Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,827
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Ururka IGAD, Daawo Sawirada Written by Qarannews Dec 06, 2009 at 12:28 PM Hargeysa (Qarannews)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge, warsaxaafadeedkaasi oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qarannews ayaa shaaca lagaga qaaday in uu dalka yimid wafti ka socda dalalka IGAD Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada, Wefdi balaadhan oo ka socda Urur Goboleedka Wadamada Bariga Afrika, marka la soo gaabiyana loo yaqaan IGAD. Wefdigaasi oo uu hogaaminayay, Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, oo wadamada IGAD u qaabilsan arrimaha horumarinta ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo wefdiga kala hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya, waxa uu marka hore ugu mahad naqay wefdiga booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu sheegay Madaxweynuhu in booqashadani aanay noqon doonin tii ugu danbaysay ee ay mustaqbalka socdaalo kale ku iman doonaan Somaliland. Madaxweynuhu, waxa kale oo uu si kooban wefdiga ugaga waramay arrimo ku saabsan gooni isu taaga Somaliland iyo waxqabadka iyo tallaabooyinka horumarka ah ee ay ku tallaabsatay tani iyo intii ay kala soo noqotay xorriyadeed wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya. Madaxweynuhu, waxa uu carabka ku dhuftay in Somaliland aanay ka helin caalamka intiisa kale oo ay ugu horeeyaan wadamada Afrikaanku wixii ay ka mudnayd dhinaca aqoonsiga iyo tix-gelinta ay u leedahay in loo qiro gooni isu taageeda. Madaxa wefdiga oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay, waxa uu ka waramay in ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay warbixin iyo xog fiican ka helaan waxyaabaha horumarka leh ee ay qabsatay Somaliland oo ay ugu weyn tahay Nabad gelyada iyo xasiloonida ay ku caano maashay. Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, waxa kale oo uu Somaliland ugu mahad naqay, tallaabooyinka ay ka qaaday la dagaalanka Argagaxisada iyo Budhcad badeeda, taasi oo u baahan in wadamada kale ee mandaqaduna kaga daydaan Somaliland, gaar ahaan wadanka ay dariska yihiin ee Soomaaliya oo aynu ognahay dhibaatooyinka ka taagan. Gabo gabadii, Hogaamiyaha wefdigu waxa uu ballan qaaday in uu u gudbin doono shirka madaxda wadamada IGAD ee ka dhici doona Magaalada Jabuuti wixii ay ku soo arkeen intii ay joogeen Somaliland”. Kulankani waxa maanta madaxweynaha ku weheliyay oo ka qayb qaatay kulankaasi wasiirka maaliyada,qorshaynta,warfaafinta iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibada iyo wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka , safiirka wareega ee Somaliland iyo xoghayaha khaaska ah ee maadaxweynaha. Qarannews
  2. Originally posted by Che -Guevara: Xaaji...We all seen the pic-no point in plastering it here. say walahi then i will remove it
  3. Xog dheeraad oo laga helay ninkii qaraxa ismiidaaminta fuliyay Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 05-Desember-09 Warar aan ka helnay illo lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyay in shaqsigii shalay isku qarxiyay goobtii ay ka dhaceysay munaasabadda Qalinjebinta uu ahaa shaqsi ka tirsan kooxda Al Shabaab, kadib baaris iyo **** gal la sameeyey. Warar ku dhow dhow maamulka Hotelka Shaamow ayaa xaqiijinaya in shaqsigan oo isku diiwaangeliyay magic aanu laheyn uu kireystay mid ka mid ah qolalka jiifka ah ee Hotelka isagoo hor mariyay kirada muddo 10 cisho ah. Ninkan ayay shalay u aheyd habeenkii 6-aad ee uu seexdo Hotelka, isagoo fursad qaali ahna u helay sidii uu gudaha ugu geli lahaa Hoolka shirarka ee Hotel Shaamow, waxaana la tilmaamay in ninkani uu isku soo beegay xilli dhamaan mas’uuliyiintii Dowladda, Dhaqaatiirtii, Ardaydii, Waalidiintii iyo dhamaan marti sharaftii kaleba ay soo xaadireen goobta munaasabadda. Ninkan ayaa la xaqiijiyay inuu soo gashtay dharka Dumarka, oo ay ka mid aheyd, Xijaabka, Indhashareerka, iyo Goono, taasoo u sahashay inuu bartanka u galo goobta munaasabadda, muddo daqiiqado kadibna ahna markii uu day dayday goobta ay fadhiyeen Wasiirada iyo dhaqaatiirta uu is qarxiyay. Ninkan oo aysan inoo suurta gelin inaan magaciisa helno ayay wararku intaasi ku darayaan in la garanayo beesha uu ka soo jeedo balse waan idiin qarinay sababo la xiriira in cadaawad xun aan loo qaadin, maadaama ay b eel waliba leedahay kooxo qaldan oo si xun u fekeraya. Sarkaal ka tirsan Al shabaab ayaa la xaqiijiyay in shalay uu isku dayay qaraxa kadib inuu sheegto Qaraxaasi in ay ka dambeeyeen Al shabaab, inkastoo markii dambe idaacadii ay la xiriireen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xoogagaasi kuwaasi oo amar dul dhigay una sheegay in aaney sii deyn Karin, laguna soo wareejiyo cajaladii sheegatashaadaasi. Sidoo kale, wareysiga mas’uulkaasi ka tirsan Al Shabaab ayaa sheegay in falkaasi ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray (Mujaahidiinta) ayna la heleen bartilmaameedkii ay doonayeen isagoo tusaale u soo qaatay “Waad arkeysaan alle mahadiis geerida Murtadiinta darteed cirka ayaa Daruur roobaad qarisay,waxaana da’aya Roob, waana barakada Walaalkeen Mujaahidka Is qarxiyay, waana la ogyahay nimankii murtadiinta ahaa ee goobtaasi joogay inay ku le’deen, dadka kalena Alle waxaan uga baryeynaa inuu Janadii ka waraabiyo waana dad Abriyo ah oo la kulmay qadarta Alle oo u qorneyd waqtigooda ayaana intaas ku ekaa” . Maxamed Xuseen Ugaas ugaasyare114@gmail.com* Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda [ December 05, 2009, 03:57 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]
  4. Hmm interesting development but I don’t think faroole can handle this galkacyo not safe bossaso not safe haday qardho ku soo biirto I don’t know what faroole will do
  5. war wuxu indha cas casa ma xalay oo dhan baa sigaar lugu bakhtiinayeey
  6. So students are the enemy of allah . cajib
  7. Sad day indeed students being killed government officials being killed a dark day for ummada somaliyed Ilahay ha uu naxariisto masakiinta ku dhintay iyo wasirada ku dhintay
  8. Waxaasi wa been wadaad sharciga jabbiya wala xiidhaya wadaadka labbada wadaad eeh lascanood laga soo qabtay eeh uu dhashay dalka Ethiopia, maxkamad ba la saaray. Laakin sirdoon Ethiopian anagu warka ma hayno camu
  9. Originally posted by Che -Guevara: ^So sirdoonka Amxaarada ee Laas Caanood joogta ma beynbaa? waxaasii wa been wax jira maha
  10. Good news amaanka gobolka togdheer ba la si adkeynaya , how ever widh widh warka khurafaad iyo been bay ku so daran
  11. what the hell is a dhi maxay ahayeen ma bahalki bixi jiray eeh dhafaruur ba
  12. Dad badan ooku dhaawacmay Banbaano lagu weeraray goob filim lagu daawanayay Magaaalada Boosaaso Wararka ka imanaya goobaha caafimaadka ee Boosaaso ayaa sheegaya in dadkii dhaawacmay ay gaarayaan 25 qof 25 ayaa ku dhaawacmay Magaalada Boosaaso Waxaa soo kordhaya tirada dadkii ku dhaawacmay weerar bambaano ah oo xalay lagu qaaday meel filim lagu daawado oo ku taal magaalada Bosaso. Wararka ka imanaya goobaha caafimaadka ee Boosaaso ayaa sheegaya in dadkii dhaawacmay ay gaarayaan 25 qof oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo dhaawacoodu culus yahay. Sida la sheegayo ma jirto cid weli loo qabtay inay ka dambaysay weerarkaas waxayna saraakiisha amaanku sheegeen inay wadaan baaritaano arrintan ku saabsan. Tirada dhaawaca ee korortay ayaa la sheegayaa inay sababtay firirka ka dhashay qaraxa bambaanada oo saameeyay dad badan oo fadhiyay goobta lagu tuuray bambaanada iyo xitaa iyadoo ay suuragal tahay in dadka dhaawacmay qaarkiis ay ahaayeen dad waddada marayay. Dadkaas ayaa u badan kuwo nabro ka qaba madaxa iyo qaybaha sare ee jirka waxana intooda badan weli lagu dawaynayaa isbitaalka guud ee Bosaso inkasta oo qaarkood ay durba isbitalka ka baxeen oo ay badqabaan. Weerarka bambaano ee xalay ka dhacay Bosaso waxaa lala beegsaday goob lagu caweeyo isla markaasna lagu daawado aflaamta waxayna ahayd meel ay ku kulmaan dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Ethiopia. Qofkii weerarkan ka dambeeyay ayaa la sheegayaa inuu baxsaday mana jirto cid kale oo arrintan loo qabtay ama lagu tuhmayo inay ka dambaysay weerarkan, saraakiisha ammaankuna waxay weli sheegayaan inay wadaan baaritaan arrintan ku saabsan. Gabileynewsdesk Hargeysa
  13. Las year this time puntland was much more save, security in puntland is getting out of hand
  14. killed in Puntland violence Wed, 02 Dec 2009 11:11:12 GMT Font size : Unidentified attackers have killed at least seven people and injured 33 others in Bosasso and Galakacyo towns in Somalia's Puntland region. Most of the victims were from the neighboring Ethiopia and were killed when a bomb exploded at a mosque in Bosasso on Tuesday, a Press TV correspondent reported. Bosasso is in semi-autonomous Puntland, which has been relatively quiet compared to the rest of Somalia. Hundreds of Ethiopians live in Puntland. However, the region is a major base for pirates who have been terrorizing the strategic shipping lanes off the Horn of Africa. Last month, unidentified gunmen shot dead a local member of the parliament and an influential judge who had jailed pirates and al-Shabab rebels. Experts say the region is also home to organized criminal gangs, including money counterfeiters and human traffickers. HSH/AKM
  15. Written by Qarannews Dec 02, 2009 at 06:52 AM Hargeisa (Qarannews) - A delegation from the World Bank arrived in Somaliland yesterday on a visit to hold discussions with the Somaliland government on a range of subjects related to the current development projects taking place in the country. The World Bank delegation was welcomed at Egal International Airport by the Somaliland minister of Agriculture, Mr. Aden Ahmed Elmi, officials from the department of protocol and local World Bank staff. Speaking to the media at Egal International Airport, the Somaliland Agriculture minister, Mr. Ahmed Elmi, stated that the main focus of the World Bank delegation will be on the funding of several projects designed to develop the agriculture and livestock sector of the Somaliland economy. The World Bank delegation are expected to hold a series of meetings with various Somaliland departments and agencies, as well as, visiting the cities of Borama, Buroa, Gabiley, Berbera and other parts of the country in the next few days. In a related event, the Somaliland minister for Livestock, Dr. Idris Ibrahim Abdi was presented with a certificate of recognition by the World Bank delegation for the leadership role played by the department in resolving the Saudi Arabian ban on Somaliland livestock which had been lifted recently. Dr. Ibrahim Abdi played a key role in the construction of a new animal processing centre in Berbera which has contributed greatly the lifting of the Saudi Arabian ban. According to sources from the Arabian Peninsula, the recent arrival of Somaliland livestock in the Saudi Arabian markets has been met with a positive response and a steady demand. Source Qarannews
  16. 1. aga dalkiisii ka carar door ahaan jiraye 2. Dekedii kismaayood ka baqey doora weynuhuye 3. Duuflaale goortii dagaal loola daal jiraye 4. Dul-joogii badnaa baa eryiyo dooyadii qoriye 5. Diide oo fakade waa waxey dab u lahaayeene 6. Kala dide finiinkii sidii deero iyo cowle 7. Derebkiyo oomaarkii ma galo deebluhuu dhaqaye 8. Daaraan ka simay ceelashii dararka weynaaye 9. Darbi baan ka riday wiilashii diinta caasiyaye 10. Waa kaa dagaagii ku tagay dariski gaalaade 11. Waa duqeydiyo suldaan dawar sanaayaaye 12. Darbiyada ha jiifeen ileyn diinti caasiyaye 13. Dabcigeygu uun baan aqoon duulka uu yahaye 14. Sidii dowra muuda ah waxaan dibada meeraabe 15. Dabintuu ku dhacay doqonku waan damac sanaa show’e 16. dalol igama saareeyn inaan degayo Dhoobley’e 17. Dib waxey ka noqon lama ogeyn deeqa eebahaye’e 18. Daliilkaa nin ragi waa ogaa doqonna moogaaye 19. Dan-u guurka maantaan arlada sahal dawaafaayey 20. Dacwadoodu waa tey aheyd durugyey 21. Dadow maqal waxaan soo dul degey derebki waamoode 22. Dadwo maqal waxaan soo dul degey derebki waamoode. Sheikh Mukhtar Abuu Zuebyr Amiirka Alshabaab. Is diiwaangeli hadii aad Suxufi tahay Hassan Adan Samatar Site- Gabdhaha Suxufiyiinta Somalia Site I share the awful situation with you Clickhere
  17. I dunnow, hand granade wa arimaha millatariga wa arin halis ah Mida labaad dee anigu Title ka uun ayaan turjumay
  18. Qarax xoogan oo Caawa Maqribkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Posted: 12/1/2009 7:51:00 PM Shabelle: BOOSAASO. Qarax xoogan ayaa Caawa Maqribkii waxa uu ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Abaara 6-dii maqribnimo iyo 30-daqiiqo ee caawa ayaa qarax xoogan waxa uu ka dhacay magaalda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhow Masaajid wayn oo caanka ah magaalada Boosaaso kaasi oo ku yaala bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa ayaa waxaa la amaainsanyahay in uu yahay bamka gacanta laga tuuro iyadoona ilaa iyo hadda aan la ogayn cida lala beegsaday iyo sababta rasmiga ah ee ka danbaysay qaraxa. Dad goob joogayaal ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay Shabelle u sheegeen in aysan garanayn cida sida rasmiga ah qaraxa loola eegtay hase ahaatee goobta waxaa ka agdhawaa meel Shineemo ah oo laga daawan jiray Ciyaaraha. Waxaa sidoo kale la sheegay in markii uu qaraxu dhacayay laga shakiyay baabuur ay saarnaayeen Ciidan katirsan kuwa amaanka ee magaalada Boosaaso ,waxaana sidoo kale la sheegay in qaraxu uu qaasaro gaystay inkastoo aan si dhab ah ilaa iyo hadda loo ogayn qasaaraha ka dhashay qaraxa. Si kastaba xaalku ha ahaadee magalaada Boosaaso ayaa Caawa waxaa laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ridayaan Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka. Daawo ShabelleTv Online
  19. Anigu waxbaan ogahay dagaalki ugu xuma ba ka so socda Magaalada mogadisho , odaygi sharif intu dalxiisayee lacag farra badan iyo ciidan bu urursaday wana tijaabinaya waad arki doontan.
  20. Originally posted by Jacaylbaro: xaaji is a bit confused supporting ina Godane and Siilaanyo at the same time ,, i don’t support Godane , how ever he is the best thing that happened to the koonfurians in the passed 18 years. He deserves little bit credit, him and his hand cutting factory (shrikada gacan goynta), it’s the only way to bring law and order back to the koonfurians. As for silanyo I trust him I trusted him as the longest serving chairman of the snm , you damn right he has my support as the next president of Somaliland.