Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,971
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. maya waxba ma kabbbado eeh wabaan soomanahay maanta Xunjuf waxa ma sameeyoo Ka waran udub way joogiisay hargeysa diiwaaangelinta.
  2. Beesha hargeysa dagta aya laga baqay ciidii bay ka batteen kharashki ba yaraaday.i Dont know they need to contineu the vote registration u know why other wise 40% of rer hargesa cant vote.
  3. Hargeysa, November 06, 2008 (Haatuf) - Muddadii lixda maalmood ahayd ee komishanka doorashooyinku u qoondeeyay in lagu diiwaangeliyo gobolka Maroodi jeex ayaa la soo gabagabeeyay xalay fiidkii iyadoo aanay boqolkiiba afartan dadka xaqa u leh inay isdiiwaangeliyaan ay hor tubnaayeen goobihii diiwaangelintu ka socotay ka dib markii ay komishanka doorashooyinku diideen in wakhti dheeri ah ay ku daraan si dadku ay u helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan. Gobolka Maroodi Jeex oo ah ka ugu dadka badan gobolada Somaliland ayaa waxa kasoo yeedhayay cabashooyin badan tan iyo markii ay ka bilaabantay hawsha diiwaangelintu, kuwaas oo ay ka mid yihiin tirada goobaha diiwaangelinta oo aan ku filayn gaar ahaan caasimadda oo ay si weyn ugu dulmanaayeen dadku goobaha ay iska diiwaangelinayeen taasi oo keentay in tiro ka badan 40% dadka ku nool oo u badan dadka waaweyn gaar ahaan raggu ay waayaan fursad ay ku qaataan kaadhka jinsiyadda iyo ka doorashada. Masuuliyiinta, maamulka iyo odayaal ka tirsan deegaanka Hargeysa ayaa shalay cabasho ula tagay komishanka doorashooyinka taas oo ay kaga cabanayeen in aanay ku filayn wakhtigii lixda maalmood ahaa ee loo cayimay in lagu diiwaangeliyo dadka gobolka kaas oo dhamaaday iyadoo aanay in badan oo ka mid ah dadweynaha gobolku isdiiwaangelinin. Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Xaydh) oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa mar aanu xalay fiidkii khadka telefoonka kula xidhiinay noo xaqiijiyay in ay odayaal reer Hargeysa ahi shalay ay ka dalbadeen komishanka in loo kordhiyo wakhtiga lagu diiwaangelinayo dadka gobolka Maroodi Jeex, laakiin komishanku ay ka diideen iyagoo tilmaamay in aanu sharcigoodu dhigaynin inay mudada u kordhiyaan gobolkan, laakiin ay komishanku u sheegeen in ay dhawr saacadood oo ku beegnayd xalay saqdii dhexe ay ballan qaadeen in ay diiwaangelintu socoto, hase yeeshee arrintaasi ayaanay waxba ka suurtogelin iyadoo inta badan goobaha diiwaangelinta ee caasimadda Hargeysa iyo gobolka intiisa kaleba ay ka rawaxeen xiligii caadiga ahaa ee makhribka taasi oo ay sababtay komishanka doorashooyinka oo aan ku wargelinin in hawlwadeenada diiwaangelintu ay xalay illaa saqda dhexe shaqeeyaan. “Guddoomiyaha Komishanka ayaanu u tagnay anagoo reer Hargeysa ah kadib markii aanu wakhti dheer la fadhinay ayaanu ka dalbanay in wakhtiga lanoo kordhiyo maadaama ay jiraan dad badan oo aan isdiiwaangelin, wuxuu noogu jawaabay sharcigayaga ayaan ogolayn wax kordhin ah, kadib waxaanu ka codsanay inay inamadu illaa caawa (xalay) shaqada wadaan waxayna noo qabteen illaa 12:00 caawa (xalay)”. Ayuu yidhi Xasan Xaydh. Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Xaydh), waxa kale oo uu intaa ku daray in ay jireen goobo aanu gaadhin amarka komishanku oo saacadihii caadiga ahaa ay inamadii hawsha diiwaangelinta waday ay ka rawaxeen shaqadii. Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Xaydh) isaga oo ka hadlayay dadka iska diiwaangeliyay degmada 26-ka June oo ah degmadii laga soo doortay isaga waxa uu ku qiyaasay in ay dad tiradoodu ay gaadhayso afartameeyo kun oo qof ay iska diiwaangeliyeen degmada 26-ka June. Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Maxamed Aw Aadan Wayrax oo aanu isagana xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in badi dadka waaweyni aanay haba yaraatee intooda badani helin fursad ay isku diiwaangeliyaan, iyaga oo mar walba goobaha diiwaangelinta ee ay tagaan arkayay safafkii oo ay dad badani tuban yihiin, sidaana uu wakhtigii kaga dhacay. Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose mar aanu waydiinay in ay iyagu maamul caasimad ahaaneed komishanka doorashooyinka ka codsadeen in wakhtiga loo kordhiyo waxa uu sheegay in wasaaradda daakhiliga iyo Maayarku ay ka codsadeen, balse isagu aanu ka warhaynin wixii ay ku kala yimaadeen. Xoghayuhu waxa kale oo uu intaa ku daray in deegaamo badan oo miyiga ah ay abaaro ba’ani ka jiraan, isla markaana dadkii degenaa ay ka hayaameen, isagoo xusay in uu indhihiisa kusoo arkay goobo badan oo iska cidlo ah oo aanay dad badani iska diiwaangelinin. Xoghayaha Dawlada Hoose Mr Wayrax oo ka hadlayay caasimadda Hargeysa iyo sida ay uga socotay hawsha diiwaangelintu ayaa wuxuu sheegay in goobaha loo asteeyay in dadka laga diiwaangeliyo ee caasimadda gudaheedu ay aad u yaraayeen iyadoo ay Hargeysa ku nool yihiin tirade dadka ugu badan Somaliland oo lagu qiyaaso 600,000 illaa 750,000 inta u dhaxaysa. “Dadka Hargeysa oo ay tiradoodu aad u badan tahay waxa ku yaraa goobaha diiwaangelinta, dadka waaweyn oo dhamina labadii maalmood ee u dambeeyay ayay usoo baxeen inay isdiiwaangeliyaan, haweenka iyo dhalinyarada ayaa la odhan karaa waa kuwa ugu badan ee isdiiwaangeliyay”. Ayuu yidhi Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose. Xoghayaha mar aanu waydiinay tirada dadka guud ahaan iska diiwaangeliyay gobolka Maroodi Jeex wuxuu sheegay in qiyaas ahaan inkastoo aanu haynin tirada rasmiga ah ay gaadhayso illaa 400,000 qof. Sidoo kale, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd tirada dadka aan fursada u helin in ay iska diiwaangeliyaan ee wakhtigu ka dhacay, wuxuu ku jawaabay Xoghayaha dawladda hoose “Qiyaas ahaan waxa aan isdiiwaangelin dad aanay tiradoodu ka yarayn 30% (boqolkiiba soddon)”. Goobaha diiwaangelinta ee caasimadda Hargeysa oo ay tiradoodu ahayd 137 goob diiwaangelineed ayaa waxa mudadii lixda maalmood ahayd ee ay hawshu socotay waxay tirada dadka iska diiwaangeliyay ay u dhaxaysaa 800 illaa 1200 qof, taas oo aad uga yar intii la filayay markii hore. Inkastoo ay komishanka doorashooyinku sheegeen in ay goobaha diiwaangelintu furnaanayaan illaa xalay saqdii dhexe, haddana sida ay wariyeyaal Haatuf ah oo goobaha intooda badan soo maray xalay fiidkii ay indhahooda ku soo arkeen waxa dhamaan la wada xidhay goobaha diiwaangelinta xilligii caadiga ahaa ee awal horeba laga rawixi jiray marka laga reebo dhawr goobood oo kaliya, kuwaas oo ay inamadii hawsha waday ay odayaasha xaafaduhu ka codsadeen in aanay ka tegin ee ay dadka u diiwaangeliyaan, taas oo ku timid dedaal ay odayaashu galeen oo aan ka iman dhinaca komishanka doorashooyinka. Sida ay wararku nagu soo gaadheen xalay fiidkii deegaamo ku teedsan xadka oo ay ka mid yihiin degmooyinka Faro-weyne iyo Allaybaday ayaa iyagna sidaas oo kale ay shaqaalihii komishanku uga soo dhaqaajiyeen iyagoo dadku hor tuban oo sugaya in la diiwaangeliyo, taas oo ay dadku aad uga cadhoodheen iyadoo meelaha qaarkood ay dadweynaha iyo hawlwadeenada komishanku isku dhici gaadheen. Degmada Allaybaday oo ay ka jiraan 14 goob diiwaangelineed ayaa lanoo xaqjiiyay in ay iska diiwaangeliyeen dad ay tiradoodu gaadhayso 23,000 qof. Gobolada Awdal iyo Borama oo ay komishanka doorashooyinku wakhtigii ay diiwaangelintu ka socotay ay sheegeen in ay uga tageen goobo dadka inta hadhay lagu sii diiwaangeliyo muddo 15 cisho ah ayaa noqotay waxba kama jiraan kadib markii ay komishanku soo wada rarteen shaqaalihii iyo agabkii diiwaangelinta. Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in komishanku aanay haynin lacag ay siiyaan hawlwadeenada lixdaa cisho wax ka badan, isla markaana haddii gobolka Maroodi Jeex uu doonayo in loo kordhiyo mudada diiwaangelinta ay iyagu damaanad qaadaan kharashka iyo gunnada shaqaalaha hawsha diiwaangelinta wada, taasina waxay muujinaysaa in aanay kooxo muddo 15 maalmood ah dadka sii diiwaangeliya aanay uga tegi doonin gobolka ee ay tahay uun wax dadka lagu dejinayo maadaama sida ay sheegayaan aanay haynin kharash ay siiyaan hawlwadeenada. Qaabka ay hadda u socoto diiwaangelinta goboladu ayaa la rumaysan yahay in aanay ****olaynin tirada dadka Somaliland 40% wax ka badan in la diiwaangeliyo, iyadoo saddexda gobol ee illaa hadda la diiwaangeliyay lagu qiyaasayo in ay shan boqol oo kun iyo woxogay uu noqdo tirada dadka isdiiwaangeliyay. Qaar ka mid ah dadkii xalay ku sugnaa goobaha diiwaangelinta ee ay ka xidhantay ayaa ku tilmaamay diiwaangelinta mid aan macno badan lahayn oo ujeedadii laga lahaa aan sugaynin, maadaama dadkii oo ku jaban goobihii ay safafka dhaadheer kaga jireen laga dhaqaajiyay. Mid ka mid ah dadweynaha ay ka xidhantay diiwaangelintu oo ay cadho iyo niyad-jab ka muuqdaan ayaa yidhi “Ma garanayo macnaha ay diiwaangelintu u samaynayso Somaliland maadaama dadweynihii oo safafkii ku jira ay komishanku ka laalaabteen xamaantoodii”. Komishanka doorashooyinka ee hadda ka cabanaya kharash yaraanta ayaa waxa uu Midowga Yurub ugu deeqay lacag ka badan toban milyan oo dollar taas oo loogu talo galay in lagu socodsiiyo hawsha diiwaangelinta, iyadoo xukuumadduna ay ku dartay lacag gaadhaysa saddex bilyan oo shilinka Somaliland ah, waxaanay komishanka doorashooyinku hadda ay mudada aan ku filayn diiwaangelinta dadka ay ku sababaynayaan kharash la’aan iyadoo ay jiraan sawiro musuq-maasuq oo caddaan ah oo ka dhex jira komishanka, kuwaasoo ay masuuliyiinta komishanku sir iyo caadba isku daba mariyeen.
  4. Niyo ma madaxtoyadii baad la hadashay Anigu war uun baan diiwaangelinti ka haya
  5. waleh maantay somaliland ugu fiicantahay laakin dee marakiibta dagaalka wadankee baanu keena.
  6. if there is no tanasul if the deal of nur cade is rejected by yusuf and cade muse . Then Nur cade it will be hard to work with cabdilahi yusuf and then t f g wakhtiga ka dhamanaya. And we have alshabaab that is rejecting every deal with t f g Ethiopians marka cyusuf need to think what he is going to do he needs to make peace with nur cade
  7. U know what it is duke Why do Somali leaders always come down on i was a soldier i was a general like cade muse lika Cabdilahi yusuf like. Daahir rayaale who was a colonel. Why not some one with academic background that can change Puntiland institutions or can change some of the laws and actually build bridges between the people. The things didn’t went wrong because of cade muse things went wrong because Cabdilahi yusuf needed all the financial help military help for Mogadishu and baydhabo. Its not cade muse fault. Its the current situation in south of Somalia.
  8. genereel who do you think will be a good leader for puntland you think ilka dooli can bring change or so or wiilka yar eeh dr selebaan. runti hada la sheego cadde muse changed puntiland he build bossaso airport bossaso port is booming what does ilka dooli got to offer puntland. his makhir Couzins salaad cali is in hargesa.bal ninkaasi muxu soo kordhinaya.
  9. Keep us updated genereel latest news kollay wararku mar dhow way isku soo dabbo dhici doonan.
  10. sagaal madaxweyne musharax oo aan xisbi lahay oo aan wax fikir aah lahayn oo wadda beel gaar ah mattala kaan ilka dooli bal lix bilood ayu bariga sanaag joogay muxu soo kordhiye
  11. Garoowe/Baydhabo, December 4, 2008 (Haatuf/W. Wararka) – Hoggaamiyaha Mbagathi Cabdillaahi Yuusuf oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, ayaa la sheegay inuu dhambaal qoraal ah ka helay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaas oo uu gaadhsiiyay safiirka dawladda Mbagathi u fadhiya Addis Ababa Siciid Gees oo dorraad ka degay Boosaaso si fariinta u gaadhsiiyo Mr. Yuusuf. Safiirka Mbagathi u fadhiya Addis Ababa oo hore u ahaan jiray madaxa ilaaladda Cabdillaahi Yuusuf oo uu weheliyay xubin magaciisa lagu sheegay Khaliif Ciise Mudan ayaa doraad ka degay Madaarka Boosaaso waxayna isla markiiba u gudbeen Garoowe, iyagoo dhambaalka ay sideen kadibna la qaatay Cabdillaahi Yuusuf shir ilaa saqdii dhexe ee habeen hore socday. Si rasmiya looma shaacin waxay kulankooda albaabada u xidhan yihiin kaga wada hadleen hase yeeshee wararka laga helayo Garoowe waxay sheegayaan in Cabdillaahi Yuusuf Axmed safar ugu baxayo Djibouti si uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u weydiisto inuu dhexdhexaadiyo isaga iyo Meles Zenawi. Sidoo kale dhambaalka Meles Zenawi ayaa la sheegay inuu nuxurkiisu ahaa talooyin uu ku qanciyo Cabdilaahi Yuusuf inuu iska casilo xilka Madaxweynenimada Somalia. Cabdillaahi Yuusuf oo hore u ahaa gacanta midig ee ay Itoobiya ku leedahay Somalia, ayaa beryahan dambe waxaa aad xumaaday xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta Itoobiya, waxaanay dhawr jeer masuuliyiinta sare ee Itoobiya ka dhawaajiyeen in Cabdillaahi Yuusuf yahay caqabada ay ka dhismi lahayd dawlad ay Somalia yeelato oo dhalin karta nabad iyo dib-u-heshiisiin, taas oo hadda u muuqata in Itoobiya ay cagta saartay waddadii ay kaga takhalusi lahayd Cabdillaahi Yuusuf si ay cid kale ugu dhiibto talada Somalia. Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaaraha Mbagathi Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) ayaa shalay ka degay madaarka Muqdisho, halkaas oo la sheegay inaanu dhaafin madaarka Muqdisho, balse waxyar kadib ay diyaaradii sidday isaga iyo koox ka tirsan Baarlamaanka Mbagathi oo ku sugnaa Muqdisho ula duushay dhinaca magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka Mbagathi, halkaas oo ay ku sugan yihiin inta badan Xildhibaanada Mbagathi. Inkasta oo aan weli shaaca laga qaadin ujeedada socdaalka Nuur-cadde iyo xildhibaanada ka raacay Muqdisho, haddana waxaa jiray mooshin beryahan dambe laga waday xarunta Baarlamaanka ee Baydhabo, kaas oo la xidhiidha sidii xilka looga tuuri lahaa Cabdillaahi Yuusuf, kadib markii uu ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan ay Djibouti ku kala saxeexdeen xukuumaddiisa iyo kooxaha mucaaridka, gaar ahaan garabka Sheekh Shariif Sh. Axmed. Masuuliyiinta dawladda Mbagathi oo khilaafka iyaga u dhexeeyaa uu ragaadiyay hawshii ay qaban lahaayeen, ayaa hadda waxa muuqda in Ra’iisal-wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku ay taageerayaan heshiiska lala galay mucaaridka, halka Cabdillaahi Yuusuf aanu ogolayn wixii heshiiska lagu wada-gaadhay, sidaas darteed iyadoo inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka Mbagathi ay taageersan yihiin dib-u-heshiisiinta, ayaa waxay u dhowdahay inuu mooshin kasta oo xilka lagaga qaadayo Cabdillaahi Yuusuf uu wakhtigan uu si dhib yar u mari karo Baarlamaanka Mbagathi, iyadoo ay dawladaha taageera dawladda Mbagathina ay dabada ka riixayaan hirgelinta heshiiska Djibouti ka dhacay, isla markaana ku baaqay in cidii ka soo horjeesata dib-u-heshiisiintana dhinac looga soo wada jeesto.
  12. Garoowe/Baydhabo, December 4, 2008 (Haatuf/W. Wararka) – Hoggaamiyaha Mbagathi Cabdillaahi Yuusuf oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, ayaa la sheegay inuu dhambaal qoraal ah ka helay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaas oo uu gaadhsiiyay safiirka dawladda Mbagathi u fadhiya Addis Ababa Siciid Gees oo dorraad ka degay Boosaaso si fariinta u gaadhsiiyo Mr. Yuusuf. Safiirka Mbagathi u fadhiya Addis Ababa oo hore u ahaan jiray madaxa ilaaladda Cabdillaahi Yuusuf oo uu weheliyay xubin magaciisa lagu sheegay Khaliif Ciise Mudan ayaa doraad ka degay Madaarka Boosaaso waxayna isla markiiba u gudbeen Garoowe, iyagoo dhambaalka ay sideen kadibna la qaatay Cabdillaahi Yuusuf shir ilaa saqdii dhexe ee habeen hore socday. Si rasmiya looma shaacin waxay kulankooda albaabada u xidhan yihiin kaga wada hadleen hase yeeshee wararka laga helayo Garoowe waxay sheegayaan in Cabdillaahi Yuusuf Axmed safar ugu baxayo Djibouti si uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u weydiisto inuu dhexdhexaadiyo isaga iyo Meles Zenawi. Sidoo kale dhambaalka Meles Zenawi ayaa la sheegay inuu nuxurkiisu ahaa talooyin uu ku qanciyo Cabdilaahi Yuusuf inuu iska casilo xilka Madaxweynenimada Somalia. Cabdillaahi Yuusuf oo hore u ahaa gacanta midig ee ay Itoobiya ku leedahay Somalia, ayaa beryahan dambe waxaa aad xumaaday xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta Itoobiya, waxaanay dhawr jeer masuuliyiinta sare ee Itoobiya ka dhawaajiyeen in Cabdillaahi Yuusuf yahay caqabada ay ka dhismi lahayd dawlad ay Somalia yeelato oo dhalin karta nabad iyo dib-u-heshiisiin, taas oo hadda u muuqata in Itoobiya ay cagta saartay waddadii ay kaga takhalusi lahayd Cabdillaahi Yuusuf si ay cid kale ugu dhiibto talada Somalia. Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaaraha Mbagathi Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) ayaa shalay ka degay madaarka Muqdisho, halkaas oo la sheegay inaanu dhaafin madaarka Muqdisho, balse waxyar kadib ay diyaaradii sidday isaga iyo koox ka tirsan Baarlamaanka Mbagathi oo ku sugnaa Muqdisho ula duushay dhinaca magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka Mbagathi, halkaas oo ay ku sugan yihiin inta badan Xildhibaanada Mbagathi. Inkasta oo aan weli shaaca laga qaadin ujeedada socdaalka Nuur-cadde iyo xildhibaanada ka raacay Muqdisho, haddana waxaa jiray mooshin beryahan dambe laga waday xarunta Baarlamaanka ee Baydhabo, kaas oo la xidhiidha sidii xilka looga tuuri lahaa Cabdillaahi Yuusuf, kadib markii uu ka soo horjeestay heshiiskii dhawaan ay Djibouti ku kala saxeexdeen xukuumaddiisa iyo kooxaha mucaaridka, gaar ahaan garabka Sheekh Shariif Sh. Axmed. Masuuliyiinta dawladda Mbagathi oo khilaafka iyaga u dhexeeyaa uu ragaadiyay hawshii ay qaban lahaayeen, ayaa hadda waxa muuqda in Ra’iisal-wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku ay taageerayaan heshiiska lala galay mucaaridka, halka Cabdillaahi Yuusuf aanu ogolayn wixii heshiiska lagu wada-gaadhay, sidaas darteed iyadoo inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka Mbagathi ay taageersan yihiin dib-u-heshiisiinta, ayaa waxay u dhowdahay inuu mooshin kasta oo xilka lagaga qaadayo Cabdillaahi Yuusuf uu wakhtigan uu si dhib yar u mari karo Baarlamaanka Mbagathi, iyadoo ay dawladaha taageera dawladda Mbagathina ay dabada ka riixayaan hirgelinta heshiiska Djibouti ka dhacay, isla markaana ku baaqay in cidii ka soo horjeesata dib-u-heshiisiintana dhinac looga soo wada jeesto.
  13. heshiski jabuuti ka dhacay ba lugu khasbaya inu aqbalo cabdilahi yusuf
  14. War deg deg ah: C/laahi Yuusuf & Cade Muuse oo ka dhoofay Garoowe Madaxweynaha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa daqiiqado ka hor waxay si wadajir ah uga dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Warar SBC International ay ka heshay dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in wafdigan ay ku sii jeedaan wadanka Jabuuti, iyadoo la sheegay in ay ku tagayaan casuumad ay ka heleen madaxweynaha wadanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Safarka C/laahi Yuusuf iyo Cade Muuse ee wadanka Jabuuti ayaa ku soo aadayaa iyadoo maamul Goboleedka Puntland uu si buuxda u qaadacay natiijooyinkii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee dhexmarey egooyin ka socda dawlada KMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya. Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u sii gudbi doono wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi halkaasi oo lagu wado in uu uga qayb galo shir balaaran oo caalami ah oo looga hadlayo dhibaatada burcad badeeda. Suleeqa Maxamuud Qabowsade SBC International Garoowe
  15. Dr seleeb is a guy from buhoodle oo waashay ooo ohio ka yim oo is yidhi puntiland baad xukumaysa. ala ya wax oo sheega oo iskaga biir Somaliland
  16. hargeysa waxano idhahana iga waleh taasii nabii bay leedahay. B g waxba maha waan wavegereyn doon aka bluega 20 sannoh ba waan arkayeey from 1971 ila iyo 1991 waan arkayee marka wa caadi.
  17. Dr seleban kolay aabtii baan oo ahay ma yidhaha yarta aabtii iii soo qabo
  18. indhayguna yarta diraca cas xidhan bu ku dhacay ma ila aragteen
  19. odayga doonayaan inay ka takhalusan marka baydhaba lugu soo noqdo madaxweyne iyo raisal wasaare cusub bala so dooranaya.
  20. kan sheikh sharif waxaan xasuusta barii oo odhan jiiray ama bacad ayadaasii waxano sheegtay xadiiskaasiiw axay noo sheegtay. imika wuxu ku odhanaya qoddabadu waxay sheegayaan ahahhaha. alla ninku muxu is badalay.
  21. hadhwanaag 2008-11-26 (Hadhwanaagnews) Gobolka Ma´rib waa gobol kamid ah ( 21 gobol) ee uu ukala qeebsamo dalka yaman waana gobol ku caan dheer goobooyin farabadan oo Ataar taariikhi ah o kuyaala waxaana kamid ah ( carsh balqiis) waa qasrigii boqoradii la odhan jirey Balqiisa uu guursaday casw nabi saleebaan waxay kaloo caan kutahay o kuyaala biya-xidheenka weyn (Sad maarib). waxaa kaleyto uu yahay gobolku mid leh kheyraad dabiici ah waa gobol soo saaro gaasta iyo batroolka oo dhoofintooda iyo iib geentoodu utahay dakhli aad uweyn dalka yaman. 14 dagmo ayuu ka kooban yahay gobolkan waxaa jirtey dagmooyinkaa mid kamid ah waa dagmada (Algaraamiish) in taariikhdu markay ahayd (6-4-2007) waxaa booqasho kuyimid dalka yaman madaxweyne Daahir rayaale kaahinwaxa ay codsadeen cuqaasha iyo waxgaradka iyo dhamaan xildhibaanada dowlada hoose ee dagmadaasi iney lakulmaan madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyagoo usida hadyad ay kusoo qoreen dusheeda ireyadatan( Waa hadyad kasocota Dagmada Algaraamiish e Gobolka Maarib´Kuna Socota Madaxweynaha Dlka Somaliland). sida uu sheegey Duqa dagmada mudane( Maxamed Saalax Alsaqaaf) isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ( aniga oo ah duqa dagmada matalanadadweynaha kunool waxaan u aragnaa iney somaliland tahay dal madax banan xaqna uleh shicibkeedu inuu qariro masiirkiisa waajibna kutahay dowladaha caalamka iney kutaageeraan nabadd galyada iyo dimuqraadiyada ay gaareen). waxaa kaleeto uu sheegey gudoomiyaha dagmada algaraamiish maxamed saalax alsaqaaf Arin Taariikhi ah isgoo sii wata hadalkiisii waxa uu yidhi ( Dad badan ayaa isweydiiyey hadey yihiin yamani iyo somaliba halkaanu ku baranay amase ku aragnay somaliland waxaanan! leeyaha y aniga iyo dadweynaha dagmadeena waxaanu niqiin dhulkaasi intii la odhan jirey waqooyi galbeed 1984 waxaana dadka somalilanderka najecleysiiyey o nabaray Nin Dhakhtar ah oo aanu saaxiibo nahay ninkaasi waxaa layidhaahdaa ( Dr maxamed warsame Guuleed ) Dr hilib) waxaanu gaarnay heer heer ah inaanu 1987-1988 u aruurino deeq kaalma ah aanu ufidiney jabhadii la odhan jirey ( SNM) e ay lahaayeen beelaha daga somaliland haatan.anagoo ku kaalmeyney Dakhtarkaa nala dariska ahaa ee degaanadeena joogey ninkaasoo hawla aad umuhiim ahaa uqabtay shicibka kunool dagmadeena . waxaa Dhacday in labadaley xeerkii dowladdaha hoose ee yaman halkii markii hore ay dowlada dhexe soo magacaabi jirtey Gudoomiyayaasha gobolada laga dhigay 10-4-2008 in lasoo doorto gudoomiya-yaasha gobolada dalka oo dhan nasiib wanaag waxaa ku guuleestay 1-5-2008 inuu gudoomiyaha noqdo gobolka maarib Nin kamid ah ( Kooxda Saaxiibada Reer Somaliland e dalka yaman) waa Janaraal ( Naaji Cali Alzaaķdii) waxaana dhambaal Tahniyadeed udirey saaxiibkii Dr maxamed warsame (Dr hilib) isagoo kasidana gudoomiyaha cusub ee haatan fariin uu yidhi iga gaarsii shicibka iyo xakuumadda somaliland fariintaas uu si xarfiyan ah ugu codsanayo isagoo leh( waxaan udiyaar ahay in aanu layeelano gobolada dalka somaliland xidhiidh saaxiibtinimo lana walaalownana. Warbixin Kooban oo kusaabsan Gobolka Maarib: 1. laba boqol iyo konton kun( 250) waa tirada dadweynaha daga gobolka 2. sadex (3) xildhibaan ayaa kaga jira barlamaanka 3. Afar ( 4) xildhibaan oo uu madaxweynuhu magacaabo ayaa kaga jira golaha duqeyda e layidhaahdo ´golaha talabixinta´oo ah aqalka labaad ee baarlamaanka . 4. waxaa kunool gobolka amaba udhashay odayaal cariga yamanta dhexdiisa ka caan ah waxaana kamid ah Ragii dhaliyey Towradii ay xoriyadda kuqaateen waqooyiga yaman 1962 waxaa kamid ah odayaashaasi ( Algardacii) waa halyeygii diley boqorkii katalinjirey waqooyiga yaman ee magaciisa la odhan jirey ( Al-imaam Axmed bin yaxyaa) markey taariikhdu ahayd 1958 iyo walibana shakhsiyaad kaleeto iyo reerahoogaba sida reer ( Alzaaidi) reer ( alciraadah) reer (alkuclaan) reer ( diyaab) reer ( bin nimraan) iyo reer ( Abuu luxuum). 5.Xubno Sarsare o kujira haatan Golaha Fulinta E xisbiga Talada Dalka haya ( Almutamar Alshacbi Alcaam) Golaha guud ee shicibka. Golaha Saaxiibada Reer Somaliland e Dalka Yaman Waxaa Asaasay o Hurmuudna u Ah Dr Maxamed Warsame Guuleed ( Dr hilib) Guuleed Maxamed Warsame Faculty Share´a And Law universaty Sana´a Yaman