Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,618
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    72

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. redsea oo wayoo Somaliland sootii liqday ciidanki sadexaad quwada ugu xooga weyneyd africa sootii liqday eeh la waayee. waba wadaado tikno saaraan oo takfiir ku saliyaya oo nabigii ba ilaway. . laakin imika anagu waxaanu ka hadleyne somaliya . Somaliland wa wadan kalle Shabaabki shaqo kuma laha Shabaabku wadankisa buu ka xoreynaya xabashiga . Maxa dal kalle Sida Somaliland ama jabuutii oo geynaya taasi waba faduul.
  2. No but this time who is going to stop them uncle sam More Ethiopian troops i dont think so. 2006 wala karbaashay because way hanjabbeen and they attacked baydhabo laakin imika all of the south iyaka gacanta ku haya cabdilahi yusuf inkaarqabe him self said wax dawladii kama jirto somaliya
  3. war hee dhe alshababku gabayga ma ogalla wa shriki min hadik mamnuuc. all somali culture lama ogalla ciyaar somali lama ogalla. laakin waa so socda nimanki
  4. :: Al-shabaab oo ku soo fool leh magaalada Gaalkacyo iyo Puntland. Warkii 07-Dec-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Gaalkacyo-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay jirto cabsi weyn oo la soo deristay dadka ku nool magaaladaas,iyadoo la isla dhexmarayo warar sheegaya inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan taageerayaasha ururka Alshabaab kadib qabshadii guud ahaan gobolka Galgaduud. Ururka Islaamiga ah ee Al-shabaab ayaa wada weeraro ay kula wareegayaan gebi ahaanba Soomaaliya,iyagoo hada gacanta kuy haya gobolada Jubada hoose,Jubada Dhexe,Gedo,Bakool,Bay(oon Baydhabo ku jirin),Banaadir badankeeda,Shabeelada Hoose,Shabeelada Dhexe,Hiiraan,Galgaduud,iyo weliba qaybo ka mid ah gobolka Mudug,waxayna hada kaabiga u saaran yihiin magaalada Gaalkayo oo ku taala cirifka ugu shisheeya ee maamulkaas. Magaaladaas ayaa xoogaga maxaakiimtu isku dayeen inay la wareegaan wakhtigii hore ee maxaakiimtu qabsadeen Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya badankeeda,taasoo keentay inay ka soo gaadhaan ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Gaalkacyo,waxaanse markan la hubin inay ciidamo Itoobiyaan ahi ka soo gaadhi doonaan iyo in kale,iyadoo ay yar tahay awooda ciidan oo ka jirta Soomaaliya oo hor istaagi kara xoogaga Alshabaab. Magaalada Gaalkacyo ayaa dadku hadal hayaan sida ay noqon doonto xaaladu hadii xoogagaas islaamiyiinta ahi soo gaadhaan magaalada,iyo in maamulka Puntland difaaci karo magaalada,iyo guud ahaanba Puntland. Waxaa ilaa maanta laga dareemayaa sidoo kale is urursi ay samaynayaan ciidamada Puntland,iyadoo la arkayo tikniko la diyaarinayo,iyadoo ay jirto feejignaan weyn oo shacabku muujinayaan. Xoogaga islaamiyiinta Al-Shabaab ayaa waxa ka go'an inay la wareegaan awooda Soomaaliya oo dhan,oo ay ku jiraan maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxaa dhowaan qaraxyo lala beegsaday hay'daha dawlada iyo xafiisyada Itoobiya ka dhaceen magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa,waxaana maamuladaasi ku eedeeyeen ururka Al-Shabaab inay ka danbeeyeen qaraxyadaas. Ha fogaan wararkii ugu danbeeyey ee deegaanka iyo isbedela ka dici kara.
  5. if you think somalia navy should hijack international ships then somaliya wa loo yaaba. ahahhaa loooool walahi wuu iga qosliyee
  6. . No one is talking about a Ethnic group marka ta horta sheekada ha oo duwiin by the way your stuck in the past its not my part of somalia, its the rep of Somaliland. Yes we will fight those criminals that making the the coast of east Africa unsafe.
  7. afcourse the child that is born in adis ababa is closer to me then the one in xammer u know why because adis ababa xabad sigaar ah bay ii jirta. laakin adiga ictraafka somaliland muxu ku dhimaya wa waxba.
  8. haa ingrees carre kuma wayoo but thats not the topic here somaliland way ka hortagaysa burcad badeedka because maraakibta la afduubayo dadka waxa sameeynayo wa tuug . tuugta na sharciga qabanaya haday puntiland tageerto burcad badeedka, anagu waanu ka so horjeedna crimka
  9. has this got something to do with alshabab in galguduuud will galkacyo be there next stop.
  10. at the holy city of maydh. Maydh: Iska Horimaad Dhexmaray Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Budhcad- badeedda Soomaaliyeed. -------------------------------------------------- ------------------------------ () hadhwanaag 2008-12-07 (Hadhwanaagnews) Iska horimaad hubaysan, ayaa shalay dhexmaray ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag iyo koox ka tirsan Budhcad-badeedda Soomaalida ee Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha xeebaha Maamul-gobolleedka Puntland. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo xalay Wargeyska Ogaal waraysi khaas ah la yeeshay, ayaa sheegay in dagaalkaas oo ka dhacay degmada Maydh aanay wax khasaare ahi kala gaadhin labada dhinac. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in Doonyo ay Budhcadda ka yimi Xeebaha gobolka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay wateen la sheegay in waxyeelo gaadhay. Isla markaana waxa uu tibaaxay in Doonyo kale oo Budhcad-badeedda Soomaalidu leedahay ay ku jiraan, kuna soo jeedaan biyaha Berbera. Waraysigaas oo uu arrintaa iyo dhinacyo kaleba si faahfaahsan uga hadlayaana, waxa uu u dhacay sidan; S:> Guddoomiye, waxa nagu maqaalo ah in ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Doonyo Budhcad-badeeddu leedahay oo dhanka Xeebaha Puntland ka yimi uu iska horimaad ku dhexmaray Maydh. Markaa arrintaa maxaad kala socotaa? J:> Arrintaasi way jirtaa. Markaa waxa ka hawlgalay ciidamada Badda ee Somaliland. Rasaas bay is waydaarsadeen, labada dhinacna wax dhimasho iyo dhaawac ah midna lama sheegin. Laakiin, habeenkii ayaa u soo galay oo waqtigii habeenka ayaa soo kala dhexgalay, waxayna u carartay (Doonta Budhcadu wadatay) xaga Barriga. S:> Imisa Doonyood bay ahaayeen kuwaa xaga Puntland ka yimi? J:> Waxa la ii sheegay inay hal Dooni ahayd. Laakiin, waa la sheegayaa kuwo kale oo Badda ku jira. S:> Doonyaha ay ciidanka Somaliland wateena ma mid uun bay ahayd? J:> Haa. Markaa gabalkaa ka dhacay oo xaga barriga (Doonta Budhcadu) ayay u carartay, waxaana la filayaa inay dhaawac ahayd oo iyada wax gaadheen. S/: Ujeedada ay Budhcaddu xaga Somaliland ugu soo xad-gudubtay maxaad la idiinku sheegay hadaad wax war ah ka hesheen? J:> Waxa la sheegay inay sabab u tahay, meelihii ay ka ugaadhsan jireen aad loogu ogaaday oo laga yaabo inay Maraakiibta adduunkuna ay joogto. Markaa waxay bideen (Badda Somaliland) baan u malaynayaa inay meel qoor (banaan) ah tahay oo ay xaga Gacankan Yemen iyo dhinaceenan ay doonayaan inay u soo wareejiyaan hawlgalkooda. S:> Markaa Guddoomiye, goormuu bilowday dagaalkan labada dhinac dhexmaray? J:> Wuxuu bilawday ilaa abaaro 3:30 galabnimo. S:> Laakiin, wararka na soo gaadhay waxay sheegayaan in dhinac Somaliland ay laba Doonyood ahaayeen oo mid ka mid ah dhaawac gaadhay, sow sidaa maaha? J:> Adeer waxa weeye; Somaliland waxba ma gaadhine, iyaga (Budhcada) ayaa la sheegayaa in Laashkoodu ka dhaawacmay. S:> Laashka ciidan baa saarnaa miyaa? J:> Haa. Ciidan baa saarnaa. S:> Markaa labada dhinac ciidamadooda wax khasaare ah oo kala gaadhay ma jiraan miyaa? J:> Haa…Xageena wax dhimasho iyo dhaawac oo gaadhay ma jiraan. Laakiin, dhinacooda lagama warqabo. S:> Guddoomiye, waxay wararku sheegayaan in Doonyo door ah oo nooca Kalluumaysiga ahi oo Carbeed joogaan Aagga Maydh, nimankaasina ay Dooni afduubeen. Markaa taasi ma jirtaa iyadu? J:> Taasi maalin hore ayay ahayd oo Gacankaa Yementa ayay ka qabteen, inkastoo ay xagan u soo jeeday. Markaa Doonyihii Badda ku jiray imika dhammaan Maydh baa lagu soo xereeyay, iyada oo Nabadgelyo loo soo xereeyay. Ta labaadna, inay kuwaasi intay dhaceen inay wixii taakulayn ah iyo Shidaal ah ka qaataan. Markaa ciidamada Badda ee Somaliland Doonyihii Yemeneed oo dhan Marsada ayay ku soo xidheen. S:>Doonyahan Yemeneed ee halkaa jooga, kana Kalluumaystaa ma qaar heshiisyo xukuumadda Somaliland kula jiraa? J:> Kuwaasi waxa weeye sida kuwa ka Kalluumaysta dhinaca Seylac oo kale, Cashuur baana laga qaadaa. S:> Guddoomiye, wararka qaarkood waxay sheegayaan in kooxaha Budhcad-badeeddu doonayaan inay u soo wareegaan dhinaca aaggagan oo ay Bad-jiif ka noqdaan. Markaa idinku taas ma dareensan tihiin? J: > Iyaga waxa u daran uun meesha ay wax ka helayaan. Laakiin, maadaama meeshaasi (aagaga ay hadda Budhcadu hawlgalkooda ka fuliyaan) noqotay meel ay Maraakiibta dagaalku aad u marayso, ay xagan oo ay u arkeen inay firaaqo tahay inay kaga faa’iidaysan karaan. S:> Qaar ka mid ah Budhcad-badeeda lafteeda ayaa la sheegayaa in Dooni ay saarnaayeen wax ku noqotay agagaarka Maydh, dabadeedna Markab uu halkaa ka qaaday oo uu dhinaca Yemen geeyay. Markaa taas maxaad ka ogtahay? J:> Walaahi maya oo waxba kalama socono, warkaasna maanu maqal. S/: Ciidanka Badda Somaliland ee jooga aagga Maydh awoodda ay leeyihiin intee bay le’egtahay, mase tahay mid wax ka caabiyi karta Budhcad-badeedda? J:> Haddii ay Laashash dheereeya iyo qalab ay hesho, way kafaalo qaadan kari lahaayeen inay difaacaan Xeebaha. Laakiin, hadda kolay sidaas maaha ciidanka xaga Bariga soo jiraa (joogaa) oo awood caynkaas ah oo badan ma leh. S:> Guddoomiye, mar kale aan ku waydiiyeen ujeedada Budhcadu Maydh u yimaadeen maxaad u malaynaysaa, ilayn haddii ay wax qafaalanayaan waxay joogi lahaayeen Biyaha Caalamiga ahe, mase jirtaa inay doonayeen inay u soo gudbaan dhanka Berbera? J:> Waxa weeye; inay aagaas oo dhanba tagaan haddii ay u suurtowdo, dhinaca Berbera-na waa la sheegayaa inay Doonyo kalena ku jiraan oo Budhcad-badeed ahi. Laakiin, Badda ayaa kacsanayd oo shakar bay ka dhigeen oo waxay u soo leexdeen xaga Buuraleyda ah si ay gabood uga dhigtaan, inta ay ka go’ayso kacsanaanta Baddu. S: > Laakiin, Budhcadu imika marka awoodooda dhaqaale loo eego Doonyo dheereeya iyo hub casri ah bay wataan? J: > Haayoo, waa dhaqaalaha oo isgaadhsiin bay wataan, raashin iyo qoryo ayay wataan ay inta ay doonaan ku jiri karaan iyo xataa qoryo tiiro dhaadheer. S:> Markaa wax magaalada Maydh gaadhay oo khasaare ahi ma jiraa? J:> Maya. Ma jiraan wax burbur ahi. S/: Ma jiraa wax xog ah oo hadda ka hor idinka soo gaadhay dhinaca Barriga, sababta oo ah dadka gobolkaa badhkii baa jooga meelaha wax lagu afduubo? J:> Maya. Kolay waa la sheegaa. Laakiin, kuma badna cidse waa laga heli karaa, kolayna waa iska kooxo (Budhcadu) badan, oo cid kastaaba Laash uun bay meel ka doonanaysaa, qorigana waa la iska wada haystaa. S:> Dadweynaha Ceerigaabo ama reer Sanaag ee aad Guddoomiyaha u tahay sidee bay u dareemeen waxaa maanta dhacay? J:> Aad iyo aad bay uga xumaadeen, dadkuna wuu ka soo horjeedaa, waana u diyaar inay difaacaan. S:> Ugu dambayn, maadama arrintani dhacday maxaad ilaa hadda ka qabateen aagga Maydh iyo guud ahaanba? J:> Ilaa hadda hawlgalku wuu socdaa, lagamana hadhi oo ciidanka Somaliland Badda ayay ku jiraan oo ay baadi-goobayaan, wixii ka soo kordhanaya uun baa la eegi doonaa. Wargeyska Ogaal
  11. Gudoomiyaha Diiwaangelinta oo Sheegay in Dadkii Iska Diiwaangeliyay gobolka Hargeysa aanay ka yaray Written by Qaran News Dec 07, 2008 at 02:22 PM Gudoomiyaha Diiwaangelinta oo Sheegay in Dadkii Iska Diiwaangeliyay gobolka Hargeysa aanay ka yaray Nus-Malyuun Qof Hargeysa(Qarannews)-Guddoomiyaha guddida Komishanka u qaabilsan diwaangalinta Cod-bixiyayaasha Ismaaciil Muuse Nuur ayaa maanta sheegay hordhaca tirada guud ee iska diiwaangelisay Gobolka Maroodi-jeex oo ahaa gobolkii Seddexaad ee ay Diiwaangelintu ka Qabsoonto. Gudoomiyaha oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Komishanka ayaa sheegay in gobolka Hargeysa ay iska diiwaangeliyeen 428961 (Afar Boqol, Sideed iyo Labaatan kun, Sagaal Boqol iyo Kow iyo Lixdan) Qof. Gudoomiyahu waxa kale oo uu tilmaamay inay xil qaran iska saari doonaan sidii ay u kordhin lahaayeen xarumaha ay hawlwadeenada Diiwaangelintu ka hawl gali doonaa wakhtiga dheeraadka ah ee 15-maalmood, si cidii aan nasiibka u helin ama fursad u waayay u helaan goobo dheeraad ah. Si taasi u hirgashana ay docadocayn doonaan ilaha kale ay lacag ka heli karaan. Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi: "Waxaan inoo hayaa tirakoobkii maalintii ugu danbaysay ee lixaad, Waxaanu wax waydiinay 175-goobood, goobahaasi oo ayna dagmadda Gabiley ku jirin, celceliska goob walbana dadka ay diwaangalisay waa 186-ruux. Markaa tiradda maalintii lixaad la sameeyay oo ayna Degmadda Gabiley ku jirin, waa 630186-qof, dagmada Gabiley qiyaas guud oo aanu samaynay anaga iyo raggii ka soo shaqeeyay, waxa laga diwaangaliyay iyada oo waliba maalintaa (maalintii lixaad), hoos loo dhigay 15000-kun, markaa tiradda shalay la diwaangaliyay waxay noqonaysaa 780186. (Sideed iyo todobaatan kun, boqol iyo lix iyo sideetan). Haddii aan tirada oo dhan isku gayno lixdii maalmood, qiyaasihii aan idin siiyay, waxay noqonaysaa 428961-ruux, ta kale ma filayno in tiradan wax badan iska badalaan, maxaaa yeelay qiyaasta aanu samaynay waa qiyaas adduunka oo dhan lagu isticmaalo. Markaa qiyaastaasi waa mid aad u qaadan kartid mid ku dhaw xaqiiqadda". Guddoomiyuhu waxa uu u mahad-naqay dhammaan dadkii ka qayb qaatay hawsha diwaangalinta ee Gobolka Hargeysa, gaar ahaan bahda saxaafadda oo uu sheegay inay la hawl galeen, dadkana u gudbinayeen hadba Wararka soo kordha ee komishanka. "Waxaan aad ugu mahad naqayaa bahda Saxaafada, sida fiican ee aad dadka u gaadhsiiseen wararkayagii, oo in guushan laga gaadho hawsha Gobolka Hargeysa, waxa wayn ka taray, wararkii aad naga baahinayseen, Goboladii hore waxa nagaga dhacay waxa ka maqnaa arinkaasi (Saxaafada). Dadka reer Hargeysa iyo siyaasiyiinta, cuqaasha, Asxaabta iyo dawlada aad baanu ugu mahadnaqaynaa taageerada wayn ee ay na siiyeen". Mudane Ismaaciil Muuse, waxa uu intaa ku daray in aaminsan yihiin in muwaadiniinta iska diwaangaliyay Gobolka Maroodi jeex, aanay nus malyan ka yaraanayn, waxanu yidhi "Waxay nala tahay Nus Malyuunkii wax yar baa ka yaraan doona marka aynu tirada dhabta helno, dadka laga diwaangaliyay Gobolka Maroodi-jeex, taasina inay guul inoo tahay ayaanu u malaynaynaa ama ay tahayba, waxa kale oo ay cadaysay in aynu Maroodi jeex ka samaynay arin wayn, in adduunka aynu u cadaynay in daganaanshaha, xasiloonideena iyo dawladimadeenu ay tahay mid boqolkiiba boqol ah." Gebo gabadii Shirkiisa Jaraa'id waxa uu sheegay inay dadka deeq bixiyayaashii bixiyay lacagta diwaangalintu sheegeen in damaanada kaliya ee ay Somaliland ka haystaan tahay, dadka reer Somaliland oo waxay damcaan in ay sameeyaan ay ka soo dhalaalaan iyagoo gacmaha is haysta. "Sidaan mar hore idiin sheegay dadka deeq-bixiyayaashu markii ay lacagtan faraha badan ina siinayeen waxyaabaha ay nagu yidhaahdeen waxa ka mid ahaa, damaanada qudha ee aanu haysanaa waxa weeyaan, reer Somaliland waxa ay goostaan inay sameeyaan ee ay iskugu tagaan way samayn karaan, tii baynuna cadaynay oo waynu u muujinay in aynu shacab iyo dawlad is haysano wixii aynu doono in aynu samaynayna aynu samayn karno". Gunaanadka shirka Jaraa'id ee uu Qabtay gudoomiyaha Guddida Diiwaangelintu, waxay Saxaafaddu weydiiyeen su'aalo kala duwan oo ku qotoma hawlaha diiwaangelinta, Su'aalahaasna waxa ugu Muhiimsanaa, S: Guddoomiye dadka reer Hargeysa, waxa ay iswaydiinayaan, imisa goobood ayay noqon doontaan, goobaha 15-ka maalmood ee dheeraadka ahi dadku ka heli doonaan diwaangalinta ee Gobolka Hargeysa? J: Waxaan ka xumahay ma sheegi karo, laakiin waxaanu ku dadaalaynaa in aanu mar walba tiradda ugu badan aanu gaadhsiino, laakiin wali anaga ayaa qiyaasahayagii iyo waliba meelo dibadda ah o aanu gugujinayno si aanu lacag u helno, si Hargeysa iyo goobaha kalaba ay u heli lahaayeen goobo fara badan, ayaanu ku dadaalaynaa si dhakhso ahna waanu u sheegi doonaa, si dhakhso ahna waanu u bilaabaynaa goobahaasi" Qarannews Desk Hargeysa
  12. gen duke what u think the next step will be do you think nur cade and C.yusuf will have some sor of heshis or will it all escalate into another dilemma. And will melez zanawi try to hold talks between the 2 guys how long can he do that. it seems every prime minister that comes in the t f g has some beeff with c.yusuf
  13. war way is gallaan eeh adigu ha isku diidin
  14. war way is gallaan eeh adigu ha isku diidin
  15. war way is gallaan eeh adigu ha isku diidin
  16. now he says ciidi kharsh leh ha iska bixiyaan diiwaangelinta means in march 40% cant vote because the cant pay for the vote registration.
  17. Gobolkii Lacag haysta ee iska bixinaya (Kharashka Diiwaangelinta) ayuun baanu waqti kordhin u samaynaynaa” Guddoomiyaha Diiwaangelinta “Qorshaha guud wuxuu yahay inay Wasaaradda Daakhiligu la wareegto hawsha Kaadhadhka Aqoonsiga oo ay u bedelaan dadka haysta Kaadhadhka hore” Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur, ayaa sheegay in muddada ay soconayso Diiwaangelintu loo kordhin karo oo kaliya Gobolka ay dadkiisu awoodaan in ay bixiyaan Kharashka ku baxaya maalmaha dheeraadka ah. Waxaanu sheegay in laga bilaabo Diiwaangelintan ay Wasaaradda Arrimaha guduhu tahay Hay’adda kaliya ee awoodda u leh bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga, isla markaana aanay hadda wixii ka dambeeya bixin doonin Dawladaha Hoose ee dalku. Gudoomiyaha Guddida Diiwaangelinta oo shalay Shir-jaraa’id oo uu arrimo kala duwan kaga hadlay ku qabtay Xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka, ayaa sheegay in Diiwaangelintu aanay ahayn wax joogsanaya, isla markaana dib dalka oo dhan looga bilaabi doono marka ay dhammaato Doorashada M/weynenimo ee loo qoondeeyay inay dalka ka dhacdo 29-ka Bisha March. Mar la waydiiyay sida laga yeelayo dadka ay Diiwaangelintu ka gebogebaysmayso iyaga oo aan is-diiwaangelin, ayaa waxa uu yidhi, “Xaqiiqadu sidaa maaha, haddii aad soo martaan meelaha badhtamaha Magaalada ayaa laga yaabaa inay dadku ku badan yihiin. Laakiin, Xaafadaha oo dhan waa khafiif. Midda kale, 15-cisho oo dambe ayaa Kooxaha qaarkood lagu reebayaa oo halkan kumay dhammaan. Kuwaas oo sii diiwaangelinaya dadka. Waxa kale oo jira in waxani (Diiwangelinta) ay yihiin wax iska soconaya oo Doorashadu Madaxweynuhu marka ay dhacdo ayaa dib loo bilayaa oo dadka dib loo diiwaangelinayaa, waana joogto ah ee mid waqti inaga dhacayo maaha. Markaa dadka intii aan 15-kaa Cisho isdiiwaangelin kari waaya, waxay sugayaan ta dambe, oo wax soconaya oo waanigii idin lahaa waxa loo baahan yahay uun hab aynu Qalabka u yeelano.” Ayuu yidhi Ismaaciil Muuse Nuur. Guddoomiyaha waxa kale oo la waydiiyay tallaabada ay ka qaadayaan goobaha qaar ay Gabiley ka mid tahay oo Cilad-farsamo ku yimi, isla markaana Waraaquhu ka go’een. Waxaanu ku jawaabay, “Wax xannibnay oo jiraa ma jiraan. Waraaquhu way buuxaan, mana jiraan Waraaqo yaraan u go’ay. Haddii ay ka go’aan-na waa haddii aan waqti ku habboon la soo sheegin oo ka hor inta aanay ka go’in inay soo sheegaan ayaa la doonayaa. Midda kale, Gabiley 120,000 oo Waraaqood oo saa’id ah oo aanay ku jirin Waraaqihii hore loo siiyay oo loogu talo-galay 70 Goobood, kuwaas oo dhammaa 70,000 oo Warqadood, ayaanu u dirnay, anagaaba yaabban halkay Waraaqani tegayaan. Markaa waxaanu hubnaa in Waraaqo badan laga soo celinayo Gabiley, waayo Caqliga ma gasho in 120,000 iyo 70,000 oo hore lagu wada isticmaalo.” Hase ahaate, waxa la sii waydiiyay sida loo ****olayo waqtiga Dadweynaha ka lumay. “Anagu waxaanu ballan-qaadnay in hawshu socoto 6-Maalmood, ciddii wax ku yimaadaan waa nasiibkood, Gobollada kalena sidaas ayay ahaayeen, kuwa soo socdana sidaas ayay noqonaysaa. Intaa wax ka badan ma jiraan. Laakiin, 15-kaa Cisho ee dambe ayaa Tirada aanu siinayno meelaha wax wayni gaadheen oo Lacag ku xidhan, ayaa loo baahan yahay. Odayaal reer Hargeysa ah ayaa dorraad (Khamiistii) noo yimi. Waxay doonayeen in loo kordhiyo waqtiga, laakiin Koombuyuutarradu 6-Cisho ayay isku xidhayaan. Balse anaga Lacag ayuun baa na xidhaysa ee waanu siin karnaa.” Ayuu ku jawaabay Guddoomiyaha Diiwaangelintu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Lacagta intaanu haysano ayuun baanu ku qiyaasaynaa. Laakiin, Gobolkii Lacag haysta ee odhanaya anagaa iska bixinayna, Lacag kale maahee Inamada shaqaynaya Lacagtay qaataan oo 20-Dollar ayaanu maalintii siinaa, haddii ay Dadku bixinayaan ama Dawladdu bixinayso ama meel laga bixinayo, anaga wax kale oo na xidhayaa ma jiro ee waxa na xidhaya oo kaliya awooddaa Lacageed oo intii aanu farsamo ahaan hayno ayuun baanu u samaynaynaa.” Sidoo kale mar la waydiiyay Guddoomiyaha siday isu-qabanayaan Kaadhadhka Aqoonsiga ee hadda ay bixinayso Wasaaradda Daakhiliga iyo kuwii ay hore u bixin jireen Dawladaha Hoose ee Magaalooyinka dalku, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Qorshaha guud wuxuu yahay in ay Wasaaradda Arrimaha guduhu la wareegto hawsha Kaadhadhka Aqoonsiga oo ay u bedelaan dadka haysta Kaadhadhka hore ee Aqoonsiga, ciddii aan haysanna ay u sameeyaan oo qorshe gooniya u sameeyaan sidii ay arrimahaa u wadi lahaayeen. Anagu Komishan Doorashooyin baanu nahay, Komishan ku shaqo leh Muwaadinimada iyo sida loo samaynayo Kaadhka Aqoonsiga ma nihin. Laakiin, waddaninimo iyo waajib ina wada saaran ayaanu u samaynay..markaa khasab ayay noqonay in loo sameeyo dadka Kaadhka Aqoonsiga. Balse wixii intaa ka dambeeya qorshuhu waa inay iyagu sii wadaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wixii hadda ka dambeeyana kuwan (Kaadhadhka Aqoonsiga ee hadda la bixiyo) ayuun baa la bixinayaa, laba Kaadh oo kala jaad ah lama bixin karo waddanka, laba Hay’adood-na ma wada bixin karaan. Shaqadani waa shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyagaa la wareegaya oo Kaadhkan ayuun bay bixinayaan.” Ogaal
  18. United westeren Somali libaration front
  19. United westeren Somali libaration front
  20. United westeren Somali libaration front
  21. hi dhi dhi waleh waleh nimanki shabaab way tashadeen waleh inay xassan turku xuududa keeniya dhaafiyan weyaan bi idmilahi kariim
  22. maya waxba ma kabbbado eeh wabaan soomanahay maanta Xunjuf waxa ma sameeyoo Ka waran udub way joogiisay hargeysa diiwaaangelinta.
  23. Beesha hargeysa dagta aya laga baqay ciidii bay ka batteen kharashki ba yaraaday.i Dont know they need to contineu the vote registration u know why other wise 40% of rer hargesa cant vote.