Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,998
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Spot on intelligence proper coordination set up of well trained defense forces training training training is the most important. And the payment of the salaries on time and even at some stage increasing their salaries, proper structure in the command system. And get rid of these incompetent security ministers and interior ministers. And never integrate Alshabaab Militia into the Somalia army with out a long process of rehabilitation. But no one is serious about fixing the Somalia defense apparatus. Only to make a few bucks.
  2. No animosity towards the Pirates its just there are not many other Koonfurians on this site mostly pirates the HAG community are under represented and the bay and bakool communities Miskiin uun ba inlaga jooga. I havent seen here Jijgiga Somalis being hostile towards SL its just a reaction to the pirates.
  3. Puntland rising its just Amiir Godane sending his 18 may gifts he is very generous u know. On a serious note Alshabaab is just showing its still strong this attack and the attack on villa Somalia is to show that they are still very active in the region and especially in the capital even thought he capital has so many troops protecting it.
  4. There is no dispute Puntland rising is funny lol In claiming to be from mogadishu . garowwdi yarayd wu sheegan karii waayey
  5. People cannot coexist with pirates we must fight piracy together.
  6. Adnan pirates hate the peaceful coexistence between SL and Somalia. Because once that happens the piracy industry will end.
  7. Who would have thought in la inoo kala turjumayo 23 sannadood , surely after the visit of the Somalia elders and them attending the SL independence ceremony, New eye openers. I predict in 2024. Somalia and Somaliland will peacefully coexist in full understanding.
  8. Laf jabtay sideedii ma noqota…? Maxamed Afrika — Waa maalin ku weyn Walaalaha Waqooyi. Waa maalin ay ku illaawayaan waayihii tacaddiga iyo halaaga. Waa Maalin ay ku Rajo weyn yihiin Mustaqbal ifiya iyo madax banaani dhab ah, mar uun mar ay ahaataba. Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dadka Somaliland. Sannadkan iyo sannadaha xigana, waxaa Eebe ugu baryayaa in uu baraaraha iyo barwaaqada ay heystaan u taam yeelo. Teaser Image Laf jabtay sideedii ma noqota…? Cidna caad kama saarno nabadda iyo horumarka ay ku talaabsatay Soomaliland marka aad ka eegto dhanka xasiloonida iyo dimiqaraadiyadda, wallow ay jiraan dib u dhac lixaad leh xaga adeega bulshada iyo maamul wanaaga. Iftiinkaas Hargeysa iyo hareeraheeda ka baxaya, wuxuu nolol u noqday malaayiin Soomaali ah oo xabadda iyo silica kaga badbaaday mudadii dagaalada sukeeye ay aafeeyeen Soomaaliya inteeda kale. Waxaa hubaal ah in ay yareysay dhiig bixii “Hashii Maandeeq” oo wali dhulka ku qubanaya. Markii dowladii militariga dhacday, Somaliland waxay qaadatay go’aan geesi nimo leh oo waxay dib u soo ceshatay gobanimadeedii si iskeeda ah iyadoo lagu saleenaayo xuduudihii gumeysiga Ingiriisiga ka tagay. Waxa filayaa arrintaas wixii dhaliyey cid walba way ka dharagsan tahay, waa gafafkii taariikhiga ahaa iyo gumaadkii la geeystay oo aan wali laga garaabin. Ma Shalay mise Maanta Dadka Somaaliland markii ay xurnimada ka qaateyn gumeysigii Ingiriiska, iyagoo gardaadinaya ayey Xamar geeyeen. Ma jirin gorgortan awood qeybsi oo qabiil ama degaan ku jaango’an balse ma aheyn gafkooda waayo jiilkaas wuu ka cafimaad badnaa kuwa maanta jooga. Mar uu Max,ed Xaaji Ibrahim Cigaal- Allaha u naxariistee- ka hadlayey sidii lagu midowbay waxa u yidhi, Videogaan ka Daawo. Shacuurta dadka ka dhex guuxeysay, waxay kaliya aheyd Soomaali oo xur ah misna mid ah, Hase ahaatee, walaalihii reer waqooyi siday u lisayn looguma hambeyn, sidaa darteed, Hashii Maandeeq, waxaa la oran karaa ma godlan ama way gaagaxday, waxaana halkaa ku jabay haraadkii loo qabay “Soomaaliweyn”. Intii uu xakunka hayey kali taliyihii Siyaad Barre, dadkaa reer waqooyi, waxay dhadhamiyeeyn dhibaatooyin fara badan haba ugu sii darrnaatee gumaatkii iyo duqeyntii baahsaneynd ee laga geeystay Waqooyi Galbeed iyo goboladii ku xeernaa. Dhibtaas xanuunka badan ka dib, wuxuu Rabi ugu badalay dheefta ee maanta u dabaal dagayaan. Wixii dhacay, reer gaar ah eeda dusha lagama saari karo, waayo dowladdii militariga waa loo dhamaa, sida uu mar kale marqaati kacayo- Allaha u naxariistee- Max,ed Ibraahim Xaji Cigaal. Way jiraan shaqsiyaad ilaa maanta nool oo gumaadkaas si toos ah ugu qeyb galay, ayna waajib tahay in lagu maxkamadeeyo. Laf jabtay sideedii ma noqoto Xaalka maanta sidii uu ahaa nus qarni ka hor waa ka duwan yahay. Marka laga soo tago aragtida siyaasiyiinta, waxaa holcaysa laabta da’ yartii ku dhalatay ama ku barbaartay waayihii qaxa iyo xasuuqa oo aan waligood arkin macaanta midnimada, qarraar moyaane; sidaas darteed way adag tahay bukaankaas in la baxnaaniyo, waase suurta gal haddii lala yimaado maan hufan iyo caqli cafimaad qaba ah. Waxaa ii rajo gelinaya dad badan oo reer Soomaaliland ah oo aan wali u hanqal taagaya midnimadii iyo calankii cirka u ekaa oo aan marna la soo marsiin karin arrinta gooni isutaaga. Dadkaas waxay ku badan yihiin gobalada Sool, Sanaag ilaa Awdal. Ma ahan reero gadoodsan, mana ahan afraad falaagooday, waa rag iyo dumar aan wali laqin kaniiniga gooni-isu-taaga. Miyaan is daweynaa mise waa isku duceynaa Dad badan ayaa qaba in midnimada muqadas tahay, laakiin taasi sax ma ahan, waayo midnimadu qasab kuma imaan markii hore, haddana qasab ma ahan. Waxaa loo baahan yahay in si taxadir leh loo dhayo boogtaas. Aniga wali kama quusan wadajirkii in uu mar uun soo noqon doono, balse hadii taasi suurtagal aheyn, ma haboono in lays jiid jiido waayo ii jiid aan ku jiido waa gacma daalis. Waxaa furan in laysku duceeyo oo si gacaltooyo iyo gobanimo ku dheehan tahay lagu kala tago. Tusaale: Kaba soo qaad in Somaliland dal madaxbanaan noqday, so kama dhigno seddex Soomali ah (Somalia, Somaliland & Djibouti) oo awd wadaag ah, awoodna ku yeelan kara guud ahaan geeska Afrika iyo ururka IGAD, haddii ay is garabsadaan. Aniga aragtideeda taasi wax dhib ah uma arko oo waxaan is leeyahay waa xubin naga mid ah oo waa cusub u baryey, waxaana jeclahay dad badan oo Somaaliyeedna in ay ila qabaan aragtidaas. Cidda ay taasi walwalka gaarka ah ku heysaa waa wadanka aynu dariska nahay oo runtii ka baqaya in ay aqoonsiga Somaliland dhaliso folkaano guudihiisa ka qaraxda. “Baadida ninbaa kula deydeyi daalna kaa badane Oon doonahayn inaad heshana daayin abidkaaye” Qamaan Bulxan Sida tuduca sare ku cad, waxa jira saaxib aan daacad ka aheyn horumarkaaga, Ethiopia waa tabtaas oo marna ma ogala in Soomaaliland la aqoonsado waayo taasi waxay u gacan haatin kartaa halganka gobanimo doonka ah ee ka jira hadda dhulalka Soomaali Galbeed iyo qoomiyadda walaalaheena Oramada oo runtii caburin iyo gumeysi lagu hayo. Su’aashaas mid u dhaw ayaa weydiiyey Prof. Axmed Ismaciil Samatar mar u dhawaan booqasho gaaban uu ku yimid magaalada Oslo ee dalka Norway. Ma hubo in uu si fiican u fahmay mise anigaan si faahfaahsan u dhigin, si ay ahaataba, koley sidii aan filayey uguma uusan jawaabin. Waxaase hubaa in uu ka dharagsan yahay hagardaamada dowladda Itoobiya ku heyso Soomaalida guud ahaan. Shaki kuma jiro, ilma Samatar iyo dad la mid ah in ay jiheyn karan masallada madaxbanaanida, waa haddii la siiyo masraxa go’aan ka gaarista masiirkaas ummadeed, ama talada dalka wax ku yeesheyn. Looma baahno in diyaarado la raaco ama dal shisheeye la aado midna. Xitaa turjubaan baahi looma qabo, oo waxaan isku afgaranaa afkaa hooyo. Waxaa ku riyoonayaa mar uun in aan arko qof waqooyi ka soo jeeda oo masiirka Soomaalida lagu aminay, maalintaas waxaan hubaa in midnimadii dhidibo adag ku taagan tahay, umaddaa kala irdhowtayna laysku keeni karo. Waxaa ku so af meerayaa Gabaygan aan tuducyada gaaban ka soo qaadan doono: “Eebbow qarkay maanta taal qadarka soo meeri Soomaalida kala quban qoysba dhan u jeedo Qaraabada isugu keen allow qaabad nabadaysa Qarankeenii so celi Allow qaaddir baa tahaye!” Maxamuud A. Cabdalla (Shiine)
  9. Smartlander if you were more of a Somalilander than Xaaji Xunjuf , you would never utter those shameful blasphemous words of yours and bring up your treacherous way of thinking and Unite Somaliland with Somalia. How can u be a Somalilander when u flirt with thoughts like uniting with Somalia. We did not sacrifice so much blood and 10.000s of thousands of Martyrs.We did not lose our homes our business we did not spend 10 years in the Jungle to be ruled from some where else. I always say and my message is loud and clear to the youth of SL anything less than full statehood like any other nation in the world is a loss for Somaliland. And the people of SL should walk every path to achieve their full status of statehood in the eyes of the international community, its a sacred cause its a noble cause its a cause for all people. Your threads are counterproductive . The people lost their statehood in 1960 and they will not let it happen ever again. Adeer if you know what Somaliland cost us u would never utter those words. Adeer Somaliland rag ba u lugo beeley
  10. He is bosaaso king not juba laascaanoid and other places. Stop makin up lies. Even the vast majority of sahal consider his ignoble lineage a fraud. Second somalia is not ethiopia. He is not a negus negasht.. He is a sib sub sub sub clan tribal chief
  11. Somalia ugandha ba qudbo sireed ku qaba habeenada qaar na burundi bay u dusta xiliyada qaar na oday xabashi ba kitfo u kariya. Oday somaliland beri hore bu karaystey slaanta hoosta ka fallan . the talks are next month culusow walala hadlaya because he rules xamar when godane is a sleep and he is much more laandhere than cabdi cawar. The pirates remain ignored lol
  12. Since when does somalia have a king U mean the king of bari disrict
  13. Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya oo Qatar ku jirto - Heshiis Malaga Yaabaa? Cabdullahi Ibrahim Cumar — Kadib markii lagu hungoobay rajadii laga qabay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xasan Sheekh, ayaa waxaa soo badanayo fikiradaha taageerayo gooni-isutaagga Somaliland, kuwaas oo ka imaanayo Soomaalida gaar ahaan dadka reer Koonfureedka ah, waxaana tusaale kuugu filan sida looga qeyb galayo 18 May, maalin madow iga dheh. Teaser Image Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya oo Qatar ku jirto - Heshiis Malaga Yaabaa? Tan iyo markii lagu dhawaaqay Maamulka Somaliland muddo haatan laga joogo dhowr iyo Labaatan Sano, waxa ay Siyaasiyiinta reer Somaliland iyo taageerayaashooda dadaal dheer ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ictiraaf laakiin nasiib wanaag ma jiro dal ilaa Maanta aqoonsaday Maamulkaasi ama xitta olole ugu jira ictiraaf raadintooda. Maamulkan midnimo diidka ah, ayaa waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo ictiraafi lahaa, Isagoo kaalmeysanayo dalal cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna garaacay albaaab kasta oo uu u arkaayey in uu ku caawin karo aragtidooda guracan ee ah kala dhaantaalidda midnimada iyo wadajirka Wadanka laakin Ilaahay Mahaddi dalna ma dhageysan calaacalkooda foosha xun. Wallee Sayidka run sheeg. Maadaama aysan Caalamka u muuqan kala duwanaansho dhanka Diinta, midabka, dhaqanka iyo Luuqadda, waxa ay taasi keentay in la waayo wadan aqoonsado ama xitta u ololeeya gooni-isutaaggooda laakiin waxaa hadda muuqanayo is badal weyn ka dib markii ay Soomaalidu dabacday dhib badan ka dib, islamarkaana ay ogolaatay in loo taliyo. Kadib markii ay saaxada soo galeen Siyaasiyiin aan lahayn khibrad iyo han sareeya, islamarkaana ay fashilmeen dowladihii laga dhisay Koonfurta oo ay ku jirto midda hadda jirta,sidoo kalena ay daaleen Shacabkii Soomaaliyeed, Ayaa waxaa soo baxayo Siyaasiyiin iyo Oday dhaqameedyo ku baaqayo in la fasaxo Somaliland Islamarkaana la ictiraafo, waxaana tusaaale u soo qaadan karnaa Odayaashii reer Koonfureedka ahaa ee booqday deegaanada uu ka taliyo Maamulka Somaliland. Kadib markii ay Dowladda Federaalku ka baxday Ku-meelgaarkii, Islamarkaana la doortay Madaxweynaha hadda jira Xasan Sheekh, ayaa waxaa la filaayey in ay wax badan is badali doonaan gaar ahaan amniga iyo siyaasadda laakiin nasiib daro waxa dhacday waxa ay Soomaalidu u taqaanno ka daroo dibi dhal, Waana sababta keentay in ay soo baxaan dad reer koonfureed ah oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland. Waxa Iyadana arimaha sii xumeeyey nidaamka federaalsim-ka, kaas oo noqday mid sii kala qoqoba dalkii, waxaana tusaale kuugu filan waxyaabaha ay sameynayaan Maamulada Puntland, Jubaland, Galmudug ,Ahlu-sunna iyo Koonfur galbeed, kuwaas oo u dhaqmayo sida dowlado ka madax banaan Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh. Wallee hadaan sidaan ku moodno kuuma sabcineyn. Karti xumida haysata guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa hadda majaraha u hayo Dowladda Federaalka iyo wada shaqeyn la'aanta kala dhaxeysa Maamul goboleedyada, waxa ay fursad siisay Maamulka Somaliland in uu u dhaqmo sidii dal madax banaan halka ay ahayd in la cadaadiyo lagana soo xiro albaab kasta oo la awooda si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Dalka laakiin naiib daro taasi ma dhicin. Hadaba arimo badan oo isu tagay dartood, sida karti xumida haysata ninka hogaamiya Dowladda Federaalka oo aad mooddo in aysan qiimaba la lahayn midnimada iyo wadajirka Dalka iyo ku mashquulidda ay Soomaalidu ku mashquushay maamul goboleedyada, waxa ay keentay in ay soo baxaan codod badan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba, kuwaas oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland, taasoo suurtagal ka dhigi karta hadday sii socoto in la aqoonsado Maamulkaasi. Maadaama ay Somaliland qarka u saran tahay in la ictiraafo, iyadoo ka faa'iideysaneyso karti xumida haysata Madaxda hogaamisa Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'isul Wasaaraha, Sidoo kalena ay sii yaraanayaan dadka Wadaniyiinta ee u taagan maslaxada guud. Hadaba muxuu ku danbeyn doonaa dalka Soomaaliya? Maxaase dhici doona haddi la aqoonsado Somaliland? Horta Ilaahay baa garanayo waxa dhici doona laakiin marka aad fiiriso faragelinta lagu hayo dalka iyo waliba sida ay u dhaqmayaan dadka Soomaaliyeed, waxaa ii muuqato in la aqoonsan doono Somaliland ka dibna ay raaci doonto Puntland oo hadaba u dhaqmeysa sidii dal madax banaaan, waxaana tusaale kuugu filan hadaladii ka soo baxayey ninka hogaamiya Maamulka Puntland, kaas oo uu sheegay in ay Qunsuliyad ka furanayaan dalka Yemen, halka inta soo hartayna ay noqonayaan maamulo yar yar oo ay kor ka maamulaan dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Keny oo kale. Haddaan u soo laabto maxaa dhaci doona haddii la aqoonsado Somaliland, Sidoo kalena ay Puntland dhinac u istaagto, kolay Anigu waxa ay ila tahay in ay Sedex arimood mid dhici doonaan, waxa ayna kala yihiin Sedexdaas arimood :- In uu Koonfurta ka dilaaco kacdoon Islaami ah sidii kii Maxaakimta oo kale ka dibna uu ku fido qeybaha kale ee dalka In uu dhasho urur wadani ah sidii SYL oo kale ka dibna uu ku faafo dal iyo dibadba. iyo in ay Soomaalidu ogolaato in uu dalku kala gogo'o ama uu sii ahaado sida uu hadaba yahay Somalilandna la ictiraafo . Waa laga yaaba dhinaca kale in ay Soomaalidu heshiiso laakin marka aad fiiriso sida ay wax u socdaan hadda, iyo sida ay u sii yaraanayaan dadka daneynaya danta guud, waxa ay u muuqataa in lagu kala tagay dalkan oo aan dib loo arki doonin dal Soomaaliyeed oo mid ah, Islamarkaana ay ka jirto dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh. Alla Soomaali ma sidan baa u danbeysay ? Qowm ma qaadin wadada ay hayno illaa hadduu qaado waxaa ku dhaco waxa Maanta nagu dhacay, Hadaba hadday jiraan dad Soomaali ah oo ay ku jirto wax yar oo Soomaalinimo ah, islamarkaana ka naxayo dalkan iyo dadkan, waxaan soo jeedinayaa hal talo oo aan is leeyahay waa midda kaliya ee na hortaallo Maanta, waa haddaan dooneyno Sharaf iyo Karaamo, waxa ayna taladaasi tahay midda soo socoto:- In la dhiso xisbi wadani ah sida SYL oo kale, kaas oo u istaaga badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed inta ay goori goor tahay Haddii la dhiso xisbigaas loona dhiibo dad wadaniyiin ah sida Farmaajo oo kale,Waxaan aaminsanahay in la badbaadin karo dalkan qarka u saran in uu baaba'o. W/Q: Cabdullahi Ibrahim Cumar
  14. Xaabsade just wants to be consulted he gave an interview to haatuf few days ago , than the government found out and alienated from the Madaxtooyada and now he wants to be appeased by the government
  15. Theye. Decided their fate they want ic to support their case. Thats what they want their fate was decided in 1991.laakin as faisal puts it gaalada meyd sl daba wada
  16. Slaan hogog ugandhees ku jirta iyo kenyati ba hanjabaysa lool Somalidu waxy ku mah mahan slaan fadhida legdin wax uga fudud loool
  17. I never said Somaliland is an utopia Somaliland is very poor African state it is located in a very volatile and violent region full of terrorists and pirates. And they have helped themselves they have a long way to tackle major problem such huge unemployment and some of the rural areas having no basic services. But having said that Somaliland has a future when it joins the international community because it has a strong foundation.
  18. Saudi Arabia pictures Xuskii Xafladdii Sannad-Guuradii 23naad Ee Jaaliyadda Somaliland, Jiddah-Sacuudi Careebiya + Sawiro. Jeddah(Ramaas) May22, 2104 - Xaflad aad u qaayo badan oo loogu dabbaal-dagayo Sannad-Guuradii 23naad ee ka soo wareegtay la so noqashadii Gobanimada iyo Dawlnimadii Somaliland ee 18ka May ayaa ka qabsoontay Magaalada Jiddah ee Dalka Saudi Arabia habeynkii Isniintu soo galaysay ee ku beegneyd 18/5/2014ka. Xafladdaas waxa isku soo duba-riday soona agaasimay Guddida Jaaliyadda Somaliland ee Jiddah-KSA. Halkaas oo Dadweynihii ka soo qalay ay ku muujiyeen Midnimada iyo Qarnimada Soomaliland. Habeynkii Xafladda waxa iyaguna madasha ku sugnaa Marti-sharafeed ay ka mid ahaayeen: Mudane, Cabdi-Risaq Jaamac Cumar (Ciyaale)-Guddomiyaha Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Somaliland. Mudane, Maxamed-Rashid Muxumed Farax - Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Mudane, Cisman Aw Faarax - Mas’uul ka mid Shirkadda Deero-Group. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Xuskii-Xafladdii-Sannad-Guuradii-23naad-Ee-Jaaliyadda-Somaliland-Jiddah-Sacuudi-Careebiya-Sawiro.html#sthash.CSeg0TZI.dpuf
  19. Somalia rising Somalia is not fit to be married to any one and especially not since her former husband Somaliland divorced her. She cant get over him , even though she cheated on him with an Ethiopian and a Kenyan and a Ugandan. There are just some obsessive woman out ther who remember the good life remember when MR somaliland was married to miss Somalia how cute and fine she was now she is ugly she is about to explode every time u come near her. And if you consider Somalilanders Ethiopians why on earth do you want to share a country with them dont u hate Ethiopians contradiction there , and how on earth do you allow xabashis in Somalia if u hate them makes no sense Stockholm syndrome there. Slaantan Somalia waba tu isku buuqday waxay jeceshahay waxay necebtahay way kala garan la aday wa dhibka jirta marku waliyul amrkagu ugandhees noqdo lol