Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,624
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    73

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. General Duke the land is called O gaden it has nothing to do with Clan , onlf hunts down every dhabaqoodhi regardless of his clan and his region, why does puntland arrest any one who says its wrong to hand over People from the ismaamul goboleedka somalida Eh Ethiopia. Why cant the these people live in peace in the puntland regions
  2. Buuhuu baha Kuwaasii anaga dhulkayaga ma iman karran
  3. Dagaal u dhaxeeya Ciidamo Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug oo ka socda Magaalada Gaalkacyo Written by Jidbaale Thursday, 29 October 2009 13:31 Gaalkacyo(Jidbaale):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu goor dhaweyd halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Gal-Mudug ee Waqooyiga iyo Koofur Magaaladaas ka kala taliya. Dagaalkan oo ka socda Xaafadda Godka Cusbada ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sida la sheegay ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Hoose ee Puntland iyo ciidanka Gal-Mudug ka soo jeeda oo ka cadhooday howlo lagu burburinayay guryo la sheegay in sharci darro loo dhisay waddooyin ay gaadiidka iyo dadka maraan oo badhtamaha Magaalada marta, wuxuuna kaddib dagaalka u sii gudbnay in ay ciidamada labada maamul dagaalka si buuxda u soo galaan, dagaalkana uu sii xoogeysto. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan yareyn oo labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu dagaalkan geystay, hayeeshee ma jirto cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dagaalka ku dhimatay ama ku dhaawacantay, waxaana taas ugu wacan iyadoo weli uu dagaalka socdo. Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul ay dhinaca Warbaahinta isu marsiinayeen eedeymo iyo hadallo lid isku ah oo ku saabsan in uu dhinacba kan kale uu ku soo gardarrooday. Jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Last Updated on Thursday, 29 October 2009 13:44
  4. Galkacyo: Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Gaalkacyo.... 29. oktober 2009 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email -------------------------------------------------------------------------------- Print This Article | Daabaco warkaan Galkacyo(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay wali socdaan dagaalo udhaxeeya ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Maamulka Galmudug. Dagaalada oo bilowday maantadii hore ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala garay labada dhinac, waxaana dhinaca Waqooyiga ee magaalada kaga dhintay dagaalkaasi, sida ay sheegayaan goobaha caafimaadka dad gaaraya 4 qof, halka ay ka dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux, sida ay APL usheegeen Saraakiil Caafimaad. Koonufurta magaalada ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in ay jiraan khasaare, isla markaasna ay dhinteen tiro aan sugneyn oo ah dhinicii ku jiray dagaalka iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay. Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka, waxaana Maamulka Puntland ay sheegeen in ay hada ku jiraan dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dagaaladaasi. Odayaasha dhaqanka ee dhinaca Koonfureed oo la xaqiijiyey in ay saakada dagaaladan bilaabeen, ayaa sheegay in ay ku jiraan dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi, ayagoo sheegay in aad uga xun yihiin falkaasi. Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Galkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ku aadan xaaladahan soo kordhay, waxa ayna aad uga careysan yihiin talaabadii ay ciidamo taabacsan Galmudug saaka weerarka ugu qaadeen Duqa Magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Xasan. Duqa magaalada ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qarax bam oo saaka lugu qaaday, markii uu hor-socday Shaqaalaha dawladdaha Hoose oo ku jiray dar-dar ku aadan wanaajinta bilicda magaalada Gaalkacyo. Dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayaa lasheegay in aysan galin ciidamada dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, balse ay galeen oo kaliya ganacsatada magaalada iyo ciidamada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo saaka weerar lugu soo qaaday. F. C. Maxamed AllPuntland
  5. Qaramada Midoobay oo ka hadashay sanad-guurada ka soo wareegtay Qaraxyadii Hargeysa Khamiis, 29 October 2009 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa maanta ka hadlay sanad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii Qaraxyada lala beegsaday saddex goobood oo ku yaala Hargeysa oo ay ka mid tahay Xarunta Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP. Sida lagu sheegay War-murtiyeed laga soo saaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HOL, Isu-duwaha arrimaha Xuquuqal-Aadamaha ee Soomaaliya Mr. Mark Bowden ayaa sanad-guurada koowaad ee Qaraxyadii Hargeysa oo ay ku dhinteen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay awgeed, wuxuu sheegay in ay weli sii wadaan barnaamijyada horumarinta. “Sanad ka dib Weeradaas axmaqnimada ah markii la fuliyay, waxaan xushmad iyo qaddarin u hayaa saaxiibadayda aan ka daalin inay caawiyaan Soomaalida ka soo kabanaysa 18 sanno oo ay khilaaf ku jireen, iyaga oo wajaha maalin kasta khatar wayn iyo caqabado ka hor yimaadda shaqadooda intay ka shaqaynayaan goobahan.” Ayuu yidhi Mark Bowden. Subaxnimadii 29 October 2008 ayaa saddex Qarax oo culus lala beegsaday saddex goobood oo kala ahaa; Aqalka Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo sidoo kale Xafiiska UNDP ee Hargeysa, kuwaas oo dhammaantood ay ku dhinteen 25 Qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 35 Qof. Waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay. Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online barqad@hiiraan.com Hargeisa, Somaliland
  6. Khasaaro ka dhashay dagaalada ka socda Gaalkacyo October 29, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0) Khasaaro ka dhashay dagaalada ka socda Gaalkacyo | read this item Horseed Media News Desk. Inta la ogyahay 12-qof ayaa ku dhimatay dad intaasi ka badan way ku dhaawacmeen dagaal iminka ka soconaaya agagaarka Suuqa Weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug. Dadka dagaalkaasi ku geeriyooday iyo dhaawaca ayaa waxaa ay isugu jiraan Ciidamada Dowlada Puntland iyo dadka rayidka ah ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sida Horseed Media ay u xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka ee Cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo markiisi hore ka bilowday howlgalo burburin guryo sharci daro ah ay ku sheegeen maamulka degmada iyo diidmo ay ka muujiyeen ganacsatada suuqaasi ayaa waxaa u soconaaya ku dhowaad toban saacadood,iyado dhawaaqa rasaasta laga maqlaayo gebi ahaanba magaalada Gaalkacyo. Dhaawaca kala duwan ayaa marba marka ka dambeysa la soo gaarsiinaaya cisbitaalka weyn ee magaalada,kuwaasi oo baabur kala duwan ay ka soo daabulayaan aaga dagaalka. Cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa maanta ka badalan sidi u ahaa waqtii hore,waxaana Cisbitaalkaasi hareeyay dhaawaca iyo meydka ku soo waxyeeloobay dagaalkaasi. Xirriiro kala duwan oo Horseed Media ay la samaysay maamulka Galmudug ayaa suurto gelin Isgaarsiinta oo aad u xun daraadeed,waxaana la shaacin khasaaraha dhinacaasi maadaama u dagaalku waqtigan soconaayo. Warar Xog Ogaal ah ayaa waxaa ay sheegaayan in gurmad u soo gaaray ciidamada Galmudug,iyadoo maamulka Puntland ciidan ka tirsan oo ka soo ambabaxay Garoowe ay saacadaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Gaalkacyo. Ma jirto ilaa iyo iminka cid u istaagtay sidi ay u kala dhexgali lahayd labadaasi dhinac,waxaana dagaalku uu u muuqanaaya mid si xoogaysanaaya marba marka ka dambaysa. Horseed Media Back to Top
  7. Somaliland didn’t give permission for an airport to be build in buhuudle
  8. Lets just hope they set up a date for the election now
  9. Adnaan haa de waxa la rabbay ina laga hor taggo airport laga dhiso Buhuudle taasa wey suurta gashay.
  10. Ciiddanka Maamulka Somaliland oo Maanta Gaarey Magaalada Buuhoodle Si Ay Ujoojiyaan Madaar Halkaas Laga Dhisaayo Daawo Sawirada Ciidanka maamulka Sl ayaa maanta gaadhay magaalada Buuhoodle iayada oo uu horkacayo Col. Axmed Maxamed Aadan Guul ( Dalbac) ayna weheliyaan saraakiisha ay ka mid yahiin Col Ismaaciil Xaashi Huruuse, Col Maxamed Sh cabdi Dabcasar (Tuur) & Capt Cali Ducaale ayaa waxa ay saaka socdaal ku kala bixiyeen daafaha magaalada Buuhoodle, halka sidoo kalena ay tageen goobtii laga xaadhayey maalmahan garoonka diyaaradaha inkastoo xiligaasi aanay la kulmin wax dadweyne ah oo la xusi karo oo goobtaasi joogay.Ciidanka ayaa beryahanba ka waday deegaanka hawlo lagu xoojinayo barnaamij ay ugu yeedheen rajo soo celinta Buuhoodle ( Buhotle Restore Operation) waxana ay maanta oo dhan wadeen barnaamij wacyigelin ah oo dadweynaha deegaanka loogu sheegayo inay isdejiyaan, ka dib markii ay dadka qaarkii werwer ka muujiyeen raxanta gawaadhida dagaalka ee gelbinaysay saraakiishani.
  11. ilaahow dhaarta run ka dhig , ilahow ha ka dhigin dhaartii hore eeh kuwii hore oo kalle Oo dacaad ha uu noqdaan inay doorashada qabtan
  12. Somaliland: A Year from the Terror Attack HARGEISA, 29 October 2009 (Somalilandpress) – Today marks the first anniversary of the suicide bombings in Hargeisa, which left twenty four people dead and more than thirty others wounded. It was the first of it’s kind in Somaliland since the declaration of it’s independence from the rest of Somalia in 1992. On the 29th October 2008 at around 10am the first car bomb exploded at the UNDP office, after one minute another one exploded at the Ethiopian Trade office just behind the presidency and the third one exploded in about two minutes after that at the Presidential Palace. The unimaginable has occurred in Somaliland and majority of the people were not aware of what was happening. The whole city was under panic as the smoke raised to the sky, human bodies flying over and the sound of the explosion filled the ears of the city residents. People started to move here and there, all curious and wanting to know what was taking place at their city and country. In no time, it was clear that what has always been seen on the TVs has arrived home. Car bomb, suicide attack and the similar things that are happening in places like Iraq, Afghanistan and other countries are not that far from Somaliland anymore. The same thing happened in Somaliland that day while people were witnessing. Hargeisa hospital was full of dead bodies and those wounded in the attacks. With it’s limited medical assistance and equipment it managed to give the first medications to the victims. Some were flown to Nairobi, Djibouti and other countries for medication. The rest were treated by Hargeisa hospital’s heroic physicians and nurses. After all, it was clear that the Alshabaab group who is based in Southern Somalia was behind the attack. The suicide bombers were identified and some were arrested in connection with the incident while others managed to escape to Mogadishu. Since that time, Somaliland security forces have been proactive in carrying out operations against suspected terrorists in order to prevent such incidents from taking place in the future. The whole population is know helping the authorities in order to prevent from another tragedy. Many were arrested in the last couple of months and some explosives were captured by the police due to police and citizens being proactive on the fight against terrorism. The attacks carried a message for the world that can be summarized as: • Anything that is happening elsewhere in the world can happen in Somaliland and in the Horn of Africa. The actions of Al-Qaeda in Asia can be transferred to other places in the world be it in Somaliland and other countries. • Alshabab is specifically targeting Somaliland this time. They believe the country is a partner with Ethiopia and United States in the war against terror. • Destabilizing Somaliland is a great opportunity for Alshabaab to expand their operations elsewhere in the Horn of Africa where they can establish new training camps and carry out attacks against other countries like Djibouti and Ethiopia. • Alshabab is not different from Alqaeda when it comes to the objectives, operations and danger. In a recent video, the Alshabab leaders were praising Osama Bin Laden as being a hero and promised to take his path. One year from that catastrophe day Somaliland has learned to improve it’s security and to take stronger measures against any possible attack in the future. Somaliland leaders need to focus on the external enemies that the country is facing rather than the internal affairs that is currently consuming most of the country’s resources. There is also a need to focus on the educational system in the country. The youth must be given enough awareness against such extreme ideologies. Today marks a very sad day for the Somaliland people. Many families will remember their loved ones who died during the attacks and wounded will also remember the horrible situation they faced on that day
  13. Hargeysa (SDWO 28/10/09) - Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane ayaa saaka toddobada xubnood ee loo soo magacaabay Komishanka ku dhaariyay xarunta Madaxtooyadda Somaliland, waxaana xafladda dhaartu ay ka hor dhacday Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan labada guddoomiye ee labada xisbi mucaarid Axmed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu toddobada xubnood mid walba gaarkiisa ugu dhaariyay inay daacad u noqonayaan diinta islaamka, dalka Somaliland, dalkiisana ku maamulayaan sinaan iyo cadaalad inta ay xilka hayaan, waxaanu sheegay inay tahay waajib Distooriya waxaanu ilaahay u beryay inuu khayrkeeda waafajiyo. Madaxweynaha Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dhaartii komishanka doorashooyinka ka dib ka hadlay xafladaasi waxaanu hadal duco iyo dardaaran u jeediyay xubnaha Komsihanka waxaanu yidhi “Xafladan waxaan u sameeyay si aanu goob joog uga noqono dhaarta Komishanka si ay labada oday (Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID) si aanu sidii hore uga yara xoojino.horta waxaan idiin rajaynayaa shaqo weyn ayaa halkan idiin taalla,kalsooni baan idin siinaynaaye’e shaqada idiin taala wada shaqayn wadareed ayaad kaga baxaysaan (Team work) baad kaga baxaysaan waxaan idinku dardaarmayaa inaad wadar ku shaqaysaan Anaguna duco ayaanu idiinku daraynaa inuu illaahay hawshaasi idin hortaala idiin fududeeyo. Intaas ayaan Anigu odhanayaa Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in maalinta barri xarunta Madaxtooyada lagu qaban doono xaflad lagu xusayo qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay dalka, 29-kii October ee 2008-dii oo sadex qarax oo kala duwan lala beegsaday xarunta madaxtooyada, Xafiiskii UNDP iyo Safaarada Itoobiya, waxaana qaraxaasi ku dhintay dhawr iyo labaatan qof halka ay ku dhaawacmeen sodameeye kale. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xafladan lagu soo marti qaadi doono axsaabta siyaasada si midnimo loo muujiyo. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bogaadiyay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka ee la dhaariyay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waanu idiin hambalyaynaynaa oo idiin ducaynaynaa, dhaartaas aad qaadeena inaad fulisaan ayaan idiin rajaynayaa. Xilka maanta la idin saaray waa xil weyn oo qaran. Anaguna kalsooni weyn ayaanu idin siinaynaa oo idinku qabnaa waxaan ilaahay inooga rajaynayaa inuu gidigeenba hawsha inoo fududeeyo, waynu ognahayoo dareeno badan baa jira waynu ognahay wixii ina soo maray. Hawshaasi kaga baxa wada jirkiina iyo dhaartaas aad ku dhaarateen. Waxaan ilaahay ka baryayaa inaanaan faro gelin badan idinku samaynin. Xilka la idinka sugayaa waa mid aad iyo aad u culus. Waxaaanu jecel nahay haddii aanu nahay madaxdii xisbiyada iyo murashaxiintii aad u xaqsoorayseen in si siman oo aanaan idinla kala fiqin oo cadaalad ah aad hawshaasi uga soo bixi doontaan.” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isaguna ka hadlay xafladii loo sameeyay dhaarinta komishanka wuxuu yidhi “Ilaahay waxaan idiinka baryayaa inuu xilka idinku asturo, arrintan la idiin dhiibay waa arrin weyn qofka gudoomiyaha aad iska dhex dooran doontaan uu ku soo bixi doono qof khayr lihi. Waxaan jeclahay inaad halkaas ka wadi doontaan oo aad doorashooyin xor iyo xalaal ah qaban doontaan. Waxa la eegayaa bilowgiina waxa aad ku bilowdaan oo aad madax fiican doorataan oo aad tidhaahdaan yaa inoogu fiican oo u qalma oo isku hayn kara dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Laakiin haddii mid kastaa yidhaahdo Aniguna waan geyaa xilka. Tartan baa idinka dhex bilaabmaya ka ku soo baxana hadhoow lala shaqayn maayo.” “Barrito waa 29-kii October waa maalintii aad ogaydeen wixii la inagu soo qaaday, waa inaynu shacbi weyne iyo xukuumad ahaanba wada jir u xusnaa oo dadkeenii xusuusanaa,kuwa hadda inoo soo hanjabayana waa inaynu u sheegnaa inaanu muranka dhexdeena aanay micnaheedu ahayn waanu kala jeednaa. Waxaanu diyaar u nahay oo hal ujeedo oo qudha aanu leenahay waa inaynu dadkeena u sheegnaa inaynu feejignaano, oo meel qudha haddii xabadi ka dhacdo Anagoo maqiiqan oo midaysan inaanu u soo baxayno,” Faysal Cali Waraabe. Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa sirshiine@yahoo.com
  14. Originally posted by Jacaylbaro: maxaad isu tihiin ?? Waxba isu ma nihin
  15. Ina cabdulla xassan fought the British and the Italians And sultan cali shire and Sultan Cali yusufs Abu suber fought Ethiopia, and he is trying to defeat qabil Wa labba dagaal oo aad uu kala duwan markaad eegtiid, Alshabaab qallado aad uu farra baddan bay leeyihin Darawiishtu markay dagaal ku jiireen cadawgu wuu muuqday , imika cadawgu ma muuqdo cadawgu Ma axmed Madooba mise wa sh dalxiis ma somaliland ba ma puntiland baa ma ahlu suna waljamaca ba wa ariin aad uu kala fug.
  16. Abu suber is a great poet xata af carabii buu ku gabyee maanad dhagayssan lol ha uu gafin Axmed cabdi Aw muxummad Godane.
  17. Originally posted by Koora-Tuunshe: Lol@ Xaaji-xunduf Dhulka soo kala baro. S/land waa lagu qaataa fasalada sidey ii sheegeen niman aan gabar ka qabo. Marka iskuulka aad walaal, soo weydii? Dhanka kale, Anigu waxaan soo uruurin karaa inta jeer aad tiraahdeen waanala laayey oo nala kufsadey caalamka sympathy kaga raadiseen. Saxaafada Deyniile ayaa hada ka hor waxaan ka aqriyey iney soo qoreen in ay USC ay idin xoreysay. Ilaa iyo ay USC la dirirtey beelaha D block aysan xornimo helin. Yaa xaaji xunduf... arintaasi maxaa ka jira? waxaagu wa iska hadlo ina igarre ma daynile baad wax ka dhagaysata adigu , waxan islaha waxad ahayd nin wax akhriya oo wax kala og laakin hadabaad daynile wax ka qortiid kaba hadhay
  18. Because dahabshil is a very political active guy
  19. Koora sanaag anigu waxa uu iiqinay 3 Degmo Degmada Ceel afweyn Degmada Ceerigabo Degmada badhan ma wax dhaafsiisan intaas aya jirta
  20. Originally posted by Koora-Tuunshe: Xaaji Xunduf.... In this case, don’t play the victim! Marna I dheh waa la I laayey oo la I fara xumeeyey… Marna dheh anaa wax laayey oo dhiigooda cabey… Caalamka waa inaad hal wax u sheegtaa! Hal af ku hadal, You colonial lover! Anigu waligay ma odhan ina la ii dilay aniga dawladii somaliya liqay oo jabhad uu sameystey wanan ka adkaday somali na ila maanta lama hayo Somaliland ban ku dul sameyee ciid ka hadli karta ma jirto Somali na siidan kaga tagay bay ku balanbalaysa
  21. Its very disturbing Somali females have to go trough all this hell. Who is to blame the African union troops could be, the weak TFG that cant protect its citizens, or the Somali males who fail to rule their country and protect their woman , from Cabiids. Disgusting I say