Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,811
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Originally posted by Abdinasir Kadawo: ^well said bro Not exactly the Somalis in nfd never participated in a Somali government Also Djibouti stayed away. The only to countries that formed a unity I Somaliland and Somalia.
  2. its like one of those articles that Masri guy writes . The anti somaliland thing.
  3. aun to the men ismacil bulaale i have seen him couple of times in hargeysa
  4. puntland is a clan state maxaad ka suugeyseen its not like somaliland where there are multy party elections
  5. bahashu wa wareegto 3 gobol nimanka kala dagga aya oo kala wareega.
  6. war anigu xaafada juhuuda baan daganahay ciidi wax ba ima yeesho.lol falastini marku iga hor imaado naxnu shabacu al falatiniyin min atat u kula fil aflin yawmin sanatieny. markay yuhuudu iga hor imadaan hi kahtam i ki ha kufurum. i am save
  7. Duke dident i say ilka jiir meel ghaadhi mayo looool
  8. Cabdiraxmaan Faroole - Madaxweynaha DG Puntland 8 Jan 8, 2009 - 12:21:36 AM Dr. Cabdiraxmaan Maxamad “Faroole” ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyadoo uu helay 49 cod halka musharixii ugu dhawaa oo ah Gen. Abdullahi Axmad “Ilkajir” oo helay 17 cod. Tartanka Madaxtinimada Puntland oo ay ka qeybgaleen 9-musharax ayaa waxaa Wareega 2-aad kusoo baxay C/raxmaan Faroole (49 cod) iyo Gen. C/llahi Ilkajir ( 17cod). RADIO GAROWE
  9. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Guuleystay Thursday, January 08, 2009 - 09:28 AM Waxaa goor dhaweyd Xarunta Baarlamaanka Puntland lagu soo gab gabeeyey Doorashadii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayadoo 9 musharax ay maanta u tartan tay jegadaasi. Doorashada maanta ayaa ahayd mid xamaasadeysan ayadoo gebi ahaanba la xiray isu socodkii gaadiidka ee gudaha magaalada Garowe. Waxaa sidoo kale go’ an intii badneyd isgaarsiinta, ayadoo taasi u dheertahay dadka gudaha u galayey Xarunta Baarlamaanka iyo Saxaafaddaba oo laga dhigay Mobilada ama telefonada gacanta. Doorashada ayaa markii ay bilaabatay waxaa la sheegay inuu ka tanaasulay xilkaasi u tartankiisa mid kamid ahaa musharaxiinta oo lagu magacaabo Eng. Nuur Xassan. Waxaa sidaa isugu soo haray 8 musharax oo kala ah: Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) Cabdiraxmaan Faroole Cabdullahi Ilkojiir Cali Cabdi Awaare Aadan Ciise Gaadaale Nuuradiin Aadan Diiriye Prof.Cumar Farjac Siciid Maxamed Raage Wareegii ugu horeeyey natiijadii waxay noqotay: Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) 8 cod Cabdiraxmaan Faroole 25 cod Cabdullahi Ilkojiir 14 cod Cali Cabdi Awaare 3 cod Aadan Ciise Gaadaale 4 cod Nuuradiin Aadan Diiriye 8 cod Prof.Cumar Farjac o cod Kadib intaa waxaa loo gudbay Waregii 2aad ayadoo ay hareen musharaxiintii ugu codadka yaraa oo ay kala ahaayeen Farjac, Awaare iyo Siciid Maxamed Raage Wareega labaad waxaa isugu soo haray 4 musharax oo wareegaasi kala helay: Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) 4 cod Cabdiraxmaan Faroole 30 cod Cabdullahi Ilkojiir 18 cod Nuuradiin Aadan Diiriye 11 cod Waxaa halkaasi ku haray Madaxweynaha Puntland Cadde Musse oo wareegaasi helay 4 cod oo kaliya sidoo kale waxaa asaguna tartanka ka haray Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo asaguna helay 11 cod. Waxaa wareegii ugu danbeeyey isu soo haray musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Faroole iyo Gen.Cabdullahi Ilkojiir Natiijadii ugu danbeeyey waxaa halkaasi guusha ku raacday Cabdiraxmaan Faroole oo wareegii ugu danbeeyey helay codad aad u badan oo 49 cod halka musharaxii la tartamayey Gen.ilkojiir uu helay 17 cod oo kaliya. Waxaa sidaa lagu doortay Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole. XOL
  10. Laascaanood: Komishanka Doorashada oo soo Tirada Hordhaca ah ee Iska Diiwaangeliyey Gobolka Sool. Written by Qaran News Jan 05, 2009 at 09:21 AM Laascaanood(Qarannews)- Guddida Sare ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo badidoodu ku sugan magaalo madaxda Gobolka Sool ee LAascaanood ayaa soo saaray tirada dadka hordhaca ah ee iska diiwaangeliyey Gobolka Sool. Shir Jaraa'id oo ay Maanta Magaalada Laascaanood ku qabteen Masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinku ayey kaga dhawaaqeen natiijada 5 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sool, halka ay kuwa kalena sheegeen in ay dib ka soo sheegi doonaan, waxana ay tibaaxeen in tirada hordhaca ahi ay gaadhayso 95000 (shan iyo shagaashan Kun oo Qof), isla markaana waxa ay xuseen in marka lagu darro goobo ka mid ah Shan goobood oo aan natiijadeedu soo gaadhin ay gaadhi doonto tiradu 17000 ( Boqol iyo todobaatan Kun). Waxana ay intaas ku dareen in dadka iska diiwaangeliyey degmooyinka Widhwidh, Kalabaydh iyo Xudun oo waqti dheeraad ah loogu daray ay dib ka soo bandhigi doonaan, waxanay diiwaangelinta Shanta deegaan ee na loo soo gudbiyey u dhacday u dhacday sidan; iyo we diiwaangelintu sii socota. 1. Laascaanood 45000 2. Oog 25000 3. Caynaba 20000 4. Widhwidh 50000 La soco wixii warar ka soo kordha wararkaas Weriye Madaxbanaan Aadan Faarah Yassin Laascaanood JSL
  11. Madaxwayne kuxigeenka Somaliland o maanta socdaal ku gadhay Degmada Kalabaydh(Sawiro). Warkii 04-Jan-2009 iyo Qormadii: Afnugal News Desk Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafdi balaadhan oo kamid ah Golaha wasiirada Somaliland iyo labada Gole ee Dawlada ayaa waxa ay socdaal ku tageen Degmada Kalbaydh ee Gobolka Sool taas oo si wayn logoa soo dhaweeyay halkaasi shacabka deegaankasina si wayn farxad wajiyadooda uga muuqatay. Socdaalkan maanta uu ku tagay madaxwayne kuxigeenka Somaliland ee Degmada Kalabaydh ayaa waxa ay ahayd kadib markii Degmada Kalabaydh ay qado sharaf ay ugu sameeyeen masuliyiinta Degmadu madaxwaynaha xilli uu soo gadhay Gobolka Sool gaar ahaan xaruntiisa magaalada isagoo saaka abaaro 09:00 subaxnimo ka anbabaxay magaalada Lascaanood una socdaalay Degmada Kalbaydh. Madaxawyanaha oo ay hor kacayeen masuliyiinta Degmada Kalbydh iyo Degmada Laascanod Canbashe Aw Dahir iyo Mahad Cali Samatar ayaa waxa kamid ahaa Madaxwaynaha Axmed Yuusuf Yaasiin,wasiirka arimah Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali Cirro,wasiirka arimaha Dibada C/lahi Maxamed Ducaale,wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed,wasiirka Cadalada Axmed Xasan Casoowe,Siyaasiga Axmed Cabdib Xabsade iyo wafdi Golaha Gurtida iyo xildhibaanada wakiilada isugu jira. Kadib markii madaxwaynuhu gaadhay magaalada Kalabaydh oo si wayn looga soo dhaweeyay lagagana hor yimi meel dibada ka ah magaalada ayaa waxa u dadkii kala hadlay hoygii loogu talo galay inuu ku nasto hortiisa halkaas oo ay isugu soo uruuren dadwayne aad ufara badan isagoo u madaxwaynuhu uu halkaasi ugu sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay socdalkiisan uu ku yimi magaalada oo ah markii ugu horaysay oo uu Laascaanood dhinac usoo dhafo meel Gobolka kamid ah. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa waxa uu sidoo kale si wayn u amaanay Degmad Kalabaydh oo uu sheegay inay tahay meel aad u wayn hanti badana loo quudhay isagoo intasi ku daray in Degmooyinkii u marayay ee Somaliland uusan arag Degmo baxad le'eg sidaana u wayn shacab ahaana ay dadkeedu ka fara badan yihiin isagoo intaasi ku daray in taasi tahay midda kaliya ee wax u jari doonta wax badana loo qaban doono isagoo dadka ku baraarujiyay inay isdiiwaan geliyaan isagoo si waynaha ugu maanay nabada taal meesha. Madaxwaynaha ayaa hadlkiisa kadib waxa uu socod dheer oo lug ah kusoo maray magaalada Gudaheeda iyo shan goobood oo magaalada ah oo ay ka socotay isdiiwaangelintu isagoo goobahaasi ka dhagaystay sida ay usocoto iyo waxa la kulmay iyadoo mid kamid ah Gudoomiyaha gobahaasi usheegtay inay tahay meel ad u nabad gelyo wacan si wayna looga soo dhaweeyay. Ugu danbayntii ayaa qado sharfta kadib waxa uu madaxwaynuhu la kulmay Odayaasha deeganka Degmada Kalbaydh iyagoo ka wada hadlay xaalada Degmada iyo bahiyeheeda iyagoo madaxwaynaha ka codsaday in guud ahaan Gobolka iyo Degmada Dawladu wax u qabato dhankoodana taageero u hayaan taas oo ugu danbayntii ku dhamaaday farxad iyo is afgarad.
  12. Maamulkii PL oo Ka Baxay Widhwidh, Somaliland oo La wareegtay & Xiisad Cusub oo Ka Oogantay Ballicad Saturday, 03 January 2009 13:32 xusen Ka dib dagaalkii saaka ka dhacay gudaha widhwidh oo dhaliyey khasaare nafeed oo soo gaadhay SL & khasaare Dhuled oo soo gaadhay Pl aya dhanka kale waxa xiisad colaadeed ka taagan tahay dhinaca Tuulada ballicad oo ku taalla xuduuda u dhexaysa Deegaankaasi & Kilinka shanaad ka dib markii uu halkaasi gadhay badhasaabkii Pl ee ka baxay widhwidh Keyse Cabdi Yuusuf, isla markaana ay ka **** tageen Ciidamadii Sl ee saaka widhwidh gaadhay oo labadii sarkaal ee watayba lagaga dilay gudaha magaaladaasi G/lle Ilbir oo ka soo jeeda Gobolka Hargeysa & Captain Shiine galaal oo ka soo jeeda deegaanka lagu dagaalamay. Ciidamada Sl ayaa la sheegay inay hadda ku sugan yihiin halkaasi, halka sidoo kalena melo aan ka fogayn ay joogaan saraakiil dagaalkana khibrad u leh deegaankaasna hore ugu sugnaa, sida Col. Nadalo saalax maxamed & faarax Nadiif aadan Hawd oo labadoodaba la sheegay inay ku jiraan goobo ku dhow degmadaasi widhwidh iyadoo ay weheliyaan maleeshiyaad deegaankaasi ka soo jeeda oo iskaga baxay gudaha magaalada. Buuhoodle dhinaciisa ayaa la isugu baxay saaka kulan odayaashu yeesheen hase yeeshee waxaa muuqatay inaan lagu gaadhin go'aamo aan ka ahayn in welwel laga muujiyey in ay qaraxdo colaad hoosaad ka dhex dhalata beesha Widhwidh, waxaana la go'aamiyey in odayaal loo kala diro labada dhinac ee iskaga daba tegay ballicad. Allhawd.com
  13. why are the s n m sitting and the ssc standing lol just joking
  14. yes he is mujaheed allah says in his quran marka gurigaga lugugu soo doonta is diifaac dar allah iskgaga celli. ilahay nicmal wakiil ka dhigo there for he is mujaheeed
  15. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyey Laascaanood January 1st, 2009 Laascaanood (Somaliland.org) – Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta si layaab leh loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood oo maalinta berri ah ay si rasmi ah uga bilaabmi doonto hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa. Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in kumanaan dadwaynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo sita calanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka xisbiga KULMIYE ay ku soo dhaweeyeen guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo weftigiisa. Soo dhawayntaasi ka dib, Guddoomiyaha xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa meel fagaare ah kula hadlay dadwaynahan soo dhaweeyay, isaga oo uga mahad celiyay sida qiimaha iyo qaayaha badan ee ay u soo dhaweeyeen. Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu dadwaynaha gobolka Sool uga waramay socdaalkooda iyo sida ay muhiimka ay u tahay in shacabka gobolka Sool guud ahaan ay u diyaargaroobaan diwaangelinta maalinta berri ah ka bilaabi doonta gobolkaasi. Fagaarahaasi waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo Mudane Fu’aad Aadan Cadde oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE, iyaga oo dadwaynaha ku booriyay in ay diwaangelinta si wayn uga qayb qaataan. Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibaddaasi ka hadlay, ayaa ka waramay qiimaha nabad-galyada iyo degenaanshaha. Isaga oo ka mid ahaa raggii dedaalka badan ka galay nabadayntii beelaha Bariga Somaliland iyo guud ahaanba dalka Somaliland ilaa sannadkii 1991-kii. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo waa masuulkii ugu miisaanka waynaa ee taga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, tan iyo sannadkii 2003. Dhinaca kale, guddoomiyaha guddida diwaangelinta Komishanka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in diwaangelintu si rasmi ah maalinta berri uga bilaabmi doonto gobolkaasi, kooxihii ka hawl galayay diwaangelintuna ay gaadheen gobolka Sool, inkasta oo ay jiraan ‘buu yidh’ kooxo tiro yar oo weli ku sagan magaalada Burco oo ilaa caawa ay dirayaan. Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.
  16. Ummad wadda rabta inay wadda madaxweyna noqdaan waleh wa yaab.
  17. where is maakhir in all of this jabril cali salaad mee cardhi ugu horeye isaga qaatatay.
  18. new shir in 2009 . dawlad cusub same people different place. just like 2000 lugu badalay 2002 eldoret.
  19. naxar nugaleed whats the attack on somaliland and daahir rayaale, we are talking about madaxweynihi somaliya iyo meeelahsayadkisi ka soo saaraya villa somaliya. U will never hear daahir rayaale oo ka so baxay madaxtooyada hargeysa marka topica ha ka bixin. and correction it used to be gaani house and why should we destroy it , it can be a nice pres palace
  20. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Maya adiga kulama sheekaysanayo imika ,,, hee sabab inadeer wa ku siidee Xaajiga ha iska fogayn walaga duceysta
  21. this is the last dignin ( warning) for mamuulka yar eeh la naga ag sameeye eeh buntiland
  22. jacayl baro xog ogaal baad tahay wa inaynu labadeenu yara wada sheekeysana