Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,624
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    73

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. loooooool ma ina khaawii ba qorray intii horre uu dhan waan akhriye ina khaawii uun baan arkay lol
  2. Thankfulsp what has sh dalxiis don but traveling around the world begging for money and international troops oo yeah his last victory was shaking hands with Hillary Clinton. Woow I am impressed
  3. Jacaylbaro not just kulmiye lost a man the entire Somaliland lost a man Cali marshal halyey buu aha. Ilahay ha uu naxariisto jananda na haka waraabiyo qabriga na ha uu nuuro. Amiin
  4. waxa hadaba loo bahanyahay qabiilka waxa lugu baddalo uu ah qarranimo laakin somalidu ma yaqanaan hanaanka dawladnimo marka halkasay ku jiirayaan maalin ba madaxweyne aan wax ba tarrayn ba hayb loogu sacab tummaya.
  5. yes i agree with naxar nugaleed meesha waxa looga bahanyahay dood huffan oo cilmiyassan.
  6. why does he still post marka ma jeelka laptop loo dhigay lol
  7. wa beentii wuxu rabba ina doorashada loo boobo thats why u leeyahay bila diiwangelin lugu galla mark my words daahir riyaal another 5 years hada bila diiwaangelin lugu gallo.
  8. http://www.togdheern ews.com/t/index.php? option=com_content&t ask=view&id=1787&Ite mid=1
  9. Hargeysa (Togdhnews)- Wargeysa Jamhuuriya, ayaa markii ugu horreysay xogo ku saabsan liiska natiijadii ka soo baxday kala-shaandhaynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo 27kii July hay’adda Interpeace ee dalka laga saaray u gudbisay saddexda xisbi qaran. Xogtan oo u qaybsan saddex qaybood oo kala ah tirada guud ee codbixiyeyaasha gobol kasta la geliyey mishiinka seerfarka (Surfer), tirada codadka gobol kasta xumaatay iyo natiijada rasmiga ah ee gobol walba uga soo hadhay kala-shaandhayntii diiwaangelinta. Nuqul ka mid ah liiska Interpeace u gudbisay axsaabta qaranka oo Jamhuuriya helay, ayaa lagu sheegay tirada guud ee codadka la geliyey seerfarku dhan yihiin 1,348,060 (milyan, saddex boqol afartan iyo siddeed kun iyo lixdan) codbixiye, tirada codadka la tirtirayna yihiin 201,674 (laba boqol iyo kow kun, lix boqol iyo toddobaatan iyo afar) cod, iyadoo natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday kala-shaandhayntii diiwaangelintuna dhan tahay 1,146,396 (milyan, boqol afartan iyo lix kun, saddex boqol sagaashan iyo lix) codbixiye. Haddaba, waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda lixda gobol ee dalka oo muujinaysa mid walba codadka guud ee la geliyey seerfarka, tirada xumaatay natiijada gobol kasta uga soo baxday kala shaandhayntii diiwaangelinta. Gobolka Codadkii la geliyey Seerfarka Tirada xumaatay Natiijada rasmiga ah 1 Hargeysa 424,216 35,851 388,375 2 Togdheer 3,22,712 50,998 271,714 3 Saaxil 52,201 4,215 47,986 4 Sanaag 208,577 59,527 149,050 5 Awdal 201,998 20,045 181,953 6 Sool 138,356 31,038 107,318 TOTAL 1,348,060 201,674 1,146,396 Liiskan oo axsaabta qaranka loo gudbiyey 27kii bishii la soo dhaafay ee July oo labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID si buuxda u aqbaleen, isla markaana u saxeexeen in doorashada lagu galo, balse xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa isagu si adag uga boodday una diidday natiijada diiwaangelinta ee hay’adda Interpeace soo bandhigtay, iyadoo la tuhunsan yahay in Madaxweyne Rayaale dabada ka riixay diidmada xisbigiisa, arrintaas oo loo aanaynayo in uu ka dhashay go’aankii degdegga ahaa ee Komishanka Doorashooyinku ku laalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo tallaabadii xigtay ee xukuumaddu dalka kaga eriday wakiilkii Somaliland ee hay’addaas oo gacanta ku haysay hawsha kala-shaandhaynta diiwaangelinta. Source.. Jamhuuriya [ Back ]
  10. wa hagaag iska walaaqo xafladina puntland irish clubkaad ku qabanaysiin irishka sharabka ninka weyb shubaya yanay ku heesiin uun puntland ku dayo ku dayo
  11. Ictraafka iyo waxaas ba meel ino dhiig United nationka iyo beesha calaamkay ku xiidhantahay Laakin waxanu nahay dawlad ka madax banaan Somalia inteeda kalle Calan leh Dawlad leh Asxaab qarran leh Millatary leh Boolice leh Lacag leh Suaahsu wa siida tan Wayahay sii kalaan kugu dhigay sidii hore ku fahmi weyday anagu puntland waxanu uu aqoonsanahay inay ka miid tahay dawlad fereaal ah Somalia, laakin Mamuulka puntland does not return us the favor why is that , anagu waxad idinku isla jeceshihii n waanu idin la jecelnahay , waxanu anagu isla jecelnahay idinku nala ma jecladiidn why is that.
  12. No we are a real country no matter what clan you hail from why the hell would any one wan to celebrate a mamuul goboleeds independence or its autonomy delusional for real.
  13. Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa. Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa Hargeysa (Ogaal)- Wefti la sheegay in uu ka socday Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, ayaa shalay socdaal ku yimi magaalada Hargeysa. Weftigan oo ka koobnaa afar xubnood, waxa Madaarka Hargeysa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland. Weftigan oo abbaaro 9:00 subaxnimo ee shalay ay Madaarka Hargeysa keentay Diyaarad gaar ahi, waxa ka soo gelbiyay Saraakiisha sarsare ee Sirdoonka Qaranka. . inkasta oo aanay jirin wax War ah oo ka soo baxay socdaalka Saraakiishan oo aan ujeedada socdaalkoodu caddayn, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeyska Ogaal u sheegeen, weftiga iyo Madaxda Nabad-sugida Somaliland waxay wadahadalo muddo saacado ah qaatay ku yeesheen gudaha Caasimada Hargeysa,lamana sheegin waxyaabaha ay ka wadahadleen. Waxaanay Wararku intaa ku dareen in ay ka soo kicitimeen dalka Jabuuti , isla markaana waxay abbaaro 12:00 duhurnimo ee shalay dib uga duuleen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Socdaalkani wuxuu Khubaradan CIA-da ka tirsani ku yimaadeen Hargeysa, wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmo ka hor Wasiirka Khaarajiga Somaliland Cabdillaahi M. Ducaale kulan kula yeeshay Washington Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Johnnie Carson, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha La-dagaalanka Argagixisada iyo amniga. Magacyada dadkii la xukumay & aragtida Sharciga ee dhacdadan Hargeysa: Go’aankii Maxkamadda, Gaws-adayggii Xeer-ilaalinta & gadoodkii Shacabka. Hargeysa (Ogaal)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun ay shalay ka dib markii ay go’aano isugu jira Xukun dil, xadhig iyo cafis ah ka soo saartay eedaysanayaal muddo 9 bilood ah dacwaddoodu ka socotay Maxkamadda G. Hargeysa, kuwaas oo ku eedaysnaa Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay sanadkii tegay, isla markaana 11 ka mid ahi u xidhnaayeen, ayaa waxa hadheeyay khilaaf iyo Rasaas ay rideen Askartii goobta ku sugnayd, ka dib markii sida la sheegay Xeer-Ilaalinta iyo Boolisku u hoggaansami waayeen go’aankaa Maxkamadda. Go’aankii Maxkamadda: Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 2 qof oo ka mid ah 11 qof oo u xidhnaa Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa 29 October 2008 ku xukuntay hal sanno iyo lix bilood midkiiba, halka 5 kale oo kale iyaga oo maqan ay ku xukuntay dil toogasho ah. Waxa sidoo kale Maxkamaddu amartay in 9 kale oo ka mid ahaa dadkii eedaysanayaasha ahaa la sii daayo. Labada qof ee lagu xukumay sanadka iyo badhka midkiiba ayaa la sheegay in Magac-yadoodu kala yihiin, Yuusuf Jaamac Diiriye iyo Cali Jaamac Ibraahim. Dhinaca kale, dadka dilka lagu xukumay iyaga oo maqan ayaa iyana Magacyadoodu kala yihiin; 1-Cabdifataax Cabdilaahi Guuleed 2-Axmed Cabdi Xuseen 3-Axmed-Nuur Muxumed Maxamuud 4-Cismaan Yuusuf Odowaa 5-Cabdilaahi Xuseen Yuusuf Rabshaddii ka dambaysay:
  14. Originally posted by Fabregas: ^^ NO. they were konfurians masquarading as waqoyians . kaba sii xun hala xidho hadaba
  15. looooooooool@ jacaylbaro yarku wa fransiis ingreeska ku addag lol
  16. SOCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE July 29th, 2009 Comments Off OCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE WAR-SAXAAFADEED – JULY 29, 2009 Xisbiga KULMIYE isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee ka saaran hagaajinta xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka; arkayna in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo Maraykanku uu imika soo kale dhexgalay isafgaranwaa culus, sida ka muuqatay hadaladii ay is dhaafsadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Afrika uu qaabilsan Kongaress ka Maraykanka, wuxuu go’aansadey xisbigu inuu ka shaqeeyo sidii xidhiidhka Somaliland la wadaagto dawladda Mareykanka loo hagaajin lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye , oo mrtiqaad ka heley Congress-ka Mareykanka ayaa socdaal ku tagay dalkaas . Dr. Maxamed wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay magaalo madaxda Mareykanka ee Washington DC Mudane Donald Payne, Guddoomiyaha Guddiga Baarlmaanka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika. Gudoomiye Donald Payne waa nin miisaan wayn ku leh siyaasadda Maraykanka ee Afrika, wuxuuna ahaa xildhibankii soo bandhigaya mooshinkii nambarkiisu ahaa 20, ee laga ansixiyaya Kongaress ka Maraykanka taariikhdu markay ahayd Febuary20, 1999. Nuxurka mooshinkaasi wuxuu ku baaqaye in Somaliland la siiyo gargaar dhaqaale iyo taakulo bini’aadanimo, waxaanu ahaa mooshinka kaliya ee Kongarayska Maraykanka laga soo saaray ee taageero loogu fidinayay Somaliland. Gudoomiye Payne waa xildhibaanka keliya ee ka tirsan Kongaresska Maraykanka ee yimi Somaliland, waana xildhibaankii u suurto geliyay in Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Madaxwayne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, loogu sameeyo casho sharaf Kongaresska Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano badan. Gudoomiye Payne waa Kongaressman-ka keliya ee la kulmay Madawayne Rayale markii uu yimi Maraykanka. Waxa uu Gudoomiye Payne taageero joogto ah la garab taagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland. Shirkii ugu dambeeyay ee uu ku qabtay Washington wuxu ugu talo galay in Somaliland ay ka hesho taageero dhaqaale oo lagu sugo amaanka. Gudoomiye Payne wuxuu madax ka yahay guddi barlamaan oo qaabilsan soo jeedinta iyo ansixinta taageerada iyo hawlgalada xukuumadda Maraykanku ka fuliso Afrika. Wuxuu gacan wayn ku leeyahya samaynta qawaaniinta iyo hindisayaasha siyaasadeedd ee saamaynta ku leh qaaradda Afrika. Wuxuu kaloo wax ka go’aamiyaa dakhliga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku baxa waddamada Africa. Wuxuu socdaalka Xoghayuhu Dr. Maxamed xaqiijiyay in Gudoomiye Payne yahay saaxiibka ugu wayn ee Somaliland ku leedahay barlamaanka Maraykanka iyo in isfagaran waaga culus ee soo kale dhex galay labada geesoodna uu maanta gaadhsiisan yahay heer uu joogsaday wada hadalkii iyo xidhiidhkii labada dal. Taasi oo dhaawac wayn gaadhsiinaysa dantii qaranka Somaliland. Xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiyewaxa loo sheegay in dawlada Dahir Rayaale ay martiqaad qoraal ah ka heshay xafiiska Gudoomiye Payne, xukuumada Dahir Rayale-na ay jawaab qoraal ah oo ay ku aqbashay inay ka soo qayb gasho shirka u soo dirtay xafiiska Gudoomiye Payne. Muddo yar ka hor xiligii shirka bilowgiisa waxa maamulka Rayale ay go’aansadeen in aanay shirka ka soo qayb gelin, inkastoo wakiilka xukuumada Rayale ee Maraykana Dr. Saad Noor uu yimi oo uu soo fadhiistay madashii shirku ka dhacay. Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in laga wada hadlo arrimaha saameeya nabad gelyada gobolka iyo sidii ay dawlada Maraykanku taageero uga gaysan lahayd. Taageeraadaasi oo Gudoomiye Payne oo masuul uga yahay barlamaanka Maraynkanka. Xukuumada Riyaale waxay ula dhaqantay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Guddidd Arrimaha Africa ee barlmaanka Maraykanka iyo khaasatan xidhiidhkii Gudoomiye Payne si aad iyo aad u fool xun oo wax u dhimaysa danaha aasaasiga ee shacabka Somaliland. Taasuna waa mid tusaale wayn u ah sida xukuumada Riyaale u maamusho xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka. Safarka Dr. Maxamed Cabdillahi wuxu ka halwgalay sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalka Mareykanka iyo Guddoomiye Donald Payne oo madax ka ah guddi barlamaan aad ugu mihiima qadiyada Somaliland. Gudoomiye Payne wuxu ogolaaday in uu kulan kula yeesho xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye xarunta barlamaanka maraykanka ee Capital Hill. Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha 27-kii iyo 28-kii bishii July. Kulankaasi waxaa lagu lafaguray arrimo fara badan oo khuseeya nabadgelyada, dimuqraadiyadda, xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland iyo arrimo la xidhiidha doorashada madaxtooyada Somaliland. Wuxuuna Guddoomiye Donald Payne ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta nabadgalyada iyo kobcinta dimuqraadiyada . Waxaanu ugu baaqay in Somaliland qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda xiligii loogu talo galay. Waxaanu muujiyay walaac uu ka qabo khatar soo gaadha nabadgelyada Somaliland iyo inuu diyaar u yahay inuu Somaliland la shaqeeyo oo ka caawiyo sidii looga hor tagi lahaa khatarahaasi. Waxaa kaloo shirlka lagaga wada hadlay go’aanka uu maanta madaxwayne Rayaale ka qaatay natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaha dalka iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgalyada dalka. Dr. Maxamed iyo Gudoomiye Payne waxay is la qaateen in si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan balaadhinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Hussein Cabdi Ducaale, Gudoomiyaha Woqooyiga Amerika ee Xisbiga KULMIYE