Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,814
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Seeftii Daacaadnimada Oo La Tagtay Enj. Maxamed Xaashi Cilmi SDWO — London,UK — 04 May, 2004 -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- Seeftii Daacaadnimada oo la tagtay Enj. Maxamed Xaashi Cilmi SDWO (Hargeysa 04/05/04) Faallo – Waxa lama filaan iyo u qaadanshawaa ku noqotay shacbiga Somaliland dalka gudahiisa iyo dibadiisaba xil ka qaadida Enj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee xukuumada Riyaale. Waxa magaalada Hargeysa aad arkaysaa meelaha sheekada iyo kaftanka la isku weeydaarasado dadkoo koox koox u taagan oo falanqayn ku samaynaya sababta ka danbaysay talaabadan aan laga fileyn ee uu Madaxweyne Riyaale qaaday. Hadaba sheekooyinkaas markaad u kuurgasho oo aad dhegaysato intooda badan waxaad arkaysaa iyagoo meel kuwada arooraya isla markaasna aad arkaysid sida dadku uga xunyahiin talaabadan cusub. Dadka intooda badani waxa ay u arkaan Maxamed Xaashi inay la tagtay seeftii daacadnimada iyo wadaninimadu, sababtoo ah Maxamed Xaashi waxa uu ahaa wasiirka labaad ee golaha wasiirada xukuumada Riyaale ugu waxqabadka badan wasiirka labaad ee soo raacaana ay tahay Marwo Adna Adan Wasiirka Arimaha dibada, labadan wasiir oo had iyo jeer dadku u nisbaynjireen, daacadnimo, hawlkarnimo, dadaal, wadaninimo taasi oo ay ku mutaysteen la dagaalanka musuqmaasaq iyo cadaalad dara dalka ku habsatay. Waxa dadka intooda badani isweydiinayaan isku shaandhayntii laga sugaayey Riyaaale ma waxa ay noqotay wasiirkii dadkuba eeganayey ee ay aaminsanaayeen ee laga filayay inuu keeno wasiiro kale oo ku sifooba sida Maxamed iyo Adna oo kale hase yeeshee xukuumadu waxa ay cadaysatay inaanay rabin cid waxqabata ama ka hadasha musuqmaasaqa dalka hadheeyay, arintan oo manta ahayd sheekooyinka hadheeyay magaalada Hargeysa oo lala yaabay sidii xilka looga qaaday wasiirka oo siduu qoraalku u dhiganaa la yidhi wuxuu ka afkaar duwanaaday golahii wasiirad oo dhan. Hadaba waxa isweeydiin leh tolow waa maxay waxaas uu kaga afkaar duwanaaday ee xukuumadu u adkaysanweeyday ee xilka looga qaaday wasiirka. Arimahaasi uu kaga afkaarduwanaaday sida ay dadkuba ka wada warhayaan hada waxay noqotay inuu yidhi waar dalka iyo dadkaba sidan ha loo dhaamo oo intayar ee cashuura ee ina soo gasha aan basrisano, sida cashuuraha ka soobaxa dekada, Haamaha shidaalka iyo madaarka oo si toos ah u hoos yimaaada madaxtooyada taasi oo uu ku taliyay in miisaaniyada sanadkan ee 22 ka milyan lagu sheegay lagu soo daro. Arintana waxay aad uga cadhaysiisay Madaxweyne Riyaale oo kaga jawaabay inuu xilka ka qaado wasiirka. Waxa la filayay in loo mahadnaqo labada wasiir ee ugu cadcadaa golaha wasiirada xukuumada Riyaale waxase layaab noqotay markii arinkii u ekaaday cid waxqabata lama rabo, arintiina lagu soo gebogebeeyay ninka ugu il dheerbaa dadka ugu ayaan daran. Wasiirkan xilka laga qaadayna waxa uu noqday wasiirkii ugu horeeyay ee dadku ka xumaadaan xil ka qaadistiisa sababtoo ah waxay ogaayeen inuu ahaa wasiir shacabka u maqan. Waxaanay dadku isku qancinayaan Maxamed Xaashi uma baahna Somaliland ee Somaliland baa u baahnayd. Tani oo maanta hadii doorasho dhici lahayd ay xukuumada riyaale 10% aanay ka hesheen codka shacabka, bal la arkidoonaa xukuumada riyaale xagay u jihaysato maadaama aan maanta laga filayn inuu soo dhiso dowlad tayo leh. Intaas waxaan ku soo koobnay faaladii aan idiinka soo diyaarinay sida dadka caadiga ah ay u arkaan isbedelka ay xukuumadu ku samaysay ee ay xilkii kaga qaaday wasiirkaii ugu daacadsanaa Somaliland. Wuxuu Wasiirku hore u yidhi oo looga qoray ilaahoow sidayda ka dhig ama sidooda iga dhig, sidaas darteed sidiisii way noqon waayeen isna wuu diiday inuu sidooda noqdo. Laga bilaabo 5th May SDWO wuxuu idiin soo diyaarindoonaa dood qof waliba uu sitoos ah (online) uga dhiiban doono sidaad u arkayso xil ka qaadida wasiirkii Ganacsiga. (Look out the front page). www.sdwo.com
  2. Maxamed Xaashi oo si xoog leh u dhaliilay muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha Somaliland & Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cilmi April 03, 2009 _______________ Hargeysa, April 03, 2009 (WDN) - Guddoomiye xigeenka urur siyaasadeedka Qaran Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa bayaan qoraal ah oo uu aad ugu dhaliilayo muddo kordhinta 6 bilood ah ee ay Golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa soo saaray dhawaan. Waxa kale oo uu Md. Maxamed Xaashi dhaliil iyana usoo jeediyay Golaha Wakiilada oo uu ku tilmaamay in ay ka gaabiyeen xilkoodii kol hadday miisaaniyad ay og yihiin in ay khaldan tahay, xisaab xidhna looga keenin ansixinayaan sannad walba. Bayaankaas oo dhamaytirsani waxa uu u qornaa sidan: Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu uhiimsan arrimahan soo socda :- Qodobka 38: 4-j Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabbagalka cadaaladda oo sal u ah xasiloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu-kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland”. Bal u fiirso hab-dhaqanka labada gole ee Baarlamaanka Golaha Guurtidu wuxu go’aamiyay, 28 March 2009 inuu muddada xilka u kordhiyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweyne lix bilood oo ku egg ilaa 29 Oct. 2009. Suaashu waxa ay tahay, muddo kordhintani Dastuurka ma waafaqsan tahay? Jawaabtu waa maya. Dastuurka Qodobka 83: 5 wuxu u qoran yahay, sidan: “ Haddii ay suurtoobiweydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto” Mudanayaasha u codeeyay, muddo kordhinta xilka ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha waxa ay ku gafeen, Dastuurkii Qaranka iyo shacbiga reer Somaliland, iyaga oo danahooda gaarka ah ka doorbidaya, Xilkii loo igmaday iyo Xaaladaha adage ee dalku marayo. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa xilka loo doortay shan sannadood May 2002, ilaa May 2008kii. Waa mar labaadkii Guurtidu u kordhisay muddada xilka, oo aan Dastuurka waafaqsanayn. Maanta waxa ay ku joogaan ma aha sharci iyo doorasho ee waa ku meel-gaadh (Interim Government), illaa 6 da April 2009. Muddo kordhintani, waa mid dadweynaha xorta ihi ka soo horjeedo. Waa mid aan la qaadan karin oo aan la yeeleyn. Waa mid dalka u horseedaysa xasillooni darro. Waa mid ka soo horjeedda rabitaanka dadweynaha danaynaya jiritaanka iyo Qaranimada JSL. Waa mid caqabad ku ah geedi socodkii doorashaooyinka. Waxa iyana isweydiin leh, Maxaa u sal ah xidhiidhka iyo kal-gaceylka odayaasha Guurtida ee goor walba u dhaga-nugul amar qaloocan oo Madaxweyne? Labadan arrimood baa sabab u ah; 1. Aqoon darro ay xilka culus ee loo xambaariyay, aanay ku gudan karayn. Mudanayaasha intooda badani, ma gaadh-siisna waxbarasho dugsi dhexe. 2. Dhaqaale ama dhaameel salka ku haya awooddaa lacageed ee laxaadka leh ee ku soo ururta Madaxweyne. Awooddaa dhaqaale, ayaa hooyada xumaha dalka ah. Maalinta loo kordhiyaa maamulkan waa dar-xumo, u soo koradhay JSL shaqaalihii iyo ciidamada kala duwan ee Qaranka ee mushaharka la siiyaa hadda, uu ka hooseeyo 500 % kii la siin jiray 1994kii. Shaxda 1: Isu-eegid Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada Darajada A Mushaharka Hadda $ 68.00 Mushaharka 1994 $ 340.00 Darajada B Mushaharka Hadda $ 56.00 Mushaharka 1994 $ 280.00 Darajada C Mushaharka Hadda $ 42.00 Mushaharka 1994 $ 215.00 Darajada D Mushaharka Hadda $ 24.00 Mushaharka 1994 $ 120.00 Waxa intaa dheer shaqala la’aan, maceeshad qaali ah iyo iskuul-fii ku culus waalidka ardayda. Waa arrimaha da’yarta ku kalifay TAHRIIBKA. Golaha Wakiilada, ayaa isna qayb ka ah dhaliisha iyo dhibaatada dalka. Wuxu ansixiyaa sannad walba, miisaaniyad ay ka dheregsan yihiin in adduun badani ka maqan yahay oo aan xisaab-xidhna lahayn. Waa arrin ah ku xad-gudub Dastuurka Qaranka, waana xil-gudasho darro.Waa ta abuurtay in awoodda dhaqaale iyo maamul ku soo ururto Madaxweyne; “Qodobka 55: 6.Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maaliyadeedka , iyada oo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go’aana ka soo saarayaan Qodobka 7. U soo bandhigidda (G/wakiilada) xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-dhawrka Guud”. Dhaqaalaha dalku wuu taag-daran yahay. waxana u sabab ah musuq-maasuq; Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu si weyn bay ugu tagrifalaan dhaqaalaha dalka. Dakhliga waxa loo qaybiyaa saddex meelood: 1-Qaybta libaaxa ( Madaxweyne), oo ah ta ugu badan. Taas oo aan gelin Miisaaniyadda Qaranka, Qaybta Wasiirka. Qiyaas ahaan waa 45.5 % dakhligii soo xerooda, laakiin aan gelin Miisaaniyadda Qaranka. Dul-xaadis baa la odhan karaa. Waxa soo hadhay waa inta Miisaaniyadda Qaranka lagu qoro, oo wax horumar ihi aan ku jirin, oo ay u weheliso feenashada wasiiradu. Toddobadii sannadood ee Xukuumaddan, maalka ka lumay ummaddan saboolka ah, waxa uu noqon lahaa, in ka badan, shaxda qaybteeda sare oo ah $ 365,591,849. Waxa ummadda isu raacay, saboolnimo aan dalkeedu gabin iyo magac-xumo dawarsi. Sida Doorashada caalamku ha naga gar-gaaro, UNDP Madaxtooyada ha noo dayactirto iwm. Shaxda 2: Dakhliyada aan Miisaaniyadda 2008 gelin: Dakhliga la leexsado ee ah 45.5 %. (Eeg SL in Figures) $ 20,593,159 Dakhliga Haamaha Berbera $ 1,742,024 Dakhliga Dekedaha $. 8,000,000 Lacagta adage ee xoolaha dhoofa $ 3,883,356 Inta faro dhexdood ka baxda (15 %) $ 6,788,954 Hadhaaga miisaaniyaddii sannadkii hore (Feenashada wasiirada) $ 2,657,143 Dakhliga Maddaarada iyo $ 2.00 ee Waran Cadde $ 1,687,723 Labada qiime ee $ ( marka laga jaray lacagta adag ee raashinka ciidamada ) $ 6,875,048 Isugeyn $ 52,,227,407 Kaluumaysiga: Waa dakhli ka badan miisaaniyadda Qaranka Joint Venture Co. Royalty-Fish 15 % Qiimaha? Foreign Co. Royalty-Fish 20 % Qiimaha ? National Co Royalty-Crustacean 15 % Qiimaha ? Joint Venture Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ? Foreign Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ? National Co. Royalty-Fish 10 % Qiimaha ? Dhagaxa (Coral reef) ee laga iibiyo Masar iyo UA E ? Iibka hantida maguurtada ah ? Deeqda Dawladaha ? Xil-gudashada G/Wakiilada ee Miisaaniyadda Qaranku, kuma eka dood iyo falanqeyn oo qudha. Waxa Dastuurku ku waajibiyay, inay maxkamadda u gudbiyaan ciddii ay hanti ummadeed ku maqan tahay ba. Waxa soo afjarmi lahaa amar ku taagleynta iyo dhaameelka aan qarsoodiga lahayn. Guurtida khariban, af-miishaarka iyo suldaanka xun, baa laga nasan lahaaa, da’yartu shaqay heli lahayd dalkuna horumar buu gaadhi lahaa. Ebbow iimaanka nagu so dabbaal. ALLAA MAHAD LEH Maxamed Xaashi Cilmi Aamiin -------------------- ---------- F.G: Soo ururinta Xogtani waxa ay igu qaadatay dhawr bilood. Waxa ka reeban HAFFAR iyo wax aan la HUBIN. Ilaha Xogtu (Source) waa Miisaaniyadaha Qaranka ilaa 2008 iyo buugga Somaliland In Figures ee Wasaaradda Qorshayntu soo saarto ee UN maal geliso, M. Xaashi.
  3. He was the minister he pointed out all the errors in the budget of Somaliland and riyaale fired him it was very clear every one knew that,, shalay bay ahayd. There is enough proof cawil and his corruption, laakin waad iska indha tiiraysa.
  4. Yes they should welcome him to hargeisa. If the other 2 garaads garaad selebaan garaadka nugaleed and garaadka guud garaad jamac refused to be part of Somaliland.This new garaad should. Be the face of the people of lascanood. I see him as the next garaad cabdiqani aun. Iyo garaad cali of the 60s.
  5. Well I haven’t been to Nairobi but it’s not a secret the corruption of the Minister of finance, Cawil. Ask your self why was the former minister of finance Maxammad xashi cilmi why was he fired because he was honest and pointed out all the corruption of the riyaale administration. That’s why riyaale replaced him with cawil.
  6. Madaxweyne Rayaale Oo Safar Qarsoodi Ah Maanta Ugu Kicitimay Dalka Kuweyti, Saxaafaddana ka Dhukusay Markii Uu Baxayay -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- (Madaxweyne Rayaale ) hadhwanaag 2009-06-14 (Hadhwanaagnews) Berbera(HWN):–Madaxw eynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta kulan qarsoodi ah oo aan hore loo soo shaacin ugu kicitimay dalka Kuweyti, ka dib markii uu abbaaro 1:000-kii Subaxnimo dhinaca Magaaladda Berbera uga baqoolay Hargeysa, waxaanay Madaxweynaha iyo Weftigiisu Diyaarad kaga duuleen Madaarka Berbera. Madaxweyne Daahir Rayaale oo Saxaafadda ka dhukusay ayaa la sheegay in Xubnaha Weftigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Isla markaana ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu qayb ka yahay, sida la sheegay inuu qalinka ku duugay in ay maal Gashadaan Warshada Sibidhka ee Berbera amiir u dhashay dalka Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka gobolka Saaxil. Heshiiskan maalgashiga wershada sibidhka ee Berbera oo la sheegay in shalay galinkii dambe uu Madaxweyne Rayaale Qalinka ku duugay ayaa waxa uu tibaaxayaa inay maalgashiga warshada uu si isleeg u siiyey amiir reer Kuwaiti iyo ganacsato ka soo jeeda deegaanka Saaxil, kadib markii qorshe ay ganacsato reer Somaliland ahi ay ku doonayeen inay wada jir u maalgashadaan wershadii hore ee sibidhka Berbera uu Rayaale ka diiday, isla markaana uu Amiirkan reer Kuwaiti siiyey 50% (Boqolkiiba Konton), taas oo ganacsatada intii badnayd ay diideen marka laga reebo ganacsato reer Saaxil ah oo iyagu 50%-ka soo hadhay shuraako ku ah. Dhinaca kale Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw madaxtooyadu Madaxweyne Rayaale oo maanta u baqoolay dhinaca dalka Kuwaiti, halkaas oo uu amiirka reer Kuwaiti ee la siiyey maalgashiga Wershada sibidhka uu diyaarad khaas ah u soo diri doono. Amiirkan oo uu dhalay Boqorka Dalka Kuwaiti, kaas oo magaciisa la yidhaa Amiir Xamdi Al-sabaax ayaa sanadkii 2000 dhul ka iibsaday magaalada Sheikh ee Gobolka Saaxil, halkaas oo ay boqortooyada Kuwaiti ka dhisanayso Qasri iyo beer ay xiliyada fasaxyada ku raaxaystaan. Wiilkan uu dhalay boqorka Kuwaiti ayaa sanadkan horaantiisii booqasho ku yimid Somaliland, xiligaas oo la filayo inay ku dhalatay maalgashiga warshada sibidhka ee Berbera oo hore Rayaale u sheegay inay maalgalinayaan shirkado Germany ah, balse markii ay beenawday maalgashiga . Hadhwanaagnews.com/O ffice Hargeysa/Somaliland.
  7. Yeah it says they are invited by the government of Kuwait we will wait for the pictures. President riyaale and the minister of education xassan ghadhweyne.. The minster of finance always visits Kenya for some reasons he got lots of houses in Nairobi I doubt it has something to do with politics. Laakin ina dhola yara buu manta kaxaystey mala saffarku ku qariinayaa,
  8. imissa aff buu ku hadla yusuf indha cadde horta mar wa alshabaab mar wa sh hotel dawladiisa..
  9. "Aniga Oo Ku Hadlaya Magaca Mudanaayasha labada Gole Barlaam,Ee Beesha Sool Waxaanu Tahniyad u Direynaa Garaadka Cusub”.Xil:Siciid Maxamed Cilmi -------------------- -------------------- -------------------- -------------------- (Xildh. Siciid Maxamed Cilmi) hadhwanaag 2009-06-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xildh ibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka SOOL ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Xildhibaanada reer Sool ee golayaasha Barlamaanka [Guurtida Iyo Wakiillada] Somaliland waxa uu hambalyo u diray Garaadka Cusub ee Beesha Jaamac Siyaad, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Shalay lagu doortay Shir ay Guurtida iyo Cuqaasha beeshaasi ku yeelatay Laascaanood. Sida waxa uu xildhibaanku ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa, waxaanu u dhignaa qoraalkii sidan: “Aniga oo ku hadlaya Magaca xildhibaanada Golaha Wakiillada Wakiillada Iyo Golaha Guurtida ee Beesha Sool, waxaanu hanbalyo iyo bogaadin aan u dirayaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo shalay lagu doortay shir guurtida iyo cuqaasha Beesha Jaamac Siyaad ku qabteen Magaalada Laascaanood. Waxaanu Ilaahay uga baryeynaa inuu ku garab-galo xilka culus ee dushiisa la saaray, waxaanuna balanqaadaynaa in aanu Wakiil ahaan, hiil iyo hooba la garab taagnaanayno wax Allaale iyo wixii garaadku uga soo baahdo Jamhuuriyada Somaliland, waxaanuna u rajeynaynaa inuu garaadku noqdo kii wanaajiya xidhiidhka iyo wada noolaanshaha dadka wada-yaala Gobolka Sool iyo Gobolada Kale ee Jamhuuriyada Somaliland” Hadhwanaagnews.com/O ffice Hargeysa/Somaliland.
  10. Yeah i got it now markii hore war faah faahisan manu hellin. Madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale iyo wafti uu hogaaminayo oo dalka ka dhoofay Written by Qarannews Jun 14, 2009 at 06:12 AM Madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay caasimadda Hargeysa, iyagoo abaaro 1.00 PM (Koowdii) duhurnimona ka duulay gegida diyaaradaha caalamiga ee Berbera iyagoo ku sii jeeda dalka Kuweyt. Madaxweyaha iyo waftigiisa oo uu weheliyo wasiirka waxbarashada Md.Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne) ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Kuweyt. Mar aanu isku daynay inaanu weftiga wax ka weydiino ujeedada dhabta ah ee socdaalkooda ayaanay noo suurta-gelin inaanu xaqiiqada safarka madaxweynaha iyo weftigiisa wax ka ogaano,iyagoo jawaabahooda kusoo koobay "Safarkayagu waa martiqaad aanu ka helnay xukuumadda Kuweyt, waxaanuna la kulmi doonaa madaxda dalkaas balse hadda ma rabno inaanu ka hor dhacno nuxurka ama ujeedada safarkayaga", kulanka labada dhinac kadib ayaanu warsaxaafadeed ka soo sari doonaa ayay intaa sii raaciyeen. Waxa kale oo isna maanta dalka ka dhoofay wasiirka duulista hawada Md.Cali Maxamed Warancadde oo u dhoofay Jabuuti,halkaas oo uu isna u tegey hawlo la xidhiidha balaadhinta garoonka diyaaradaha ee Berbera. Waxa kale oo berri oo isniin ah dalka ka dhoofi doona wasiirada maaliyadda iyo arrimaha dibadda oo u socdaali doona magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kiiniya,halkaas oo ay kula kulmi doonaan hay'ado caalami ah iyo safiirada dalalka reer galbeedka u fadhiya dalkaas iyo weliba masuuliyiin ka tirsan dowladda Kiiniya. Qarannews desk. Hargeysa,Soomaalilan d. Last Updated ( Jun 14, 2009 at 09:03 AM )
  11. Yeah www.qarannews.com is owned by the government,. Jacaylbaro muxu ka doonay ina riyaale Kuwait.. ma inoo sii sheegay wuxu oo tagayo mala casuumay mise wa iska taggay lol..
  12. Originally posted by MoonLight1: Dee dalkiisa wuuba goostee, maxaa arinta koonfur soo dhex galiyay. "Laga jecli, lugtana jecli miyaa" Soota ummadu ka wadda hadasho Eritreanku maalin walba ka hadlayaa iyo Ethiopianku iyo jabuutianku iyo fransisku iyo Belgiumka maxaad ugu diidii Somalilanderku inu ka hadlo..
  13. Dawladniimo maalin ba maalin way ka sii foganaysa. wa kuwa somaliidii abu pakistani isku dhiibay iyo wax aan isiir iyo ab loo lahayn..
  14. well hada lascanood lugu caleemo saaro garaadkaas. Wa garaad reer somaliland ah remmember garaadka guud garaad jamac iyo garaadka nugaleed garaad selebaan are both not in lascanood garaad selebaan is in garowe. and garaad jamac is in Kiiniyo meela ka sii darran.
  15. war dadkani wabay walanyihin war anagu ictraaf kama sugayno slaan heesta..loool. laakin maryan wa fananaad somaliyeed dall walba oo somali dagantahay way oo heesii karta.oo wala soo dhaweynaya wa as simple as that. waxba ha isku mashquuliin..
  16. Originally posted by somalipride: :confused: Great init.
  17. Dee haday no heesto idinka halkee idin xanuunaysa imisa dad ba oo heesa somalia calankooda Somaliland wa miid anga anu samaysanay oo rabna oo dadkeedu rabba oo anu ka raalii nahay marka wax fahma.. abwaan sxb anagu kursii idinka ma rabno madaxweyne idinka ma rabno boqor idinka ma rabno caasiimad idin noqon mayno , iska kaya nabad galiya uun intaa la idinka waayii lahay..
  18. Whats the point the people of sool have to many garaads they just should stick With garaad selebaan and garaad jamac. they have over 20 garaads miid ba dhinac oo hadlayo..
  19. Originally posted by Kashafa: Drop dead ? Say that's actually possible, what benefit would that serve ? If they all dropped dead....... what would happen ? Who would win ? What would be the fate of Somalia and the Somali people ? Oh, I get it. You're just airing your frustration. Venting miyaa ? You haven't actually thought this one through, have you ? If wishing death on Mujahids actually worked.....Abdullahi Yusuf would not be vacationing in Yemen. And Daxlaan would not be on a 'prolonged visit' to the West Bank after Hamas crushed his forces in Gaza. And his CIA-trained militia would not be posing as underwear models after seeking political asylum from Israel, which treated them with deserving humilitation: By now, you should've learned that wishing death on your superiors(every sense of the word) is a failed strategy , abti. It does help alleviate frustration so give it a try every now and then when you hear news of the success of the Mujahideen. You won't be the first to resort to wishing death on his superiors, after failing to cope with reality. quote: These backwards people do not recognize the international community F the international community they do not recognize the African union F the African Union they do not recognize the united nations F the United Nations Xaaji, how's that for being backward ? They may not have taught you this in Secession 101, but um, Umada Soomaliyeed oo Xalaasha doesn't need validation or a 'stamp of approval' from anybody. Both middle fingers in the air, abti.(directed towards 'Beeshaa Caalam'ka', not you). sxb the world doesent work like that.
  20. How can he attack the warlords if they are in the cabinet of the Sh dalixis and of the previous regime of cabdilahi yusuf. Warlords represent the people of Mogadishu. Hadaynu siida oo eegno. Markaay dadku saxda iyo qalladka kala garan wayaan. Wa dhibaato but that’s not faisal cali waraabe is fault he is just pointing out the problem. All he said is the fighting is in mogadisho.. Mogadishu na reer ba ku abtiirsaday.. And all he is saying is idinku heshiya dhexdiina wax qaladii kuma jiiro halkaas. And how sh hotel needs to make peace with xassan daahir aweys so the civilian casualty wuu yaranaya. The only problem you have with faisal is I think he is just direct he doesn’t use diplomatic language. Hadalka siidiisa ayuu oo yidha ..and that’s what I like about him.
  21. Emperor but he has some good points though oke he blames a whole clan for all the trouble in Mogadishu. I know the people of banadir Mogadishu in the passed where hijacked by warlords and now by Islamic warlords. Faisal cali waraame comes from a family that are peacemakers and he expects that the Clan leaders of Mogadishu solves this problem He does not believe these people are fighting for an ideology they both wave an Islamic flag and a kitaab. So he has some good points.
  22. These backwards people do not recognize the international community they do not recognize the African union they do not recognize the united nations or any international organization and they take orders from tora bora. somaliya way oo dhamatay.. maantay argagixiso isku aasseen .
  23. War udub wa xisbii reer somaliland oo waligii jiirayaa.. Hadafka siyaasada somaliland wanau ka miidaysanahay.. Iyo jiritaankeedaba.. waxa la isku haysta oo kaliya ana wax sii fiican oo qabban karra iyo ana wax sii fiican oo qabban karra thats all..
  24. War udub wa xisbii reer somaliland oo waligii jiirayaa.. Hadafka siyaasada somaliland wanau ka miidaysanahay.. Iyo jiritaankeedaba.. waxa la isku haysta oo kaliya ana wax sii fiican oo qabban karra iyo ana wax sii fiican oo qabban karra thats all..