Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. why does he still post marka ma jeelka laptop loo dhigay lol
  2. wa beentii wuxu rabba ina doorashada loo boobo thats why u leeyahay bila diiwangelin lugu galla mark my words daahir riyaal another 5 years hada bila diiwaangelin lugu gallo.
  3. http://www.togdheern ews.com/t/index.php? option=com_content&t ask=view&id=1787&Ite mid=1
  4. Hargeysa (Togdhnews)- Wargeysa Jamhuuriya, ayaa markii ugu horreysay xogo ku saabsan liiska natiijadii ka soo baxday kala-shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo 27kii July hay’adda Interpeace ee dalka laga saaray u gudbisay saddexda xisbi qaran. Xogtan oo u qaybsan saddex qaybood oo kala ah tirada guud ee codbixiyeyaasha gobol kasta la geliyey mishiinka seerfarka (Surfer), tirada codadka gobol kasta xumaatay iyo natiijada rasmiga ah ee gobol walba uga soo hadhay kala-shaandhayntii diiwaangelinta. Nuqul ka mid ah liiska Interpeace u gudbisay axsaabta qaranka oo Jamhuuriya helay, ayaa lagu sheegay tirada guud ee codadka la geliyey seerfarku dhan yihiin 1,348,060 (milyan, saddex boqol afartan iyo siddeed kun iyo lixdan) codbixiye, tirada codadka la tirtirayna yihiin 201,674 (laba boqol iyo kow kun, lix boqol iyo toddobaatan iyo afar) cod, iyadoo natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday kala-shaandhayntii diiwaangelintuna dhan tahay 1,146,396 (milyan, boqol afartan iyo lix kun, saddex boqol sagaashan iyo lix) codbixiye. Haddaba, waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda lixda gobol ee dalka oo muujinaysa mid walba codadka guud ee la geliyey seerfarka, tirada xumaatay natiijada gobol kasta uga soo baxday kala shaandhayntii diiwaangelinta. Gobolka Codadkii la geliyey Seerfarka Tirada xumaatay Natiijada rasmiga ah 1 Hargeysa 424,216 35,851 388,375 2 Togdheer 3,22,712 50,998 271,714 3 Saaxil 52,201 4,215 47,986 4 Sanaag 208,577 59,527 149,050 5 Awdal 201,998 20,045 181,953 6 Sool 138,356 31,038 107,318 TOTAL 1,348,060 201,674 1,146,396 Liiskan oo axsaabta qaranka loo gudbiyey 27kii bishii la soo dhaafay ee July oo labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID si buuxda u aqbaleen, isla markaana u saxeexeen in doorashada lagu galo, balse xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa isagu si adag uga boodday una diidday natiijada diiwaangelinta ee hay’adda Interpeace soo bandhigtay, iyadoo la tuhunsan yahay in Madaxweyne Rayaale dabada ka riixay diidmada xisbigiisa, arrintaas oo loo aanaynayo in uu ka dhashay go’aankii degdegga ahaa ee Komishanka Doorashooyinku ku laalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo tallaabadii xigtay ee xukuumaddu dalka kaga eriday wakiilkii Somaliland ee hay’addaas oo gacanta ku haysay hawsha kala-shaandhaynta diiwaangelinta. Source.. Jamhuuriya [ Back ]
  5. wa hagaag iska walaaqo xafladina puntland irish clubkaad ku qabanaysiin irishka sharabka ninka weyb shubaya yanay ku heesiin uun puntland ku dayo ku dayo
  6. Ictraafka iyo waxaas ba meel ino dhiig United nationka iyo beesha calaamkay ku xiidhantahay Laakin waxanu nahay dawlad ka madax banaan Somalia inteeda kalle Calan leh Dawlad leh Asxaab qarran leh Millatary leh Boolice leh Lacag leh Suaahsu wa siida tan Wayahay sii kalaan kugu dhigay sidii hore ku fahmi weyday anagu puntland waxanu uu aqoonsanahay inay ka miid tahay dawlad fereaal ah Somalia, laakin Mamuulka puntland does not return us the favor why is that , anagu waxad idinku isla jeceshihii n waanu idin la jecelnahay , waxanu anagu isla jecelnahay idinku nala ma jecladiidn why is that.
  7. No we are a real country no matter what clan you hail from why the hell would any one wan to celebrate a mamuul goboleeds independence or its autonomy delusional for real.
  8. Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa. Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa Hargeysa (Ogaal)- Wefti la sheegay in uu ka socday Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, ayaa shalay socdaal ku yimi magaalada Hargeysa. Weftigan oo ka koobnaa afar xubnood, waxa Madaarka Hargeysa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland. Weftigan oo abbaaro 9:00 subaxnimo ee shalay ay Madaarka Hargeysa keentay Diyaarad gaar ahi, waxa ka soo gelbiyay Saraakiisha sarsare ee Sirdoonka Qaranka. . inkasta oo aanay jirin wax War ah oo ka soo baxay socdaalka Saraakiishan oo aan ujeedada socdaalkoodu caddayn, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeyska Ogaal u sheegeen, weftiga iyo Madaxda Nabad-sugida Somaliland waxay wadahadalo muddo saacado ah qaatay ku yeesheen gudaha Caasimada Hargeysa,lamana sheegin waxyaabaha ay ka wadahadleen. Waxaanay Wararku intaa ku dareen in ay ka soo kicitimeen dalka Jabuuti , isla markaana waxay abbaaro 12:00 duhurnimo ee shalay dib uga duuleen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Socdaalkani wuxuu Khubaradan CIA-da ka tirsani ku yimaadeen Hargeysa, wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmo ka hor Wasiirka Khaarajiga Somaliland Cabdillaahi M. Ducaale kulan kula yeeshay Washington Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Johnnie Carson, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha La-dagaalanka Argagixisada iyo amniga. Magacyada dadkii la xukumay & aragtida Sharciga ee dhacdadan Hargeysa: Go’aankii Maxkamadda, Gaws-adayggii Xeer-ilaalinta & gadoodkii Shacabka. Hargeysa (Ogaal)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun ay shalay ka dib markii ay go’aano isugu jira Xukun dil, xadhig iyo cafis ah ka soo saartay eedaysanayaal muddo 9 bilood ah dacwaddoodu ka socotay Maxkamadda G. Hargeysa, kuwaas oo ku eedaysnaa Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay sanadkii tegay, isla markaana 11 ka mid ahi u xidhnaayeen, ayaa waxa hadheeyay khilaaf iyo Rasaas ay rideen Askartii goobta ku sugnayd, ka dib markii sida la sheegay Xeer-Ilaalinta iyo Boolisku u hoggaansami waayeen go’aankaa Maxkamadda. Go’aankii Maxkamadda: Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 2 qof oo ka mid ah 11 qof oo u xidhnaa Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa 29 October 2008 ku xukuntay hal sanno iyo lix bilood midkiiba, halka 5 kale oo kale iyaga oo maqan ay ku xukuntay dil toogasho ah. Waxa sidoo kale Maxkamaddu amartay in 9 kale oo ka mid ahaa dadkii eedaysanayaasha ahaa la sii daayo. Labada qof ee lagu xukumay sanadka iyo badhka midkiiba ayaa la sheegay in Magac-yadoodu kala yihiin, Yuusuf Jaamac Diiriye iyo Cali Jaamac Ibraahim. Dhinaca kale, dadka dilka lagu xukumay iyaga oo maqan ayaa iyana Magacyadoodu kala yihiin; 1-Cabdifataax Cabdilaahi Guuleed 2-Axmed Cabdi Xuseen 3-Axmed-Nuur Muxumed Maxamuud 4-Cismaan Yuusuf Odowaa 5-Cabdilaahi Xuseen Yuusuf Rabshaddii ka dambaysay:
  9. Originally posted by Fabregas: ^^ NO. they were konfurians masquarading as waqoyians . kaba sii xun hala xidho hadaba
  10. looooooooool@ jacaylbaro yarku wa fransiis ingreeska ku addag lol
  11. SOCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE July 29th, 2009 Comments Off OCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE WAR-SAXAAFADEED – JULY 29, 2009 Xisbiga KULMIYE isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee ka saaran hagaajinta xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka; arkayna in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo Maraykanku uu imika soo kale dhexgalay isafgaranwaa culus, sida ka muuqatay hadaladii ay is dhaafsadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Afrika uu qaabilsan Kongaress ka Maraykanka, wuxuu go’aansadey xisbigu inuu ka shaqeeyo sidii xidhiidhka Somaliland la wadaagto dawladda Mareykanka loo hagaajin lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye , oo mrtiqaad ka heley Congress-ka Mareykanka ayaa socdaal ku tagay dalkaas . Dr. Maxamed wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay magaalo madaxda Mareykanka ee Washington DC Mudane Donald Payne, Guddoomiyaha Guddiga Baarlmaanka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika. Gudoomiye Donald Payne waa nin miisaan wayn ku leh siyaasadda Maraykanka ee Afrika, wuxuuna ahaa xildhibankii soo bandhigaya mooshinkii nambarkiisu ahaa 20, ee laga ansixiyaya Kongaress ka Maraykanka taariikhdu markay ahayd Febuary20, 1999. Nuxurka mooshinkaasi wuxuu ku baaqaye in Somaliland la siiyo gargaar dhaqaale iyo taakulo bini’aadanimo, waxaanu ahaa mooshinka kaliya ee Kongarayska Maraykanka laga soo saaray ee taageero loogu fidinayay Somaliland. Gudoomiye Payne waa xildhibaanka keliya ee ka tirsan Kongaresska Maraykanka ee yimi Somaliland, waana xildhibaankii u suurto geliyay in Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Madaxwayne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, loogu sameeyo casho sharaf Kongaresska Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano badan. Gudoomiye Payne waa Kongaressman-ka keliya ee la kulmay Madawayne Rayale markii uu yimi Maraykanka. Waxa uu Gudoomiye Payne taageero joogto ah la garab taagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland. Shirkii ugu dambeeyay ee uu ku qabtay Washington wuxu ugu talo galay in Somaliland ay ka hesho taageero dhaqaale oo lagu sugo amaanka. Gudoomiye Payne wuxuu madax ka yahay guddi barlamaan oo qaabilsan soo jeedinta iyo ansixinta taageerada iyo hawlgalada xukuumadda Maraykanku ka fuliso Afrika. Wuxuu gacan wayn ku leeyahya samaynta qawaaniinta iyo hindisayaasha siyaasadeedd ee saamaynta ku leh qaaradda Afrika. Wuxuu kaloo wax ka go’aamiyaa dakhliga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku baxa waddamada Africa. Wuxuu socdaalka Xoghayuhu Dr. Maxamed xaqiijiyay in Gudoomiye Payne yahay saaxiibka ugu wayn ee Somaliland ku leedahay barlamaanka Maraykanka iyo in isfagaran waaga culus ee soo kale dhex galay labada geesoodna uu maanta gaadhsiisan yahay heer uu joogsaday wada hadalkii iyo xidhiidhkii labada dal. Taasi oo dhaawac wayn gaadhsiinaysa dantii qaranka Somaliland. Xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiyewaxa loo sheegay in dawlada Dahir Rayaale ay martiqaad qoraal ah ka heshay xafiiska Gudoomiye Payne, xukuumada Dahir Rayale-na ay jawaab qoraal ah oo ay ku aqbashay inay ka soo qayb gasho shirka u soo dirtay xafiiska Gudoomiye Payne. Muddo yar ka hor xiligii shirka bilowgiisa waxa maamulka Rayale ay go’aansadeen in aanay shirka ka soo qayb gelin, inkastoo wakiilka xukuumada Rayale ee Maraykana Dr. Saad Noor uu yimi oo uu soo fadhiistay madashii shirku ka dhacay. Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in laga wada hadlo arrimaha saameeya nabad gelyada gobolka iyo sidii ay dawlada Maraykanku taageero uga gaysan lahayd. Taageeraadaasi oo Gudoomiye Payne oo masuul uga yahay barlamaanka Maraynkanka. Xukuumada Riyaale waxay ula dhaqantay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Guddidd Arrimaha Africa ee barlmaanka Maraykanka iyo khaasatan xidhiidhkii Gudoomiye Payne si aad iyo aad u fool xun oo wax u dhimaysa danaha aasaasiga ee shacabka Somaliland. Taasuna waa mid tusaale wayn u ah sida xukuumada Riyaale u maamusho xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka. Safarka Dr. Maxamed Cabdillahi wuxu ka halwgalay sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalka Mareykanka iyo Guddoomiye Donald Payne oo madax ka ah guddi barlamaan aad ugu mihiima qadiyada Somaliland. Gudoomiye Payne wuxu ogolaaday in uu kulan kula yeesho xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye xarunta barlamaanka maraykanka ee Capital Hill. Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha 27-kii iyo 28-kii bishii July. Kulankaasi waxaa lagu lafaguray arrimo fara badan oo khuseeya nabadgelyada, dimuqraadiyadda, xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland iyo arrimo la xidhiidha doorashada madaxtooyada Somaliland. Wuxuuna Guddoomiye Donald Payne ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta nabadgalyada iyo kobcinta dimuqraadiyada . Waxaanu ugu baaqay in Somaliland qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda xiligii loogu talo galay. Waxaanu muujiyay walaac uu ka qabo khatar soo gaadha nabadgelyada Somaliland iyo inuu diyaar u yahay inuu Somaliland la shaqeeyo oo ka caawiyo sidii looga hor tagi lahaa khatarahaasi. Waxaa kaloo shirlka lagaga wada hadlay go’aanka uu maanta madaxwayne Rayaale ka qaatay natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaha dalka iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgalyada dalka. Dr. Maxamed iyo Gudoomiye Payne waxay is la qaateen in si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan balaadhinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Hussein Cabdi Ducaale, Gudoomiyaha Woqooyiga Amerika ee Xisbiga KULMIYE
  12. nuuuune looooool good point. eventhough dad baddan is diiwaangellin lots of youths because they want to come to the west
  13. Guddida Doorashooyinka Somaliland oo go’aan ka soo saaray Doorashooyinka soo socda July 28th, 2009 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta sheegay in ay go’aan ku gaadheen in Doorashada Madaxtooyada Somaliland lagu galo Diiwaangelin la’aan, ka dib markii siday sheegeen Hay’adda Interpeace oo gacanta ku haysay natiijadaasi ay ku guul-darraysatay soo saarista natiijo tayo leh. Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ayaa sheegay in shir ay isugu yimaadeen ka dib guddi ahaan ay go’aan ku gaadheen in diiwaangelin la’aan lagu galo Doorashada, isla markaana layska dhaafo hawsha iyo natiijada Diiwaangelinta oo la sheegay in lacag 8-Milyan oo Dollar ahi ku baxeen. Hadalka ka soo yeedhay Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa wuxuu ku soo beegmay waqti ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland aqbaleen natiijo ka soo baxday Diiwaangelinta. Somaliland.Org Hargeisa News Desk bmm@somaliland.com
  14. Maraykanka Washington DC, July 28, 2009 (Haatuf) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shalay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington kula kulmay guddida arrimaha dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka, halkaas oo la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE ee aqalka Baarlamaanka Maraykanka ayaa la sheegay inay ka dambaysay kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland. Masuuliyiinta Maraykanka ee uu Dr. Maxamed Cabdillaahi kula kulmay Capitol Hill ayaa waxa horkacayay Congressman Donald Payne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale. Xoghayaha Khaarajiga KULMIYE iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ayaa halkaas ku yeeshay kulan dheer oo ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iyadoo sida la sheegay ay si gaar ah uga wada hadleen labada dhinac sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeyay Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay is-afgaranwaa. Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarowga doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaana la filayaa in wada-hadalka labada dhinaca dhawaan laga soo saari doono war-saxaafadeed. Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay kulankaas kadib ayaa sheegay inuu dawladda Maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kala guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, mandaqaddana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgelyo darro, sidaas agweed buu yidhi “loo baahan yahay dawladda Maraykanku inay taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen.” Dr Maxamed oo ka waramayay ujeedada booqashadiisan ayaa waxa uu yidhi: “Xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland kadib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda Maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.” Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay ka wada hadli doonaan arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibadda ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda bina aadamka ee loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kala hadli doono xadhigga labada weriye ee Raadyow Horyaal, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanka iyo kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta dawladda Maraykanka ayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, uu booqasho ku joogo magaalada Washington in muddo ah, kaas oo ay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland sheegeen inuu hawlo shaqo halkaas u joogo, iyagoo aan faahfaahin ka bixin hawlahaasi nooca ay yihiin, taas oo ay jawaab uga dhigayeen kuna beeninayeen warar sheegay in masuuliyiinta Maraykanku diideen inay la kulmaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, iyadoo diidmadaas lagu macneeyay inay ka dhalatay markii uu wasiirku ka baxay balanqaad uu hore ugu aqbalay inuu ka qayb-galo kulan lagu qabtay bishii hore Baarlamaanka Maraykanka, kaas oo lagaga hadlayey arrimaha Somalia iyo sidii nabad looga dhalin lahaa, kulankaas oo lagu casuumay madaxda Somalia, maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland, hase yeeshee uu wasiirku balantii uu qaaday ka qayb-galka kulankaas ka baxay, taasina ay ka cadhaysiisay Congressman Donald Payne oo gudoomiye ka ah guddida arrimaha dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka, isla markaana qaban-qaabinayay kulankaas. Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirka Xafiiska Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu kulan la tashi ah la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi, kaas oo sida la sheegay lagaga hadlayey arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna uu kulankaasi sababay in xukuumadda Ingiriisku ay u yeedho Madaxweyne Daahir Rayaale. Xukuumadda Riyaale ayaa xilligaas xisbiga KULMIYE ku cambaareysay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee uu ku tallaabsaday Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE, waxaanay xisbiga KULMIYE ku eedaysay inaanay aqoon u lahayn hab-dhaqanka diblomaasiyadda, isagoo kulankii wasiirka Ingiriiska iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi ku tilmaamay mid been ah, oo sawiro laysku geeyay. Dr. Maxamed Cabdillaahi ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka.
  15. Somaliland.Org (Washington DC) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington, oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ka dib markii uu martiqaad ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland. Masuuliyiinta Maraykanka ee maanta ku soo dhawaysay Dr. Maxamed Cabdillahi Capitol Hill waxaa horkacayay Congressman Donald Payne , oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale. Soo dhawayntaasi ka dib waxay xoghayaha iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanku ay yeesheen kulan dheer oo ay kawada arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay isfagranwaa. Waxay kaloo kawada hadleen arrimaha siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarawga doorashada madaxtooyada Somaliland. Waxaana la filayaa inuu dhawaan warsxafadeed ka soo bixi doona wadahadalka laba geesood. Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay shirka ka dib ayaa sheegay inuu dawladda maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kale guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, manadaqadana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgalyo darro, sida agweed buu yidhi loo baahan yahay dawladda Maraykanku taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen. Dr Maxamed oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, wuxuu yidhi “ xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland ka dib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.” Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay kawada hadli doona arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibada ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda biniaadamka oo loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kale hadli doono xadhiga xaqdarada ah ee wariye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo labaduba ka tirsan Idaacadda Horyaal. Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanku iyo kulamda rasmiga ee uu dawlada Maraykanku la yeelanayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu jooga magaalada Washington in muddo ah oo ay dawlada Maraykanku diiday inay la kulanto, arrintani oo muujinaysa sumcad xumida Wasiir Cabdillahi Ducaale iyo xukuumada Rayaale ay maanta adduunka ku leeyiiihiin. Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu la tashi ugu yeedhay Dr. Mamxamed Cabdillahi si loogala tashado arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna waxaa loogu yeedhay madaxwayne Daahir Rayaale magaalada London. Arrimahani waxay muujinayaan in siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland uu hadda horumarinteeda gacanata ku haya xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, halka awooda siyaasadda dibadda ee xukuumaduna ay ku soo ururtay inay kolba jawaabcelin ka bixiso siyaasadda iyo diblomaasiyadda xawliga ku socota ee xisbiga KULMIYE. Dr Mohamed Abdilahi ayaa lagu wadaa in uu bari la kulmo madax ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka. Washington DC, Somaliland.Org
  16. Mr somalia xammar baad miidayn karrii wayday markasada waddan kalle oo somaliland la yidha ka hadlaysa
  17. jacaylbaro koonfuriansku kha ma karran khadra dhe ku dhe qadra ayu ku odhanaya lol. marka sheekh dhe he wil say sheeq lol
  18. yeah inshallah kheyr we hope all the best for you guys maybe darwiish state will be a solution inshallah kheyr