-
Content Count
29,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Xaglatoosiye iyo Sabarey oo Laga Masaafuriyey Itoobiya January 16, 2010 By Reporter Sida ay sheegayan warar anau ka helnay dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa ciidamada laanta socdaalka ee dalkaasi in ay ka qaadeen baasabooradii Xaglatosiye iyo Cali Sabarey kuwaas markii dambana la masaafuriyey. Warka ayaa intaa ku daraya ka dib markii ay soo gaadheen labadaasi masuul magaalada Jigjiga kuwaas markii dambana ay qabteen ciidamada sirdoonka ee dalkaasi kuwaas geeyey xarunta laanta Socdaalka hase ahaate Garaad Jaamac Garaad cali oo la socday ayaa loo ogolaaday in uu kaligii sii wadan karo safarkiisa ku aadan dalka Somalia. Xaglatoosiye iyo Sabarey oo ay habeen hayeen ciidaamada Amaanka ee dalkaas Itoobiya ayaa shalay (15-01-2010) dib loogu celiyey magaalada Jabuuti oo ay markii hore ka soo kicitimeen. Saleebaan iyo Cali Sabarey ayaa muda sii horeysay ka ambabaxay magaalada Nairobi ka dib markii koox xidhiidh la leh islaamiyiinta Somalia ka dagaalanta ay u doorteen in uu u noqdo Hogaamiye si loo carqaladeeyo magaalooyinka waa weyn ee Puntland iyagoo gabaad ka dhiganaya dib u soo celinta Laascaanood.
-
Al shabaab: Waxaan la dagaalamaynaa maamulka Puntland
Xaaji Xunjuf replied to Muruqmaal's topic in Politics
shacabka puntland iyo dawlada puntland wa mid shacabku dalwadooda ayay ku qanacsanyihin dawlada puntland na waxay u adeegta shacabka puntland. -
Madaxweyne Shariif Oo Sheegay In Waxqabadka Ugu Weyn Ay Qabteen Tahay Furitaanka Idaacada Muqdisho- Lasanod Online. Sunday, January 17, 2010 Muqdisho,(Lasanod Online)- M/weynaha dawlada federaalka ah ee Somaliya, Shiikh Shariif oo ka hadlay waxqabadka dawlada Somaliya 12-kii bilood ee uu ahaa Madaxweynaha. ayaa sheegay in dhismaha hay'adaha dawliga ah sida kuwa amnigu ay ugu muhiimsanaayeen waxqabadka lagu faani karo ee dawladiisu ku guulaysatay. Isagoo ku tilmaamay furitaanka idaacada Muqdisho ee codka dawlada ayaa uu sheegay inay tahay waxqabad ay dawladiisu ku faani karto. Dawlada federaalka ah ee Somaliya ma laha hay'ado amni oo la taaban karo ama ciidan tayo leh oo sugi kara amniga goobaha ay madaxda dawladu ku sugan yihiin. Dawlada ayaa ka tilisa dhawr goobood oo ku yaal magaalada Muqdisho oo laga magacaabi karo Villa Somaliya, madaarka, dekedda Muqdisho & meelo cayiman, iyagana ay ilaalo xoogan ka hayaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdisho. Mar la weydiiyey M/weyne Shariif inta xaafadood ee magaalada Muqdisho ee dawladu ay ka taliso ayaa uu sheegay in ay dawladu xukunto xaafado badan, balse mar la weydiiyey in uu magacaabo tirada xaafadaha, ayaa uu ku jawaabay, in uusan aqoon. Xalka Somaliya ayaa uu sheegay M/weyne Shariif in uu ku jiro dhismaha ciidan amni oo xoogan, hannana kara amniga dalka. M/weyne Shariif waxaa uu sheegay in dawladiisu ay sugi doonto amniga dhammaandka bisha Janaayo sidii hore uu u sheegay R/wasaare Sharma'arke. Mar la weydiiyey in uu jiro jadwal uu degan oo ay ku sugi doonaan amniga ayaa uu kaga jawaabay in aanu sheegi karin. Waxaa uu ka hadlay joogitaanka ciidamo shisheeye ee taageero ciidan, dhaqaale iyo hubba siiya xoogaga Al-shabaab iyo Xisbul Islam ee badi ka arrimiya gobollada Koonfureed ee Soamliya. Waxaa uu intaas ku daray in dawladiisu aanay taageero sidaa u buuran ka helin bulshada caalamka, ayna adaga tahay in ay keligood sugaan amniga dalka. Al-Qaacida ayaa uu sheegay in ay halis ku tahay Somaliya, Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba. Mar wax laga weydiiyey dib u heshiisiinta mucaaradka dawladiisa ayaa uu sheegay in ay dadaalo badan sameeyeen, ayna jiraan qaar ka mid ah mucaaradka oo dawladiisu ku soo biiray. M/weyne Shariif ayaa u waramayey wargaysta maalinlaha ah ee Wall Street Journal. Wariye: Abdiqadir M. Cali admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online.Muqdisho, Somalia
-
President Rayaale Talks About Somalia and Somaliland Recognition
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Waxaanu u aragnay inay anaga waajibkayaga tahay in aanu xallino dhibaatadayada. Laakiin, walaalahayaga Soomaaliya taa ma sameeyaan. Mar walba waxay sugayaan ajaanib in uu u xalliyo dhibtooda. Beesha Caalamku waxay ku bixisaa Lacag ay mid walba siiso, balse waxba kama soo baxaan. Mararka qaar waxaan ku idhaahdaa (Beesha Caalamka), waad kharribaysaan walaalahayo, iyaga isu-daaya oo u ogolaada inay wada-fadhiistaan oo ay dhibtooda xallistaan iyagu.” waleeh taasana beeen ahayn bal lacagta ha ku si gurran inay wax ka badasho 20 sannoh bay lacag iyo hi iyo hoo ba ag tanayeen bal wax haka so saaran -
REALITY CATCH UP WITH SOMALILAND (MIRQANLAND)
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
Originally posted by Cali_Gaab: Djib, when are you going to Hargeisa Somaliland again? Can you say 'Somaliland' horta? -
^^^looooooooool wuu ka hela magacyada baddan lol
-
sacad ducaale wa kuma^
-
REALITY CATCH UP WITH SOMALILAND (MIRQANLAND)
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
^^ dee ugu rid ha farxe eh lol. -
Originally posted by Cali_Gaab: ^Check your pm waan eegay
-
Originally posted by Cali_Gaab: If my memory serves me right, they were established in Kenya. The SNM were established abroad, the only thing left for them to do now is break out their people from Mandheera.
-
Jacaylbaro inadeer sidan wa ceebe nimanka ma yidhahna iska soo hooyda maxa marba Jigjiga iYO Djibouti idin dhigay.
-
Somaliland Ucid party chairman meets with European mps
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Gudoomiyaha xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye CabdiraxmaanCabdiqaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyay laguna wareejiyay dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay Xarunta Senadka iyo Baarlamaanka federaalka ee dalka Belgium (Sawiro) (GNS)Brussels:-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ahee UCID Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka ee dalkan Belgium Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye waxa lagu soo wareejiyay dhamaan goobaha kala duwan ee taariikhiga ee ku yaala xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka ee dalka Belgium. Waxa isla goob kasta oo ay tagaan warbixino kala duwan ka dhagaysanayeen agaasimaha guud ee Baratakoolka xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka, isagoo goobkasta uu ka bixinayay macluumaad ku saabsan sida goobtaasi u shaqayso iyo hawlaha lagu qabto ,iyo waliba taariikhdii goobtaasi la sameeyay Madaxdan sare ee ka socday xisbiyada mucaaridka ah waxay aad ugu qushuuceen dhamaan xogtii baladhnayd ee ay ka heleen goobihi kala duwanaa ee ay ku soo wareegeen, iyo waliba labada goobood ee ay fadhiistaan Senadka iyo Baarlamaanka federaalka oo ah goob muhiim ah oo taariikh leh,halkaas oo ay si joogto ah u fadhistaan xildhibaanada la soo doortay. Intii lagu guda jiray booqashadan xiisa lahayd waxa madaxda sharafta leh ee ka socday labada xisbi mucaarid ay daawadeen Film ka sheekaynaya taariikhdii dalkan Belgium, iyo qaabka siyaasadeed ee dalkan u dhisan yahay. Gudoomiyaha xisbiga UCId Injineer Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisb iga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxay aad ugu mahadnaqeen qaabilaada wacan ee lagu soo dhaweeyay ,iyo sida fiican eel oo ka latusay qaabka uu u shaqeeyo senadka iyo baarlamaanka Belgium . Ugu danabyn waxa waftiga sharafta leh la gudoonsiiyay hadiyad ka socota baarlamaanka federaalka iyo senadka oo ay ugu talo galeen inay kula noqdaan wadankoodii . Saciid Cali Dahir (Sacadguray) Gabileynews Brussels -
REALITY CATCH UP WITH SOMALILAND (MIRQANLAND)
Xaaji Xunjuf replied to djibsomali's topic in Politics
ugu rida ugu rida -
Originally posted by Sikaawe: quote:Originally posted by Muruqmaal: I think federation is only solution for all regions in Somalia but why Somaliland is resistance. Somaliland has not any recourse in their land. I know in the future Somaliland will beg Somala reunite. Somaliland must consider before it happen that sad think. You talked what you like adeer, but the truth is far away from that, Somaliland will never surrender its sovereignty to Somalia. We did get Somaliland as a gift from Somalia but won it in a bloody war and loss of precious boys for it. And you know what, if you want repeat and rematch of the war then we are ready for guys guys, and we are stronger this time and also will give worse bloody noses than the previou. Anyway, we respect fellows Somalis that respect our vision and goals. Somaliland has already established itself as a seperate country albeit not recognised with its own flag, currency and system of governing which basic principles of country. And God willig we will ultimately achieve with our determination. well said.
-
Originally posted by Muruqmaal: Xaji Xunjuf I told you the fact believe or not Lascaanood is belong to Puntland because they are same blood. We know some people of Laascaanood service for Hargaysa they taking money from Hargaysa. This kind of people are not represent the majority of Laascaanood. Hadaad laascanood leedahay , dee maad ku dagaalantiid oo aad ka xooreysiid somaliland. if you believe its part of puntland. And dont say 2 your clansmen wa mid idinka idin taal where is ciidamadi Puntland eeh amaanka sugi jiray maamulka puntland?
-
Xagala-Toosiye Oo Jigjiga Jooga Kuna Soo Jeeda Buuhoodle (Buuhoodle) 16.1-10 Dr Saleebaan Ciise Ahmed Kaar (Xagla-Toosiye) iyo wafti uu hogaaminayay ayaa kusugan magaalada xarunta u ah ismaamulka soomalida ee dawlada federaaliga ee itoobiya waa magalada jigjiga..........Dr Xagla-toosiye waxaa weheliya wafti aad ubalaadhan oo isugu jira Garaado cuqaal odoyaal Aqoonyahano, Qurbajoog,iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa........................................ Mar aanu wax kawaydiinay Dr saleebaan goorta uu kubeeganyahay gudaha ssc ayuu noosheegay in uu filayo maalmahan soosocda sikastaba ha ahatee hogaamiyaha ayaa nooxaqiijiyay xidhiidh aan lasamaynay khadka telfoonka in ay guul ku dhamaadeen safaradoodii ay kutageen dawladaha dariskaa islamarkaana ay hada ay kusiijeedaan xero darawiisheed waxaa mudooyinkii udanbeyay lasugayay in hogaanka iyo waftigiisu ay caga dhigtaan meel kamida gobolada ssc sidoo kalana loobadinayay in ay kadgaan magalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn oo ah degmada qudha ee si xor ah looga dagi karo marka la.eego degaanada kale ee ssc oo dhamantood ay kagacanta ku hayaan mamulka labaxay somaliland dhanka kale magaalada buuhodle ee xarunta goblka cayn ayaa aad looga diyaar garoobay soodhawaynta hogaanka ssc iyo waftiga balaadhan ee lasocda qabanqabada sodhawaynta hogaanka ayaa si habsami leh uga socota magalada buuhoodle
-
Originally posted by Muruqmaal: Guys you know Laascaanood is belong to Puntland that is not doubt. People of Laascaanood were, are and will be forever Puntlander. Punrland and Laascaanood's isimo, leaders, women and men are prepared to get back laascaanood. In this year you will see amazing think from Laascaanood. Somnaliland is part of Somalia they can take federation like Puntland. Muruqmaal the people of lascanood dont even call their elders isimo. they call it cuqaal and salaadin, the difference between The Peopl of somaliland and puntland halkasad ba aad ka arkaysa
-
Muruqmaal waxad adigu puntland adigu la jeceshihid anaga ha no sheegin sxb.
-
Hogaankii SSC Oo Jabuuti Dib Ugu Laabtay- Lasanod Online. Friday, January 15, 2010 Jabuuti,(Lasanod Online)- Wararka aanu ka helay magaalada Jabuuti, ayaa sheegaya in Hogaankii iyo Garaad Jaamac Garaad Cali ay galabta dib ugusoo laabteen Magaalada Jabuuti. Waxayna caawa ku suganyihiin hoteelka Plazier ee magaalada Jabuuti. Ku noqoshadan Jabuuti ayaa waxay ku timid sida la sheegay kadib markii dawladda Itoobiya ay diiday inay socdaalkoodii Somalia ay sii wataan. Xubnahan Hogaanka oo uu wehiliyo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa beryahan ku sugnaa magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya. Iyagoo qorshaynayey inay halkaa uga sii gudbaan deegaanka SSC ee hawdka. Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay ku amartay hogaanka inay dib ugu noqdaan dalkii ay kasoo galeen markii hore, kaasoo ahaa Jabuuti. Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijiyey Shabakadda LASANOD in Garaadka isaga loo ogolaaday inuu safarkiisii sii wato oo Somalia ka galo dhinaca Itoobiya. Garaad Jaamac ayaa la sheegay inuu go'aankaa ku gacansaydhay kuna adkaystay inuu wax laqabo xubnaha kale ee Hogaanka, tasoo sababtay inay dhamaantood dib ugu noqdaan dalka Jabuuti. Wariye: Abdiqadir M. Cali admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online.Muqdisho, Somalia
-
Laascaanood: Somaliland Police officer killed
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
The guy left the mosque when unknown gangs shot him dead Aun to the guy. -
Originally posted by Mr. Red Sea: ^Mr. long foot naga xishood. Sool iyo afaaraha ka bax waryee hadii kale Ethiopia kuu dhiibi doonaa. jk. shaw ninku wa kuwii cagaha dhadheera wa halkan ka fahmi layahay
-
Should somaliland get recognition and support from us
Xaaji Xunjuf replied to Hassan6734's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: Let's talk about recognition ,,, http://www.youtube.com/watch?v=9kYyXzFYNuE halka ka dawo ictraafka somaliland -
Salaadii Jimce Oo Culumada Magaalada Laascaanood Ay Kaga Hadleen Nabadgelyada iyo Qaraxyada (Maqal)- Lasanod Online Friday, January 15, 2010 Shiikh C/naasir X.Axmed. Laascaanood,(Lasanod Online)-Salaadii Jimce ee maanta ayaa culumadu si wayn ugaga hadleen xaalada amaan ee magaalada Laascaanood iyo qaraxyadii dhawaanihii ugu danbeeyay magaalada ka dhacayay- Masjidka ugu wayn magaalada Laascaanood ee Masjid Jaamaca ayaa waxaa khudbad salaadii jimce markii laga baxay uu jeediyay Shiikha Magaalada Laascaanood Fadiilatu Shiikh C/naasir Xaaji Axmed wuxuu wax badan ka waramay xaalada amaanka magaalada Laascaanood iyo qaraxyada magaalada ka dhacaya- Shiikhu wuxuu sheegay in qaraxyada dadka gaysanayaa ay yihiin kuwa ilaahay agtiisa ka fogaaday,isagoo umada islaamka ee masjidka ku tukanayay ka codsaday inuu ilaahay umada ka qabto dadkaas. Halkan Ka Dhegayso Khudbadii Shiikha. Wariye: Abdiqani I. Goox admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online, Laascaanood.
-
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe oo lakulmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Europe gaar ahaan ku taageera qadiyada Somaliland Gudoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu si qoto dheer uga waramay xildhibaanada qadiyada Somaliland(Sawiro) (GNS)Brussels:- Gudoomiyahah xisbiga mucaaridka ahee UCId Injineer Faysal Cali Waraabe oo ku guda jira booqashadii uu ku joogay caasimada Europta ee Brussels ayaa Shalay la kulmay xubno muhiim ah oo ka tirsan Baarlamaanka Europe oo iyagu taageera qadiyada Somaliland, isagoo halkaas kusiiyay warbixin ku saabsan xaalada guud ee Somaliland haday noqon lahayd mid siyaasadeed iyo haday noqon lahayd mid dhaqaaleba. Gudoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu si qoto dheer uga waramay xildhibaanada qadiyada Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo waliba sida wadanka Somaliland ugu soo dabaaleen dimuqraadiyada xisbiyada badan ee sida wayn uga hana qaaday Jamhuuriyada Somaliand . Injineer Faysal Cali Waraabe wuxuu ka codsaday xildhibaanada inay taageera buuxda la garab istaagaan gooni isutaagga Somaliland oo ah buu yiri mid ay gar u leeyihiin,maadaama ay ahaayeen lixdankii Dawlad ka madax banaan koonfurta Soomaaliya. Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Europe ee uu la kulmay Injineer FaysalCali Waraabe ayaa iyaguna dhinacooda balanqaaday inay taageerayaan qadiyada Somaliland, meelkasta iyo goorwalba.Waxaanay soo jeediyeeen in lamideeyo xildhibaanada kala duwan ee dawladaha kala duwan matalaya ee taageersan qadiyada Somalialand si bay yiraahdeen codkoodu intan uga waynaado ,Sida xildhibaanda laga soo dorto dalka Uk oo qaar kamid ah ay taageersan yiihiin qadiyada Somaliland. Ugu danabayn gudoomiyuhu wuxuu aad ugu mahadnaqay soo dhawaynta xildhibaanada ay ku soodhaweeyeen xarunta Baarlamaanka iyo wajiga diiran ee ay ku qaabileen ,isagoo sheegay in fariinta ay soo gaadhsiyeena uu gadhsiindoono cidkasta oo taageerta qaddiyada Somaliland . Gudoomiyaha oo ay baaqashadiisa uu ku yimid xarunta baarlamaanka Europe uu la socday Safiirka Guud ee Somaliland u fadhiya xarunta EECda ee Brussels Mr Maxamuud Dacar . Saciid Cali Dahir (Sacadguray) Gabileynews desk Brussels