Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,613
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    72

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. riiga wa riig somaliland aah it will go every where wher water is needed in lasqoray in lascanod in sheikh in burco in berbera in borame gabiley every where , laakin heshisku horta wuxu aha ina Biyaha horta hargeysa laga qodo madaaba ay hargeysa caasimmadii dalka somaliland tahay
  2. gen duke ma oga that Drkan masriga dan gaar ah wadtto wixiisu ba inay tahay Ethiopianka ku cidhidi meesha Somaliland Ka nacayb maha laakin Somaliland heshiski bay uguga baxday Egypt Marka dr shamsadiin wa nin ciilan
  3. riots happend every where in the world gen duke Somaliland works for its people its not a warlord state like Puntland Who suports terorist that hijack ships
  4. alla necbeiya markay dadku wax ku tageeraan based on qabil adeerow xabashiga iyo kuwa la socda ba bamka waanu la eeganayna Wheter Its th Ethiopians or ItS Your so called Federal
  5. fii jihadihi fii sabililahi bi an nalahum bi an fuzakum afcourse ma tigray baan tageerra Iyo dawlad xaraaan aah
  6. Noop no one is sure who controls lasqoray at the moment Warar iskhilaafsan oo kasoo baxaya magaalada Laasqoray oo gacan ku hanteeda kala sheeganaya. Warkii 13-Jul-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Iyadoo maalmihii u danbeeyay ay gacan ku haynta magaalada Laasqoray ee ku taal xeebta Badda cas ay la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland iyadoo uusan halkaasi horay uga jirin maamul adag oo ka tirsan labada maamul ee iskuhaya gacan ku haynta magaaladaasi. Magaalada Laasqoray oo ay gudaha ugaleen ciidamada Somaliland ayaa ay masuuliyiinta Somaliland sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta magaalaasi ayaa haddana waxaa soo baxaya warar ka dhan ah wararkaasi kuwaas oo sheegaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxeen deegaankaasi. Ciidamada maamulka Puuntland ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay deegaankaasi soo gadheen meel 15km ujirta magaalada Laasqoray inkastoo iilaa hadda aysan jirin cid rasmi ahaan u cadayn karta xaalada deegaankaasi iyo ciiidamada ku sugan deegaankaasi. Masuuliyiinta labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay kala sheeganayaan in ay joogaan magaalada Laasqoray iyadoo dhinac kastaaba uu ku adkaysanayo inuu ku sugan yahay gudaha magaalada ayna ka joogaan ciidamo ka socda maamulkiisa. Hadaba magaalalada Laasqoray oo kub taal Barriga Sanaag ayaa waxa ay muhiimad wayn ulee dahay labada maamul waana magaalo istiraatiji ahaan ay labada maamul si wayn diirada u saarayaan iyadoo sidoo kalena tahay magaalo leh dekad lagan hirgalin karo maamulka sanaag barri. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com
  7. money it was part of the Britihs somaliland protoctorad ingrees carre , used to rule till the outskirts of bossaso
  8. teroristka wala soo qab qabanayaa dadka afduubaya
  9. nayruus we dont suport t f g and there Ethiopia alies in bay****** we the somaliland people we want to save the those tourist that came to sanaag somaliland and where kidnaped bye this puntland terrorist
  10. XAALADA GOBOLKA SANAAG OO DEGEN LAAKINSE WELI AY CIIDAMO IS HOR FADHIYAAN -------------------------------------------------------------------------------- Bosaaso:- Xaalada goobihii uu saaka is rasaaseyntu ka dhacdey ayaa saacadihii lasoo dhaafey degen iyadoo ay weli jirto cabsi dagaal isla markaan weli waxaa is hor fadhiya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka isla markaana waxaa jira dhaq dhaqaaq ay wadaan qaar ka mid ah wax garadka beesha Warsangeli oo ay ku doonayaan sidii ciidanka Somaliland looga saari lahaa Gobolka Sanaag. Waxaa iyaduna jirta warar naga soo gaarey ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo qeexaya in burcadii aysan wax kulan ah iyo wax wada hadal ah la gelin wax garadkii isu xil qaamey sidii loo soo deyn lahaa la haystayaasha ajaanibta ah. Wararku waxay intaa ku darayaana in Burcad badeedu ka faaiideysaneyso xaalada siyaasadeed ee ka cakiran tay Sanaag iyadoo ay jiraan Warar sheegaya in is abaabul Burcadeed uu ka jiro Xeebta Sanaag iyadoo goob joogayaal ku sugan xeebta Bari ee Sanaag iney arkeen ilaa 8 doonyood oo kuwa dheereeya ah oo ay leeyihiin Burcad badeedu. Wararkani ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay dadaalka loogu jiro sidii burcad badeeda looga dabar goyn lahaa Gobolka Sanaag. LaasqorayNET/Bosaaso
  11. IS RASAASEYN MAANTA DUHURKII KA BILAABATEY BUURAHA CALAMDOW OO U DHEXEYSA SOMALILAND IYO QABAAILKA SANAAG -------------------------------------------------------------------------------- Bosaaso: War lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarey deegaanka Buurta gaar ahaan tuulada Xabaala Shaawacle ayaa waxay noo xaqiijiyeen in maanta duhurkii fooda la is darey iyadoo ay dirirtu u dhexeysey ciidamada ka amar qaata Somaliland iyo ciidamo beeleedyo ka madax banaan oo diiddan Somaliland. Iska hor imaadkan ayaa waxa uu ka dhacay wadada aada magaalada Laasqoray oo ka baxda degmada Badhan oo sii dhex marta buuraha Calmadow isla markaana ah goob istaraatiji ah oo lama galaan ah. Is rasaaseyntan oo socotey qadar saacad ku dhow ayaan dhalin wax khasaare ah iyadoo ay isla markiiba ciidamada Somaliland isaga soo bexeen goobtii ay ku sugnaayeen. Waxaa kala dhex galey labada kooxood odayaal dhaqmeed ku hawlanaa sidii loo soo deyn lahaa dadka ajaanibta oo buurta iyaguna lagu haysto. Dirirtan ayaa waxaa lagu tilmaamey iney tahay mid horudhac ah iyadoo ciidanka Somaliland uu isa soo dhoobey xeebta Sanaag, gaar ahaan goob u dhow magaalada Geelweyta. Ciidankaas ayaa waxaa wata nin u dhashey Waqooyi galbeed gaar ahaan Magaalada Gebiley oo lagu magcaabo General Xaashi Dheere isla markaana abaanduulihiisu uu yahay nin lagu magcaabo Dauud oo isna u dheshey deegaanka Gebiley. Ciidankaas ayaa waxay wataan baabuur tikniko ah oo tiradooda lagu qiyaasey ilaa 30 gaari uuna ugu weyn yahay qoriga BM21. Hase yeeshee ciidankaasi waxa uu la socon la yahay iyagoo aan ku jirin dad u dhashey deegaanka isla markaana aan kala garaneyn deegaanka iyadoo hore ay odayaasha dhaqanka wefdi ay u direen la isu wacad marey in hadii ciidankaasi soo gudbo ineysan noqon doonin. Ugu danbeyn waxaa warar naga soo gaaraya magaalada Badhan ayaa waxay sheegayaan in laga dareemayo magaalada xaalad dagaal iyadoo wax garadka deegaanku ay weli ku hawlan yihiin sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa arimahan soo kordhey. LaasqorayNET/Bosaaso
  12. Emperor every where in the world mudahaarad way ka dhacaaan even in the best kept secret of the world
  13. nayruush keep telling your self that at the end run babaad moodii the terorist are thos people from puntland who suport those burcad badeed eeh dadka afduuba masakiinta
  14. TACSHIIRAD KA DHACDAY DULEEDKA MAGAALADA LAASQORAY -------------------------------------------------------------------------------- Laasqoray:- Wararka haatan soo gaadhaya warqabadka LaasqorayNet ayaa sheegaya inuu dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Laasqoray warka ayaa intaasi ku daraya inuu dagaalkaasi socoday ilaa dhawr saacadood kaasi oo aan ilaa haatan la ogayn khasaarihiisu intuu gaadhsiinsanyahay, dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen duryanka rasaasta. Tacshiiradaasi ayaa la xaqiijiyay inay u dhexayso Dadka deegaanka iyo Malayshiyaadka Somaliland kuwaasi oo rasaas xoogan ku dhex martay duleedka Degmada Laasqoray,sida la xaqiijiyay dagaalkaasi ayaa ku belawday ka dib markii ay u hanqaltaageen Ciidamada Somaliland inay gudaha u soo galaan magaalada Laasqoray. Ciidamada Deegaanka ayaa aad isaga difaacay inay malayshiyaadka Somaliland ay qoobka soo galiyaan gudaha magaalada Laasqoray, warar dheeraad ah oo kale ayaa sheegaya inay ciidamada deegaanka Sanaag ay difaac xoogan ka xidheen dhamaan hareeraha magaalada Laasqoray.
  15. generel duke ma adiga diilay miise wayana diilay wayaane ayaad xiiniyo mooday
  16. Mogadisho is occupied nothing to celebrate today man
  17. Xassan adan samatar muxu ka doonii meel xabashii hayasata generel duke walii wuxu aaminsanyahay inu xabashidu isagu watto, war iyaka adiga ku watta.
  18. dee wa labbo wajilee ayhal munafaquna wa ehhlu naar xassan daahir aweys buu tageerii laha hadu xaqudiinal minal utul kitaab tageerii laha uu ay ka dhab tahay Laakin Ina cabdallah xassan na waan tageerya oo maanta umadiisii Woyane dhakada ka haystaan eeh mamuulku isagu tageerro dhiibti Ethiopiaan uu dhiibto , Dhinaca kale na waxaan ka tageeraya cadbilahi yusuf iyo xabashida oke what did the mad mullah say kufriga ayaad nabbiyo moodeen hadaad naassab tihiin gaaladaad nicii lahaydeen eeh u cant have it both ways EMPEROR
  19. war nimanki dantoodii bay garteen anigu imika waxaan sugaya intu kii ina afqalooc eeh madaxweyne kuxigeeka puntiland isna isii soo dhiibayo , dadka reer ssc way garteen. Puntland waxay noqday xerro clanish state maffia burcad badeed dadka afduuba iyo dad lacag been beena sameyee.SOMALILAND IYAKA WA UU DAN WADDA JIIR IYO NOLLAL FIICAN
  20. Djibout iyo somaliland xuduud uma dhexeyo wadaaad isku dad isku isiri isku ummad aah isku fikrad dadka Reer somaliland badh ba dhalashada Djibouti na haysta and vica verca Siidu noo sheegay Hon pres daahir rayaale wxaaanu uu dhan wa iska siyaasad iyo fadhi ku diriir muj xassan ciise iyo faysal cali waraabe.wa mucaaraad they will say anything
  21. war waxaanu oo dhan haad la war wareegeysaan meesha wa iska been iyo khurafaad waxau ku leeyihin. ismacil mirre 14 jiir aah 1920 aya darwiish aha bal waxaas uu kalle ma aragtay.
  22. war marxaladii ina cabdulla xassan way dhamatay Somaliland na wa xorr dadkuna wa somaliland dalkuna wa somaliland
  23. Nephytis the english had 40 years the time to make the holl SOmaliland Christian war waxaasii wa propoganda maqaaxiida slamaha ku sheekeyaa Somaliland ayaanu ka badbaadiinay ingrees.
  24. abtigiis anigu dadka xalaasha eeh xaquu al diirika ka dagaalama siida imam axmed iebrahien al ghazi oo kale laakin the mad mullah ama ina cabdulla xassan lama bar bar dhigi karro Imam axmed iebrahiem al ghazi. Dhubad The mad mullah was fighting the systeems that where in place , like he brought something new he dident he fought suldan cali yusuf. And even Suldan cali shire. Muxuna uu ku soo kordhiye its absalutly nothing. dagaal qax dad dhintay boob gladiatornimo iyo shuquladda nocaas aaah . Skool kalliya ma dhisiin
  25. Col. Cali Baale iyo Mayarkii Degmada Taleex( ina fuje) oo isu soo dhiibay Mamulka Soomaaliland ee de Warkii 26-Jun-2008 iyo Qormadii: afnugaal01@gmail.com Col.Cali Baale oo ahaa Col.ka haystay Ciidanka (Dooxada Kacayo) ee Degmada Taleex aaya Maanta lagu soo dhaweyey Degmada laascaanood ee Gobalka Sool,Col. aaya waxa weheliyey 6 Sarkaal oo Ciidankiisa ka tirsan iyo Maayarkii Degmada Taleex. Col. Cali Baale iyo Masuuliyiinta kale ee ka tirsan Degmada Taleex aaya dhamaantood lagu Soo dhaweeyey Saldhiga Gudoomiyaha Gobalka Sool waxana halka Qudbad soo dhaweyn ah ka akhriyey Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool ahna siihaya xilka Gudoomiyenimada Gobolka Maxamed Faaraxa (Indho buur) Qudbada Gudoomiye ku Xigeenka ka dib aaya waxa hadalka Qaatay Col. Cali Baale, oo u mahad Celiyey saraakiisha Ciidamada Soomaaliland iyo Maamulka Gobalka Sool,Col.Cali Baale aaya sheegay in uu ka soo kacay isla maanta Degmada Taleex ee gobalka Sool halkaas oo uu kaga Yimi Ciidan kor uu dhaafaya 260 askari oo dhamaantood maanta ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo dhamaantood ka soo jeeda Degmada Taleex Col.Cali Baale wuxuu intaa ku daray in uu wada tashi uu yimi Degmada Laascaanood sidii looga Tashan la haa ciidamada ka soo jeeda Gobalada SSC in aay ka sii mid ahaadan ciidamada maamul Goboleedka Puntland iyo sidii go,aan loga gaadhi lahaa dhulduruugsiga aay wadaan Gobalada Mudug iyo Nugaal Ugu danbayntii waxa halkaasi hadal kasoo jeediyay Col. Mahad Canbaashe oo ah Taliyaha Saldhiga 7 ee Gobalka Sool waxa uuna yiri ‘ hadda waxaad kamid tihiin ciidamada Somaliland iyo Maamulka Soomaaliland waxadna ku soo dhawaatan dhuliina Hooyo Col. Mahad Canbaashe wuxuu sidoo kale sheegay Ciidanka fadhigoodu yahay Dooxada Kacayo ee Degmada Taleex in halkooda lagu Qaramayndoono oo aay ka mid yihiin Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliland.... wixii ka soo kordha ha ka fogaan afnugaal.com afnugaal01@gmail.com AfnugaalNew Desk