary , I see lots of things that could be wrong with this govt, i just choose to judge it in context to its reality, and of course it goes without saying that i supported and will continue supporting all Somali govts, be they TFGs or SFGs, as the alternative is un-thinkable. Werent you pirates against sh sharif and wanted xassan sheikh to win well there you have it.
  24. Johnny hebel iska difaac looma hadle do u support the Ethiopian Amisom mandate yes or no?