Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,812
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Ciidamada SL oo La wareegay Saldhiga Istaraatiijiga Ah ee Meygaagle oo Aagga Horufadhi Ah Warkii 27-Apr-2009 iyo Qormadii: Afnugaal New Desk [Tuur) Qayb ka Tirsan Ciidamada SL taabacsan ee Aagga Buuhoodle ka soo jeeda oo uu hogaaminayo Captain maxamed Sheekh cabdi Dabcasar ( Tuur) oo ah sarkaal u dhashay Horufadhi aqoona u leh dagaalada magaalooyinka & jabhadaynta ay degeen nawaaxiga Buuhoodle ayaa hadda waxa ay la wareegeen saldhig ciidan & bar kaantarool oo ku taallay aagga Meygaagle oo 36 KM oo keliya Buuhoodle kaga beegan dhanka Galbeed kana tirsan Degmada Horufadhi, waxaana hawlgalka ay saldhigaasi kula wareegeen uu ahaa mid aan dagaal ka dhicin ka dib markii ay Qarameeyeen oo liiska ciidankooda kudareen maleeshiyo PL taabacsanayd oo aagaasi fadhiyey, isla markaana ay dejiyeen calankii madoobaa ee halkaasi ka babanayey. La wareegista saldhigani waxa ay timid todobaadkan bilowgiisii ka dib markii ay goor sii horaysay ay Ciidamadaasi fadhiisimo ka samaysteen barta kaantaroolka ee Buuhoodle ee dhanka burco isla markaana waxa uu Captain-ku sheegay inay ku talo jiraan inay saldhig kale ka samaystaan Degmada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Horufadhi oo hadaba ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Guutada 84-aad ee Ciidamada SL oo ah Guuto Awood badan oo saldhigeedu yahay Buuhoodle oo uu hadda abaanduule u yahay Captain Cabdifataax Kiisdiid Jaamac Beydan. Ma jirto ilaa hadda cid ama dhinac kale oo ka hadlay qabsashada ciidamada SL ee aagaasi & isku fidinta ay ku balaadhsanayaan deegaanada Buuhoodle, halka sidoo kalena ay maalmahii la soo dhaafay PL ku wareejisay Sl labo tuulo oo ka tirsan Gobolka Sool oo ku yaalla laamiga. Xigasho Allhawd
  2. jawaab Dawladda Somaliland oo Jawaab Adag ka Bixisay Hadal ka soo yeedhay Maamulka Sh. Shariif Written by Qarannews Apr 27, 2009 at 11:46 AM Hargeysa(Qarannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in ay jiraan dadaal loogu jiro wada hadallo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Sheekh Shariif hogaamiyo, kaas oo ay Xukuumaddu si adag u beenisay isla markaana ka digtay cawaaqibka ka dhasha isku day kasta oo la rabo in la isa soo hor fadhiiso laba wadan. Xukuumada oo daba socotay dhawaaq ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Muqdisho Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay wada hadal la gasho Maamulka Koonfureed, sugaysana inta uu maamulkaasi cagahiisa isku taagayo. Wasiirka khaarijiga Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo maanta shir jaraaid ku qabtay Hargeysa ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin cid Somaliland wakiil ka ah oo wada hadalo la wada Somaliya. "Waxa maalmahan danbe soo if baxaya hadalo ka soo yeedhay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Muqdisho oo ku andacoonaya inay Somaliland diyaar u tahay wada hadalo ay la galaan, kuwaas oo aanu u aragno been cad. qof masuul ahna in uu waxaan jirin ku hadlo waa laga wanaagsan yahay. arrintaa aad iyo aad baanu uga xunnahay aadna waanu u cambaaraynaynaa Warkii u danbeeyayna waxa uu ka soo baxay Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo arrimaha dibada u qaabilsan Maamulka Shariifka.". ayuu yidhi WAsiir Ducaalle Isagoo Hadalkiisa sii watana waxa uu intaa kudaray "Riyo beena iyo nin arrintiisu hadal noqotay waxaanu leenahay Somaliland Arrimaheeda way dhamaysatay cid ay jiritaankeeda ka baryaysaana ma jirto, Qaddiyadda Somaliland Muqdishana uma Haysana, Maxamed Cabdillaahi Oomaar-na (wasiirka Khaarijiga Maamulka Shariifka), Qaar ka horeeyayna oo sheeganayay inay dhiig iyo dhul Somaliland la wadaagaanba way ku lug go'een. Markaa waxaan leeyahay Walaal dariiq khaldan ayaad haysaa, haddaad wax halkaa ka samaysanayso ka samayso laakiin annaga ha nagu soo gabban. meel aanu ku codsanay iyo cid aanu u soo diranayna ma jirto in aynu wada hadalno, waxaananu idiinka digaynaa in arrimahaas oo kale aad iska ilaalisaan.". Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maamed Ducaalle mar uu ka hadlay shakhsiyadda Wakiilka arrimaha dibadda u qaabilsan Somalila, Maxamed Cabdillaahi oomaar waxa uu sheegay in uu yahay qof aan wax badan kala socon arrimaha siyaasadda Somaliland, oo ku hambabaray uun shirkii Jabuuti isagoo Hargeysa Jooga,kadibna baxsad ku tagay shirkaasi "Inan dhalinyara oo Hargeysa Joogay baad ahayd, oo waliba sida la ii sheegayo maalmihii uu socday shirkii Jabuuti Baabuur Land cruiser ah Halkan kaga baxsaday, hore waxaa u jirtay inaanu waraaqo kuu dhiiban jirnay adigoo shakhsi ah oo arrimo ganacsi ah, waxaananu u haysanay nin nasteex ah, haddii aad is tidhi arrimahaas uga faaiidayso wada hadalo waxaanu ku leenahay ha ku hungoobin ee ka joog.". ayuu yidhi wasiir Ducaalle. Qarannews Desk Hargeysa, Office Admin@qarannews.com
  3. They want to take over chili and south Africa didn’t you listen to abu mansuur roobow that’s there agenda. Their aim is not Somalia, they even said we let other Islamic people marry our daughters. Ethiopia ka bilabayaan dagaalka. And the world will side with Ethiopia like always. And then more troops will be send to Somalia, and alshabab will fight hadana to fight them , and we start from the beginning hadan.
  4. Sh hotel darajadiisa waxay kordhaysa marku somaliland sxb ka dhigto. haa dii kale sh hotel buu ahanaya , laakin marku somaliland ehel ka dhigto sh sharif buu noqonaya imikana sarraatul mustaaqiinka ayuu ku socda lol
  5. DAWLADDA SH.SHARIIF OO SHURUUD KU XIDHAY AQOONSIGA S/LAND Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku xiran yahay taageerada dawladda Sh. Sariif. Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku xiran yahay taageerada dawladda Sh. Sariif. Waxa beryahaaba si qarsoodi ah u socday wada hadalo dhexmarayay qaar ka mid ah madaxda sare ee Somaliland iyo dawladda Sh. Shariif ee Somaliya oo ay si buuxda u daadihinaysay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka (US State Department). Shirarkan oo lagu kala qabtay meelo kala duwan sida Djibouti, iyo Washington DC ayaa waxa ka kala qayb galay kooxo kala duwan oo ka kala socday labada dhinac. Hadaba wada hadaladaas oo ilaa hadda meel fiican maraya ayaa haddana waxa jira ama ka muuqata woxogaa aamindarro ah oo ku kala dhex jirta labada kooxood. Tusaale ahaan maamulka S/land waxa uu shuruud uga dhigay in uu maamulka Sh. Shariif ku dhawaaqo aqoonsiga S/land kahor inta aan waxkale laga wadahadal, halka maamulka dawladda Sh. Shariif ay sal uga dhigtay in ay Somaliland marka hore gacan weyn ka geysato lugo isu taaga dawladda kumeel gaarka ah, kadibna marka ay dhamaan dalka (koonfurta Somaliya) gacanta ku wada dhigto ay aqoonsandoonto gooni-isu taaga S/land. Ku-xigeenka wasiirka koowaad ee dawladda ku meel-gaadhka ah, isla markaana ah wasiirka maaliyadda, Mudane Shariif Xasan Sh. Aden oo hogaaminayay kooxda matalaysa dawladda kumeelgaadhka ah ayaa sheegay in Somaliland ay ka awood badan tahay inta ay moodayso, isla markaana ay ku haboonaan lahayd in ay ka ciyaarto arrimaha geeska Afrika kaalin hogaamiyenimo. Waxa uu sheegay in uu isagu aaminsan yahay in S/land ay xaq u leedahay in ay danaheeda ka tashato, laakiin aanay ilaa hadda marin siddii ay taas ku heli lahayd. Illaa hadda S/land waxa la moodaa in ay cid marti uga tahay arrimaha mandaqadda, ayuu yidhi wasiirku. Dhinaca Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee USA, Mudane Yusuf Budle oo kamid ahaa kooxda matalaysa Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in ay siddii lixdameeyaddii S/land ku saxeexdo heshiis indho la’aan ah. Waanu isku baahanahay, laakiin iyagaa naga baahi badan. S/land sideeda ayay ahaanaysaa mana baaba’ayso haddii aanaan aqoonsi ka helin dawladda Somaliya, laakiin toodu (dawladda kumeelgaadhka ah ee Sh. Shariif) halkii kuwii kahoreeyay mareen ayay maraysaa haddii aanaan anagu aqoonsan/rabin. Yusuf Isaga oo ka jawaabaya arrinta qayb ka ciyaarka arrimaha mandaqaddana waxa uu yidhi: Awoodayadu waa mid aanu u isticmaalno oo keli ah wixii dalkayaga iyo dadkayaga u dan ah, kumana lumino heshiisyo macnmo daro ah. Haddii ay maanta dawladda Sh. Shariif ku dhawaaqdo aqoonsiga S/land, dalalka kalena ictiraafaan heshiiskaas, waxa naga balan ah in Muqdisho ay ku degdo muddo bil ka yar. Shirarkan is****jooga ah oo si qarsoodi ah u socday beryahaas ayaa lamoodaa in ay marayaan meel ay iskaga soo dhawaadeen intii hore, laakiin ay weli u dhiman tahay in laga gudbo xaaladda cakiran ee is aaminaadda ah. Waxa lagu wadaa in qaar kamid ah masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda kumeel gaadhka ahi booqdaan magaaladda Hargeysa muddo aan fogayn, in kasta oo ay jirto cabsi ah in ay ka faa’iidaystaan mucaaridka Somaliland oo mar kasta ku sheega xidhiidhyada noocan ah in ay xukuumadda S/land gadayso madaxbanaanida S/land. Mr. Budle oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi “S/land mar kasta danteeda u luminmayso Calibaa odhan iyo Caashaa odhan. Waxa aanu rumaysanahay in aanu wax wada qabsan karno dawladdan Sh. Sharif anaga oo isku danaysanayna, waa haddii ay gartaane. Aqoonsiga S/land waxaanu ku raadinaynaa si kasta oo suurto gal ah, dublomaasiyad, xoog, maal/lacag iyo la shaqayn dalalka danaha ka leh geeska afrikaba. posted by Gabileynews desk Ayan Ismail Somali Media St. Paul, MN USA
  6. Hawlgalkii Somaliland ee Higlada,cararkii C/samad cali Shire iyo dhaqdhaqaaqa military ee Somaliland Warkii 25-Apr-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Iyadoo maalinimadii shalay ay ciidamada Somaliland ay hawlgal ka fuliyeen jiidda barri ee gobolka Sool gaar ahaana wadada laamiga ah Tuulooyin ku yaal kuwaas oo aysan horay gacanta ugu hayn maamulka Somaliland ayna ku sugnaayeen ciidamo Puntland ah iyo waliba maleeshioyo Beeleed taageersan. Hawlgalkaasi ayaa ciidamada Somaliland waxa ay kusoo qabqabteen maxaabiis wallow markii danbe lasii daayay iyo waliba baabuur Tikniko ah kuwaas oo ay kusoo furteen ciidamadii ay halkaasi foodda ay isku dareen ayaa waxaa halkaasi ay la wareegay ciidamada maamulka Somaliland wallow markii danbe ay halkaasi isaga soo baxeen. Arintan ayaan ilaa iyo hadda la ogayn ujeeda aka danbaysa hawlgalkan ay ciidamada Somaliland ka fuliyeen agaasi inkastoo uu halkaasi qado sharaf uu u sameeyay Garaad C/salaan Maxamed Madaxawayne kuxigeenka Puntland ay halkaasi ka jirtay isaga iyo qaar ka tirsan Golihiisa wasiirada. Madaxawyne kuxigeenka ayaan ka qayb gelin qado sharaftii halkaasi loogu sameeyay kadib markii ay halkaasi gaadheen ciidamada Somaliland oo wata Tikniko kor u dhaafaysa 20 iyadoo wararka iyo waliba dadka gopob joogayaasha ahi ay sheegayaan inuu madaxwayne kuxigeenka Puntland uu wax yar kaga baxsaday ciidamamda isagoo u baqoolay dhanka Garowe. Hadaba hawlgalkaasi kadib ayaa waxa ay ciidamadas Somaliland ay ka wadaan dhanka Barriga ee wadada laamiga iyo waliba hareereheeda hawgalo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo lagu soo afjarayo waxa loogu yeedhay hadhaagii ka hadhay maamulkii Puntland ee aagaasi ku sugnaa. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com
  7. ^^^^War dee riyaale is our leader the president of jamhuuriyada Somaliland. wuxu rabbo ha mashquuliyo xuduudiihi ba soo xidh yoocade ba gaadh. bugland vice president na garowe oo baxsaday wa guul
  8. Originally posted by General Duke: What nonsense no one recognizes your moves and this futile attempt at noise making has resulted in everyone either ignoring you or in our case having a laugh. There is no border between these regions of Somalia and you are unrecognized and will never gain anything by this. Adeer you have allot of problems to deal with, and “capturing” imaginary tertian and closing a non existent border is not going to solve the corruption, lack of recognition, poverty and the division in Hargaysa. Kii duke way ka taala walahi, mar hadabu yidhi xuduud ba ma jiro anagu tan oo socono wa yoocade, Systemka anu wadano na wa system Somaliland fikirkanu waddano na wa miid Somaliland ah . sharciganu waddano na wa kii Somaliland.Ciidankan u waddano wa miid Somaliland .awoowdannu isticmaalayno wa miid Somaliland realityga on the ground is Somaliland. And there is nothing mamuulka pugland can do. Ooh yeah they can run lol.
  9. Dagaal Maanta Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyada Puntland. Written by Qarannews Apr 24, 2009 at 02:39 PM Laascanod(Qarannews) -Ciidanka Qaranka ee jiida hore Laas-caanood ayaa gacanta kaga dhigay Maleeshiyada Puntland Hal gaadhi oo Tikniko ah oo uu saaran yahay qoriga loo yaqaan Dhashiike iyo b/buur Mark2,ka dib markii duhurnimadii maanta dagaal ku dhexmaray labada dhinac Meesha looyaqaan Cadaadda oo u dhaxaysa Tukaraq iyo Gambara,waxaana sidaa u xaqiijiyay Wariye Kayse A.Digaale Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo ku sugan jiida hore. Goobtan dagaalku ka dhacay ayaa sida Warku sheegayaan Maleeshiyada Puntland ka samaysatay Bar kaanyarool,islamrkaa na ciidamo u deganaayeen,Haseeyee shee Ciidanka Qaranka Somaliland hawgalkan uu maanta ka fuliyay halkaasi ayaa baabiyay kaantaroolkii laga sameeyay,kuna soo qabtay laba baabuur iyo sadex askari oo maxaabiis ah. Dagaalkan oo socday mudo gaaban ayaa maleeshiyadii Puntland lagaga xoogroonaaday ka dibna kala yaacay. Hada way degan tahay xaalada goobtii maanta dagaalku ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada Puntland. Sida wararku xaqiijinayaan bartan kaantarool ee laga samaeeyay tuulada caadada ee dagaalku ka dhacay maanta ayaa lagu tilamaamay inay ahayd meel uu ciidamo ku urursanayay M/weyne ku-xigeenka Puntland,kuwaasoo la sheegay inay qayb ka ahaayeen weeraro hujuun ah oo uu ku soo qaado ciidanka qaranka Somaliland. Waa markii u horeysay ee dagaal dhexmaro ciidanka Somaliland iyo Puntland tan iyo intii uu madaxweynaha cusub loo doortay maamul goboleedkaasi. . Togdheernew Last Updated ( Apr 24, 2009 at 03:12 PM )
  10. Xiinfanin no puntland website mention this only the Somaliland website reported this news, waxaba aad mooday tukaraq iyo gambadhe iyo lascanood , puntland kama maqna , mala ciidkala laga haysta lol.
  11. Originally posted by xiinfaniin: Mintid, I checked Puntland sites and this is what some of them are reporting from the region
  12. Ciidanka qaranka Somaliland oo la wareegay Tuulooyinka Cadaada iyo Higlada kuna sugan duleedka Tukaraq ee xuduuda somaliland iyo soomaaliya Waxaa saaka dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugnaa aaga Higlada iyo Cadaada dagaalkaas oo ahaa dagaal si wayn looga dareemay gudaha magaalada Laascaanood iyo hareereheeda iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah looga war hayn khasaaraha uu keenay ayaa waxa ay saraakiisha Somaliland ee ku sugan aagga hore ee dagaalku ka socdo ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaal ayna ciidamada Somaliland la wareegeen labada Tuulo ee Higlada iyo Cadaada ah kuwaas oo u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq. Dagaalkan oo aan war faahfaahsan laga hayn kuna bilaabmay si kadis ah ayaa dadka baabuurleyda ah ee mara wadada udhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ay xaqiijiyeen inuu jiro dagaal wayn oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland ayna ciidamada Somaliland kusoo dhaafeen duleedka Tukaraq. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxa ay saxaafada u xaqiijiyeen inay dhankooda qabsadeen laba baabuur oo Tikniko ah ayna soo qabteen hal gaadhi oo ah nooca Market 2 loo yaqaan kaas oo ay dad shacab ahi lahaayeen laguna haystay Tuulada Higlada iyagoo intaasi ku daray inay hadda si guud aagaasi gacanta ugu hayaan sidoo kalena ay jirto maxaabiis laga qabsaday dhanka Puntland. Dhanka kale ilaa hadda waxaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay jiidda hore ee Tukaraq oo maamulka Puntland ay halkaasi ay ka joogeen ciidamada Puntalnd iyadoo ay sidoo kale aysan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dagaalka ka dhacay aagaasi iyadoo mar aan xidhiidh dhanka Telephone-ka ah oo aanu la samaynay dad ku sugan Higlad ay noo xaqiijiyeen inay dhaafeen ciidamada Somaliland ayna hadda u baqooleen dhanka Tukaraq. Isku soo wada duuboo dagaalkan saaka ka dhacay duleedka Tukaraq oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dadka shacabka ahi si wayn isha ugu ahyaan ee ku nool magaalada Laascaanood marba wixii kasoo kordha iyadoo ay hadda xidhan tahay wadada u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ayna ciidamada fara badan kusii qulqulayaan agaasi. Gabileynews Desk Hargaysa,SL
  13. No they can’t push the election again; riyaale and his administration know that , they have to hold the election, but they want to secure the full border of Somaliland so they can say we did all of that hadan na doorta that’s all.
  14. od Online- Friday, April 24, 2009 Cabdisamad Cali shire Laascaanood:(Lasanod Online)-Ciidamada Maamulka La baxay Somaliland ayaa saaka weeraray tuulada lagu magacaabo Higlada oo dhanka Barri kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ciidamadan oo watay gaadiidka tiknikadaa ayaa deegaankaasi ku waaberiistay saaka iyagoo halkaas uu iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada ku sugnaa duleedada magaaladaas. Weerarkan ciidamada Maamulka la baxay Somaliland ayaa lasoo sheegayaa inuu yimi weerarkan ay ku qaadeen deegaankaas,kadib markii tuulada Higlada ay soo gaadheen Madaxwaynaha ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shirre iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacade) Halkaasoo ay ku lahaayeen Casuumad uu u fidiyay Garaad Cabdisalaan Xasan Max'ed oo ku sugan tuulada Higlada. Iska hor imaad ayaa bilowday kaasoo ciidamadii weerarka soo qaaday ay kala kulmeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland ee ku sugnaa duleedada tuulada Higlada,iyadoo ilo wareedyo ku sugan tuulada Higlada ay sheegayaan in markuu iska hor imaadku bilowday ay ka bexeen Tuulada Madaxwayne Kuxigeenka iyo Wasiirk iyo wefdigii kale ee la socday oo kamid ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland. Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadadan iyadoo warku intaa ku darayo in ay jiraan baabuur tiknikaa oo labada dhinac kala gubeen,sidoo kale baabuur lakala qabsaday ayuu wararku soo sheegayaan,balse labada dhinac ayaan weli sheegin khasaaraha dagaalkan, Lama oga sababaha ay ciidamada maamulka la baxay somaliland ee ku sugan jiidaha laascaanood ay u weerareen wefdigaa madaxwayne ku xigeenka,iyadoo dhacdadaas maanta ay khalkhal gelisay shucuurta magaalada Laascaanood. Ciidamadii maamulka Somaliland ayaa dib uga soo ruqaansaday goobihii ay saaka gaadheen,iyagoon weli ka hadal weerarkii ay saaka qaadeen iyo khasaarihii dhankooda soo gaadhay, Madaxwaynaha kuxigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shirre ayaa saaka soo gaadhay tuulada Higlada isaga iyo wasiiro iyo saraakiil iyagoo deegaankas u yimi macsuumad uu ka helay Garaad Cabdisalaan Xasan Max'ed, Wefdigan iyo Garaadka ayaa lagu waday inay kulankan kaga wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan mandaqada iyo xaalada jidka isku xidhan Garoowe iyo Laascaanood oo dhawaanihii ugu danbeeyay ay bateen jidgooyooyinka la dhigo,balse ay yaryihiin falalka amaandaro ee ka dhaca, Madaxwayne kuxigeenka iyo wefdigiisa ayaa dib ugu laabtay Garoowe markuu bilowday iska hor imaadka weerarkii ay soo qaadeen ciidamada maamulka la baxay somaliland Wariye: Farah D. Jama admin@lasanod.com Lasanod Online. Hargeysa, Somalia
  15. Ciidamada Somaliland oo Gaadhay Tuulada Higlada ka dib dagaal kooban oo saaka dhexmaray ciidAmada Somaliland iyo Malayshiyada Puntland. -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- () hadhwanaag 2009-04-24 (Hadhwanaagnews) Laascaanood-(HWN)-Sa aka subaxnimadii ayaaa waxaa ka bilamay duleeka tuulooyinka lagu magacaabo HIGLADA IYO CADAADA oo dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinka laascaanod iyo tukaraq ee gobolka sool iska hor'imaad kooban oo dhexmaray ciidamada somaliland iyo Malayshiyada Maamul-goboleedka puntland ee ku sugnaa aaga degmada tukaraq. dagaalkan ayaa waxaan ilaa hada la hayn wax xog dheeraad ah oo ku saabsan hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyadoo aysan wali wax faahfaahin dheeraad ah aysan bixiyeen saraakiisha ciidamada oo ku aadan iska hor'imaadkaasi balse dad ku dhow aaga dagaalka ayaa sheegay inuu dagaal koobani uu ku dhexmaray halkaasi ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka puntland. dhinaca kale wararka hada laga helayo dad ku sugan tuulooyinka higlada iyo cadaada ayaa sheegaya inuu jiro gaadiid lagu kala qabsaday dagaalkaasi iyadoo ay wararku sheegayaan in gaadhi nooca tiknikada ah oo ay qabsadeen ciidmada somaliland. sidoo kale wararka ay Hadhwanaagnews haleyso ayaa waxaa kamid ah in hada ay gacanta ku hayaan tuulooyinkaasi ciidanka somaliland islamarkaana ay ciidanka somaliland soo furteen gaadhi nooca loo yaqaano maarket 2 oo ay dad shacabi in muddo ah afduub ugu haysteen tuuladaasi higlada. gudaha magalada laascaanood ayaa si wayn looga hadal haya dagaalkan kediska ah ee ka dhacay maanta tuulooyinkaasi higlada iyo cadaada.iyadoo uusan dagaalkani ahayn kii ugu horeeyey ee noocisa ah ee dhexmara ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka puntland wixii warar ah ee ka soo kordha iskahor'imaadkaasi kala soco shabakada hadhwanaagnews media oo idiin soo tebin doonta. hadhwanaagnews.com office laascaanood/sool
  16. Puntland Iyo Somaliland Oo Dagaal Ku Dhexmaray Duleedka Laascaanod {Laascaanood}24-04-0 9Dagaalo goos goos ah oo lagu kala qabsaday baabuur tikniko iyo kuwo shicib isugu jira ayaa maanta dhexmaray ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo maleeshiyooyin taageero kahaystay Dowlad goboleedka Puntland dagaalka ayaa kadhacay duleedka magaalada Laascaanood......... ................ "Ciidamada Somaliland waxaa mar qudha soo weeraray ciidamo beeleed wata gaadiid dagaal iyo hub waxaanuna gacanta ku dhignay qaar kamid ah kooxihii dagaalka sooqaaday iyo hub iyo waliba gaadiid dagaal" Sidaa waxaa usheegay Saraakiisha maamulka labaxay somaliland oo ay Radio widhwidh kula kulantay goobta looyaqaan Higlada oo wax yar uun ujirta magaalada laascaanood oo ay ahayd halkii uu kadhacay dagaalka dhexmaray somaliland iyo maleeshiyooyin taageero kahaystay Dowlad goboleedka Puntland. Maamulka somaliland wali wax sharaxaad ah oo buuxda kama aaney bixin gaadiidka laqabtay tiradooda iyo waliba maleeshiyada gacanta lagu dhigay inta ay yihiin . Dhanka maamul goboleedka Puntland ayaan wax wara kasoo saarin hadalkan ay sheegtay Somaliland iyadoo waxaase ay hayd dhac dadani mid siweyn looga hadal hayay taniyo maanta gudaha magaalada laascaanood. waa iska hor imaadkii ugu horeeyay ee labada maamul dhexmara taniyo wixii ka danbeeyay sanadkii hore ee 2008 waxaase laga cabsi qabaa inay arintani hor seedo dagaal kale oo cusub oo ay labada maamul wada galaan taas oo saamayn weyn kuyeelan karta shacabka magaalada haddii aan arintan xalkeeda lahelin. Widhwidh Online News Desk..Media Center
  17. LAASCANOOD (Lasanod Online)- Waxaa Saaka subaxnimadii ka bilaamay duleedka tuulooyinka lagu magacaabo HIGLADA IYO CADAADA oo u dhexeeya magaalooyinka Laascaanod iyo Tukaraq.. ee gobolka sool iska hor'imaad dhexmaray ciidamada Maamulka labaxay Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee ku sugnaa aaga Tukaraq. Dagaalkan ayaa ilaa hada la hayn wax xog dheeraad ah oo ku saabsan khasaare ka dhashay, iyadoo ayan weli wax faahfaahin dheeraad ah ayan ka bixin labada maamul oo ku aadan iska hor imaadkaas, balse dad ku dhow aaga dagaalka ayaa sheegay inuu dagaal koobani uu ku dhexmaray halkaasi ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kuwa Puntland. dhinaca kale wararka hada laga helayo dad ku sugan tuulooyinka higlada iyo cadaada ayaa sheegaya inuu jiro gaadiid la kala qabsaday, iyadoo ay wararku sheegayaan in gaadhi nooca tiknikada ah la kala qabsday.. Gudaha magalada laascaanood ayaa si wayn looga hadal haya dagaalkan kediska ah ee ka dhacay maanta tuulooyinka higlada iyo cadaada.iyadoo uusan iska horimaadkani ahayn kii ugu horeeyey ee noocisa ah ee dhexmara ciidamada maamulka labaxay somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Wariye: Farah D. Jama admin@lasanod.com Lasanod Online. Hargeysa, Somalia
  18. Ciidamada Somaliland oo la wareegay Tuulooyinka Cadaada iyo Higlada kuna sugan duleedka Tukaraq. Warkii 24-Apr-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Waxaa saaka dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugnaa aaga Higlada iyo Cadaada dagaalkaas oo ahaa dagaal si wayn looga dareemay gudaha magaalada Laascaanood iyo hareereheeda iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah looga war hayn khasaaraha uu keenay ayaa waxa ay saraakiisha Somaliland ee ku sugan aagga hore ee dagaalku ka socdo ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaal ayna ciidamada Somaliland la wareegeen labada Tuulo ee Higlada iyo Cadaada ah kuwaas oo u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq. Dagaalkan oo aan war faahfaahsan laga hayn kuna bilaabmay si kadis ah ayaa dadka baabuurleyda ah ee mara wadada udhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ay xaqiijiyeen inuu jiro dagaal wayn oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland ayna ciidamada Somaliland kusoo dhaafeen duleedka Tukaraq. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen inay dhankooda qabsadeen laba baabuur oo Tikniko ah ayna soo qabteen hal gaadhi oo ah nooca Market 2 loo yaqaan kaas oo ay dad shacab ahi lahaayeen laguna haystay Tuulada Higlada iyagoo intaasi ku daray inay hadda si guud aagaasi gacanta ugu hayaan sidoo kalena ay jirto maxaabiis laga qabsaday dhanka Puntland. Dhanka kale ilaa hadda waxaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay jiidda hore ee Tukaraq oo maamulka Puntland ay halkaasi ay ka joogeen ciidamada Puntalnd iyadoo ay sidoo kale aysan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dagaalka ka dhacay aagaasi iyadoo mar aan xidhiidh dhanka Telephone-ka ah oo aanu la samaynay dad ku sugan Higlad ay noo xaqiijiyeen inay dhaafeen ciidamada Somaliland ayna hadda u baqooleen dhanka Tukaraq. Isku soo wada duuboo dagaalkan saaka ka dhacay duleedka Tukaraq oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dadka shacabka ahi si wayn isha ugu ahyaan ee ku nool magaalada Laascaanood marba wixii kasoo kordha iyadoo ay hadda xidhan tahay wadada u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ayna ciidamada fara badan kusii qulqulayaan agaasi. Afnugaal News Desk info@afnugaal.com
  19. Originally posted by Duufaan: Who will reconcile Hargaysa? This is the question of day? Is it more than Qat talk or Qat demonstration? I mean Hargaysa standard of Fadhi kudirir. If you read Somaliland media, you will see huge increase of accusation and counter accusation and yet business as usual. Could this be constitution crises as some secessionist, put it or the fruit of Hargaysa style democratization What is really going on? anaga yaa no gar naqii jiray for the passed 800 years yes our selfs odayaashayada guurtiida . wala kiiniya ayaanu qabana wala Djibouti baanu tagna ,.wala beesha calaamka ayanu yidhahana kalay na hehsisiyaa. waxa dhaqan uma lihin wa dhaqanka konfuurianska lol
  20. siiday hiyo dhaqanka somaliland ugu so dartay Just beautifull. alima he anahaho.
  21. dhaqaaday ba somaliland alayle hadabay Maryan mursal ba heess noo soo diirtay waynaka.
  22. Well naxar these people don’t think like that,they believe fikirki Ethiopia ayaa somalia walii jooga and sh hotel= fikirki Ethiopia that’s why they are still fighting. They don’t see sh hotel as one of them or that he is willing to do something good for Somalia they believe t f g is and was xaraam. And it cant turn in to something xalaal. Ana dadkan boqol jeer warayste aniga iii weydi anigu xaji xundjuf ah
  23. wtf is this guy also a president lol
  24. No you don’t understand the konfuurians need inay kala adkadan once and for all just like how they did in 2006 icu Wa inay ciid adkaato. Mintid these people are already the enemy’s of Somaliland so it cant get any worse lol
  25. This is very good news so who is winning the maxakiim ama kooxda ka so hor jeeda. Konfuurians mar uun hakala adkaadan, war war fiican warkani.