-
Content Count
29,821 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Suldaanka wa runtii Maalintii Somaliland la qarxiyee 2008 29 october wa kuwi yidhi Cade muse na Ry ba kaga dhimatay Boosaasso. Maantana qarax ba ka dhacay laascanood, Isla habeenki na miid ba boosaaso ka dhacay
-
JNM responsible for the Las Anod bombings cleanup
Xaaji Xunjuf replied to miles-militis's topic in Politics
Originally posted by miles militis: Bucur Bacayr was the father of Ilma Isla Weyn. Get it; Wasn’t he the guy who was killed by YUSUF al kaywnun in 1325 what is the link between bucur bacayr and Lascanood I don’t get it. -
Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Ka Haldey Somaliland. Hargeysa (TVSLE)- Raysalwasaaraha dawladda Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay inay layaab noqotay in labada nin ee u sareeya kooxda Al-Shabaab ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Jamhuuriyadda Somaliland oo Somaliya xorriyadeeda kala soo noqotay sannadkii 1991-kii. Cumar, oo toddobaadkan hadal dheer ka jeediyay xarunta daraasadda siyaasadda ee Chatham House, oo ku taala magaalada London, waxa markii uu hadalkiisa dhammeeyay la weydiiyay su’aalo kala duwan, waxaana su’aalahaas ka mid ahayd su’aal uu weydiiyay nin ajaanib ahi, oo ah qorshaha dawladooda uga meel yaala Jamhuuriyadda Somaliland. “Somaliland sidaynu ognahayba waxay ku soo dhex jirtay dhibatooyin, taas oo ka dhalatay dib u dhigistii doorashooyinka.” Ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid, waxaanu intaas raaciyay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Somaliland, “Waxaanu rajaynaynaa in aanu la fadhiisano, marka ay doorashooyinkaa ka baxaan ee ay dhamaystiraan, si aanu u eegno sida Soomaliya ay uga talin lahayd masiirkeeda, markaa waxaan filayaa in xaalada nololeed, amaan iyo siyaasadeed ee Soomaliya ay hoos u sii dhacayso.” Ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid. Waxa uu ka qayb galayaashii kulankaas, u sheegay inay la yaabi doonaan, marka uu u sheego in labada nin ee u sareeya kooxda Al-Shabaab ay ka soo jeedaan Somaliland, “Waxa layaab noqotay in labada nin ee ugu sareeya ururka Al-shabaab ay ka soo jeedaan Somaliland.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha dawladda Sheekh Shariif. Dhinaca kale, khudbadda uu jeediyay su’aalaha ka hor, oo uu kaga hadlay xaaladaha kala duwan ee Somaliya, waxa uu ku soo hadal qaaday Somaliland. Waxaanu sheegay in dawladiisu diyaarisay qorshe ay ku dejinayso Somaliya oo ay ku jirto Somaliland, “Sida aan dhawaan u qoray Raysalwasaarihiina Mr. Gorden Brown, dawladda ku meelgaadhka ahi waxay diyaarisay qorshe ku bilaabmi doona hab dib loogu soo celinayo nabadii Somaliya oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland, taas oo ay taageerayaan bulshada caalamku.” Ayuu yidhi Raysalwasaaraha Sheekh Shariif. published on Sunday, 1 November 2009 Source: tvsle
-
Wa shaqadii onlf wa inay arimihan ka fuliyaan Puntland oo ay puntland mar danbe ku dhicin inay shacab Uu dhashay somalida Ethiopia oo dhibaan Dawlada Ethiopia
-
JNM responsible for the Las Anod bombings cleanup
Xaaji Xunjuf replied to miles-militis's topic in Politics
This is great now we know the enemy now we can crush them all once and for all -
Originally posted by Halyeey 11: ninka dhintay meesha ma hawlo samafal buu u joogay . Wa sarkaal Ciidamada qarranka Somaliland Abuunduulaha ciidanka 22 gobolka sool
-
i said the Garaad is waging a clan war does he mean the garaad is the slave of riyaale
-
Riyaale is a great guy and he is our commander in chief, and he will protect Somaliland from any aggressor may it be Muslim ku sheeg ah ama garadada kukuyada uu gallay
-
Well I just no 2 days ago Alshabaab said we are taking over the entire horn, that could mean something, second the garaad said he gave Somaliland 7 days, he killed a Commander of the military of Somaliland. Not a native from lascanood , but from burco. So if the garaad is waging a Clan war inside Somaliland that could be a possibility.
-
Actually your right Axmed cabdi godane is not a koonfurian he is from Ethiopia. But he is behind this I am sure the alshabaab said 2 days ago we will go to Somaliland and puntland And Djibouti this is their work
-
Originally posted by Che -Guevara: ^Well Mr. Konfurian, they ain't from the south. LooooooL@traitor the irony. well who knows Bomb la tuuro iyo sarkaal la diilo wa shaqadii koonfurianka baadhitaan baan ku jiira i wil get back to u when i know more , waxa laga yabaa inu garaadkii alshabaab iska soo dhigay , garaadki kukuyada uuu gallay
-
so who is behind this
-
Madaxtooyada Somaliland oo Lagu Qabtay Xus Baroordiiq ah Oo Loo Sameeyay Qaraxyadii Argagixisadu Hargeysa la Beegsatay Sannad ka Hor BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND Hargiesa 2007 British P.Minster Welcome Party Hargeisa Univ Hargiesa 2006 S/Land-Aljezera Hargaysa (SDWO 30/10/09)- Xuska sannad-guurada kowaad ee ka soo wareegtay maalintii madoobayd ee qaraxyada argagixiso lala beegsaday magaalada Hargeysa 29-kii October 2008-dii, ayaa lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland. Munaasibad baroordiiq ah oo lagu xusay, isla markaana loogu duceeyey dadkii ku dhintay qaraxyadii argagaxiso ee lagu qaaday xarunta Madaxtooyada, xafiiskii safaaradda Itoobiya iyo xarunta hay’adda UNDP, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin fara badan uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne-ku-xigeenka, xildhibaano, masuuliyiinta xisbiga UCID oo uu horkacayey Guddoomiye Fasal Cali-waraabe, madaxda xisbiga UDUB, wasiiro tiro badan, aqooyahan iyo ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi. Haseyeeshee waxaan ka qaybgelin xafladaasi xisbiga KULMIYE oo la sheegay in Guddoomiyahooda ciidan isugu jiray boolis iyo kuwa waddooyinku u diideen baabuurkiisa inuu u soo gudbo dhinaca Madaxtooyada oo maanta jidka hor mara gaadiidka dadwenaha laga xidhay. Goobta lagu xusayey maalintan oo digaarada lagu dhejiyey magacyada dadkii ku dhintay, ayaa ugu horreyn Madaxweyne Rayaale uu halkii qaraxii Madaxtooyadu ka dhacay dhigay ubax, waxaannu dadkii ka qaybgalay ka codsaday inay Faataxadda u maraan dadkaa dhintay Allena u baryaan inuu naxariistiisii janno ka waraabiyo. Kadibna Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay qaraxyadaasi cadowga Somaliland la beegsaday sannad ka hor dalka oo uu ku tilmaamay inuu ahaa kii ugu darnaa ee Somaliland lagu soo qaado, isla markaana lagu doonayey in lagula dagaalamo qaranimadeeda. “Maanta Marka ugu horaysa kulankani waxa uu ka turjumayaa inaan xusuus u samayno dhacdooyinka qarankeenan ku dhaca oo tani ahayd tii ugu darnayd. Laakiin waxaa jecelahay dhacdadani waxa ay ahayd mid lala beegsaday Qarannimadeena weliba waqti xasaasi ah oo doorasho aynu ku jirno, oo loogu talo-galay in Somaliland lagu wiiqo, oo ay ugu talo-galeen ilaahay kamuu aqbaline in Somaliland halkaas ku dunto oo lagu kala dhaqaaqo” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan jecelahay inaan xusuus ka bixiyo dhacyooyinkii dalkan ka dhacay ee falalka argagixisada ahaa, laga soo bilaabo 19-kii September 2002-dii falkii budhcadnimada ahaa ee gaadhi hay’adda UNDP lahayd ee ka dhacay xaafada Guryasamo ee magaalada Haragaysa, markaas ayey inagu bilaabantay argagixisadu. Waxa ku xigay falkii 5-dii bishii Janaury ee 2003-dii loo gaystay laguna dilay dhakhtaradii Analina ee Talyaaniga ahayd ee ka shaqaynaysa dhakhtarka TB-da Boorama. Waxa ku soo xigay falkii 5-tii bishii koobaad ee 2003-da lagu khaarijiyey macalimiintii lamaanaha ahaa ee Dugsiga Sheekh. Waxaa ku xigay falkii 20-kii bishii tobnaad ee 2003-da budhcadu ka fulisay magaalada Wajaabe ee ay lacagta ku dhaceen. <img src="http://www.sdwo.com/BARORDIIQ4.jpg-for- web.jpg" alt="" /> Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in falalka isqarxintu ka mid yihiin fidno ku soo koradhay dunida, isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo qorshe lagaga hortagayo oo lagula dagaalamayo, waxaannu yidhi; “Waxa inla gudboon inaynu dalalka islaamka ah kaga dayano sida ay ula dagaalamaan kooxahaas sida Sucuudi Areebiya oo kale. Culimada waxaan u soo jeedinayaa oo weliba Wasaarada Diinta iyo Aw-qaaftu ay hormuud ka noqonayo in fadwo lagaga hadlayo noocan dagaalka cusub ah ee weliba Ummadeena diin la’aanta u horseedaya in la sameeyo.” Madaxweynuhu waxa uu ku booriyey dadka waalidiinta ah inay Ubadkooda ilaashaadan, isla markaana ay si toos ah ula socdaan waxyaabaha la barayo. Waxaa kaloo uu mahadnaq u soo jeediyey Madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay inuu qayb-libaax leh ka qaatay daawayntii dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay. Waxaannu reer Somaliland u soo jeediyey inay meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabadgelyadooda Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey baroordiiqda loo sameeyey xuska maalintii qaraxyada, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Maanta waxa weeye maalin aynu doonayno inay u murugoono oo aynu u faataxayno dadkii gar-dardarrada ku dhintay maalintan maalinteedii, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dadkaa jannadii fardawsa ka waraabiyo ilayn garacan gar-darro ah ayay ku dhinteene, waxaana aan hubaa inay ahaayeen dad mujaahidiin ah. Waxaan ilaahay ka baryaa in dadkii farlkaas sameeyey in uu sharkooda intaa inoogu eekeeyo oo aanay gacan-dambe inaga soo gaadhin oo ilaahay inaga xijaabo.” Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo munaasibadaas hadal ka jeediyey, ayaa u duceeyey dadkii ku geeriyooday falalkii argagixisada. Waxaannu sheegay in dadkii falkaas gaystay ee dadka muslimiinta ah nafahooda galaaftay ay cadaabta ku waari doonaan, isla markaana aanay Jannada urin doonin. “Meeshan ee ay ku soo duuleen dee gurigii ilaahay [masaajid] ayaa inta aad aragtaan u jira, dad islaam ahina way galaan oo aan dambi lagu dilo lahayn, oo sababihii la yidhidhi ku dila, qisaas, dhac iyo wax ay gaysteen iyada oo aan midna jirin, ayaa intas oo Islaam ah halkaas nafta lagaga wada-qaaday,” ayuu yidhi Wasiir Suufi. Waxa kale oo munaasibadaas baroordiiqda hadalo ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Md. Xasan Macalin, Badhasaabka cusub ee gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Prof. Siciid iyo Aamina Nasteexo oo ku hadlaysay magaca dumarka. Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa sirshiine@yahoo.com
-
I support In godane ,For the koonfurians Iyaka Emir ka dhigtay halka ha uu joogo
-
Soo dhawooow walaal Ambasssador
-
looooooooooooooool looks funny cawil and cirro
-
qolladiinani boqorka aflagada daa ka dayaa dee
-
He had a real king’s welcome somaha
-
Che are you a puntlander
-
Faisal cali waraabe sends special forces to buhuudle
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidanka Qaranka Oo Joojiyey Madaarkii Laga Macmalayey Buhoodle Buuhoodle, October 29, 2009 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida degmada Buuhoodle ayaa shalay ku waabariistay Airport laga Samaynayey duleedka bari ee degmadaasi, kuwaas oo gabi ahaanba ciidanka qaranku ay si rasmi ah u joojiyeen.Ciidanka qaranka Somaliland ayaa hawlgalka fuliyey, ka dib markii ay ku war heleen in ay dad aan fasax u haysani dhismaha madaarkaasi oo ay todobaadkan ka xaadhxaadhayeen halkaasi goob ilaa saddex kiilomitir dhinaca bari ka xigta degmada Buuhoodle. sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo ku sugan goobtaasi ayaa sheegay in ciidanka in ciidamada qaranka ee ku sugan jiida buhoodle ay hawlgalkaasi fuliyeen, iyadoo ay horsocdeen saraakiil ay ka mid ahaayeen sida la sheegay Axmed Maxamed iyo Ismaaciil Xaashi, isla markaana ay hawshaasi si nabadgelyo ah ku soo dhamaatay gabi ahaana ay joojiyeen dhismihii Madaarkaasi lagu doonayey in lagu hirgaliyo. Warku wax faahfaahin ah kama bixin dadka ku hawlanaa madaarka iyo ujeedada ay ka leeyihiin samaynta madaarka midna, laakiinse ilo xogogaal ah ayaa sheegay in hindisaha madaarkaasi ay wateen kooxdii dhawaan ku shirtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo uu hogaaminayey Garaad Jaamac Garaad Cali oo la sheegay in ujeedada ay u samaysanayeen ay hayd sidii ay saldhig diyaaradeed oo ay ku soo degaan uga samaysan lahaayeen deegaankaasi. -
ONLF need to convince their population not us
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
General Duke the land is called O gaden it has nothing to do with Clan , onlf hunts down every dhabaqoodhi regardless of his clan and his region, why does puntland arrest any one who says its wrong to hand over People from the ismaamul goboleedka somalida Eh Ethiopia. Why cant the these people live in peace in the puntland regions -
Amisom Setting Up Base In Puntland And So-Mafi-Land
Xaaji Xunjuf replied to Cowke's topic in Politics
Buuhuu baha Kuwaasii anaga dhulkayaga ma iman karran -
Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka socda Magaalada Gaalkacyo Written by Jidbaale Thursday, 29 October 2009 13:31 Gaalkacyo(Jidbaale):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ee Waqooyiga iyo Koofur Magaaladaas ka kala taliya. Dagaalkan oo ka socda Xaafadda Godka Cusbada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sida la sheegay ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Hoose ee Puntland iyo ciidanka Gal-Mudug ka soo jeeda oo ka cadhooday howlo lagu burburinayay guryo la sheegay in sharci darro loo dhisay waddooyin ay gaadiidka iyo dadka maraan oo badhtamaha Magaalada marta, wuxuuna kaddib dagaalka u sii gudbnay in ay ciidamada labada maamul dagaalka si buuxda u soo galaan, dagaalkana uu sii xoogeysto. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan yareyn oo labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu dagaalkan geystay, hayeeshee ma jirto cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dagaalka ku dhimatay ama ku dhaawacantay, waxaana taas ugu wacan iyadoo weli uu dagaalka socdo. Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ay dhinaca Warbaahinta isu marsiinayeen eedeymo iyo hadallo lid isku ah oo ku saabsan in uu dhinacba kan kale uu ku soo gardarrooday. Jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Last Updated on Thursday, 29 October 2009 13:44
-
Popular Contributors