Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,613
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    72

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. if you think somalia navy should hijack international ships then somaliya wa loo yaaba. ahahhaa loooool walahi wuu iga qosliyee
  2. . No one is talking about a Ethnic group marka ta horta sheekada ha oo duwiin by the way your stuck in the past its not my part of somalia, its the rep of Somaliland. Yes we will fight those criminals that making the the coast of east Africa unsafe.
  3. afcourse the child that is born in adis ababa is closer to me then the one in xammer u know why because adis ababa xabad sigaar ah bay ii jirta. laakin adiga ictraafka somaliland muxu ku dhimaya wa waxba.
  4. haa ingrees carre kuma wayoo but thats not the topic here somaliland way ka hortagaysa burcad badeedka because maraakibta la afduubayo dadka waxa sameeynayo wa tuug . tuugta na sharciga qabanaya haday puntiland tageerto burcad badeedka, anagu waanu ka so horjeedna crimka
  5. has this got something to do with alshabab in galguduuud will galkacyo be there next stop.
  6. at the holy city of maydh. Maydh: Iska Horimaad Dhexmaray Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Budhcad- badeedda Soomaaliyeed. -------------------------------------------------- ------------------------------ () hadhwanaag 2008-12-07 (Hadhwanaagnews) Iska horimaad hubaysan, ayaa shalay dhexmaray ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag iyo koox ka tirsan Budhcad-badeedda Soomaalida ee Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha xeebaha Maamul-gobolleedka Puntland. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo xalay Wargeyska Ogaal waraysi khaas ah la yeeshay, ayaa sheegay in dagaalkaas oo ka dhacay degmada Maydh aanay wax khasaare ahi kala gaadhin labada dhinac. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in Doonyo ay Budhcadda ka yimi Xeebaha gobolka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay wateen la sheegay in waxyeelo gaadhay. Isla markaana waxa uu tibaaxay in Doonyo kale oo Budhcad-badeedda Soomaalidu leedahay ay ku jiraan, kuna soo jeedaan biyaha Berbera. Waraysigaas oo uu arrintaa iyo dhinacyo kaleba si faahfaahsan uga hadlayaana, waxa uu u dhacay sidan; S:> Guddoomiye, waxa nagu maqaalo ah in ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Doonyo Budhcad-badeeddu leedahay oo dhanka Xeebaha Puntland ka yimi uu iska horimaad ku dhexmaray Maydh. Markaa arrintaa maxaad kala socotaa? J:> Arrintaasi way jirtaa. Markaa waxa ka hawlgalay ciidamada Badda ee Somaliland. Rasaas bay is waydaarsadeen, labada dhinacna wax dhimasho iyo dhaawac ah midna lama sheegin. Laakiin, habeenkii ayaa u soo galay oo waqtigii habeenka ayaa soo kala dhexgalay, waxayna u carartay (Doonta Budhcadu wadatay) xaga Barriga. S:> Imisa Doonyood bay ahaayeen kuwaa xaga Puntland ka yimi? J:> Waxa la ii sheegay inay hal Dooni ahayd. Laakiin, waa la sheegayaa kuwo kale oo Badda ku jira. S:> Doonyaha ay ciidanka Somaliland wateena ma mid uun bay ahayd? J:> Haa. Markaa gabalkaa ka dhacay oo xaga barriga (Doonta Budhcadu) ayay u carartay, waxaana la filayaa inay dhaawac ahayd oo iyada wax gaadheen. S/: Ujeedada ay Budhcaddu xaga Somaliland ugu soo xad-gudubtay maxaad la idiinku sheegay hadaad wax war ah ka hesheen? J:> Waxa la sheegay inay sabab u tahay, meelihii ay ka ugaadhsan jireen aad loogu ogaaday oo laga yaabo inay Maraakiibta adduunkuna ay joogto. Markaa waxay bideen (Badda Somaliland) baan u malaynayaa inay meel qoor (banaan) ah tahay oo ay xaga Gacankan Yemen iyo dhinaceenan ay doonayaan inay u soo wareejiyaan hawlgalkooda. S:> Markaa Guddoomiye, goormuu bilowday dagaalkan labada dhinac dhexmaray? J:> Wuxuu bilawday ilaa abaaro 3:30 galabnimo. S:> Laakiin, wararka na soo gaadhay waxay sheegayaan in dhinac Somaliland ay laba Doonyood ahaayeen oo mid ka mid ah dhaawac gaadhay, sow sidaa maaha? J:> Adeer waxa weeye; Somaliland waxba ma gaadhine, iyaga (Budhcada) ayaa la sheegayaa in Laashkoodu ka dhaawacmay. S:> Laashka ciidan baa saarnaa miyaa? J:> Haa. Ciidan baa saarnaa. S:> Markaa labada dhinac ciidamadooda wax khasaare ah oo kala gaadhay ma jiraan miyaa? J:> Haa…Xageena wax dhimasho iyo dhaawac oo gaadhay ma jiraan. Laakiin, dhinacooda lagama warqabo. S:> Guddoomiye, waxay wararku sheegayaan in Doonyo door ah oo nooca Kalluumaysiga ahi oo Carbeed joogaan Aagga Maydh, nimankaasina ay Dooni afduubeen. Markaa taasi ma jirtaa iyadu? J:> Taasi maalin hore ayay ahayd oo Gacankaa Yementa ayay ka qabteen, inkastoo ay xagan u soo jeeday. Markaa Doonyihii Badda ku jiray imika dhammaan Maydh baa lagu soo xereeyay, iyada oo Nabadgelyo loo soo xereeyay. Ta labaadna, inay kuwaasi intay dhaceen inay wixii taakulayn ah iyo Shidaal ah ka qaataan. Markaa ciidamada Badda ee Somaliland Doonyihii Yemeneed oo dhan Marsada ayay ku soo xidheen. S:>Doonyahan Yemeneed ee halkaa jooga, kana Kalluumaystaa ma qaar heshiisyo xukuumadda Somaliland kula jiraa? J:> Kuwaasi waxa weeye sida kuwa ka Kalluumaysta dhinaca Seylac oo kale, Cashuur baana laga qaadaa. S:> Guddoomiye, wararka qaarkood waxay sheegayaan in kooxaha Budhcad-badeeddu doonayaan inay u soo wareegaan dhinaca aaggagan oo ay Bad-jiif ka noqdaan. Markaa idinku taas ma dareensan tihiin? J: > Iyaga waxa u daran uun meesha ay wax ka helayaan. Laakiin, maadaama meeshaasi (aagaga ay hadda Budhcadu hawlgalkooda ka fuliyaan) noqotay meel ay Maraakiibta dagaalku aad u marayso, ay xagan oo ay u arkeen inay firaaqo tahay inay kaga faa’iidaysan karaan. S:> Qaar ka mid ah Budhcad-badeeda lafteeda ayaa la sheegayaa in Dooni ay saarnaayeen wax ku noqotay agagaarka Maydh, dabadeedna Markab uu halkaa ka qaaday oo uu dhinaca Yemen geeyay. Markaa taas maxaad ka ogtahay? J:> Walaahi maya oo waxba kalama socono, warkaasna maanu maqal. S/: Ciidanka Badda Somaliland ee jooga aagga Maydh awoodda ay leeyihiin intee bay le’egtahay, mase tahay mid wax ka caabiyi karta Budhcad-badeedda? J:> Haddii ay Laashash dheereeya iyo qalab ay hesho, way kafaalo qaadan kari lahaayeen inay difaacaan Xeebaha. Laakiin, hadda kolay sidaas maaha ciidanka xaga Bariga soo jiraa (joogaa) oo awood caynkaas ah oo badan ma leh. S:> Guddoomiye, mar kale aan ku waydiiyeen ujeedada Budhcadu Maydh u yimaadeen maxaad u malaynaysaa, ilayn haddii ay wax qafaalanayaan waxay joogi lahaayeen Biyaha Caalamiga ahe, mase jirtaa inay doonayeen inay u soo gudbaan dhanka Berbera? J:> Waxa weeye; inay aagaas oo dhanba tagaan haddii ay u suurtowdo, dhinaca Berbera-na waa la sheegayaa inay Doonyo kalena ku jiraan oo Budhcad-badeed ahi. Laakiin, Badda ayaa kacsanayd oo shakar bay ka dhigeen oo waxay u soo leexdeen xaga Buuraleyda ah si ay gabood uga dhigtaan, inta ay ka go’ayso kacsanaanta Baddu. S: > Laakiin, Budhcadu imika marka awoodooda dhaqaale loo eego Doonyo dheereeya iyo hub casri ah bay wataan? J: > Haayoo, waa dhaqaalaha oo isgaadhsiin bay wataan, raashin iyo qoryo ayay wataan ay inta ay doonaan ku jiri karaan iyo xataa qoryo tiiro dhaadheer. S:> Markaa wax magaalada Maydh gaadhay oo khasaare ahi ma jiraa? J:> Maya. Ma jiraan wax burbur ahi. S/: Ma jiraa wax xog ah oo hadda ka hor idinka soo gaadhay dhinaca Barriga, sababta oo ah dadka gobolkaa badhkii baa jooga meelaha wax lagu afduubo? J:> Maya. Kolay waa la sheegaa. Laakiin, kuma badna cidse waa laga heli karaa, kolayna waa iska kooxo (Budhcadu) badan, oo cid kastaaba Laash uun bay meel ka doonanaysaa, qorigana waa la iska wada haystaa. S:> Dadweynaha Ceerigaabo ama reer Sanaag ee aad Guddoomiyaha u tahay sidee bay u dareemeen waxaa maanta dhacay? J:> Aad iyo aad bay uga xumaadeen, dadkuna wuu ka soo horjeedaa, waana u diyaar inay difaacaan. S:> Ugu dambayn, maadama arrintani dhacday maxaad ilaa hadda ka qabateen aagga Maydh iyo guud ahaanba? J:> Ilaa hadda hawlgalku wuu socdaa, lagamana hadhi oo ciidanka Somaliland Badda ayay ku jiraan oo ay baadi-goobayaan, wixii ka soo kordhanaya uun baa la eegi doonaa. Wargeyska Ogaal
  7. Gudoomiyaha Diiwaangelinta oo Sheegay in Dadkii Iska Diiwaangeliyay gobolka Hargeysa aanay ka yaray Written by Qaran News Dec 07, 2008 at 02:22 PM Gudoomiyaha Diiwaangelinta oo Sheegay in Dadkii Iska Diiwaangeliyay gobolka Hargeysa aanay ka yaray Nus-Malyuun Qof Hargeysa(Qarannews)-Guddoomiyaha guddida Komishanka u qaabilsan diwaangalinta Cod-bixiyayaasha Ismaaciil Muuse Nuur ayaa maanta sheegay hordhaca tirada guud ee iska diiwaangelisay Gobolka Maroodi-jeex oo ahaa gobolkii Seddexaad ee ay Diiwaangelintu ka Qabsoonto. Gudoomiyaha oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Komishanka ayaa sheegay in gobolka Hargeysa ay iska diiwaangeliyeen 428961 (Afar Boqol, Sideed iyo Labaatan kun, Sagaal Boqol iyo Kow iyo Lixdan) Qof. Gudoomiyahu waxa kale oo uu tilmaamay inay xil qaran iska saari doonaan sidii ay u kordhin lahaayeen xarumaha ay hawlwadeenada Diiwaangelintu ka hawl gali doonaa wakhtiga dheeraadka ah ee 15-maalmood, si cidii aan nasiibka u helin ama fursad u waayay u helaan goobo dheeraad ah. Si taasi u hirgashana ay docadocayn doonaan ilaha kale ay lacag ka heli karaan. Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi: "Waxaan inoo hayaa tirakoobkii maalintii ugu danbaysay ee lixaad, Waxaanu wax waydiinay 175-goobood, goobahaasi oo ayna dagmadda Gabiley ku jirin, celceliska goob walbana dadka ay diwaangalisay waa 186-ruux. Markaa tiradda maalintii lixaad la sameeyay oo ayna Degmadda Gabiley ku jirin, waa 630186-qof, dagmada Gabiley qiyaas guud oo aanu samaynay anaga iyo raggii ka soo shaqeeyay, waxa laga diwaangaliyay iyada oo waliba maalintaa (maalintii lixaad), hoos loo dhigay 15000-kun, markaa tiradda shalay la diwaangaliyay waxay noqonaysaa 780186. (Sideed iyo todobaatan kun, boqol iyo lix iyo sideetan). Haddii aan tirada oo dhan isku gayno lixdii maalmood, qiyaasihii aan idin siiyay, waxay noqonaysaa 428961-ruux, ta kale ma filayno in tiradan wax badan iska badalaan, maxaaa yeelay qiyaasta aanu samaynay waa qiyaas adduunka oo dhan lagu isticmaalo. Markaa qiyaastaasi waa mid aad u qaadan kartid mid ku dhaw xaqiiqadda". Guddoomiyuhu waxa uu u mahad-naqay dhammaan dadkii ka qayb qaatay hawsha diwaangalinta ee Gobolka Hargeysa, gaar ahaan bahda saxaafadda oo uu sheegay inay la hawl galeen, dadkana u gudbinayeen hadba Wararka soo kordha ee komishanka. "Waxaan aad ugu mahad naqayaa bahda Saxaafada, sida fiican ee aad dadka u gaadhsiiseen wararkayagii, oo in guushan laga gaadho hawsha Gobolka Hargeysa, waxa wayn ka taray, wararkii aad naga baahinayseen, Goboladii hore waxa nagaga dhacay waxa ka maqnaa arinkaasi (Saxaafada). Dadka reer Hargeysa iyo siyaasiyiinta, cuqaasha, Asxaabta iyo dawlada aad baanu ugu mahadnaqaynaa taageerada wayn ee ay na siiyeen". Mudane Ismaaciil Muuse, waxa uu intaa ku daray in aaminsan yihiin in muwaadiniinta iska diwaangaliyay Gobolka Maroodi jeex, aanay nus malyan ka yaraanayn, waxanu yidhi "Waxay nala tahay Nus Malyuunkii wax yar baa ka yaraan doona marka aynu tirada dhabta helno, dadka laga diwaangaliyay Gobolka Maroodi-jeex, taasina inay guul inoo tahay ayaanu u malaynaynaa ama ay tahayba, waxa kale oo ay cadaysay in aynu Maroodi jeex ka samaynay arin wayn, in adduunka aynu u cadaynay in daganaanshaha, xasiloonideena iyo dawladimadeenu ay tahay mid boqolkiiba boqol ah." Gebo gabadii Shirkiisa Jaraa'id waxa uu sheegay inay dadka deeq bixiyayaashii bixiyay lacagta diwaangalintu sheegeen in damaanada kaliya ee ay Somaliland ka haystaan tahay, dadka reer Somaliland oo waxay damcaan in ay sameeyaan ay ka soo dhalaalaan iyagoo gacmaha is haysta. "Sidaan mar hore idiin sheegay dadka deeq-bixiyayaashu markii ay lacagtan faraha badan ina siinayeen waxyaabaha ay nagu yidhaahdeen waxa ka mid ahaa, damaanada qudha ee aanu haysanaa waxa weeyaan, reer Somaliland waxa ay goostaan inay sameeyaan ee ay iskugu tagaan way samayn karaan, tii baynuna cadaynay oo waynu u muujinay in aynu shacab iyo dawlad is haysano wixii aynu doono in aynu samaynayna aynu samayn karno". Gunaanadka shirka Jaraa'id ee uu Qabtay gudoomiyaha Guddida Diiwaangelintu, waxay Saxaafaddu weydiiyeen su'aalo kala duwan oo ku qotoma hawlaha diiwaangelinta, Su'aalahaasna waxa ugu Muhiimsanaa, S: Guddoomiye dadka reer Hargeysa, waxa ay iswaydiinayaan, imisa goobood ayay noqon doontaan, goobaha 15-ka maalmood ee dheeraadka ahi dadku ka heli doonaan diwaangalinta ee Gobolka Hargeysa? J: Waxaan ka xumahay ma sheegi karo, laakiin waxaanu ku dadaalaynaa in aanu mar walba tiradda ugu badan aanu gaadhsiino, laakiin wali anaga ayaa qiyaasahayagii iyo waliba meelo dibadda ah o aanu gugujinayno si aanu lacag u helno, si Hargeysa iyo goobaha kalaba ay u heli lahaayeen goobo fara badan, ayaanu ku dadaalaynaa si dhakhso ahna waanu u sheegi doonaa, si dhakhso ahna waanu u bilaabaynaa goobahaasi" Qarannews Desk Hargeysa
  8. gen duke what u think the next step will be do you think nur cade and C.yusuf will have some sor of heshis or will it all escalate into another dilemma. And will melez zanawi try to hold talks between the 2 guys how long can he do that. it seems every prime minister that comes in the t f g has some beeff with c.yusuf
  9. war way is gallaan eeh adigu ha isku diidin
  10. war way is gallaan eeh adigu ha isku diidin
  11. war way is gallaan eeh adigu ha isku diidin
  12. now he says ciidi kharsh leh ha iska bixiyaan diiwaangelinta means in march 40% cant vote because the cant pay for the vote registration.
  13. Gobolkii Lacag haysta ee iska bixinaya (Kharashka Diiwaangelinta) ayuun baanu waqti kordhin u samaynaynaa” Guddoomiyaha Diiwaangelinta “Qorshaha guud wuxuu yahay inay Wasaaradda Daakhiligu la wareegto hawsha Kaadhadhka Aqoonsiga oo ay u bedelaan dadka haysta Kaadhadhka hore” Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur, ayaa sheegay in muddada ay soconayso Diiwaangelintu loo kordhin karo oo kaliya Gobolka ay dadkiisu awoodaan in ay bixiyaan Kharashka ku baxaya maalmaha dheeraadka ah. Waxaanu sheegay in laga bilaabo Diiwaangelintan ay Wasaaradda Arrimaha guduhu tahay Hay’adda kaliya ee awoodda u leh bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga, isla markaana aanay hadda wixii ka dambeeya bixin doonin Dawladaha Hoose ee dalku. Gudoomiyaha Guddida Diiwaangelinta oo shalay Shir-jaraa’id oo uu arrimo kala duwan kaga hadlay ku qabtay Xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka, ayaa sheegay in Diiwaangelintu aanay ahayn wax joogsanaya, isla markaana dib dalka oo dhan looga bilaabi doono marka ay dhammaato Doorashada M/weynenimo ee loo qoondeeyay inay dalka ka dhacdo 29-ka Bisha March. Mar la waydiiyay sida laga yeelayo dadka ay Diiwaangelintu ka gebogebaysmayso iyaga oo aan is-diiwaangelin, ayaa waxa uu yidhi, “Xaqiiqadu sidaa maaha, haddii aad soo martaan meelaha badhtamaha Magaalada ayaa laga yaabaa inay dadku ku badan yihiin. Laakiin, Xaafadaha oo dhan waa khafiif. Midda kale, 15-cisho oo dambe ayaa Kooxaha qaarkood lagu reebayaa oo halkan kumay dhammaan. Kuwaas oo sii diiwaangelinaya dadka. Waxa kale oo jira in waxani (Diiwangelinta) ay yihiin wax iska soconaya oo Doorashadu Madaxweynuhu marka ay dhacdo ayaa dib loo bilayaa oo dadka dib loo diiwaangelinayaa, waana joogto ah ee mid waqti inaga dhacayo maaha. Markaa dadka intii aan 15-kaa Cisho isdiiwaangelin kari waaya, waxay sugayaan ta dambe, oo wax soconaya oo waanigii idin lahaa waxa loo baahan yahay uun hab aynu Qalabka u yeelano.” Ayuu yidhi Ismaaciil Muuse Nuur. Guddoomiyaha waxa kale oo la waydiiyay tallaabada ay ka qaadayaan goobaha qaar ay Gabiley ka mid tahay oo Cilad-farsamo ku yimi, isla markaana Waraaquhu ka go’een. Waxaanu ku jawaabay, “Wax xannibnay oo jiraa ma jiraan. Waraaquhu way buuxaan, mana jiraan Waraaqo yaraan u go’ay. Haddii ay ka go’aan-na waa haddii aan waqti ku habboon la soo sheegin oo ka hor inta aanay ka go’in inay soo sheegaan ayaa la doonayaa. Midda kale, Gabiley 120,000 oo Waraaqood oo saa’id ah oo aanay ku jirin Waraaqihii hore loo siiyay oo loogu talo-galay 70 Goobood, kuwaas oo dhammaa 70,000 oo Warqadood, ayaanu u dirnay, anagaaba yaabban halkay Waraaqani tegayaan. Markaa waxaanu hubnaa in Waraaqo badan laga soo celinayo Gabiley, waayo Caqliga ma gasho in 120,000 iyo 70,000 oo hore lagu wada isticmaalo.” Hase ahaate, waxa la sii waydiiyay sida loo ****olayo waqtiga Dadweynaha ka lumay. “Anagu waxaanu ballan-qaadnay in hawshu socoto 6-Maalmood, ciddii wax ku yimaadaan waa nasiibkood, Gobollada kalena sidaas ayay ahaayeen, kuwa soo socdana sidaas ayay noqonaysaa. Intaa wax ka badan ma jiraan. Laakiin, 15-kaa Cisho ee dambe ayaa Tirada aanu siinayno meelaha wax wayni gaadheen oo Lacag ku xidhan, ayaa loo baahan yahay. Odayaal reer Hargeysa ah ayaa dorraad (Khamiistii) noo yimi. Waxay doonayeen in loo kordhiyo waqtiga, laakiin Koombuyuutarradu 6-Cisho ayay isku xidhayaan. Balse anaga Lacag ayuun baa na xidhaysa ee waanu siin karnaa.” Ayuu ku jawaabay Guddoomiyaha Diiwaangelintu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Lacagta intaanu haysano ayuun baanu ku qiyaasaynaa. Laakiin, Gobolkii Lacag haysta ee odhanaya anagaa iska bixinayna, Lacag kale maahee Inamada shaqaynaya Lacagtay qaataan oo 20-Dollar ayaanu maalintii siinaa, haddii ay Dadku bixinayaan ama Dawladdu bixinayso ama meel laga bixinayo, anaga wax kale oo na xidhayaa ma jiro ee waxa na xidhaya oo kaliya awooddaa Lacageed oo intii aanu farsamo ahaan hayno ayuun baanu u samaynaynaa.” Sidoo kale mar la waydiiyay Guddoomiyaha siday isu-qabanayaan Kaadhadhka Aqoonsiga ee hadda ay bixinayso Wasaaradda Daakhiliga iyo kuwii ay hore u bixin jireen Dawladaha Hoose ee Magaalooyinka dalku, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Qorshaha guud wuxuu yahay in ay Wasaaradda Arrimaha guduhu la wareegto hawsha Kaadhadhka Aqoonsiga oo ay u bedelaan dadka haysta Kaadhadhka hore ee Aqoonsiga, ciddii aan haysanna ay u sameeyaan oo qorshe gooniya u sameeyaan sidii ay arrimahaa u wadi lahaayeen. Anagu Komishan Doorashooyin baanu nahay, Komishan ku shaqo leh Muwaadinimada iyo sida loo samaynayo Kaadhka Aqoonsiga ma nihin. Laakiin, waddaninimo iyo waajib ina wada saaran ayaanu u samaynay..markaa khasab ayay noqonay in loo sameeyo dadka Kaadhka Aqoonsiga. Balse wixii intaa ka dambeeya qorshuhu waa inay iyagu sii wadaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wixii hadda ka dambeeyana kuwan (Kaadhadhka Aqoonsiga ee hadda la bixiyo) ayuun baa la bixinayaa, laba Kaadh oo kala jaad ah lama bixin karo waddanka, laba Hay’adood-na ma wada bixin karaan. Shaqadani waa shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyagaa la wareegaya oo Kaadhkan ayuun bay bixinayaan.” Ogaal
  14. United westeren Somali libaration front
  15. United westeren Somali libaration front
  16. United westeren Somali libaration front
  17. hi dhi dhi waleh waleh nimanki shabaab way tashadeen waleh inay xassan turku xuududa keeniya dhaafiyan weyaan bi idmilahi kariim
  18. maya waxba ma kabbbado eeh wabaan soomanahay maanta Xunjuf waxa ma sameeyoo Ka waran udub way joogiisay hargeysa diiwaaangelinta.
  19. Beesha hargeysa dagta aya laga baqay ciidii bay ka batteen kharashki ba yaraaday.i Dont know they need to contineu the vote registration u know why other wise 40% of rer hargesa cant vote.
  20. Hargeysa, November 06, 2008 (Haatuf) - Muddadii lixda maalmood ahayd ee komishanka doorashooyinku u qoondeeyay in lagu diiwaangeliyo gobolka Maroodi jeex ayaa la soo gabagabeeyay xalay fiidkii iyadoo aanay boqolkiiba afartan dadka xaqa u leh inay isdiiwaangeliyaan ay hor tubnaayeen goobihii diiwaangelintu ka socotay ka dib markii ay komishanka doorashooyinku diideen in wakhti dheeri ah ay ku daraan si dadku ay u helaan fursad ay isku diiwaangeliyaan. Gobolka Maroodi Jeex oo ah ka ugu dadka badan gobolada Somaliland ayaa waxa kasoo yeedhayay cabashooyin badan tan iyo markii ay ka bilaabantay hawsha diiwaangelintu, kuwaas oo ay ka mid yihiin tirada goobaha diiwaangelinta oo aan ku filayn gaar ahaan caasimadda oo ay si weyn ugu dulmanaayeen dadku goobaha ay iska diiwaangelinayeen taasi oo keentay in tiro ka badan 40% dadka ku nool oo u badan dadka waaweyn gaar ahaan raggu ay waayaan fursad ay ku qaataan kaadhka jinsiyadda iyo ka doorashada. Masuuliyiinta, maamulka iyo odayaal ka tirsan deegaanka Hargeysa ayaa shalay cabasho ula tagay komishanka doorashooyinka taas oo ay kaga cabanayeen in aanay ku filayn wakhtigii lixda maalmood ahaa ee loo cayimay in lagu diiwaangeliyo dadka gobolka kaas oo dhamaaday iyadoo aanay in badan oo ka mid ah dadweynaha gobolku isdiiwaangelinin. Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Xaydh) oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa ayaa mar aanu xalay fiidkii khadka telefoonka kula xidhiinay noo xaqiijiyay in ay odayaal reer Hargeysa ahi shalay ay ka dalbadeen komishanka in loo kordhiyo wakhtiga lagu diiwaangelinayo dadka gobolka Maroodi Jeex, laakiin komishanku ay ka diideen iyagoo tilmaamay in aanu sharcigoodu dhigaynin inay mudada u kordhiyaan gobolkan, laakiin ay komishanku u sheegeen in ay dhawr saacadood oo ku beegnayd xalay saqdii dhexe ay ballan qaadeen in ay diiwaangelintu socoto, hase yeeshee arrintaasi ayaanay waxba ka suurtogelin iyadoo inta badan goobaha diiwaangelinta ee caasimadda Hargeysa iyo gobolka intiisa kaleba ay ka rawaxeen xiligii caadiga ahaa ee makhribka taasi oo ay sababtay komishanka doorashooyinka oo aan ku wargelinin in hawlwadeenada diiwaangelintu ay xalay illaa saqda dhexe shaqeeyaan. “Guddoomiyaha Komishanka ayaanu u tagnay anagoo reer Hargeysa ah kadib markii aanu wakhti dheer la fadhinay ayaanu ka dalbanay in wakhtiga lanoo kordhiyo maadaama ay jiraan dad badan oo aan isdiiwaangelin, wuxuu noogu jawaabay sharcigayaga ayaan ogolayn wax kordhin ah, kadib waxaanu ka codsanay inay inamadu illaa caawa (xalay) shaqada wadaan waxayna noo qabteen illaa 12:00 caawa (xalay)”. Ayuu yidhi Xasan Xaydh. Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Xaydh), waxa kale oo uu intaa ku daray in ay jireen goobo aanu gaadhin amarka komishanku oo saacadihii caadiga ahaa ay inamadii hawsha diiwaangelinta waday ay ka rawaxeen shaqadii. Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Xaydh) isaga oo ka hadlayay dadka iska diiwaangeliyay degmada 26-ka June oo ah degmadii laga soo doortay isaga waxa uu ku qiyaasay in ay dad tiradoodu ay gaadhayso afartameeyo kun oo qof ay iska diiwaangeliyeen degmada 26-ka June. Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Maxamed Aw Aadan Wayrax oo aanu isagana xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in badi dadka waaweyni aanay haba yaraatee intooda badani helin fursad ay isku diiwaangeliyaan, iyaga oo mar walba goobaha diiwaangelinta ee ay tagaan arkayay safafkii oo ay dad badani tuban yihiin, sidaana uu wakhtigii kaga dhacay. Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose mar aanu waydiinay in ay iyagu maamul caasimad ahaaneed komishanka doorashooyinka ka codsadeen in wakhtiga loo kordhiyo waxa uu sheegay in wasaaradda daakhiliga iyo Maayarku ay ka codsadeen, balse isagu aanu ka warhaynin wixii ay ku kala yimaadeen. Xoghayuhu waxa kale oo uu intaa ku daray in deegaamo badan oo miyiga ah ay abaaro ba’ani ka jiraan, isla markaana dadkii degenaa ay ka hayaameen, isagoo xusay in uu indhihiisa kusoo arkay goobo badan oo iska cidlo ah oo aanay dad badani iska diiwaangelinin. Xoghayaha Dawlada Hoose Mr Wayrax oo ka hadlayay caasimadda Hargeysa iyo sida ay uga socotay hawsha diiwaangelintu ayaa wuxuu sheegay in goobaha loo asteeyay in dadka laga diiwaangeliyo ee caasimadda gudaheedu ay aad u yaraayeen iyadoo ay Hargeysa ku nool yihiin tirade dadka ugu badan Somaliland oo lagu qiyaaso 600,000 illaa 750,000 inta u dhaxaysa. “Dadka Hargeysa oo ay tiradoodu aad u badan tahay waxa ku yaraa goobaha diiwaangelinta, dadka waaweyn oo dhamina labadii maalmood ee u dambeeyay ayay usoo baxeen inay isdiiwaangeliyaan, haweenka iyo dhalinyarada ayaa la odhan karaa waa kuwa ugu badan ee isdiiwaangeliyay”. Ayuu yidhi Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose. Xoghayaha mar aanu waydiinay tirada dadka guud ahaan iska diiwaangeliyay gobolka Maroodi Jeex wuxuu sheegay in qiyaas ahaan inkastoo aanu haynin tirada rasmiga ah ay gaadhayso illaa 400,000 qof. Sidoo kale, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd tirada dadka aan fursada u helin in ay iska diiwaangeliyaan ee wakhtigu ka dhacay, wuxuu ku jawaabay Xoghayaha dawladda hoose “Qiyaas ahaan waxa aan isdiiwaangelin dad aanay tiradoodu ka yarayn 30% (boqolkiiba soddon)”. Goobaha diiwaangelinta ee caasimadda Hargeysa oo ay tiradoodu ahayd 137 goob diiwaangelineed ayaa waxa mudadii lixda maalmood ahayd ee ay hawshu socotay waxay tirada dadka iska diiwaangeliyay ay u dhaxaysaa 800 illaa 1200 qof, taas oo aad uga yar intii la filayay markii hore. Inkastoo ay komishanka doorashooyinku sheegeen in ay goobaha diiwaangelintu furnaanayaan illaa xalay saqdii dhexe, haddana sida ay wariyeyaal Haatuf ah oo goobaha intooda badan soo maray xalay fiidkii ay indhahooda ku soo arkeen waxa dhamaan la wada xidhay goobaha diiwaangelinta xilligii caadiga ahaa ee awal horeba laga rawixi jiray marka laga reebo dhawr goobood oo kaliya, kuwaas oo ay inamadii hawsha waday ay odayaasha xaafaduhu ka codsadeen in aanay ka tegin ee ay dadka u diiwaangeliyaan, taas oo ku timid dedaal ay odayaashu galeen oo aan ka iman dhinaca komishanka doorashooyinka. Sida ay wararku nagu soo gaadheen xalay fiidkii deegaamo ku teedsan xadka oo ay ka mid yihiin degmooyinka Faro-weyne iyo Allaybaday ayaa iyagna sidaas oo kale ay shaqaalihii komishanku uga soo dhaqaajiyeen iyagoo dadku hor tuban oo sugaya in la diiwaangeliyo, taas oo ay dadku aad uga cadhoodheen iyadoo meelaha qaarkood ay dadweynaha iyo hawlwadeenada komishanku isku dhici gaadheen. Degmada Allaybaday oo ay ka jiraan 14 goob diiwaangelineed ayaa lanoo xaqjiiyay in ay iska diiwaangeliyeen dad ay tiradoodu gaadhayso 23,000 qof. Gobolada Awdal iyo Borama oo ay komishanka doorashooyinku wakhtigii ay diiwaangelintu ka socotay ay sheegeen in ay uga tageen goobo dadka inta hadhay lagu sii diiwaangeliyo muddo 15 cisho ah ayaa noqotay waxba kama jiraan kadib markii ay komishanku soo wada rarteen shaqaalihii iyo agabkii diiwaangelinta. Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur ayaa sheegay in komishanku aanay haynin lacag ay siiyaan hawlwadeenada lixdaa cisho wax ka badan, isla markaana haddii gobolka Maroodi Jeex uu doonayo in loo kordhiyo mudada diiwaangelinta ay iyagu damaanad qaadaan kharashka iyo gunnada shaqaalaha hawsha diiwaangelinta wada, taasina waxay muujinaysaa in aanay kooxo muddo 15 maalmood ah dadka sii diiwaangeliya aanay uga tegi doonin gobolka ee ay tahay uun wax dadka lagu dejinayo maadaama sida ay sheegayaan aanay haynin kharash ay siiyaan hawlwadeenada. Qaabka ay hadda u socoto diiwaangelinta goboladu ayaa la rumaysan yahay in aanay ****olaynin tirada dadka Somaliland 40% wax ka badan in la diiwaangeliyo, iyadoo saddexda gobol ee illaa hadda la diiwaangeliyay lagu qiyaasayo in ay shan boqol oo kun iyo woxogay uu noqdo tirada dadka isdiiwaangeliyay. Qaar ka mid ah dadkii xalay ku sugnaa goobaha diiwaangelinta ee ay ka xidhantay ayaa ku tilmaamay diiwaangelinta mid aan macno badan lahayn oo ujeedadii laga lahaa aan sugaynin, maadaama dadkii oo ku jaban goobihii ay safafka dhaadheer kaga jireen laga dhaqaajiyay. Mid ka mid ah dadweynaha ay ka xidhantay diiwaangelintu oo ay cadho iyo niyad-jab ka muuqdaan ayaa yidhi “Ma garanayo macnaha ay diiwaangelintu u samaynayso Somaliland maadaama dadweynihii oo safafkii ku jira ay komishanku ka laalaabteen xamaantoodii”. Komishanka doorashooyinka ee hadda ka cabanaya kharash yaraanta ayaa waxa uu Midowga Yurub ugu deeqay lacag ka badan toban milyan oo dollar taas oo loogu talo galay in lagu socodsiiyo hawsha diiwaangelinta, iyadoo xukuumadduna ay ku dartay lacag gaadhaysa saddex bilyan oo shilinka Somaliland ah, waxaanay komishanka doorashooyinku hadda ay mudada aan ku filayn diiwaangelinta dadka ay ku sababaynayaan kharash la’aan iyadoo ay jiraan sawiro musuq-maasuq oo caddaan ah oo ka dhex jira komishanka, kuwaasoo ay masuuliyiinta komishanku sir iyo caadba isku daba mariyeen.
  21. Niyo ma madaxtoyadii baad la hadashay Anigu war uun baan diiwaangelinti ka haya
  22. waleh maantay somaliland ugu fiicantahay laakin dee marakiibta dagaalka wadankee baanu keena.
  23. if there is no tanasul if the deal of nur cade is rejected by yusuf and cade muse . Then Nur cade it will be hard to work with cabdilahi yusuf and then t f g wakhtiga ka dhamanaya. And we have alshabaab that is rejecting every deal with t f g Ethiopians marka cyusuf need to think what he is going to do he needs to make peace with nur cade
  24. U know what it is duke Why do Somali leaders always come down on i was a soldier i was a general like cade muse lika Cabdilahi yusuf like. Daahir rayaale who was a colonel. Why not some one with academic background that can change Puntiland institutions or can change some of the laws and actually build bridges between the people. The things didn’t went wrong because of cade muse things went wrong because Cabdilahi yusuf needed all the financial help military help for Mogadishu and baydhabo. Its not cade muse fault. Its the current situation in south of Somalia.