-
Content Count
29,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Onlf rebels attack Ethnic Somalilanders in Ethiopia.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Che -Guevara: ^You are confuse citizenship with ethnicity, all deliberately! N you haven't answer, why intervene with Ethiopian issue anyway? Doesn’t Ethiopia intervene with our issues, why can’t we return the favour? , why is it if we intervene with their issues it’s seen as a crime -
Onlf rebels attack Ethnic Somalilanders in Ethiopia.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ethnic Somalilanders live in Ethiopia the same way they live in Djibouti -
Originally posted by Duufaan: poor and dirty as any where else. they are depededent on livstock market from other somalis Whether they are dependent on livestock or other trade , riots happen in the most developed and peaceful countries of the world , but the demonstrations never undermine the law and order in somaliland.
-
Riots happen every where in the world Big deal it’s not like we are in anarchy like the koonfurians
-
sxb waxaasii waxba kama jiran wasiirka warshada muxu dhagaxa u dhigaya mu iska dhisaan uun dawlada ka saaran oo ay private ka dhigtaan arimahooda. why let the goverment take the credit for it
-
dhagax udub dhigto manad idinku ka ilbixin ba horta.
-
Amiin
-
Ciidamada Booliska oo laba qof ku dilay Wajaale iyo Mudaharaad ka dhacay Magaaladaas January 19th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Laba qof ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Booliska ee Magaalada Wajaale toogteen xalay, taas oo keentay in ay dadweynaha ku dhaqani magaalo-xuduudeeddaasi ay maanta isu-soo-bax ka sameeyaan Magaaladaas. Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya, labadan qof oo Wiil iyo Gabadh ah ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Boolisku xalay Rasaas ay ku fureen Gaadhi ay saarnaayeen, taasina waxay sababtay inay labadooduba dhintaan. Dadweynaha ku dhaqan Wajaale, ayaa arrintan maanta kaga jawaabay isu-soo-bax ay cabasho kaga muujiyaan, waxaanay socod ku marayeen Jidadka Magaaladaas. Iyaga oo wararku intaa ku dareen in meelaha qaarkood ay shiideen. Maaha markii u horraysay ee Ciidamada Somaliland Rasaas ay rideen ay ku dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan, hase ahaatee, waxa sanadkii u dambeeyay ee 2009 dhammaadkiisii Ciidamada Booliska Hargeysa rasaas tan la mid ah ku dileen 3 dhalinyar ah oo isu-soo-bax ka qayb qaadanayay. Somaliland.Org Hargeisa News Desk wararkasomaliland@gmail.com
-
Goorma? Komishanki doorashado tallow halkay ka dhaceen beryahan way is nabayaan eh lol
-
Dilki Labada Ruux oo Sababay Mudaharaad Balaadhan oo Gaystay Khasaare Burburiyay Saldhiga iyo Dawlada hoose Degmada Wajaale: Dadwayne Gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska Degmada wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose Daawo Sawiradda Hargeisa (GNS)-Wararka Naga soo Gaadhaya Magaalada Wajaale ee Xarunta Degmada Wajaale ayaa Sheegaya in Mudaharaad Balaadhan oo Saacado Socday ka dhacay Degmada wajaale kaasi oo lagaga soo horjeeday Dhacdadii Foosha xamayd ee Xalay Ciidanka Booliska Somaliland ku Dileen Marxuum Yacquub Seeraar iyo Raxma Maxamed Ismaaciil, mudaharaadkaasi oo ilaa saaka waabarigii ayaa joogsaday Goor dhawayd ilaa abaaro salaadii Casar. Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gabiley News ee Magaalada Wajaale C/rasaaq Maxamuud Aw Daahir (C/risaaq Dhago) labada Marxuum ayaa Goor wakhti danbe ah oo ay ka soo Rawaxay Shaqo lagu dilay iyaga oo hortaagan Guriga Marxuumadda oo u dhaw suuqa wayn ee magaalada Wajaale, Marxuumad Raxma Maxamed ismaaciil oo Suuqa ku iibin jirtay Jaad iyo Marxuum Yaquub Seeraar oo ahaa Dirawal wata Gaadhi rakaab ah ayaa waxay wararku intaasi ku darayaan in maydkoodu yaalo Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa, Maydka Marxuum Yacquub seeraar ayaa waxaa ka muuqday Xabaddo badan halka mid ka mid ah Askartii Rasaasta ku Riday labada Marxuum uu dhaawac ka soo gaadhay Raas loo malaynayo in Daawaha Gaadhigu ku soo Celiyay kaasi oo lagu daawaynayo Magaalada wajaale. Dadwayne Gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska Degmada wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose kuwaasi oo ku weeraray Dhagaxaan ay ku tuurayeen Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Dawlada hoose. Dhinaca kale waxa aan ilaa hadda wax war ka soo saarin Xukuumada Somaliland arintaasi Shaqaaqada keenta, Xukuumada ayaa todobaakii ugu danbeeyay soo dhoobtay degmada wajaale ciidan dheeraad ah tan iyo intii la qabtay qaar ka mid ah dadkii lagu tuhunsanaa inay ka danbeeyeen Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday inta u dhaxaysa Dilla iyo kalabaydh. Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay dadwayne ku sugan Degmada wajaale ayaa sheegaya in habeenkii saacadaha danbe ay gaafwareegaan Ciidan tirro badan oo aan hore loogu arki jirin Degmada Wajaale, halka dadka qaarkood sheegayaan in dhibaatooyin ay ugaystaan Muwaadiniinta Reer Somaliland eek u dhaqan degmada wajaale. Dhakhtarka Wayn ee magaalada hargeisa oo ay yaalaan Labada ruux ee la dilay ayaa ilaa saaka la buuxdhaafiyay iyada oo dadwaynuhu ka sii badanayaa marba marka ka sii danbaysa, dadkuna aad u kacsanyihiin oo laga soo horjeedo in la aaso
-
Onlf rebels attack Ethnic Somalilanders in Ethiopia.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Che Guevara why not If there is such thing as Ethnic Somali There must Be something called Ethnic somalilander. wa laba qawmiyadood dhankayga. Dadka Somaliland wa isku qawmiyad Dadka Somalia na wa isku qawmiyad. wa sida. -
Yes i said if he does go to bosaaso he will lose support from those People that really believed in a state called ssc.
-
Naxar nugaaleed intanu gaalki giib dilnay ayanu waliba mag ka bixinay lol. Well garaad jamac isaga labba af ku hadla mar puntland wuu ka baxay mar wu ku jira mar wa ssc mar wa puntland.
-
Onlf rebels attack Ethnic Somalilanders in Ethiopia.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ No they are not Ethnic Somalilanders live only in somaliland. -
Aniga Suldankaygu Darwiish Babu aha Suldaan nuur Amaan. While garaad jamac ingreesku la socday waraaqo u qor qorayey Marka keene ba martabad roon.
-
Originally posted by Duufaan: This graad, who's granfather signed the indepedent of northern somalia. Pro colonial groups financed and supported the new and old colinial will be defeated again. Ali Jama respond 1904 muslin kuudaran gaal macasha kuudhowra oo aad magansataa dhamaa this is still true for pro colonial gang You mean his father cali garaad his grandfather was killed by ina cabdulla xassan Because darwiish diid buu aha awoowgi
-
Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Ka Degay Bosaaso- Lasanod Online. Monday, January 18, 2010 Garaad Jaamac Garaad Cali Bosaaso,(Lasanod Online)- Waxaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso, Garaad Jaamac Garaad Cali oo Beryahan dalka dibeda kaga maqnaa. Garaad Jaamac ayaa waxaa si diiran garoonka ugusoo dhoweeyey madax sare oo ka tirsan dawladda Puntland iyo dadweyne kasoo jeeda Deegaanka SSC. Garaad Jaamac ayaa lagusoo waramay inuu si toos ah ugu anbabixi doono shirka magalada Holhol ee gogosheeda uu dhigay Garaad jaamac Garaad Ismacciil. Intii uusan ka anbabixin magaalada Jabuui , waxay wararku sheegeen in Garaadku shir albaabdu u xidhanyihiin la galay Madaweynaha Puntland C/raxmaan faroole oo ku sugan Magalada Jabuuti. lamana shaacin wixii ay ka waa hadleen Garaadka iyo Faroole. Warku wuxuu intaa ku darayaan in wada tashi iyo kulan dhex mari doono Isimada jooga Garoowe iyo Garaad Jaamac oo kusoo beegan magaladaas, kadibna loo anbabixi doono Shirka Holhol oo si rasmi ah u furmi doona 22 bisha January 2010.. Wariye: Fadumo M. Hassan Admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online. Garoowe, Somalia
-
Manu garadkani odhan in 2008 kalsoonidi puntland waan kala noqday maxa ku celiyey puntland. naxar he is not in holhol he is bosaaso. Not in holhol he wants to go to holhol we are not even sure he is going.
-
Garaad Jaamac Garaad Cali Ayaa Boosaaso Ka Degay, Kuna Sii Jeeda Holhol. Written by Jidbaale.com Monday, 18 January 2010 14:51 Boosaaso(Jidbaale.com):-Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaadka guud ee beelaha SSC ayaa maanta waxa uu ka soo degay garoorka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Garaad Jaamac ayaa waxa uu ku sii jeedaa deegaanka Holhol oo uu halkaa kaga qayb gali doono shir Madax dhaqameedka SSC uga furmi doona 22.10.2010. Garaadka ayaa muddo safar ugu maqanaa wadamada Kenya ,Jabuuti, Itoobiya, Kuweyt iyo Imaaraadka Carabta. Last Updated on Monday, 18 January 2010 15:25
-
Onlf rebels attack Ethnic Somalilanders in Ethiopia.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Jabhada ONLF Oo Weeraro Dhimasho Iyo Dhaawacyo Keenay Ku Soo Qaaday Deegaanada Hawdka Kililka 5aad Ee Itoobiya Hargeysa January 18, 2010 (Haatuf)-Jabhada ONLF ee ka dagaalanta kililka shanaad ee Itoobiya ayaa la sheegay inay habeen hore mireen dadweynaha dagan deegaanka Daba-raqas oo ka tirsan deegaanada Ayqaad ee hawdka kililka shanaad ee itoobiya, oo la sheegay inay ku dileen nin lagu magacaabay Ismaaciil Yuusuf Jaamac kuna dhaawaceen Axmed Tuur-Caws iyo gabadh ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaas. Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxdhaqameedyada deegaankaas oo wargeyska Haatuf xalay nagu soo booqday islamarkaana nooga xog-waramay xaalada colaadeed ee kasoo cusboonaatay deeganadaasi ayaa iasagu walaac ka muujiyey saamaynta ay ku yeelan karto Itoobiya iyo Somaliland deganaanshahooda. Ugu horayn Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “waxa aan caawa ka hadlayaa in aan war kusoo kordhay ka waramo, waxa ka dhacay meesha la yidhaahdo Dabaraqas oo ku taala kililka shanaad deegaanka la yidhaahdo Ayqaada dagaal ay soo qaadeen jabhada la yidhaahda OLNF halkaas oo ah deegaan ay dadku yaalaan oo beeshu aad u taalo oo deegaankaasna ay ku taalo magaalada Dabaraqas halkaa waxay kusoo qaadeen dagaal ay waliba xili habeenimo ah oo mir ah kadib halkaa ragbay ku laayeen qaarna waa ku dhaawaceen rag iyo dumarba leh waxa ku dhintay AHN nin la odhan jiray Ismaaciil Yuusuf Jaamac waxa kale oo ku dhaawacmay Axmed Tuur Caws iyo gabadh iyaduna halkaa ku dhaacantay, dagaalkaasi markii uu dhacay ee dhimashadaasi ay dhacday waxa is abaabulay oo qoryohoodii qaatay dadkii deegaankaas iyo beeshii halkaa daganayd oo ah beesha Isaxaaq halkaa waxa warku igu soo gaadhay in maantana (shalay) ay ka dhacay dagaal kale oo kii daba socday habeen hore. dagaalkaa ilaa imika inta aynu ognahay meeshu ma laha isgaadhsiin waa meel kililka shanaad ku taala” “dagaalkaa maanta (shalay) dhacay igaadhsiin la’aan awgeed hadana sida la soo xaqiijiyey oo fooniyayaal si tuugo ah meelahaa lagaga soo hadlayaa ay noo soo sheegeen ninka la yidhaahdo Maxamed Rooble Qaare oo dhaawaciisu aad u culus yahay iyo Maxamed Warsame Geele oo isaguna dhaawacan waxa naloo sheegay labadaa nin dhaawacoodii la soo sido, meeshaas waxa ka taagan dhibaato dagaal oo aad layskugu hub urursanayo. Hadaba waxa aan doonayaa in xaalada dalka kusoo koradhay ee deegaankaasi ka dhacday aan dadka reer Somaliland ku wargalino iyo dhibaatada ay ku hayaan markastaba OLNF shacbiga kililka shanaad waxaynanu hore u wada ogsoonahay in dhimashooyin ay hore gaysteen oo laba nin oo baabuur watay oo nin la odhan jiray Ismaaciil Axmed Jaamac oo waliba meel tuulo ah ay si fool xun ugu dileen iyadoo la wada arkayo arintaasi waa arin dhibaatadeeda leh oo soo noqnoqonaysay muddooyinkan-ba, dawlada Ethiopia iyo Somalilandna arrintaasi waxay u baahan tahay in laga sameeyo gurmad iyo wacyi gelin oo dawlada Itoobiya ay itaalkeeda wax kaga qabato oo ay u gurmato shacbigeeda maalinkasta lagu hor gumaadayo. Dawlada Somaliland-na waxaa meesha ka dhacaa waa wax ina wada saamayn kara, markaa xaalada deegaankaasi ka taagan ee colaadeed ha laga war hayo masuul iyo shacbi-ba si degdeg ahna halooga gurmado dhibaatadaasi OLNF-tu ka wada deegaanadaasi, iyada oo aynu hore u wada ogayn baabuurta faraha badan ee shacbigana lahaa ee ay duhurka cad gubeen dadkii watayna inta badan laayeen” -
Jabhda ONLF Oo Dad Shicib ah Ku Laysay Deegaanka Ayqaad Written by Qarannews Jan 18, 2010 at 06:39 AM Daroor,(Qarannews)- Dagaalo ayaa ka dhacay deegaanka Ayqaad oo magaalada daroor hawd kaga beegan, dagalaadaaasi oo kala dhacay laba maalmood oo kala duwan, waxa uu dhex maray deegaanka xagaasi degan iyo jabhada ONLF. Jabhda ONLF, ayaa gaadmo ku soo qaaday deegaankaasi isla markaasina waxa ay si gaadmo ah ku dileen nin isla markaasina waxa ay dhaawac u gaysteen 4 qof oo kale oo ay ku jirto ruux dumar ahi, ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray marxuun Axmed Yusuf Jamac. Sidoo kale sadexda nin ee dhaawacmay ayaa la kala yidhaa Maxamed Rooble Qaare iyo Maxamed Warsame Geele Lanqash iyo Axmed Jiircaws, dhanka ONLF, waxa goobtaasi gaadmada ah lagaga dilay hal nin oo ay ka yaaceeen isla markaasina laga furtay qorigii iyo rasaastii uu sitay, sidoo kale waxa goobtaasi laga dhaawacay laba nin oo dhaawac cararay, taasi oo dhiigoodii la sii raad raacay sida ay wararku sheegayaan. Sadexda nin ee deegaanka Ayqaad ka dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbatal ku yaala magaalada Jigjiga ee caasimada gobolka is maamulka Somalida. Ilaa hada wax war ah oo intaas dhaafsiisani kama ay soo baxin hase ahaatee waxa isna dagaalkaasi gaadmada ah noo xaqiijiyay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, oo ka mid ah salaadiinta beesha Isaxaaq ee Habaryoonis oo noo xaqiijiyay weerarkaasi lay jabhada ONLF ku soo mirtay subax hore oo ay dadku iska hurdaan, suldaanku waxa uu noo sheegay in hada deegaanadaasi ay heegan ugu jiraan sidii ay gardaroooyin kale ay isga caabin lahayd oo kaga yimaada jabhdaasi. Dhowr todobaad ayaa jabhadaasi si xun oo fool xumo ah ay u dishay rag baabuur deegaankaasi meel ka shishaysa raashin geeyay. Waxii war ah ee ka soo kordha kala soco qarannews Last Updated ( Jan 18, 2010 at 06:53 AM )
-
sasay leeyihin tallow maxa lugu arkay?